Attaxyaatka

Waxaa dhigay:
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Fadlan halkaan kala deg Attaxiyaadka oo PDF ah

Decorative Lines

bism Allah

لحمد لله رب العالمين، والثناء لله، أستعينه وأستهديه، و أستغفره وأتوب إليه، وأشهد أن لاإله إلا الله وحده لاشريك له وأشهد أن  حمدا عبده ورسوله صلى الله عله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على سيدنا إبراهيم وعلى سيدنا إبراهيم وبارك على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على سيدنا براهيم وعلى آل سيدنا إبراهيم في العالمين إنك حميد مجيد، أما بعد،

Attaxiyaatka Hore

Attaxyaatka hore Al Imaamu Al Nawawii (الإمام النووي) Allaha u naxariistee wuxuu “Al Majmuuc (المجموع) ku yiri:

  • Salaadda Duhurka,
  • Casirka,
  • Maghribka iyo
  • Cishaha,

Labada Rakco oo hore kaddib, adiga oo fadhiya akhri attaxyaatkaan:

“التحيات، المباركات، الصلوات، الطيبات، لله تعالى، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده .ورسوله صلى الله عليه وسلم

“Attaxiyyaatu, al mubaarakaatu, alssalawaatu, aldh-dhayyibaatu, Lillaahi Tacaalaa, al ssalaamu calayka Ayyuhaa Al Nnabiyyu wa raxmatu Allaahi wa barakaatuhu, wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi alssalixiina, ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa Rasuuluhu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.”

Fiiro gaar: Halkaan waxaad ka daabacan kartaa Attaxiyaadka sida loo akhriyo

Waa Xadiithka afar boqol iyo saddex ee Muslim (مسلم) uu ka wariyay ibnu Cabbaas (إبن عباس) oo yiri: “Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, wuxuu noo bari jiray ataxyaatka siduu Suuradda Quraanka ah noo bari jiray oo kale, markaasuu wuxuu yiraahdaa:

:قولوا

التحيات، المباركات، الصلوات، الطيبات، لله تعالى، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم.”

Quuluu:

”Al ttaxiyyaatu, al mubaarakaatu , al ssalawaatu, al dh-dhayyibaatu, Lillaahi Tacaalaa, al ssalaamu calayka Ayyuhaa Al Nabiyyu wa raxmatu Allaahi wa barakaatuhu, wa al salaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina, ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa RasuuluHu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.”

Al Shaaficii (الشافعي) wuxuu fadli yeeli jiray ataxyaatka ibnu Cabbaas (إبن عباس) oo ka fadli yeeli jiray attaxyaatka uu wariyay ibnu Mascuud (ابن مسعود), oo ah Xadiithka sideed boqol kow iyo soddon ee Al Bukhaarii (البخاري), sababtuna waxay tahay inuu erayga Al Mubaarakaatu (المباركات) dheer yahay oo aan midka ibnu Mascuud (ابن مسعود) ku jirin.

Macnaha
Attaxyaatka Koowaad

Macnaha attaxyaatku waa kanaa, waxaanna kasoo qaadannay kitaabka “Al Futuuxaatu Al Rabbaaniyah calaa al Athkaari Al Nawaawiyyah ( الفتوحات الربانية على الأذكار النو  اوية)” uuna dhigay all caalimu al callaamah mufassiru Kalaama Allaahi Tacaalaa wa khaadima Xadiithi Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Muxammad bin Callaan Al Siddiiqii al sh-shaaficii al ashcarii al Makkii …

العالم، العلامة، مفسر كلام الله تعالى وخادم حديث رسول الله صلى الله عليه وسلم محمد بن علان الصديقي الشافعي الأشعري المكي

… oo la oofsaday sanadka kun toddoba iyo konton Hijrada wuxuuna yiri:

Altaxiyyaatu (التحيات), waa jamaca taxiyyah (تحية), culummaduna way isku khilaafeen macnaheeda. Waxaa la yiri waa Al Mulku (الملك) oo ah Mulkiga oo ah boqortooyada iyo hanashada, taasoo ay gooyeen inta badan ee culummadu.

Waxaa kaloo la yiri waa Alsalaamu (السلام) oo ah salaanta.

Waxaa kaloo la yiri waa al biqaa’u (البقاء) oo ah waaridda uu Ilaahay waarayo oo uusan weligiis dhimanayn waxaana yiri Al Nadru bin Shumayl (النضر بن شميل).

Waxaa kaloo la yiri waa al cathamatu (العظمة) oo ah waynaanta. Waxaa kaloo la yiri waa al ssalaamatu (السلامة) oo ah fiyoobida laga fiyow yahay wax xun iyo naaqusnimo. Waxaa kaloo la yiri waa al xayaatu (الحياة) oo ah nolosha.

Al Muxibbu Al Dhabarii (المحب الطبري) wuxuu yiri:

“Taxayyiyaatka Ilaahay loo sugay oo uu leeyahay waxay ka kooban tahay intaasoo idil oo macna ah, oo haddii loo fasiro inay tahay Salaan ayadaa ugu munaasabsan.  Haddii lagu fasiro boqortooyada iyo waynaantana waxaa weeyey macnaheedu boqortooyada runta iyo dhabta ah oo taamka ah iyo waynaan kaamil ah waxaa iska leh oo ay u sugnaatay Ilaahay oo keli ah, maxaa yeelay intaan ahayn boqortooyadiisa iyo waynaantiisu waa naaqus zuulaya. Haddii lagu fasiro fiyoobidana waxaa weeye qadarinta boqorrada lagu qadariyo tusaale ahaan, Ilaahayna uu yahay Midka taas xaqqa u leh, in kastoo ghayrkiisna uu waji taas ah loo nisbeeyo.”

Hadii waaridda lagu fasirana waa wax Isaga Ilaahay Tacaalaa (الله تعالى) u gooni ah oo cid ku qabsan kartaa ayan jirin. Sidoo kale waxaa ahaa nolosha uusan dhimanayn iyo fiyoobida uu inta xun iyo naaqusnimaba ka fiyow yahay.

Ibnu Xajar Al Haytamii (إبن حجر الهيتمي) wuxuu sharaxa Al Mishkaatu (شرح المشكاة) ku yiri:

Attaxiyyatu (التحيات)

Waxay koobaysaa macnooyinkaas oo idil.

Al Qurdhubii (القرطبي) wuxuu yiri:

“Hadalka taxiyyada (التحية) ku xiga oo ah Lillaahi (لله) waa ku baraarujin ikhlaaska (الإخلاص) cibaadaadka, oo ah inaan cibaadooyinka loo samaynayn waxaan ahayn Ilaahay oo uu isaga khaalis u yahay.”

Ujeedada intaasoo idil waa ammaanidda Ilaahay Subxaanau wa Tacaalaa (الله سبحانه وتعالى) inuu Isagu yahay Maaligga (مالك) iska leh taxiyyatka khalqigiisa.

Waa intaas war kiisu.

Al Mubaarakaatu (المباركات)

Macneheedu waxaa weeye oo baraykaysan.

Barakah (بركة) waxaa weeye badashada iyo kordhinta khayrka iyo karaamada ama daahirinta ceeb iyo naaqusnimo laga daahiriyo, ama sugnaanta intaasoo idil iyo joogtayn toodaba oo ah in si joogta ah loo helo, oo eraygu wuxuu ka yimid “bara kati al ibilu (بركة الإبل) “oo loo isticmaalu oo macneheedu yahay “geelu wuu fariistay”, oo halkaas kama tegin. Isla sidaas ayaa barkadda biyuhu ku jiraan barkad loo yiraahdaa ayadoo ay biyuhu dhexdeeda fadhiyaan.

Al Mutawallii (المتولي) oo ka mid ah kuwa ugu waawayn ee a’immadeenna wux uu yiri:

‘’Saddexda erayba (oo ah al mubaarakaatu (المباركات) iyo assalawaatu (الصلوات) iyo al dhayyibaatu (الطيبات)) waxay tilmaamayaan oo sifo u yihiin attaxiyaatka (التحيات), waana isku mid inaan ku fasirno salawaatka (الصلوات). Cibaad dooyinka oo ah macnaha muuqda ama waxa kaleba oo nasoo maray. Marka almubaarakaatu (المباركات) waa kordhin joogto ah ee attaxayaadka التحيات la joogteeyo oo Ilaahay Tacaalaa (الله تعالى) loo sugay. ‘’

Wa Allaahu Aclam (والله أعلم).

Al Salawaatu (الصلوات)

Macnaheeda waa la isku khilaafay. Ibnu Al Munthir (إبن المنذر) iyo kuwo kaleba waxay yiraahdeen:

“Waa shanta salaadood oo waajibka ah.”

Waxaa kaloo la yiri waa Salaadaha Sunnada ah. Waxaa kaloo la yiri wax intaasba ka guda wayn oo ah salaadaha fardiga ah iyo kuwa sunnada ah ee shareecooyinka kulligood weeye. Waxaa kaloo la yiri waa cibaadooyinka kulligood, waxaana yiri Al Azharii (الأزهري).

Waxaa kaloo la yiri waa ducada khayr lagu ducaysto. Waxaa kaloo la yiri waa raxmada oo ah naxariista runta ah Ilaahay keli ah ayaa iska leh.

Al Dhayyibaatu (الطيبات)

Culummada badankoodu waxay yiraahdeen waa erayada fiican oo ah Thikriga Ilaahay Tacaalaa (ذكر الله تعالى) iyo xusuddiisa. Waxaa kaloo la yiri waa inta fiican ee afcaasha la suubiyo ah iyo hadallada fiican iyo sifooy inka fiicanba. Waxaa wada koobay macnooyinkaas waxaa weeye in la yiraahdo inay al taxiyyatu (التحيات) yihiin cibaadooyinka afka laga cibaadaysto oo hadalka lagu cibaadaysto, iyo inay al ssalawaatu (الصلوات) yihiin cibaadooyinka jirka laga cibaadaysto, iyo inay al dhayyibaatu (الطيبات) yihiin cibaadooyinka maalka xaggiisa laga cibaadaysto. Marka, intaasoo idil waxay u sugnaatay Ilaahay Tacaalaa (الله تعالى).

(وبركاته السلام عليك أيها النبي ورحمة الله)

”Assalaamu calayka ayyuhaa Al Nabiyyu wa raxmatu Allaahi wabaraakaatuHu”

Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam, Ilaahay ammaantiisa xusay, taasna ay addoommadu ku gaareen isagoo laftiisu Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam u keenay, ayuu wuxuu na amray inaan isagana Nabi Muxammad ah Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xusid ku gooni yeelno lagu muujinayo waynaanta sharaftiisa iyo badnida xaqqiisa, oo markaasaan salaamaynna.

Al Salaamu (السلام)

Waa Magaca Ilaahay oo ah Alsalaamu (السلام) kor kaaga ha ahaado, ama salaani Kor kaaga ha ahaato.

.(والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين)

Wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi assalixiina.

Al Baydaawii (البيضاوي)

Waana saaxibu al tafsiiri (صاحب التفسير), midka kitaabka tafsiirka ah sameeyey, wuxuu yiri:

“Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam wuxuu asxaab tiisa – iyo anaga oo idil – baray inay isaga xusidda ku gooni yeelaan sharaf tiisa daraadeed iyo badnida aqqiisa uu ayaga ku leeyahay, kaddibna wuxuu baray inay ayaguna ducaystaan – oo waa calaynaa (علينا).”

Kaddibna wuxuu baray Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam inay salaanta wada gaarsiiyaan inta muslimiinta ah ee suuban – waana cibaada Allaahi assaalixiina (وعلى عباد الله الصالحين), oo ah addoommada Ilaahay ee suusuuban, oo sidaas muslimiinta oo idil loo duceeyo.

Calaynaa (علينا)

…. oo ah salaan na anaga kor keenna ha ahaato waa inta meeshaas ku wada tukanaysa oo imaamka iyo inta ku daba tukanaysa ah ee mu’miniinta insiga iyo kuwa jinnigaba.

Assaalixiina (الصالحين)

… oo ah kuwa suuban oo fiican oo waa jamaca saalix (صالح).

Saalix (صالح) waxaa la yiraahdaa qofka u quma oo guta xuquuqda uu Ilaahay isaga ku leeyahay iyo xuquuqda ay dadka isaga ku leeyihiin. Waxaana habboon inuu meeshaas ku xusuusto oo wada gaarsiiyo salaantaas Anbiyada oo idil iyo malaa’igta iyo mu’miniinta oo idil si ay isku waafaqaan erayaduu ku hadlay iyo qasadkiisu.” Waa intaas warka Al Baydaawii (البيضاوي).

Al Subkii (السبكيWuxuu yiri:

“Qof kastoo muslin ah wuxuu xaq ku leeyahay shanta salaadood oo la tukado maxaa yeelay waxaa ku jira salaan nala wada salaamayo annaga iyo addoommada Ilaahay oo suubanba, oo markuu sidaas yiraahdo qofka tukanaya ducadaasu waxay haleeleysaa addoon kasta oo suuban oo ku sugan Samada iyo arligaba,”

Sida kusoo aroortay Xadiithka ibnu Mascuud (إبن مسعود) oo ay Al Bukhaarii (البخاري) iyo Muslim (مسلم) wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam, yiri:

“فمن ترك واحدة منها سمعت الدعوى عليه”

“Fa man taraka waaxidatan minhaa samictu al dacwaa calayhi”

…oo Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Qofka ka taga mid ayagaas ka mid ahna waxaan maqlaa ayadoo la habaarayo.”

Al Qaffaalu (القفال) Wuxuu fatwo (فتوى) ku bixiyay qofkaan salaadda tukan oo ka taga wuxuu taas ku dhibayaa muslimiinta oo idil, maxaa yeelay qofka tukanayaa wuxuu laabudda yiraahdaa:

(والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين)

Wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi assalixiina.

Markasuu qofkaan tukan i wuxuu ka gaabinaya xaqquu Ilaahay ku lahaa iyo xaqqa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam, iyo xaqqa naftiisa iyo xaqqa muslimiinta oo idil, oo sidaasay ka tegidda salaaduu musiibo wayn ku tahay.” Waa intaas warka Al Qaffaalu (القفال).

Kaddibna waxaa ku xiga qirashada shahaadada oo ah:

(وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم)

Ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa Rasuuluhu, Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam.

Ataxyaadka Dambe

Rakcada saddexaad ee Salaadda Maghrib kaddib iyo Rakcada afaraad ee Salaadaha Duhurka iyo Casirka iyo Cishaha kaddib iyo Rakcada labaad ee labada Rakco ee Salaadda Subax kaddib, adigoo fadhiya ataxyaadkaan soo socda akhri:

التحيات، المباركات، الصلوات، الطيبات، لله تعالى، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم

اللهم صل على سيدنامحمد وعلى آل سيدنامحمد كما صليت على سيدناإبراهيم وعلى آل سيدناإبراهيم وبارك على سيدنامحمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على سيدناإبراهيم وعلى آل سيدناإبراهيم، في العالمين إنك حميد مجيد

اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت، وما أعلنت وما أسررت، وما أنت أعلم به مني، أنت المقدم وأنت المؤخر لا إله إلا أنت. ربنا آتنا في الدنيا حسنة، وفي الآخرت حسنة، وقنا عذاب النار. اللهم إني أعوذبك من عذاب القبر، ومن عذاب النار، ومن فتنةالمحيى والممات، ومن فتنة المسيح الدجال

”Allaahumma Salli calaa (Sayyidinaa)Muxammadin wa calaa Aali (Sayyidinaa) Muxammadin, Kamaa Sallayta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa calaa Aali (Sayyidinaa) Ibrahiima, wa baarik calaa (Sayyidinaa) Muxammadin wa calaa Aali (Sayyidinaa) Muxammadin kamaa baarakta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa calaa Aali (Sayyidinaa) Ibraahiima, fii al caalamiina Innaka Xamiidun Majiidun.”

* * * * *

”Allaahumma ighfir lii maa qaddamtu wa maa akh-khartu , wa maa aclantu wa maa asrartu, wa maa Anta aclamu bihi minnii, Anta Al Muqaddamu wa Anta AlMu’akh-kharu la ilaaha illaa Anta. Rabbanaa aatinaa fii al ddunyaa xasanatan, wa fii al aakhirati xasanatan, wa qinaa cathaaba al nnaari. Allaahumma innii acuuthu bika min cathaabi al qabri, wa min cathaabi al nnaari, wa min fitnati al maxyaa wa al mamaati, wa min fitnati al Masiixi Al Dajjaali.”

Macnaha Qaybta Dambe
Ee Attaxyaatka

“Allaahumma salli calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa Aali Sayyidinaa Muxammadin kamaa sallayta calaa Sayyidinaa Ibraahiima wa calaa Aali Sayyidinaa Ibrahiima wa baarik calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa Aali Sayyidinaa Muxammaden kamaa baarakta calaa Sayyidinaa Ibraahiima wa calaa Aali Sayyidinaa Ibrahiima fii al caalamiina Innaka Xamiidun Majiidun”.

[Waana Xadiithka lix kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo konton ee Al Bukhaarii (البخاري)]

… oo macnihiisu yahay:

“Ilaahayow ku salli Sayyidkeenna Muxammad korkiisa, oo salliga Ilaahay korkiisa waxaa weeye: raxmad kusoo deji, una naxariiso, darajadiisa uu Agtaada ku leeyahay kordhi, darajada uu Jannada ku leeyahayna kordhi oo sare u qaad, sidaasoo kalena qoyskiisa yeel, sidaad ugu saaliday Sayyid keenna Ibraahiim iyo qoyska Sayyidkeenna Ibraahiim, Sayyidkeenna Muxammadna korkiisana barakee, oo ah u ziyaadi oo u kordhi una joogtee, iyo korka qoyska Sayyidkeenna Muxammad, sidaad u barakeysey Sayyidkeenna Ibraahiim iyo qoyska Sayyidkeenna Ibraahiim. Caalamiinta dhexdooda, oo Adigu waxaad tahay Mid ay cid walba ku Xamdido oo Wayne”.

:(اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت)

Allaahumma ighfir lii maa qaddamtu wa maa akh-khartu

”Ilaahayow ii dhaaf oo iga cafi dambiyadaan hore u galay. Nabigu, Sallaa llaahu  Calayhi WaSallam, hore dambi uma gelin ee wuxuu u dambi dhaaf weydiinayaa ummaddiisa, si ummaddiisuna ugu dayato oo dambiyada ka dhacay in laga dhaafo u weydiisato oo markaas ducadooda la aqbalo iyo tawbadoodaba. Ilaahayow waxaad kaloo iga dhaaftaa dambiyada uu raadkoodu harayo iyo dambiyada acmaasha waajibka ahayd oo aan ka tegay, iyo dambiyadaan geli doono mustaqbalka.”

(وما أعلنت)

Wa maa aclantu

”… iyo dambiyada ayadoo loo jeedo aan sameeyey oo la arkay.”

(وما أسررت) 

Wa maa asrartu 

;;… dambiyada aan siraystay oo si qarsoon ku sameeyey.”

(وما أنت أعلم به مني)

Wa maa Anta aclamu bihi minnii

”… iyo dambiyadaan galay oo aad Adigu iiga ogaal badan tahay.”

(أنت المقدم)

Anta Al Muqaddamu

”Adigaa ah Midka qofkaad doontid u hormariya tawfiiqda iyo gargaarkaba.”

(وأنت المؤخر)

Wa Anta Al Mu’akh-kharu

”Adigaana ah Midka dib ugu dhiga midkaad doontid hoojin iyo kala harid gargaarkaaga.”

(لا إله إلا أنت)

La ilaaha illaa Anta

”Ma jiro ilaah aan adiga ahayn.”

(ربنا آتنا في الدنيا حسنة)

Rabbanaa aatinaa fii al ddunyaa xasanatan

”Ilaahayow adduunkaan nagu sii tan suuban, oo ah barashada iyo fahamka iyo ku dhaqanka Quraanka.”

(وفي الآخرت حسنة)

Wa fii al aakhirati xasanatan

”Aakhirana nagu sii tan suuban oo ah jannada.”

(وقنا عذاب النار)

Wa qinaa cathaaba al nnaari

”Nagana badbaadi cadaabta naarta.”

(اللهم إني أعوذبك من عذاب القبر)

Allaahumma innii acuuthu bika min cathaabi al qabri

”Ilaahayow waxaan kaa magan galay cathaabta qabriga la isku caddaabo.”

Abuu Al Faraj bin Al Jawzii (أبوالفرج بن الجوزي) wuxuu kitaabkiisa Bustaanu Al Waacithiina wa Riyaadu Al Ssaamiciina (بستان الواعظين ورياض السامعين) bogga kow iyo toban ku wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi WaSallam, yiri:

“لا يعذب أحد في قبره إلا بإحدى ثلاث: في الغيبة والنميمة والبول”

“Laa yucath-thabu axadun fii qabrihi illaa bi ixdaa thalaathin: fii al ghiibati wa al nnamiimati wa al bawli.”

Xadiithka macnahiisu waxaa weeye:

“Looguma caddaabo axadna qabrigiisa dhexdiisa waxaan ahayn saddex middood,’’

  1. Kow: Xan uu dad xantay.
  2. Laba: Namiimo uu dad isku fiican isku diray.
  3. Saddex: Kaadida oo uusan iska dhiqin.”

Taasi waa qofka muslimka ahaa oo isagoo muslin ah dhinta. Gaalada se qabriga gaalnimadaa loogu caddaabaa oo waxay u tahay god ka mid godadka Jahannama, Allaha naga magan geliyee, anaga iyo muslimiinta oo idile.

Wa min caddaabi an-naari (ومن عذاب النار)

‘’Waxaan na kaa magan galay caddaabta naarta.

Wa min fitnati al maxyaa (ومن فتنةالمحيى)

‘’Waxaan na kaa magan galay fitnooyinka,”

Waa imtixaankee, noloshaan dhexdeeda ah, sida cudurrada iyo waxa jirka dhiba ama diinta ku saabsan ama adduunba ee qofka ducaysanaya iyo inta dad ah oo la xiriirtaba.

Wa al mamaati (والممات)

Waxaan na kaa magan galay fitnooyinka dhimashada, ayna ka mid yihiin fitnada marka la dhimanayo oo uu shaydaan dadka gaal nimada u qurxiyo oo uu ku yiraahdo ama krishtaan nimo ku dhimo ama yuhuudin nimo iyo waxa la midka ahba, sida Axaadiith ku soo aroortay, iyo fitnada sakaraatka dhimashada, dhimasho dabadeedna su’aasha laba malag. Fitnada dhimashadana waxaa ugu wayn caddaabta Jahannama.

(ومن فتنة المسيح الدجال)

Wa min fitnati al Masiixi Al Dajjaali

”Waxaanna kaa magan galay fitnada Al Masiixu Al Ddajjaali (المسيح الدجال), fitnadiisoo kaba wayn fitnooyinka adduunkaan.”

Al Masiixu Al Dajjaalu (المسيح الدجال) wuxuu imaanayaa aakhiru zamanka, Allaha fitnadiisa annaga iyo muslimiintoo idil ka magangeliyee.

Al Masiixu Al Dajjaali (المسيح الدجال) waa nin yuhuudi ah oo ka dhashay qabiil kooda la yiraahdo Benjamin (بنيامين), sida kutubbo kale kusoo aroortay.

Decorative Lines

Attaxyaatka

Waxaa dhigay:
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Fadlan halkaan kala deg Attaxiyaadka oo PDF ah