Qofka Sooma Bisha Ramadaan
Kadibna Raaciya 6 Maalmood
Wuxuu Soomay Sannadka oo Idil

36 X 10 = 360

Qofka soonka badan Maalinta Qiyaamaha Jannada Wuxuu Ka Galayaa Albaab la Yiraahdo (Baabu Rayyaan)

Decorative Lines

bism Allah (2)

 الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Tobanka Dambe ee  Bisha
Barakeysan ee Ramadaanka

”لَيْلَةَ الْقَدْرِ ”

Bisha Ramadaanna waxaa ku jidho habeen, habeennada sannadka ugu kheyr badan, oo ah habeenka Laylatul Qaddarka, habeenkaa oo ajar iyo lagu heli deeq Ilaah ka badan tuu qofku ku heli lahaa kun bilood oo ah 83 sano iyo afar bilood.
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (ﷺ): […]

:قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

مَنْ قَامَ لَيْلَةَ الْقَدْرِ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ وَمَنْ صَامَ رَمَضَانَ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ.

[رواه البخاري 1901]

Macnaha xadiis kana waxaa weeye:

“Qofkii habeenka Leylatul Qadarka salaad habeenkii u kaca qiyaamu leylka – taraawiixda – isagoo Ilaahay darti ugu kici kagana abaal dooni, Ilaahay wuxuu u dhaafaa waxii horay dembi uga dhacay.”

Qofka dumarka ahina waxaa wanaagsan inay gurigeeda ku tukato taraawiixda iyo qiyaamu leylka oo dhan, hadduu masaajidka ka fog yahay, gaadiid gaar ahna ayan heysan, ama jidku aamin aheyn. Waxaana qofka muslimka ah laga dooni inuu si gaar ah u daneeyo, una eegto habeenka Leylatul Qadarka, kuna duceysto ducadii uu rasuulka (ﷺ) baray Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee – ee ahayd: […]

” اللَّهُمَّ إِنَّكَ عَفُوٌّ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي ”

Macnaha xadiis kana waxaa weeye:

“Allow waxaad tahay cafiye cafinta jecel ee i cafi.” [Waxaa soo wariyey Al-Tirmidi, saxayna].

Qofkuna ha ka eego Leylatul Qadarka, oo si gaar ha u daneeyo tobanka cishee ugu dambeeya ee Ramadaan, gaar ahaan habeennada 21aad, 23aad, 25aad, 27aad iyo 29aadka. Habeenka Leylatul Qadarkana waxaa soo daaddaga malaa’igta oo dhammi, iyagoo salaamaya, nabadgalyana u fidin Mu’miniinta tan iyo intay qorraxda habeenkaa – Leylatul Qadarka soo bixi – iyadoo aan fallaaro laheyn, sida ku soo aroodhay xadiiskan: […]

:قال صلى الله عليه وسلم

(صبيحة ليلة القدر تطلع الشمس لا شعاع لها كأنها طست حتى ترتفع)

(رواه ومسلم)

Maxaa ka wanaagsan habeen kaa aan kululeyn, qaboobeynna, ee ku dadaal walaalkay Muslimka ahow badsashada kheyrka iyo inaad Ilaahay ugu dhowaato samafallo kala duwan. Waxaana wanaagsan inaad fariisato ood ku ictikaafto masjid jaamic ah adigoo Ilaahay kaga abaal dooni, ictikaafkaa oo aad ka billaabi gabbal dhaca habeenka ay bisha Ramadaan tahay 21ka kuna dhammeyn gabbal dhaca maalinta ugu dambeysa ee Ramadaanka, tixraac xadiiskan Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee ay Rasuulkaﷺ ka soo warisay: […]

عن عائشة رضي الله عنها قالت : كان رسول الله صلى الله عليه وسلم

كان رسول الله إذا دخل العشر، أحيا ليله، وأيقظ أهله، وجدَ ، وشد المئزر

(رواه البخاري ومسلم)

Waxaana aan ugu yeeri walaalahay Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay bisha Soon ay ka faa’iideystaan, xumo oo idil ka fogaadaan, bishaa iyo wixii ka dambeeyaba daacadda Ilaahay lasumaan, ku dadaalaan, addooma dhab ah Eebbe u noqdaan, dadkuna isu naseexeeyaan wanaagga lays faro, xumaha layska reebo, rugaha ay casharrada diiniga ah ka socdaan laga wada qayb qaato, cilmiga laga soo bartana la dhaqan galiyo.

Qof kastana bishaa waxaan kheyr aheyn Ilaahay uusan ku arag, samaha loo kala tartamo.
Soon kana sidaynu horay u soo xusnay fadli weyn buu leeyahay iyo deeq Allaah – farad kiisa iyo naafila diisaba. Waxaa laga soo wariyey Sahal bin Sacad in Nabiga ﷺ yiri: […]

:الحديث المتفق عليه من حديث سَهْلٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ

 إِنَّ فِي الْجَنَّةِ بَابًا يُقَالُ لَهُ الرَّيَّانُ يَدْخُلُ مِنْهُ الصَّائِمُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ يُقَالُ أَيْنَ الصَّائِمُونَ فَيَقُومُونَ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ فَإِذَا دَخَلُوا أُغْلِقَ فَلَمْ يَدْخُلْ مِنْهُ أَحَدٌ

[(البخاري ( 1763 ) ومسلم ( 1947]

Waxaa laga soo wariyey Sahal bin Sacad in Nabiga (scw) yiri:

“Waxay jannadu leedahay irrid la yiraahdo al-Rayaan, waxaana la oran aakhirada aaway ehlu-soomkii? Kol kuu galo qofka ugu dambeeya ee iyaga ah, ayaa irrid kaa la xiri.” [Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim].

Siduu qof kana uga mid noqdo kuwaa ha ku dadaalo soonka faradka ah ee bisha Ramaadaan, iyo soonka sunnada ah ee uu rasuulka ummaddiisa ku boorriyey, waxaana ka mid ah inuu qofka bisha Soonfur (Shawaal) lix cisho ka soomo, shardina ma aha inuu qofka is xijiyo:

:عَنْ أَبِي أَيُّوبَ الْأَنْصَارِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ

“مَنْ صَامَ رَمَضَانَ ثُمَّ أَتْبَعَهُ سِتًّا مِنْ شَوَّالٍ كَانَ كَصِيَامِ الدَّهْرِ”

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay:

“Qofkii bisha Ramadaan sooma, dabadeedna raaciya lix maalmood ee uu ka soomo bisha Soonfur, wuxuu la mid yahay qof cimri giisii oo idil soomay.” [Waxaa soo wariyey Muslim].

Waxayna u noqon sida qof cimrigiisa oo idil soomay, waayo waxay Rabbi iyo Rasuulki (scw) inoo sheegeen in qofka hal kii wanaag uu la yimaado toban looga dhigi.

Sidaa awgeed hadduu qofka soo soomay bil Ramadaan oo dhan waa 30 cisho, kaddibna hadduu lix maalmood ka soomo Soonfur, isu geyn tooda waa 36 cisho, markaa buu Ilaahay siduu ballan qaadan 36kaa maalmood ka soo qaadi ajar ahaan 360 maalmood, waayo halkii maalin qofka Ilaahay toban maalmood buu uga qori xagga ajarka.

Sidaa buu qofka hadduu soomo bisha Ramadaan, dabadeed raaciyo lix maalmood ee uu bisha soonfur ka soomo uu ula mid yahay sida qof cimrigii oo idil soomanaa.

Ilaahay (swt) ha inaga aqbalo Acmaasha wanaagsan.

Fadlan sii gaarsii walaalahaaga mu’miniinta iyo mu’minaatka.

Jazaakum Allaahu Khayra.