Su’aal & Jawaab

Ku Saabsan Bisha Barakeysan
ee Ramadaanka

Qaybta | 5aad

Fadiilatu: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah

 الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Barnaamajka

{ فَاسْأَلُواْ أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ }

Xalqadii | 17aad

Qaybta | 1aad

DECOLINE1

Su’aasha | 267

Sidee Baa Loogu Soomi Karaa
Wadamada Aanu Qoraxda u Dhicin

‘’Saa’il kaan wuxuu leeyahay Sheekh Maxamed, sidee baa loogu soomi karaa wadamada aanu qoraxda u dhicin ama habeenku aanu kala go’in?’’

Jawaabta | 267

Mas’alada ku saabsan wadamada aan qoraxda u dhicin ama ayna u soo bixin labadaba wey dhacdaa, waa mas’alo masaa’isha ka mid ah () casriga ah ayay ka mid tahay culimaduna wey ka hadleen, waxaana loo badan yahay in ay habeen kii iyo maalin tii ay (qadarayaan) maadaama qorax u soo baxaysa oo u dhacaysa aanay jirin qiyaas iyo qadarin bey ku socon nayaan, waxaan na arrin kaa laga qaatay xadiithka Nabigaﷺ.

Nabigaﷺ wuxuu ka waramay inuu (Dajjaal) imaan doono.

Dhulka wuxuu joogi doonnaa buu Nabigaﷺ yidhi 40 maalmood, afartan kaa maalmood maalin kamid ah sannad bey la ek tahay, maalin kamid ahna bil bey la ek tahay, maalin kamid ahana usbuuc bey la ek tahay, maalmaha intooda kalena waa maalma heena oo kale waaye.

Sidaa markuu Nabigaﷺ ugu sheegay bey saxaabada waxay yiraahdeen Rasuul Ilaahayow: Maalin kaa sannadka u dhigma ee sannadka oo kale ah hal maalin salaaddii ma nagu filan tahay?

Hal maalin oo maalmaha naga oo kale ah shan tii salaadood ee aan tukan jirnay miyaan tukan neynaa ma nagu filan tahay mise sideen yeelnaa?

Markaasaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Maya ee qadar kiisa u qadara qiyaas, yacni maalintii, maalin walba intii ay ahaan jirtay qiyaas, salaada hiina salaad walba waqti geeda qiyaas, sidaa qiyaas taa ku tukada oo maalin walba iyo habeen walba shan salaaddood habeenka iyo maalinta inta u dhigmi jirtay shan salaadood tukada, hadana habeen kii iyo maalin tii inta u dhigmi jirtay shan salaadood tukada u qadara buu Rasuulkaﷺ yidhi.

Xadiis kaas ayaa marka laga qaatay oo waxay leeyahiin, taas oo kale ayay u dhigantaa oo waa meel aan qoraxi ka jirin habeen iyo maalin aan ka jirin ama habeen isku bixis ah ama maalin isku bixis ah. Marka waxay leeyahiin qadar qiyaas taas ayay ku socon nayaan.

Kadib baa culimada waxay isku khilaafeen xagee looga khiyaas qaadan nayaa oo ay halbeel ka dhigan nayaan dhow mad-hab baa isu khilaafay.

Qaar waxay leeyihiin wadamada (muctadi ka) ah sidooda oo kale ayay u dhaqmaayaan oo 24ka saac bay laba qeybood u qeybin nayaan.

  1. 12 saac maalin bey ugu talo galayaan
  2. 12 saac na habeen bey ugu talo galayaan

Laba iyo toban kaa saa ay u qeybiyeen bey salaadahii ayay waqti yadoodii ka dhax qorsheyn nayaan. Ra’yi, ra’yigaas weeye.

Ra’yiga labaad waxay leeyihiin waxay wax ku qiyaasan nayaan Makka iyo Madiina oo (…waxyi) ah. Ra’yi kaana culimada qaar baa qabo.

Ra’yi na wuxuu leeyahay maya waxay ku qiyaasan nayaan oo (taqdiir kooda) ku saleyn nayaan, wadan qoraxda u soo baxo oo u dhacdo midka ugu dhow ayaga, kan ugu sokeeya iyaga ugu xiga, li’ana meesha looga qiyaas qaadan karo waa iyada, ra’yigaas ayay rajaxayaan culimada fara badan oo kamid yahay:

Lajna Daa’ima {اللجنة الدائم} iyo culimad badan ay rajaxayaan Ibnu Cutheymiin iyo waxay leeyihiin…

‘’ اقرب الاقوال الي صح ‘’

Waa kaa isaga ah weeye.

Li’ana Juqraafi ahaan baladka ugu dhow baa waqti gooduna ugu dhow yahay, marka meesha ugu sokeyso ee qoraxda u soo baxdo ee ay u dhacdo meeshaa bey ku (base gareeyn nayaan), waqtigee ay soonka bilaaban, waqtigee salaadaha tukadaan ayagaas oo kale ayay la socon nayaan. Ra’yigaas ayaa ugu xoog badan ugana dhow, sawaabka ugu dhow mas’alada na waa mas’ala khilaafiya.

Taa waxaa ka gedisan oo xusid iyo xusuusin mudan, hadii wadanku ay qoraxi u soo baxdo u dhacdo, ama waqtigeedu ha dheeraado ama ha gaabnaado ayagu qoraxdaas ayay wax ku saleyn nayaan, salaadaha iyo soonka labadaba cibaadaadka xataa qorax dooda hadey 3 saac ama 2 saac soo jeedo iyadaas ayay wax ku saleyn nayaan.

Marba hadii qorax dhacaysa oo soo baxaysa ay jirto ha dheeraato ha gaabato qoladaas qorax dooda ayay raacayaan, ee qolada meel kale aadeeyso ee uga qiyaas qaadan neyso aan kaga hadalnay mas’aladaa hore waa dadka aan qoraxi u soo bixin oo habeen un ku jira ama ma ehee mar walba qoraxdii taaganto oon habeen ba aan helin. Qoladaa weeye qolada hore, laakiin qolada qoraxi u soo baxaysa iyaga qorax doodii bey wax ku qeybsan nayaan ha dheeraato ama ha gaabato.

Hadey dhacdo marka iney qoraxda dheer tahay oo saacaduhu dheer yihiin oo dadka qaar kood soomi waayaan ama ku xanuun sadaan ama awood u waayaan, markaa waxay galeysaa shareecada qeyb teedii (teysiir ka) ayay galeysaa.

وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ”

لاَ يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلاَّ وُسْعَهَا ”

Ruuxii kari waayay wuu iska afuri, hadhow markuu waqtiga gaabtana wuu qaleyn nayaa.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 268

Ictikaafka Tobonka Dambe
Ee Bisha Ramadaanka

”Saa’il kaan wuxuu leeyahay Sheekh waxaan ku jiraa (Icrikaafka) tobonka dambe ee bisha Ramadaan ma isticmaali karaa (social media) sida Facebook ama WhatsApp ictikaaf keyga se wax ma u dhibayaa?”

Jawaabta | 268

Horta (Ictikaaf) maxaa la yiraahdaa baa is weydiin leh!

Ictikaafka waxaa la yiraahdaa…

Waa inuu ruuxa naf tiisa uu ku xabiso, (jail) galiyo, naf tiisa u celiyo Ilaahay (daaca diisa) iyo (digrigiisa) inuu nafta ku xabis.

In uu naf tiisa ka gooyo wax kasta oo mashquulin nayo oo Ilaahay daaca diisa iyo digrigiisa ka mashquulin naaya. Sidaasuu marka wuxuu noqon nayaa ruuxu jidh kiisa iyo qalbigiisa baa ruuxu ictikaafay oo hammi kale aan lahayn;

  • Ilaahay wax raalli geliya
  • Daaca diisa
  • Cibaadada

Ibnul Qayyim () wuxuu leeyahay kitaab kiisa (LaTaa’iful Macaarif):

‘’Ictikaafka macna hiisa iyo xaqiiqa diisu waxa weeye, waa inaad xiriirka u gooyso (maqluuqaadka) oo dhan, kadibna xidhiidh kaaga uu ku xidhmo Ilaahay (khidmadiisa) iyo adeeg giisa iyo cibaada diisa.’’

Marka waxaad meesha u soo gashay in aad adduun yadii ka soo go’do, suuq yadii ka soo go’do, xataa gurigaagii iyo ilmahaagii ayaan laguu ogoleyn in aad siyaarato, ruux xanuunsan inaad soo booqato ayaan laguu ogoleyn. Meeshaa waxaad u gashay (calashaan) adduun yadii baan iska soo xidhxidhay (Khalwo) weeyaan Ilaahay daaca diisa ayaan la khalwoon nayaa, oon ku cidleyssan nayaa.

Macnaha markuu Ictikaafka yahay wax kasta oo qasaaya lama ogola marka, haa leyska (haasaawo), leyska sheekeysto ee muxuu ahaay xataa iskaba  (social media) u kaadiyee, inaad muxuu ahaay intaad iska fadh fadhiisataan oo iska sheek sheekeysataan oo maanta oo dhan leyska haasaawo oo leyska qosqoslo oo leyska maadmaadsado oo ma aha adeer maad banaanka iska joogtid maad dana haaga iska qabsatid. Waxaad meeshaa ugu soo xarootay waa macna qaas ah.

Sidaas daraadeed ((social media)) in Ictikaafka lagu isticmaalo ma burin nayo Ictikaafka laakiin shaki malaha inuu ajarka wax badan u geysan naayo, sababta waqti badan baa kaaga baxaayo yacni

  • Internet ka aad ku jirto
  • Facebook ga aad galeyso
  • Tweeter ka wax yaalahaan aad ku dhex jirto.

Tan labaad weeyaane (social media) markaad gasho wax (muxaram) ah iney ishaada ku dhacayso shaki kuma jiro iyada oo mas’ala kale dhib u geysan neyso. Sidaas daraadeed meeshaan intaad ku jirto waxaan (daruuri) ahayn oon qasab ahayn oo lagama maarmaan aan ahayn oo dhan waa inaad iska xidho waaye.

Saas daraadeed baa qaar kamid ah waxay leeyihiin (karaaha) ayaa ku jirto ugu yaraan, waxaa se aan dhib lahayn wixii hadal ah ee aan badneyn, sheeko aan badneyn, xaajo yar oon badneyn oo ruuxu mathalan aan cibaadadii ka mashquulin neynin wuu geli karaa oo waxaa ku tusayaa, Nabigeenaﷺ xadiiskii Safiya bintu Xuyey waxay tiri:

Nabigaﷺ wuu ictikaaf sanaa markaasaan Nabigaﷺ u imid habeen nimo oo aan booqasho iyo siyaaro ugu imid waa xaas kiisa, markaasaan Nabigaﷺ u sheekeeyay bey tiri yacni xoogaa baan Nabigaﷺ la fadhiyay oo aan la sheekeysan naayay oo aan u sheekeeyay, markaasaan istaagay si aanu laabto bey tiri, markaan Nabigaﷺ mudo la fadhiyay oo aan la sheekeystay baan noqday, markaasuu Nabigaﷺ istaagay si uu ii sagootiyo oo iiga saaro masaajidka.

Markaa waa marka ay iyada oo Nabigaﷺ sii bixin naayo ay laba nin oo saxaabi ah arkayaan oo ay cagta xadayaan oo ay yara laxaad sanayaan ee uu Nabigaﷺ leeyahay waa Safiya iska tartiibsada waa xaas keyga Safiya markuu Nabigaﷺ leeyahay waa.

Marka waxaa ka muuqda Nabiga oo ictikaafsan xaas kiisa Safiya ayaa u soo gashay wuu la yara sheekeystay kadibna wey gadoontay oo wey noqotay.

Sheeko yar oo marka ruuxa uu yara daalo in nassan naayo mushkila maleh laakiin waqti gaaga inaad (social media) geliso meesha umaadan fadhiisan waa in leyska yareeyana hawlaha noocaas oo kale ah.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 269

Miyay Sugan Tahay In La Kor Yeelaya
Xijaabka u Dhaxeeya Allaah iyo
Adoomadiisa Waqtiga Affurka

”Miyay sugan tahay in la kor yeelaya xijaabka u dhaxeeya Allaah iyo adoomadiisa waqtiga affurka?”

Jawaabta | 269

Ma arkin wax xadiis ah oo macnahaa sheegaya, bal xadiista Nabiga ka sugan waxay tilmaameysaa in xijaabka Alle iyo adoomadiisa u dhaxeeya hadii la feydo ineyba maqluuqaadka guban nayaan oo shiilmayaan oo waxba ka soo hadheynin.

Waxaa tilmaamayaa xadiiska (fii saxiixil Muslim khayrihi min Xadiis) Abii Muusaa al-Ashcari Nabigaﷺ wuxuu yidhi markuu Alle ka waramayay…

‘’ حجابه النور  ‘’

‘’وفي رواية أبي بكر النار لو كشفه لأحرقت سبحات وجهه ما انتهى إليه بصره من خلقه”

Allaah iyo adooma hiisa waxa kala xijaaba ee u dhaxeeya waa nuur, waa iftiin ama naar ayaa ilaahay iyo adooma hiisa u dhaxaysa, haduu Ilaahay xijaab kaa feydi lahaa wajigiisa dhalaalka ka baxayaa iyo iftiinka ka soo baxaaya wuxuu gubi lahaa oo shiili lahaa shey kasta oo uu arag giisu gaadho oo maqluuqiisa kamid ah.

Yacni lama xamili karo.

Ilaahay (صبحانه و تعل) maqluuqa hada saan u abuuray Allaah () inaan aragno ama daawano ma xamili karno, laakiin aakharo marka la tago abuur cusub oo kan ka gedisan baa leysku abuurayaa oo aan xamili karno oon ku raaxeeysan neyno Ilaahay daawasho diisa marka. Marka Ilaahay xijaabka u dhaxeeya iyo adooma diisa oo nuurka ah hadii la feydo maqluuqa waaba guban nayaan ba ma xamili karaan.

Xadiiskaa saxiixa ah ayaa Nabigaﷺ ka sugan kaa isaga ah waaye.

Marka, marka la affuraaya ayaa xijaabka la feydayaa, hada war kaasi xadiis sheegaya ma aanan arkin, bal xadiiska Nabiga ee sugan ee saxiixul Muslim ka aan sheegnay ah toos buu uga hor imaanayaa. Marka wax jira ila aha.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 270

Maalin Soon ah Ayaan
Safar Ka Soo Laabatay!

”Saa’il kaan wuxuu leeyahay Sheekh, maalin soon ah ayaan safar ka soo laabtay waana affurnaa waxaan guriga imid markaa xaas keyga oo daahir noqotoy iyaduna affurneyd, mudo na waan kala maqneyn waan is barakeysan nay. Galmadaasi aan maalin soon ah sameynay dembi ma ku leenahay?”

Jawaabta | 270

Maya! Iska wata hawshiinaa dhib malaha….

Maadaama aad (sharcan), shareecada ay labadiiba idin ogolaatay in aad affurtaan…

  • Nin kaana safar buu ka yimid oo shareecada ayaa u ogolaatay inuu affuro
  • Islaantana shareecada ayaa u ogolaatoo (caado) ayay qabtay

Labadaba maadaama ay si sharci ah ku affuran yihiin, wixii shareecada u fasaxday wey sameyn karaan.

  • Cuntadii bey cunayaan
  • Cabitaan kooda ayay wadan nayaan
  • Wey isu galmoon nayaan

Wax mushkila ah male wax dembi ah kama soo gaadhayo, sidaas ayay culimada leeyahiin.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 271

Maalin Kii Soonka uu Bilaabannaayay
Ma Aan Soomin oo Bishii Ma Arkin!

”Wuxuu saa’il kaan leeyahay. Sheekh maalin kii soonka uu bilaaban naayay ma aan soomin oo bishii ma arkin, wax noo sheegana ma helin. Marka maalin taas ma soo qaleyn nayaa mise cudur daar baan leen nahay?”

Jawaabta | 271

  1. Dhinac cudur daar baad ka leedahiin,
  2. Dhinac na (qala) ayaa la idinka rabaa

Dhinac cudur daar baad ka leedahiin oo hadeydaan ogeyn bishii iney dhalatay, wax idin sheegana aydaan helin, inaad affur neydeen dembi idinka soo gaadhi maayo oo cudur daar baad dhan kaa ka leedahiin.

Li’ana dembiga wuxuu yimaadaa (bacdal cilmi).

Marba haduusan ruuxu sheyga ogeyn, waa wax yaalaha uu Ilaahay ummada Nabi Maxammadﷺ uu ka kor qaaday.

Dhanka kale oo aydaan cudur daarka lahayn waxa weeyaan, waa dhanka (qalaha). Maalin kii idin dhaaftay waad soo qaleyn neysaan. Li’ana waxa weeyaan maalin Ramadaan ahayd, aad rumeysan tahay iney Ramadaan ahayd, ku dhaaftay, qala ayaa waajib kugu ah waa in aad soo geliso.

Laakiin hadii aad maalinka dhex diisa ogaatay, in dadkii soomeyn oo ay Ramadaan tahay, hadaad maalin nimada ogaatay, in aad iska sii cunto ma ehee, markaa aad ogaatay inaad soonka bilaawdo waaye, waa inaad markaad ogaatay aad joojiso cuntada ilaa ay qoraxdu ka dhacayso.

Waxaa laga qaadan nayaa xadiiska (fii saxiix) ku yimid, soonka ramadaan inta aan la waajibinin, waxaa waajib ahayd in la soomo (yowmu caashuura) maalinta Cashuura (cala saxiix) sida xadiiska laga qaadan naayo.

Nabigaﷺ subax, subxaha kamid ah wuxuu yidhi:

‘’ Ruuxii wax cunay inta waagu baryay, maalinka inta soo hadhay yuusan wax cunin, ruuxii aan waxba cunin na ha soomo oo maanta ha soomo.’’

Marka dadkii subax nimadii wax cunay aan la soconin maanta iney (Caashura) tahay, Nabigaﷺ wuxuu amar ku siiyay maalinka inta dhiman soommanaada.

Saas daraadeed marka ogaan shaheeda aad ogaato oo cilmi geeda ku soo gaadho, maalinka xiliga ay dooneyso haka ahaato ayaa la doonayaa in aad (af haysato).

Hadaan sidaasi sameeyo maalin kaasi ma ii jiraa?

(bacdu ahlul cilmi) culimada qaar wey qabaan.

Xaafid ibnu al-Xajar, [fatxul baari] buu ku (taqriiriyay) (bacdu ahlul cilmi) baa qaba oo intaa baa Ilaahay adoonka ku kalifay waa intuu ogaaday, markuu ka war helay saas daraadeed maalin kaa laguma laha.

Qaar na waxay leeyihiin sidii culimada u badan yihiin maya, maalin kaas inta laaban na waa inuu (af haysto) oo soomanaado, maalin kaana waa in uu soo qaleeyo. Maxaa yeelay soon maalin (half) keeda ma jiro, soonku waa maalin dhameys tiran, maalin qaar kamid ah oo soon ah ma jirto bey leeyihiin.

Waa midda labaadee niyadii (rukniga) ahayd ee lagama maarmaanka ahayd, habeenkii ma soo niyoonin. Sidaas daraadeed soon kaas maalin kaa waad soo qaleyn bey (jamhuurtu) qabaan, waa (mas’ala farci) weeye, xiliga ay ku soo gaarto in ay ramadaan tahay wixii ka dambeeya maalin taa waa inaad af haysato waaye.

Maalin kaas ma xisaab san yahay ama kuuma xisaab sana waa mas’ala kale oo (khilaafi) ah waaye.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 272

Xaas Aan Kala Tagnay iyo Ilmo ay Dhashay
Zakaatul Fidri Maka Bixin Karaa

”Waxa uu saa’il kaan leeyahay: Sheekh xaas aan kala tagnay iyo ilmo ay dhashay, ilmahu isagu umay dhalin, xaas aan kala tagnay iyo ilmo ay dhashay (Zakaatul Fidri) maka bixin karaa, macnaha qof ayan (nafaqa diis) waajib ku ahayn maka bixin karaa?”

Jawaabta | 272

Ilmaha hadey adiga kuu dhashay, taas iyada hadal male waa ilahaagii (Zakaatul Fidri) waa lagugu leeyahay.

Amaa hadey ilmaha adiga kuu dhalin iyadiina aad kala tagteen, zaka dooda waajib kuguma aha (Zakaatul Fidri) gooda adiga laguguma laha.

  • caruurtana aabe hooda iyo
  • waalid kooda baa lagu leeyahay,
  • iyadana hadey awood leedahay iyada ayaa laga rabaa,
  • haduu nin qaba na nin keeda ayaa laga rabaa

Saas daraadeed waajib kuguma aha laazim kuguma aha.

Hadaad tiraahdo laazim iguma aha laakiin siday su’aasha u taalo maka bixin karaa, oo maku sadaqeysan karaa. Wax diidaya oo sharci ah ma jiro.

  • Waad ka bixin kartaa
  • Waad ku sadaqeysan kartaa

Laakiin waa inaad u sheegto oo ay ogaadaan, oo ogg yihiin inaad (Zakaatul Fidri) gii aad ka bixin neyso, maxaa yeelay (Zakaatul Fidri) ga ruux walba goonigiisa isaga ayaa laga rabaa, qaasatan dadka qaan gaarka ah oo awooda leh iyaga ayaa laga rabaa. Marka si aynan u dhicin iyaguna bixiyaan adiguna aad ka bixiso ama aynan ayagii ay u ogaadaan waajib kii saarnaa meesha lagu bixiyay iyo cidda bixisay waa inaad la socod siiyo oo ay ogaadaan waaye.

Marka waad ka bixin kartaa dad aan nafaqa dooda kugu waajibin na waad ka bixi kartaa, ruux ajnabi ah waad ka bixin kartaa oo (Zakaatul Fidri) ga lagu leeyahay (sharcan) wax diidayo ma jiro.

  • Hadaad tiraahdo maku sadaqeysan karaa oo maka bixin karaa (haa) waaye.
  • Laazim ma igu tahay n hadey tahay waa (maya).

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 273

Ma Banaan Tahay
In (Zakaatul Fidri)
Lagu Bixiyo Lacag..?

”Saa’il kaan wuxuu leeyahay (asc). Sheekh ma banaan tahay in (Zakaatul Fidri) lagu bixiyo lacag?”

Jawaabta | 273

Mas’alada (khilaafiya) weeye.

Sida axaadiista Nabigaﷺ ku soo aroortay na waa cunto in la bixiyo, waana sida ay qabaan (jamaahiir ahlul cilmi).

  • Maaliki yada
  • Shaafici yada
  • Iyo Xanaabilada
  • Iyo in badan oo kamid ah (muxadith siinta)

Waxay leeyahiin qiimo iyo lacag (Zakaatul Fidri) ga laguma bixin karo.

Maxaa yeelay Nabiga marka uu leeyahay cunto hala bixiyo ama xili giisii cunto la bixin jiray lacagta wey jirtay waa la isticmaali jiray, sabab baa jirtay marka lacagta looga leexday oo cunto loo aaday (xikmo) ayaa ku jirto.

Saas daraadeed nin kii lacag ku bixiyay (Zakaatul Fidri) gii kama bixin bey qabaan culimada culimada badan kood.

Waxaa uu Nabiga ku (cileeyay) markuu ka hadlaayay (Zakaatul Fidri) ga, wuxuu ku cileeyay:

ما جاء في حديث عبدالله بن عباس رضي الله عنهما قال : ” فرض رسول الله صلى الله عليه وسلم زكاة الفطر طهرة للصائم من اللغو والرفث ، وطعمة للمساكين . من أداها قبل الصلاة فهي زكاة مقبولة ، ومن أداها بعد الصلاة فهي صدقة من الصدقات ” أخرجه أبوداود وابن ماجة بسند حسن

‘’ طهرة للصائم, وطعمة للمساكين’’

‘’Dadkii soomanaa na soon koodii bey daahirin neysaa ayagii bey daahirin neysaa oo nadiifin neysaa sadaqada (Zakaatul Fidri) ga ah.

Waa marka labaadee masaakiinta na quud bey u tahay (طعمة) waa quudin, waa cunto, waa wax la cuno.’’

Sidaas daraadeed ayaa waxaa raajix ah in aanay lacagta ku baxaynin.

Waxaa kaloo culimada qaar kood ku cileeyaan sida sheekh ibnu Cutheymiin oo kale ay ku daraan, waxay leeyahiin hadii lacag laga dhigo ee la yiraah (Zakaatul Fidri) lacag ha lagu bixiyo, waxay u badan tahay in ay gasho dad aan mudneyn gacan tooda oo (taajiriin tii) baaba qaadan sooma aha.

2 kiilo iyo badh oo bariis nin xoogaa lacag haysta kaa qaadan maayo, laakiin yaa qaadan? Yaa! Miskiin baa qaadan. Laakiin wixii aad ku soo iibisay dhow boqol oo shillin na hadaad tiraahdo waan qeybinaa, taajirka xataa gacanta ayuu hoorsanaa sooma aha?

Ileyn lacagta nin walba wuu qaataa sooma?

Waxa kaleeto uu ku darayaa, waxay keeneysaa in lacag un la bixiyo iney qarsoonto (shaciirada) yacni calaamada muuqatay ee ah;

  • (Zakaatul Fidri) oo la bixin naayo,
  • Dukaama dii hor toodii,
  • Masaakiin tii oo qaadaneysa

Waa muuqaal shareecada rabto waaye.

Hadii la yiraahdo lacag ha la isu dhiidhiibo oo hoosta ha la isaga dhiidhiibo na, muuqaal kaasi sharciga (shaciiradii) wey qarsoomeysaa buu leeyahay.

Waxaa (ixtiyaadka) iyo dalaalka keenaya in lagu ekaado in raashiin la bixiyo, amaa ciddii ay la xoog badnaato mad-habka kale waa mad-hab (Abuu Xaniifa) in lacag ay ku bixin karto, waa mas’alada diin ahaan intuu u baaroo ku qanca.

Ama mad-habka (xanafiga) ama culimad diisa iyo dadka haysata ba ayagu sidaa hadey ku qanacsan yihiin waa mas’ala khilaafiya oo, ruuxa qaabkii sidii la (rajaxanta) haduu ku dhaqma, wax mushkila aha male.

Laakiin waxaa xoog badan, (Zakaatul Fidri) kuma lacag kuma baxayso ee raashiin bey ku baxdaa.

Waxaa xusid mudan, in aad baraarujino marka aan leenahay lacag kuma baxdo, macnaheeda waxa weeyaan, in masaakiin tii lacag la siisay ku baxaynin, waxaa ka gedisan haduu ruuxu lacagta soo dirsado oo raashiin lagu iibiyo wakil intuu sameysto raashiin lagu gado oo masaakiin tii sidaa lagu siiyo.

Ruuxaasi lacag ma bixinin ee raashiin buu bixiyay.

Waana dadka qurbaha jooga wadama daasi aan masaakiin raashiin qaadaneysa ba aan laga heleynin, sida ay (Zakaatul Fidri) ku bixin nayaan waa iney lacagta soo diraan, meelaha masaakiinta joogto u soo diraan, raashiin lagu iibiyo, sidaana (Zakaatul Fidri) lagu bixiyo.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 274

Meesha Aan Joogo Meel Aan Ahayn
Maku Bixin Karaa Zakaatul Fidriga?”

”Saa’il kaan wuxuu leeyahay (asc). Meesha aan joogo meel aan ahayn maku bixin karaa (Zakaatul Fidri) ga?”

Jawaabta | 274

Asalka (Zakaatul Fidri) ga iyo (Zakaatul Maalka), zakada xoolaha ka go’da iyo (Zakaatul Fidri) ga badanka bani aadamka laga rabo, laba doodaba waxaa asal ah, waxaa xaq u leh masaakiinta joogta meesha xoolahu joogaan ama ruuxa zakada bixin naaya meesha uu joogo.

Masaakiinta balad kaa joogta ayaa asal ahaan horta xaq u leh, waxaana laga qaadan nayaa xadiiskii Anas (fii saxiixeyn) ee Nabiguﷺ yidhi:

Markuu la dardaarmayay Mucaad ee Yemen uu u diray, ahlu kitaab baad u tegi doontaa, (shahaadateenka) u sheeg, hadey kaa qaataan shanta (Salaadood) u sheeg, hadey kaa ogolaadaan u sheeg in xoola hooda laga rabo zako.

Reer Yemen ragooda maal leh ee (aqniyada) ah, taajiriinta ah baa laga qaadayaa zakada, Yemen fuqara deeda baa dib loogu celinayaa isla balad kii fuqara diisa ayaa dib loogu celinayaa. Sidaas daraadeed asalku waa balad kaas masaakiinta joogta ayaa asal ahaan leh.

Laakiin waxay culimada leeyihiin, hadii ay jirto maslaxo wey dhici kartaa markaa in balad kaa laga wareejiyo oo meel kale loo wareejiyo. Maslaxada keeni karto waxaa ka mid ah oo ay sheegaan:

Meesha aad u direyso dadka jooga ayaa qaraaba ah, qaraaba nimada sadaqada la siiyo iyo zakada la siiyo wey ka ajar badan tahay dadka kale ee markaa aan qaraabada ahayn wixii la siiyo.

Iyada oo marka ajarka siyaadada ah ruuxu raadin naayo ama qaraaba xidhiidhis uu ula jeedo, zakadii wuu ka diri karaa balad kii ay ku waajibtay oo qaraaba diisa wuu u dirin karaa oo meel kale jooga.

Waxaa kamid ah maslaxada keeni karta:

  • Balad kaas baa mathalan wuxuu yahay balad ay musiibo ka jirto,
  • Gaajo daran baa ka jirto,
  • Yacni musiibo ayaa ku hafsatay,
  • Faqri baa ka jira,
  • Muslimiinta jooga ayaa halis ku jira.

Meesha marka ay joogaan zakada ku waajibtay muslimiinta jooga wey ka baahi badan yihiin, yacni xaaja daa daraadeed na waa loo diri karaa oo waad u wareejin kartaa oo zakada waa loo wareejin karaa.

Marka waa jirtaa xaalaad ay maslaxadu keentay ama xaajadu keentay oo zakada loo wareejin karo, laakiin asalku waxa weeyaan meesha ay xooluhu joogaan ama ruuxu joogo (Zakaatul Fidri) ga ka bixin nayaa, masaakiinta joogta ayaa asal ahaan iskaleh.

Wa Allaahu Aclam.

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan qiimaha badan oo inoo soo jeediyay sheekheena aanu jecel nahay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido).

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

.(.والله أعلم)

”Dhamaan dadka ka soo shaqeeyay khayrka iyo Sheekheena aan jecel nahay, Sheekh Maxamed Cabdi Umul waxaan leeyahay…”

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين 
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com