Tafsiirka 
Quraanka Kariimka

Suurada al-Baqarah
{ سورة البقرة }

Qeybta | 4aad

Qoraal Af-Soomaali

Waxaa fasiray:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul
[Ilaahay ha xafido]

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Abuu.Kalthuma@gmail.com

Date: Tuesday 5, July 2016 – Hijri: الثلاثاء 30 رمضان, 1437

Decorative Lines

bism Allah

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

bismillah

Surat al-Baqarah
Qeybta | 4aad

Suurada al-Baqarah {سورة البقرة‎} waxay sidataa macaga (Lo’da) waana suurada labaad ee ugu dheer quraanka kariimka. Waa suurad (Madani) ah, aayaadkeeduna inta badan ilaa iyo 281 waa madani kuwaasoo soo degay xiligii (Xajatul-Wadaac). Waxaa loo tix geliyaa inay tahay suurada ugu horeysay ee soo degata bilowgii hijradii Madiina oo laga soo hijrooday Makka.

Aayada 40aad
Suurada al-Baqarah

Dersigeena wuxuu ka bilaabanaayaa aayada 40aad ilaa iyo aayada 59aad ee suurada al-Baqarah.

Surat al-Baqarah – { سورة البقرة }

No: 40الآية ٤٠

يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ اذْكُرُواْ نِعْمَتِيَ الَّتِي أَنْعَمْتُ عَلَيْكُمْ وَأَوْفُواْ بِعَهْدِي أُوفِ بِعَهْدِكُمْ وَإِيَّايَ فَارْهَبُونِ

Halkaana waxaa laga guda galay qiso lagu dheeraan doono, waa reer Bani Israa’iil oo ummadi naga horeysay ah ee rususha faraha badan loo soo diray ayaa reer Bani Israa’iil ahayd.

  • Reer bani Israa’iil seey u dhaqmeen
  • Seey Ilaahay kutubtiis ula dhaqmeen
  • Rusushii Ilaahay seey ula dhaqmeen

Oo maxaynu ka faa’ideeynaa inaan ogaano reer bani Israa’iil iyo dhaqankoodii, waxaynu ka faa’ideynaa qaladaadka ay galeen iska jira, meelahii ay ku qaldameen ka wareegsada, wanaaga lagu amaaney na sameeya, saasaa macanaha waxa weeyaan darsi baa laga faa’ideysan. Waxyaabahii reer bani Israa’iil ay ku xumaayeen baa la idin sheegaya iska jira saas weeye macnaha, reer bani Israa’iil baa marka qisadooda la galay.

Rabbi wuxuu yiri (سبحانه وتعالى):

يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ اذْكُرُواْ نِعْمَتِيَ الَّتِي أَنْعَمْتُ عَلَيْكُمْ وَأَوْفُواْ بِعَهْدِي أُوفِ بِعَهْدِكُمْ وَإِيَّايَ فَارْهَبُونِ

{يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ} Israa’iil caruurtiisiyow

[Israa’iil waa nabi Yacquub magaciisa weeye] xadiis saxiix oo nabigeena ka sugan (ﷺ) Israa’iil waa nabi Yacquub magaciisu weeye. Marka caruurtii Israa’iiloow…

{اذْكُرُواْ} xusa [oo xusuusta] {نِعْمَتِيَ} Aniga nicmadeyda [nicmooyin keeygii xusuusta] {الَّتِي} nicmooyin kaasoo {أَنْعَمْتُ} aan nimceeyay {عَلَيْكُمْ} dushiina aan idinku nimceeyay {وَأَوْفُواْ} oofiya [oo fuliya] {بِعَهْدِي} balan key {أُوفِ} Aniguna waan fulin {بِعَهْدِكُمْ} balan kiina {وَإِيَّايَ} Aniga keligeyna {فَارْهَبُونِ} iga cabsada.

Reer Bani Israa’iil

Reer banii israa’iiloow, Yacquub bey ileyn ka farcameen. Nabi Yacquub (cs) ayay ka farcameen reer banii israa’iil nimanka la yiraahdo, yacni waxa weeyaan lafa hooda kala gedisanba nabi yacquub bey ka farcameeyn, isaga baa loogu yeeri oo caruurtii Yacquub baa la leeyahay.

Isaga maxaa loogu yeerayaa waxaa loogu yeerayaa, nabi Yacquub nabi Ilaahay oo wanaagsan soo ma ahayn?

Adiga haduu nin (Sheekh) ah ku dhalay oo laalaab iyo edeb darada aad ka bixi weydo sow lagu dhihi maayo (Ina Sheekhow).

Ina Sheekhow waxaa laga wadaa aabahaa waa fiicnaayee adigana fiicnow.

Waxaa lagu dhihi (Yaa ibnal caalim utlibil cilma)

‘’ War Sheekha wiil kuu dhalayow cilmiga baro.’’

Yabna Thaqi

‘’Deeqsi wiil kuu dhalayow wax bixi.’’

War aabihiina ku dayda weeye macnaha. Nabi kariim oo wanaagsan baa idin dhalayoo waa maxay wareer kaan aad wadaan, saasaa marka nabi Yacquub (cs) loogu yeerayaa oo loo leeyahay…

Aayada | 40aad

{يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ} Israa’iil caruurtiisiyow {اذْكُرُواْ نِعْمَتِيَ} war nicmadeyda xusuusta.

Nimcada hal mid ma aha waxaa la yiraahdaa waa:

‘’ المفرد المضاف إلى معرفة ‘’

Cumuum buu faa’ideeyaa baa la leeyahay sida (علم الأصول) ka muqararka ku ah, yacni nicmooyin keeyga xusuusta weeye, nicmooyin kii faraha badnaa oo din nimceeyay, balan kii aan idin la galay na ka soo baxoo si buuxda u fuliya.

Balantii Reer Banii Israa’iil
Ilaahay (
سبحانه وتعالى) La Galay?

Muxuu ahaa balanta Ilaahay la galay?

Balan tuu Ilaahay la galay waxay ahayd:

  • Kitaabkii (Towreed) ahaa iyo
  • Kitaabkii (Injiil) ahaa iyo
  • Kutubta ilaahay xagiisa ka imaan doonto oo dhan inay qaataan.

Kitaabka (Towreed) ah wuxuu qoraayay (Nabi Maxammad) oo dib ka imaan doono rumeeya, kitaabka uu la imaan doonana sharci giisii raaca. Balantii aan idinla galay war niman yahow fuliya. Hadaad fulisaan (Aniguna) balan yahiinii waan fulin.

Balan uu Ilaahay u qaaday maxay ahayd?

Abaal gud wanaagsan baan idin siin waan idin janeyn, hadaad dooneysaan tiina inaan idin fuliyo, tii aad ila gasheen ka soo baxa buu Rabbi leeyahay (سبحانه وتعالى).

Aniga keli geygana iga cabsada.

{وَإِيَّايَ} Aniga keligeyna {فَارْهَبُونِ} iga baqa

Waxay la mid tahay (إِيَّاكَ نَعْبُدُ) oo kale sooma ahayn?

(إِيَّايَ) macmuulka la hor mariyay (Keligey) weeye, oo la i labeynin iga cabsada, cid kale haka cabsanina saas weeye macnaha.

“Israa’iil caruurtiisiyow, xusa, nicmooyin keeyga xusa, [nicmooyin ka loo galay wey badnaayeen, nabi yaal buu Ilaahay ka soo saaray (سبحانه وتعالى), ambiyada intooda badan, ambiyada iyo rususha intooda badan iyagaa laga soo saaray. Waxaa ka mid ahaa boqor buu Ilaahay ka dhigay (سبحانه وتعالى) niman madax ah oo adduunka hogaamiyo ayuu ka dhigay, waxaa ka mid ahaa arimaha noo soo socod oo… [Mana iyo Salwa] ayuu Ilaahay (سبحانه وتعالى) u soo dejiyay.

Waxaa ka mid ah ayagoo (Tihii) ku jira waa kii dhagaxa biiyaha looga dilaaciyay. Waxaa ka mid ah (Mathalan) gumeysigii (Fircown) oo Ilaahay ka badbaadiyay, wax fara badan oo nicmooyin oo soo socda ayaa Ilaahay ugu nimceeyay (سبحانه وتعالى). War nicmooyin keeyga xusuusta, nicmooyin kaasoo, aan nimceeyay, dushiina, oofiya oo si buuxda u fuliya, balan keyga, waan fulinayaa, balankiina [Aniguna balankiina waan fulin oo waan oofinayaa]. Aniga keligeyga, iga baqa buu leeyahay Ilaahay (سبحانه وتعالى) iga cabsada.’’

3 Deco

No: 41 الآية ٤١

وَآمِنُواْ بِمَا أَنزَلْتُ مُصَدِّقًا لِّمَا مَعَكُمْ وَلاَ تَكُونُواْ أَوَّلَ كَافِرٍ بِهِ وَلاَ تَشْتَرُواْ بِآيَاتِي ثَمَنًا قَلِيلاً وَإِيَّايَ فَاتَّقُونِ

{وَآمِنُواْ} Rumeeya {بِمَا} sheyga {أَنزَلْتُ} aan soo dejiyay (Nabi Muxammad waxa lagu soo dejiyay rumeeya,) {مُصَدِّقًا} xaal uu yahay kaasi mid rumeynaya {لِّمَا} sheygii {مَعَكُمْ} la jiran kiina (wuxuu ugu marag kacaaya kaad hore u haysateen,) {وَلاَ تَكُونُواْ} hana ahaanina (reer bani Israa’iiloow,) {أَوَّلَ كَافِرٍ بِهِ} gaaloowid kii ugu horeeyay {بِهِ} isaga ku gaalooween (kaa aan soo dejiyay kooxdii ugu horeysay ku gaaloowday ha noqonina ) {وَلاَ تَشْتَرُواْ} ha gadanina {بِآيَاتِي} aayaad keena na (iyo waxyiga aan soo dejiyay,) {ثَمَنًا} lacag haku gadanina {قَلِيلاً} oo yar (xoogaa adduunya ha dhaafsanina) {وَإِيَّايَ} aniga keligeyna {فَاتَّقُونِ} iga baqa.

No: 42 الآية ٤٢

وَلاَ تَلْبِسُواْ الْحَقَّ بِالْبَاطِلِ وَتَكْتُمُواْ الْحَقَّ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ

{وَلاَ تَلْبِسُواْ} Ha qasina {الْحَقَّ} xaqa ha qasina {بِالْبَاطِلِ} baadilka ha ku qasina {وَتَكْتُمُواْ الْحَقَّ} xaqana ha qarinina {وَأَنتُمْ} xaal idinku {تَعْلَمُونَ} aad og tihiin.

Ayagii baa hadalkii loo wadaa, hadal kani qolyaha uu u dhacaya waa nimankii joogay waqtigii Nabigeena (ﷺ), nicmooyin kana in badan oo ka mid ah waxaa loo galay awoow yahooda baa loo galay, marka awoowgaa nicmada loo galay adigana waa lagu galay sow saas ma aha? Nimanka kuwa lala hadlaayaa waa kuwa waqtigii Nabiga joogay weeyeﷺ.

Waxaa la leeyahay war rumeeya kii aan soo dejiyay oo Nabi Muxammad aan ku soo dejiyay waa (Quraanka), isagoo weliba kii hore aad u haysateen aan qalaaf saneyn u marqaati kacaaya rumeynaayo kii aad haysateen.

Kii ay haysteen muxuu ahaa?

Kitaabkii (Towreed) ahaa uu u marag kacaaya.

Maxaa ku yaal kitaabkii (Towreed) ahaa?

Kitaabkii (Towreed) ahaa waxaa ku yaal:

  • Nabi Muxammad baa imaan doono
  • Carab buu ka soo bixin doonaa
  • Yacni waxa weeye kitaab kaasuu wataa
  • Tilmaamaha iyo astaama haasuu leeyahay
  • Wixii ku yaalay (Towreed) buu kitaab kani sheegay, xaqiiqa diisii baa timid.

Marka waa marqaati wuu rumeynayaa wixii (Towreed) ku yaalay.

Waa mida labaadee

Towreed ma beeninin (Towreed) ma jirto ma oranine, kitaab Towreed la yiraahdo oo Nabi Muuse (cs) ku soo degay ayuu qiray kitaabkan (Quraanka), marka kaad haysateene wuu u marqaati kacay oo wuu rumeynayaa ee ma qilaaf sana hadiidinee marka qaata weeye saasaa lagu leeyahay.

Kooxdii ugu horeysay ee reer bani Israa’iil na ee beenisay ha noqonina ee diiday..

{وَلاَ تَكُونُواْ أَوَّلَ بِهِ} Kooxdii ugu horeysay ha noqonina oo { كَافِرٍ} ku gaaloowday {بِهِ} isaga.

Kooxdii ugu horeysay ee reer bani Israa’iil ee diiday ha noqonina.

Maxaa loo leeyahay reer banii israa’iil?

Li’ana carab baa u horeysay beeninta soo ma aha, ileyn Nebiga Makka ayaa laga soo saaray (ﷺ) carab baa marka ugu horeysay diiday.

Ayaga kuwa lala hadlaayo ee Madiina joogay waa kuwa la leeyahay, reer banii israa’iil kooxda ugu horeysay ee beenisa ha noqonina, marka reer bani israa’iil la yiraahdo weeye macnaha.

Aayaad keygana ha ku bedelina xoogaa adduunyo ah.

Xoogaa adduunyo ah waxaa loo leeyahay, culimadoodii iyo dadkii hogaanka u ahaa baa xoogaa madax nimo ilaashanaayay, ayaga reer banii israa’iil na adduunka dhan baa waxay lahaayeen anaagaa adduunka Ilaahay rasuul naga soo diray oo carabtay yasi jireen.

Ma carab taan xoolo dhaqatada ah ee masaakiinta ayaanu hada u daba istaageynaa bey leeyihiin macnaha aanu diin u daba istaageynaa.

  • Ma wiilka yarka ah ee agoonka ah miyaan anagu hada daba galeeynaa,
  • Raga naga ee odayaasha ahaa ee
  • Madaxda ahaa ee yacni
  • Xukamada ahaa,
  • Bulshada hor taagnaa ee
  • Diinta loogu dambeeyay.

Miyaan manta wiil yar daba fadhiisan neynaa, haa war saa ha oraninee oo xoogaagaa adduunyada iyo dheef teeda ah ayaad keen naga ha ku bedelina ee aayaadka qaata!

Saasuu Rabbi ku leeyahay (سبحانه وتعالى).

Waxaa kaloo lagu yiri;

Aniga keli geena iga baqa, hane isku qaldina oo ha isku barxina, xaqa iyo baadilka, xaqa waa cad yahay oo baadilka ha ku darin oo dadka ha qaldina, dadka jah wareerinta ka daaya oo xaqa iyo baadilka ha iskaga darina ileyn kuwa lala hadlaayo waa culimadoodii.

Dad weynaha marka ay qasaayaan oo xaqa iyo baadilka iskaga dhex dareen baa la leeyahay war ha iskaga dhex darina.

Xaqa ha qarinina oo muujiya, Muxammad waad ogg tihiin inuu Nabi Ilaahay yahay, sidaad caruurtiina u garaneysaan baan u garaneysaan idin kama qarsoona ee dadka haka qarinina ee wax u sheega, idinka oo ogg, ha qarinina idinka oo ogg.

Qarinta xaqa ama oggow ama ha oggaaninee waa qalad soo ma aha?

Hadana wuxuu qalad ku sii daran yahay markaad ogg tahay in uu xaq yahay, qarin taadana aad ogg tahay. Marka sooma sii darna?

Li’ana waxa weeye ruuxa haduu arinka jahli u geeyay iyo garasho la’aan xoogaa daruura buu leeyahay, daruuro yar buu leeyahay. Hadiise laakiin isaga oo ogg uu garanayaa uu kas u jeedho hada markaa rajo maleh soo ma aha. War idinka oo garanaaya sidaa ha yeelina weeye macnaha oo ogg arinka weeye macnaha.

Aayada | 41aad

‘’Rumeeya. Sheygii, aan soo dejiyay rumeeya (Nabi Maxammad aan ku soo dejiyay rumeeya oo Quraanka ah), xaal uu yahay mid rumeeynaya, sheygii, idinka la jiran kiina ah (kii aad haysateen oo (Towreed) ahaa buu rumeeynaya), hana ahaanina, [Awwala fariiqin] kooxdii ugu horeeysay ee reer banii israa’iil ah oo, ku gaaloowday, Quraanka.

Ha gadanina, aayada hayga ha dhaafanina oo haku gadanina, lacag, oo yar.’’

Lacag baa laga cabiray laakiin waa adduunyo weeye kuligeed;

  • Madaxnimadeed iyo
  • Barwaaqadeed iyo
  • Xoolaheed iyo
  • Caruurteed

Kuli markii leysu deeyo, aakhiro markii la garab dhigo soo wax yar ma aha?

Waa (ثَمَنًا قَلِيلاً) weeye, waxaan qiimo lahayn weeye macnaha.

Aayada | 42aad

‘’Aniga keligeyna iga baqa (oo cid kale haka baqina), ha qasina oo ha qaldina, xaqa ha dheehina, baadil haku dheehina oo haku qasina, ha qarinina, xaqa ha qarinina, xaal idinka, aad ogg tihiin xaqii. Idinka oo ogg inuu xaq yahay hadana ha qarinina.’’

1 Deco

No: 43 الآية ٤٣

وَأَقِيمُواْ الصَّلاةَ وَآتُواْ الزَّكَاةَ وَارْكَعُواْ مَعَ الرَّاكِعِينَ

{وَأَقِيمُواْ} Toosiya {الصَّلاةَ} salaada toosiya {وَآتُواْ} siiya oo bixiya {الزَّكَاةَ} zakadiina dadka siiya {وَارْكَعُواْ} rukuuca {الرَّاكِعِين} kuwa rukuucsan la jiran kooda rukuuca.

Salaadda la Faray
Reer Banii Israa’iil

Salaada toosiya ayaa la yiri, inagana taasaa la ina faray, zakadana bixiya ayaa la yiri, diin tooda (reer banii israa’iil) inay zako bixiyaan wey ku jirtay, laakiin reer banii israa’iil oo zako bixin naaya miyaad aragteen?

Wey bedeleen.

Salaada tukada ayaa la yiri, rukuucda baa la yiri, kuwa rukuucsan la rukuuca.

Waxaa la leeyahay rukuuca dan culimada qaar waxay leeyihiin kuma jirin salaadda ay tukan jireen rukuuci kuma jirin.

Rukuucana marka waxa weeye qaata salaada Nabi Muxammad ﷺ uu la yimid oo rukuucda leh, rukuucda marka salaadii oo dhan baa laga wadaa oo…

… waa (min baab)

Qayb baa la cabiray salaada ka mid ah iyo salaadii oo dhan baa loola jeedaa, dadka dukanaaya la dukada saas weeye macnaha.

Aayada waxay tilmaameysaa salaadaha in wada jir loo tukado oo masaajida lala yimaado salaadaha waajibka ah inay laazim tahay bey tilmaameysaa.

Li’ana waa amar, amar kuna waajib nimo iyo (Nuzuul) buu faa’ideeyaa, axaadiista Nabigana ﷺ waa u marag kacaysaa.

Marka guri lagu tukan maayo salaad waajib ah masaajidkaa lala imaanayaa saas weeyaan.

Aayada | 43aad

‘’Toosiya, salaada toosiya, siiya, zakadana siiya oo dadkana siiya, rukuuca oo dukada, kuwa dukanaaya la jiran kooda dukada.’’

1 Deco

No: 44الآية ٤٤

أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنسَوْنَ أَنفُسَكُمْ وَأَنتُمْ تَتْلُونَ الْكِتَابَ أَفَلاَ تَعْقِلُونَ

{أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ} War dadka waxaad amreysaan {بِالْبِرِّ} wanaaga miyaad fareysaan (samaha iyo qayrka miyaad dadka fareysaan) {وَتَنسَوْنَ} miyaad ka tageysaan {أَنفُسَكُمْ} nafaf yaal kiina {وَأَنتُمْ} xaal idinku {تَتْلُونَ} aad akhrineysaan {الْكِتَابَ} kitaabka aad akhri haysaan {أَفَلاَ تَعْقِلُونَ} miyeydaan caqli lahayn oon wax garaneyn.

No: 45 الآية ٤٥

وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ

{وَاسْتَعِينُواْ} Kaalmeysta {بِالصَّبْرِ} samirka kaalmeysta {وَالصَّلاةِ} iyo salaadda ba kaalmeysta (yacni danahiina ku kaalmeysta) {وَإِنَّهَا} salaadu {لَكَبِيرَةٌ} waa mid weyn oo culus {إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ} kuwa qushuucsan dushooda mooyee (dadka intooda kale wey ku adag tahay oo waa ku culus).

No: 46 الآية ٤٦

الَّذِينَ يَظُنُّونَ أَنَّهُم مُّلاقُوا رَبِّهِمْ وَأَنَّهُمْ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

{الَّذِينَ} Qaashiciintaas oo {يَظُنُّونَ} maleynaaya (huba ogg ama huba) {أَنَّهُم مُّلاقُوا رَبِّهِمْ} Rabbigood inay la kulmaayaan {وَأَنَّهُمْ} iyagu {إِلَيْهِ} Alle xagiisa {رَاجِعُونَ} kuwa ku noqonaayo yihiin.

Dadka Wanaaga Miyaad Fareysaan
Lafahiina na Miyaad Ka Tageeysaan

Hadalkaan waxaa loo jeeday nimankii madaxdooda ahaa iyo culimadoodii.

War dadka ma wanaaga ayaad fareysaan, idinkana lafa hiina na maka tageeysaan!

Haduu waxaan ni qayr yahay oo faa’ido yahay inaad naftaada ku hor mariso weeye, yacni waxaa la leeyahay waxay dhihi jireen;

‘’Dadka qaarkood si dhab ah markey u wareystaan Maxammad iyo diina Nabiga waa xaq, ee raaca bey dhehi jireen mar mar.’’

Markay laaluush iyo waxba inay ka rajeyneynin war wakaasi aada bey dhihi jireen.

Marka ma dadkii baad wanaaga u sheegeeysaan lafa hiina na maka tageeysaan, idinka oo weliba kitaabkii arinkaa diidanaa akhrinaaya.

Kitaabkii arinkaa diidaayay oo (Towreed) ahaana waad akhrineysaan, qaladkii uu diidaayayna waad sameeyneysaan ee miyaydaan caqli lahayn. Hadii cilmigii iyo kitaab kaad akhrineyseen uu arinka idinka reebi waayay, caqlina ma idinka reebi waayay?

  • Caqlina idinkama reebin
  • Cilmina idinkama reebin

Intaba waad haysaan wixiina sidaan ayaad u qaseysaan oo arinkaas arin qalad sooma aha saas weeye macnaha.

Kaalmeysta
Samirka iyo Salaada

Samirka waxaa la yiri saddex diisa nooc waa soo galaayaa:

  1. Waxa weeyaan in Ilaahay (Dhaacadiisa) aad ku samirto oo naftii ku celiso, li’ana dhaacaadka nafta waa ka carartaa.
  2. Macsiyada iyo dunuub tana inaad ka celiso naftii oo aad ka xakameyso, li’ana wey dooneeysaa.
  3. Ilaahay wuxuu kuu qadaray oo musiiba ah, oo kugu dhacdana inaad ku samirto

Samirka soocaad oo kale ah kaalmeeysta weeye macnahiisu saas yahay.

Salaadana kaalmeysta buu Rabbi leeyahay (سبحانه وتعالى)

Salaada kaalmeeysta waxa weeye haday ay arin kugu timaado oo culeys kugu yimaadaan ama mid adduunyo ama mid aakharo, salaaddaa loo cararaa.

Nabigeenﷺ siduu ahaa xadiis saxiix ah sida ku soo aroortay;

‘’Haduu nabiga arin murug geliso salaadu Nabiga u deg degi jiray.’’

Marka salaada kaalmeysta, salaadii baa waxaa la yiri waa culus tahay waa weyn tahay ilaa dadka qushuucaan mooyee. Salaada waa weyn tahay waxaa laga wadaa wey culus tahay, haa dhib bey ku tahay dadka kuwa qushuuca mooyee. Inta qushuucda laakiin wey macaansan.

Qushuucda
Maxaa La yiraahdaa?

Qushuucda waxaa la yiraahdaa waa arin qalbiga ku dhalata ka dibna xubnaha saameeysa, xasilooni qalbiga gasha markaa ka dibna xubnaha ku timaada oo xubnaha saameeysa weeye macnaha.

Madaxa hoos loo foorooriyo ma aha

Indha oo leysku qabtana ma aha

Waa ruuxu inuu qalbigiisu Ilaahay u duleeyo, markuu qalbiga Ilaahay u duleeyo baa xubnuhu ay duloobaan oo ay u hogtaan Ilaahay (سبحانه وتعالى). Kuwa noocaas oo kale ah salaada waa u fudud tahay. Haa Salaada wey u fudud tahay bal raaxo ayay u tahay.

‘’ وَجعلت قُرَّة عَيْني فِي الصَّلَاة ‘’

… buu yiri Nabigaﷺ

‘’Il qaboobsi geyga iyo raaxa deyda waxaa la yeelay salaada dhexdeeda.’’

Laakiin Goormeey
Salaadu Raaxo Noqon?

  • Waa markaad ku qushuucda,
  • oo ay kuu dhadhanto,
  • oo waxaad aad akhrineyso aad fahamto,
  • oo qalbiga la socod,
  • oo aad joogto, markaas ayay salaada kuu fududaan neysaa.

Goor aad tukatay 10ka rakca dood iyo 11ka rakcadood garameysid soo ma aha?

Laakiin hadaad qushuuc saneyn afartii rakca dood baa waxay kugu noqoneey yacni maantoo dhan waqti gaaga inay qaadato.

Marka waxa weeye {…}

Qaashiciintaas yay yihiin?

  • Waa kuwa huba inay Rabbigood la kulmi doonaan,
  • Aakharo ayaa u muuqata,
  • Kulanta Ilaahay ay la kulmi doonaan baa u muuqda,
  • Inay isaga u noqon doonaan bay hubaan.

Kuwa sidaa uu qalbigooda uu ku jira, kuwaa weeye kuwa qaashiciinta salaada ay u fududaaneyso weeye macnaha.

{أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ} Ma waxaad fareysaan, dadka miyaad amreysaan

Aayada haba ka hadasho reer banii israa’iil, laakiin ummadana wey ku saabsan tahay, ileyn quraanka gaalo uma soo deign oo muslimiintuu u soo degay sooma aha?

Reer bani israa’iil hadii lagu eedeeyay dadka wanaaga ma u sheegeeysaan idinkuna wanaagii iyo qeyrikii maka tageeysaan oo naftiina ma halaloobeysaan.

Ummadana waa la mid oo ninka qayrka sheegaya waxaa la rabaa inuu qayrka ugu horeeyo, haa oo isgu la yimaado, oo sameeya, oo wixii uu reebayana ka tago, wuxuu ummadi u sameeyana isgana inuu sameeya ayaa la doonayaa weeye macnaha.

Aayada | 44aad

‘’Ma amreysaan dadka, samaha iyo wanaaga miyaad amreysaan iyo qayrka, ma halmaameysaan oo ka tageysaan, nafaf yaal kiina maka tageysaan, xaal idinku, aad akhrineysaan, Kitaabkii Towreed ahaa idinka oo akhrinaaya, miyaadan caqli lahayn oo garaneyn.’’

Aayada | 45aad

‘’Kaalmeysta, samirka kaalmeysta oo kaashada, Salaadana kaashada, salaada, mid weyn weeye oo culus, kuwa qushuucaya dushooda mooyee (kuwa qalbigooda Ilaahay uu u xasilay oo Ilaahay u qushuucsan kuwaa dushooda mooyee.)’’

Aayada | 46aad

‘’Kuwaas oo ((Danni-ga) hada yaqiin baa laga wadaa) ogg oo huba, iyagu Rabbigood inay la kulmeyaan, iyaga xagiisa inay u noqonayaan.’’

3 Deco

Mid baa la ogg yahay, mar walba oo xusuuska aakhiro qalbiga ay ku badato (Dhaacaadku) wuu kuu dhadhamaayaa. Mar walba oo xusuusta aakhiro qalbigaaga ay ku yaraatana (Dhaacaadka) qalbiga waa dhibsanaayaa saas weeye macnaha.

No: 47 الآية ٤٧

يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ اذْكُرُواْ نِعْمَتِيَ الَّتِي أَنْعَمْتُ عَلَيْكُمْ وَأَنِّي فَضَّلْتُكُمْ عَلَى الْعَالَمِينَ

{يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ} Reer banii israa’iiloow {اذْكُرُواْ} xusa {نِعْمَتِيَ} nicmadeyda xusuusta {الَّتِي} nimcadaas oo {أَنْعَمْتُ} aan nimceeyay {عَلَيْكُمْ} dushiina (nimcooyinkaan idinku nimceeyayna xusuusta) {وَأَنِّي} Aniguna {فَضَّلْتُكُمْ} waan idinka (Fadilay) {عَلَى الْعَالَمِينَ} uun keyga ayaan idinka fadilay ee xusuusta, nicmooyinkii badnaa xusuusta.

Mid baa laga sheegay oo inaan uunka oo dhan idinka fadilay oon dheeraad idinka siiyayna xusuusta.

Ma maqluuqaadka oo dhan baa?

Sidaa in loo daayo ayaa fiican.

Ma ummadana xataa?

Maya! Ummadaan aayad kale ayaa ka soo reebtay…

كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّـهِ وَلَوْ آمَنَ أَهْلُ الْكِتَابِ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُم مِّنْهُمُ الْمُؤْمِنُونَ وَأَكْثَرُهُمُ الْفَاسِقُونَ 

[ سورة آل عمران آية ١١٠]

… baa ummadana ka soo saartay saas weeye macnaha.

Cumuumka sidiisaa lagu deynaya, ummadahii kale oo dhan waxaa ugu fadli badnaa, reer banii israa’iil sooma aha?

Laakiin ummadaan ma gelin oo cumuumka waxaa ka soo saartay suurada aan ugu tegi doono (‘Aali-Cimraan) oo oraneeysa.

‘’ Idinka ummada nabi Muxammad ah baa ugu qayr badan ummadaha.’’

Saasaa soo saareysaa weeye macnaha.

No: 48 الآية ٤٧

وَاتَّقُواْ يَوْمًا لاَّ تَجْزِي نَفْسٌ عَن نَّفْسٍ شَيْئًا وَلاَ يُقْبَلُ مِنْهَا شَفَاعَةٌ وَلاَ يُؤْخَذُ مِنْهَا عَدْلٌ وَلاَ هُمْ يُنصَرُونَ

{وَاتَّقُواْ} Ka cabsada buu Rabbi (سبحانه وتعالى) leeyahay oo iska jira {يَوْمًا} maalin iska jira (maalin cadaabkiisa iska jira) maalin kaas oo {لاَّ تَجْزِي} aanan gudeeynin {نَفْسٌ} nafi {عَن نَّفْسٍ} nafta kale {شَيْئًا} shey aan waxba ka gudeeynin [Maalin aan nafina nafta kale waxba ka deeqeeynin oo ka gudeeynin].

{وَلاَ يُقْبَلُ} aan la qabaleynin {مِنْهَا} nafta xageeda {شَفَاعَةٌ} ergo aan laga aqbaleeynin {وَلاَ يُؤْخَذُ} aan laga qaadeeynin {مِنْهَا} nafta xageeda {عَدْلٌ} furasho aan laga qaadeeynin (madax furasho) {وَلاَ هُمْ} mana aynan ahaanin nafaf yaalkii {وَلاَ هُمْ يُنصَرُونَ} kuwa loo gargaaro ma aynan ahaanin.

Maalin Ay Nafi Nafta Kale
Waxba u Tari Karin

War reer banii israa’iiloow!

Iyo inaguba dadka maqlaayoow waxaad iska jirtaan maalin ay nafi nafta kale waxba u tari karin.

  • Waxba kama celin karto
  • Waxba kuma tari karto
  • Waxba kuma biirin karto
  • Ergona laga aqbali maayo

Ergo laga aqbali maayo, maxaa laga wadaa (Shafaaco) waxaa la yiraahdaa ruuxa codsi giisa intaad sii qaado cid uu wax ka doonaayo inaad ugu geeyso ayaa (Shafaaca) la yiraahdaa. Waxaana shafaaco loogu magacaabay codsi gii uu kuu keensaday iyo adiga codsi gaagii baad isku lamaanin neysaa, ileyn (Shafciga) lamaanin baa la yiraahdaa. Intaad isku lamaanisid aad u geyn neysaa ruuxii aad wax uga rabtay.

Marka cid erga ah oo intuu yimaado Ilaahay ula hadli ama arrin kooda kala hadli oo laga yeelina ma jiro.

Waxaa saddexeeysa maalinkaa isaga ah madax furasho laga yeeli maayo, sheygaan haleeyga qaato oo haley sii daayana laga yeeli maayo.

Wax u hiiliyaa mala helaayaa, intaa la waayee?

Maya wax u hiiliyaana ma jirto.

Maalinkaa waxa weeye waa adiga iyo camal kaaga iyo naftaada weeye, wax kaloo sugtaa yeysan jirin, maalin kaasaa dambeeye war is jira.

Aayada | 48aad

 ‘’Iska jira maalin, maalinkaas oo aanan gudeeynin nafi, nafta kale waxba aynan ka gudeeynin…’’ {شَيْئًا} waa (nakira fii siyaaqi nafi) baa la yiraahdaayoo (Cumuum) bey faa’ideeysaa (waxba ha yaraatee maalin kaa nafi ay naf u tari karto ma jirto ama ka gudi karto.) ‘’La aqbali maayo, nafta xageeda, ergo laga aqbali maayo, la qaadi maayo, nafta xageeda, furasho laga qaadi maayo (madax furasho). Mana aynaan ahaanin, kuwa loo hiiliyo cid u hiilisana heli maayaan.’’

Marka adigu un isku tasho nina ha ku tashin.

Shafaacada la diidan yahay ee la leeyahay ee ergo la aqabali maayo gaal ergo laga aqbali maayo ruux gaalnimo iyo shirki ku dhintay ruux Ilaahay arinkiisa kala hadli karta ma jirto.

Laakiin ruuxa mu’minka ah ee dambiyada ku dhintay shafaaco iyo ergo wuu leeyahay, haa oo yaa u ergeeynaya?

  • Malaa’ikta ergeyn
  • Rusushaa ergeyn
  • Mu’miniintaa ergeyn

… oo Ilaahay la hadli (سبحانه وتعالى) laakiin meesha waxaa ku jirto mu’minka dhintay ergada la ergeeynaya shuruud bey leedaha, mu’minka la ergeynaaya laftiisaa shuruud leh, wax hada adduunka laguu sii balan qaadi karo ma aha, oo heleb lagu dhihi karo anigu isku kee halee, haa sheekh hebel baan ahay oo Ilaahay aktiisa wax weyn baa ii yaalee isku keey haleey waxba ha is dhihin wiilkeyga baad tahay, warkaasi war jira ma aha, isagaaba naftiisa meel ay tagi doonto aanan garaneynin.

2 Deco

No: 49 الآية ٤٩

وَإِذْ نَجَّيْنَاكُم مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوءَ الْعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبْنَاءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَاءكُمْ وَفِي ذَلِكُم بَلاء مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ

Xusuusta baa la leeyahay (reer banii israa’iiloow) nicmooyinkii loo galay baa la tirinayaa…

{وَإِذْ} Waqti xusuusta {نَجَّيْنَاكُم} aan idiin badbaadinay oo aanu idin samata bixinay {مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ} Fircown qowm kiis iyo dad kiisa baan idinka samata bixinay {يَسُومُونَكُمْ} waxay idin dhadhan siinayaan…

[Waxay idin la xiriirin naayaan na waa la dhahaa, waxay idin la jirinaayaan oo idinla doonayaan na waa la dhahaa, waxay idin dhadhan siinayaan oo idin daajinaayaan na waa la yiraahdaa, intaas oo dhan waa la yiraahdaa].

Yacni waxay idin dhadhan siinayaan ama idin daajinaayaan

{سُوءَ الْعَذَابِ} cadaab kan ugu xun (cadaab kiisa ugu xun bey idin daajinaayaan)

Muxuu yahay cadaab kaas?

{يُذَبِّحُونَ} waxay gowrac cayaan {أَبْنَاءَكُمْ} wiila shiina {وَيَسْتَحْيُونَ} waxay deeysan nayaan (oo ay nolosha ku reeban nayaan) {نِسَاءكُمْ} dumar kiina (gabdha hiina) {وَفِي ذَلِكُم} arrin kiinaa dhex diisana waxaa ku sugan {بَلاء} imtixaan {مِّن رَّبِّكُمْ} oo xaga rabbigiin ka ahaaday {عَظِيمٌ} oo weyn.

Gumeeysigii Reer
Banii Israa’iil ee Fircown

Reer banii israa’iil waa la gumeysan jiray. Fircown baa gumeysan jiray iyo qoomkiisii oo (Qibdhiyiintii) ah niman kaasaa gumeysan jiray. Marka gumeysi aad u xun bey gumeysan jireen.

Muxuu yahay gumeysigaas?

Waa kan quraanka sheegay.

Waxayna ku timid bey leeyihiin Fircown ayaa riyooday, wuxuu ku riyooday isaga oo boqotooyadiisa iyo madaxnimadiisu ay baa ba’day oo nin reer banii israa’iil sababtii ay ku baa ba’day.

Haa wuu riyooday, riyadii baa loo fasiray, riyada tafsiirkeedii baa marka wuxuu noqday boqortooyadaada waxaa baa bi’in doono nin reer banii israa’iil ka dhashay.

Waa inuu marka ka hor tago, wuxuu yiri marka wiil kasta oo reer banii israa’iil ka dhasho hala gooraco, gabdha hooda na inoo daaya ha inoo shaqeeyaan nee (Jaariyado) guryaha ka shaqeeyo weeye. Wiil alle wiilkii dhasho subaxduu dhasho waa laga war haayi, markuu saa u dhashaba dhegtaa dhiiga loo darayaa.

Sow gumeysi aad u xun ma ha?

Haa aad buu u xun yahay, madaxda asiga oo kale adduunka ma soo marin.

War gumeysigii saa ahaa Allaha idinka saaray bal nimcaduu idin galay xusuusta, soo nicmo weyn ma aha? Nicmadaa ma halmaamteen reer banii israa’iiloow weeye macnaha.

Aayada | 49aad

‘’Xusuusta reer banii israa’iiloow, waqti aan idin samata bixinay, Fircown dad kiisa aan idinka samata bixinay, waxay idin daajin naayeen (oo ay idiin dhadhan siinaayeen), cadaab kiisa ugu xun, ciqaab bay idin marinaayeen, waxay gooracaayeen, wiila shiina, waxay deeysan naayeen oo reeban naayeen nolosha ku deysan naayeen ku reeban naayeen, dumar kiina bey nolosha ku deeysan naayeen (seey ugu shaqeeyaan) kiinaa dhexdiisa waxaa ahaaday (waxaa idinku sugan kaa la idinku sameynaayay), jarabid iyo imtixaan Alle idinku imtixaanay, xaga Rabbi giina ka ahaatay, oo weyn.’’

3 Deco

Marka bal badbaada Ilaahay gumeysiga idinka saaray cadaw giina na halaagay miyaydaan xusuusan neynin.

No: 50 الآية ٥٠

وَإِذْ فَرَقْنَا بِكُمُ الْبَحْرَ فَأَنجَيْنَاكُمْ وَأَغْرَقْنَا آلَ فِرْعَوْنَ وَأَنتُمْ تَنظُرُونَ

{وَإِذْ} Xusuusta reer banii israa’iiloow waqti {فَرَقْنَا} aan kala bixinay {بِكُمُ} idinka sabab tiina (ayaanu kala gooynay oo kala bixinay) {الْبَحْرَ} baddii ayaanu kala bixinay {فَأَنجَيْنَاكُمْ} markaas ayaanu idin badbaadinay {وَأَغْرَقْنَا} waxaanu maansheenay oo aanu hafinay, biyihii ku hafinay {آلَ فِرْعَوْنَ} Fircown dad kiisii {أَنتُمْ} xaal baan saa yeelnay idinka {تَنظُرُونَ} aad fiiri neysaan.

Markii reer Banii Israa’iil
Loo Kala Jeexay Badda

Bal waxaad xusuusataan markii badda la idin kala jeexay oo si tartiib ah u dhex marteen cadaw giina idinka dambeeyay oo Fircown iyo ciidankiisii ahna, idinka oo indha hiina shan yihiina fiirin naaya meesha Ilaahay ku baabiyay (سبحانه وتعالى).

Ninkii saa kuu gali jiray oo subax Ilaahay ku badbaadiyoo banaanka ku keenay

Dowlad ba calan keeda baa u imaaneysa Nabi muuse (sc) ayaa hogaaminaayay gumeysigii wey ka baxeen intaa waxaa u dheer cadaw goodii oo arkayaan baa hor tooda lagu halaagay oo taa miyaydaan xusuusneyn?

Aayada | 50aad

‘’Xusuusta waqti aan kala bixinay (oon kala dhignay weeye), idinku sabab tiina, baddii …’’

Haa waxay ahayd waan u tegi doonaayee Nabi Muuse oo hogaamin naaya la soo ceyr sada Fircown iyo ciidama diisaa baa ka daba yimid, badda usha ku dhifo ayaa la yiri Nabi Muuse (cs), markuu baddii ku timid baa usha ku dhufo la yiri.

Ushii markuu ku dhuftay laba qaybood oo waaweey bey noqotay oo badda biyaheed baa xaga iyo xaga u kala istaagay dhexda ayey mareen, markay baxeen na Fircown oo daba socday baa lagu halaagay saas weeye macnaha.

‘’Markaasaan idin badbaadinay, waxaanu maansheenay (biya leysku halaagaa la yiraahdaa), Fircown qoom kiisii, idinka oo, aad fiirin neysaan.’’

2 Deco

No: 51 – الآية ٥١

وَإِذْ وَاعَدْنَا مُوسَى أَرْبَعِينَ لَيْلَةً ثُمَّ اتَّخَذْتُمُ الْعِجْلَ مِن بَعْدِهِ وَأَنتُمْ ظَالِمُونَ

{وَإِذْ} Waxaad kaloo xusuusataan waqti {وَاعَدْنَا} aan la balan tanay (aan la balamay oo aan la yabooh tamay) {مُوسَى} Muuse (cs) {أَرْبَعِينَ لَيْلَةً} afartan habeen (markey dhameys tiranto) {ثُمَّ} ka dib {اتَّخَذْتُمُ} waxaad sameysateen {الْعِجْلَ} Dibi gii baad Ilaah ka dhigateen {مِن بَعْدِهِ} Muuse gadaashiisa (Muuse markuu idinka tagay baad dibi sameysateen) {وَأَنتُمْ} xaal baad dibi gaa sameysa teen idinka oo {ظَالِمُونَ} kuwa gar daran aad tihiin (gaala ah mushrikiin baa tihiin weeye macnaha). {ظَالِمُونَ} bi macnaa (Mushrikuun) weeye, idin kii shirki ku dhacay.

No: 52 الآية ٥٢

ثُمَّ عَفَوْنَا عَنكُمِ مِّن بَعْدِ ذَلِكَ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

{ثُمَّ} Markaa ka dibna {عَفَوْنَا} waan cafinay {عَنكُمِ} xagiinaan iska kii cafinay {مِّن بَعْدِ ذَلِكَ} kaa ka dib {لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ} si aad u shukridaan.

Tani na waxa weeyaan qalad baad gasheen, qalad kaad gasheen wuxuu ahaa Nabi Muuse (cs) buu Ilaahay balan la galay, wuxuu ku yiri afartan maalin markay soo wareegto meel heble imow. Weliba marka hore soddon beri baa loo qabtay, kadibna toban baa lagu dhameystiray.

وَوَاعَدْنَا مُوسَىٰ ثَلَاثِينَ لَيْلَةً وَأَتْمَمْنَاهَا بِعَشْرٍ فَتَمَّ مِيقَاتُ رَبِّهِ أَرْبَعِينَ لَيْلَةً

{١٤٢, الأعراف سورة}
{Surat: Al-Acraaf, 142}

‘’Afartan habeen markey dhameys tiranto meel hebel imow baa la yiri.’’

Nabi Muuse waa markey badda soo dhaafeen ka dib.

Nabi Muuse wuu soo tegay oo meeshii buu soo aaday, meeshii markuu ku soo maqnaa ayaa ninkii (Saamiri) la oran jiray nin ayaga la socday oo sheydhaan ahaa baa wuxuu u sameeyay (Dibi) haa dibi buu u sameeyay, intuu waxay wadeen macdan ay wadeen iyo waxyaalo isku dhalaaliyay buu dibi u sameeyay dibi ciyihayoo oo dabeyshu markey gasho macnaha waxa weeye dhawaaqahayoo sida dibiga u ciyo buu u sameeyay markaasuu ku yiri, war Nabi Muuse Ilaah hiisa waa halmaamayee yacni waakan Ilaah hiina ee kan caabuda reer bani israa’iil ……

Nimankii la soo badbaadiyay oo intaas oo rafaad laga soo bixiyay dibigii bey isu daba istaageen, dibigii buu u sameeyay weeye macnaha.

Marka dibigii baad Ilaah ka dhigateen Muuse markuu idinka tegay ka dib idinka oo dulmi ku kacay. Maxaa yeelay dhagaxaan inta leysku uruuriyay macdantan la uruuriyay la dhalaaliyay maxay tari, maxay wax idunku qaban weyday hada ka hor, sow dulmi iyo gardaro ma aha intuu Ilaahay idin badbaadiyay hadan aad dibi uga xigataan, oo dibi aadan inaad caabudaan waa dulmi, dulmi baad ku kacdaan.

Intaa markaad gasheen waan idin cafinay…

Nimcada la doonaayo inay xusuus taan waa mid.

Waan idin cafinay oo waan idinka dhaafnay arinkaas si aad u shukridaan.

Aayada | 51aad

‘’Waxaad xusuusataan waqti, aan la yabooh tanay, aan la balanay Muuse, afartan habeen (afartan habeen markey dhameys tiranta), ka dibna waxaad sameysateen dibigii baad Ilaah ka dhigateen ayaad ka sameysateen, markuu muuse tagay kadib, xaal idinku, kuwa dulmi sameeyay aad tihiin, kadibna waan cafinay, xaggiina, kaa kadib baan idin cafinay (kaas oo ah dibigii caabud diisana waan idin cafinay), si aad u shukridaan.’’

1 Deco

No: 53الآية ٥٣

وَإِذْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ وَالْفُرْقَانَ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ

{وَإِذْ} Waxaad kaloo xustaan waqti {آتَيْنَا} aan siinay {مُوسَى} Muuse {الْكِتَابَ} Kitaabkii markaan siinay (Towreed) ahaa {وَالْفُرْقَانَ} iyo xujooyin kii xaqa iyo baadilka kala bixin naayay {لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ} si aad u hanuuntaan, ama waxaad mudan yihiin in aad hanuuntaan).

Waxaa kaloo reer banii israa’iiloow leydinku nimceeyay Kitaabkii Towreed ahaa ee qiimiga badnaa buu Ilaahay Muuse idinku soo dhiibay (cs).

Xujooyin iyo aaydo cad cad oo baadilka iyo xaqa kala saaraayana wuu idin soo dejiyay, si aad u hanuuntaan oo Ilaahay jid kiisa quman aad u raacdaan saas weeye.

Marka (Furqaan) waxaa in badan dadka maskax dooda ku jirtaa iyo maan kooda (Furqaan) in la yiraahdo Quraanka in (Furqaan) loo yaqaano diinta Islaamka saa sax ma aha.

Furqaan ka waxaa la yiraahdaa xujo kasta oo xaga Ilaahay ka timid oo xaq iyo baadil kala saareeysa (Furqaan) baa la yiraah.

Waxaana halkaan laga wadaa Kitaabkii (Towreed) ahaa waxaa garab socday, aayado waaweey oo sagaal ahaa oo Ilaahay reer banii Israa’iil wax ku tusiyay.

Marka mucjizaad kaad ayaa laga wadaa Quraanka lagama wado weeye macnaha.

Aayada | 53aad

‘’Waxaad kaloo xustaan waqti, aan siinay, Muuse, Kitaabkii markaan siinay (Towreed) ahaa, iyo kuwii xujooyin kii xaqa iyo baadilka kala saaraayay xujooyin kii xaqa iyo baadilka wax la idinku kala saaraayay oo la idinku cadeyn naayay, si aad u hanuuntaan oo jidka saxda u raacdaan.’’

1 Deco

No: 54الآية ٥٤

وَإِذْ قَالَ مُوسَى لِقَوْمِهِ يَا قَوْمِ إِنَّكُمْ ظَلَمْتُمْ أَنفُسَكُمْ بِاتِّخَاذِكُمُ الْعِجْلَ فَتُوبُواْ إِلَى بَارِئِكُمْ فَاقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ عِندَ بَارِئِكُمْ فَتَابَ عَلَيْكُمْ إِنَّهُ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ

{وَإِذْ} Waxaad xustaan reer bani Israa’iilow waqti {قَالَ} uu yiri {مُوسَى} Muse {لِقَوْمِهِ} qowm kiisa uu ku yiri {يَا قَوْمِ} qowm keygi yoow {إِنَّكُمْ} idinku {ظَلَمْتُمْ} waad dulmideen {أَنفُسَكُمْ} nafaf yaal kiina ayaad dulmideen {بِاتِّخَاذِكُمُ} sameysi giinaa darted baad ku dulmideen {الْعِجْلَ} Diwiga aad sameysateen, Ilaah aad ka sameysateen.

Diwiga aad Ilaah ka sameysateen daraadeed baad naftiina ku dulmideen.

{فَتُوبُواْ} noqday {إِلَى بَارِئِكُمْ} Allahii idin abuuray u noqday {فَاقْتُلُواْ} dila {أَنفُسَكُمْ} nafaf yaal kiina dila {ذَلِكُمْ} kiinaa oo inaad is leysaan ah {خَيْرٌ} ayaa idin qayr badan {ذَلِكُمْ} idinka {عِندَ بَارِئِكُمْ} Allaha idin abuuray ak tiisa, [saasaa idin fiican].

Halkaa waxaa ku jirta wey is laayeen. Naf tiina ayaad layseen oo waad is layseen.

{فَتَابَ} Markaasuu Alle toobada aqbalay {عَلَيْكُمْ} dushiina maxaa yeelay {إِنَّهُ هُوَ} Alle isaga {التَّوَّابُ} waa midka toobada aqbalka badan weeye {الرَّحِيمُ} oo naxariista badan weeye.

Nabi Muuse oo Ka Soo
Noqday Balantii Alle
(سبحانه وتعالى)

Tani na waxay ahayd Nabi Muuse (cs) markuu soo qoday oo socdaal kii ka soo noqday iyo balantii Alle (سبحانه وتعالى) ayuu wuxuu u yimid ayagii oo (Diwigii) caabudaaya. Markaasuu wuxuu ku yiri war niman yow qalad baad gasheen, naf tiina na dulmi iyo gardaro ayaad u soo jiideen diwigaa aad sameysateen oo Ilaah ka dhigateen daraadii.

Maxaa yeelay shirki baad ku dhacdeen dulmi ka weyn ma jiro ee rabbigiin u soo noqda u toowbad keena.

Jid keen marnaa weeye?

Jid kaad mareysaan oo towbada u mareysaan….

Inaga maxaa la inooga baahan yahay markaan towbada keeneyno?

  • Inaan Ilaahay, noo dambi dhaaf dhahno,
  • Wixii horana ka qoomamoono,
  • Dibna inaynaan ugu noqon oon go’aansano

Iyaga laakiin waxaa la yiri jidka idiin furani waxa weeyeen inaad is leysaan, saasaana idin qayr badan oo inaad dambiga ku sii jirtaan, saasaa Ilaahay agtii idin qayr badan.

Waa is laayeen marka, gamtay isu istaageen, inta labad saf la noqday baa sidii la isagu waday seyfaha bay intaas oo ruux iska dileen. Halkaasuu Ilaahay kaga toobad aqbalay (سبحانه وتعالى).

{فَتَابَ عَلَيْكُمْ} Alle (سبحانه وتعالى) dushiina waa ka toobad aqbalay. Alle toobadaad dooneysaan waa ka aqbalay waana u naxariistay (سبحانه وتعالى) saas weeye macnaha.

Waa meelaha ay shareeca deena ay qafiifisay oo yacni waxa weeyaan, sida ummadahii hore Ilaahow culeyska aad u saartay anagana ha noo saarin, meelaha nagala fududeeyay ayay ka mid tahay. In yar oo fudud oo yacni ruuxu Ilaahay waafajiyoo u fudud ayaa la inooga dhigay anaga saas weeye macnaha.

Aayada | 54aad

‘’Waxaad xusuusataan waqti, uu yiri, Muuse uu yiri, qowm kiisa uu ku yiri, qowm key giyoow, idinku waad dulmideen nafaf yaalkiina.’’ [War tolkay yagoow naftiina waad dulmideen].

Maxaad ku dulmideen?

‘’Sameys sashadiinaa darted baad ku dulmideen, diwiga aad ka sameysateen, Ilaah aad ka sameysateen, mid aad caabudaan aad ka dhigateen ee noqday, Allaha idin abuuray u noqda (Baara) waa (Qaaliqa) weeye midka idin abuuray u noqda, dila nafaf yaalkiina dila oo is laaya, kaa oo inaad is laysaan ah sidaa oo la idinka toobad aqbala ah ayaa qayra badan idinka, kan idin abuuray ak tiisa saas ayaa idin qayr badan.’’

Allaha idin abuuray ak tiisa saasaa idin qayr badan.

Li’ana inaad is laysaan toobadan la idinka aqbalo oo aad (Jannada) gashaan iyo inaad dambigaa intaad ku dhimataan (Naar) gashaan keebaa fudud, keebaa qayr ku jira?

Dil adduunyo, dhimasho adduunyo dhib male waa la wada dhiman sooma aha laakiin dhibaato waa cadaab aakharo weeye saas weeye macnaha.

‘’Wuu toobad aqbalay dushiina ayuu idinka toobad aqbalay. [Waa intii soo hadhay] intii la laayay mooyee, intii soo hadhay weeye. Intiina soo hadhay waa la idinka toobada aqbalay. Alle isaga waa midka toobad aqbalka badan weeye oo naxariista badan weeye. ‘’

3 Deco

No: 55 الآية ٥٥

وَإِذْ قُلْتُمْ يَا مُوسَى لَن نُّؤْمِنَ لَكَ حَتَّى نَرَى اللَّهَ جَهْرَةً فَأَخَذَتْكُمُ الصَّاعِقَةُ وَأَنتُمْ تَنظُرُونَ

Culeyskaa reer banii israa’iil la saaray ee in ay qaab kaa toobad keen kooda loo adkeeyay diinteenu waa ka fududeeysay aad buu Ilaahay (سبحانه وتعالى) ummadaan ugu naxariistay, suurada aakhir keeda markaan u tagno (Isriga iyo aqlaasha) culeysyada ummadaan laga dejiyay waxaa ka mid ah inuu Ilaahay (سبحانه وتعالى) towba dooda ka dhigay shuruud yacni iska fudud, ruux markuu dambi galo shuruud iska fudud oo laga soo bixi karo badalkii ummadahii hore ay sidaa ay u adkaayeen towbad keen kooda.

{وَإِذْ} Waxaad xustaa sidoo kale [xusa oo xusuusta reer banii israa’iilow] waqti {قُلْتُمْ} aad tiraahdeen {يَا مُوسَى} Muusoow {لَن نُّؤْمِنَ} rumeyn meyno {لَكَ} adiga kaa rumeyn meyno [waxa aad noo sheegeeyso] {حَتَّى نَرَى} Ilaa aan aragno {اللَّـهَ} Alle {جَهْرَةً} si muuqata [yacni cayaanan] si muuqata oon qarsoodi ku jirin ilaa Alle aad tusto fool ka fool aan u aragno, waxba kaa rumeysan meyno  (sidaa markaad tiraahdeen bal xusuusta) {فَأَخَذَتْكُمُ} markaa waxaa idin qabatay (sidaa markaad tiraahdeen) {الصَّاعِقَةُ} Tii wax suuxin neysay, tii idin suuxin neysay ayaa idin qabatay, wal xaal ay idin qabatay {وَأَنتُمْ} idinka oo (تَنظُرُونَ)  aad fiirineysaan, idinka oo arkaaya ayaa tii idin suuxin neysay baa idinku timid.

No: 56 الآية ٥٦

ثُمَّ بَعَثْنَاكُم مِّن بَعْدِ مَوْتِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

{ثُمَّ} Markaa ka dibna markaad suuxdeen ayaan {بَعَثْنَاكُم} idin soo saarnay, idin soo kicinoo idin soo nooleeynay {مِّن بَعْدِ مَوْتِكُمْ} geeri diina ka dib, markaad geeriyootteen ka dib baa idin soo nooleeynay oo idin soo kicinay {لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ} si aad Alle ugu shukridaan (سبحانه وتعالى).

Nabi Muuse (cs) iyo 70 Kamid ah
Akhayaarta Reer Banii Israa’iil

Tana waxay ahay (نبي الله موسى (عليه السلام markii uu buurta aadayay wuxuu la tagay oo balanta Alle (سبحانه وتعالى) uu la socday todobaatan ka mid aha akhayaartii reer banii israa’iil ka mid ayuu kaxaystay todobaatan kii markuu buurta la tagay ayaa markaa waxay maqleen baa la leeyahay sowt, hadal bey maqleen, hadalkii markay maqleen oo ay ahayd inay ku qancaan نبي الله موسى (عليه السلام) oo loo waxyoonaya oo Rabbi la hadlaaya (سبحانه وتعالى), ayaa markaa waxay yiraahdeen:

Muusoow hadal naguma filna, hadaad moodeeyso hadal oo aan maqalnay cid dhaheysaba aanan arkeynin inuu nagu filin yahay, naguma filna ee waxa hadlaaya na tus, Allaha kula hadlaaya ilaa aan si toosa u aragno oo fool ka fool uu nagu muuqda ayada oo waxba ay noo dhaxaynin, waxaad sheegeeso kaa rumeysan meyno.

Waa macagag nimo weeye, reer banii israa’iil macagag nimadii lagu yaqaanay iyo madax adeeg gooda ayay ka mid tahay.

Sidaa markay yiraahdeen buu Alle (سبحانه وتعالى) wuxuu ku keenay marka musiibad suuxisay, (Saaciqa daasi) marka maxay tahay?

  • Qaar way leeyihiin naar baa ku timid
  • Qaarna waxay leeyihiin ma ehee waxaa ku timid, qaylo ayaa qabatay

Saaciqa un baa laga cabiray yacni wax suuxiyay baa ku yimid.

Aayad kale waxa uu Rabbi ku yiri (سبحانه وتعالى):

“’ وَاخْتَارَ مُوسَىٰ قَوْمَهُ سَبْعِينَ رَجُلًا لِّمِيقَاتِنَا فَلَمَّا أَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ ‘’

Tii gilgilaysay, mid gilgisha ayaa meeshaan laga cabiray hal kaana (Saaciqa) ayaa laga cabiray, arin arag un baa ku timid, arrintaas oo gaarsiisay inay suuxaan.

Mufasiriinta qaar waxay leeyihiin waa geeriyoodeen oo waa dhinteen, waxayna ka qaadan naayaan inay geeriyoodeen;

‘’ثُمَّ بَعَثْنَاكُم مِّن بَعْدِ مَوْتِكُمْ’’

Qolana waxay leeyihiin maya!

Saaciqada waxaa laga wadaa wey un suux suuxeen oo miirkii baa ka tagay laakiin si toos ah maysan u dhimanin, sidaana qolyaa oranaaya macnaha.

Markaa kadib buu Alle (سبحانه وتعالى) soo nooleeyay yacni waxaan waa la tusaayay Nabiyyu Allah Muusaa markii qoladii akhayaarta ahayad todobaatan ka ahayd ay geeriyoodeen meesha uu arkay iyaga oo daadsan ayuu Nabiyyu Allaahi Muusaa Rabbi (سبحانه وتعالى) uu u wacday, oo Rabbi (سبحانه وتعالى) u dhawaaqay.

لَوْ شِئْتَ أَهْلَكْتَهُمْ مِنْ قَبْلُ وَإِيَّايَ أَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ السُّفَهَاءُ مِنَّا

[سورة الأعراف آية ١٥٥]

Sidaas ayuu Alle ugu dhawaaqay (سبحانه وتعالى).

‘’Ilaahow hadaad doonto aniga iyo iyagaba horaan baad na wada halaagi lahayd, ma waxaad noo halaagee qolada wax ma garadka ah oo anaga naga mid ah waxay sameynayaan.’’

Sidaas ayuu marka نبي الله موسى (عليه السلام) Rabbi ugu calaacalay (سبحانه وتعالى).

Alle (سبحانه وتعالى) markaasuu soo nooleeyay niman kan.

Aayada | 55aad

‘’Waxaad xustaa sidoo kale [xusa oo xusuusta reer banii israa’iilow] waqti aad tiraahdeen, Muusoow rumeyn meyno adiga kaa rumeyn meyno [waxa aad noo sheegeeyso], Ilaa aan aragno Allah, si muuqata [yacni cayaanan] si muuqata oon qarsoodi ku jirin ilaa Alle aad tusto fool ka fool aan u aragno, waxba kaa rumeysan meyno  (sidaa markaad tiraahdeen bal xusuusta), markaa waxaa idin qabatay (sidaa markaad tiraahdeen), Tii wax suuxin neysay, tii idin suuxin neysay ayaa idin qabatay, wal xaal ay idin qabatay idinka oo aad fiirineysaan, idinka oo arkaaya ayaa tii idin suuxin neysay baa idinku timid.’’

(تَنظُرُونَ) Fiirada waxaa laga wada wey kala hor dhinteen oo qaar baa ku horeeyay nin ba nin kale markuu sii suuxayay buu sii fiiriyay.

Qaar kalena waxay leeyahiin maya sidaas ma ehee, macno kaleete ayay sheegayaan, calaamaad kii suuxdinta ee dhimashada ayaa marka hore ku timid, markay arkeen calaamaad kii iyo astaamahii ayay markaa kadib wada geeri yoodeen sidaana qolo oran nayo.

‘’ وَأَنتُمْ تَنظُرُونَ ‘’

Labadaa macno ba waa lagu fasiraa.   

Aayada | 56aad

‘’Markaa ka dibna waan idin soo nooleeynay, geeri diina kadib ayaan idin soo nooleeynay markaad geeri yooteen kadib, si aad Alle ugu shukridaan (سبحانه وتعالى). ‘’

Dad intay le’deen oo weliba dembi ay galeen lagu baabi’iyay, hadana la soo nooleeyay taasina bal nicmo aad u weyn iyadana dheh, oo Rabbi reer bani israa’iil u galay.

Su’aasha is weydiinta leh waxay tahay marka niman kaan waxay codsadeen inay Ilaahay arkaan (سبحانه وتعالى).

Alle (سبحانه وتعالى) mala arki karaan?

Su’aashaa ayaa meesha ka dhalaneysa.

Ilaahay in la arki karo shey banaan oo furan ma tahay, adduun iyo aakharo?

Amaa adduunyada lama arki karo Allah (سبحانه وتعالى) sidaan na xadiith baa ku ansaxa [Muslim ka] ku yimid oo Nabigaﷺ leeyahay;

‘’ واعْلَمُوا إِنَّكُمْ لَنْ تَرَوْا رَبَّكُمْ حَتَّى تَمُوتُوا ‘’

‘’ Waxaad ogaataan ineydaan Rabbi giina arkeynin ilaa aad geeri yootaan.’’

Buu yiri Nabigaﷺ.

Inaan adduunka lagu arkeynin na yacni waxay nagu imaan doontaa In Shaa Allaah wa tacaalaa Ilaahay (سبحانه وتعالى) markuu Nabiyyu Allaahi Muusaa uu yidhi

Buu Alle (سبحانه وتعالى) yidhi.

‘’ رَبِّ أَرِنِي أَنظُرْ إِلَيْكَ ‘’

‘’ Ilaahow iskey tusi aan ku arkee.’’

Markuu Nabiyyu Allaahi Muusaa codsigaa Ilaahay u gudbistay, Alle wuxuu yidhi:

‘’ قَالَ لَن تَرَانِي وَلَٰكِنِ انظُرْ إِلَى الْجَبَلِ فَإِنِ اسْتَقَرَّ مَكَانَهُ فَسَوْفَ تَرَانِي ‘’

Buu Alle ku yidhi (سبحانه وتعالى).

‘’ima arki kartid, laakiin bal buurta fiiri oo buur taasi hadii ay sugnaato oo meesheeda ku sii taalo waad i arki waan iskaa tusayaa. ‘’

Hadii kaleeto oo ay baaba’do dee ima arkeysid.

فَلَمَّا تَجَلَّىٰ رَبُّهُ لِلْجَبَلِ جَعَلَهُ دَكًّا وَخَرَّ مُوسَىٰ صَعِقًا

[ سورة الأعراف آية ١٤٣]

‘’Nabiyyu Allaahi Muusaa, buur tii muda ba iyada oon laga joogin wey baaba’day dhulka ayay la simantay Muusa na markaasuu argagax dartii la suuxay.’’

Saasuu Rabbi leeyahay (سبحانه وتعالى).

Nabiyyu Allaahi muusaa waana ka noqday arrin kii codsiga ahaa waa ka laabtay.

Marka Ilaahay (سبحانه وتعالى) adduunka laguma arki karaayo, ibna aadamka qaabka uu u abuuran yahay hadana awwood umma laha oo ma xambaari karo Rabbi (سبحانه وتعالى) aragti diisa, maxaa yeelay xadiith baa Nabigaﷺ ka ansaxay uu leeyahay:

‘’Allah wajigiisa nuurka iyo iftiinka ka baxaaya khalqigiisa mid kamid ah haduu Ilaahay xijaabka iska feydi lahaa, nuurka wajigiisa ka baxaaya khalqiga wuxuu gaadho oo dhan wuu baabi’in lahaa.’’

Mala arki karaayo marka uma sameysnin, awwood aan Rabbi geena ku aragno adduunka. Aakharo marka la tago waxaa leysku waafaqsan yahay in Allah la arki doono (سبحانه وتعالى) dadka mu’miniinta ahna ay arki doonaan, waa nicmo leysku galo midda ugu weyn inay tahay.

Aayaad fara badan oo quraanka kamid ah waa inoo imaan doonaan, axaadiis (mutawaatir) oo saxiixeenka ku soo arooray na Nabigaﷺ waa ka sugan yihiin in aakhara dadka mu’miinta ah ay Rabbi gooda arki doonaan (سبحانه وتعالى). Bal jannada oo la galaay nicmada ka weyni waa Allah oo la arko (سبحانه وتعالى). Aakharo waa sugan tahay marka laakiin adduunyada ma la arkaayo nusuus taas ayaa ku soo aroortay.

NO: 57 – الآية ٥٧

وَظَلَّلْنَا عَلَيْكُمُ الْغَمَامَ وَأَنزَلْنَا عَلَيْكُمُ الْمَنَّ وَالسَّلْوَى كُلُواْ مِن طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَكِن كَانُواْ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ

Nabigeena habeen kii la dheelmiyay oo samada kor loo sii qaaday Ilaahay ma arkay?

Saxaabada waa isku khilaafeen Nabigaﷺ inuu Allah arkay iyo in kaleete, laakiin sida raajixa ah waxa weeyaan inuusan Alle arag. Maxaa yeelay xadiiska muslimka Nabiga marka la weeydiiyay…

في صحيح مسلم عن أبي ذر -رضي الله عنه

سألت النبي -صلى الله عليه وسلم- هل رأيت ربك؟

فقال عليه الصلاة والسلام: (رأيت نوراً) وفي اللفظ الآخر قال: (نور أنى أراه؟!) فبين – صلى الله عليه وسلم – أنه لم ير ربه وإنما رأى نورا، وسئلت عائشة عن ذلك فأفادت أنه لم ير ربه وتلت قوله تعالى: لا تُدْرِكُهُ الْأَبْصَارُ وَهُوَ يُدْرِكُ الْأَبْصَارَ.. (الأنعام:103) يعني في الدنيا، وأما في الآخرة فيراه النبي – صلى الله عليه وسلم – والمؤمنون،

هل رأيت ربك؟

‘’Rabbigaa ma aragtay ma la yidhi Nabiga wuxuu yidhi;

 ‘’ رأيت نوراً’’

Iftiin iyo nuur un baan arkay mooyee yacni waxa weeye muusan sheegin in uu Nabiga arkay Ilaahay (سبحانه وتعالى) sidaasaa marka raajix oo xoog badan Nabigeena xataa inuusan Allah arag (سبحانه وتعالى) markii macnaha la dheelmay oo la sii qaaday macnaha micraajka.

وَظَلَّلْنَا عَلَيْكُمُ الْغَمَامَ وَأَنزَلْنَا عَلَيْكُمُ الْمَنَّ وَالسَّلْوَى كُلُواْ مِن طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَكِن كَانُواْ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ

{وَظَلَّلْنَا} waanu harreynay reer banii israa’iilow {عَلَيْكُمُ} dushiina {الْغَمَامَ} daruur tii baanu ku harreynay {وَأَنزَلْنَا} waan soo dejinnay {عَلَيْكُمُ} dushiina {الْمَنَّ} galad dii, wax yaalahii aan idinku galadeeysan neynay nicmooyin kii faraha badanaa {وَالسَّلْوَى} Shimbir tii (soolnaa) na waan idinku soo dejinay [markaasaan waxaan idinku niri] {كُلُواْ} cuna {مِن طَيِّبَاتِ مَا} shey kiisa wanaagsan cuna {مَا رَزَقْنَاكُمْ} aan idinku irsaaqnay [wax yaalaha aan idinku irsaaqnay kiisa fiic fiican cuna], [markaas ayay caasiyeen] {وَمَا ظَلَمُونَا} mana aynaan na dulmin oo anaga wax dhib ah nooma ay geesan {وَلَكِن كَانُواْ} waxayse ahaayeen {أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ} nafaf yaal kooda kuwa dulimya ayay ahaayeen.

Yacni waxay ahayd middan na oo ay ku timid Ilaahay (سبحانه وتعالى) markii uu faray iney galaan [fii Surat al Maa’idah ayay noogu imaan doontaa], waxaa la yidhi niman (Camaariqa) la yidhaahda magaalo ay degenaayeen baa la yidhi magaaladaa gala oo la dagaalama oo ka qabsaday ayaa la yidhi, magaaladii iyada ahayd marka wey cabsadeen oo waxay yidhaahdeen niman kan niman aan la dagaalami karno ma aha Muusoow adiga iyo Ilaah haada intaad is raacdaan oo tagtaan la soo dagaalama anaga meeshaan ayaan idinku sii sugeynaa halkaas ayaan ugu tagi doonaa.

Sidaa markii ay yidhaahdeen ayaa marka Ilaahay (سبحانه وتعالى) wuxuu ku riday (tiih) wareer ma u jeedaa, iyaga oo dhan baa macnaha wareeray markaasay 40 sanno is dawa wareeg ku jireen, afartan kii sanno markii ay is dawa wareega ay ku jireen ayuu Alle (سبحانه وتعالى) wuxuu ku nimceeyay qorax diina in laga harreeyay oo daruuro lagu harreeyay.

Sidoo kaleete maadaama ay wareersan yihiin oo (tiiha) ay ku jiraan cunto bisil oo iska diyaar ah in loo keenay saas buu Ilaahay ugu nimceeyay (سبحانه وتعالى) nimcadii iyada ahayd markii ay gaba gaboobday na kadib ayaa waxaa la oran doonaa oo niman kiina magaalada ay ka tageen ayaa waxaa la odhan doonaa magaalada gala, aayaad soo socda ayay inagu imaan doonaan, iyana wey dawa mari doonaan macnaha.

Qolodaan iyaga marka (salwigaa) iyo (mannigaa) wax yaalaha loo soo dejinaya cuntada iska diyaarka ah een dhibka u baahneyn iyaga laf tooda wey ka sheegan doonaan, waxaa inoo imaan doonto (In Shaa Allaah)

‘’ لَن نَّصْبِرَ عَلَىَ طَعَامٍ وَاحِدٍ فَادْعُ لَنَا رَبَّكَ يُخْرِجْ لَنَا مِمَّا تُنبِتُ الأَرْضُ ‘’

Iyada naf teeda ayay ka sheegan doonaa.

Niman meel loogu soo hagaagi ma aha, reer banii israa’iil meel loogu soo hagaagi maa!

  • Hadii loo nimceeyay na waakan
  • Hadii dhib la gaarsiyana waakan

Meel loogu soo hagaagi arki meysid macagag nima dooda iyo dhib badni dooda.

Ilaahay (سبحانه وتعالى) nicmooyin ka uu u galay waxaa kamid ahaa:

Manni iyo Salwi ayaa loo soo dejiyay.

{الْمَنَّ} macaani fara badan baa lagu fasiraa.

Qolo waxay ku fasirayaan waxa la yidhaahdaa [shey oo shubmaaya oo malabka oo kale ah] samada ayuu ka soo degaa dhul kaas Shaam iyo Ciraaq meelahaas buu ku soo degaa sida dhibicda oo kale ayuu marka hore u soo degayaa, markaasaa wuxuu fuulayaa dhax yaasha iyo geedaha dushooda ayuu fuulayaa oo xoogaa markuu joogana wuu engagayaa sida (xabagta) oo kale ayuu noqonayaa aad buu u macaan yahay.

Qolo noocaas bey ku tilmaameen.

Sheekh Tafsiirka noo akhrin jiray oo macalin Ciraaqi ahaa wuxuu inoo sheegay ilaa (al-aan) xiliyada qaar kood inuu ku da’o oo la helo weli geed kaa isaga ah.

Markaa geed kaa mufasiriinta qaar kamid saas ayay ku fasireen, qaar malab bey leeyihiin, qaar waxay leeyihiin maya, (manniga) waxaa la yidhaahdaa waa hilib waaweey, hilib waaweey oo diyaarsan baa loo keeni jiray.

Waxaad se moodaa macnaha waxa weeyaan, in macnaha Tafsiirka ila qurux badan inuu yahay midka Ibnu Kathiir macnaha waxa weeyaan oo qolyo badan ay marayaan oo in la yidhaahdo (manniga) waxaa la yidhaahdaa:

Wax kasta oo bilaash adiga oon ku dhibaatoonin galad oo lagu siiyo, tii galada ahayd.

Waxaa marka soo galaya geed kaa u soo da’i jiray iyo waxyaalo fara badan oo la siin jiray ayaa marka manniga soo galaaya.

Marka waxa weeye:

‘’ وَأَنزَلْنَا عَلَيْكُمُ الْمَنَّ ‘’

Wax yaalo galad ah oo iska bilaash oodan ku dhibaatoonin saa in la yidhaahdaa ayaad moodaa iney fiican tahay sidaana waxaa ku tusaaya xadiiska Nabigaﷺ bey u daliishan nayaan mufasiriinta oo saxiixeenka iyo khayr koodaba ku yimid, xadiith kaas wuxuu Nabigaﷺ leeyahay:

Saciid ibnu Zeyd baa werinaya.

Wuxuu Nabiga leeyahay:

:عن سعيد بن زيد رضي الله عنه قال
:قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

‘’ الكمأة من المن وماؤها شفاء للعين ‘’

‘’Bahasha (kam’ada) la yidhaahda waxay kamid tahay (mannigii) wax yaalahii galada ahaa ee Nabiyyu Allaahi Muusaa (عليه السلام) lagu soo dejiyay.’’

‘’ وماؤها شفاء للعين ‘’

‘’Biyaho heedana isha ayaa lagu daaweeyaa buu yidhi Nabiga.’’

Kam’ada waa shey baxa weeye meelo badan oo adduunka kamid ahna ka baxa kam’ada koley wadaada Somaliya waxay inagu fasiri jireen bahashaan (dabeyruqda) la yidhaah oo dhulka soo baxda

Taas ayay kam’ada wadaadada noogu fasiri jireen (walaahu aclam) Ilaahay (سبحانه وتعالى) baa garanaayo

Xadiiska wuxuu cadeyn nayaa reer banii israa’iil wax yaalahii lagu soo dejiyay ineyna keliya ahayn, bahal kaa keliya aan ahayn (manniga) wax yaalo fara badan ay soo guda galeyyaan oo bilaash lagu siin jiray.

(السَّلْوَى)

Amaa (Salwaaga):

Salwaaga asagu waxay u badan yihiin mufasiriinta waa Shimbir (samaani) la odhan jiray oo macnaha isaga oo bisil oo la solay loo keeni jiray, sidaas ayaa isagana loo badan yahay.

Ibn….?

Wuxuu sheegaya (ijmaac) inay tahay, inkasta oo lagu diidan yahay waa ijmaac buu leeyahay in shimbir kaa laga wado (السَّلْوَى) ()

Aayada | 57aad

‘’Waanu harreynay, dushiina, daruur, waan soo dejinnay, dushiina, wax yaalahii galada ahaa, ee sida bilaashka ah la idinku siin naayay idinka oon ku dhibaatoonin, Shimbir tii (soolnaa) na waan idinku soo dejinay, [markaasaan idinku niri], cuna, shey kiisa wanaagsan cuna, aan idinku irsaaqnay [wax aan idinku irsaaqnay wanaagiisa iyo kiisa wanaagsan cuna], mana aynaan na dulmin buu Alle yidhi [wey caasiyeenoo marka xumaan bey uga baxeen], waxayse ahaayeen, nafaf yaal kooda kuwa dulimya ayay ahaayeen.’’

Dembiga ay galeen ayaga oo dib ugu soo laabteen mooyaan nee Ilaahay (سبحانه وتعالى) waxba ma aysan dhibin. Maxaa yeelay Ilaahay hadii saalaxiin la wada noqdana Mulki giisa waxba lagu ziyaadin maayo, hadii dad wada xun la noqdana Mulkiga Ilaahay (سبحانه وتعالى) waxba laga nusqaamin maayo.

Sidaad baa xadiiska Nabigaﷺ ka sugnaaday xadiisu qudsiga ayaa ku tusaayo.

NO: 58 – الآية ٥٨

وَإِذْ قُلْنَا ادْخُلُواْ هَذِهِ الْقَرْيَةَ فَكُلُواْ مِنْهَا حَيْثُ شِئْتُمْ رَغَدًا وَادْخُلُواْ الْبَابَ سُجَّدًا وَقُولُواْ حِطَّةٌ نَّغْفِرْ لَكُمْ خَطَايَاكُمْ وَسَنَزِيدُ الْمُحْسِنِينَ

NO: 59 – الآية ٥٩

فَبَدَّلَ الَّذِينَ ظَلَمُواْ قَوْلاً غَيْرَ الَّذِي قِيلَ لَهُمْ فَأَنزَلْنَا عَلَى الَّذِينَ ظَلَمُواْ رِجْزًا مِّنَ السَّمَاء بِمَا كَانُواْ يَفْسُقُونَ

Weli waxaa la sii wadaa nicmooyin kii Ilaahay uu u galay iyo macagag nimada ay kaga jawaabayaan.

{وَإِذْ} waxaa xustaa waqti aanu niri {قُلْنَا} gala aan idin niri {هَذِهِ الْقَرْيَةَ} magaaladaan gala {فَكُلُواْ} waxaad cuntaan {مِنْهَا} xageedda na waxaad ka cuntaan {حَيْثُ شِئْتُمْ} meel alla meeshaad doontaan ka cuna {رَغَدًا} [aklan] cunitaan oo waasac ah [cunitaan balaaran ka cuna meel alla meeshaad doontaan ka cuna] {وَادْخُلُواْ} waxaad gashaan {الْبَابَ} albaab kana waxaad gashaan {سُجَّدًا} xaal aat-tihiin kuwa foorara [idinka oo foorara oo ruckuuc sana albaabka magaalada markaad galeysaan saa ku gala] {وَقُولُواْ} waxaad tiraahdaan ood ku dhawaaqdaan markaan magaalada galeysaan {حِطَّةٌ} codsigana aanu Allah weydiisan neynaa [waxa weeyaan in la noo dembi dhaafo weeyaan, in dembiga na laga daadiyo weeye] {نَّغْفِرْ لَكُمْ} waanu dhaafeynaa [sidaa hadaad yeeshaan] {خَطَايَاكُمْ} idinka gafaf yaal kiina baanu idin dhaafeynaa {وَسَنَزِيدُ} waanu u kordhin neynaa {الْمُحْسِنِينَ} kuwa sama falana ayagana ziyaado ayaynu siineyn naa, [dembi dhaafkaa wax ka dheeraad baanu siin neynaa buu Rabbi leeyahay (سبحانه وتعالى).]’’

{فَبَدَّلَ} Sidaa markii lagu yidhi, wey bedeleen {الَّذِينَ} kuwii wey bedeleen weyne dooriyeen {ظَلَمُواْ} dulmiga sameeyay {قَوْلاً} hadal bey ku bedeleen {غَيْرَ الَّذِي} hadal kaas oo aan ahayn {قِيلَ لَهُمْ} kii lagu yidhi [hadal kii lagu yidhi hadal aan ahayn bey ku bedeleen oo meeshiisu geliyeen], {فَأَنزَلْنَا} markaasaan waxaan soo dejinay {عَلَى الَّذِينَ} kuwii dushooda {ظَلَمُواْ} dulmiga iyo gardarada sameeyay {رِجْزًا} caddaab baan soo dejinay {مِّنَ السَّمَاء} samada xageeda kaga soo dejinay {كَانُواْ يَفْسُقُونَ} dhaaca ka bax xooda Ilaahay dhaacadiisa ay ka baxeen darteeda ayaanu caddaab kaa samada kaga soo dejinay buu Rabbi (سبحانه وتعالى) leeyahay.

Magaalada la leeyahay gala waa Baytul Maqdis sida jumhuurta ay qabaan, Baytul Maqdis ayaa la yidhi gala, markaad gashaa na magaala daas barwaaqada taala iyo cuntada taala qaab kaad doontaan iyo meeshaad doontaan ka cuna saasuu Ilaahay (سبحانه وتعالى) ku yidhi.

Laakiin laba shey sameeya:

1- Markaad galeysaan foorar ku gala muujin aad muujin neysaan Ilaahay (سبحانه وتعالى) qushuucid aad u qushuuceysaan (tawaaduc) dartii, idinka oo foorar horta magaalada gala.

2- Hadalka aad ku dhawaaqeysaan hal qabsi giina markaa ha noqdo {حِطَّةٌ} Ilaahow dembi dhaaf baanu dooneynaa, sidaana ku gala.

Sidaas markii la yidhi, hadaad sidaas sameysaan buu Rabbi (سبحانه وتعالى) leeyahay dembi giina waa dhaafayaa, ninkii sama falo oo (ixsaan) la yimaadana ziyaado ayaan siin waan u kordhin, sidaas buu Rabbi (سبحانه وتعالى) ku yidhi.

Maxay sameeyeen marka?

Hadal kii lagu yidhi intay meesha ka saareen bey hadal kale meesha soo geliyaan.

Sida xadiiska Nabigaﷺ ku yimid (al-Bukhaari) iyo khayr kii ay werinayaan Nabigaﷺ wuxuu leeyahay, Abuu Hurrayrah ayaa werinaya waa xadiis [mutafaq] ah.

Wuxuu Nabiga yidhi:

‘’ ” قيل لبني اسرائيل: ادخلوا الباب سجداً ‘’

‘’Reer banii israa’iil waxaa lagu yidhi albaabka magaalada gala idinka oo rukuucsan.’’

‘’ وقولوا حطة ‘’

‘’Hadal kaan ku dhawaaqa oo Ilaahow dembi dhaaf baan rabnaa na dhaha.’’

Intaa is raaciya ayaa lagu yidhi.

”ودخلوا الباب يزحفون على أستاههم، فقالوا: حبة في شعرة”

Yacni waxa weeyaan meeshii laga yidhi idinka oo foorara gala magaalada ayaga oo dawa ku (siqaaya) ayay magaalada galeen.

Ma u jeedaa bal waxa dhib ay sameeyeen fiiri!

Lafa hooda bey dhibayaan yacni wax kale umaba jeedaan nee Ilaahay (سبحانه وتعالى) amar kiisa khilaafa un bey ka tahay, hadii la yidhi war idinka oo rukuucsan magaalada gala dawada ayaga oo ku siqaaya sida ilmo yar oo hada dhashay ayay magaaladii galeen.

Hadii la yidhi waxaad tiraahdaan hadalka hal qabsiga ka dhigta {حِطَّةٌ} ka dhigtan oo dembi dhaaf macaheeda dembiga in leynaga hoobiyo ayaan rabnaa, ciyaar ciyaar iyo jees jees bey u bedeleen oo waxay yidhaahdeen.

Ilaahayow (xabbad) iyo (tin) isla socda, xabbad iyo tin isku dhex jira, (xabbad shaciir) ah, (xabbad qamandi ah) iyo tin isku dheehan oo isku dhex jira ayaanu ku weydiisan neynaa bey dhaheen.

Maxay tahay waxaas?

Ma u jeedaa, waa dad aad la yaabi weeye!

Waxa uu doonayaa Ilaahay (سبحانه وتعالى) inuu muujiya ummad daa ciqaabta ku dhacday (suurat Israa) markeynu u tagno ciqaab aad u adag buu Ilaahay (سبحانه وتعالى) ku sameeyay, ciqaabta iyada ah ee Ilaahay uu ku sameeyay iney muteys teen ayaa la doonayaa in la ineyga dhaadhaciyo. Tan labaad waxaa la doonayaa ummad daan (mukhaalafada) ay gashay [iyo dawa martada ay sameyn nayaan] in aan la inaga helin oo aan iska ilaalino taa ayuu Ilaahay (سبحانه وتعالى) naga doonayaa.

Sidaa marka ay sameeyeen oo dawa mar ay ku sameeyeen amarka Ilaahay (سبحانه وتعالى) ayuu markaa Ilaahay caddaab samada uga soo dejiyay. Samada ayuu cadaab kaasi kaga yimid […] cadaab kaas wuxuu yahay ma sheegin aayada.

Yacni {رِجْزًا} un baa laga cabiray.

  • Ma daacuun buu ahaa?
  • Ma caddaab kale buu ahaa?

Lama yaqaano mufasiriinta laakiin wax badan bey sheegayaan.

Aayada | 58aad

Xustaa waqti, aanu niri, gala, magaaladaan gala [yacni meesha]…

{وَادْخُلُواْ الْبَابَ سُجَّدًا}

Dersigii hore waxaan ku soo marnay, markaan ka soo warameynay malaa’ikta iyo Ilaahay (سبحانه وتعالى) sujuuda uu faray, waxaan niri sujuuda asal keeda in lagu xambaaro waaye, hal kaana waxaan niri sujuuda waxaa laga wadaa idinka oo foorara gala ama idinka oo (mutawaadiciin) oo Ilaahay isu duleyn naaya gala. Maxaan u dhihi la’ nahay oo asal keeda aan ugu wadi la’ nahay, maan dhahno idinka oo wajiga dhulka ku haaya gala magaalada oo sujuuda asal keeda luqada ah maan ku wadno.

Waxaa diidayaa!

Gala magaalada iyo sujuud baan is ogolaan neynin, gala magaalada socod bey keensan neysaa, inaad socod sujuudiina wey is diidayaan, sujuuda wax yaalaha ay ku timaado luqa ahaan waxaa kamid ah;

  • Foorarka
  • Waxaa kale oo kamid ah (tawaaduca).

Intaa in lagu fasiro waxaa keenaya marka macnaha ayaan is qabanin neynin hadaad tiraahdo gala idinka oo sujuudsan, [oo wajiga ayay ku siqaayaan miyaa laga wadaa markaa?]

Suurto gal ma aha markaa.

Sidaas daraadeed baa {سُجَّدًا} tan dambe macnaha idinka oo fooraro la oran nayaa.

‘’Xustaa waqti, aanu niri, gala, magaaladaan gala, cuntaan, xageedda, meel alla meeshaad doontaan [aklan] cunitaan oo waasac ah, albaab ka gala, idinka oo foorara  oo rukuucsan [albaabka ka gala ama idinka oo tawaaducaaya], waxaad tiraahdaan, codsigana aanu Allah weydiisan neynaa, waa dembi daadin weeye [in dembiga na laga daadiyo], waanu dhaafeynaa buu Alle leeyahay [sidaa hadaad sameysaan], idinka, gafaf yaal kiina iyo dembi giina ayaan idin dhaafeynaa, waanu u kordhin neynaa kuwa sama wanaaga la yimaada ee sama fale, [dembi dhaafkaa wax ka dheeraad baanu siin neynaa buu Rabbi leeyahay (سبحانه وتعالى)].’’

Muxsinka waxaa la yidhaahdaa Nabiga ayaa qeexay:

الإحسان: “أن تعبد الله كأنك تراه فإن لم تكن تراه فإنه يراك

‘’In aad Ilaahay u caabudo sidii adiga oo arko oo kuu muuqdo oo kale [manzilatu ixsaan] iimaanka manaazil kiisa ugu sareyso weeye.’’

Aayada | 59aad

‘’Wey bedeleen oo wey dooriyeen, kuwii dulmiga sameeyay, hadal bey ku dooriyeen, qowl kaas oo aan ahayn kii lagu yidhi [hadal kii lagu yidhi hadal aan ahayn bey ku bedeleen (oo hadal kii lagu yidhi muxuu ahaa?) {حِطَّةٌ} buu ahaa, {حِطَّةٌ}dii baa intey bedeleen bey (nuun) meesha soo geliyeen], (حنطة) bey dhaheen [macnahii oo dhan baa marka is bedelay], waxaan soo dejinay, kuwii dushooda waxaan ku soo dejinay, dulmiga sameeyay, caddaab baan soo dejinay, samada xageeda ayaan caddaab kaa kaga soo dejinay, fisqi gooda iyo daacada Ilaahay (سبحانه وتعالى) ay ka baxeen darteed ayaan macnaha cadaab kaa ugu soo dejinay.’’

 

.(.والله أعلم)

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan qiimaha badan oo inoo soo jeediyay sheekheena aanu jecel nahay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido).

Fadlan wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

”Dhamaan dadka ka soo shaqeeyay khayrka iyo Sheekheena aan jecel nahay, Sheekh Maxamed Cabdi Umul waxaan leeyahay…”

.(والله أعلم)

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan Tafsiirka Quraanka Kariimka ee uu inoo soo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido). Dersiga wuu sii socdaa waxaan na soo diyaarin doonaa dersiga xigga hadduu Ilaahay (swt) inoo fududeedo In Shaa Allaahu Tacaalaa. Waxaan ka codsan neynaa dhamaan ummadda Islaamka ee walaalaheena ah meel kasta ay ka joogaan dunnida in ay inoo soo duceeyaan in uu Ilaahay inoo fududeeyo qoraaladan qiimaha badan oo ah (Kalaamka) Ilaahayn  (swt) oo ay culimadeena ina faham siin neysa Ilaahay iyagana ha xafido cumrigooda na Ilaahay ha barakeeyo oo ha dheereeyo, Aamiin.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين 
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Email: wajibad@gmail.com