Tafsiirka Quraanka
Suuradda al-Faatixa

Sheekh Maxamed Cumar Dirir

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com
Fiiro gaar: halkaan kala deg darsigan Tafsiirka oo PDF ah.

Decorative Lines

bism Allah

إن الحمد لله، نحمده، و نستعينه، ونستغفره، ونعود بالله من شرور أنفسنا، وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده و رسوله، صلي الله عليه وعلي آله، واصحابه، ومن تبعهم  بإحسان إلي يوم الدين، و سلم تسليماً كثيراً،

:أما بعد

Horudhac

Waxaynu halkaan ka bilaabi doonnaa (ان شاء الله تعالى) Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah, kitaabka Kariimka ah ee (Kalaam) kii Ilaahay ah ayaynu halkaan ka bilaabi doonnaa tarjamadiisa ama ineynu luqa Somalia u turjumno sida Ilaahay ina waafajiyo, Alle na waxaynu ka baryeynaa inuu inoo sahlo.

Intaa kadib marka hore in dadku ay helaan waxyiga Ilaahay (Fadli) aad iyo aad u weyn weeye, waxaynu odhan karnaa ba nicmooyinka Ilaahay uu ugu manno sheegto had iyo jeer (Rususha) ama uu ku amaano waxa ugu weyn (Waxyiga), waxyiga ayaa uga weyn una qaalisan, bal waxaynu baraarujin lahayn quraanka kariimka ah iyo sida arrin taa ah uu u tilmaamo waa fadliga (Ambiyada) Ilaahay u sheegaya iyo isaga oo u manna sheegan naaya.

Labadaa arrimood labadaba waxay ku yimaadaan waxyiga, waxyiga uu uga manna sheegtaa inuu Ilaahay waxyi siiyay ambiyada, waxyigaa ay helaan baanu ku amaanaa iyo cilmiga samaawiga ah.

Nabi Aadam (cs) waxa uu Ilaahay tilmaamay:

‘’ وَعَلَّمَ آدَمَ الأَسْمَاء كُلَّهَا ‘’

Markii malaa’ikta uu lahaa u sujuuda, sababta loo yidhi u sujuuda waa inuu fadli badnaaday, waa inuu macalim kii malaa’ikta noqday, shey Ilaahay u waxyooday daraadeed ayuu macalim ku noqday.

Nabi Maxammedﷺ Ilaahay isagana wuxuu manna sheegtay kuna amaanay waxyigan, waxyigan iminka aanu tilmaameyno tarjumadiisa.

Alle (swt) wuxuu yidhi:

‘’ وَأَنزَلَ اللَّهُ عَلَيْكَ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَعَلَّمَكَ مَا لَمْ تَكُنْ تَعْلَمُ وَكَانَ فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكَ عَظِيمًا ‘’

[سورة النساء آية ١١٣]

‘’Waxa Ilaahay uu kugu soo dejiyay kitaab iyo xikmad, waxa uu ku baray waxaanad hore u aqoonin [oo quraan kaan iyo waxyiga ah], Ilaahay fadligiisa wuu weyn yahay, fadliga Ilaahay uu ku siiyay aad iyo aad buu u weyn yahay,’’ 

Marka macna heedu waxa weeyaan, Ilaahay wuxuu inagana na baray waxaynaan hore u haynin oo kitaab kaan iyo xikmadaan ah, fadliga uu Ilaahay na siiyay aad buu u weyn yahay, [Allaah ha ina garan siiyee…].

Fadligaas inuu Ilaahay baryo Nabiga in loo kordhiyo oo quraan kan aanu ka kala joojinin ee Alle u siyaadiya na wuu faray wuxuu yiri:

‘’ وَقُل رَّبِّ زِدْنِي عِلْمًا ‘’

‘’Ilaahow cilmi ii kordhi dheh,’’

Nabi Ibraahiim (cs) aabahiis isaga oo la hadlaayo baa waxa uu leeyahay:

‘’ يَا أَبَتِ إِنِّي قَدْ جَاءَنِي مِنَ الْعِلْمِ مَا لَمْ يَأْتِكَ فَاتَّبِعْنِي أَهْدِكَ صِرَاطًا سَوِيًّا ‘’

[ سورة مريم آية ٤٣]

‘’Aabe cilmi iyo waxyi baa Ilaahay i siiyay adigu aanan haynin ee iga talo qaado aabe,’’

Nabi Yacquub (cs) waa nabiga afaraad isaguna, Ilaahay baa amaanay isaguna wuxuu yidhi:

‘’ وَإِنَّهُ لَذُو عِلْمٍ لِّمَا عَلَّمْنَاهُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لاَ يَعْلَمُونَ ‘’

[ سورة يوسف آية ٦٨]

‘’Cilmi buu lahaa nabigaasi aanu barnay, inkasta oo dadka badan kooda aanu garan neynin,’’ [Surat: Yuusuf, 68]

Nabiga shannaad waa Nabi Yuusuf (cs) Ilaahay baa wuxuu yidhi:

‘’وَكَذَلِكَ يَجْتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأْوِيلِ الأَحَادِيثِ ‘’

[ سورة يوسف آية ٦]

‘’Ilaahay baa ku doortay, aqoon na wuu ku siiyay iyo waxyi kugu soo dejiyay,’’

Waa waxyigaas (manaamka) lagu cabiro ahaa.

Nabiga lixaad waa Nabi Daa’uud (cs):

‘’ وَآتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ وَالْحِكْمَةَ وَعَلَّمَهُ مِمَّا يَشَاء ‘’

Ilaahay baa cilmigiisa baray Nabigaa.

Nabiga Todobaad waa Nabi Suleymaan (cs) oo Nabi Daa’uud inan kiisii ah:

‘’ وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيْءٍ إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ

[Surat: an-Naml, 16]

Waxa Ilaahay oo inoo waxyooday oo inoo hibeeyay, wax dadka ba aan la wada siinin oo cilmigaa dheeraadka ah.

Nabiga sideedaad waa Nabi Ciise (cs) Ilaahay baa wuxuu yidhi:

‘’ وَيُعَلِّمُهُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَالتَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ ‘’

‘’Nabi Ciisow waxaan ku baray, qoraalka iyo xikmada iyo labada kitaab ee waxyiga ah ee Towraad iyo Injiil ee adiga iyo Nabi Muuse la idin waxyooday.’’ [Surat: Aali-Cimraan, 48]

Ummadey naan Ilaahay wuxuu inagana nagu manna sheegtay waxyigan ina siiyay waa nicmooyinka waaweeyn ee Ilaahay ummadaan uga manna sheegtay, laba ayuu Ilaahay isugu keen qoofay oo…

  1. Kitaabkii oo waxyigii ah iyo
  2. Rasuulkii oo nolosha ku turjumaya

Waa sida kitaabka loo fahmaayo ee loogu camal falaaya oo nolosha looga Xaqiijin naayo, maqal ahaan na wuu inagu soo gaadhsiiyay Nabigu, muuqaal ahaan na isaga ayaa u turjumaya oo ina siiyay, maqal iyo muuqaal ba weynu ku helnay kitaabka.

Ilaahay baa waxa uu yidhi:

هُوَ الَّذِي بَعَثَ فِي الْأُمِّيِّينَ رَسُولًا مِّنْهُمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِهِ وَيُزَكِّيهِمْ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَإِن كَانُوا  (3) مِن قَبْلُ لَفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (2) وَآخَرِينَ مِنْهُمْ لَمَّا يَلْحَقُوا بِهِمْ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ

[Surat: al-Jumuca, 2/3]

Ilaahay, waa Ilaaha ummadaan u nimceeyay ee Rasuul iyaga kamid ahna ka soo saaray oo ay garan nayaan (abtirsiima diisii) iyo halka uu ka soo jeedo, ayaa Ilaahay uu ka soo saaray, waxa uuna ku soo dejiyay kitaabkan, kitaabkii buu tilaawada diisii barayaa habka loo akhriyayo, Nabi Maxammadﷺ baa quraanka baray habka asxaabtu ay u akhriyayaan, asxaabtuna ummadii kale ayay sii bareen saasuu inagu soo gaadhay.

Waxaa kale uu Ilaahay raaciyay kitaabka tiwaaladiisa sidaa uu u barayaa buu Macnihiisana uu u barayaa, waxaa labadaa ba u dheeraad ah xikmadiisa oo sunnahiisa ahna wuu barayaa oo iyana waxyi kale ah, waxa afaraad oo u dheeraad ah…

[وَيُزَكِّيهِمْ] [Taskiih] ayuu siinayaa oo habka quraanka loo (tadbiiqiyo) ayuu ku dawa galaayaa asxaabta, afartaa arrimood buu isugu daray, afartuba waa waxyi Ilaahay ummaddaan uu siiyay oo inagu manna sheegtay.

Arrinka sagaallaad quraanka kariimka waxa uu Ilaahay tilmaamay, sheyga macnaha waxyiga isaga oo tilmaamaya addoomaha wanaagsan ku manna sheegan naaya.

Khadir; qisadii Khadir (العبد الصالح) addoonka wanaagsan:

‘’ فَوَجَدَا عَبْدًا مِّنْ عِبَادِنَا آتَيْنَاهُ رَحْمَةً مِنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَاهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًا  ‘’

‘’Addoon wanaagsan bey heleen oo addoomaha Ilaahay kamid ah oo aanu siinay baa Ilaahay yiri naxariis iyo cilmi xagga yaga ka yimid,’’ [Surat: al-Kahf, 65]

Cilmigiisii buu caashaqay oo, uu jeclaaday Nabi Muuse (cs) kolkaasaa wuxuu lahaa:

‘’ قَالَ لَهُ مُوسَى هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَى أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًا ‘’

‘’ Cilmiga si aad wax iiga barto aan ku raaco,’’ [Surat: al-Kahf, 66]

Cumuuman marka aynu sii wadno waxa aynu odhan karnaa waa nolol quraanka;

  • qofka ayuu nooleeyn nayaa,
  • qoyska ayuu nooleeyn nayaa,
  • dowlada ayuu nooleeynayaa,
  • ummadda ayuu nooleeyn nayaa

Nolol kale ba ma jirto aan quraanka ahayn.

Dadku markay bilaa quraan noqdeen (qolfoofuun) bey noqdeen, dhan ay u jeedaan ba aan la garan neyn oo hor iyo dawa diid ah.

Ilaahay baa ugu manna sheegtay Rasuulkaﷺ markaasaa Ilaahay waxa uu yidhi:

‘’ وَكَذَلِكَ أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ رُوحًا مِّنْ أَمْرِنَا مَا كُنتَ تَدْرِي مَا الْكِتَابُ وَلا الإِيمَانُ وَلَكِن جَعَلْنَاهُ نُورًا نَّهْدِي بِهِ مَنْ نَّشَاء مِنْ عِبَادِنَا وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ ‘’

[سورة الشورى ٥٢]

Waxaan kugu soo dejinay baa Ilaahay yidhi () waa nolol waxyi geyga ah, nolol waxyigii Ilaahay ah, nolol iyo nuur labadaas ayaa Ilaahay ku tilmaamay.

  1. Qalbigana wuu nuuraa,
  2. Qalbigana wuu nooleeyaa

Sida nafta jidhku ugu nool yahay ayay naftuna quraanka ugu nooshahay.

Kalmadaa hore waxaynu ku baraarujinay kitaab kaan kariimka ah iyo nicmada ummadda uu u leeyahay iyo fadli Ilaahay ummaddaan uu siiyay iney tahay.

Intaa haddii aynu ka soo gudubno si yar oo kooban, waxaynu u mari doonnaa in yar oo la xidhiidha (culuum al-quraan) ama tafsiirka iyo cilmiga quraanka xoogaa yar oo kooban ayaynu wax ka odhan doonnaa.

Marka hore quraanka kariimka ah waxaa u soo hor degay sida aynu wada garan neyno xagga (nuzuul kiisa) markeynu eegno nicmadan iyo naxariistan, markii ay () Ilaahay uu ka furay ee ummaddan ugu deeqay waxaa ugu horeeyay suuradda la yiraahdo (Suurat Iqra) oo markeeda horeba fareyso ummadda iney jahliga ka baxdo oo akhris na ay yeelato, aqoon na ay yeelato si Ilaahay ay u barato, ileyn qof jaahil Ilaahay xaqqiisa garan maayee!

Suuraddaas ayaa u horeeyay, ayaa u horeysay quraanka waxaa ku xiktay (Surat al-Muzzamil) iyo (Surat al-Mudathir) labadaas ayaa ku xigay.

Suurada ugu dambeysay quraanka kariimka ah ee soo xidhay albaabka waxay ahayd suuradda (Surat al-Baqarah) la yidhaah, aayada qaybta dambe ku jirta ee Ilaahay uu yidhi:

‘’ وَاتَّقُواْ يَوْمًا تُرْجَعُونَ فِيهِ إِلَى اللَّهِ ثُمَّ تُوَفَّى كُلُّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ وَهُمْ لاَ يُظْلَمُونَ ‘’

Dadkii baa Ilaahay ula hadlaayaa wuxuu leeyahay:

‘’Maalinkaa la idin celin doono ee qiyaamaha ka baqa, ka cabsada oo ka warwara oo ku fikira oo u diyaar garoowa, maalin kaas oo qof waliba camal kiisii loo dhameystiri doonno,’’ [Surat: al-Baqarah, 281]

Macnaha maalin kaas cajaa’ibka uu leeyahay waxaa kaaga filan, quraanka aad buu qiyaamaha ugu soo waramay ee in haddana lagu soo gabagabeeyo quraanka. Sagaal habeen buu sii noolaa Rasuulkaﷺ markey aayad daasi soo degtay.

[Qowlka raajixa ah] ee culimada tafsiirku ay qabaan ee taariikhda waa kaa weeye, waa laga yaabaa culimada qaar kood iney aayada (al-Maa’idah) ku jirto ku sheegaan ee Ilaahay uu yidhi:

‘’ الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلامَ دِينًا ‘’

[Surat: al-Maa’idah, 3]

Aayad daas oo tilmaameysa dhameystirka diinta iyo nicmadii Ilaahay ummadda uu siiyay nicmada waxyiga.

Aayadaa laakiin markey soo degtay dhowr iyo 80 habeen ayuu Nabi Muxammadﷺ sii noolaa oo shir weynahii ugu dambeeyay ee (Caalamul Islaami) uu lahaa ee (Xajjatul Waddaac) ayaa aayad daasi ku soo degtay, marka tan ayaa ka sii dambeysay ee ku jirta (al-Baqarah) ee sagaalka habeen uu sii noolaa.

Taasina iyadana waa mid xusuus teedii leh.

Quraanka marka had iyo jeer aynu dhex galno (in shaa Allaahu tacaalaa) marar badan waxaad maqli doontaan iyadoo aynu ka waram meyno (sababu nuzuul).

Sababu nuzuul () Aayadaa sababta ay ku soo degtay cayn kaas ayay ahayd, sababta ay ku soo degtay cayn kaas ayay ahayd.

Marka taa maxaa faa’ido ah ee ku jirta?

Faa’idada runtii ku jirta sababta aayada ay ku soo degtay oo la ogaado waxa weeyaan arrin aad iyo aad u muhiim ah culimaduna ay ka waramaan. Sababaha waxaa kamid ah in la garto xikmada keentay sharcigaan, sharcigaan Ilaahay ummadda u soo kordhiyay xikmada u sabab ahayd baad fahmeysaa, mar labaad waxaad fahmeysaa mararka qaar kood iyada oo ereygani uu yahay mid si qaas ah u hadlaaya inuu haddana caam yahay ayaad arki doontaa.

Ahmiyada marka ay culimadu ka waram mayeen Ibnu Taymiyyah () isaga oo ka hadlaaya sababu nuzuulka iyo qiimaha uu leeyahay waxa uu leeyahay:

‘’Sababaha aayadaha ay ku soo degeen oo la barto waxay ka qeyb qaadan neysaa aayada quraanka in si fiican loo fahmo, waaye sababta oo aad fahamtaa waxay keeneysaa wixii loo sabab ahaana inaad si wanaagsan u fahamto,’’

Mararka qaarkood bey dhici kartaa haddii qofku sababta ba aanu fahmin in aayaduba ay isku soo taagto.

Ninka la odhan jiray Marwaan ibnu Xakam ayaa wuxuu hore u fahmi waayay aayada Ilaahay uu yidhi:

‘’ لَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ يَفْرَحُونَ بِمَا أَتَوا وَّيُحِبُّونَ أَن يُحْمَدُوا بِمَا لَمْ يَفْعَلُوا ‘’

Aayad daas oo macnaheeda uu yahay;

‘’Yaanay ku farxin dadku wixii la siiyay…. Waxay jecel yihiin in lagu amaano waxaynaan sameynin,’’ [Surat: Aali-Cimraan, 188]

Ama wixii la siiyay ayay ku farxayaan.

Marka wuxuu nin kaasi leeyahay, haddii dee qof weliba uu jecel yahay, qof weliba uu ku farxayo wixii la siiyay ee nicmo ah ee uu haysto oo taa dhibaato iyo dembi uu kaga imaan nayo, wallaahi in badan baanu ku faraxnaa wixii nala siiyay, dee halkaa dhibaato ayaa naga beydheyso iyo dembi.

Marka macnahii aayada ayaa isku dawa rogay.

Cabdillaahi ibnu Cabaas baa ka jawaabay, markaasuu wuxuu leeyahay war aayada waxay ku soo degtay qolo qaas ah oo niman kii Yahuuda ahaa.

Nabigaﷺ ayay u yimaadeen su’aal ayuu weydiyay, su’aalihii bey qaldeen jawaab teedii, jawaabo qalad ayay u dhiibeen, wey iska tageen oo waxay u arkeen inuu Nabiga ku qancay. Markaasaa waxay yiraahdeen isagiina amaan beynu ka helnay, waxaan dhab ahayn na weynu u sheegnay.

Aayada macnahaa qaas ka ah bey ka hadleysaa, laakiin kama hadleyso kan aad moodeeyso wixii Ilaahay qofka siiyay hadduu ku farxo in uu dembi ku muteysan naayo. Marka Ibnu Cabaas baa u saxay macnahii aayada Marwaan.

Mar labaad Ilaahay waxa uu yidhi:

‘’ وَالَّلائِي يَئِسْنَ مِنَ الْمَحِيضِ مِن نِّسَائِكُمْ إِنِ ارْتَبْتُمْ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلاثَةُ أَشْهُرٍ ‘’

‘’Dumarka ka quustay caadada ee da’da weyn iyo qofka aan weli gaadhin heer kii caadada uu ku heli lahaa ee ilmaha yar ah, haddii aad shakideen, waqtiga ay ku (cida) tirsan nayaan kolka la furo waa saddex bilood,’’ [Surat: at-Talaaq, 4]

Saddex bilood inay u dhamaato taasuu cadad baxeeda gabadha noqon nayaa, haddii shakideen, daweetana culimada qaar kood baa waxay yidhaahdeen (haddii shakideen), oo haddii la shaki waayay na?

Waa inaan dee cida dambe lagu lahayn!

Qoloda Daahiriyada iyo qaar kood baa sidaa u qaatay oo waxay yidhaahdeen:

Saddexda bilood wuxuu imaanayaa marka la shakiyo, laakiin haddii aan shaki ba jirin ba dee saddexdaa bilood laguma leh, laakiin waxaa la fahmayaa macnaha aayada marka sababta la fahmo.

Sababtuna waxay ahayd su’aal bey ku timid aayada oo asxaabta Nabigaﷺ weydiyeen, markaa bey waxay yidhaahdeen gabadhii markaa uurka lahayd waa la sheegay cadad baxeedii in uu yahay marka ay dhasho…

‘’ وَأُوْلاتُ الأَحْمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعْنَ حَمْلَهُنَّ ‘’

[سورة الطلاق الآية ٤]

Tii kale iyadana (qur’iga) tirsan neysay ama caadada heleysay, saddex jeer marka ay hesho ayuu quraanka tilmaamay, talow tii aan caado heleynin ama da’deedu ay yareyd ama islaanta weyn tahay ama aan uurka lahayn, talow cadad baxeedu muxuu noqon nayaa, su’aashaasi marka ay timid buu Ilaahay yidhi hadaad shakideen jawaab teeda waa taa.

Marka ama hala shakiyo ama yaqiin ba haloo ogaadee mar walba cadad baxeedu qof kaa isaga ah waa saddex bilood weeye, tusaale un bey ahayd laakiin tusaale yaashu aad bey u badan yihiin waxaa kamid ah:

Ilaahay baa wuxuu yidhi:

‘’ فَأَيْنَمَا تُوَلُّواْ فَثَمَّ وَجْهُ اللَّهِ ‘’

[Surat: al-Baqarah, 115]

Aayad daas waxay tilmaameysaa meel kasta oo aad u jeedsataan, halkaasi waa wajiga Ilaahay. Macnaheedu in loo jeedsan karo cibaadadii ay ku ansaxayso ayaa aayadu tilmaameysaa.

Marka qofka wuxuu is weydiin karaa, haddii aanu sababta aayadu ku soo degtay la soconin oo aayadahii qiblada sheegayay, qiblada in loo jeedsado iyo aayadan oo tiri meel walba oo aad u jeedsataan wey idin kaga ansaxaysaa cibaadadii, talow seey isu qaban nayaan?

Markii laakiin qofka sababta garto ayuu macnaha aayada fahmayaa, sabab tuna waxay ahayd, waxa ay aayadu ka waram meysaa marka uu qofka (asqoowo) ee uu qiblada dhinacay tahay garan waayo, dhinaca uu qibladii u maleeyo hadduu u tukado salaaddii wey kaga ansaxaysaa.

Waxaa kale oo ay ka waram meysaa (aayada) marka dagaalka oo kale, hadduu qofka qibladii ba haleeli waayo halkuu u tukadaa ba waa wajiga Ilaahay oo wey kaga ansaxaysaa. Waxay tilmaameysaa marka salaaddii sunnaha ahayd ee safarka uu qofkii tukan hayo dhinaca uu doonaba wuu u tukan karayaa, xaaladaha sida xadiiska saxiixa ah u fasiraayo ayay aayadii tilmaameysaa. Marka halkaa waxaad ka arki kareysaa ee macnaha, sababta aayada ay ku soo degtay oo la fahmo iney kaa (saacidi) kareyso wax badan macnaha aayada inaad fahamto.

Waxaa kaloo jira isaguna ee ku haboon quraanka kariimka ah waxaynu ogsoon nahay inuu soo degaayay 23 sannadood buu iska soo dawa degaayay, Ilaahay (swt) wuu soo dejin karaayay mar keliya sidii kutubtii horeba mar keliya loo soo dejin jiray. Marka xikmada ku jirta, waa xikmad qiima heeda leh ummadda na maslaxad iyo dan iyo faa’ido u ah, ileyn Ilaahay isaga ayaa yaqaana danta ummaddee.

Marka 23 sanno inuu kitaab kani soo degaayay imanka aynu haynaa ee isaga oo qoran aynu heleynaa mar keliya (fawaa’idka) ku jira waxaa kamid ah siday culimadu tilmaamaan marka hore; […]

Nabiga qalbigiisa ayaa Ilaahay u dejin nayaa, ileyn hawl gal buu ku jiray oo diin buu faafin naayay oo (kifaax) buu ku jiray, marka kolka arrin ku (jiq) noqdaba ee xoogaa walwaal iyo walbahaar iyo walaac uu ku yimaado, aayaad buu Ilaahay soo dejin nayaa ka dhaq dhaqaayo oo Nabigaﷺ qaboojin naayo.

‘’ فَلَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَى آثَارِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا بِهَذَا الْحَدِيثِ أَسَفًا ‘’

Aayadaan Ilaahay waxa uu ku yidhi:

‘’Naftaada waxaad u dhowaatay inaad halaagto sidaad raad kooda u gucleyn neysay ama aad uga warwar saneyd iney iimaan la’aan ku dhaceen.’’ [Surat: al-Kahf, 6]

Iimaan la’aan tooda adiga oo ka xun dhibaato weyn baa naf taadii soo gaadhay oo inaad halaagsanto ayaad u dhowaatay.

Sabir baa Ilaahay uu faray oo wuu yidhi:

‘’ فَاصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُولُو الْعَزْمِ مِنَ الرُّسُلِ ‘’

[Surat: al-Axqaaf, 35]

Waxaa kale uu Nabiga Ilaahay faray.

Waxaa Ilaahay ugu balan qaaday inuu ku kalsoon naado naftiisa uu dejiyo.

(وَاصْبِرْ عَلَى مَا يَقُولُونَ وَاهْجُرْهُمْ هَجْرًا جَمِيلا (١٠”
”(وَذَرْنِي وَالْمُكَذِّبِينَ أُولِي النَّعْمَةِ وَمَهِّلْهُمْ قَلِيلا (١١)

Waa la dejin nayaa.

‘’Aniga iyo nimankan ku dhibay waan isu dambeynaa, aniga ayaa arrin kooda wax ka qaban naayee, ku bushaareyso adiga is deji, ha moodin inuu arrinka sidaan ku socon naayee si bedel baa imaan doona, dhib koodana waad ka nassan doontaa.’’ [Surat: al-Muzzamil, 10/11]

Aayaadka sidaas ahi kolba, kolkey ku soo degaan wuu qaboobayaa Nabiguﷺ qalbi giisuna wuu degayaa.

Waxaa kaloo jirta, quraanka waxaynu ku aragnaa aadna u badan qisooyinka Ambiyadii hore iyo Saalixiintii iyo Mu’miniintii iyo xaalada hooda siduu ahaay iyo waxa caddow soo kala maray. Taana aad beynu u aragnaa iyada oo quraanka ay ku qoran tahay.

Qisooyin kaas mar kasta oo ay soo degaan Nabigaﷺ nafis buu ka heleyaa, qalbi giisuna wuu ku degaayaa sida qof walba oo mu’min oo akhqi hayaaba, isaga oo caalamka la yaabsan muslimka xaalad diisu sida ay tahay iyo dhibaatada dadka muslimiinta ah iyo waxa isaga oo ka warwarsan marka quraanka akhriyo ayuu arkaayaa arrinka ina haystaaba, inuu wax badan ka sahlan yahay rag wixii soo maray.

‘’ وَكُلًّا نَّقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنبَاءِ الرُّسُلِ مَا نُثَبِّتُ بِهِ فُؤَادَكَ ۚ ‘’

‘’Qisooyin kaa aan quraanka kuugu sheegayo Nabi Muxammadow qalbigaaga ayay dejin nayaan baa Ilaahay uu yidhi.’’ [Surat: Hud, 120]

Waxaa kale oo kamid ah xikmadahaa ama xikmada labaad ah:

[al taxaddii wal icjaaz]

Inuu Ilaahay ku hor joogsan naayay itaal dara dooda iyo aqoon dara dooda na carab uu muujin naayay. Mar kasta oo ay quraanka af lagaado kala hor yimaadaan iyo Nabiga, mar kasta ay sheegaan (kalaam) uu Rasuulka iska sameystay inuu yahay Ilaahay aayado ayuu soo dejin nayaa uu taa ku beenin naayo.

‘’ وَلَا يَأْتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئْنَاكَ بِالْحَقِّ وَأَحْسَنَ تَفْسِيرًا ‘’

’Mar kasta oo ay tusaale kuu keenaan Anna xaqqii iyo mid wax walba cadeyn naya ayaan kuu dhiibayaa.’’ [Surat: al-Furqaan, 33]

Suurad kamid ah la kaalaya baa la leeyahay haddaad Nabiga tiraahdeen isaga ayaa la yimid.

Arrinka saddexaad ee quraan 23 sannadood iska soo dawa dagaayay ku jirta faa’ida ehee waxa weeye;

[teysiiru xifdihi wa fahmihi]

In la xafido oo lana fahmo oo dadkii uu u noqdo cashar kookooban oo ay qaadan nayaan oo aan ku cuslaan neynin, waayo ummadda lagu soo dejin nayaa amaanada dadka u qaadeysa waxay ahaayeen ummad aan wax na akhrin wax na qorin oo loo yaqaana (al-ummatul ummiya), ummad ummiya ah bey ahaayeen.

Sidaas darteed baa asxaabtu ay leeyahiin quraanka waxaan u qaadan jirnay 10, toban aayad dood iyo shan aayad dood, markaasaan u soo fulin jirnay intaan soo xafidno ayaanu macna hooduna fahmi jirnay [waaqica] nololeed na ka xaqiijin jirnay oon ku dhaqmi jirnay bey leeyahiin. Marka cashar loo yar yareyn nayay dadka ayuu ahaa.

Ilaahay baa yidhi:

‘’ وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ ‘’

Arrinta afaraad ee ku jirta wax ay ahayd […]

In uu quraanka dhacdooyinka la jaan qaado, sharci dejin baa ummaddan loo sameyn nayay kolba arrin jiq ku noqotay oo ay jawaab uga baahdeen iyo maxay nu ka yeelnaa iyo berigii jaahiliyadii hore waxaasi muu jirin jirinee, waxaan ayaa maanta nagu cusub ee maxaan laga yeellayaa, su’aashaa na aayaadka ayaa uga jawaabayay Rasuulkaﷺ iyo ummadda ba.

Tusaale waxaa kugu filan mathalan;

Zinada iyo khamriga markii ummadda laga joojin naayay, intaas oo marxalad dood bey mareen, aayaad waqtiya kala horeeyay ka soo dagay;

  • marka hore sheygaa waa loo ceebeyn naayoo xumaan tiisa ayaa loo sheegayay, marka
  • labaad waqtiyadaa iska daaya baa la lahaa,
  • marka saddexaad ee ay u bislaadaan baa gaw laga dhigaayay oo la odhan nayay joojiya.

Arrinta shannaad ee xikmada ah ee ku jirta quraanka iska soo dagaayay 23 sannad dood waxa weeye […]

Si cajiib ah oo ina qancin karta ayaa quraanka waxa uu uga muuqan nayaa inuu yahay (kalaam) uu soo dejiyay Ilaah xikmad badan oo mahad badan. 23 sanno na wuu soo dagaayay iska hor imaad iyo is khilaaf toona malaha quraanka waa macruuf, cid kasta oo basharka kamid ah haddii la eego hadal kiisa laba sannad dood ba dheh ama saddex sannad dood khudbada hiisa iyo hadala diisa haddii leysu eego intaas oo is khilaaf iyo iska hor imaad ah ayaa lagu arkaayaa.

Laakiin Ilaahay kalaam kiisaa 23 sannad dood soo dagaayay wax iska hor imaad ah maleh, siduu Nabiga ba asxaabta ku yidhi; Qur’aanka badh kiiba badhka kale wuu u rumeyn nayaa ha moodina inuu iska hor imaan nayo.

Waa arrin aad iyo aad u cajiib ah wuxuu tilmaamayaa kalaam kani kalaam bashar inuunu ahayn, kalaam jinni inuunu ahayn cid kale inuunu ahayn, kalaam kii Ilaahay inuu yahay.

‘’ وَلَوْ كَانَ مِنْ عِندِ غَيْرِ اللَّهِ لَوَجَدُوا فِيهِ اخْتِلَافًا كَثِيرًا ‘’

‘’Cid aan Ilaahay ahayn haddii ay soo dejin lahayd, is weydaar badan bey arki lahaayeen,’’ [Surat: an-Nisaa, 82]

Is weydaar ma jiro, marka waa kalaamka Ilaahay.

Waxaynu intaa ugu sii gudbin lahayn, waxaa jira Tafsiir iyo Tarjama.

Tafsiirka waxa weeye quraankii oo lagu sharxa luqa diisa, macnaha luqad carabi ayuu ku soo degay quraanka oo uu ku qoran yahay, marka luqa carabi lagu sharxa (tafsiir) baa la yidhaahdaa.

Laakiin maka quraankii luqa kale lagu sharxo, waaba sideena Af Somaliga aynu ku sharxeynee (tarjama) baa la yidhaahdaa. Quraankii oo la turjumaaya oo luqad kale loo tarjumaaya weeye.

Tarjama daa in quraankii lagu sameeyo oo ummad walba luqa deeda lagu faham siiya waa waajib weeye, Ilaahay iyo addooma hiisu si ay isu af gartaan oo addoomaha ay u gartaan Ilaahay waxa uu ka doon nayo waxa uu u diidayo iney luqa doodu ku helaan dadku waxyaabaha waajibka ah weeye.

Hanuunka dadka muslimiinta ah na sidaas ayuu ku sii badan nayaa in luqad walba quraankii lagu tarjamo macnaha tarjama daa in aad loo fahmi karo, laakiin tarjama daas quraankii luqad kale loo tarjumaaya ama af soomaali ama luqad kale ba waxa ay leedahay shuruudo.

Shuruuda haa waxaa kamid ah qof kan mutarjumka ah ee quraanka ku fasiraayo luqad kale in quraanka sidiisaa un u fasiro oo rabitaan hawadiisa la xidhiidha aan quraankii la qaloocinin oo tarjama (taxriifi) ah macnahii quraanka bedeleyso waa inaanay noqonin.

Mid sax loo fasiraayo oo mathalan (tafaasiirta muctamatka) ah ee luqal carabiya quraanka ku fasireysa ee culimadii salafka ay fasireen iyo asxaabta in kaa laga soo qaadan naayo oo si sax loo fasiraayo waa shard.

Shardiga labaad waxa weeye qof kan quraanka tarjumaaya labada luqa dood ba waa in uu yaqaano, mathalan luqadan af Somaliga aanu ku turjumeyno iyo luqad carabiga labada ba waa inuu yaqaano, markaas ayuu is waafajin karaa kalmadan, laakiin kalmadan carabiga hadaanu garan neynin af Somali waxa ay ku tahay dee hal baa laga yaabaa inuu mirig ku sheego, weelne inuu sac ku sheego ayaa laga yaabaa.

Marka luqal carabiya iyo luqa Soomaaliya labadaba qofka inuu si wanaagsan u garan nayaa waxay ka faa’ido tahay kalaamkii Ilaahay inuu si wanaagsan u fasiri karo asraarta iyo nuxurka ku jiro markaasuu qofka soo saari karaa (Allah na inoo sakhiree).

Arrinta kale ee jirta waxa weeye, tarjama daas waa iney noqonin tarjama (xarfi) un, hadduu qofka xarfaha un dawa galo waxaa laga yaabaa macnahii loo jeeday iyo (mafhuum kii) guud ba in ay qaloocdaan, tarjamadu tarjama xagga macnaha ah oo macnaha aayadan looga jeedo ee Ilaahay ooga jeedo qofka waa inuu dadka soo gaadhsiin karaa, arrima haasi baa kamid ah iyo qaar kale marka quraanka la tarjumayo.

Wax yaabaha kale ee runtii aynu sii xusi lahayn waxaa kamid ah, waqtigii asxaabta (masaadiir) toodii, masaadiir tii meelaha ay ka soo qaadan jireen tafsiirka tarjamadu na ay tahay in laga soo qaato.

Meelaha ay ka soo qaadan jireen tafsiirka asxaabta waxaa kamid ahaa afar meelood:

  1. تفسير القرآن بالقرآن
  2. تفسير القرآن بالسنة
  3. والتفسير بالاصطبات والاجتهاد
  4. ومن بعد أهل الكتاب

Quraanka oo la isku fasiro wey isticmaali jireen asxaabtu oo aayaadku wey is fasirayaan sida axaadiistii goortii dhoweyd aanu soo akhri neynay oo Nabigu asxaabta ayuu arkay iyaga oo ku yara murmaayay oo ka doodayo quraanka…

Aayadani sidaas ayay sheegtay, aayadaasi sidaan ayay sheegta, mid kalena uu leeyahay dee aayadaasi haday saas sheegtay tan kaleba saas ayay sheegtay oo muuqaal koodii uu yahay quraanka iney qeybsadaan oo midiba qeyb uu soo daliishan naayo.

Kolkaasuu Nabiga yidhi:

‘’War quraanka ha isku dhufanina oo ha iska hor geynina, quraanku wuu isu rumeyn nayaa, quraanku, waa is fasirayaa,’’

Marka hadeynu is niraahno taana u ban baxa ee muxaadaro dhan bey qaadan neysaa sida aayadaha isu fasiraan, laakiin (In Shaa Allaah) waxaynu rajeyn neynaa markeynu kitaabka dhex galno ineynu aragno aayad daas oo caam ahayd tannaa qaas ka dhigtay, aayad daas oo (mujmil) ahayd tannaa mufasir u ahoo ee (bayaamin neysa), aayad daas oo macnaheedu aad yar moodeeyso inuu sidaa yahay kan kalaa iftiimisay oo aayaad kii aan isu akhri doono, aynu arki doonaa (In Shaa Allaah).

Waxa ay asxaabta tafsiir ka qaadan jireen quraanka kariimka ah iney ku fasiraan xadiithka Rasuulkaﷺ oo axaadiista fasireysa aayaadka ay soo qaataan.

Ileyn Ilaahay baa wuxuu yidhi:

‘’ وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ ‘’

[Surat: an-Naxl, 44]

‘’Quraan kaan aan kugu soo dejinay Nabi Muxammadow si aad dadka ugu fasirto,’’

Marka Nabigaﷺ ayaa fasiraayay, mar kaasaa asxaabta su’aalaha Nabigaﷺ ku badin jireen, macnaha aayad daasi waa maxay, markaasuu oran naayay waa saa iyo saa u fasiraayay.

Waxa saddexaad oo waqtigii asxaabta () ay ku fasiri jireen in;

  • Qof kaasi awood diisa,
  • Luqada awooda uu u leeyahay,
  • (Shicirka) carbeed,
  • Faham Ilaahay uu siiyay, ayaa uu ku fasiri jiray.

Cali bin Abii Taalib (rc) bey su’aal weydiyeen, berigii dambe la weydiiyay markii ay soo yara baxday noocaan Shiicada aragti deedu waqtigii uu soo baxay ee ay yiraahdeen ahlu beydka wax lagu gooni yeelay ayaa wuxuu lahaa, war wax nalagu gooni yeelay ma jiro [kitaabka Ilaahay qof ba wuxuu ka fahmo mooyaan nee]. Marka wax yaala dheeraad ah haddaan kitaabka Ilaahay ka fahmo, dee waa faham keyga, laakiin Nabiguﷺ iguma gaar yeelin.

Waxaa kaloo jirtay inuu Nabiguﷺ u duceeyay asaxaabigii la oran jiray Cabdillaahi ibnu Cabaas (رضي الله عنهما)…

‘’ اللهم فقهه في الدين وعلمه التأويل ‘’

‘’ Ilaahayow (Fiqi) sii, faham dheeraad ah Ilaahayow sii, tafsiirka quraanka na bar iyo (ta’wiilka).’’

Taasina waxay tilmaameysaa asxaabta xagga fahamka iyo tafsiirka isku may wada miizaan ahayn ee wey u sii kala baac dheeraayeen, sidaa darteed baa Cabdillaahi ibnu Cabaas waxaa lagu tilmaami jiray [turjumaan al-quraan] mufasir kii quraanka inuu ahaa maadaama ducadaan uu helay.

Waa yahay tusaala yaasha hadeynu is niraah taa soo qaata aad iyo aad bey runtii u fara badan yihiin (cumuuman) kalmadan waxay la xidhiidhi kalmad kooban ayay ahayd oo xagga cilmiga quraanka iyo tafsiir kiisa iyo ta’wiil kiisa la xidhiidha, waana (Baxthi) dheer oo u baahan muxaadaro, laakiin intaa ayaynu ku soo koobi lahayn.

Waxyaabaha aanu ku sii dari lahayn waxaa kamid ah:

Qofku marka quraanka uu doon nayo inuu barto iyo marka uu doon nayo inuu dhageysto wacdi ahaan uu u dhageyso wey sii kala duwan yihiin, hadduu doon nayo qofka quraanka inuu barto tafsiir kiisa oo uu gudbiyo oo hadhowto dad uu sii gaadhsiiyo, waxaa lagama maarmaan ah (culuumta) qaar kood inuu garan naya.

Mathalan:

1- Sunnaha Rasuulkaﷺ axaadiith tiisa in quraanka tafsiir kiisa ka caawin karta uu garan nayo.

2- Waxa labaad ee lagama maarmaan ah luqada carabiga inuu garan nayo, siiba cilmiga (naxwaha) la yidhaahdo iyo (sarfiga) in wanaagsan oo (Tool) kii quraanka uu ku fahmayay ama mindidii uu ku saafayay u noqon karta waa in uu gartaa oo ma aragtay uu ka bartaa cilmigaa naxwaha iyo sarfiga labadaa (cilmil balaaqa) laba daas ayaa ka sii horeyn nayaa, labadaa inuu wax ka barto oo ku iftiinsan karo aad iyo aad bey u muhiim tahay. […]

Naxwahu isaga ayaa ugu horeeya wax la barto, luqada carabiga na lagu fahmayaa, marka si sunnaha Nabiga iyo quraanka dadku ay u fahmaan naxwaha waa iney bartaan oo (laxniga) qofka uu ka (fursan) karo iyo (tarkiibka) aayaadka iyo macnaha ay bixin nayaa, macnaha naxwahii kalmada aakhir keeda ayay ka hadleysaa iyo isbedel ladeeda, dhex deeda iyo awwal keeda isbedel ladeeda na waxa ka hadlayaa sarfigii.

Taasina waan baraarujin lahayn.

Waxaan kaloo baraarujin lahayn aadaabta tafsiirka kamid ah:

Qofka inaanu ka akhrisanin tarjamada iyo tafaasiirta kutubta oo qudhee, waa inuu kala kulmaa cilmiga culimada oo cilmiga dee wax badan baa (talaqi) u baahan.

  • Rasuulkaﷺ Malaga ayuu kala kulmay,
  • Rasuul kana asxaab tiisa ayaa kala kulmay,
  • Asxaab tana taabiciin tii baa ka soo qaaday,
  • Taabiciin tana (adbaacul taabaciin),

Sidaasuu inagana inagu soo gaadhay.

Marka quraanka sida qira diisaba, mathalan markaad (misxafka) akhri hayso xarfo qoran ayaan la akhriyayn, qaar aan qorneyn na waa la akhriyayaa, sidaas oo kale ayaa tafsiir kiina ee ta’wiil iyo tafsiil iyo tafsiir (ishaari) iyo quraan kii oo leysku fasiro intuba ay u baahan yihiin inuu qofku kala kulmo had iyo jeer culimada.

Taana iyaduna aad iyo aad ayaa daruuri ay u tahay oo dadku qaar kood un baa yiraahda, anigu wax un baa ka akhrisan nayaa af carabiga ayaan aqaanaa oo sharaxa un baan iska daalacan nayaa. Koley aadaabta tafsiirka wax yaala haas ayaa kamid ah.

Waxaa kaloo kamid ah qofku mar walba oo uu doon nayo in uu dadka u soo gudbiya ba diyaarin inuu sameeyo, waa kalaam mucjis ah oo cajiib ah Ilaahay yidhi:

‘’ إِنَّا سَنُلْقِي عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا ‘’

[Surat: al-Muzzammil, 4]

‘’Waxaan kugu soo dejin nayaa, u diyaar garoow Nabi Muxammadow waxaan kugu soo dejin nayaa qowl culus,’’

Macnahiis iyo akhrintiis iyo (inzaal) kiis ba uu cuslaa, miizaan kiisa ayuu leeyahay, waa kalaam kii Ilaahay.

Marka goor walba inuu diyaariyo (maraajix) kala duwan ka diyaariyo oo is fur furaayo kuwa dhinaca luqada iyo kuwa dhinaca axkaamta iyo kuwa dhinaca (towjihaadka) intaba.

Surat al-Faatixa

Intaa haddii aanu ka gudubno waxaynu xooggaa kooban ka odhan lahayn tafsiir keeda (Surat al-Faatixa).

Suurad al-Faatixa waa suuraddii Ilaahay uu ku bilaabay quraan kiisa kariimka ah, waa suuradda koowaad, dad keena waxay u yaqaanaan meelaha qaar kood iney tahay suuradda u dambeysa ee (سورة الناس) ka sii dambeysa, laakiin suurat al Faatixa iyada ayaa u horeysa.

Waxaa loogu soo horeyn siin jiray had iyo jeer caruurta baridooda iyo ayaa loogu hor bilaabi jiray mar kaas kadib ayaa (سورة الناس) lagu xigsiin jiray, taasina waxay ahayd baahida loo qabo daraadeed, suuraddii oo kooban iyo iyadoo aad loogu baahan yahay oo dee salaaddii baa loogu baahan yahay caruurta loogu horeyn siin jiray mooyaan nee, dee quraanka iyaga ayaa u horeysa oo (سورة البقرة) ka sii horeysa, waa suuradda koowaad 114 suurad dood marka la eego.

Suurad daasi magacyo dhowr ah ayay leedahay:

Suurat al-Faatixa waa la yidhaahdaa, li’anahu (faatixa) waa tii fur furta quraanka, sida aad arkeysa ba.

Suurad dan waxaa la yiraahdaa (umul quraan) iyo (umul kitaab) ba waa la yidhaahdaa, kitaabka hooyadii iyo quraanka hooyadii.

Xadiis kaana Nabigu ku sheegay:

عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم
قَال 
لا صَلاةَ لِمَنْ لَمْ يَقْرَأْ بِفَاتِحَةِ الْكِتَابِ

‘’Salaadi umay ansaxin qofka aan akhrin suuradda (umul quraan) la yidhaahda,’’

Waxaa loogu bixiyay umul quraan, quraanka wax yaabaha uu ka hadlo si faah faahsan baabay si kooban oo duuduuban iyada u sheegtay, quraanka wuxuu ka hadlaa: Ilaahay amaan tiisa, iyo sifaad kiisa, iyo towxiid kiisa, iyaduna wey tilmaam meysaa…

الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ
مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ

Waa sifaadka Ilaahay iyo amaan tiisii iyo awooda hiisa bey sheegeysaa.

Quraanka qeybo kamid ah waxay ka hadlaan, qisaska had iyo jeer, qisaska ummaddahii hore si kooban bey iyada u tilmaamtay…

اهدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ
صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ

Dadkii qeybo loo nicmeeyay oo Ilaahay aynu baryeeno jidka kooda inuu ina mariyo iyo qayb halowday iyo qeyb loo carooday oo aynu Ilaahay ka magan galeyno inuu Ilaahay wada dooda ina mariyo.

Dee dadka quraanka uu sheegayo waa ba saddexdaa qeybood un, adigu waa laba qeybood, qeyb gaala ah iyo qeyb islaam ah, qeyb Ilaahay uu u nicmeeyay iyo qeyb uu halaagay. Marka qisooyin kooda la soo koobo intaas ayay u qeyb sameysaa.

Quraanka in badan oo qeybta saddexaad ahina waxay ba ka warameysaan ghaybka iyo mustaqbalka, wax bey ka xustay isaga laf tiisa…

مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ

Maalin kii qiyaamaha ayaa ku xusan suuradda.

Cumuuman si kooban oo ay u ishaartay wax yaabaha uu quraanka si faah faahsan uga hadla (umul quraan) loogu tilmaamay.

Suurad dan (al-Xamdu) waa la yiraahda oo waa adigaa arkaaya waxay kamid tahay shanta suurad dood ee eraygaa Ilaahay uu ku bilaabay (لْحَمْدُ لِلَّهِ) suuraddan

  1. Suuraddan (الفاتحة)
  2. Suuradda al-Ancaam
  3. Suurad al-Kahf
  4. Suurad Saba
  5. Suurad Faathir

Suuraddan waxaa ku soo arooray axaadiith dhowr ah oo tilmaamaya fadli geeda iyo cajaa’ib teeda iyo haba koobnaatee iney qiimo badan leedahay.

Waxaa tilmaamayaa xadiiska Abii Saciid ibnu Mucalaa (rc), xadiiskaa isaga ah Axmad iyo Bukhaari ba waa ku sugan yahay.

Maalin maalmaha kamid ah baa saxaabi gaas waxa uu leeyahay, Nabiga ayaa igu yidhi inteynaan masaajid kan ka bixin kahor ayaan waxaan ku barayaa quraanka kariimka ah suuradda ugu weyn ugu fara badan ma aha, ma oranin laakiin waa quraanka suuradda ugu weyn buu yidhi sidaasuu u tilmaamay.

Kadibna waqti dambe ayaanu doonay inaanu baxno, Nabigaﷺ waan xusuusiyay oo waxaan ku iri buu yidhi balan tii aad qaaday hada xusuusnow ee ahayd cashar kaa inaad ii dhigi doonto oo aad ii faa’ideyn doonto suuradda quraanka ugu weyn.

Markaasuu xusuustay Nabiga baa wuxuu yidhi:

الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ

Waa suurad daas buu yidhi.

{هي السبع المثاني والقرآن العظيم}

Waxa weeyaan buu yidhi waa quraanka weyn iyo todobada aayad dood ee Ilaahay igu manna sheegtay inuu i siiyay.

‘’ وَلَقَدْ ءَاتَيْنَـاكَ سَبْعًا مّـِنَ الْمَثَانِي وَالْقُرْءَانَ الْعَظِيمَ ‘’

[سورة الحجر آية ٨٧]

‘’Ilaahay baa wuxuu yidhi, waxaanu ku siinay toddobo aayad oo soo noq noqdo qaalli ah iyo quraanka weyn,’’

Waa suuraddan buu yidhi Nabigaﷺ.

Marka (السبع المثاني) waa la yidhaahdaa waan iska soo koobnay magac yaal dhowr ah oo badan ayay leedahay.

Fadli geeda waxaa kamid ah intaynu akhrihayno suuraddan oo loo dooray salaadda macnaha Nabigaﷺ wuxuu tilmaamay qofku inaanu salaadda u jireynin aanan u ansaxaynin haddaanu faatixada akhriyin (sunno iyo faral) midkay doon neyso ha ahaato xataa salaatu janaasa oo rukuuc iyo sujuud toona lahayn haba ahaato waa in faataxada lagu akhriyo, salaad uma jirto qof kaan faataxada akhriyin buu Rasuulku leeyahay.

Fadli geeda waxaa kamid ah intaan aanu akhrihayno Ilaahay baanu la sheek keysan neynaa, habeen iyo maalin, sunno iyo faral inta aanu ku akhrihayno Ilaaha (caziiz ka) ah ee (kariim ka) ah ayaynu la hadleynaa isaguna wuu inoo jawaabayaa. Waxaa markaa xusid mudan ama qiima heeda leh kol hadduu Ilaahay kuu jawaabayo dee haka sii jeesan oo arrin taadu yeey u dhicin in carab kaagu un daldalo iyada oo caqli gaagu maqan yahay, laakiin carab kaaga iyo caqli gaagu labaduba macnaha qalbiga iyo qowlku ha soo jeedaan oo markaad akhri hayso inuu Ilaahay kuu jawaabayo garo.

Nabigaﷺ xadiisul qudsi buu Ilaahay ka werin nayaa, kol kaasaa waxa uu leeyahay, Ilaahay baa wuxuu leeyahay:

” قسمت الصلاة بيني وبين عبدي نصفين  ”

Salaadda waxaan u qeybiyay laba qeybood, macnaha salaaddaas oo looga jeedo faatixada. Faatixadu aniga iyo addoon keygu ayay inoo qeybsan tahay buu Ilaahay yiri.

Markuu adoonka Ilaahay amaano, Ilaahay amaantaa wuu ka aqbalayaa, kolkuu addoonka Ilaahay wax ka codsada, codsigaa Ilaahay wuu u yeelayaa.

Mathalan:

Qofka markuu yiraahdo {الْحَمْدُ للهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ}

Ilaahay baa mahad leh, caalamiinta oo dhan Rabbi u ah.

Ilaahay waxa uu leeyahay:

(حَمِدَنِي عَبْدِي) addoon keygu wuu i mahdiyay

Kolkuu addoonka yiraahdo {الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ} oon macnaheedu sheegi doonno…

Ilaahay wuxuu leeyahay: (أَثْنَى عَلَيَّ عَبْدِي)

Addoon keygu wuu i amaanay.

Markuu qofka yiraahdo {مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ} ereygaa kolkuu akhqiro suuraddaa macna heedu weynu gali doonnaa…

Ilaahay wuxuu ugu jawaabayaa… (مَجَّدَنِي عَبْدِي)

Addoon keygu wuu i maamusay oo wuu i sharafay, jawaab taas buu Ilaahay siin nayaa.

Marka uu qofka yiraahdo {إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ}

Ilaahow Addiga un baanu ku caabudeynaa, oon gargaar ku weydiisan neynaa

Rabbi waxa uu leeyahay: (هَذَا بَيْنِي وَبَيْنَ عَبْدِي وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ)

Intaani aniga iyo addoon keyga ayay inoo dhaxeysaa, [qeybta dambe waa codsi] codsigaa addoonka waan ka aqbalayaa.

Marka uu qofka inta dambe akhriyo …

{اهْدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا الضَّالِّينَ}

Waa duco qofkii uu duceysan naayo!

Ducadii salaadda dhexdeeda lagu duceysan naayay weeye, faataxada laftigeeda baa duco ah.

Markaana Ilaahay waxa uu leeyahay: (هَذَا لِعَبْدِي وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ)

Intaan addoon keyga baa iskaleh, addoon keyguna wixii uu i weeydiistay waan siin nayaa buu Ilaahay ugu balan qaadayaa.

Marka kol haddii Ilaahay sidaa uu nagu jawaabayo, kol hadduu sidaa inagu bushaareyn nayo, kol hadduu sidaa inagu balan qaadayo, ma haboona qalbigaagu inuu (foof) tago iyo fikir kaagu oo (maqane jooge) aad noqoto. Qof sidaa un u taagay oo dadka un eegan naya, imisa rakcadood bey marayaan, oo dukaankii xisaabin nayo iyo danna hiisii gaarka ah waa qalad, waa inaanad noqonin ileyn Ilaah baad ka sii jeesatey ee.

Fadligeeda waxaa ka mid in ay dawo tahay oo qur’aanku qalbigana waa daweeyaa jidh kana Ilaahay wuu ku daweeyaa, markaas kolkuu qofka xanuunsado, xanuun kaasi ama (jasadi) ha ahaado amaba (nafsi) ba ha ahaadee waa ineynaa (qawadin) ee quraanka isku akhrinaa, weliba suuraddaan cid weliba ay taqaano rag iyo dumar iyo caruur iyo waayeel ayay tahay in leysku akhriyo.

Asxaabta Rasuulkaﷺ baa socdaal ku jiray, reer bey soo dul fadhiisteen, (sooryo) ayay ka doonneen xaq ugu lahaayee, wey u aamuseen wey ka seexdeen wey is siin waayeen, iyaga oo cajaa’ib reerkii ayaa bahal nin ka qaniinay weliba kan uu qaniinay waa kii meesha suldaanka ka ahaa, odaygii u weynaa baa bahal qaniinay.

Wey is weydiiyeen markii ay wax dawo ah waayeen bey waxay yiraahdeen bal qolodaa halkaa fadhida martida ah waa rag uunnee, bal aan soo weydiino. Asxaabtii bey u yimaadeen qolodii baa waxay yiraahdeen war ninkii suldaanka ahaa baa bahal qaniinay oo aad u liito ee, wax dawo ah ma haysaan?

Raggii kale haddii ay is eegeen baa waxay yiraahdeen maye, Abuu Saciid baa wuxuu yiri anaa haayo, arrin taa iyada ah aniga ayaa haayo buu yiri.

Dawa diisu anaa haayo buu yiri, laakiin dee waad inaga aamusteen oo waad inaga seexateen oo xaqa yaga waad na siin weydeen (mushqaayad) baanu u baahan nahay haddii uu dawoowo.

War waan idin siin neynaa bey yiraahdeen.

Abuu Saciid wuu tagay faataxadii buu ku akhriyay, mar alla markuu faataxadii ku dhameeyay ninkii odayga ahaa waxaa la moodayay dabar ku xidhnaa in laga furay, wuu soo fadhiistay (Comadii) buu ka soo baxay wey ku farxeen oo (30 Arri) ah ayay u soo sooceen oo waxay yiraahdeen wakaa kaxayso.

Asxaabtii kale ee la joogtay baa waxay yiraahdeen; war amaad quraan kii Ilaahay iibsatay, quraan kii Ilaahay ar maad arrigan dhaafsatay bey yidhaahdeen bal arrin taa inaga hubso, war maya waa sax, war inaga hubso.

Nabigiiﷺ baa loo keenay. (wa maa yudriika anahaa ruqya), wuu ku hambal yeeyay.

Wax maxaa ku oggey siiyay iney dawo tahay? Waa dawo ee…

War qeybsada oo anigana igu dara buu Nabigaﷺ yiri.

Markuu had iyo jeer doonnayo Nabigaﷺ sheyga xalaal nimadiisa, inuu asxaabta u muujiyo ayuu odhan jiray ana igu dara, ileyn qowl iyo ficil buu arrintaa ku xalaaleyn nayaaye.

Marka halkaa waxaa ka cad, qofka wixii la siiyay in uu ku qaadan karo ee cidna ku daweyn karo quraan kii kariimka ahaa, suurad daana saasuu Nabiga ﷺ uu tilmaamay iney tahay suurad dawo ah.

Axaadiista runtii ku soo arroortay suuraddan aad bey u badan yihiin, waxaa kamid ah xadiiska Ibnu Cabaas (rc) uu warinyayo; asxaabta waxay leeyahiin maalin maalmaha kamid ah anaga oo Nabigaﷺ la fadhina oo Nabiga na asxaabta u sheegay (malaku Jibriil) laf tiisa inuu fadhiyo ilayn waa saaxiib kii, safiirkii Ilaahay u soo diraayay ayaa wuxuu maqlay (jiiq) buu maqlay jiiqda had iyo jeer marka albaabka la furo waa kan jiiq yiraahda.

Malagii wuxuu Nabigaﷺ u sheegay uu yidhi; waxa jiiq yidhi waa albaab samada laga furay weligii na aan la furin maanta mooyaan nee, waxaa ka soo degay malag wuxuu sidaa hadiyad iyo nicmo iyo cilmi cajiib ah oo ah suurat al-faatixa iyo suurat al-Baqarah inta u dambeysa… {} inta u dambeysa, intaas oo hadiyad ayuu kuu keenay dheeraad ah cid kale na aan la siinin ku Abshir, (ku bushaareyso).

Nabiga na waa ku abshiray, inagana waan ku faxaynaa waan ku abshireynaa, intaa oo amaan ah ayaa suuradda ay leedahay.

Sidaa darteed mar hadday qiimahaa badan leedahay, mar hadday miizaan kaa badan iyo dheeraad kaaba leedahay oo salaaddii u baahan tahay waa lagama maarmaan rag iyo dumar ba in la barto ama (talqiim) lagu barto qofka loo (laqimo) ama ku barto qalin iyo higaad aad iyo aad suuradda ha lagu dadaalo.

Intaas haddii ay noqotay magac yaasheedii iyo fadli geedii iyo muqadama deedii, waxaynu u gudbin lahayn laba arrimood oo iyana aad iyo… weynu macneyn doonnaa suuraddu ee muhiim ah. Quraanka kariimka ah marka la akhriyayo (الاستعاذة) ayaa lagama maarmaan ah isticaada.

Isticaadada waxa weeye in la yidhaahdo;

‘’ أعوذ بالله من الشيطان الرجيم ‘’

 Oo Ilaahay digri giisii iyo kalaam kiisii kariimka ahaa baa akhrihaysaa shaydaan kuna kuuma ogola si aanu (naxli giisii) iyo (nashuushad diisii) iyo waswaas kiisii meesha kuula imaanin oonan quraanka kaaga jeedinin waa inaad iska naartaa, waa inaad iska buuffisaa iska dhicisaa.

‘’ أعوذ بالله من الشيطان الرجيم ‘’

Tafsiir kiisa iyo qira diisa ba waa in la akhriya.

Waxaad kaloo aragti quraanka kariimka ah (basmalada) bisinka…

﴾ بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ ﴿

Bisinku maka mid baa mise kama mid aha culimadu dee yidhaahdeen laakiin kol hadduu ku qoran yahay (suurat at-Towbah) mooyaan nee inta kale waa u horreeyaa bisinku quraanka, marka isagana in la akhriyo bisinka.

Suurat al-Faatixa culimadu yidhaahdaa ilaa waqtiga salaadda kor haloo qaado iyo hoos haloo dhigo iyaga oo axaadiista ka qaadan naya, laakiin koley ba bisinkii isagana in la akhriyo iyaduna sunno weeye oo laga tagi maayo.

Tafsiirka Faaxitada

Suuradda aan u gudubno marka tafsiir keeda.

﴾ بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ ﴿

{الْحَمْدُ} Mahad Ilaahay baa leh {رَبِّ الْعَالَمِينَ} Allahii asiga caalamiinta oo dhami Rabbi u ahaa…

Marka (الْحَمْدُ) macna heedu waxa weeyaan mahada Ilaahay la mahdiyo isaga baa leh, mahada maqluuqa la mahdiya na isaga ayaa leh oo mahada Ilaahay si toosa ah loo mahdiya la garay, laakiin maqluuqa mathalan qof bani aadam aha haddii aad mahadiso oo aad tiraahdo (shukran laka) mahad baad leedahay, mahad daasi Ilaahay un bey isugu biyo shuban neysaa maadaama uu yahay maqluuqan wanaagsan kii sida fiican u abuuray.

Marka kaa culimadu ay yiraahdaan () mahad oo dhan Ilaahay baa leh.

Culimaa’u tafsiir qaar kood waxay yidhaahdaan waa tacliimin Ilaahay uu na tacliimin naayo oo macna heedu yahay (…) Waxaad tiraahdaan Ilaahayow adiga ayaa mahad leh, sidaas oo dhan dhaha.

{رَبِّ الْعَالَمِينَ} Caalamiinta oo dhan Rabbiga u ahaa.

Ilaahay Rabbi nimadiisa ayaanu qireynaa oo (Uluuhiya diisa) iyo Towxiid kiisii baanu qireynaa oo (Asmaa diisii) iyo (Sifaad kiisii) beynu qireynaa, intaa wa ku wada jiraan suuradda. Caalamiinta oo dhan Rabbi buu u yahay Ilaahay (swt).

Quraanka waxa uu inoo tilmaamay caalam hore inuu jiray oo caalam () la yidhaahdo oo Ilaahay intuu isu soo uruuriyay waxaan bani aadam uu abuuri doono oo dhan ee sii kala farcamay, intuu mar keliya isu keenay baa wuxuu yidhi:

‘’ أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ ‘’

”Sow Ilaah hiinii ma ihi?”

Markaas ayay yidhaahdeen…

‘’ قَالُوا بَلَى ‘’

”Ilaaha yagii baad tahay.”

Caalam buu ahaa ay soo mareen.

Waxaa jiray (Caalamul aslaab) mar ay tagooga ku wada jireen, dee qof weliba tagooga aabahii buu soo maray, aabahii tagoogiis buu ku jiray caalam buu ahaa.

Waxaa jira (Caalamul arxaam): riximka hooyada iyo uurka hooyo marka uu insaanku ku jiro. Caalam kaa quraanku wuu ka sheekeeyay ee aad buu uga waramay suuradda (qad aflax) la yidhaah qeyb teeda hore haddaad akhrido waad arkeysaa. Iyada oo Ilaahay candhuuf ka abuuray, xinjir ka dhigay, hilib, lafahii u yeelay…

وَلَقَدْ خَلَقْنَا الإِنسَانَ مِن سُلالَةٍ مِّن طِينٍ (١٢) ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ (١٣) ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ (١٤

[سورة المؤمنون آية ١٢-١٤]

Daweetana uu ruuxii ku afuufay caalam buu ahaa, si gaar ah buu qofka u nool yahay, si gaar ah buu u calfan naya. Si gaar ah dheeftii u qaadan naayaa.

Caalam kaanuu haddana yimi adduunyo la yidhaah, caalamu dunyaa oo isba safar kale ah oo in yaroo qarni ka yar oon 100 sanno gaadhin ama (nisfu qarni) ah baabu qof kii isaguna tijaabo ku jirayaa taariikh un ka tagayaa halkan.

Waxaa jira (caalamul barzakh); oo isaguna qof kii (Transit) kale uu sii maraayo, dhaxdin kale uu ku sii dhaxaaya xabaalaha intuu Ilaahay khalqigan ka soo saarayo.

Caalamul aakhira baa isaguna dambeeya oo leysugu biyo shuban doonnaa.

Intaa oo dhan waa wada caalamiin.

Marka waa {رَبِّ الْعَالَمِينَ} kaa hore ilaa kaa u dambeeya () waa marxal looyin kala dambeeya ee aynu mareyno, intaaba Ilaahay isaga ayaa gacanta ku haayay, yaa kale haddaa… saa is bedbedel kaa sameyn nayay… insaanka yar ee dafiicka ah adduunyada marka yimi isla weyn naaday ee kibray, xagga hore iyo xagga dambe ha eego.

‘’ الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ ‘’

Saasaa Ilaahay (swt) awood diisaa, macnaha (Rabbi) waa kan barbaariya, waa kan abuura ee barbaariya ee arsaaqa ee cid walba gacanta ku haaya, Ilaahay un baa taasi iskaleh.

‘’ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ‘’

Waa sifooyin kiisii bisin kana waa ku jirtaa.

{الرَّحْمَنِ} waa Ilaaha (Raxmaanka) ah oo nicma diisa caam ka dhigay oo gaal iyo Islaam ba ka faa’ideystee adduunyadii. Adduunyadii gaal iyo Islaam ba wey ka faa’ideysteen, een (ismi gaasi), waa ismi Ilaahay (swt) un lagu magacaabo oo (asmaa’ada) qaar kood ayaa Ilaahay na ismi u ah, lagana yaabaa maqluuqa qaar kood in lagu magacaabo xaalado gaar ah sida (Raxiim) oo kale, laakiin (الرَّحْمَنِ) Ilaahay un buu u gooni yahay cid kale na laguma sheegin.

Hadday dhacday nin kii nabi nimada sheegtay ee (Musaylimatul Kadaab) la odhan jiray in saaxiiba diisii ku (jibooday) ee la gaaloobay ay mar (Raxmaan) ku sheegeen, taasi waxay ahayd gaal nimada ay ku wareersan yihiin ee magac uu leeyahay ma ahayn.

Musaylimatul Kadaab mid kamid ah saaxiiba dii baa u gabyay, wuxuu yidhi:

‘’Kii aabe hii iyo hooya dii ba wanaagsan naayeenoo, adiga ayaa khalqiga u ah gargaare ee weligaa ba (Raxmaan) ahow.’’

Waa amaan nayaa, amaan aanu lahayn.

Nin muslimiinta kamid ah baa u jawaabay oo wuxuu yidhi:

‘’Kii aabe hii iyo hooya dii ba xumaayeenow, adiga ayaa khalqiga ugu shar badan nee weligaa ba sheydaan ahow.’’

Halkay (Raxmaan) kaaga sheegeen anagu shaydaan baan kugu sheeg gayaa buu yidhi. Nin kaas ayaa asiibay.

Marka (الرَّحْمَنِ) Ilaahay (swt) un buu sifo u yahay, marka waa (معمم رحمة) naxariis tiisii buu caam kaga dhigay addoomaha.

Een {الرَّحِيمِ} na waa (muqasisu raxma) naxariis tiisu ayuu ku gooni yeelay aakhiro oo aanu (shuma haa) gelin neynin gaal iyo shaydaan toona u dhowaan maayo.

Ilaahay (swt) baa yidhi:

‘’ وَكَانَ بِالْمُؤْمِنِينَ رَحِيمًا ‘’

[سورة الأحزاب آية ٤٣]

Qiyaamaha mu’miniinta un buu ku gooni yeelay naxariis tiisa, dee naxariista dambeysa ayaa badan, 100 buu naxariis tiisa u qeybiyay 99 baa jannada ku dambeeya.

Tafsiir labaad baa jira oo ah…

(الرَّحْمَنِ) (al munacim bi jalaai bi nicam)

(الرَّحِيمِ) (al munacim bi daqaa’iqi nicam)

Ilaahay waa raxmaan, nicmooyinka waaweeyn buu bixiyaa.

Waa raxiim, nicmooyinka yar yar buu bixiyaa.

Hadda nicmooyinka Ilaahay maba kala yar yaree, tan dadka aad ugu muuq muuqan neysaa na waa nicmooyin waaweeyn, nicmada ka qarsoon qofka ee markuu waayo un uu garto ayaa nicmada yar yar ah.

Waa nicmo isheena ka qarsoon oo qofku aanu aad u dareemeyn, marka uu waaye isaga oo is leh waxaani wax badan ba ma sii aha, ayaa marka uu waayo un gartaa noocay doon neyso ba ha ahaatee.

‘’ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ ‘’

Waa sifooyinka Ilaahay uu leeyahay waaye.

‘’ مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ ‘’

Maalinka qiyaamaha Ilaaha is kaleh weeye.

{Malik} na culimadu (quraada sabcada) wey akhriyeen (Maliki iyo Maaliki) labaduba wey jiraan.

‘’ يَوْمِ الدِّينِ ‘’

Waa (يوم الجزاء) maalinka Ilaahay addoomaha abaal marin naayo weeye, (يَوْمِ الدِّينِ) ayaa Ilaahay sifooyin kiisa waxaa kamid ah maalinka qiyaamaha Ilaahay is kaleh weeye.

Oo miyaanu adduunyada lahayn noo dadka lahayn noo, duunyada lahayn noo, iminka ina lahayn? Haa wuu na leeyahay (swt). Laakiin sida gaarka ah ee maalin taa Ilaahay uu isugu sifeeyay inuu iska leeyahay waxa weeye, maanta waxaa jira sheega shooyin badan;

  • Dowlada ayaa wax sheegto
  • Qabaa’il baa wax sheegto
  • Shaqsiyaad baa wax sheegto

Waa waxaygi, waa waxaygi baa badan. Maalin kaa Ilaahay waxa uu leeyahay:

‘’ لِّمَنِ الْمُلْكُ الْيَوْمَ ‘’

‘’Maanta yaa wax leh?’’

Su’aashaas ayuu Ilaahay soo dhigayaa, wax jawaaba ba waa la waayayaa, wax alla wixii ku (dhololayay) ee ku celcelin naayay anaa leh, wax jawaaba ayaa la waayayaa, mar kaasuu Ilaahay isku jawaabayaa waxa uu leeyahay;

‘’ لِلَّهِ الْوَاحِدِ الْقَهَّارِ ‘’

[سورة غافر آية ١٦]

‘’Ilaaha kaliga ah ee awooda badan ayuun baa maanta wax leh.’’

Sheegashadii (temporary) ga ahayd wey iska soo dhamaatay, wey hadhay.

‘’ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ الرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًا ‘’

[سورة النبإ آية ٣٨]

Dee qof Ilaahay u fasaxay mooyee qof hadli karaaya ba maalintaa ma jiro.

‘’ يَوْمَ يَأْتِ لَا تَكَلَّمُ نَفْسٌ إِلَّا بِإِذْنِهِ ‘’

[سورة هود آية ١٠٥]

Marka taasi waxa ay tilmaameysaa (مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ) xaaladu maalin taas sida ay u adag tahay, dee in qof wax sheegan karaaya ama hadli karaaya iyo mid ikhtiyaar iyo awood sheegan karaaba aanu jirin ba.

{مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ}

Sidaa darteed ayaa aayada ina xusuusin neysaa maalin kaa abaal marintu la jirto, iska sheega shadiina dhamaatay inaynu qalbiga ku hayno.

Waa kii Cumar ibnu al-Khattaab lahaa:

‘’ حاسبوا أنفسكم قبل أن تحاسبوا ‘’

‘’Maalin kaa inta aan la gaadhin naftiina xisaabiya.’’

Xisaab taana Ilaahay wuu ina xusuusin nayaa.

‘’ إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ ‘’

{إِيَّاكَ نَعْبُدُ} Ilaahow adaan ku caabudeynaa

{وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ} Adaan nu gargaar kaa doon neynaa

{وَإِيَّاكَ} keligaa {نَعْبُدُ} ayaanu ku caabudeynaa

{وَإِيَّاكَ}Keligaa ayaanu {نَسْتَعِينُ} gargaar kaa doon neynaa

Adiga ayaanu ku caabudeynaa keligaa, keligaa un baanu kaa doon neynaa gargaar.

Waxay tilmaameysaa aayad daas ama qayb taas Ilaahay inuu xaq u yeeshay cibaadada mar hadduu yahay Rabbiga intaas oo dhan is kaleh seynu soo aragnay. Xaq wuxuu u yeeshay in keligii la caabudo. Wey jireen ama caalamka waa jiraan haddaba ummado badan oo yidhaahda Ilaahay waxa isaga abuuray, laakiin waxaan ayaanu la caabudeynaa.

Is yeelan meyso.

‘’ أَلَا لَهُ الْخَلْقُ وَالْأَمْرُ ۗ تَبَارَكَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ ‘’

[سورة الأعراف آية ٥٤]

‘’War Ilaahay isaga ayaa leh khalqiga, amar kana isaga ayaa is kaleh,’’

Arrin kaa isaga ayaa leh ee labadaa la kala saari maayo, sidaa uu u leeyahay khalqigu ayuu u leeyahay cibaadada na iyo sharciga.

‘’ إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ ‘’

Waxaa halkaan ka muuqan nayaa, sida ay u kala dambeyn nayaan oo marka aan Ilaahay caabudno ayaynu gargaarka weydiisan kareynaa, macnaha mar kaas ayay wanaagsan tahay. Haddii Ilaahay wixii uu ku faray aanad yeelin oo cibaada diisa ah dee sidee baad (isticaano) u weydiisan kareysaa iyo gargaar? Waa inaad cibaada diisa la timaadaa, kadibna ku xig siisaa gargaar kiisa (swt), inaad gargaar weydiisato.

Waxaa kaloo aayada ka muuqan nayaa in si jamac ah Ilaahay cibaada diisa aynu la imaan neyno.

Waxaa kaloo aayada ka muuqan nayaa (isticaanadu) iyo (istiqaasadu) iney

‘’ اهدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ ‘’

{اهدِنَا} Ilaahow nagu hanuuni

{الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ} jidka toosan

Jidka toosanina waxa weeye jidka, jidka ay mareen Ambiyadii iyo Saalixiin tii.

وَمَن يُطِعِ اللَّهَ وَالرَّسُولَ فَأُولَٰئِكَ مَعَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِم مِّنَ النَّبِيِّينَ وَالصِّدِّيقِينَ وَالشُّهَدَاءِ وَالصَّالِحِينَ ۚ وَحَسُنَ أُولَٰئِكَ رَفِيقًا

[سورة النساء آية ٦٩]

Jidka toosan ee Ilaahay aynu baryeynaa waxa weeye…

‘’ صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ ‘’

Kuwa aad u nimceeysay jid koodii, waa Ambiyadii, Shuhaddadii iyo Siddiiqqiinta.

‘’ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ ‘’

‘’Kuwa loo carooday aan ahayn.’’

Kuwii loo carooday Ilaahow jid koodii hana marinin, kuwaa waa Yahuuda Ilaahay baa u carooday, cid kasta oo xumaatana waa u caroon nayaa.

‘’ وَلاَ الضَّالِّينَ ‘’

‘’Kuwii ambaday na Ilaahow jid kooda hana marin.’’

Waxaa sunnaha Rasuulkaﷺ ku sugan in marka sidaa faataxada la dhameeyo la yidhaahdo (Aamiin).

Ilaahayow noo aqbal, waa ducadaa, duco salaada dhexdeeda lagu duceysan naayo weeye Ilaahayow noo aqbal baanu leenahay oo jidka wanaagsan na mari oo kuwa ambaday na jid kooda naga leexi oo na fahamsii waxyi gaaga oo noo saqir.

.(والله أعلم)

Xadiiska Rasuulkaﷺ:

:عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله – صلى الله عليه وسلم – يقول

.قال الله تعالى: ( قسمت الصلاة بيني وبين عبدي نصفين ولعبدي ما سأل

.فإذا قال العبد : الحمد لله رب العالمين

.قال الله تعالى: حمدني عبدي

.وإذا قال: الرحمن الرحيم

.قال الله تعالى: أثنى علي عبدي

.وإذا قال: مالك يوم الدين

.قال: مجدني عبدي

.وقال مرة: فوض إلي عبدي

.فإذا قال: إياك نعبد وإياك نستعين

.قال: هذا بيني وبين عبدي ولعبدي ما سأل

فإذا قال: اهدنا الصراط المستقيم ، صراط الذين أنعمت عليهم ، غير المغضوب عليهم ولا الضالين

قال: هذا لعبدي ولعبدي ما سأل

وفي رواية: ( قسمت الصلاة بيني وبين عبدي نصفين ، فنصفها لي ونصفها لعبدي ) رواه مسلم وأصحاب السنن الأربعة

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan Tafsiirka Quraanka Kariimka ee uu inoo soo jeediyay Sheekh Maxamed Cumar Dirir (Ilaahay ha xafido). Waxaan ka codsan neynaa dhamaan ummadda Islaamka ee walaalaheena ah meel kasta ay ka joogaan dunnida in ay inoo soo duceeyaan in uu Ilaahay inoo fududeeyo qoraaladan Tafsiirka Quraanka Kariimka ah ee aadka u qiimaha badan oo ah (Kalaamka) Ilaahayn  (swt) oo ay culimadeena ina faham siin neysa Ilaahay iyagana ha xafido cumrigooda na Ilaahay ha barakeeyo oo ha dheereeyo, Aamiin.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Email: wajibad@gmail.com