Fikirka Khawaarijta

Muxaadaro ku Saabsan Fikirka Khawaarijta,
Sifaatkooda Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Qaybta | 5aad

Sheekh Maxamad Cabdi Umul

Waxaa qoray:  Abuu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah (2)

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Muxaadaro ku Saabsan
Fikirka Khawaarijta, Sifaatkooda
Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Tusmo Gaaban

Qoraalada darsigaan waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu Sunnah wal jamaaca u leedahay uga digida qatarta Khawaarijta iyo Shiicada ay leedahay. Maadaama ay muxaadaradaan tahay mid ummada uga digeeysa cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) ee toosan iyo kitaabkii Alle (سبحانه و تعلي). Kuwaas oo uu Sheekha sheegay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (سبحانه و تعلي).

Marka muxaadarooyinka wey fara badan yihiin {إن شاء الله تعلي} waxaan ka qori doonaa wixii Alle (سبحانه و تعلي) inoo fududeeyo si aan u gaarsiino ummada walaalaheen ah ee jecel inay raacaan jidka ama wadada toosan ee suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) iyo saxaabadiis iyo inta jidkaasi saxda aha qaaday. Anigana waxaan Ilaahay ka baryaayaa in uu naga yeelo dhamaan (Muwaxidiinta) kuwa ku dayda ee raaca jidkaas toosan qaatana qowlka wanaagsan.

Fiiro gaar ah:

Xuquuqda qoraalada waa mid furan oo u fasaxan cid walba oo jecel inay kheyrka faafisa iyo dadka jecel inay ka faa’ideystaan aqrintiisa ama daabacaadiisa. Qoraaga waxa uu ka mamnuucay inta la daabacda ka dibna dadka laga iibiyo. Maxaa yeelay qoraalada Abuu Kalthuma waa (صدقة جارية) oo loogu tala galay inay ummada ka faa’ideysato.

(جزاكم الله خيرا)

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين
نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

أما بعد أيها الاخوة والأخوات،

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Waa xalaqadii saddexaad, waa fadhigii saddexaad ee ahaa muxaadaradii ku saabsaneyd (Fikirka Khawaarijta) iyo sifaadkooda iyo kooxaha hada jooga ee ku (Ta’athuray) ama afkaar tooda wax ka kamid ah ku Saamoobay waxaan ku tala gashay inay caawa (سبحانه و تعلي) inoo dhamaaneeyso, waad moodaa inaan habeen dambana ku darno oo xalaqada afaraad aan ku gaba gabeeyno (سبحانه و تعلي).

Waxaan inoo dambeeyay oon guda galnay (bacda maa) markii hore aan ka soo hadalnay taariikhda iyo xiliga iyo siday khawaariji ku timid ee kadibna aan ka hadalnay aan guda galnay (Mabaadi dooda) iyo (Afkaar tooda) iyo (Usuushooda) wax kamid ah inaan tilmaamno (Sifaad kooda) baan iyadana tilmaami doonaa.

Waxaan xalay marka soo sheegnay laba arin oo muhiim ah, mid koowaad oo mabda’ooda aasaasiga ah inay dadka muslimiinta ku gaaleeysiiyaan waxaan gaal nimo keeneynin ama aan gaal nimaba ahayn sharciga miizaankiisa marka la saaro, taas oo noqon karta (Dunuubta) waaweeyn ee aan gaal nimo gaarsiisneyn waa sida (Jamhuur tooda) qabto isuma waafaqsano baan niri ama noqon kareysa shey iska banaan inay dadka ku gaaleeysiiyaan miizaanka shareecada ku banaan ama noqon kareysa shey waajib ah shareecada waajib ku ah inay dadka ku gaaleeysiiyaan ama noqon karto shey (Mustaxab) oo sunna ah inay dadka ku gaaleeysiiyaan ama inay ku gaaleeysiiyaan shey (Masaa’il Ijtihaadiya) ah oo culimada ku kala aragti bedelan yihiin, (Ijtihaad keeduna) uu (Saa’iq) yahay intay ka gudbaan (Taqti’ada) oo ay ka gudbaan (Fatsiiqa) iyo (Taddiica) inay ugu gudbaan (Takfiirka) oo ay gaaleeysiiyaan.

Waxaan kale oo aan soo marnay oo qodobka labaad ahaa (Usuushooduna) kamid ah madaxda muslimiinta iyo dowlada hooda ay markaa is leeyihiin waxay ku kaceen jowr iyo dulmi bey ku kaceen weli se aan diinta ka bixin oo jowr kooda diinta ka saarin in ay ku kacaan oo ay ku baxaan oo ay la dagaalamaan oo ay qasaan oo ay baneeystaan in ay dumiyaan oo burburiyaan, arin taana waan ka soo hadalnay xalay.

Isla qodob kaan waxaan doonayaa inaan ishaaro oo aan wax yar ka daba geeyo ee mas’aladaa ah (al-quruuj calaa aimatil jowr) waxay ahayd mas’alo khilaaf qadiim ah ka jiray (Cinda Salaf) oo kacdoomadii dhacay xiligaa hore rag culima ah baa ku jiray oo qaar kamid ah ka qayb qaatay kuwii (A’imatul jowrka) lagula dagaalamaayay ama lagu kacsanaa.

Halkaa marka waxay ahayd khilaaf qadiim baa mas’alada ku jira markii dambana sida ibn Taymiyyah ka soo guurinay dhibkii markii la ogaaday iyo fasaad keeda iyo maslaxa inaysan ku jirin, waxay ku sugnaatay (ahlu sunnuhu) inay isku waafaqeen in arint taasi ayna banaaneen kutub tooda caqiidada saas ayay ku qoreen baan niri.

Hadal kale ayaan ka daba geeynayaa arintaa iyada ah oo Ibnu Xajar uu leeyahay (رحمه الله تعالى), ee tarjamada (al-Xassan ibnu Saalix ibnu Xayy), (Fii Tahdiibi Tahdiib) tarjamadiisa markuu halkaa kaga hadlaayay hadal buu keenay wuxuu yiri….

Culimada qaar baa waxay yiraahdeen wuxuu ka mid ahaa dadkii arki jiray in madaxda lagu kacoo lala dagaalamo tii buu marka fisiraayaa wuxuu yiri:

‘’Waxay ka wadaan wuxuu arki jiray oo citiqaad sanaa madaxda jowrka in lagula kaco seeyf oo lala dagaalamo.’’

Wuxuu yiri marka:

Waa madhab salaf qaar ay qabeen oo horeeyay waaye, waqti hore la qabay oo rag qabay ay jireen ama sameeyay.Laakiin markii dambe (amr ahlu sunna wal jamaaca) wuxuu ku sugnaaday oo isku raaceen arintaa in laga tago oo la daayo. Goormey arinkaa qaateen, markay arkeen ku bixi taanka madaxda inuu keenayo dhib ka badan dhibka ayaga lagu qabo. Arintaa markay soo baxday ayay markaa ka dib ayuu sugnaaday buu leeyahay.

Markaasaa wuxuu yiri:

Dhacdooyin kaa ninkii akhriya, kacdoon bay ahayd, iyo (mafaasiida) ka dhalatay iyo dhibaatada ka timid, wuxuu leeyahay waxaa ugu sugan wax uu ku cibra qaato.

Muhiima deeyda waxa weeye marka inaan iraahdo dadka qaar kood baa laga yaabaa inay yiraahdaan, mas’aladu marba haday khilaaf salaf jiray, khilaaf qadiim ah (ijmaac) ka dambeeya ma (rafcin) karo. Saas daraadeed mas’alada haduu khilaaf ku jiro waa ku ijtihaadeeynaa.

Warkaasi waxaa (ibtaalinaaya) khilaafku ama salaf haka yimaado ama khalaf haka yimaado marba haduu (Nas qaatic ah) oo (qaaticul dilaal ah) oo (qaaticu subuut ah) sugnaan tiisuna go’an tahay (Dilaala diisuna) ay cad tahay haduu ka hor yimaado khilaafku (wallow bacdu aimatil salaf) haba sameeyeen, khilaaf kaasi (muctabar) ma aha.

Muctabarna waxaan ka wadaa lagu dayan maayo, laguna raaci maayo, lana (taqliidin) maayo, maxaa yeelay li’ana (Nas) kaa ayaa lagu camal falayaa.

Axaadiith aad u fara badan oo (Xaddu tawaatu) gaareysa ayuu Nabigaﷺ ku reebay a’imada jowrka in lagu kaco.

Marka xadiiska Nabigaﷺ iyo (nusuusta) wixii khilaaf ah (Mushtahid) haduu yahayna (Ishtihaad kiisa) uu (Muctabar) tahay hada muxuu ahaa nadtiijadiisa anagu gali meyno ma (tatliilineyno) laakiin waxa weeyaan (Ictibaar tooda) ayay leedahay, waxaa se la diidi in hada la yiraahdo waan ku dayaneynaa maadaama mas’ala khilaafiya tahay dee waa (ishtihaadiya) anaguna muxuu ahaay salafkaas ayaanu ku raaceynaa. Arintaasi ma sax sana maadaama mas’alada (nas) ay leedahay cad.

Usuushooda
Iyo Mabaadi’dooda

Usuushooda iyo mabaadi dooda khawaarijta waxaa ka mid ah:

Inay dhiiga muslimiinta baneystaan, muslimiintaa khilaaf san oo iyaga waxay wataan ku raaci waayeen inay dhiigooda baneystaan, oo ay ku baneystaan (Ta’wiilaad) aan (Dawaabit) sharci laheyn oo (Faasid) ah.

Inay jamaacada muslimiinta, wada jirka muslimiinta ku baxaan.

Inay muslimiinta ula mucaamiloodaan sida mucaamalada gaalada oo kale oo dhulka muslimiintana ay dhul gaalo (Axkaamtiisa) siiyaan.

  • Caruur tooda
  • Dumar kooda
  • Guur kooda
  • Gowracooda
  • Iyo axkaamta mucaamalaad kooda ay ka dhigaan mucaamalaad gaalo oo kale sidii oo gaalo loola mucaamaloonayo.

Inay ka bari noqdaan (Baraa’a Kuliya) muslimiinta inay ka bari noqdaan sida gaalada looga bari noqdo oo kale.

Inay dadka imtixaanaan oo ay mabaadi dooda (afkaar tooda) (ashqaas) ku imtixaanaan [oo lagu yiraah hebel maxaad ka qabtaa?].

Hebel waxaas ayaan ka qabaa hadaad tiraahdo (qalaas).

Waa miduu leeyahay sheekhul islaam ibn taymiyyah (رحمه الله تعالى):

Inaad ruux inta sameysato aad dadka tiraahdo maxaad hebel ka qabtaa, oo markuu ku yiraahdo waa qaldan yahay aad qoorta ka gooyso ama aad la colowdo. Arin taasi waa (bidco) ka soo jeeday meelahaas.

Inay dadka muslimiinta dhiigooda baneystaan khawaarijta nooc yadeeda kala gedisan (taqriiban) wey isla ogol yihiin dhiiga (mukhaalif kooda) inuu banaan yahay.

Xadiiska nabigaﷺ ayay ku timid inay muslimiinta leeynayaan oo dhiigooda baneysa nayaan oo xadiiska Rasuulkaﷺ waa kan aan soo marnay [xadiithu Cali wa khayrihi].

‘’Dadka muslimiinta ah bey leeynayaan, gaalada iyo (wathaniyiin tana) waa ka tagayaan.’’

Waa anagii soo marnay markay dileen Cabdullaahi ibn Khabbaab ibn Arat (rc) nimankii (mucaahidiinta) ahaa oo gaalada ahaa siday (Doofaar kooda) iyo xabadoodii (timirta) isaga ilaalinaayeen.

Mucaahadka gaalka ah muslimiinta ku hoos nool dhiigiisa ma banaana, xoolahiisana ma banaana (ficlan) oo waa (macsuum) in la ilaaliyo waaye, laakiin macna heedu waxa weeyaan gaalka iyo sida ay u ilaalinaayaan dhiigiisa iyo xoolahiisa iyo xuquuq diisa si ku dhow uma ilaalinaayaan muslimiinta tooda, muslimiinta tooda waa hadaw.

Al Imaamu Shaatibi (رحمه الله تعالى) wuxuu yiri khawaarijta markuu ka hadlaayay:

‘’hal koodaa waxaa maraaya oo (axkaam tooda) qaada naaya cidii jidkooda maray,’’

Nin (Mahdi) ahaay oo Mahdi la dhihi jiray oo (Maghribal Carab) ka kacay oo koox yeeshay oo khaariji ahaa nin kaas baa ugu dhow buu yiri khawaarijta sifaad koodii, maxaa yeelay qolodaa ninkaa isaga ah iyo koox diisa waxaa ka soo baxay oo ka (daahiray) buu yiri labadii arimood ee Nabiga khawaarijta uu ku (qeexay).

Laba arin uu Nabigaﷺ ku qeexay labadiiba wey ka muuqdaan buu yiri.

Oo muxuu yahan?

  1. ‘’Quraanka inay akhri nayaan laakiin uu san kalxamaha u dhaafeyn ayna fahan sanayn, waa qodob.’’
  2. ‘’Muslimiinta inay leeynayaan gaaladana ka tagayaan.’’

Labadii qodob ee Nabigaﷺ khawaarijta ku sheegay labadiiba waa laga heley buu yiri qolodaan.

Marka waxa weeye wuxuu ka wadaa (bi macnaa) sifada (asaasiga) ah axaadiithta ku timid ee kale waxa weeye dhiiga muslimka in la baneysto, gaaleysiinta marka laga yimaado in dhiiga muslimka la baneysto.

Waxaa ka mid ah arintaa iyada ah (shawaahid deeda) iyo (Adila deeda) (Tatbiiqiyan) waxay u dileen oo ay ku fuliyeen Cuthmaan ibn Caffaan (rc) sooma aha, ilayn dil kiisii khawaarij baa qayb ka ahayd, raga marka dambe Cali (rc) ku kici doona, qaar kamid ah waxay la socdeen kooxdii Cuthmaan dishay, waxaa kamid ahaa dilkii ay dileen Cali ibn Abii Taalib (rc) sidaan xalay darsiga ku soo qaadanay oo weliba waan kugu janno tageynaa ku dileen.

  • Fuqahaa’u saxaaba iyo
  • akhayaartii iyo
  • ahlu Badar iyo
  • ahlu Beycatul Ridwaan
  • iyo ragii Nabiga jannada ugu markhaati kacay oo u qiray, ragaas ayay leeynayaan.

Waxaa ku tusaaya sidoo kale saxaabada markay la dagaalamaayeen iyo muslimiinta saan u tagi doono xataa iska dhaaf raga dagaalamaaya iskaba daaya, caruur tooda iyo dumar kooda xataa wey leeynayaan.

Magaalo ayay soo galayaan waxba ka tagi maayaan, dumarka waxay doonaan bey kaxaysan adooma ayay ka dhiganayaan, qaar wey leeynayaan qaar wey kufsan nahayaan waa saas, marka waxba uma turayaan, xataa caruurta yarta ee uurka ku jirta waa kaa soo marnay sooma aha? Cabdullaahi ibn Khabbaab adoon tiisii uurka lahayd waa kuwii ilmaha ka soo riday iyadii dilay ilmahiina wey ka soo rideen.

Marka dhiiga muslimka ah inay baneystaan waa (Aslu usuulihim) waaye.

Waxay u badan tahay marka oo sida (qaalibka) ah dhiiga baneysigiisa waxaa ugu horeeya inay gaaleeysiyaan, gaaleysiinta iyo (takfiirinta) iyo in (ridda) lagu xukumo baa (wassiilo) u ah in dhiigu daato oo ay dhiiga baneystaan ee marka hore dhiiga iska baneysan maayaan. Tawiillaadka meynaan baneysan jirin ee marka hore wey xukum mayaan.

Waxaa meeshaa soo galaaya in la fududeeyo dhiiga muslimka baneysigiisa, inaad (adnaa) sabab (asbaabta) ugu fudud inaad u raadiso sidii qiil loogu heli lahaa dhiiga muslimka inuu daato.

Sida mathalan jihaadka (daruura diisa) ayaa keentay.

Sida mathalan in la geeyo oo si xun loogu isticmaalo oo lagu (tanziiliyo) tanziil aan sax ahayn (qaacidadii) ahayd waxaan u jeedaa (mas’aladii) ahayd (mas’alatu tatarrus);

  • in la yiraahdo hal gaal baan u jeednay oo muslimiinta la xaaqo,
  • in goobaha ay dagan yihiin madaafiic lays kala dhaco
  • in dhiigooda (adnaa) sabab lagu galo

Wax weyna iyo (wazan) weyna uu san yeelaninba, qiima badanna uu san kuugu fadhinin muslim baa dhintay iyo mid baa muxuu ahaay… wax weyn ba inuusan kuugu fadhinin ama inaad fududeeyso u raadiso (daraaicdii) asbaabtii lagu gali lahaa oo meelahaa qiil iyo wax ugu baadh baadho (kulu daalika) waxa weeye…

[istiqfaaf bi dimaa’il muslimiin] waaye.

Fududeeysi la fududeeysanaayo dhiigii muslimiinta waana…

[nazca min nawaazicil khawaarij, min nazacaatil khawaarij] waaye

Qodob kaasi marka waa qodobada khatarta ah oo ay (taqriiban) ayaguna isku sameeyeen muslimiintana kula kaceen.

Sheekhul Islaam ibn Taymiyyah (رحمه الله تعالى) wuxuu leeyahay:

‘’Khawaarijta waa ciddii ugu horeeysay ee muslimiinta gaaleeysiisay, oo dunuub ku gaaleeysiisay, oo ciddii bidcadooda ku khilaaftay gaaleeysiisay, oo dhiiga iyo xoolaha muslimiinta baneystay. ’’ 

Kooxdii ugu horeysay weeye taariikhda inta la garanaayo muslimiinta.

Mar kale wuxuu leeyahay Sheekhul islaam ibn taymiyyah ((رحمه الله تعالى)):

‘’Waa dadkii u horeeyay oo dadka (Qiblada) u jeesaday ee tukada gaaleeysiisay oo dunuub ku gaaleeysiiyay, bal iskaba dhaaf dambi inay ku gaaleeysiyaane wax ay ayagu dambi u arkaan laakiin miizaanka sharciga aan dambi ahayn bay ku gaaleeysiiyeen. ’’

Waa mas’alada hada ka soo hadleenay waaye. Yacni waxa weeyaan mas’aladu ma aha inay uun dunuubta keliya wax ku gaaleeysiyaan oo..

  • Ruuxii zineysta waa gaal
  • Tuug waa gaal
  • Khamri cabka waa gaal
  • Ruuxii wax xanta waa gaal
  • Ruuxa dagaal ka carara waa gaal

Kabaa’irta keliya ma aha, ee wax aan diintaba xataa (kabiira) ku ahayn laakiin ayaga ay moodayaan gaal nimo inay tahay bay dadka ku gaaleeysin jireen, muslimiinta ku gaaleeysin jireen.

Wuxuu yiri:

Dadka qiblada u jeesaday ee muslimiinta ah dhiigoodana wey baneysteen.

Fududeeysi gaasi marka (nazacaad kooda) ayay ka mid tahay, kooxahan dagaalamana sifaad kaa runtii aad ayay qaar badani ugu tilmaaman yihiin bey kamid tahay markay (afkaarta) noocaan oo kale aad u gasho (simaadka) lagu arkaa waxaa ka mid ah inuu san dhiiga muslimku qiimo badan ba ku fadhiyin ba, oo mar marka qaar kood (bi duuni sabab) in leyska galo oo iska noqdo markaa dambe (hawiyo) ama uu iska noqdo (manhaj).

Islaamku ama qaacidada saxda waxa weeye ee kitaabka iyo sunnada iyo (tacaamulkii) salafka wax ku tusaayo. Ruuxa markuu soo islaamayo diinta islaamka soo galaayo waxaa laga aqbali oo diinta soo galitaan keeda lagaga aqbali sababta ugu fudud wax la hor dhigi maba jiraba haduu soo islaamayo, inuu muslim yahayna (qariina) un hadii loo helo leys dhihi karaayo waa muslim (qariinad daas) in lagu badbaadiyo waaye, qariina un hadii la heli karo xataa, haday kuu soo baxdo ruuxani waxay u xoog badan tahay inuu gaal yahay, war maya waxaa suuroobi karto inuu muslim yahay muslim ka dhig intaad muslim dhiigiisa geli lahayd gaal ha fakado (qaacidad) waa saas, intaad dhiig muslim gali lahayd gaal haku fakado.

Soo geli taanka marka waa la fududeeynaa amaa ka bixida diinta laga baxaayo ama ruuxa laga saaraayo waa la adkeynaa.

U fiirso:

  • Soo geli taankana waa la fududeyn
  • Ka bixida dadka diinta laga saarana (من اصعب مايكون) waaye sida loo adkeeyay.
  • Shuruuda lagu xiray
  • Shareecada siday iridaha u adkeysay (من اصعب مايكون).

Ilaa heer culimadu ay leeyihiin ruuxii islaam nimadiisa ay ku sugnaato (bi yaqiin) islaamka ka bixi maayo (ilaa bi yaqiin).

  • Sheekhul islaam ibn taymiyyah (رحمه الله)
  • Sidoo kaleete Xaafid ibn Xajar (رحمه الله)

Waa qaacido culimo fara badan ay soo guurinayaan, waana qaacido mas’aladaa keliya aan ku saabsaneyn ee (nusuusna) leh (axkaam) aad u fara badana ay ku imaaneyso, yacni waxa weeyaan (اليقين لا يزول بالشك) qaacidadii ahayd bey hoos tagi oo leysla ogolaa nusuus fara badan iyo adila fara badana iskaleh.

Marka wey adag tahay oo aad bey shareecada u adkeysay ruux Muslim ah in riddo lagu xukumo oo diinta lagaga saaro sidaana dhiigiisa lagu baneysto.

Ilaa heer Nabigaﷺ uu gaarsiiyay ruuxii walaalkii gaal baa tahay ku yiraahda, hadduu san isagu ehel u ahayn adaa gaaloobayo. Adigii kalimada kaa tagtay baa gaaloobayo.

Dadka sidaa wax u fududeeystana Nabigaﷺ waxa ka sugan inuu yiri:

‘’Kan gaal nimada tuuraya dadka ku tuuraya ayaa kaga (awleys san) gaal nimada dadka uu ku tuurayo, isagaa ka mudan.’’

Isagaa maadaama wuxuu ku kacaayo wax culus ay tahay oo ruuxa muslimka gaaleeysiintiisa meel adag bey shareecada ka istaagtay, qaasatan marka loo maraayo gaaleeysiintiisa in dhiigiisa la baneysto xoolahiisana la baneysto.

Mas’aladaasi iyadana waa qodob kamid ah usuushooda iyana kitaabka iyo sunnada ijmaacii salafka ay ku khilaafeen.

Manhaj kooda ay
Wax u Daliishadaan

Waxaa kamid ah usuushooda manhaj kooda ay wax u daliishadaan, (khalal) baa ku jira dhinacyo dhowr waa kaga jiraa.

1- Waa marka koowaadee: saan u tegi doono (adilada) horta quraanka mooyee sunnada wax yar bey ka qaataan waan u tegi doonaa qodobka soo socda weeye.

2- Waa mida labaadee: quraanka waxay ka qaataan mas’alada nusuusta ku soo aroortay qaar bey qaataan qaarna wey ka tagaan.

Waxay qaataan adilada ku soo aroortay:

  • Waciidka
  • Goodiga
  • Hanjabaadka
  • Axkaamta adag

Taas un bey la ordaan nusuustii dhanka kale ku soo aroortay oo…

  • Wacdiga
  • Iyo yabooha
  • Iyo naxariista rabbi saay waasic u tahay
  • Iyo in dadka loo dambi dhaafi
  • Iyo nusuustii wacdiga iyaga uma taal ama quraan ha noqoto ama xadiis ha noqoto sooma aha?

Waxay un kala baxeen nusuusta intii un ay is lahaayeen () iyo hawadiina, iyo adadeegiina u adeegeeysaan markaasay nusuusul waciid qaateen, sidaas daraadeed baa iyaga iyo (muctazilada) waxaa leysku dhahaa (al-Waciidiyah).

Al-waciidiyah hadaa maqasho waa (muctazilada) iyo (khawaarijta)

Ahlu Sunna wal jamaaca na maxay yihiin?

Ahlu Sunna wal jamaaca iyo hadhabkii saxaabada iyo salafka laga dhaxlay waxa weeye, nusuus taas oo dhan bey isu keenayaan. Xukunka waxay kala soo baxaayaan nusuus taa oo dhan oo wada joogta.

  • Tan Waciidka ee Hanjabaadka fiiri
  • Tan wacdiga fiiri

Wixii baa leysu ururin halkaas baa marka natiijada lagaga soo baxaayaa.

Marka waa [qalal fii manhajil istitlaal] uu ku jiro waaye.

Waxaa ka mid ah qalal kaa isaga ah in aayadaha quraanka iyo nusuusta ku soo aroortay gaalada in meesheedii meel aan ahayn la saaro oo muslimiin aan mudneyn madaxa lagaga garaaco, axkaam tiina la saaro.

Aayaad kani dad gaala ah bey ka hadlaayaan, quraanka markuu aayadahiisa gaala ka hadlaayaan, lafdiga wixii soo gala cumuumka aayada wixii soo gala, idlaaqeeda wixii soo gala wey qaadan oo la dhihi maayo sababtii lagu qaas yeeli maayo, laakiin cumuumka idlaaqu meesha aad saareeyso waa inuu yahay meeshiisii waana mas’ala la yiraahdo;

مَسْأَلَة التنزيل و مَسْأَلَة التطبيق

(mas’alatu tanziil wa mas’alatu tadbiiq)…

… baa la dhahaa (naska) inaad saarto meeshii loogu tala galay, ayagu marka meeshii ma saarayaan.

Aayado quraan wey keeni laakiin cidda ay ku dabaqayaan meesheedii ma aha.

Waxaa u maleynaaya wax kamid ah inaan soo marnay.

Cabdullaahi ibn Cumar (rc) markuu khawaarijta ka hadlaayay wuxuu yiri:

‘’Aayado gaalo ku soo dagay intay aadeen, bey mu’miniinta korka ka saareen oo ay ku xukumeen.’’

Miithaal aanu soo marnay soo garan meysaan!

Waxaa kamid ah mathalan Cali ibn Abii Taalib (rc) markuu khudbada jeediyay maxay ku yiraahdeen?

Ninkii dhagaha faraha gashaday…

”وَلَقَدْ أُوحِيَ إِلَيْكَ وَإِلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكَ لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ”

[سورة الزمر آية ٦٥]

‘’Nabi Maxammadow waxaa laguu waxyooday adiga iyo intii kaa horeysaba, hadaad Ilaahay iyo khalqigiisa aad wax wadaajiso camalkaaga wuu baabi’I kuwa khasaaray baadna ka mid tahay.’’

Aayada yey ku soo degtay?

Nabigaﷺ ayaa lagula hadlaayay sooma aha?

Hadaad (shirki) gasho ayaa laga hadlaayay.

Yey saareen?

Cali (rc) bey saareen oo ka dhigayaaan inuu shirki galay.

War aayadaan dad gaalo oo diinta ka baxay oo shirki noqday oo, baab kaas ayay ku saabsan tahay, ma Cali ibn Abii Taalib oo dadkii Ilaahay (swt) raaliga ka noqday kamid ah, (ahlu badar) ah, ragii la yiri waxaad doontaan sameeya waa la idiin dambi dhaafayee.

Raggii ahaa…

{لَقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ}

{وَالسَّابِقُونَ الْأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالْأَنصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم بِإِحْسَانٍ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ}

Ragga ugu horeeyay galaaya, ma nin kaasaa aayadani ku fadhidaa, oo eedani fuuli kartaa? Isma leh marka aayada iyo meesha saarayaan baan is lahayn.

Soo soco Cabdullaahi ibn Cabaas markuu ku soo baxay isaga oo doonayo inuu (munaadaro) la sameeya, waa kaa soo marnay iyadana maxay ku yiraahdeen?

”بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ”

[سورة الزخرف آية ٥٨]

‘’Waa dad dood badan oo muran badan.’’

Bey ku yiraahdeen, waa Qureysh, qureyshna waa nimankii muranka badnaa.

War Qureysh tii gaalada ahayd baa laga hadlaayay Cabdullaahi ibn Cabaas oo (faqiyul ummah) ah oo (man calamahullaahu ta’wiil) ah oo ninkii isaga oo aan qaan gaarin (fuqahaa’u saxaaba) fiq-higa kula tartami jiri ah, ma nin kaasaa {‘بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ’} saareysaan?

Aayada iyo meesha isma leh.

Cali ibn Abii Taalib (rc) markuu dilay Cabdir-Raxmaan ibn Muljim oo madaxa nawarka kaga dhiftay soo iyadan meynaan soo marin, muxuu ku dul akhriyay?

وَمِنَ النَّاسِ مَن يَشْرِي نَفْسَهُ ابْتِغَاءَ مَرْضَاتِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ رَءُوفٌ بِالْعِبَادِ

[سورة البقرة آية ٢٠٧]

‘’ Waxaa kamid ah Allah adoomadiisa, dad naftooda Alle ka iibsaday baa ku jira.’’

War Cali kii janno lagu raadsan lahaa ma aha!

Kii Ilaahay (swt) janno naf lagaga gadan lahaa dilkiisana ma aha!

Laakiin aayada meel aan meesha eheen buu saarayaa.

Sidaas daraadeed waxay caan ku ahaayeen:

  • (istidlaal kooda) iyo
  • (manhajul istidlaal) iyo
  • (tariiqatul istidlaal) iyo
  • (tanziilul nusuus calal waqaaciqi wal ashqaas) kula daalika qalal baa kaga jira.

Sidaas daraadeed (tanziil) kaasi mar haduusan qaabka aad nusuusta u isticmaaleyso uu san (mundabit) ahayn.

Marar badan waxaad arkeysaa, dadka qaar kood wuxuu ku keenayaa dad (ahlu bidca) ayaa u badan (adilo) aad u fara badan iyo nusuus iyo (aqwaalu ahlul cilmi) iyo waxaad la yaabto oo maanta dhanba aan joojineynin amase aan ka daaleynin buu keeni, waxaa laga yaabaa quraanka oo dhanba inuu kugu dul akhriyo oo u ku yiraahdo halkan ayay daliil u tahay.

Hadaanan marka garaneynin (dawaabida iyo qawaacida) (istidlaalka) iyo (tanziilka) qaasatan hadaanan garaneynin. Waxaadan dhehi un (Maa Shaa Allaah) ar muxuu daliil keenay!

Ficlan waa hada sida dad badan haysta oo ma fiiriyaan mana fahmi karaan badan kooda, war wadaad kan wax jeedinaaya (axkaamta) bixinaya, wadaad kani wuxuu daliishanaayo iyo meeshuu saarayo ma is leedahay?

Adiga (Takfiirka) ma aragtay, kutub tooda ma akhriday, waa un aayad socoto waaye sooma aha? Waa aayad socota. Haday wax ku dhax jiraan wadaad kooda amiirka u ah hadal kiisa oo uu ku shar sharxaaya ayaa ku dhax jira.

War aayadahaan xagay ku socdaan, yaa xagee la saarahayaa dadka dukada ayaa la saarahayaa, masaajida ayaa la saarahayaa marka isma leh (adila) iyo meesheeda isma leh, nin baa (aqwaal) fara badan oo (ahlu cilmiga) soo guurinayaa, dad buu u gaar saarayaa, dad buu ku dabaqayaa.

Ardaydii ag fadhiday oo badan kooda aan waxba fahmi karin, waxay leeyahiin haa walaahi sheega naga halis weeye, (ibnu taymiyyah) casri weeye baa lagu leeyahay, oo sidee ibn taymiyyah casri ku noqday.

Bal kaalay adigu arag meel uu wax ka soo saarahayo, war meel buu wax ka soo saarahayaa ma ehee, wadaad kani wuxuu akhrinahayo ee soo uruuriyay iyo dadka uu saarayo iyo cidda uu dusha ka saarayo ma is leedahay ma fahmi kartaa intaa?

Ma fahmi kartid, hadaadan fahmi kareynin waxaan faraha badan ee uu akhrinahaayo haku kadsoomin ugu yaraan taxadar kaaga qaado sooma aha! Mas’aladaasi marka waxa weeye qalal khawaarijta u horeysay weeye firaq badana kaga daydeen.

Dad badan oo yacni iska aqoon yarna ay ku kadsoom yihiin oo maanta wax badan oo kamid ah qaladaad lagu geliyay ama dad badan oo muslimiin ah lagu gaaleysiiyay saa diinta looga saaray ama dhiig badan loogu baneeyay ama masaa’ib fara badan ay ku galeen iyo fitan fara badan li’ana waxa weeye, waxa lagu akhrinaayo ee loo sheegayo iyo meesha ay u wadaan dadka u sheegaya isma laha ayaguna cilmigii iyo caqligii iyo xikmada ay ku fahmi lahaayeen malaha intaas ayaa marka lagu duufsanayaa waaye macnaha arin halis teeda leh waaye.

Qawaacida waxaa ka mid ah khawaarijta iyo usuushooda waxaa ka mid ah inaynaan sunnada Nabigaﷺ aqoonin oo inta badan quraanka un u badan yihiin daliishiisa bal sunnada wixii quraanka waafaqa bas bey daliishadaan, wixii ay is leeyihiin ayaga faham kooda la qaloocsan quraanka wuu ka hor imaanayaa oo sunna ah khawaarij ma rumeysna, meynaan rumeysnaan jirin waana qalalka ku jira ayay ka mid tahay (Manhajul Talaqi kooda) iyo (Masaadir tooda).

Sheekhul Islaam ibn Taymiyyah (رحمه الله تعالى) wuxuu leeyahay:

‘’Khawaarijtu sunnada maba qabsadaan ilaa wixii uun (mujmil keeda) fasiraayo mooyee, wixii se quraanka (daahir kiisa) qilaafaya iyo iyaga seey la tahay ma ay ogola.’’

Sidaa daraadeed, mathalan ruuxa (zineystay) ee guur u horeeyay iga oo guursaday hadana (zino) ku dhacay (…) ruuxaasi sunnada waxay tiri ee xadiithka Nabigaﷺ dhagax ha lagu dilo sooma aha?

Quraanka miyuu sheegay?

Quraan hore oo la (Nasaqay) baa jiray laakiin kitaabka quraanka aayad ku taal oo hadaa saa dhahaysa ma jirto. Xadiithka Nabigaﷺ ayaa sheegay.

Khawaariji waxay tiri maadaama ayna quraanka ku oolin kuma jirno (zaaniga muxsinka) ah ma (rajmiyaan).

Xatooyada

وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُواْ أَيْدِيَهُمَا ”

[Surat: al-Maa’idah, 38]

Xatooyada ninka xaday iyo naagta xaday gacanta gooya ayaa la yiri, gacmaha jara.

Laakiin qiyaas tee markay xadaan baan gacanta jarnaa?

Ma xataa (senti) haday xadaan mala jaraa?

Sunnada Nabigaﷺ ayaa qeexday oo, waxay ku qeexday (rubcu diinaar) sooma aha?

Qiyaasta markuu ruux wax xado gacanta laga jaraayo sunnada ayaa qeexday.

Waxay yiraahdeen anaga sunnadaasi nooma taal ee xataa haduu (senti) xado gacanta waa maqan tahay, maxaa yeelay sunnada intii ay iyagu is leeyihiin quraanka ayay waafaqeysaa un bey qaadan inta kaleeta uma taal iyaga.

Waxaa laga yaabaa buu leeyahay ibn taymiyyah inay dhahaan, waxaa laga yaabaa inay yiraahdaan (murtadka) diinta ka baxay in la dilo quraanka kuma taal oo markaa (murtadka) inuu ak tooda laba nooc ka noqdo ayaa dhici karto.

Ilayn murtadka diinta ka baxay hala dilo sunnada Nabigaﷺ ayaa tiri sooma aha?

Quraanka wuxuu yiri uun diinta yaan laga bixin, laakiin ruuxa diinta ka baxay (cuquuba diisa) adduunka la marinayo yaa sheegay?

« من بدل دينه فاقتلوه »

[man badala diinahu faqtuluuhu]

Xadiithka Nabigaﷺ ayaa sheegay.

[مجموع فتاوي] buu sidaa ku yiri.

Waxaa ka mid ah hadala diisa Sheekhul Islaam ibn Taymiyyah mas’aladaa markuu tilmaamayo: […]

Waxaa ka mid ah, {الخوارج الحرورية} khawaarijta (xaruuriyada) ah ee quraanka raacidiis ayay ka diin dhigan jireen (aaraa dooda) siday ayaga markaa la tahay iyo siday u fahmaan, waxay ka tagi jireen Nabigaﷺ axaadiis tiisii sunanka ay la tahay markaa inay quraanka khilaafsan tahay.

Marka sidaas daraadeed inta badan khawaarijta marka laga yimaado firiqda kale ee (daalada) ee dariiqa ka luntay intooda badan axaadiista Nabigaﷺ mana yaqaanaan in badan oo sunnada ka mid ahna maba xujeestaan, sida mathalan (Muctazilada) iyo wixii ku (ta’athuray) [Axaadiisul Aaxaad] xujo ma aha bey dhaheen, waa axaadiista Nabigaﷺ inta u badan tahayba, firaqta kale xataa ka dambeysay ama ka horeysay aqoonta xadiistu waa ku yar yahay.

Saas daraadeed waa kii uu yiri, [Cumar ibn Cabdulcasiis inuu ahaa iyo in kale ma xusuusti] wuxuu yiri sunnada kula dooda maxaa yeelay, […]

Quraanka nin walba waa sheeg sheegan karaa, laakiin sunnadii baa wax walba kala dhig dhigtay ee sunnada kula dooda. Meesha inta badan ay ku kala baxaan firaqa iyo ahlu sunnaha meeshaas ayaa ka mid ah.

Ahlu sunnahu axaadiista Nabigaﷺ:

  • iyo (Naqliga) iyo (Atharka)
  • iyo maxaa la soo guuriyay
  • iyo Nabigaﷺ muxuu yiri
  • iyo saxaabada maxaay dhaheen
  • iyo maxaa taabiciintii laga soo guuriyay.

Hal kaas ayay wax ka raadiyaan, qolodaa kale ee firaqa ah inta badan waxay u noqdaan hawo dooda iyo waxay (caqli yaadka) yiraahdaan caqliga sida:

  • waxaa ila quman,
  • waxay ila tahay,
  • falsafada,
  • sidaa ma aha.

War xadiith baa yaala meesha [maya maya] war kooda hal kaas waaye [mastaru talaqi gaas] ayaa lagu kala leexanayaa asal ahaan.

Waxaa ka mid ah khawaarijta usuushooda ama sifaad kooda waxaa ka mid ah:

  • {Tatliilu Culumaa} – تتليل العلما
  • {wa tatliilu fuqahaa’u ummah} – تتليل الفقهاء
  • {wal istis-zaa bihim}, – الاستهزاء بهم
  • {wa tasliidul juhaali caleyhim} – وتسليض الجهال
  • {Wastixlaali dimaa’ihim}. – واستحلال دمائهم

Culimada oo Baadi
Lagu Xukumo

Ummada (fuqaha deeda) iyo (raasiqiinta cilmiga) oo lagu jees jeeso, ummada lagu diro la tuhmo dadka wax ma garadka ee juhalada ah da’ yarta aan aqoonta lahayn oo lagu salido, la yiraahdo waa (faasiqiin), gaal ayay u shaqeeyaan, waa jaajuusiin, waa fulayo, waxba ma garanayaan, xaydka iyo kaadida uun bey axkaam teeda yaqaanaan, siyaasada ma yaqaanaan, waa ka dhacsan yihiin.

Ilaa heer la yiraahdo (abwaabta) qaar keed waxba kama ay oggaba, maxay jihaad ka ogg yihiin, ilaa heer la yiraahdo (laaya) meeshaad ku aragtaan laaya.

{القاتل مجاهد و الختول شهيد}

  • Ninka dilay na waa mujaahid
  • Wadaadka rafanaaya ee dhiiga dhex gal galanaya hadii qalad lagu dilay waa shahiid.

In dadka (sufahada) ah oo iyada oo loo dirin oon loo fatwooninba dhiigii jiirahaya hadana aad usha ku sii dhufato oo tiraahdo ka noolaada.

Dabeecada hoodii bey ahayd iyo dhaqamadii lagu aqoon jiray.

Waxaynu garan kareynaa ama aan soo marnay (adila deeda) mowqif kii ay ka joogeen ama khawaarij (muxakimkii) hore, mowqif keey iska taagtay (Fuqahaa’u Saxaabah) iyo Ansaarta, anasaar iyo muhaajiriin ah cilmi goodii iyo fiqi goodii iyo manzilada ay diinta ku lahaayeen iyo nusuusta (taskiyeeysay) iyo qiimaha ay lahaayeen iyo kuli waxaas oo dhan maynaan fiirinin.

Waxay yiraahdeen waa (Baadil),

  • Cali waa baadi,
  • oo Cuthmaan baan ka horeeyay,
  • oo muhaajiriinta waa baa baadi
  • oo ansaarta waa baadi
  • oo diintii bey ka leexdeen
  • oo waxba ma garanayaan,
  • oo jihaad kii bey ka tageen.

Kadibna maxaa ka dambeeyay?

Aynu diinta ka qabano kuwaasi, mar haday sidaasi yihiin kuwaan inta diinta laga qabto ayay u baahan yihiinee, inteynaan gaal aadin horta ayaga aan shaqo ka qabano. Ileyn iyagaa wax walba ka daranee.

Hal kaas ayay marka ka bilaabatay in la jafo.

  • Saxaabadii
  • oo fuqaha doodii
  • oo akhayaar toodii

Dhakta inay ka saaraan oo dhiig goodii baneystaa.

In la gaaleeysiiyo oo la fududeysto oo qayaano lagu xukumo oo ineysan diinta daacad u ahayn lagu xukumo oo sidaasi la yiraahdo dulmi gooda diinta ha lagaga qabto, asal kooda sidaas waaye. Khawaarijta waa anagii soo marnay (adila deedana) waan soo marnay iyo qisas keeda iyo qaabka ay wax ku bilaawdeenba.

Waxaa ka mid ah mathalan saan horeba u soo sheegnay dadka (qaw’qaa’iyiinta) oo lagu salido culimada, dhiig gooda oo la baneysto.

Ibn Taymiyyah (رحمه الله تعالى) wuxuu yiri khawaarijta ayuu ka hadlaayaa:

Wuxuu yiri asalka (baadida) khawaarijta meesheey ka bilaabatay gunta iyo salka ay ka kacday wuxuu ahaa waxay (citiqaadiyeen) madax diineed kii ummada:

  • culimadii
  • fuqahadii
  • jamaacadii muslimiinta

Ayaa waxay rumeeyeen oo iska dhaadhaciyeen inay cadaalada ka baxeen, lunsan yihiina, waa lunsan yihiin jid kiina waa ka leexdeen.

Wuxuu yiri meesha ay ka soo baxaday kuwa sunnada Nabiga ka leexday oo (Raafidada) iyo khawaarijta ah meeshaa weeye meesha dhib kooda ka dhashay, kadibna waxay u arkaan inuu dulmi yahay bey hadana (Kufri) ka sii dhigayaan, hadana kufrigii bey waxay ka sii ratibayaan (axkaam) kaleete oo ay been abuurteen oo iyaga ay bilowdeen oo bidca ah, halkaas ayaa balaayada ka bilaabatay.

Balaayo xageey ka bilaabataa marka?

  • Balaayo waxay ka bilaabataa culimada oo la xaqiro
  • Balaayo waxay ka bilaabataa culimada oo lagu salido dadka
  • Balaayo waxay ka bilaabataa fuqahada iyo dadka diinta xambaarsan inaad ku jees jeesto oo aad u aragto dad aan qiimo lahayn kadibna aad dhiig gooda baneesato oo wasan kooda meesha ka saarto.

Waa [aslun min usuulihim] waaye.

Sheekhul islaam ibn taymiyyah (رحمه الله) wuxuu leeyahay:

Wuxuu leeyahay dadka wax ma garadka ah oo lagu salido culimada gaaleeysiin tooda munkar la galo iyo dambi la galo kuwa ugu waaweeyn bey ka mid tahay, asal keedana waxay ka timid buu leeyahay khawaarijta iyo rawaafida kuwaas oo muslimiinta madax dooda diineed iyo culima dooda gaaleeysiiyay, waxay markaa iyaga u rumeys naayeen inay ku gafeen oo diinta ka mid ah, waxay markaa iyaga la ahayd inay ku gafsan yihiin.

Ma aha inay gafeen Xaqiiqada maynaan gafinee wey sax sanaayeen, laakiin iyaga ayay la noqotay khawaarijta iyo raafidada waxay la noqotay inay ku gafsan yihiin. La noqod kii baa marka wuxuu keenay inay ku xad gudbaan oo duraan oo kadibna ay gaaleeysiiyaan.

Wuxuu yiri marka sheekhul islaam ibn taymiyyah (رحمه الله):

Waxay isku waafaqeen culimada ahlu sunnah wal jamaacah in culimada muslimiinta aynaan banaaneen gaaleeysiin tooda lagu gaaleeysiiyo gaf ay galeen keliya.

Culimada muslimiinta nin walba;

  • Mawaaqif tiisa
  • Ijtihaadaad kiisa
  • Aaraa diisa madaahib tiisa

Wax laga qaatana waa leeyahay, wax laga tagana waa leeyahay.

Adiga waxaad tiraahdaa;

  • Sheekh hebel waa qaldamay mas’aladaan waa lagaga xoog badan yahay,
  • Sheekh hebel daliil kaas ayuu garab maray,
  • Sheekh hebel mas’alo (daciif) ayuu qaatay,
  • Sheekh hebel mas’alada meeshuu mariyay waa lagaga xoog badan yahay.

Laakiin (qatta’a) iyo gefka ninka caalimka ah mar walba kama laazimto inuu lunsan yahay, bal iskaba dhaafee in uu dambaabay kama laazimto, gaaleeysiin war keeda iskaba dhig, bal sida saxiixa waxa weeye in gefka qatta’a ninka caalimka ee ijtihaadaya, in laga laazimiyo inuu gefo gef kaasi dembi ka dhalanayo waa…

[Min Usuulil muctazila]

Madhabu ahlu sunnana waxa weeye qatta’a mar buu san xataa uusan dambiba ka dhalaninba.

  • mar dambi baa ka dhasha,
  • mar (tafsiiq iyo tabdiic) baa ka yimaada,
  • mar takfiir buu noqdaa oo kufri baa ka imaada

Saas ayaa loo kala qaadi, laakiin ninka caalimka mujtahidka ah qatta’iisu waxa weeyaan waxaa la leeyahay uun adeer daliil kii waad khilaaftay oo qaadan meyno ra’yigaaga, waad waafaqday oo kaaga ayaa xoog badan waanu qaadanay amaa intaa wixii ka siyaadsan in la gaaleeysiiyo ama lagu xad gudbo maya.

Markaas wuxuu keenay sheekhul islaam ibn taymiyyah (رحمه الله) wuxuu yiri:

[…]

Mas’alada hada ka hadleenay waaye.

Ilaahay (swt) wuxuu yiri:

رَبَّنَا لاَ تُؤَاخِذْنَا إِن نَّسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا

[سورة البقرة الآية ٢٨٦]

‘’Ilaahaw hanoo qabanin hadiin aanu halmaamno ama aanu gafno is moodsiino,’’ [Surat: al-Baqarah, 286]

Saxiixa waxaa ku yimid waa saxiixul muslim ee inuu rabbi ducadaa muslimiinta ka aqbalay oo uu yiri (qad facaltu) waad idinka yeelay.

Wixii marka qatta’a ku yimaada, nin caalim oo ijtihaadaya, nin culima oo is mood siiyay mas’ala si ka noqotay in la yiraahdo adeer waad gaaloowday. Arintaa ayada ihi ma aha manhaj kii ahlu sunna wal jamaaca waa qaldan tahay.

Sidaas daraadeed, culimada oo la (tacniyo), ama la duro, ama la gaaleeysiiyo, ama hadal laga dhigto ama dadka lagu salido ama dhiigooda la baneesto ama lagu jees jeeso arin taasi (nazacaadka) iyo sifaad kii khawaarijta waaye waa in laga dig toonaado maxaa yeelay dhibaatada ka dhalan karta ayaa aad u balaaran.

والله أعلم
وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Inshaa Allaah darsiga weli wuu sii socdaa, waana soo dhameystiri doonaa haduu Ilaahay (swt) inoo fududeeyo, li’ana wax sahal ah ma jiro ilaa uu Ilaahay (swt) sahal ka dhigo mooyee. Fadlan waxii faahfaahin ah ama qaladaad aad meesha ku aragtaan kala xiriira emailka qoraaga casharadaan oo hoos ku qoran. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Xuruufaha aanu soo gaabinay:

  • (swt) – [سبحانه و تعلي]
  • (scw) – [صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم]
  • (rc) – [رضي الله عنه] – [رضي الله عنها]

Liiska macagyada qaar ka mid ah
Saxaabada aan darsiga ku soo qaadanay:

1 Abu Bakar (As-Siddiiq)

(رضي الله عنه)

أبو بكر الصديق

2 Cumar bin Al-Khattaab

(رضي الله عنه)

عمر بن الخطاب

3 Cuthmaan bin Caffaan

(رضي الله عنه)

عثمان بن عفان

4 Cali bin Abii Taalib

(رضي الله عنه)

علي بن أبي طالب

5 Caa’isha bintu Abu Bakar

(رضي الله عنها)

عائشة بنت أبي بكر

6 Dalxata bin Cubeydillaah

(رضي الله عنه)

طلحة بن عبيدالله

7 Al-Zubeyr bin al-Cawaam

(رضي الله عنه)

الزبير بن العوام بن خويلد

8 Mucaawiye bin Abii Sufiyaan

(رضي الله عنه)

معاوية ابن أبي سفيان

9 Maxammad bin Abu Bakar

(رضي الله عنه)

محمد بن أبي بكر

10 Cabdullaahi bin Khabbaab

(رضي الله عنه)

خبّاب بن الأرت بن عبد الله

11 Camr bin Caas

(رضي الله عنه)

عمرو بن العاص

12 Abuu Muusaa al-Ashcari

(رضي الله عنه)

أبو موسى الأشعري

13 Cabdullaahi bin Cabaas

(رضي الله عنه)

عبد الله بن عباس

14 Al-Ashcath bin Qays

(رضي الله عنه)

الاشعث بن قيس

15 Cabdullaahi bin Shaddaad

(رضي الله عنه)

عبد الله بن شداد بن الهاد الليثي

Qaybaha ay ka kooban yihiin Duruusta:

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Qaybta 4aad

Qaybta 5aad

Qaybta 6aad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

La soco  Qaybta 6aad….!

Waxii gaf ama qalad oo aad meesha ku aragtaan fadlan nagu soo hagaajiya cinwaanada hoos ku qoray si aan u saxno. Bani Aadam waa nusqaan waa gaf badan yahay Allaah se (سبحانه و تعلي)  ma gafo waa (Nazahan yahay). (وجزاكم الله خيرا)

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com