Heshiiskii Xudeybiyah
(صلح الحديبية)

Qaybta | 1aad

Muxaadaro lagu qabtay magaalada (Johannesburg)
Wadanka (South Africa) Koonfurta Afrika sannadka 2010

Fadiilatu: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

(Ilaahay ha xafido)

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah (2)

إن الحمد لله، نحمده، و نستعينه، ونستغفره، ونعود بالله من شرور أنفسنا، وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده و رسوله، صلي الله عليه وعلي آله، واصحابه، ومن تبعهم  بإحسان إلي يوم الدين، و سلم تسليماً كثيراً،

 يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالْأَرْحَامَ  إِنَّ اللهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا

[النساء١]

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَن يُطِعِ اللهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا

[الأحزاب ٧١-٧٠]

أما بعد، فإن خير الحديث كتاب الله و خير الهدي هدي محمد صلى الله عليه و سلم، و شرالأمور محدثاتها، و كل محدثة بدعة، و كل بدعة ضلالة، و كل ضلالة في النار

(معاشرة الإخوة والأخوات)

”Allaah baa mahad iskaleh (twt) ina waafajiyay inaan isu nimaano kalana faa’ideysano. Waxaan Ilaahay weydiisan neynaa (twt) mudada gaaban ee meeshaan aan fadhino inuu miizaanka xasanaadka inoo saaro, waxa aan maqleyna na inuu Ilaahay nagu anfaco (twt).”

Heshiiskii Xudeybiyah

Qisadan ku saabsan (Heshiiskii Xudeybiyah) waa (jaanib) kamid ah (jawaanib tii) Nabigeenﷺ nii suubanaha ahaa siira diisii iyo intii uu noolaa dhacdooyin kii waaweynaa ee Nabigaﷺ uu maray mid kamid ah weeye.

Saad ogsoon tihiin Rasuul keeni mudo dhowr iyo tobon sanno ah magaalada Makkah ee uu ku dhashay ayuu dhowr iyo tobon sanno dacwada ka waday markii waxyiga ku bilowday kadib dhowr iyo toban sanno ayuu Makka joogay. Markii inta la dhibay oo dhib kii ka batay oo la go’aan saday in la dilo laga (taqaluso) ayaa Rabbi gii wuxuu u idmay inuu hijroodo oo Makka isaga tago. Wuxuu Rabbi u diyaariyay (twt) magaalada Madiina oo labadii qoys ee Aws iyo Khasraj ee deegaanka u lahaa magaalada Madiina ay Nabigaﷺ rumeeyeen, meeshaas ayuu Nabigaﷺ soo aaday hijra diisu caanka ahayd ee taariikhdu ka bilaabato ayaa xiligaa dhacday.

Magaalada madiina markuu imaaday waa la soo dhaweeyay laba daa reer kadibna magaca Ansaar la yiraahda loo bixiyay oo Rabbi (twt) ku magacaaway Ansaar ayaa Nabigaﷺ u noqday, saldhig u noqday.

Magaala doodii bey ku soo dhoweeyeen, heshiis bey la galeen;

  • Dhiig iyo
  • Naf iyo
  • Xoolo iney difaacayaan

Magaalada madiina markuu Nabigaﷺ yimid sannad kii koowaad wuxuu ku mashquul sanaa dadkii magaalada degganaa iyo heshiis yadooda, qoysas reer Yahuud deed baa magaalada degganaa heshiisyo ayay kala qorteen Nabigaﷺ.

Ansaar oo dadkii magaalada degganaa ah iyo Muhaajiriin oo raggii Nabigaﷺ Makka kala yimid ee dhulkan aan ku dhalanin ah ee kor ka yimid ah ayaga laf tooda walaalleyn tooda iyo isku xidhi dooda. Hawlo adag buu Nabigaﷺ sannad kaa hore ku mashquul sanaa.

Sannad kii labaad waa kan sannad kaa ay dagaalka wada galeen reerkii uu ka dhashay ee Makka ka soo eryay ee Qureysh dagaalka caanka ee (Badar) baa dhacay, dagaalka badar ayaa sannad kaa labaad dhacay.

Sannad kii saddexaad isagana waxaa dhacay dagaalkii (Uxud) oo magaalada Madiina Nabigaﷺ lagu soo weeraray.

Sannadka afaraad duulaamo badan baa jiray oo Nabigaﷺ sameeyay.

Sannadka shanaad (calal raajix) dagaal kii weynaa ee isbahaysatada ee (Axzaab) ama (Khandaq) ayaa dhacay.

Wixii sannad kaa ka dambeeyay markii gaalada isa soo bahaysatay Allaah (twt) uu Nabiga uga hiiliyay oo ay guureen oo inta Ilaahay dabeyla ku kiciyay iyo qaboow markey mudo bil ah magaalada Madiina ay dul fadhiyeen ayay qaxeen markii dambe ayaga oo wax guul ah gaarin. Sannad kaa markey laabteen ayaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi: […]

‘’Wixii hadda ka bilowda inaga ayaa ku duuli doono ee iyaga nagu soo duuli maayaan,’’

Isbedel weyn buu ahaa dagaal kaa isbahaysatada wixii ka dambeeyay weerar ay Madiina ku soo qaadeen taas ayaa ugu dambeysay, wixii intaa ka dambeeyay Nabigaﷺ ayaa weerar ahaa.

Sannad kaas shanaad markii uu dhamaaday sannadka lixaad na la soo gaadhay ayaa Nabigaﷺ wuxuu go’aan saday mudo ayuu soo moogaa beydka Ilaahay, inuu cumreysto ayuu damcay, inuu cumreysto oo uu Makka ka war doono oo cibaadada cumrada uu soo guto ayuu go’aan saday, saxaaba diisana waa oggeysiiyay, waxaa leysu diyaariyay in la soo cumreysto, xaggee lagu soo cumreysan nayaa waa Makka, Makka na yaa haysta Qureysh baa haysata oo Nabiga ay colaadi kala dhaxayso oo ay dagaal san yihiin.

Laakiin caada ahaan waxaa dhaqan kii jaahiliga jiri jiray Islaamka kahor oo carabta dhaqan u lahayd qaasatan Qureysh oo baladka Ilaahay iyo Kacbada gacanta ku haysa xataa dadka ay colka yihiin inaynaan u diidin Kacbada iyo Cumrada iyo Xajka ineysan u diidin, cibaadada kaasi iney dadka xur u noqdaan ama col ha ahaadeen ama nabad ha ahaadeen.

Nabigaﷺ marka sannadka lixaad ayuu go’aan saday inuu cumreysto bishii (Dil Qacdah) 11 ee sannad kaas, ayuu marka Nabigaﷺ amba baxay oo magaalada Madiina ka amba baxay. Wuxuu wataa oo Nabiga la socdaa rag tira dooda lagu qiyaasay ilaa 1000 iyo dhowr boqol oo nin.

  • Ma 1500 bey ahaayeen
  • Ma 1400 bey ahaayeen
  • Ma 1300 bey ahaayeen

Riwaayaadku wey isku khilaafsan yihiin, laakiin 1000 iyo dhowr boqol bey ahaayeen, 1500 baana loo badinayaa iney ahaayeen, raggaas ayuu Nabigaﷺ kaxaystay ujeedada uu u socday na dagaal ma ahayn, wuxuu rabay inuu soo cumreysto, cumrada soo guto kadibna soo noqdo.

Dhacdadani waa dhacdo marka aad u qiimo badan oo taariikhi ah (fawaa’id) aad u fara badan baana ku jira iyo duruus aad u fara badan oo dadka muslimiinta ah noloshooda wax badan sameyn kaga leh, faa’idooyin kaas iyo duruus taas marka qisada ku jira siduu Sheekhu sheegay waxaa ugu tala galnay inaynu xalqa kale kaga hadalno oo dambe.

Li’ana faa’idooyinka laga faa’ideysan naayo aad bey u fara badan yihiin, laakiin horta dhacdadu seey u dhacday inaan xalqadan kaga hadalno;

  • Seey u dhacday oo heshiisku see ku yimid iyo
  • Nabiga see buu ku galay iyo
  • Tafaasiisheeda ayaan ugu tala galnay (ان شاء الله تعلي) inaan fadhigan kaga hadalno.

Nabigu qisadan (masaadirta) ee xadiiska sida:

  • Bukhaari
  • iyo Muslim
  • iyo Sunanka
  • iyo Masaaniida
  • iyo Macaajimta
  • iyo kutubta Siirada

Kuli waa wada qorayaan dhacdadan (Heshiiskii Xudeybiyah).

Nabigaﷺ marka wuxuu ka amba baxay magaalada Madiina markuu maraaya meesha la yidhaahda (dil xuleyfa), dil xuleyfa waa meesha laga xarmado markaad Madiina ka tagto oo aad cumro ama xajj u socoto meesha laga xarmado waa meel magaalada 10 kilometer u jirta ama magaaladiiba hadda ay gaadhay ba.

Meeshaa markuu maraaya ayuu Nabigaﷺ xoolahii uu waday ee (Hadyiga) ahaa, xoolaha uu u waday Xajjka ama (Xaramka) u waday ayuu Nabigaﷺ qoorta wuxuu u galiyay waxyaabo calaamaad oo lagu garan jiray xoolaha (Hadyiga) ah, yacni kabo la googooyay iyo calaamaad nooc caas oo kale ah baa qoorta looga laalaadin jiray, (ishcaar) na waa ku sameeyay oo (kuruska) inta la dilaaciyo ayaa dhiiga kuruska ka soo dareera ayaa lagu tirtiri jiray kuruska dhinac yadiisa ama dhinac kamid ah. Marka neef kii sidaa lagu arko carabta waxay u yaqaaneen waa neef Hadyi ah oo xaramka u socda lama taaban jirin. Xoola hiisii buu sidaa ku sameeyay Nabigaﷺ xoolahii uu waday ee Hadyiga ahaa, kadibna wuxuu xarmaday cumro ayuu xarmaday.

Cabsi baa jirta marka, waxaa jirta Qureysh iyo qabaa’ishaan dhexda deggan ba waa laga baqayaa aamin ma aha. Nabigaﷺ marka wuxuu sameeyay nin war doon ah ama sir doon ah ayuu dirsaday oo reer (Quzaaca) ah oo gaal ah, qabiilka reer Quzaaca buu ka dhashay. Qabiil waxay ahaayeen Nabigaﷺ si ay isugu xidhnaayeen nin reer kaa ka dhacay oo war u keena oo wax yaalaha jira u soo uruuriya ayuu dirsaday wuxuu yidhi jidhka iiga horeey oo bal jidka waxa ka jira iyo wixii dhaqdhaqaaq ah iiga war keen, iyo Qureysh waxay rabto.

Ninkii waa tagay wuxuu tagay meesha la dhihi jiray Makka, waa soo noqday Nabigaﷺ meel (Cusbaa) la yidhaahdo oon Makka aan ka fogeyn ayuu ugu yimid isaga oo war wada, mar kaasuu wuxuu ku yidhi waxaa ka imid buu yidhi Qureysh qabaa’isheedii niman la yidhaahdo Kacb ibn Lu’ayy ayaga oo jamciyay oo uruuriyay (Axaabiish tii) axaabiish waxaa la yidhaahdaa waa dadka (kurukaanka) ah qabaa’il is bahaysatay oo yaryar ah baa Axaabiish la yidhaahdaa.

Marka Qureysh iyo wixii qabaa’il ee yaryar ehee yacni waxa weeyaan bah wadaag ay ahaayeen ayaa is uruursaday ayaan soo arkay buu yidhi.

[wa jamacuu laka jumuucan]

Ciidamo fara badan na wey kuu diyaar sadeen oo wey uruuriyeen buu yidhi.

[wahum muqaatiluuka wa saduuka canil beyti wa maanicuuka] buu yidhi.

Weyna kula dagaalamaayaan buu yidhi dagaal bey isu diyaariyeen, beydka inaad tagto oo aad cumreysato kuu mey ogola wey kuu diidan yihiin.

Aniga markaan soo arkay xaalka jiray, xaal aan laguu ogoleyn inaad soo cumreysato oo dagaal laguugu diyaar garoowo oo leysu kaa diyaariyay weeye saa ku talo gal.

Nabigaﷺ wuxuu ahaan jiray caada diisa na ahaan jiray xaala daas oo kale markay ku soo korodho saxaaba diisa ayuu la tashan jiray ileyn Ilaahay baa amree…

[…] la tasho ayaa la yidhi saxaaba daada.

Nabigaﷺ saxaaba diisii buu la tashaday wuxuu yidhi arrin taa ayaa soo korodhay, war kaan ayaana yimid ee mid ma sameynaa? Qabaa’isha yaryar ee is uruursaday ee dhexda inagu jira deeggaama doodii iyo caruur toodii ma u dawa marnaa oo maku (haf sanaa). Ayagu meeshaan ayay ciidamo inagu uruuriyeen dhul koodii iyo deegaan koodii iyo caruur toodii iyo xoola hoodii na waa ka soo tageen, intaan u dawa marno gadaal ma kaga nimaadaa oo xoola hoodii iyo dumar koodii iyo waxooda mala wareegnaa?

Hadday markaa fariistaan na oo ay meeshoodaa joogaan na ayadoo xoolahii iyo caruurtii iyo dumarkii laga qaatay bey meeshaa joogi, hadday yimaadaan oo isku dayaan inay weerar inagu soo qaadaan na dee weynu iska celin neynaa luqun Ilaahay gooyay bey noqon nayaan oo weynu ka taqalus seynaa taa miyeynu sameynaa mise waxay idinla tahay inay intaan faraha ka qaadno ciidamadan is urursaday iyo waxooda iyo ineynu un beydka Ilaahay u qasadno oon iska socono wixii ina soo aadana markaa aan iska celino, labadaa keen sameynaa buu Nabigaﷺ yidhi.

Yacni inaan iska socono oo jid keyna iska hayno, ciddii markaa inagu soo gardarootana markaa iska celino iyo nimankaan jidka inagu jira ee dagaal keena isu diyaariyay inaan dawa marno oo aynu ku haf sanoo cagta marino waxay ka yimaadeen labadaa keen yeelnaa?

Abuu Bakar baa hadlay oo wuxuu yidhi:

Ilaahay iyo Rasuulkii baa garan buu yidhi.

‘’ إنما جئنا معتمرين، لم نجىء لقتال أحد، ‘’ buu yidhi

‘’Rasuulka Ilaahayow cumro ayaan u soconay buu yidhi, cid inaan la dagaalano meynaan soconin,’’

Muhiimadii aan Madiina uga soo tagnay dagaal ma ahayn laakiin waxay ahayd inaynu beydka Ilaahay tagno oo soo cibaadeysano oo soo cumreysano.

‘’ ولكن من حال بيننا وبين البيت قاتلناه ‘’ buu yidhi.

‘’Ciddii se beydka Ilaahay iyo inaga ina dhex gasho oo isu keen diida kaa weynu la dagaalameynaa, kaasi dagaal ka fursan meyno.’’

Laakiin ciddii kale yaynaan dagaal la raadsanin aynu jid keena iska qaadno oon socono.

Markaasaa Nabigaﷺ fikradii iyo ra’yigii Abuu Bakar (rc) buu ku qancay markaasuu yidhi:

‘’ فقال النبي صلّى الله عليه وسلم: «فروحوا، فراحوا» ‘’

Ina wadya marka, haa socday.

Jidka ina mariya wixii inaga hor yimaada oo ina celiya na waan iska celin neynaa, wixii ina soo weerara na waan iska celin neynaa cid na raadsan meyno socda buu yidhi.

Wey socdeen mar ay jidka bartama hiisa marayaan oo meel dhaxa sii socdaan, ayaa Nabigaﷺ waxa uu yidhi; ninkii la dhihi jiray Khaalid ibnu Waliid meel (Qamiim) la yidhaahdo ayuu ciidan ku haystaa buu yidhi, waa meeshay sii mari doon naan meel kamid ah weeye, ciidan (sahan) ah oo fardooleey ah oo Qureysh ay leedahay ayuu meeshaa ku haystaa buu yidhi.

Ileyn Rasuulkaﷺ rag sir doon ah oo war doon ah na wuu dirsaday oo macluumaad kii wuu hayaa xagga Rabbi na (twt) waa lagala socod siin nayaa wixii jira, saas daraadeed waxaa loo sheegay Khaalid oo ciidan fardooleey ah wato oo Qureysh ah baa meesha (qamiim) la yidhaahdo jooga oo idin sugaaya.

Markaasaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi: […]

‘’Dhanka midigta ah ina mariya,’’

Waxba yeynaan isku aadinin nee dhanka midig aan ka marno oo intaan gadaal ka marno aan dhaafno, sidii buu yeelay Nabigaﷺ isaga iyo ciidan kiisii Khaalid ciidanka uu watay ee fardooleey ahayd intuu dawa maray ayuu Khaalid wuxuu ku baraarugay ba ciidankii oo dhaafay oo bus tiisii meel aad u sii fogeyn ay ka sii muuqato ayuu ba ku baraarugay.

War ciidan kiina goormuu ku dhaafay, Khaalid na wuxuu wataa ciidan kii ay Qureyshi isku haleyn neysay oo fardooleeyda ahaa [waa meesha hadda laga yiraahdo Tiknikada] ciidamadii tiknikada ayuu wataa ay Qureyshi isku haleyn neysay, asaga oo wuxuu arkay la dhaafay oo magaaladii loo dawa maray oo xaggii magaaladii laga xigsaday ciidan kana tagay oo bus tiisa meel fog ka sii muuqata ku baraarugay, markaas ayuu orad is sii daayay.

Orad iyo rucleyn, fardahii oo eryo yacni ka gaarsii buu is leeyahay niman kan intey naan magaalada galin oo aynaan Qureysh weerarin, warka gaarsii oo digniinta un kahor mari. Ninkii dagaalka u joogay naf tiisa waxay noqotay bal dadkii iyaga oon war haynin oo war mooge yaal ah yaan la weerarin nee bal warka gaarsii, meeshii buu marka ka orday. Khaalid markaa waa gaal [weli ma uusan Islaamin] oo ciidamada fardooleey wuxuu wataa Qureysh.

Dagaalkii (Uxud) na ee saxaabada rag badan lagu laayay ee 70 nin ka badan lagu dilay na ninkii sababta u ahaa leyn tooda buu ahaa oo ciidanka fardooleeyda Qureysh buu watay wuxuu soo Islaami doonaa mar dambe heshiis kaan Xudeybiyah wixii ka dambeeya ayuu soo Islaami doonaa isaga iyo rag la mid ah.

Nabigaﷺ marka sidaas ayuu sameeyay, markuu dhaafay oo uu maraayo meel la yiraahdo, meeshuu heshiiska ka dhici doono oo (Xudeybiyah) la yiraahdo buur ka yare koreysa jid ka soo daadago oo buurta kor keeda ka soo dega (Faniyah) ayaa la yiraahdaa, halkaa markuu maraayo xudeybiya na markaa uu ku soo dhaadhacaayo, Xudeybiyah marka Makka ayay u dhowdahay waa meel aan Makka aad uga fogeyn oo leysku haayo ma Xaramka ayay ku jirtaa mise Xaramka wey ka baxsan tahay, meeshii markuu ku soo dhowaaday oo uu buur ka soo daadagayo ayaa Nabigaﷺ (Hal) buu saarnaa tiis ah oo la dhihi jiray (Khaswaa) hashiisi un baa iska fadhiisatay, waa dhaqaaqi weyday.

Hashii Nabigu saarnaa;

  • (Hal) caan ayay ahayd
  • oo geela ugu orad badan
  • oo ugu xoog badan,
  • oo aan laga badinin,
  • oo caan ah ayay ahayd

Hashii iyada ahayd ee Nabigu saarnaa ee Khaswaa ahayd meeshaa markey mareyso waaba iska fadhiisatay jilbaha ayay goosatay ba ma dhaqaaqeyso, waa la canaantay;

Carabiga xal xal, xal xal

Xalta waxa weeye waa geela marka la kicin nayo.

Carabiga xal xal, xal xal baa lagu yidhay oo dhaqaaqi weyday, isma dhaqaajin neyso waxay ku adkeysatay inay fadhiisato oo dhaqaaqi weydo.

Markaas ayay dadkii waxay yidhaahdeen […]

Alleylahee hashii Khaswaa ahayd way daashay, Khaswaa waxay socota ba maanta waa dhaqaaqi la’dahay, wey daalan tahay bey dadkii dheheen.

Markaasaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi: […]

‘’Khaswaa ma daalin, dabeecad deedina ma aha buu yidhi Nabiga.’’

Lagumana aqoon jirin iney daasho, haddana ma daalin buu Nabigaﷺ yidhi, laakiin maxaa dhacay?

Hasha waxaa celiyay oo socodka u diiday Allahii (Maroodiga) xabisay oo socodka u diiday, amar Rabbi baa saaran.

Maroodi gaasi waa midka (Suurat al-Fiil) ka warantay.

‘’ أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَابِ الْفِيلِ ‘’

[سورة الفيل آية ١]

Abraha ninka la yiraahdo iyo qisa diisa, qiso caan ah ayay ahayd, ninka reer Yemen need asal kiisuna uu ahaa (Xabashi) ee Kacbada ku soo duulay, Ilaahay (twt) Kacbada markuu ku soo dhow yahay (beyna Mina wa Musdalifa), halkaa Ilaahay (twt) shimbiraha ku soo diray isaga iyo ciidan kiisii iyo Maroodi yada uu watay lagu baabi’iyay. Maroodi gii ay wateen meeshaa markuu maraayo Kacbada buu duulaan ku yahay waana gaal, meeshaa markuu maraayo ayaa maroodi gii ugu weynaa ee ugu horeeyay maroodi yada un baa jilbaha goostay oo socon kari waayay.

Wey garaacaan ma dhaqaaq qayo, xagay ka yimaadeen hadday u jeediyaan wuu socon, hadday Kacbada xaggeeda u sii jeediyaan oo ay garaacaan na halkaa kama dhaqaaq qayo.

Marka Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

‘’ Allahii Kacbada iyo beydka maroodiga ka qabtay oo ka xabisay, isagii baa hashaan na xabisay, ee ma hayso daal na ma hayo doqon nima na ma hayso, dabeecad daana maba ay lahaan jirin buu Nabigaﷺ yidhi ‘’

Marka amar Rabbi baa saaran buu Nabigaﷺ yidhi.

Markaas kadib Rasuulkaﷺ wuxuu yidhi: […]

Meeshaas ayuu Nabiga dhaartay wuxuu yidhi:

‘’Waxaan ku dhaartay Allaha naf teyda gacan tiisa ku jirta, Qureyshi maanta i weydiisan meyso (qorshe) ay ku weyneyn neyso Ilaahay (xurumaad kiisa) iyo beyd kiisa, ilaa hadday ila timaado waan ka ogollaan nayaa,’’

Qorshe kasta oo qasad keeda uu yahay Kacbada iyo beydka iyo Xaramka hala weyn neeyo, qorshe kasta oo noocaas ah maanta hadday ila yimaadaan waan ka ogollaan buu Nabigaﷺ ku dhaartay.

Intaa markuu yidhi oo go’aan kaa uu qaatay baa hashii la canaantay marka, markii la canaantay bey booday marka, hashii la dhaqaajin la’aa. Mar hadduu Nabiga balan la galay kuna dhaartay wax alla waxay maanta la yimaadaan inuu ka ogollaan nayo uu qiray, hashii marka waxaa loo ogollaaday inay socoto xagga Rabbi baa laga fasaxay, markaas ayay bilaawday iney boodo oo socoto ayay markaa guda gashay oo bilaawday.

Ceel kii Biyaha Iyo
Mucjisaddii Rasuulka 

Nabiga markaa kadib Xudeybiyah ayuu yimid meesha heshiiska ka dhici doono ayuu Rasuulkuﷺ yimid meel biyo yar oo aad u biyo yar bey ahayd, meel biyo laga dhur dhurto aan biyo badan lahayn bey ahayd, laakiin dadka xoogaa biyaha ka miir miirtaan oo kolkuu xoogaa biyahu soo maaxdaba ay ka miirtaan, waa biyo yar oo dadku ku rafaadsan yahay.

Markii 1000 iyo dhowr boqol meeshii ay soo dageen oo ceelashii na ay iska biyo yar yihiin, intii meesha ku jirtay na waaba la fuuqsaday ba waa eber, dadkii qeyb toodii dambe waa ooman yihiin. Nabiga ayay u yimaadeen waxay yiraahdeen Rasuul Ilaahayow biyo la’aan baa jirta, meesha aan soo degnay ceelasha xoogaagii maax maaxda ee la miiran naayay na dhamaaday, dadka intoodii kale na waa ooman yihiin.

Markaasuu Nabigaﷺ: bahal la yiraahdo (gawoyi) oo leebab uu ku wato oo leebab kiisu ugu jireen oo harag leebabka la gashado ayuu intuu leebab kiisa ka soo saaray oo uu u dhiibay buu wuxuu yiray ceelka ku dhex rida, leebkaan qaada ceelka ku dhex rida.

Leebkii bey qaadeen markaas ayay ceel kii ku dhex rideen, ceel kii biyaha laga la’aa hal mar buu intuu soo maaxday buu buuxsamay, markaasaa inta laga dhargay oo xoolahii laga waraawsaday baa isaga oo buuxa laga dhaqaaqay.

Riwaayo kale oo xadiiska waxay tilmaameysaa Nabiga intuu weyseytay oo biyahii uu ku weyseytay ku tuffay ayuu yidhi biyaha iyaga ah ceelka ku shuba.

Labadaba wuu sameeyay sida saxiixa ah.

  1. Biyo uu ku tuffay na waa lagu shubay
  2. Leeb kiisi na waa lagu riday

Barakadii biyahii na waa barakoobeen markaasaa ceel kii biyo laga dhergo ayaa ka soo baxay.

Intaas ayaa dhacday meeshii baa marka Nabigaﷺ uu degay, meeshaa marka wuxuu ku sugayaa in ay wada hadalo iyo waanwaan dhex marta isaga iyo Qureysh oo loo ogolaado muhimada uu u socday oo ah inuu soo cumreysto iney Qureyshi ka ogolaato, meeshaas ayuu Nabigaﷺ ku sugayaa.

Qureyshi markey maqashay Muxammad oo 1000 iyo dhowr boqol oo nin wata ayaa Xudeybiya idiin deggan oo meesha soo fariistay, Qureysh waxay u qaateen inuu dagaal u socdo wey argagaxeen oo wey isku naxeen, oo ma Makka ayaa nagula soo galay ninkii intaan Madiina ugu tagnay 5 sanno kahor inay jabiyay oo dhagaha inaga raacay oo inteynu ku noqonay la ina soo garaacay baa maanta 1000 iyo dhowr boqol oo nin wata. 300 iyo dhowr iyo 10 buu watay maalin kuu (Badar) kaga adkaaday, maantana 1000 iyo dhowr boqol oo nin buu wataa. Magaaladii Makka iyo reer Qureysh argagax baa galay waa la cabsaday, war maxaan sameyn naa.

Ergaygii Rasuulka

Nabiguﷺ wuxuu damcay marka, ileyn dagaal looma socdo muhiimadu dagaal ma aha, iney danni ku kalifto uu qabsado moyaan nee ka maarmi waayaan mooyee, laakiin maqsuud koodu waa (cumro) iney soo cumreystaan weeye.

Nabigaﷺ marka wuxuu damcay inuu diro nin saxaaba diisa kamid ah oo ergey ah oo isaga ka socdo oo Qureysh gaarsiiya (message) ka iyo risaalada Nabigaﷺ, wuxuu u socdo Qureysh cid gaarsiisa oo saxaaba diisa na kamid ah ayuu marka Nabigaﷺ damcay inuu diro.

Cumar ibnu Khattaab (rc) buu marka u yeedhay wuxuu yidhi Cumarow waxaan rabaa inaan ku diro ood Makka tagto oo odayaashii reer Qureysh la kulanto oo aad ka dhaadhiciso waxa aan u socono oo aad ka codsato in ay inoo ogolaadaan in aan cumreysano oo beydka Ilaahay tagno kadibna aan ka noqon no.

Cumar markuu arrin tii Nabigaﷺ u sheegay, wuxuu yiri Cumar (rc):

Rasuul Ilaahayow magaalada Makka hal nin oo reer kaan ka dhashay ah oo haddii ley dhibo ii caroon ama ii hiilin ma oggi buu yidhi, reer keygi col baan wada nahay.

Ileyn reer kiisa Qureysh buu ka dhashay waa reer Makka laakiin waa gaalo, raggii muslim ka baa marka is dhaammoo, rag na reer kooda gaalaba ha ahaadee, rag ilmo adeeradii ah ooy wada dhasheen oo adeeradii ah oo difaaci baa jira, xataa muslim ba ha ahaado, ragga qaar kiina nin u damqan naayo ma jiro oo reer kiisa oo dhan bey col wada yihiin ba.

Cumar wuxuu yidhi Rasuul Ilaahayow, aniga Makka waxaan u tagi karin hal nin oo ina adeerkey oo ii damqan naayo ma jiro buu yidhi, saas daraadeed meeshu meel aan wajiga siin karo ma aha, laakiin waxaa jira Cuthmaan (rc) baa igu dhaamo buu yidhi ee dir, Cuthmaan baa dad kiisa laga yaabaa in laga helo dad difaaca oo nabad gelyo siiya oo amaan siiya Ilaa uu muhiimada soo guto, ee Cuthmaan u yeer buu yidhi maxaa yeelay reer kiisa ayaa meesha deggan, waxaad rabto na isaga ayaa gaadhsiin.

Markaasuu Nabigaﷺ Cuthmaan ibnu Caffaan (rc) u yeedhay, Qureysh buu u diray wuxuu yidhi waxaad u sheegtaa dagaal inaan u imaan naga gaadhsii, waxaan u nimid inaan cumro gudano bes ayaanu u nimid, Islaam nimadana ugu yeedh buu yidhi intaa oo keliya haku gaabsanin nee muhiimada aan u socono na u sheeg, war nimanyow towxiidka qaata islaam kana qaata ku dheh oo diinta u bandhig sidaa yeel buu yidhi.

Waxaa jiray marka dad rag iyo dumar isugu jira oo mu’miniin ah oo magaalada Makka ku noolaa oo dad tawar daran oo aan hijroon karin oo meesha dhib lagu haayo oo la ciqaabo oo yacni aad ugu rafaadsan magaalada ayaa jiray.

Wuxuu Nabigaﷺ ku yidhi Cuthmaanow waxaad kaloo sameysaa markaad meesha tagto dadkaa mu’miniinta ah intaad u tagto oo gurya hooda ugu tagto waxaad ugu bushaareysaa magaalada Makka iney gacanta muslimiinta soo geli doonto, dhib kana iney ka bixi doonnaan, gaala daan maanta ku amar taagleyn neysa, ciqaabeysa na magaalada iney fara hooda ka bixin doonto arrintaa ugu bushaareey (sabra) ku dheh, arrintaa iyada ah na Nabigaﷺ waa u sii dhiibay.

Ilaahay diin tiisu wuu xoojin, gaalada na waa laga adkaan, cid dambe oo iimaan kiisa qarsan doonta na ma jirto, sidaa gaarsii buu yidhi.

Saddex muhima dood buu marka Cuthmaan u socdaa;

  1. In uu fariinta gaarsiiyo waxa ay u yimaadeen Nabiga iyo saxaaba diisa
  2. Qureysh in uu Islaam nimada uga yeedho oo diinta u bandhigo
  3. Dadka mu’miinta oo iimaan kooda qarsan naaya ee magaalada ku nool inuu u bishaareeyo

Saddex daa muhima dood baa Cuthmaan loo sii dhiibay.

Diritaankii Cuthmaan

Cuthmaan waa tagay marka Qureysh buu ku sii maray meel (balbax) la yiraahdo, oday yaashii Qureysh rag kamid ah oo meeshaa joogo buu sii maray, markaasaa waxay dheheen;

War xaggeed u socotaa baa la yidhi, xaggeed doon neysaa?

Markaas ayaa wuxuu yidhi:

Rasuulka Ilaahay baa i soo diray, wuxuu na ii soo diray inaan diinta idinku yeedho iyo Islaam nimada. […]

Waxaan idiin sheegayaa inaan nan dagaal u imaanin.

Meeshaa marka nin ay xigto ahaayeen oo la dhihi jiray Abaan ibnu Saciid ibnu Caas oo ay qaraaba ahaayeen baa marka soo istaagay, markaasuu soo dhaweeyay Cuthmaan, faras kiisii buu koreeyay, markaasuu faras kiisii Cuthmaan saaray wuu la dhaqaajiyay.

Qureysh oday yaasheed wuxuu oggeysiiyay nin kaasi waa magan teydii buu yidhi, Cuthmaan maanta aniga ayuu magan ii yahay.

Nadaam waxaa ka jiri jiray jaahiliyadii carabta dhex deeda, Qureysh iyo qabaa’isha kaleba soomaali duna wey taqaanaa qabaa’isheedu yee, waxaa jiray ninka loo baqaayo nin kamid ah dadka ayaa magan siin nayaa, waa magan teey buu leeyahay, hadduu magan ka dhigto cid u gacan qaadi karta ma jirto marka. Wuxuu yidhi marka nin kaasi waa magan teydii aniga ayuu magan ii yahay cid wax ku sameyn karta na ma jirto wuu kaxeeyay faras kiisii buu ku qaaday magaalada Makka ayuu geeyay.

Cuthmaan markuu sii maqan yahay ayay marka saxaabadii Nabigaﷺ la joogay, waa la sheekeestay waxay yidhaahdeen ragga qaar kood Cuthmaan nasiib kiis beyd kii Ilaahay buu maanta tagay wuuna soo cumreystay fursad daas buu helay, inagu na ma haysano, Cuthmaan nasiib kiis hadduu ba beyd kii nabad ku tagay oo soo cumreysan nayo oo soo dhawaaf fayo (Alleylahee) waa nasiib. Markaasay Nabiga warkii u sheegeen.

Nabiga ﷺ wuxuu yidhi:

”Ma u maleyn nayo buu yidhi Cuthmaan inuu kacbada dhawaafi doono oo cumreysan doono inaga oo meeshaan leynagu hor taagan yahay oo lay nagu celin nayo.”

Haddaan Cuthmaan garan nayo buu yidhi (chance) kasta hadduu u helo inaga oo meeshaan leynagu hor taagan yahay ee leynagu celin nayo inuu isaga iska cumreysto ma sameyn doono buu Nabigaﷺ yidhi.

Saxaaba diisu waxay leeyahiin maya wuu dawaafi oo Rasuul Ilaahayow maxaa u diidan bey dhaheen, asagoo intuu gaadhay fursadii helay maxaa u diidayaa inuu dawaafo oo cumreysto?

Markaas ayuu Rasuulkaﷺ wuxuu yidhi:

Taasi waa sida aan ka filaayo weeye buu yidhi.

Cuthmaan haddaan aqaano sidaas ayaan ka filaayaa ayuu yiri Rasuulkaﷺ, kacbada ma dawaafi doono ilaa aan la socono oon la dhawaafno. Nabi Maxammad oo gadaal jira (chance) baad heshey ee ka faa’ideyso Cuthmaan ma sameyn doon buu Nabigaﷺ yidhi.

Meeshaa iyada ah waxaa dhacday marka xaaladaa iyada ah, wax yaalahii dhac dooyinka ah kamid ah muslimiin tii iyo mushrikiin tii baa is dhex galay oo dhacdo yar oo shil ah baa dhacay oo leysku yara dhacay, heshiiska intuusan dhicin. Nin kamid ah muslimiinta ama gaalada kamid ah ciidama dooda lama kala foga oo gaala duna meel dhow bey ciidama doodu joogaan Qureysh. Nabiga iyo saxaaba diisuna meel bey deggan yihiin oo xudeybiya bey meel ka deggan yihiin waa leys hor fadhiyaa marka.

Nin labada kooxood mid kamid ah, midkuu ahaa lama yaqaano ayaa marka wuxuu tuuray leeb mise falaar mise wax buu tuuray.

Nin kooxdii kale ka tirsan baa wax gaareen, dagaal baa marka dhex maray, dagaal aan sii weyneyn oo xoogaa gacanta leysla gaaray oo muxuu ahaay (eebooyin) iyo leebab iyo dhagax yaal iyo leysku tuur tuuray, labadii dhinac na leysu hawar wacday oo qolo walba qolada kaleeta intey isu hawar wacdeen oo rag la kala qabsaday, qolo walbana dadkay qabsatay ay ka dhigatay maxaabiis intaas ayaa dhex martay.

Gadaal dambe Ilaah (twt) baa dagaal kaa kala baajiyay oo dadkii la kala haystay na waa la soo daayay, dagaal kiina intaas ayuu ku ekaaday oo dagaal weyn oo baahay ma noqonin Ilaahay baa kala baajiyay.

‘’ وَهُوَ الَّذِي كَفَّ أَيْدِيَهُمْ عَنكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ عَنْهُم بِبَطْنِ مَكَّةَ ‘’

[سورة الفتح آية ٢٤]

‘’Ilaahay baa iyagana gacma hooda idinka qabtay, idin kana gacma hiina iyaga ka qabtay idinka oo Makka (badni geeda) jooga,’’

Allah ayaa idin kala baajiyay waaye, dagaal kaa xoogaagaa yarka ah ayaa dhacay.

Beycatul Ridwaan

Nabigaﷺ xaalada markay hal kaa mareyso ayaa waxaa soo gaadhay Cuthmaan waa la dilay, sheekadaas ayaa timid, sheeko (ku tiri ku teen) ah oon xaqiiqo lahayn, aan xaqiiqo ahayn ayaa Nabiga soo gaadhay oo dhahaysa, ergay gii aad dirsatay ee Cuthmaan waa la dilay ba, reer Makka ayaa dilay.

Xaalada waa kululaatay marka, ergay gii mey dileen, oo Cuthmaan mey dileen?

Dagaal markaas lama huraan waaye.

Nabiga saxaaba diisa buu marka wuxuu ugu yeedhay in balan la wada galo oo beyca la galo, beyca daasi waa beycada la magac baxday (Beycatul Ridwaan)

‘’ لَّقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ ‘’

[سورة الفتح آية ١٨]

‘’Geedka hoos tiisa markey kuula mubaayacoon nayeen, oo ay balanta kula galaayeen, Ilaahay baa raali ka noqday mu’miniin taas,’’

Saxaaba diisa buu u yeedhay imaada buu yidhi balan baa la galayaa, muslimiin tii waa soo kaceen geed kii baa hoos tiisa leysugu yimid, geed aad u weyn oo Nabiga hoos fadhiyay baa lagu soo ururay. […]

‘’Waxa ay balan Nabiga kula galeen in ay san cararin.’’

Dagaal baa la gali rabaa ha leys diyaariyo, dagaalku markuu bilowda na, horey inaad u socoto mooyee lug taada gadaal ha u qabanin, imaa inaad adkaato wa imaa in lagu dilo, laakiin wax carar la yiraahdo ama gadaal u guro ma jirto.

Riwaayaad kale waxay leeyahiin;

Balanta waxa lagu galay waxay ahayd in la dhinto, weyna isku macna dhow yihiin, inaan la cararin iyo in la dhinto wey isku macna dhow yihiin. Adiga waxa weeyaan dagaal adag oo lagu hoobto oo Makka lagu qabsado oo Qureysh lagu edbiyo oo loogu aar gooyo Cuthmaan dil kiisa ayaa balan taasi la qaatay Nabiguﷺ na saxaaba diisa wuu ka qaaday.

Balan taa iyada ah ee Nabigu uu la galay saxaabada Cuthmaan baa ka maqan, waan ninka ay sabab tiisa ay ku timid heshiis kaas ama waxaan dhihi lahaa beyca daas (Beycatul Ridwaan).

Nabiguﷺ Cuthmaan maadaama uu maqan yahay, asaga ayaa gacan tiisa midigta ah beycada ugu qaaday, oo gacan tiisa midigta intuu mida bidixda uu saaray ayuu wuxuu yidhi; […]

‘’ Tanna waa tii Cuthmaan buu Nabiga yidhi,’’

Cuthmaan wuu maqan yahay, laakiin beyca diisii iyo balan tiisii anaa gacan teyda ugu galayaa buu Nabigaﷺ yidhi.

Cuthmaan ibnu Caffaan sabab tiis beyna ku timid, balan tiina wax buu ka galay Nabigaﷺ ayaa u galay gacan tiisa (kariimada) ah ugu galay.

Markii balantii la galay oo ay dhamaatay Cuthmaan oo socdo ayaa yimid ba, maxaa leys lahaa? Cuthmaan baa la dilay, dagaal baa leysu diyaariyay, Cuthmaan kii waa la dilay la yidhi ee sabab tiisa dagaal ku imaan lahaa oo socda ayaaba irida ka soo galay oo Nabigaﷺ u yimid.

Markuu soo galay ayay saxaaba dii waxay ku yidhaahdeen:

Cuthmaanow Alleylahee dhawaaf kii kacbada ayaad ka noolaatay bey dheheen, fursad baad u heshay oo waxaan aanan helin baad heshay, waad ka dheregtay bey dheheen kacbada dhawaaf keeda.

Markaasaa Cuthmaan wuxuu yidhi:

Waxa aad iga fileyseen iyo sidaad ii maleyseen xumaa!

Ilaahay baan ku dhaartay yee hal sanno haddaan joogo buu yidhi Makka, Rasuulka Ilaahay na xudeybiya lagu hor taagan yahay oo meeshaa lagu gelin nayo, anigu na aan hal sanno aan Makka joogo ma dhawaafeen buu yidhi ilaa uu Nabiga ila dhawaafo.

Seen baan u dhawaafi buu leeyahay Nabi Maxammad oo meeshaa lagu hor taagan yahay (chance) baad heshay yee adigu iska soo dhawaaf oo ka faa’ideyso maya buu yidhi, waxaad ii maleyseen na waa wax xun buu yidhi mana sameeyeen xataa sannad hadday igu qaadato ma sameeyeen buu yidhi.

Weliba wuxuu yidhi Qureysh markaan u tagay buu yidhi waxay igu yidhaahdeen dhawaaf, waxay igu yiraahdeen Maxammad iyo asxaab tiisa iney kacbada yimaadaan oo dhawaafaan, taa yeysan hunguri kaa gelin ma dhici kartee, laakiin adiga Cuthmaan ahaan waxba kama qabnee dhawaaf bey ku yidhaahdeen, adiga dhawaaf amaa nin kaa saaxiibkaa ah maya. Waan diiday buu yidhi ilaa uu ilaa dhawaafo ma dhawaaf faayo, waan ka soo noqday buu yidhi.

Markaasaa saxaabada waxay yidhaahdeen:

‘’Rasuulka Ilaahay wuxuu ahaa midka Ilaahay inoogu yaqaano, oo noogu mala fiican buu ahaa bey dheheen.’’

Adigana waa naga kaa yaqaanay Ilaahay na waa naga yaqaanay bey yiraahdeen, maxaa yeelay siduu u maleeyay bey noqotay Nabiguﷺ.

Cumar (rc) ayaa wuxuu ahaa marka Nabiga gacan tiisa uu haayay beycada iyo balanta ayuu Nabiga laba diisa gacmood ba is haayay, muslimiin tii oo dhan baa marka la mubaayacooday ilaa nin la yiraahdo mooyee Jadd ibnu Qays nin oday ah oo khayr darna ayaa isagu beyca dii ka baxay, nin xun buu ahaa oo taariikh diisa dambe na ay halowdoo munaafaqiin tii ah, ninkaa mooyaan nee intii kale Nabigaﷺ beycada wey la galeen.

Ragga qaar kood sida (Salama ibnu al-Akwac) oo kale saddex goor buu beycadii ku noqday, waa la mubaayac cooday, haddana Nabiga waa u yeedhay beyca labaad buu la galay, beyca saddexaad na waa galay.

Beyca daasi waa beycada la baxaday (بيعة الرضوان) raggaa ka qeyb galay na (maziya) qaas bey leeyihiin waa ragga Ilaahay uu ku sheegay (Surat al-Faxti) inuu Alle ka raali noqday (twt).

Sidaa mar ay ku sugan yihiin oo Cuthmaan soo noqday oo leysu yimid, ayaa waxaa yimid nin la yiraahdo (Budayl ibnu Warqaa al Khuzaaci) isaga oo ay la socdaan koox reer Quzaaca ah, reer Quzaaca na Nabiga iyo iyaga waxaa ka dhexeeyay xataa jaahiliyadii waxay ahaayeen dad sirta Nabiga ilaaliya, qabaa’ishaa deggan ee Makka iyo agagaar keeda qabaa’isha degta oo dhan , qabiil ka reer Quzaaca la yiraahda gaal kooda iyo muslim kooduba Nabiga ayay la jireen xataa gaala dooda ayaa Nabigaﷺ garab u ahayd.

Marka waxay ahaayeen qabiil Nabiga ilaaliya oo in la dhibo aan ogoleyn oo wixii sir ehee ay hayaan Nabigaﷺ u gudbiya oo gaalada () iyo farsama dooda iyo qorshaha ay wataan oo dhan Nabiga la socod siiya qabiil noocaas ayay ahaan jireen. Nin oday gooda ahaa oo markaa la odhan jiray (Budeyl ibnu Warqaa al Khuzaaci) oo soo socda oo koox reer Khuzaaca ah ay la socdaan baa Nabigaﷺ u yimid.

Markaasaa wuxuu yidhi Muxammadow niman kii la odhan jiray Kacab ibnu Lu’ay iyo Caamir ibnu Lu’ay waa Qureysh waxaan ka imid buu yidhi iyaga oo biyaha Xudeybiya tira dooda wax la eg meeshaan ku soo diyaar garoowaya oo wata geelahii dhalay ee (haleelada) ahaa oo (nirgihiisii) kicin naaya.

Geela markuu dhalo oo nirguhu yaryar yihiin, hasha tartiib bey u socotaa waxay kaxaysataa ilma heeda yarka ee socod barad ka ah.

Marka geela hoodii irmaanka ahaa iyo haleeladii iyo nirgihii iyo waxay ka naxeen oo dhan meeshaan ayay soo tuween buu yidhi, dagaal beyna kula diyaarsan yihiin ee yaan lagu dagin. Haa weyna kula dagaal lamaayaan, beyd kana kuuma ay ogola arrin taa anaa soo taabtay ee Maxammadoow is jir buu yidhi.

Markaasaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Anigu horta cid na inaan la dagaalan no uma aan imaanin, laakiin waxaan u nimid inaan cumreysano, Qureysh na waxaa baabi’iyoo daciifiyoo oo qeyr keed ka reebay waa dagaal.

Waa reerka uu ka dhashay, dagaal baa intaa ka soo reebay oo laan gaab ka dhigay oo iyaga dhanba dafiiciyay, weyna dhibtay seey u dagaal lamaayeen bey baaba’een.

Hadday rabaan heshiis baan la galeynaa buu yidhi, hadday rabaan oo diyaar u yihiin in aan la heshiino bedel kii aan inta soo hadhay baabi’i lahaa oon cagta marin lahaa, diyaan waxaan u ahay in aan la heshiiyo, saas ayuu Nabigaﷺ yidhi, iyaguna iney heshiis ila galaan, aniga iyo dad kana isu kaana daayaan.

Qabaa’ishaa kale iyo caalam kaa kale isu kaana daayaan, farahana iga qaadaan iyaga iyo anigana aan heshiis wada galno ayaan diyaar u ahay buu yidhi. Iyaguna hadday sidaa yeelaan buu yidhi Nabiga oo arrintaa iyada ah iga ogolaadaan, wuxuu yidhi markaasi wey nassan nayaan, weyna tarmayaan, weyna noolaan nayaan, hadday diidaan dagaal mooyee wax kale hadday diidaan, xal kale hadday diidaan ooy nabad diidaan ooy heshiis diidaan anigu iyaga ayaan u turayaa intooda yarta ah ee soo hartay iney baaba’aan ayaan diidan nahay.

Laakiin haddii dagaal laga kari waayo Ilaahay baan ku dhaartay inaan la dagaal lamaayo buu yidhi oon kula dagaal lami arrin kaan aan wato kor kiisa oo ah inay towxiidka iyo diinta qaataan gaal nimada na ka baxaan, ilaa luqun teyda iyo jidh keyga kala go’aan ama Ilaahay arrin kiisa uu badbaadiyo, haa ilaa teydii ay noqoto oo qoorta leyga jaro oo luqun teyda iyo jidh keyga is waayaan ama Ilaahay arrin kiisu uu hor maroo socdo waan la dagaalami buu yidhi.

Waa goormaa?

Waa haddaan ka waayo nabad, oon ka waayo heshiis, oon ka waayo aniga iyo carab isu kaana daaya idin kuna nabad qaata, hadday iga diidaan dee iyaga bey u taalaa waaye markaas.

Budeyl wuxuu yidhi war kaaga waan gaadhsiin buu yidhi, Budeyl oday gaa reer Khuzaaca wuxuu u kala dan qaadayaa fariinta u kala gudbin nayaa marka Nabiga iyo Qureysh, wuu laabtay wuxuu yidhi war kaaga waan gaadhsiin.

Wuu u tagay Qureysh buu u tagay, wuxuu yidhi, war niman yow nin kaan ayaan ka socdaa, nin kaan meeshaan soo degay ee aad taqaanaan ee idinka dhashay ee intaas oo dagaal idin dhex maray ee aad garan neysaan, ninkii baan ka socdaa ee i dhageysta waxaan maqlay hadda markaan u tagay isaga oo hadal leh, haddaad rabtaan na hadal kii aan ka maqlay waan idiin ku dul akhrin oo waan idiin bandhigi, ma idiin sheegaa waaye diyaar ma u tihiin inaan fariin tiisii idiin sheego?

Qabiil walba dad wax ma garad ah bey leeyahiin, dad wax ma garad ah oo ayagu (caadhifo) iyo xamaas iyo wax hala kala tuuro iyo aan miizaan badan iyo xikmad aan ku saleys neyn oo inta badan dhalin yaro u badan oo iyaga un booda, laakiin arrinta aan ka fiirsanin (sufaha dii) caqliga yareyd ee  iyaga ka dhashay reer Qureysh baa soo booday.

Markaasaa waxay yidhaahdeen; wax dan ah kama lihin, xaaja na kama lihin in aad nooga waranto naga dhaaf bey ku dheheen, ma anagaa ku dirsanay, ma anagaa war kiisa kuu dirsanay hanoo sheegin saas ayay ku dheheen.

Raggii ahlu ra’yiga ahaa, raggii wax garadka ahaa, oday yaasha ahaa arrinta cawaaqib teedii iyo waxay noqon doonto miizaami karay ee Qureysh ka dhashay baa yidhay war maya war u kaadiya, war dhalin yaroy ha deg deggina u kaadiya talada tiina ma aha, dhalin yaro dagaal in la yidhaahda mooyee ra’yi meel u baahan oday bay u baahan tahay sooma aha, waayo arag bey u baahan tahay, nin nolosha tijaabiyay bey u baahan tahay.

Markaas buu wuxuu yidhi war bal u kaadiya, bal aan kaa dhageysan nee waxaad ka maqashay inoo sheeg bey dheheen, maxaad maqashay, muxuu sheegayaa?

Markaasuu wuu yidhi waxaan maqlay isaga oo sidaa iyo sidaa leh.

Qureysh hadday nabad rabto na heshiis baan la galayaa, hadday I deyn weydana waan iska celin aniga iyo dadkaan kale na hadday isku kaana deysa na wey nabad galeey.

War kaan ayaan ninkii ka wadaa ee bal xaal kiina see waaye, maxaa idinla quman?

War kii markuu u sheegay nin la yidhaahdo Curwat ibnu Mascuud ibnu Thaqafi oo reer qureesheed ah oo oday yaashii kamid ah ayaa wuxuu yidhi:

War nin kaan wuxuu soo bandhigay qorshe wanaagsan, qorshe caqliyeed, qorshe wanaagsan oo lagu kala badbaadi oo danni inagu jirto ayuu soo jeediyay ee aynu aqbalno, niman yahow aynu yeelno, talo mar bey kula siman tahay, maanta yey ina dhaafin. Waxa isaga uu watana qureysh iyo raggeedii baa ku jira, inaguna qureysh yaan isku baabi’in ee talada aan qaadano buu yidhi, i daaya anaa u tagaayee, ii fasaxa oo aniga i dira Muxammad aan soo qaabilo ee bal aan la soo sheekeysto arrimahaan laga sheegayo bal aan ka soo sal gaadho i dira buu yidhi.

Kac tag baa la yidhi, kac u tag oo war ka keen waxa la sheegaya na ka soo sal gaar.

Waa u yimid Curwat ibnu Mascuud ibnu Thaqafi baa Nabiga u imaadoo oday reer qureesheed xudeybiya buu ugu yimid, markaasuu wuxuu bilaabay inuu Nabigaﷺ la hadlo.

Markaasaa Nabigaﷺ wuxuu ku yidhi hadal kii Budeyl uu ku yidhi mid lamid ah buu ku yidhi…

Qureysheey ma is daaynaa oo nabad ma ila galeysaan oo sidaan maku badbaad deeysan aniga iyo dadka ma isu keyna deeyneeysaan, waxa idinka soo hadhay wax yar weeye mise intaa yarta ee idinka soo hadhay ayaad doon neysaan inaan fuuqsado, haddaad yeeli weydaan waa aniga iyo idinka si adag buu Nabiga ula hadlay, hadal kii uu ku yidhi Budeyl laf tiisii buu ku yidhi odayga qureesheed.

Markaasaa wuxuu yidhi war Maxammadow ka waran haddaad reer kaaga maanta kuli cidhib tirto oo aad mid ka reebin oo maanta Makka intaad dagaal ku qaado intaa qureysh ka soo hadhay aad eber ka dhigto, weligaa ma maqashay buu yidhi hortaa nin reer kiisii dhameeyay ma maqashay buu yidhi?

Weligaa taariikhda miyaad maqashay nin reerka uu ka dhashay intuu dib ugu noqdo eber ka dhigo oo baabi’iyo ma maqashay buu yidhi hortaa? Hadday noqon weydo in aad ka adkaato qureysh oo baabi’isa na oy tan kale noqoto oo lagaa xoog bato weeye macnaha.

Hadday tan kale noqoto oo lagaa adkaato kaa xoog badano na, aniga waxaa ii muuqdo buu yidhi Muxammadow raggaan dhinac yahaaga ka muuqdo uu isku haleyn neyso iyo waxaan (kulukaanka) ahoo meelahaan ka soo uruurisay rag aan beri aan ku difaacin doono oo garab kaaga baneyn doono oo kaa carara doono weeye, war ninyow rag ma wadatid ee dagaal ha gelin buu ku yidhi, waxaan (kulukaanka) ah ee midba meel ka keentay.

Wuxuu (kulukaan) ugu tilmaama hayaa carabta waxay ku dagaalami jirtay reer, ninka markuu ilma adeeradii iyo adeeradii iyo jilib kiisii iyo reer kiisii ka garab dagaallamayo geesi waaye, laakiin markuu ninka dhan kan ka fadhiyo uusan garan neynin, war ma fulay baa mise waa geesi, kan xagga ka fadhiya na ma taqaanid ma fulay baa mise waa geesi, adiga laf taadu walbahaar iyo wadna kurkur baa ku dili sooma aha?

Marka waxaan kulukaanka ah oo meelahaan aad ka keentay rag kaa carari doono oo beri kuu dagaalami doonin weeye Muxammadow laba gooraba qasaaro ayaad ku jirtaa ee dagaalka ha gelin buu ku yidhi, laba gooraba haddaad baabi’iso oo aad qureysh ka adkaato na reer kaaga waad baabi’isay shisheeye ma aha, haddii lagaa adkaada na  rag ku difaaca meeshaan kuma wadatid wax kulukaan oo kaa carari doono waaye, war ninyow dagaalka iska daa buu ku yidhi.

Waxaa dhageysan naayay marka saxaabada baa dhageysan neysay, Abuu Bakar (rc) baa soo booday marka, markaasaa wuxuu ku yidhi.

Wuxuu ku yidhi (sanam ka) aad caabudaan ee Ilaaha u haysataan ee (Laata) la yidhaah, xubin kiisa taranka nuug oo muudso buu ku yidhi, ma anagaa ka tageyno oo ka carareyno buu ku yidhi. Waa caay! Haa (badri ga) waa gabadha marka la gudayo iyo haweenta qeybta yarta ee kore la gooyo ayaa (badri) la yiraahdaa.

Marka sanam kiina (badri giisa) nuug buu ku yidhi.

Soo caay adag ma aha?

Af Soomaaliga kalima daasi (badri ga), laakiin afka kuma balaarin karo, inaad faham teen un baa muhiim ah sooma aha, sanam kiina waa Ilaah hooda waaye, Ilaah hiina iyo sanam ka aad caabudaan ee idinla weyn xubin kiisa intaad qabsato nuug buu ku yidhi Curwow, ma anaga ayaad na leedahay waad ka carareysaan Nabi Maxammad baad ka tageysaan saas ayuu ku yidhi Abuu Bakar (rc).

Markaa baa wuxuu yidhi war ninka saa u hadlaaya waa kuma?

Ragga waa leys yaqaanaa waa rag wada dhashay waaye.

War nin kaasi waa kuma?

Waxaa la yidhi waa Abuu Bakar.

Markaasaa wuxuu yidhi Ilaah baan ku dhaartay yee haduusan jiri lahayn abaal hore iyo gacan aad horey iigu lahayd oon na weli kaaga abaal gudin, hadday naan jiri lahayn waan kuu jawaabi lahaa buu ku yidhi, laakiin inaan kuu jawaabo waxaa ii diidan nin oday ah oo gacan igu leh baa ahayd oo abaal igu leh abaal kaas oon weli aan kuu gudin.

U fiirso xataa gaalaba ha ahaadeen nee, waxaa jiray akhlaaq ay lahaan jireen oo aad u qiimo badan oo ay kamid tahay, ninka si kasta oo aad cadow u tihiin abaalka iyo gacanta uu kugu leeyahay wey ilaalin jireen, balanka ay galaan bey ilaalin jireen.

Nabiga marka uu leeyahay:

(إنما بُعثتُ لأتممَ مكارم الأخلاق)

‘’Waxaa la ii soo diray inaan dhameystiro akhlaaqda wanwanaagsan,’’

Akhlaaq wanaagsan oo ay haysteen baa jiray ee dhameystir bey u baahneyd.

Akhlaaqda wanaagsan ee ay lahaayeen waxaa kamid ah, abaal gudka ninkii gacan ku lahoo abaal ku leh, abaal kaa wey u ilaalin jireen.

Abuu Bakarow gacan hore hadday naan jiri lahayn maanta waan kuu jawaabi lahaa buu yidhi.

Wuu iska waday, Nabiga ayuu hadal kii la sii waday.

Nabiga mar kasta uu hadal ku yidhaahda ba kalima ku yidhaahda ba Curwa, Nabiga gar kiisa ayuu qaban nayaa (Mughiira ibnu Shucba) saxaabiga la yiraahdo oo Nabiga aktiisa taagan waardiya ahaan oo seyf na haysta ayaa Nabiga ak taagan oo ilaalin naayo, sidoo kale wuxuu koofiyo bireedka ciidanka, yacni waa nin dress qabo hub kiisa na u diyaarsan yahay oo koofiyadii birta ahayd oo lagu dagaalami jiray na qaba oo madaxiisu ilaashan yahay, marka Nabigaﷺ aktiisa ayuu taagan yahay gaal kan ayaa laga baqayaa inuu dhib u geysto Nabigaﷺ waa taxadar, marka meesha ayuu taagan yahay.

Mar kasta uu Curwa gacan tiisa la laaco Nabiga gar kiisa, intuu gacanta seyfta kaga dhifto, seyfta dawadeeda inuu gacanta kaga dhufto ayuu wuxuu leeyahay;

Nabiga gar kiisa gacan taada ka fogee.

Saas ayuu leeyahay, haa ku durkin Nabiga gacan taada haku qabanin gar kiisa. Curwa markaasuu la yaabay, war nin kaa gacan taada seyfta ku dhufan naayo waa kuma? War kana kumuu ahaa buu yidhi saa intuu u fiiriyay?

Markaasaa waxaa la yidhi waa Mughiira ibnu Shucba, waa isku reer waa oday yaashiisa weeye. Curwat ibnu Mascuud baa oday yaashii Mughiira ah isku reer waaye.

Markaasuu yidhi;

Kii balan furka badnaay yoow ee nacaska ahaay yoow, ilaa iyo hadda ayaan ka shaqeyn nayaa balan furyada aad sameysay, adiguna waxaas ayaad igu sameyn neysaa miyaa, ilaa iyo hadda waxaan ku mashquulsan nahay qaladaad kii aad gashay ee aad qabaa’isha iyo dadka ka gashay inaan ka xaal tago oo aan ka xaal bixiyo oo aan dadkii raalli geliyo, tii baan ana ku mashquulsan nahay adna sidaan ayaad ii gali miyaa?

Arrin taasi waxay ku timid Mughiira ibnu Shucba (rc) intuu soo Islaamin kahor ee gaalka ahaa ayaa wuxuu sameeyay dad bey is raaceen oo jid wada mareen, gaalo ayaa la wada yahay, markaasuu dadkii intuu laayay buu xoolahii na ka qaatay.

Intuu soo tagay oo xoolahii na soo kaxaystay ayuu marka soo Islaamay oo Nabigaﷺ Madiina ugu yimid, isaga oo dhiig na soo daadiyay xoolo na soo dhacay.

Markaasuu Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Islaam nima daada Curwow waan aqbali, laakiin xoolahaan aad soo dhacay oo aad soo qaadatay anigu kuma jiro buu Nabigaﷺ yidhi.

U fiirso macnaha waxa weeyaan gaal buu ahaa intuu gaalka ahaa buu xoolo dhacay, xoolahii buu la soo tagay, diinta islaamka ayuu soo galay, Nabiga ayuu u yimid, islaam nima daada waan kaa yeeli buu yidhi, laakiin xoolahaan aad soo dhacday maya kuma jiro aniga.

Nin kaan odayga Curwat ibnu Mascuud dad kaa uu laayay Mughiira iyo xoolahaa uu soo dhacay ayuu marka xaal keedii iyo raalli gelin teedii iyo odayeyn teedii buu ku jira. Markaasuu yidhi waryaa anigu na waxaad sameysay baan ka xaal tamayaa, adigu na gacan teyda ayaad maanta seyf ku dhufan naysaa sooma aha? Balan fure yaal buu ku yidhi, balan fure yaal saas buu ku yidhi.

Curwa intaasi markey dhacday waa nin siyaasi ah, waa nin oday ah, intaa wuxuu bilicsan nayaa oo isha ku hayaa Nabiga ragga la socda saxaaba diisa ah ciidan kan meesha jooga, intaa uu meesha fadhiyo ee Nabiga wada hadalka u socdo, isha ayuu marin nayaa bal raggan iyo…

  • seey yihiin iyo
  • seey u nadaamsan yihiin
  • iyo seey u dagaalami karaan
  • iyo seey wax isaga celin karaan
  • iyo xoog gooda
  • iyo tawar dara dooda

Sir caskari buu ninkani meesha ka qaadi rabaa, intaan ishiisu raggaan ayay la jirtaa, saa haduu u fiiriyay ishiisu waxay la yaabto ayay qabatay, wuxuu la yaabo oo la amakaago bey ishiisu ku dhacday.

Wuxuu arkay Nabiga hadduu ba xaakoodo, oo uu xaako uu tufo dhulka gaari meyso, gacanta ayaa loo hoorsan nayaa, haa hadduu ba xaako soo tufo intey na dhulka gaadhin baa loo kala tartamayaa, nin baa gacanta ku dhufsan naya oo la cararaya, xaaka diisa baa leysku leyn nayaa markay gacan tiisa soo gasho ayuu wuxuu marmarin nayaa jidh kiisa iyo wajiga waaba ku subkana hayaaba, amar hadduu siiya na amar kaa nin kiin fulin lahaa bay u kala tartamayaan.

Yaa amar kaa fulin?

Anaa fulin, anaa fulin, anaa fulin! Ninkii fulin lahaa bey ku tartamayaan.

Hadduu weyseystana, oo Nabiga weyseysto waxay sigayaan iney isku laayaan biyahii uu ku weyseystay, nin kii qaadan lahaa oo isku shubi lahaa ama cabi lahaa oo barakeysan lahaa, biyahii uu ka tagay na waa leysku leyn nayaa uu ku weyseystay.

Curwa intaa wuu fiiran nayaa, odaygii meesha fadhiyay waxaas oo dhan buu arkayaa, hadduu hadla na oo Nabigaﷺ hadla na (shib) hal nin oo iyaga kamid ah oo hadlaayo ma jiro intuu Nabigaﷺ hadlaayo waa aamusan yihiin wey dheg raaricin nayaan, madaxa ayaa foorara shimbir baad moodaa iney madaxa ka saaran tahay isma dhaqaajin nayaan waxay dhageysan nayaan hadal kiisa. Ishana kumaba fiiqi karaan oo isha kama buuxsan karaan fiira diisa weyn neyn ay weyn neyn nayaan darteed.

Ruuxa markaad aad u qadarin neyso ood aad u jeceshahay inshaadu xataa si fiican uma fiirin karto, isha kama buuxsan kartid, ishaada markey ku dhacda na wey laabmi. Weyn neynta iyo qadarinta ay Nabiga u hayaan xataa si fiican uma fiirin karaan.

Waxaas oo dhan baa u soo baxay odaygii Curwa ahaa, war kaas ayuu aruuriyay, xaalad daas ayuu arkay, arrin baa u soo baxday waa laabtay marka.

هذا وبالله التوفيق

Halkan waxaa inoogu dhamaaday qaybtii koowaad ee darsigii iyo muxaadaradii ku saabsaneyd Heshiiskii Xudeybiyah. Fadlan la soco qaybaha xiga hadduu Ilaahay idmo.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com