Kitaabka Abuu Shujaac

متن الغاية والتقريب

أبي شجاع

Kitaabka Dhahaarada

Darsiga | 1aad

Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Date: Wednesday, August 17, 2016
Hijri: Arbaco 14 Dhul Qacdah, 1437

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

(كتاب الطهارة)
Kitaabka Dhahaarada

Taariikhdu maanta waa 11 bisha 2aad bisha Safar 1437 hijriga, oo ku beegan 23da November 2015 ee taariikhda miilaadiga ah.

Dowrandan sharciga ah ee ay inoo soo qaban qaabisay mu’asasada ama munadamada ee Ixsaan dersi geedii u horeeyay weeye iyo kitaab keedii, kitaab kan aan In Shaa Allaah meesha ka bilaabi doono.

Dhalashadiisa Iyo
Wax Barashadiisa

Kitaab kan waxaa la yiraahdaa (متن الغاية والتقريب) ama (الغاية إقتسار) magacyo noocaas ayuu leeyahay, waxaa iskaleh ninka alifay ee mu’alifka ah ee kitaabka qoray waxaa la yiraahdaa:

Axmad ibnul Xusseyn ibnu Axmad al-Asbahaani ama Asfahaani.

Matniga ayuu inagu sheegi doonnaa magaciisu, wuxuu caan ku yahay (أبي شجاع), wuxuu kamid yahay culimadii qarnigii 5naad ee hijriga nooleyd wuxuu dhashay 434 markay ahayd taariikhda hijriga, wuxuu dhintay xuduuda 500 meelahaa markay taariikhdu ahayd, wax yar miyuu ka dambeeyay, adigu xuduud daas ayuu dhintay. Marka wuxuu kamid yahay culimadii qarnigii 5naad nooleyd.

Wuxuu ku dhashay Basra waa wadanka Ciraaq, aabahii iyo awoow yadii na waxay ka soo jeedaan Asfahaan iyadaas ayaa loo nisbeeyaa (al-Asfahaani) ama (al-Asbahaani), Asfahaan waa dhulkan hadda Iiraan ay ka taliso.

Wuxuu caan ku ahaa ama ku caan baxay, darsida mad-habka Imaamu Shaafici () oo kitaab kani ama darsigeena ku saabsan yahay.

Waxaa kutubta (taraajimta) wax ka qortay ee ay tilmaamayaan, inuu 40 sanno ka badan mad-habka Shaaficada uu darsaayay Basra inuu ku darsaayay. Waa ninka kitaabka iskaleh waxaa inta badan lagu sheegaa marka loo turjumahayo kitaab kan ayuu caan ku yahay [saaxibul qaaya wa taqriib] ama [qaayatul iqtisaar], kitaab kan ayuu caan ku yahay, laakiin keligii ma ehee kutub kale na waa leeyahay.

Waxaa kamid ah mathalan:

Al-Iqnaac oo uu leeyahay [al-qaadi imaam Wardi] ayuu sharxay, sidaa na wey ku sheegaan. Nin caalim oo faqiih buu ahaa, fiqiga Shaaficiga qaasatan ee aad caan ugu ahaa.

Kitaab kiisan ee aynu hadda dul joogno, sida uu isagu ba tilmaami doono, mowduuciisu waa fiqiga Shaaficiga, weliba kitaab gaaban waaye bilaaw ah. Kitaabka laakiin (ahmiyad) buu leeyahay, ha gaabnaado laakiin muhimad buu leeyahay, fiqiga Shaaficiga meelaha laga bilaabo waaye, mudnaan qaas ah ayay culimo badani siiyeen oo wey sharxeen.

Waxaa kamid ah ragga sharxay:

(شمس الدين محمد بن أحمد الخطيب الشربيني)

Shamsudiin Maxammad ibnu Axmad oo caan ku ah [الـخـطـيـب الـشـربـيـنـي] waa ninka iskaleh (مغني المحتاج إلى معرفة معاني ألفاظ المنهاج), yacni [muqnil muxtaaj ku] lagu sharxay minhaajka imaamka iskaleh ee la yiraahdo (الخطيب الشربيني) ayaana kanna sharxay, wuxuu ku sharxay kataabka caanka ah ee aad garan neysaan ee la yiraahdo (الإقناع في حل ألفاظ أبي شجاع), kitaab kaas ayuu ku sharxay waa sharax aad u qiimo badan oo (Matniga adilana) saaraya (alfaad diisa na) fur furaaya.

Sidoo kale waxaa sharxay oo ugu horeeyay isaga oo (الخطيب الشربيني) ka horeeyay ba ninka la yiraahdo isagana (Taqiyyu Diin Muxammad ibnu Cabdil-Mu’min), wuxuu ku sharxay isagana kitaabka (mutadaawal ka ah) ee isagana Maktaba daha aad u yaala (كفاية الأخيار في حل غاية الإختصار), Kifaayatul Aqyaar isagana Maktaba daha ayuu yaalaa isaguna sharax buu u yahay (matni) gan, isaga ayaana ka horeeyay (الخطيب الشربيني).

Waxaa (nadmiyay) kitaab kan oo (tix gabay) ah u bedelay (al-Imaam Sharafu Diini Yaxya ibnu Muusaa al-Camriitti), waa ninkii aad garan neysaan ee ahaa, muxuu (nadmiyay) oo kale?

(الآجرومية) sooma aha?

Haa Ajaruumiga ninkii nadmiyay, isaga waaye.

Waxaa kale uu nadmiyay (Waraqaadka) sooma aha? (Nadmu Waraqaad) na isaga ayaa iskaleh (naadim) wuxuu ahaa cajab badan, kanna wuu nadmiyay oo tix gabay ah ayuu u bedelay 1220 (page) buu ka dhigay yuu ku nadmiyay. Waad garan kartaan marka kitaab kaa mudnaanta uu leeyahay iyo sidii ay culimadu ugu dadaaleen, mid sharxa mid nadmiya (wa haa kadaa).

Imaamka kitaabka iskaleh tarjama dheer lagama hayo, inta badan kutubta u turjumta een arkay (tabaqaatul shaaficiya al-kubraa suki) iyo (al-Aclam li Zakali) iyo (hiddaayatul Caarifiin) ee uu leeyahay (Baabaani), qolya haas ayaa taraajim tiisa wax ka sheegay iyaguna aad uguma ay dheeraanin, faqiih Shaafici ah oo kitaab kan hadda aan dul joogno oon bilaabeyno caan ku ah intaas ayey kaga gaab sadeen.

Haddaba intaa haddaan ka soo gudubno oo ninka kitaabka iskaleh xooggaa tarjamadaa aan ka bixino iyo kitaabka laf ahaan tiisa.

Kitaabka sida uu inoo sheegi doono waa kitaab mad-habka Shaaficiga oo bilow ah, hadduu bilow yahay na, sida mu’alifka iyo kitaabka ninka qoray ugu tala galay oo ardayga bilowga ah baa loogu tala galay. Taasi waxay keeneysaa inaan faahfaahin fara badan la gelinin.

Li’ana fiqigu waa laba:

  1. Fiqi mad-habi ah iyo
  2. Fiqi al-Muqaaran waaye

Fiqi al-Muqaaranku (ـفـقه الـمـقـارن) waa fiqiga madaahibta oo dhan sheegaya, mas’alada waxay ka qabaan, kadibna mad-hab walba daliil kiisa kee xoog badan, kee dafiicsan (niqaash) iyo dood ka galaya. Fiqiga noocaas ah waxa uu ku fiican yahay ardayga xooggaa dhismay oo wax u kala baxsan yihiin, laakiin ardayga bilowga ah waa inuu marka hore ku (tafaquho) mad-hab madaahibta kamid ah.

Hadduu (فقه المقارن) ka bilaabo waa wareer rayaa ardayga, li’ana hal mar is lama keeni karo madaahib tii afarta ahayd iyo qeyr kood ba sooma aha? Iyo adila doodii maskax diisa way ka yara weyn tahay, wuxuu u baahan yahay marka hore sida culimad tilmaamayaan inuu mad-hab (mucayin) ah ku (tafaquho).

  1. Mad-habka Shaaficiga
  2. Maalikiga
  3. Xanafiga
  4. Xambaliga

Madaahib taa mid kamid ah inuu marka hore ku (tafaquho) oo barto, markuu mad-hab kaa barto kadib ayuu markaa wuxuu ugu gudbayaa marxalada xigta inuu madaahib tii kale barto, wey u fududaan neysaa marka, haddaad kan Shaaficiga taqaano waxaad leedahay Maaliki yada maxay isku qilaafsan yihiin waa fudutahay asaas kii baad haysaa markaa, Xanafi yada maxay isku qilaafsan yihiin, Xanaabilada maxay isku qilaafsan yihiin.

Laakiin haddaynaan mad-hab mucayan ood taqaano uusan jirin ood badd weyn taa dhex gasho waad wareeri, waana dhibka hadda haysta (talabatul cilmiga) ayay kamid tahay. Marka mad-hab mucayin ah in lagu tafaquho bilowga hore waa midday culimadu ku (naseexeyn) nayaan ooy ku talin nayaan waaye.

Saas daraadeed aad ugu dheeraan meyno madaahib kale iyo waxay qabaan iyo ku dheeraan meyno, waxaa kaloo taa inoo saamaxaynin (doorada) iska kooban oo waqti geena ayaa kooban, saas daraadeed waxa meesha ku qoran inaan laqmeyso oon fasirno oon sharaxno un baa muhim ah, faahfaahin fara badan sii geli meyno tafaasiil fara badan na sii geli meyno, iyo kitaab oo loogu ba tala galay arday oo (mubtadi’) oo bilow u ah, oon faahfaahin fara badan in la siiyaa aan loogu ba tala galin.

Intaa markaan isku darno waxay keeneysaa qaabka aan wax u mari doono ineyna noqoto inaan (laqmeeyno) maadada meesha ku qoran, wax yar (tacliilino) daliil yar haddaan u sheegi karno, laakiin ma tawar badan yahay, ma laga xoog badan yahay, ma xoog badan yahay, waa mas’ala kale waqti geeda ayay imaan In Shaa Allaahu Tacaalaa laakiin hadda ma aha hadda waa mad-hab, mad-hab kuna sidiisa ba (afarta mad-hab) ee caanka ah.

Mad-hab ku mas’ala xoog badan na waa leeyahay, mas’ala tawar daran oo lagaga xoog badan yahay na waa leeyahay, mad-hab wada xaq ah ma jiro mad-hab dhamaan tii masaa’ishii wada sax tahay ma jiro, waa ijtihaadaad iyo dadaal culimo weeye sooma aha?

Dadaal kaa culimo marka ama uu sixi ama wey ka qaldami! Soo ma aha?

Sidaas daraadeed madaahibta marka la (muqaarareyn nayo), mad-habka Shaafici yada wuxuu kamid yahay, mad-habka xaga adilada madaahibta ugu dhow ayuu kamid yahay, aad bey u amaan naan culimada maxaa yeelay aad na waa loogu qitmeeyay oo waa loogu adeegay oo a’ima diisa waxay u badnaayeen (muxadithiin) bey u badnaayeen.

Bal cilmiga xadiiska ragga (taqasus ka) siyaada daa u leh Shaafici yada ayay u badan yihiin, aad na waa loogu qitmeeyay mad-habka Shaaficiga waxaa u badnaa muxadithiinta ayaa u badnaa.

Marka sidaas daraadeed xagga daliilka waa ugu dhow yahay, madaahibta ugu dhow buu kamid yahay, imaamka mad-habka iskaleh na wuxuu jamciyay (beynal fiqih wal xadiith)…

  • Muxadith na waa ahaa,
  • Faqiih na waa ahaa

Bal waxaa la yiraahdaa waa ninkii ugu horeeyay ee jamciyay (beynal fiqih wal xadiith) aad bey ugu amaan naan arrin taa iyada ah.

Intaasi waa hordhac kadibna waa kaa kitaabkii uu inoo bilaabay Sheekha.

متن الغاية والتقريب
أبي شجاع

Wuxuu yidhi Sheekhu…

بسم الله الرحمن الرحيم

الحَمدُ للهِ رَبِّ العَالَمِين، وَ صَلَّى اللهُ عَلَى سَيدِنَا مُحَمَّدِ النَّبِيِّ، وَ آلِهِ الطَاهِرِين، وَ صَحَابَتِهِ أَجْمَعِين

قَالَ القَاضِي أَبُو شُجَاع أَحمَد بِن الحسين بن أحمد الأصفهاني {رحمه الله تعالى}: “سألني بعض الأصدقاء {حفظهم الله تعالى} أَنْ أَعْمَلَ مُخْتَصِراً في الفقهِ عَلَى مَذْهَبِ الإِمَامِ الشَّافِعِيِّ {رَحْمَةُ اللهِ عَلَيهِ َو رُضوَانه}؛ فِي غَايَةِ الإِختِصَارِ، وَ نِهَايَةِ الإِيجَازِ لِيَقْرُبَ عَلَى المُتَعَلِمِ دَرسُه، وَ يَسْهُلَ عَلَى المُبتَدىءِ حِفْظَهُ، وَ أَنْ أُكْثِرَ مِنْ التَقْسِيمَاتِ، وَ حَصْرِ الخِصَالِ.

فَأَجَبْتُهُ إِلَى ذَلِكَ طَالِباً لِلثَوَابِ، رَاغِباً إِلَى اللهِ تَعَالَى فِي التَوفِيقِ لِلصَوابَ، إِنَّهُ عَلَى مَا يَشَاءُ قَدِير، وَ بِعِبَادِهِ لَطِيفٌ خَبِير.

Mahad Alle ayay u sugnaatay, amaan dhamaan teed iyo mahad dhamaan teed Alle ayaa iskaleh, uunka oo dhan Rabbi u ahaa, [yacni iskalahaa oo maamul laayay oo abuurtay], Allah ha amaano sayyid keena kor kiisa Allah ha amaano, Muxammad ahaa, ee Nabiga ahaa [kii loo waramay] ahaa. Ahal kiisa kor kooda na ha ahaato [amaan taasi iyo salli gaasi] ee (Taahiriinta) ahaa, ee daahirka ahaa.

(آلِهِ) Ahalka ama waa qaraaba diisii mu’miniinta ahaa ama waa dadka raacay oo dhan baa ahalka (Aalka) la dhihi karaa, sidaas ayay (muqxaqiqiinta) marayaan.

Saxaaba diisa kor kiisa ha ahaado [salli gaas] dhamaan tooda.

Saxaaba duna waa ardaydii Nabigaﷺ, waa raggii la kulmay oo rumeeyay iimaanka na ku dhintay:

قَالَ القَاضِي أَبُو شُجَاع

Qaadi gii wuxuu yidhi (Abuu Shujaac) ahaa.

Meeshaa waxaad ka garan in uu xilka qaadi nimada qabtay, (القَاضِي) haddaad aragto sideeda ba waa nin xil qaadi nimo dowlad ka qabtay waaye, marka (القَاضِي) buu ahaan jiray.

(قَالَ القَاضِي أَبُو شُجَاع) waa kunya diisa (أَحمَد بِن الحسين بن أحمد الأصفهاني) Asfahaan waa meesha uu ka soo jeedo, isaga kuma dhalanin saan tilmaanay ba, laakiin waxaa ka soo keeda awoow yadii asal ahaan meesha ayuu ka soo jeedaa.

(رحمه الله تعالى) Allah ha u naxariis tee wuxuu yidhi:

(الأصدقاء) waxaa I weydiiyay, hal kaa wuxuu ka bilaabay sababta keentay inuu kitaabka alifo (sababu ta’liif) waaye, maxaa ku bixiyay!

(سألني) waxaa I weeydiyay buu yidhi (بعض الأصدقاء) saaxiibada qaar kood (حفظهم الله) Allah ha xifdi yee (تعالى) kor ahaay.

Saaxiibadey qaar kood waxay i weydiisteen oo iga codsadeen Allah ha xifdiyee (أَنْ أَعْمَلَ) inaan sameeyo (مُخْتَصِراً) mid la soo gaabiyay (في الفقهِ) fiqhiga dhexdiisa.

Kitaab la soo gaabiyay oo fiqhiga dhex diisa ah, luqada ma aha, caqiidada na ma aha, laakiin waa (في الفقهِ). Kaasoo (عَلَى مَذْهَبِ الإِمَامِ الشَّافِعِيِّ) Imaamu Shaafici mad-hab kiisa kor kiisa ahaaday.

Yacni mad-habka Imaamu Shaafici ku dul socdo waaye, al-Imaamu Shaafici Maxammad ibnu Idiriis waaye Abuu Cabdillaah wuxuu dhashay 150 markay taariikhda hijriga ahayd, waa sannad kii uu dhintay al-Imaam Abuu Xaniifa sannadka uu dhintay buu dhashay Shaafici, wuxuuna dhintay al-Imaamu Shaafici (رحمه الله) sannad kii 204.

Meeqa sanno ayuu jiray markaa?

54 ilaa 55 meelahaas.

(رَحْمَةُ اللهِ عَلَيهِ َو رُضوَانه)

Naxariista Alle kor ahaa yee, kor kiisa ha ahaato iyo rida hiisu kor kiis aha ahaato

Imaamu Shaafici Abuu Xaniifa waxba kama qaadanin, lamana kulmin, ma soo gaadhin, laakiin ardaydii Abuu Xaniifa buu wax ka qaatay.

Maxammad ibnul Xassan (ash-Sheybaani) ardaygii Abuu Xaniifa ayaa (Shuruuq) diisa kamid ah, doodo dheer na waa dhex mareen. Imaamu Maalik oo mad-habka Maalikiga ah, imaam kiisa ahna sheekhiiqa buu ahaa, imaamu Shaafici buu sheekh u ahaa. Imaamu Axmad ibnu Xambal oo mad-habka Xambaliga ah, imaam kiisa ahna arday buu Shaafici u ahaa, Shaafici baa Sheekh u ahaa.

Saad daraadeed laba imaam midna arday buu u ahaa, midna Sheekh buu u ahaa, imaamka saddexaad na ma soo gaadhin laakiin arday diisii bey kulmeen, sidaas weeye marka.

(فِي غَايَةِ الإِختِصَارِ)

Wuxuu u noqon nayaa (أَنْ أَعْمَلَ مُخْتَصِراً) mid la soo gaabiyay inaan sameeyo, kaas oo (فِي غَايَةِ الإِختِصَارِ) gaabin meesha ugu dambeysa ah (وَ نِهَايَةِ الإِيجَازِ) soo koobid dhamaad keeda ah.

Ikhtisaarku iyo iijaazku wey isku macna dhow yihiin, culimada qaar na wey kala duwayaan. Khaayah iyo nihaaya na wey isku macna dhow yihiin, qaar na xooggaa macnaha waa u kala duwayaan.

Macnaha wuxuu doon nayaa inuu ku yiraahdo, gaabinta aan kitaabka gaabin naayo iyo soo koobida aan soo koobayo meesha uga dambeysa ee koobid la gaadhsiin karo ama gaabin la gaadhsiin karo ayaan gaarsiin nayaa waaye, saas weeye macnaha.

Kaasoo (فِي غَايَةِ الإِختِصَارِ) gaabin meesha ugu dambeysa iyo cidhif teeda ah (وَ نِهَايَةِ الإِيجَازِ) soo koobid iyo gaabin dhamaad keeda ah, ayaan kitaab noocaas ah sameyn nayaa waaye.

Maxaan saa ugu koobayaa uguna gaabin nayaa?

(لِيَقْرُبَ عَلَى المُتَعَلِمِ دَرسُه)

(لِيَقْرُبَ) inuu dhowaado darteed (عَلَى المُتَعَلِمِ) ninka wax baran naya si uu ugu dhowaado (دَرسُه) darsi diisa.

Li’ana sheyga marka la soo gaabiyo in la darso ayaa fudud sooma aha?

(وَ يَسْهُلَ عَلَى المُبتَدىءِ حِفْظَهُ)

(وَ يَسْهُلَ) iyo inuu sahlanaato (عَلَى المُبتَدىءِ) ardayga bilowga ah (حِفْظَهُ) xifdi giisu inuu u sahlanaato.

Ardayga bilowga cilmiga bilowga ku ah na, inuu xifdiyo iney u sahlanaato, li’ana sheyga markuu dheer yahay xifdin tiisu waxaa ka fudud, markuu gaaban yahay, haa saas weeye macnaha.

(وَ أَنْ أُكْثِرَ مِنْ التَقْسِيمَاتِ)

Waxay ku xidhan tahay, yacni culimadu markii cilmiga la baran nayo bilowga hore ardaygu (muqtasaraadka) ayaa la xifdiyaa, yaa (mutuunta) ayaa la xifdiyaa. (من حفظ المتون حاز الفنون) baa la dhahaa! Marka kutub taan la soo gaabin naayo asal ahaan waxaa loogu tala galay in la xifdiyo, oo ardaygu markuu (matni) xifdisan yahay ama (mutuun) xifdisan yahay cilmi badan baa ku jira marka, wax yaalaha waayahaan dambe laga tagay bey kamid tahay, marka taas ayaan ugu tala galay buu yidhi.

(وَ أَنْ أُكْثِرَ مِنْ التَقْسِيمَاتِ) Waxay ku xidhan tahay (وَ أَنْ أُكْثِرَ) daas ooy ku catfan tahay; [saaxiibada qaar kood bey waxay i weydiisteen (أَنْ أَعْمَلَ مُخْتَصِراً) in aan sameeyo kitaab la soo gaabiyay] (وَ أَنْ أُكْثِرَ) iyo inaan badiyo, hal kaas ayay ku xidhan tahay.

Waxaa kaloo i weydiisteen (وَ أَنْ أُكْثِرَ) inaan badiyo (فيه) muqtasar kaa dhex diisa (مِنْ التَقْسِيمَاتِ) qeyb qeybinta inaan ku badiyo.

Yacni mas’ala kasta markaan joogo inaan qeybo fara badan u kala qaad qaado, taana waa i weydiistay.

(وَ حَصْرِ الخِصَالِ)

(وَ حَصْرِ الخِصَالِ) Masaa’isheeda na inaan koobo.

Wuxuu i weydiistay inaan qeyb qeybinta ku badiyo, (qisaasha) iyo arrimaha iyo masaa’isha na inaan koobo (حَصْرِ) waa koobida (qisaasha) na masaa’isha ayuu ka wadaa.

Arrima haas ayuu I weydiistay buu yidhi.

  • Soo gaabin
  • iyo qeyb qeybinta oon ku badiyo
  • iyo masaa’isha oon koobo, intaas ayuu i weeydiistay.

فَأَجَبْتُهُ إِلَى ذَلِكَ طَالِباً لِلثَوَابِ، رَاغِباً إِلَى اللهِ تَعَالَى فِي التَوفِيقِ لِلصَوابَ، إِنَّهُ عَلَى مَا يَشَاءُ قَدِير، وَ بِعِبَادِهِ لَطِيفٌ خَبِير.

(فَأَجَبْتُهُ) waan ka yeelay buu yidhi (إِلَى ذَلِكَ) arrin kii codsi giisii baan ka ajiibay buu yidhi (طَالِباً) anoo raadin naaya (لِلثَوَابِ) sawaab Alle ka raadin naaya (رَاغِباً) oo rajeyn naya (إِلَى اللهِ) Alle xag giisa (تَعَالَى) kor ahaayee anoo ka hunguri yey naya (فِي التَوفِيقِ) waafajin (لِلصَوابَ) saxda inuu i waafajiyo, maxaa yeelay (إِنَّهُ) Alle (عَلَى مَا يَشَاءُ) wuxuu doonno (قَدِير) mid kii awoodo waaye (وَ بِعِبَادِهِ) addooma diisa na (لَطِيفٌ) mid kii u turid badan weeye (خَبِير) oo xogagaal u ah.

(لَطِيفٌ) ka turaha na waa la yiraahdaa, bi macnaa (الرؤوف)

(لَطِيفٌ) ka waxaa kaloo la yiraahdaa; waa mid ka arrimaha daqaa’iq doodii iyo tafaasiishooda ogg waaye, oo (الخبير) ka ayuu ka sii xeel dheer yahay marka, labadaa macno ba waa lagu fasiraa.

Intaasi waa hordhac (muqadima) ayuu ugu tala galay oo uu muraad kiisa ku cadeyn nayo, kadib wuxuu ka bilaabay (كِتَابُ الطَهَارَة).

Yacni qaabka ay culimadu kutubta u alifaan fiqiga, waxay u qeybiyaan;

  • Cibaadada
  • Mucaamalaad
  • Xuduud iyo Jinaayaad baa loo qeybiyaa.

Marka (cibaadaad) ku waa wixii ku saabsan afarta, marka laga yimaado (shahaada teen ka) afarta tiir ee (Arkaanul Islaamka);

  1. Salaad dii iyo
  2. Zaka dii iyo
  3. Soon kii iyo
  4. Xajj kii

Iyo wixii iyaga raacsan oo ka ak dhow ayaa (cibaadaad) la yiraahdaa, kadib (mucaamalaad ka) waxaa imaan nayaa (beycii) mucaamalaad ka suuqa wax kala iibsiga, waxaa imaan naya kadib (nikaaxii iyo talaaqii iyo axkaam toodii), mucaamalaad bey isku dhahaan, kadib wax ka sii dambeyn naya (xuduud iyo jinaayaad), jinaayaad ka waa dhibaatooyinka leysu geysto, xuduud duna waad garan neysaan.

Sidaa markey u qeybiyaan baa culimada waxay hor mariyaan oo kitaabta fiqiga lagu bilaabaa qeybta ugu horeyso oo cibaadaadka ah, cibaadaadka marka lagu bilaabaa, cibaadaadka ayaa haddana sii qeyb samayaa, cibaadaadka maxaa u horeeya?

Salaadda ayaa u horeyso sooma aha?

Salaaddii intaadan tukan maxaad u baahan tahay?

Inaad (dhahaara) qaadato.

Sidaas daraadeed buu (كِتَابُ الطَهَارَة) uu ka bilaabay.

Dhahaaradii markii la bilaabo iyada laf teeda baa waxay ka bilaaban neysaa intaadan weeyseys sanin ama aadan qabeysanin, waxaa laga hadli wixii lagu dhahaara qaadan lahaa, oo maxay ah? Biyahii.

Sidaas daraadeed baa sida qaalibka ah waxay hor marin nayaan (المياه) biyaha ayaa laga bilaawi, waayo maadadii sheygii lagu dhahaara qaadan lahaa waaye, saas ayuu halkaa ka bilaabay.

كِتَابُ الطَهَارَة

Tahaaradu waa is nadiifin iyo nadaafad oo (xadathka) ee ama qabeys ka waajibiya ama weysada waajibiya oo leyska taahiriyo waaye, leyska kor yeelo.

Wuxuu yidhi:

(:المياه التي يجوز بها التطهير بها سبع مياه)

(المياه) Biyahii (biyayow gii) (التي) biyayow gaas (يجوز) uu banaan yahay (بها) iyada (التطهير بها) ku taahirin [in wax lagu taahiriyo ama leysku taahiriyo, biyayowga ay banaan tahay] (سبع مياه) waa 7 biyo. Biyo leysku taahirin karo toddobo biyo waaye, 7 nooc oo biyaha kamid ah ayaa leysku taahiriyaa ama lagu dahaara qaataa ama wax lagu daahiriyaa.

Biyaha Leysku Dahaariyo Ama
Wax Lagu Dahaariyo Waa (7) Nooc

Soomaali العربية Qeybta
Biyaha samada ماء السماء 1
Biyaha Badda وماء البحر 2
Biyaha webiga وماء النهر 3
Biyaha ceelasha وماء البئر 4
Biyaha isha وماء العين 5
Biyaha barafka وماء الثلج 6
Biyaha baradka (…) وماء البرد 7

Qeybta koowaad waxa weeye: (1) (ماء السماء) waa biyaha cirka, yacni kor ka timaado waaye, ileyn biyahu daruuraha ayay ka yimaadaan.

(2) (وماء البحر) Qeybta labaad na waa biyaha badda ee dhanaanka ah:

(3) (وماء النهر) midda saddexaad na waa webiga biya hiisa, biyaha webi yaasha ee macaanka ah.

(4) (وماء البئر) iyo biyaha ceelka, waa biyaha ceelka ee soo maaxda waaye.

(5) (وماء العين) iyo isha biya heeda, isha durdurka ah, ama dhulka haka soo baxdo ama buur haka soo baxdo, il soo baxday oo durdur raysa waaye.

(6) (وماء الثلج) iyo barafka biya hiisa, (الثلج) waa barafka, yacni waa biyaha ee adkaaday ama intey dhulka aynaan soo gaadhin oo duruurta ay soo dhaafeen ay adkaan nayaan oo soo dhacaayaan iyaga oo adag oo engagay, is haysta ama dhulka ayay ku engagayaan oo ku adkaan nayaan, haa kuwaas ayaa (الثلج) la yiraahdaa.

(7) (وماء البرد) iyo biyaha baradka. Baradka waxaa la yiraahdaa waa nooc barafka kamid ah, duruurta oo wuxuu ka soo dhacaa ama kor ka yimaada asaga oo yaryar oo aad xabad xabad yaryar ah buu daruurta ka soo daataa oo is hayso oo adag, markaasuu dhulka ku soo dhacaa.

Barafka ayaa laba ah;

Baraf kor ka imaan naya, midna wax is haysto yaryar oo adag ma aha, sida caleenta oo kale ayuu u daadan nayaa, sida barafka hadda Yurub ka dhaca oo kale, caleen daadan neysa ayaad moodeysaa maba dareem meysid.

Middina waxa weeye waa dhagax yaryar oo dhaadhacaayo weeye, kaa yar ehee dhagaxa yaryarka aad moodo is haysata ee dhulka ku soo dhacdhacaya ayaa waxaa la yiraahdaa (البرد).

Waxaa kaloo loo yaqaanaa luqada carabiga ah:

  1. (حب الغمام)
  2. (حَبُّ المُزْن) waa la dhahaa.

Yacni xabaddii daruurta ka imaan neysay, xabada waa (masagada) yar yarta ah wax la ek ayaa la yiraahdaa (حب) waa (حب الغمام), (حَبُّ المُزْن) ayaa la dhahaa. Marka waxa weeyaan waa nooc barafka kamid ah, laakiin barafka caadiga ah ka yara gedisin oo isaga oo is haysto oo xabada ah buu soo daadan nayaa yaryar ah kaas ayaa la yiraahdaa (وماء البرد), kaasi markuu dhulka ku soo dhaco biyo ayuu noqon nayaa sooma aha? Saas weeye marka.

Wadaadada qaar waxay nagu fasiri jireen (yaxniga) oo ah, habeenkii xiliyada roobka da’o, subax dii marka la soo tooso geedaha kor kooda caleenta kor keeda soo ma aragtaan, biyaha saar saaran, kuwaas ayay wadaada qaar inoogu fasiri jireen, laakiin ma aha, sida saxda ah waxa weeye waa tafsiir kaa hore ee aan sheegnay waaye.

Biyayow gaas marka uu sheegay ee todobada ah, meelaha ay ka kala yimaadeen ee seey ku imaan nayaan un bey ku xidhan tahay oo waxay ku ururayaan dhamaan tood ama biyo kor ka yimid ama biyo dhulka ka soo baxay labadaa mid waaye.

Kadib wuxuu yidhi:

(ثم المياه على أربعة أقسام)

(ثم) makaa kadib (المياه) biyayowgii hadda aan soo sheegnay ee todobada ahaa (على أربعة أقسام) qeyba afar ah ayay u qeyb samayaan.

Waa markii dhan kee laga fiiriyo?

Markii laga fiiriyo qeybintii hore ee todobada ahayd waa meeshay ka soo jeedaan iyo qaab kooda marka la fiiriyo waxay u qeyb samayaan todoba.

Afar qeybood na waxay u qeyb samayaan marka laga fiiriyo dhinaca ah ku dahaara qaadashada iyo wax daahirinta, wax ma daahiriyaan mise wax ma daahiriyaan, isticmaal kooda ma karaaha mise waa iska banaan yahay, dhinac yahaa marka aad ka fiiriso afar bey noqon nayaan.

Qaybta | 1aad

Nooca koowaad waxa weeyaan:

 (طاهر مطهر غير مكروه، وهو الماء المطلق)

(طاهر) Biyo laf haan tooda taahir ah (مطهر) oo daahirin naya wixii loo isticmaala na daahirin naaya (غير مكروه) oo aan la kahanin, mid la kahday na aan ahayn. Yacni shareecada ma kahanin isticmaal kooda lama kahanin, (وهو) kaasi (الماء) biyahii weeye (المطلق) ee la sii daayay, waa biyo aan wax ku xidhan jirin magaca biyo bess ayay qaataan, qiid iyo wax kaloo la raaciyo oo ku xidhan ma jiro saas weeye macnaha.

Nooca koowaad waa biyo laf ahaan tooda daahir ah, wixii loo isticmaala na daahiriya, waa lagu weyseysan, qabeyska geli, waa lagu dahaara qaadan, haddana shareecada aynaan kahanin oo isticmaal kooda lamana diidin kahasho na kuma jirto, kuwaas (الماء المطلق) waaye.

(الماء المطلق) muxuu u leeyahay?

Bi macnaa waa biyo magacooda (biyo) un baa la dhahaa, wax kale oo lagu xidhi oo loo raacin naayo ma jiro sooma aha?

Bi macnaa biyaha ayaa laba ah:

(الماء المطلق) iyo (الماء مقيد)

(الماء المطلق) Waa biyaha biyo nimo wax kaloo u raaca iyo sifo kaloo loo raacin naaya ma jirto ee biyo ayaa la dhahaa

Biyaha (الماء مقيد) la yiraahdaa na waa (biyo) oo wax la raacin naayo, wax kale ayaa lagu xidhaayaa, mathalan waxaa lagu leeyahay, yacni waxa weeye oo lagu xidhaayaa….

  • Waxaa la leeyahay mathalan: (والماء ورد)
  • Waxaa la leeyahay mathalan: (ماء دأفق) [من ماء دافق] waa biyo magac wata.
  • Waxaa la leeyahay mathalan: [waa biyo saabuuneed].

Biyo saabuuni ku jirto ma biyo keliya ayaad dhihi karto? Yaa (مطلق) ma aha, laakiin maxaad dhihi, waa biyo saabuun. Caano badhax, caano iyo waxaad isku dartay iyo biyo, biyaha ayaa ka badan, ma dhihi kartid waa biyo (ماء).

Sidaas daraadeed marka ay biyo (مطلق) ah ay yihiin waa biyo, biyo nima dooda wax kaloo u dheer uusan jirin ee biyo un baa loo yaqaanaa, laakiin haddii (مطلق) aysan ahayn wax baa raacaya marka, wax kale ayaa lagu xidhayaa oo biyo nimadii (مطلق) ahaa ka saaraya, sidaas ayuu ka wadaa macnaha, noocaa waa nooca koowaad.

Qaybta | 2aad

Nooca labaad waxa weeye:

(وطاهر مطهر مكروه، وهو الماء المشمس))

(مطهر) biyo daahir ah, laf ahaan tooda daahir ah, (وطاهر) oo wax daahirin naya, wixii loo isticmaala na daahirin naaya (مكروه) laakiin la kahday, shareecada kahatay.

Soo uma jeedid?

Tii hore muxuu kaga duwan yahay?

Waxay ku kala duwan yihiin,

Tii hore waxay ahayd (غير مكروه)

Kuwaana?

Waa (مكروه)

(وطاهر) weeye kuwa wax daahiriya, laf ahaan tooda daahir u ah, (وطاهر) oo wax daahiriya (مكروه) oo la kahday (وهو) kaasi (الماء) biyahii weeye (المشمس) ee qoraxda lagu kululeeyay ama qoraxda kululeysay.

Waa biyo kulul oo qoraxda kululeysay ayaa la yiraahdaa.

Marka waa la isticmaali karaa, waa lagu dahaara qaadan karaa iyaga laf ahaan tooda na waa taahir, laakiin maadaama qoraxda kululeysay isticmaal kooda ayaa (مكروه) ah waa laga fiican yahay.

Maxaa loo kahday?

Waxay leeyihiin dhibaato caafimaad baa ku jirto oo (baras) baa ka dhasho bey leeyihiin, waxay u daliishan nayaan axaadiith (marfuuc) ah iyo (athar) Cumar (rc) ka soo arooray, kuli na waa wada daciif, daliilka loo daliishaday biyaha qoraxda kuleysay, weliba shuruud bey ku sii xidhaan oo waxay leeyihiin;

  • Weel ku waa inuu macdan yahay
  • Meesha waa iney meel kulul tahay
  • Sida (Xijaas) oo kale

Biyaha markey saas oo kale weel ka noocaas oo kale ugu kululaadaan, marka (مكروه) weeye isticmaal kooda, daliilka ay u cuskan nayaan baa daciif ah, ka soco adiga tafaasiishaas sii geli meyno.

Qaybta | 3xaad

(وطاهر غير مطهر: وهو الماء المستعمل ؛ والمتغير بما خالطه من الطاهرات))

(وطاهر) Biyo daahir ah laf ahaan tooda daahir u ah (غير مطهر) oo se waxba daahirin neynin.

Iyagu wax ma daahiriyaan, laakiin laf ahaan tooda daahir bey u yihiin, si kale waad u icticmaali kartaa, waad cabi kartaa, wax baad ku karsan kartaa, laakiin inaad ku weyso qaadato ama qabeys waajib ah aad ku gudato ood isku daahiriso maya, wax ma daahiryaan laakiin lafa hooda ayay daahir u yihiin.

(وهو) kaasi (الماء) biyahii weeye (المستعمل) ee la isticmaalay.

Maxaa loo isticmaalay?

Waa biyaha loo isticmaalay () yacni dahaara qaadasho waajib ah baad u isticmaashay, maxay ka wadaan? Waxaad u isticmaashay weeso waajib ah, waad ku weeso qaadatay, biyahii markaad weyso qaadatay xubna haaga ka daatay ayaa mustacmal la yiraah. Ama qabeys waajib ah ayaad qabeysatay biyahii xubna haaga ka daatay ee aad ku qabeysatay baa waxaa la yiraahdaa, mustacmal.

Biyahaa haddii la uruuriyo, mar kale ma lagu dahaara qaadan karaa?

Maya! Weyso labaad ma galaan, qabeys labaad na ma galaan, laakiin lafa hooda daahir bey u yihiin sooma aha? Oo haddaad rabto biyahii xubna haaga ka baxay, haddaad wax kale weyso oo raashiinka ku karso, waa daahir, laakiin wax bey daahirin neynin saas ayuu ka wadaa, (وطاهر غير مطهر).

Mustacmal kaana waxay ku xidhaan weliba Shaafici yadu waxay yiraahdaan waxa loo isticmaalay waa inuu yahay (في فرض طاهر) dahaara waajib ah waa in loo isticmaalay, haddii dahaara sunna ama (mustaxab) loo isticmaalay, dahaara wey geli karaan haddana. Mathalan weyso qaadasho sunno ah baad ku weyso qaadatay ama qabeys sunno ah baad ku qabeysatay ama qabeys iska caadi oo aad is qaboojin neyso ama is nadiifin neyso ayaad u isticmaashay, waa lagu dahaara qaadan karaa bey leeyihiin.

Marka dahaara labaad waa geli karaa, marka () dahaara ayay ku (qayidaan) mustacmal waaye biyahaas. Iney daahir yihiin hadal kama joogo, ineysan waxba daahirinin baa muran ka jira.

Meeshaa inteynaan ka gudbin aan baraarujino dadka qaar baa waxay u fahmeen biyaha mustacmalka ah, biyaha marka ruuxu uu weyseesan nayo intuu gacanta geliyo oo uu ka soo darsado, wajiga ku dhaqdo oo ku weyso qaato, ama intuu gacmaha geliyo ka qabeysto oo weelka ku soo hadha, biyahaas ayay dadka qaar kood u qaateen iney mustacmal yihiin.

Sax na ma aha faham kaas.

Kuwaa mustacmal lama yiraahdo, mustacmalku waa biyahii xubna haaga ka daatay ama jir kaaga markaad dahaara qaadato ka baxay, kuwaa haddii la uruuriyo bey ka hadlayaan, mustacmal kuwaas ayaa la dhahaa waa in sidaa loo fahmo waaye. Laakiin kuwa weelka ku hadhay kuwaasi marna mustacmal ma aha, kuwii hore ayay galayaan, kuwaasi waa (طاهر مطهر) ee mustacmal ma aha, waa in la fahmo weeye. Weli waxay fuqahada Shaaficiga leeyahiin, biyahu weli intey xubinka ku warwareega hayaan eynaan weli ka daadanin mustacmal ma noqon bey leeyihiin, intey xubinka weli ku dhex jiraan oo ay ku noqnoqon hayaan oon weli ka bixin mustacmal weli meynaan noqonin, mustacmal goormey noqdeen?

Marka ka baxaan xubinka, markaas ayay mustacmal noqdeen.

Qeybta xigta ee afaraad:

 (والمتغير بما خالطه من الطاهرات)

(والمتغير) biyaha is bedelay (بما) shey isku bedelay (خالطه) ku qasmay, ama dhex galay (من الطاهرات) oo wax yaalaha daahirka kamid ah.

Biyo is bedelay, is bedel koodana uu keenay, wax daahir ah oo ku qasmay oo dhex galay, wax yaalaha daahiraadka ah.

Sida mathalan;

  • Miski ga oo kale, biyahu miski baa ku darsamay,
  • ama ma ehee geedka dhacaan kiisa iyo biya hiisa baa ku dhex miirmay oo ku darmay,
  • ama ma ehee (mani) baa ku darmantay,

Manida soo daahir ma aha?

Waan u tegi doonnaa waa daahir.

Shey daahir ah baa ku darmaday (mani) baa ku darmaday.

  • Ama ma ehee xooggaa (caano) baa ku darmaday,
  • Ama (cajiin) baa ku darmaday.

Biyahii waa qasmeen wax kale ayaa ku darmaday, waxa ku dhex darmay na waa daahir laf ahaan tiisu. Wey is bedeleen marka.

Maxaa is bedelay?

  • Midib kii baa is bedelay
  • Ama ur kii baa is bedelay
  • Ama dhadhan kii baa is bedelay

Biyahaas ayaa waxaa la yiraahdaa (خالطه من الطاهرات ماء).

Biyaha noocaas aha marka xukun kooda muxuu yahay?

Waa (طاهر غير مطهر).

Kuwaan ayuu raacsan yahay waa qeybta saddexaad sooma aha?

Qeybta saddexaad baa laba ka kooban:

  • Kuwa hore waa biyaha mustacmalka ah
  • Kuwa labaad na waa biyaha is bedelay, oo isku bedelay shey daahir ah oo ku dhex darsamay dartii.

Labadaa waxaa leysku yiraahdaa:

Waa (طاهر غير مطهر), hal qeyb bey isla yihiin.

Qaybta | 4raad

(وماء نجس، وهو الذي حلت فيه نجاسة؛ وهو دون القلتين أو كان قلتين فتغير))

(وماء) biyo (نجس) oo nijaas soobay weeye (وهو) kaasi (الذي) kii weeye (حلت) ay degtay (فيه) dhex diisa (نجاسة) nijaasa ay degtay weeye. [nijaaso ayaa dhex gashay].

Haa nijaasa ayaa dhex gashay, shey nijaasa ah ama isaga ha u ekaado sida kaadida oo kale ama hake duwan naado shey nijaasa ah baa biyahii dhex galay.

(والحال دون القلتين) Biya haasi na ay (qulateyn) ka yar yihiin.

Nijaasadu biyaha waxa ay nijaaseyn kartaa markay dhex gasho, biyahu na ay ka yar yihiin (qullateyn) ay ka yar yihiin (2 qula) ay ka yar yihiin. Labada qula maxaa la yiraahdaa? Qullada waxaa la yiraahdaa wuu inoo sheegi doonnaa isaga ayaa inoo soo wado.

(أو) ama se (كان) waxay ahaadeen biyahu, biyaha nijaasada dhex gashay (قلتين) ama laba qulla ayay noqdeen (فتغير) markaas ayuu doorsoomay biyahii.

Biyaha nijaas soobaya laba mid weeye:

Biyahu iney qullateyn ka yar yihiin, nijaasa na gaadho ama ha bedesho ama yeynaan bedelin wey nijaas soobayaan haddey nijaaso ku darmanto.

Qullateyn bey gaadhsiisan yihiin ama wey ba ka badan yihiin, markaa waxay nijaas soobayaan keliya hadday nijaasadu bedesho;

  • oo midab kooda
  • ama ur kooda
  • ama dhadhan kooda ay wax ka bedesho.

Saas weeye macnaha.

Marka biya yar waxay ku nijaas soobayaan (bi mujaradin mullaaqaati najaasa).

Mar hadday nijaasadu gaadho biyaha yarka ah waa nijaas soobeen, xataa yeynaan is bedelin ba, biyaha badan na nijaasadu ma saameeyso ilaa ay bedesho.

Mala fahmi? Tayib.

Kuwa badan iyo kuwa yar, maxaa xad u ah oo kala saari kara?

  1. Wixii yar, waa wixii qullateyn ka yar
  2. Biyaha badan na waa wixii qullateyn gaadhaya ama ka badan

Xad daas bey marka kala leeyihiin.

Wuxuu yidhi marka:

(والقلتان: خمس مئة رطل بالبغدادي تقريبًا في الأصح)

Qulla dii buu marka inoo fasirayaa, haa qullada asal keeda waxaa la yiraahdaa, waa (dheri) (ألقُلَ) (Ashuun) ayaa la yiraahdaa, ashuun kii biyaha lagu shuban jiray ee waaweynaa ayaa (ألقُلَ) la yiraahdaa

(والقلتان) labada qullo ama labada ashuun (خمس مئة رطل) waa 500 oo rodol (بالبغدادي) oo Baqdaad loo nisbeeyay (تقريبًا) dhoweyn (في الأصح) sida saxiix nimada badan.

Yacni wuxuu doon nayaa inuu ku yiraahdo qullada qiyaas teeda maxay tahay?

Anaga hadda mathalan markaan wax yaalaha (likuwidka) ah, wax yaalaha (maayaca) ah, ee dareeraha ah, markeynu doonneyno ineynu qiyaas tiisa ogaano maxaan isticmaalnaa?

Liter baan isticmaalnaa, soo saas ma aha?

Hadda liter baan isticmaalnaa, liter, milliliter waxaas ayaan isticmaalnaa, waaggii hore kaasi lama isticmaali jirin. Waxaa la isticmaali jiray, waa la miizaami jiray (miizaan) baa la isticmaali jiray. Miizaan kii buu doon nayaa marka inuu ku xaddeeyo.

Qullataanka waxaa la yiraahdaa buu yidhi: Biyo miizaan kooda u dhigmaan 500 oo rodol oo rodolka Baqdaad ah, muxuu Baqdaadi u leeyahay?

Rodollada ayaa kala duwan:

  • Rodolka madiina iyo
  • Rodolka Baqdaad iyo
  • Rodolka Basra iyo
  • Rodolka Kuufa

Rodolladu wey kala qiyaas bedelan yihiin sooma aha?

Sidaas daraadeed rodolka Baqdaad 500 oo rodol markaad (kafada) saarto, biyaha u dhigma ee kafada kale ceshen kara ayaa waxaa la yiraahdaa qullataan.

Qullada marka meeqa ayay noqon neysaa hal kii qullo?

250 rodol ayay noqon neysaa, halkii qullo waa 250 rodol oo Baqdaadi ah, labad qullo marka leysku dara na 500 waaye. Shan tii boqol baa wuxuu yidhi (تقريبًا) waa dhadhaweyn.

(تقريبًا) maxaa laga wadaa?

Yacni waxaa laga wadaa, waxaa kala gedisan, yacni (taxdiidan aw taqriiban) ama (tatti iyo taqriib), taqriib waxaa la yiraahdaa; waa dhadhaweyn. Saa daraadeed haddey hal rodol hoos uga dhacda ama laba rodol waxaan badneyn dhib male.

500 soo meynaan dhihin?

Hadday 498, 499 hadday noqoto waa taqriiban waa u dhadhaweyn ee kama ak foga sooma aha?

Laakiin haddii (taxdiid) lagu dhaho ama (tatti) lagu yiraahdo waa iney shanti boqol ku fadhiisato, hal rodol haddey hoos uga dhacdo ma sax sana weeye markaasi taqriiban marka waa dhadhaweyn weeye agagaarka weeye meelaha agagaar keeda ah weeye taqriiban macnaha.

(في الأصح) sida saxiix nimada badan, qilaaf baa ku jira marka.

Adiga qullataanka xadiis baa ku soo arooray oo saxiix ah oo xad daa sheegaya, waana xadda ugu fiican oo lagu kala saaro biyaha badan iyo biyaha yar, biyaha yar oo ku nijaas soobaya la kulanka nijaasada iyo biyaha badan oo aan nijaas soobeynin ilaa ay nijaasada gaadhay ama ku dhax dhacday ay bedesho, xadda kala saarta ee ugu fiican waa taa xadiiska ku soo aroortay, xadiis kana waa xadiis sugan.

Haddii liter loo bedelo oo (maqaayista) hadda aan u isticmaalna ah, labada qullo waxay noqon nayaan sida ay culimadu sheegayaan taqriiban 190 liter waaye.

Haa 190 liter meelahaas weeye ayay imaan nayaa, 190 kaa liter marka wixii ka yar nijaaso hadday gaadho wey nijaaseyn neysaa waaye ama ha bedesho ama yeynaan bedelin, wixii ka badan ama la eg na? iney nijaasada wax ka bedesho mooyaan ne ma nijaas soobayaan saas ayay ka wadaan.

Waxaan ka hadleyno waa mad-habka Shaaficiga.

Mas’aladu saa maku sax san tahay mise waa laga xoog badan yahay, horaan uga soo afeefanoo waxaan nidhi doodeedu geli meyno soo saas ma aha? Haa laakiin hadda duuduub ku liq, mar dambe ayaad ka (niqaashi) doontaa.

Fiiri gaar:

Marka qullada waan soo sheegay oo qullada wax weeyaan, waa (Ashuun) weyn, dheri miyaan iri markii hore? Ashuun waaye ee dheri ma aha. [Sheekha halkaan qalad hore uga dhacay buu ku saxayaa.] Ashuunka weyn waaye, ashuumadii biyaha lagu shuban jiray ayaa qulla la yiraahdaa […].

ما يطهر بالدباغ

وجلود الميتة تطهر بالدباغ؛ إلا جلد الكلب والخنزير، وما تولد منهما، أو من أحدهما. وعظم الميتة وشعرها نجس إلا الآدمي

Hal kaasi waxa weeye waa biyayowga lagu dahaara qaato, wax yaalaha wax daahiriya waxaa kamid ah oo lagu dahaara qaato (magdin) wax la yiraahdo oo hargaha ku saabsan tii buu galayaa.

(وجلود الميتة تطهر بالدباغ)

(وجلود الميتة) baqtiga harga hiisu (تطهر) wey daahir noqotaa (بالدباغ) magdin bey ku daahir noqotaa.

Haraga la isticmaalo neefka laga soo saaray ama noolaha laga soo saaray, haduu yahay xoolaha la qasho, gowrac sharci ah na la gowracay, haraguna sidaa lagaga saaray, harag gaasi ama hala magdiyo ama yaan la magdinin nee sidiisuu daahir ku yahay.

Xoolahii la qalan jiray wey baqtiyeen, gowrac sharci ah lama gowracin harag goodii ama kuwa aan hilib koodii la cunin ba harag gooda, yacni labada dooda isku dar, haraga noocaas ah ee baqtiga laga soo saaray, daahir ma noqon karaan?

Haa waaye!

Sidee lagu daahiriyaa?

Waxaa lagu daahiriyaa (بالدباغ) magdin.

Magdinta waxaa laga wadaa, haraga marka neefka laga soo saaro waxaa ka socda dhacaan fara badan sooma aha? Baruur iyo qashin iyo wax baa la socda, waana waxa keen inta baan inuu haraga urro oo dixri galo sooma aha? Marka siyaaddaad kaa la socda oo haraga la socda, oo laga saaro waaye.

Maadada lagu saarayo lama sheegin, waxaad doonto adiga u isticmaal, ama milix isticmaal ama (gob) isticmaal ama xataa muxuu ahaay shimbiraha xaar kooda ayaa xataa loo isticmaalaa ama haddaad doonto u isticmaal muxuu ahaay (aashito) u isticmaal ama (chimico) u isticmaal sida hadda la yiraahdo. Adiga waxa weeye haraga in laga saaro weeye qashin kaas, magdinta macna haas ayaa laga wadaa.

Haraga haddii sidaa looga saaro waxaa qashinka ah, haragu markaa daahi buu noqon nayaa. Daahir buu noqon nayaa maxaa laga wadaa?

Bi macnaa waa la intifaacsan nayaa, isaga oo baqti ka soo jeeda baa haddana lagu tukan, la isticmaali, lagu seexan () waa la cuni karaa ma aha.

(وجلود الميتة) baqtiga harga hiisu (تطهر) wey daahir noqotaa (بالدباغ) magdin in la magdiyo oo qashin kaa laga saaro ayay ku daahir noqon.

Xadiiska Nabigaﷺ ayaa ku cad.

(إلا جلد الكلب والخنزير، وما تولد منهما)

(إلا جلد الكلب) Eyga harag giisa mooyee (والخنزير) iyo Dofaarka…

Labadaa iyaga harag gooda haddii si kasta loo magdiyo daahir ma noqdaan

(وما تولد) iyo wixii ka dhashay (منهما) laba dooda xaggooda ka dhashay.

Iyo wixii laba dooda ka dhashay maxaa laga wadaa?

Wixii Doofaar iska dhalo, Doofaar un baa la dhahaa xagga hore ayuu galay. Wixii laba Eey iska dhalaan na? yaa Eey un baa la yiraahdaa sooma aha? Taa hore ayuu galay.

(وما تولد منهما) muxuu ka wadaa?

Eey iyo Doofaar baa is arkay oo kulmay, markaas ayay ilmo wada dhaleen.

Kaas ayaa la yiraahdaa (وما تولد منهما).

(أو من أحدهما. وعظم الميتة وشعرها نجس إلا الآدمي)

(أو من أحدهما) Ama mid kooda xaggiisa ka dhashay oo ka yimid.

Mid kood xaggiisa ka dhashay na maxaa laga wadaa?

Doofaar kii baa xoolo u tagay mathalan, ama Eey gii baa xayawaan naad kaa kale kufsaday, markaasuu ilmo ka dhalay, sooma aha? Ilma haasi dhinac na Eey buu ka yahay, dhinac na xoolo ayuu ka yahay. Dhinac Doofaar buu ka yahay, dhinac na xoolo ayuu ka yahay. Taas ayaa waxay ku rumoow weysaa (أو من أحدهما) haa mid kood baa dhalay oo uu ka soo jeedaa.

Haduu mid isaga oo kale ka dhali lahaa (أو من أحدهما) ma noqdeen sooma aha?

Ama (كلب) buu noqon nayaa toos ama (خنزير) si toos ah.

Hadday laba dooda wada dhalaan na waa jumlada hore ee laba dooda iska dhalaan (وما تولد منهما).

(أو من أحدهما) na mid kood baa dhalay oo wuxuu ka dhalay, xayawaan kale ayuu ka dhalay, saas ayaa laga wadaa macnaha, kuwaasi marka ma daahir noqdaan oo haddii la magdiyo harag goodu daahir ma noqdo.

(وعظم الميتة) Baqtiga (Laf) tiisa (وشعرها) iyo (Tin) teedu (نجس) waa nijaaso (إلا الآدمي) bani aadamka mooyee.

  • Yacni baqtiga markuu dhinta:
  • (laf) tiisa iyo (tin) tiisu waa nijaaso, waxaa la mid ah sidoo kale,
  • (ciddi) diisu iyo
  • (qoob) kiisu iyo
  • (gees) kiisu

Shaaficiyada ak tooda nijaas ayey wada yihiin, maxaa yeelay, waxay leeyihiin;

(حُرِّمَتْ عَلَيْكُمْ الْمَيْتَةُ)

‘’Baqtigii xaaraan baa laga dhigay oo laa la idiin ka xarimay.’’

Aayadu ma kala qaadin baqtiga qeyba hiisa kala duwan.

  • Tin iyo
  • laf iyo
  • gees iyo
  • ciddi

Soo wada baqti ma aha?

Haa (الميتة) bey wada galaan bey leeyahiin, marka haddaad tiraahdo tinta waa la isticmaali karaa! Adeer daliil keen bey ku leeyihiin. Ileyn (الميتة) ayey soo wada galeen nee, saas weeye marka.

(وعظم الميتة) Baqtiga (Laf) tiisa (وشعرها) iyo (Tin) teedu (نجس) waa nijaaso (إلا الآدمي) bani aadamka mooyee.

Aadamigu isagu maya, maxaa yeelay ma nijaas soobo, Ilaahay baa si gooni ah u karaameeyoo (وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ) waaye. Isagu ma nijaas soobo, hadduu nool yahay iyo hadduu dhinta ba, jidh kiisu waa daahir, haddaan markaa wax nijaasa ah lagu haynin.

استعمال الأواني

(ولا يجوز استعمال أواني الذهب والفضة، ويجوز استعمال غيرهما من الأواني)

Halkaas wuxuu kaga soo baxay mark hargaha daahir noqday, markay daahir noqdaan oo markaa sidaa loo magdiyo waa la iibsan waana la isticmaali weeye macnaha.

(ولا يجوز) ma banaana (استعمال أواني الذهب والفضة) dahabka iyo fidada weelashooda in la isticmaalo ma banaana.

Dahabka weelasha laga sameeyay, Fidaduna waa (Silver) ka, macdan tan dahabka soo raacda ee anagu niraahno (qalinka) dhahno waaye, haa qalinka iyo dahabka weelasha ka sameysan isticmaal kooda ma banaana.

Xadiithka Nabiga ayaa wuxuu leeyahay:

‘’Haku cabina hana ku cunina dahabka iyo fidada weelashooda,’’

Oo cunitaan kaas ayaa xadiiska ku soo arooray, isticmaalka kale na wey uga qiyaas qaateen oo waa lamid bey leeyihiin. Rag iyo dumar marka waa isku mid, ragga iyo dumarku xidhishada bey ku kala duwan yihiin. Dumarka dahabka wey xidhan karaan oo waa loo ogol yahay, laakiin xagga weelasha weel in laga dhigto oo weel ahaan loo isticmaalo xaaraam nima deeda ragga iyo dumarka waa ka wada siman yihiin saas weeye macnaha.

(ويجوز استعمال غيرهما من الأواني)

(ويجوز) waxaa banaan buu yidhi (استعمال غيرهما) labadaa waxaan ahayn isticmaal kooda waa banaan yahay (من الأواني) oo weelasha ah.

Wixii aan labadaa ahayn oo weelashii kala ah waa la isticmaali karaa, xataa (jawaahiirta) qaaliga ah haba ka sameys naado…

  • Lu’lu’a iyo
  • Marjaanka iyo muxuu ahaa…
  • Macaadiinta kale ee qaaliga ah

Xataa weelku haba ka sameys naado, maxaa yeelay xadiiska (nahyiga) ah wuxuu ku soo arooray laba dooda, laba dooda ayuu marka qaas ku yahay ayay leeyihiin. Maxaa loo leeyahay marka wixii labadaa ka soo hadhay waa la isticmaali karaa?

Li’ana waxa weeye (al aslu) waxa weeyaan, waa (ibaaxa), asalku waa iney banaan tahay, daliil xaaraam meyn nayo na looma haayo, sidaasaa marka ayuu ku noqon nayaa baasha.

هذا وبالله التوفيق

Halkan waxaa inoogu dhamaaday qaybtii koowaad ee Kitaabka Abuu Shujaac ee inoo soo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido), In Shaa Allaah hadduu Ilaahay idmo waxaan idiin soo diyaarin doonnaa duruusta qeybaha xigta oo aan hadda qoritaan kooda aan ku guda jirno. Waxaan ka codsan neynaa dhamaan walaalaha ku xidhan duruusta in ay inoo soo duceeyaan inuu Ilaahay inuu fududeeyo. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com