Heshiiskii Xudeybiyah
(صلح الحديبية)

Qaybta | 2aad

Muxaadaro lagu qabtay magaalada (Johannesburg)
Wadanka (South Africa) Koonfurta Afrika sannadka 2010

Fadiilatu: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

(Ilaahay ha xafido)

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah (2)

إن الحمد لله، نحمده، و نستعينه، ونستغفره، ونعود بالله من شرور أنفسنا، وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده و رسوله، صلي الله عليه وعلي آله، واصحابه، ومن تبعهم  بإحسان إلي يوم الدين، و سلم تسليماً كثيراً،

 يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالْأَرْحَامَ  إِنَّ اللهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا

[النساء١]

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَن يُطِعِ اللهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا

[الأحزاب ٧١-٧٠]

أما بعد، فإن خير الحديث كتاب الله و خير الهدي هدي محمد صلى الله عليه و سلم، و شرالأمور محدثاتها، و كل محدثة بدعة، و كل بدعة ضلالة، و كل ضلالة في النار

(معاشرة الإخوة والأخوات)

”Allaah baa mahad iskaleh (twt) ina waafajiyay inaan isu nimaano kalana faa’ideysano. Waxaan Ilaahay weydiisan neynaa (twt) mudada gaaban ee meeshaan aan fadhino inuu miizaanka xasanaadka inoo saaro, waxa aan maqleyna na inuu Ilaahay nagu anfaco (twt).”

Soo Laabashadii Curwa ee
Qureysh uu Ku Soo Laabtay

Curwa wuxuu ku laabtay qureysh ileyn waa laga war sugaayay. Markaasuu wuxuu leeyahay tolkay yow reer kaan ka dhashay yow war kaaliya buu yidhi. Ilaahay baan ku dhaartay waxaan wafdi ugu tagay buu yidhi, anoo wafdi ah boqorada adduunka ka jira oo dhan wafdi baan ugu tagay buu yidhi.

Kisraa baa qaabilay buu yidhi waa boqorkii Furus, dowlad dii weyn neyd wee Furus, waxaan qaabilay buu yidhi Qaysar waa boqorkii imperatoradii sidoo kaleeto Ruum waa labadii imperatoryadii ugu weynaa markaa. Laba dooduba madax dooda iyo boqora dooda waan qaabilay buu yidhi. Najaashi oo boqorkii Xabashi ahaa na waan qaabilay waan u tagay buu yidhi. Ilaahay baan ku dhaartay inaanan arag buu yidhi sida ay Muxammad saxaaba diisu u weyn neyn nayeen, boqor sidaa dad kiisu ay u weyn neyn nayaan maba arkin buu yidhi, xaalad caajib ah baan soo arkay buu yidhi.

Markaasuu ka hadlaa wuxuu soo arkay.

War ninka xaaka diisu dhulka dhici meyso waa leyku waa leys marmarin nayaa, oo amar hadduu bixiyo waa loo kala tartamayaa, oo haduu biyo is mariyo biyahii baa lagu dagaallamayaa, hadduu hadlo wey wada aamusayaan war nin caadi ah ma soo arag buu yidhi. Nin kaan ciidanka uu wato Ilaahay baan ku dhaartay ineynaan iska celin karin.

Wax yar kahor na muxuu lahaa?

(Awbaash) aad soo uruurisay oo kaa carari doono waaye sooma aha?

Laakiin muxuu qaatay darsi (camali) ah ayuu qaatay, in la qanciyo la yidhi war ka carari meyno waan iska kiin celin, meel hebla ayaan idin kaga adkaanay oo meel hebla ayaan idinku jabinay oo raggii baanu nahay, taa waxaa ka muhiimsan waxaa la tusay dersi camali ah oo indha hiisu uu ku qaatay oo ku tusaayo raggani iney rag yihiin. Meeshaa buu ka qanaaca qaatay raggan ineynaan iska celin karin, reer kiisii buu talo ula tagay wuxuu yidhi:

War nin kan ragga uu wato rag caadi ah ma ehee, rag sidaa ugu dambeeyo oo saa u weyn neynayo madax xooda iyo hoggaan kooda rag leyska celin karo ma aha ee niman yow aanu qaadano heshiis. Nin kaa talada uu soo jeediyay aynu qaadano oo heshiis la galno sidii buu u soo jeediyay.

Nin reer (bani kinaana) ah oo raggii oday yaashii kamid ah ayaa wuxuu yidhi bal anigana ha la ii kaadiyo, Curwow adiga war waad keentay yee bal aniga na hadda aan ka war doono oo hala ii sugo buu yidhi halay diro.

Kac tag baa la yidhi.

Markuu soo baxay oo Nabigaﷺ iyo saxaaba diisa uu ku soo baxay, waa leys yaqaanaa reerka uu ka dhashay na waa reer la yaqaano.

Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

War nin kaan waa hebel wuxuu ka dhashay qabiil la yaqaano oo weyn neeyo oo aad u qadariya geella (Hadyiga) ah ee loo keenay Xaramka, hadyiga dad aad u qadariyo ayuu ka dhashay ee waakan soo socdee geelahii aan hadyiga u wadnay soo kaa kiciya, (talbiyada na) ku dhawaaqa…

لَبَّيْكَ اللَّهُمَّ لَبَّيْكَ، لَبَّيْكَ لا شَرِيكَ لَكَ لَبَّيْكَ،
.إِنَّ الْحَمْدَ، وَالنِّعْمَةَ، لَكَ وَالْمُلْكَ، لا شَرِيكَ لَكَ

Odayga ayaa la qancin nayaa.

Odayga maxaa lagu qancin nayaa?

Waxaa la siin nayaa darsi camali ah, anagu hadyigii beydka Ilaahay u wadnay na waakan, hadyigaan aad arkeysaan ayaa la hor taagan yahay. Xaram baan u socon naayoo cumro ayaan u soconaa waa nala hor taagan yahay.

Intii baa qancisay odaygii, markaasuu wuxuu yidhi;

Walee dad kani dadkii la hor istaagi jiray ma aha buu yidhi, ma dadka geella wada ee hadyigaan xaramka u wada ee beydka Ilaahay saa u weyn neyn naya ee iyaguna talbiyeysan naaya (لَبَّيْكَ اللَّهُمَّ لَبَّيْكَ) ku haaya, ma dad kaas ayaa la celiyaa?

Alleylahee kuwaan kuwii la celin lahaa ma aha.

Asaga oo qancay ayuu isagana meeshii ka noqday.

Maxaa lagu qanciyay?

Geellii baa la kaa kiciyay, kuruska ayaa dilaacsan, calaamadii baa ka laalaada geellii hadyiga ah, war geella, geella la hor istaagi lahaa ma aha.

Meeshaa waxaa laga qaaday xaaladaha qaar kood [duruusaha aan u tagi doono bey kamid tahay], xaaladaha qaar kood ood doon neyso muhimad (mucayan) ood gaalka u isticmaasho, qancin tiisa inaad hawshaa ku qanciso haddaad u baahato wax yaalo fara badan baa ku furan inaad sameyso, oo geella ayaa la kaa kiciyay, talbiya ayaa la qaaday odaygan ayaa la rabaa in lagu qanciyo.

Markaas ayuu wuxuu yidhi:

(سبحان الله) ma haboona ayuu yidhi kuwaan in laga celiyo Ilaahay beyd kiisa.

Waa laabtay marka, wuxuu ku laabtay qureysh oday yaasheeda wuxuu ku yidhi, war geellii hadyiga ahaa oo (cayilan) ayaan soo arkay buu yidhi oo weliba la soo calaama deeyay oo xaramka u socdo. Ilaahay baan ku dhaartay dadkaan soo arkay dad la celiyo ma aha, war niman yahoo aanu ogolaano dadkaan ha cumreys teenee beydka Ilaahay ha loo fasaxo.

Nin kale oo (ibnu xafsin) la yiraahdo oo oday ah baa wuxuu yidhi bal anigana haley diro, waa nin kii saddexaad sooma aha? Bal ana aan ka war doono buu yidhi, waa soo tagay. Nin kaasi markuu soo baxay oo Nabiga iyo saxaaba diisa ku soo baxay ayaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Nin kaas waa (ibnu xafsin) waana nin aad u xun waaye faajir waaye, yacni gaalada ayaa kala xun ma ogg tahay, waa nin khayr daran oo ciyaal suuq oo dhib badan waaye, khayr lagama sugo nin kii noocaa ahaa waaye. Asaga oo marka la hadlaaya oo isaga iyo Nabiga wada fadhiyaan oo wada hadlaayo ayaa waxaa soo baxay oday kaleeto oo la dhihi jiray Suhayl ibnu Camrin oo socda oo oday yaashii qureesheed oo socda baa ka dawa yimid oo soo baxay.

Markaasaa Nabiga wuxuu yidhi:

Arrin kiina waa fududaaday buu ku yidhi saxaabada, mar hadduu yahay nin kaas Suhayl uu yahay allaylahee arrin keeni Ilaahay faraj buu u furay waa fududaaday buu yidhi.

Meeshaasi waa meesha la yiraahdo (tafaa’ul) baa la dhahaayoo Nabigaﷺ magacyada iyo muuqaalada wuxuu ka saadaashan jiray saadaal wanaagsan (tashaa’ul kana) waa saadaasha (tiyyarada), saadaasha xun iyo inaad maqluuqa Ilaahay wax xun ka saadaashato oo wax xun ka filato kaa waa la diiday, laakiin in wax wanaagsan ka saadaashato oo xaggee buu ka saadaashaday nin kaan magaciisa waxaa la yiraahdaa Suhayl, Suhayl na waa (Sahal) oo la (tasfiiriyay), Sahal na kalimada carabi macnaha waxa weeye (fududeeyn) weeye. Maadaama magac ciisu ba Suhayl yahay allaylahee arrin keenu waa fududaaday buu Nabigaﷺ yidhi. Markaasuu saxaaba u sheegay Nabigaﷺ.

Qodobaddii Heshiiska Lagu Galay

Suhayl markuu meesha yimid oo Nabiga la soo istaagay wuxuu yidhi:

‘’Adiga iyo anaga heshiis baan galeynaa, qoraal baana kala qoran neynaa, qodobo iyo () waa kala saxiixan neynaa, marka keen waraaqdii wax lagu qori lahaa, hala keeno.’’

Wuxuu u yeedhay Nabiguﷺ marka ninkii qoraaga ahaa ee wax qori lahaa, waa Cali ibnu Abii Taalib (rc), ileyn Nabi geenu waxna ma qorin jirin, waxna ma akhrin jirin. Ilaahay (twt) waxay ahayd mucjiso uu siiyay, asaga oo waxna qorin waxna akhrin haddana quraan kaa in la siiyay. Marka wax alla wuxuu rabo inuu qoro oo dhan rag baa u qori jiray (karaani yaal) ah oo wax kasta qora waxyiga qora, waxyiga markuu soo deggo ayaa loo qori jiray, waraaqaha uu boqorada u diraayo isaga uu yeedhin naayay laakiin rag baa qoraayay, raggii qoraaga ahaa nin kamid ah ayuu u yeedhay, Cali ibnu Abii Taalib buu u yeedhay.

Markaa suu yidhi Nabigaﷺ:

Caliyow waxaad qortaa… () heshiis kii baa la qorayaa… Caliyow waxaad qortaa…

﴾بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ﴿

Waraaqdii ugu horeysay waaye, ileyn magaca Ilaahay baa wax lagu bilaabaa sooma aha?

Suhayl baa soo booday waa odaygii dhanka qureysh matalayay heshiiska, markaasaa wuxuu yidhi […]

Raxmaan kan aad sheeg geeyo Maxammadow ma naqaano buu yidhi anaga wuxuu yahay, laakiin waxaad qortaa…

‘’ بِاسْمِكَ اللَّهُمَّ ‘’

Anagu (ar-Raxmaan iyo ar-Raxiim) adiga un baan warkaa kaa maqal naayee, waxaan fahamsan nahay oon naqaan maba ehee, intaad kaa meesha ka tirto waxaad qortaa… (بِاسْمِكَ اللَّهُمَّ) saad hadda kahor ba u qori jirtay taas ayaan isla naqaan naa yee.

Li’ana qureysh Ilaahay magac ciisa iyo sifa diisa (الرَّحْمنِ) wey diidi jireen sooma aha?

‘’ وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اسْجُدُوا لِلرَّحْمَٰنِ قَالُوا وَمَا الرَّحْمَٰنُ أَنَسْجُدُ لِمَا تَأْمُرُنَا وَزَادَهُمْ نُفُورًا ‘’

[سورة الفرقان آية ٦٠]

Marka wuxuu yidhi (الرَّحْمنِ) anagu garan meynee (بِاسْمِكَ اللَّهُمَّ) baan anagu wax ku bilaaban naa oon garan neynaa yee taas qor buu ku yidhi.

Markaasay muslimiinta waxay yidhaahdeen saxaabada meesha joogtay oo goob joogta ahayd:

Odaygan ma isagaa noo yeerin nayaa heshiiska labada dhinac ba iney wax isla gartaan waaye, ma asaga ayaan war kiisa yeeleynaa, wallaahi inaan naan qoreynin (بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ) ama ha ogolaado ama ha diido, laakiin (بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ) lama tiraayo, yey yihiin?

Waa saxaabada (rc)

Nabigaﷺ baa wuxuu yidhi:

Caliyow intaad tiro (بِاسْمِكَ اللَّهُمَّ) qor buu yidhi seey rabaan u qor, taa waa laga gudbay sooma aha? Qodob kaa waa loo (tanaazulay) (بِاسْمِكَ اللَّهُمَّ) baa loogu qoray (الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ) waa laga tiray.

Markaasaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Waxaad qortaa kani waa wixii uu kula heshiiyay Muxammad Rasuulka Ilaahay ahaa wixii uu Suhayl kula heshiiyay waaye.

Saa u qor buu yidhi heshiiska.

Muxammad oo Rasuul Ilaahay ah wixii uu Suhayl kula heshiiyay weeye.

Suhayl baa soo booday haddana, markaasaa wuxuu yidhi:

Ilaahay baan ku dhaaranee haddaan ogg nahay inaad Rasuul Ilaahay tahay qirsan nahay oon ogol nahay, maba aanan beydka kuu diidneen buu yidhi, mana aanan kula dagaalameen oo Rasuul nima daada anagu ma ogolni nee, (رسول الله) intaad meesha ka tirto waxaad noo qortaa Muxammad ibnu Cabdullaah, odaygii Cabdullaahi ahaa inuu ku dhalay baa anagu qirsan nahay oon isla ogol nahay taa noo qor buu yidhi, ina Cabdullaahi inaad tahay qoro, amaa Rasuul Ilaahay ayaan ahay hanoo hoos gelinin anaga buu yidhi.

Heshiis yada marka la qoraaya waa qatar sooma aha?

Oday gaani waa (foojigan) yahay, waa is ilaalin hayaa, kalima daas buu ka dagaalsan yahay (الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ) diid, (رسول الله) diid ka tir buu yidhi meesha, muslimiinta waxay dheheen la tiri maayo, lama tiraayo maxaa yeelay Rasuul baad tahay, rasuul inaad tahay na waa xaq, sidaas daraadeed lama tiraayo, Suhaylow saa ku ogolow ama kac iska tag.

Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Maya Caliyow tir buu yidhi, (رسول الله) meesha ka tir oo waxaad ku bedeshaa (ibnu Cabdullaahi) ku bedel.

Cali ibnu Abii Taalib (rc) wuxuu yidhi Rasuul Ilaahayow gacan aan leeyahay (رسول الله) ma tiri karto buu yidhi (رسول الله) gacan aan leeyahay inaan ku tiro, maya buu yidhi. Markaasuu Rasuulkaﷺ wuxuu yidhi aniga i tus buu yidhi, (رسول الله).

Muxammad iyo (رسول الله) soo laba kalimo oo is dawa yaal sooma aha, labadaa tee baa (رسول الله) ah farta ii saar buu yidhi anaa tiri. Ileyn ma kala garan naayo Rasuulkaﷺ, li’ana waxna ma qoro waxna ma akhriyo, farta na ma garan naayo. Markaasuu yidhi aniga ii sheeg tee baa (رسول الله) ah anaa gacan teyda ku tiraayo.

Markaasuu Cali wuxu yidhi middaan waaye, kadib Nabigaﷺ wuu tiray, markaasuu yidhi bedel keeda waxaad ku qortaa Muxammad ibnu Cabdillaah. Sidii baa la qoray odaygii warkiisa baa la yeelay, qodob kaana waa loo (tanaazulay).

Qodobka saddexaad wuxuu yidhi Nabigaﷺ:

Waxaan ku heshiin neynaa in aad anaga iyo beydka Ilaahay dhexdeena ka baxdaan oo isu kaana baneysaan oon na soo dhawaafno, intaan dhawaaf nana aan idinka noqono.

Suhayl markaasaa wuxuu yidhi:

Ilaah baan ku dhaartee iney naan carab ku sheekeeysan neynin in (presior) iyo culeys nalagu qabtay oo dhawaaf kii kacbada xoog nagala qaatay oo inta nala dul yimid na cabsiiyay, cabsi inaan ku bixinay iyo presior iyo hanjabaad, carab ku sheekeeysan meyso buu yidhi. Yacni waxaa soo baxayso waaye, haddaan maanta idiin ogollaano socod kiinaa inaad soo dhawaaftaan sheekada leys gaadhsiin waxa weeye, qureysh waa laga adkaaday oo wiilkii madiina joogay ee iyaga ka dhashay ayaa ka adkaaday oo kacbadii xoog baa lagaga qaatay, warkaasi bixi maayo buu yidhi, kaana yeeli meyno.

Oo maxaa xal ah marka?

Laakiin taa waxaan ogollaan neynaa buu yidhi inaad sannadka soo socda kan ku xiga soo cumreys sataan, xoogaa waxaa la yidhaahdaa […]

Siyaada dooda ayay yara ilaashan naayaan oo, magac ilaalis baa markaa ku jira.

Waad noqon oo Madiina iyo meesha aad ka timid baad ku noqon, laakiin sannadka dambe ayada oo u muuqata inaan anaga kuu ogollaanay oo aad qasab nagaga qaadanin, sannadka dambe imaaw oo sannadka todobaad ah imaaw oo adiga iyo raggaaga soo cumreysta, weliba (shuruud) baad ku imaan neysaan…

  • Hub ma soo qaadan kartaan
  • Seyfo un baad magaalada la soo gelin kartaan
  • Seyfahuna waa iney gal kooda ku jiraan, galka kama siibi kartaan
  • Mar alla markaad dhameys sataan dhawaafka iyo kacbada iyo cumradana toos waa inaad u gadoontaan, sannadka dambe ayaan idiin ogol nahay.

Nabigaﷺ wuxuu yidhi bal iyagana qora, bal saa haloo qoro sannadka dambe, sannad kaan waan iska noqon neynaa, middii saddexaad waa laga (tanaazulay) sooma aha?

Suhayl baa marka (shardi) gashaday oo wuxuu yidhi, shardi kale na meesha ku qor buu yidhi qodob kale ku dar, oo muxuu yahay? Cid kasta oo anaga naga mid ah oo diin taada oo gasha oo ku soo aada inaad noo soo celin neyso.

Muslimiin tii soo islaam meysay ee soo hijroon neysay in irida laga xidho, nin kasta oo naga soo islaamo oo adiga ku soo aada in aad noo soo celin neyso oo aad inoo soo gacan gelin doonto ku dar shardi gaas.

Markaas ayey arrinta kululaatay!

Saxaabadii meesha joogtay waxay yidhaahdeen:

See gaalo loogu celin nin muslim oo soo islaamay oo gaalo ka soo fakaday oo noo yimid oo (daarul hijra) yimid, gaaladii dib haloogu gacan geliyo oo haloo dhiibo seey ku dhici kartaa. Muslimiintii arrinta waa ku adkaatay, intii qodob oo la maraayay qodob kaan ayaa ugu adag soo saas ma aha?

  • Cumrada dib u dhig
  • Waxa kale tir
  • Tana tir

Laakiin ruux soo islaamay noo soo gacan geli, saxaabadii waa liqi waayeen waa ku adkaatay, ayaga oo saa ku sugan oo warkii la wada ba oo heshiis kiiba qodob kaa leysla qaadanin ayaa waxaa soo istaagay nin la yiraahdo Abuu Jandal ibnu Suhayl ibnu Camrin oo odaygan heshiiska qureysh u galaaya wiil uu dhalay Abuu Jandal la yiraahdo oo xidhxidhan, waa seeteesan yahay, waa dabran yahay, laakiin wuu siriqsan nayaa.

Siriqsiga soo ma taqaanaan?

Yacni geella marka dabro ama xoolaha la dabro isaga oo dabran ayuu wuxuu u socon nayaa labad lugood buu isku dhoweyn nayaa tartiib buu u socon nayaa, asaga oo meel Makka kor keeda dhuumasho kaga soo baxay, haddana marna gurguuran hayo, marna siriqsan hayo oo xidhxidhan oo katiinadeesan ayuu muslimiintii isku soo dhex tuuray, aabahiina waa ninka heshiiska qoraaya.

Markaasaa wuxuu yidhi: Yaa Muxammad! Odaygii baa dhahaaya.

Cidda ugu horeyso ee aan heshiiska kula galaayo in aad ii dhiibtid ood ii soo celin neyso kan ayaa kamid ah buu yidhi, wiil keygan hadda yimid heshiiska waa inuu isaga ku fulo, waana inaad ii soo gacan geliso ood ii soo celiso buu yidhi.

Markaasaa wuxu yidhi Nabigaﷺ:

War ninyow qoraalkii weli meynaan dhameynin nee!

Heshiis goormuu dhaqan galaa?

Soo markii la saxiixo kadib ma aha?

Qoraalkii na weli lama dhameynin, lamana saxiixin wuxuu yidhi waa inuu dhaqan galo, markaasuu Nabiga yidhi war dee qoraalkii weli ma aan dhameynin nee, ha dhaqan galo oo wiil kaan ha lagu bilaabo, hadda seey wax kaa yihiin ninyow?

Oday wax garan nayo heshiis yada garan jiree see wax kaa yihiin?

Wuxuu yidhi maya. Hadaan wiil kaan celin neynin wax heshiis ah oon kula galaayo ma jiro buu yidhi, wixii hore oo dhan wax kama jiraan weeye, hal bacaad lagu lisay weeye oo waxaan ku soo heshiinay oo dhan waa kakac, hadaadan kan iga ogollaan buu yidhi, waaba iska tagaaya ba.

Markaasuu Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Waxaan ka codsan nayaa kan ii daa buu yidhi, wixii kale ee soo islaamo waan kuu soo gelin, laakiin waxaan kaa codsan nayaa kan duruuf qaas ah weeye welina heshiiskii meynaan saxiixin nee kan ii daa buu yidhi.

Markaasaa wuxuu yidhi maya, welee inaanan kuu ogollaan neynin buu yidhi.

War ninyow maya, yeel, waa leysku celcelin nayaa, war maya iga yeel buu yidhi ninyow oo nin kaan ii daa.

Markaasuu yidhi ma yeelayo, kaama yeelayo ii soo celi wiilka, odaygii Mikris ahaay oo khayrka darna baa meesha jooga, markaasuu wuxuu yidhi: Bal aan isaga deeyno buu yidhi, hadiiba heshiiskii wiil kaan ku xidhan yahay, wiilka aan u deeyno, maya buu yidhi Suhayl baa dhahaayo maya ma socon neyso.

Nabiga wuxuu go’aan kii qaatay oo heshiiskii galay in ruux kasta oo muslim ah, oo mudadaa soo islaamo oo qureysh ka yimaada in dib loogu gacan geliyo Suhayl wiil kiisa na Abuu Jandal lagu bilaabo oo dib loo celiyo waa ogollaaday Nabigaﷺ.

Abuu Jandal marka in la celiyo ayaa la bilaabay oo inta la qabto xoog lagu celiyo, markaasaa wuxuu leeyahay:

Waa iska hawar wacday!

War muslimiin taay! Walaalayaallow! War magaaladii baa leygu celin, aniga oo muslim ah ayaan idin imid. Haa waa hawar wacan nayaa, war dhibka i qabsaday sooma aragtaan?

Abuu Jandal wuxuu kamid ahaa raggii Makka aad loogu ciqaabay, jidh kiisa marka ciqaab badan baa ka muuqata, garaacis iyo dil iyo rafaad baa ka muuqda. Markaas ayuu leeyahay war dhibka I haysto sooma aragtaan? War dhibaatada la ii geestay sooma aragtaan, meesha la iigu sii wado! War wax ila qabta buu leeyahay.

Hadda meeshaasi meel leys hayn karo ma aha, sooma aha?

Rag bey bahasha la booday markiiba, rag baa xamaasada la booday, oo xanaaqay oo is hayn waayay Cumar (rc) baa kamid ahaa, wuxuu yidhi:

Ilaahay baan ku dhaartay yee intaan soo islaamay ma shakiyin buu yidhi maalintaa kahor buu yidhi. Weligey qalbigey shaki ma gelin buu yidhi maalintaa kahor.

Markaasaa wuxuu yidhi:

Nabigaﷺ ayaan u imid buu yidhi, markaasaa waxaan iri: (Rasuulkii) Allow!

Sow Nabigii Ilaahay oo xaq ah ma tihid?

Markaasuu Nabigaﷺ yiri (haa) waan ahay.

Markaasaan waxaan iri buu yidhi:

Sow anaga xaq kuma sugnin, cadowga naga na sow baadil kuma sugna?

Markaasaa Nabigaﷺ wuxuu yidhi (haa).

Markaasaa waxaan iri buu yidhi:

Maxaan dulliga u qaadan neynaa hadday arrintu sidaas tahay? Maxaan dulliga u qaadan neynaa, heshiis dulli ah maxaan u galeynaa xaq haddaan ku sugan nahay, haddii nala dilo janno ayaan galeynaa, haddaan leyno na naar bey galeyaan, haddaan adkaano na waan adkaanay, labada mid baan ku fadhina, maxaan heshiis kaan dulliga ah u qaadan neynaa buu yidhi, saas baan ku iri buu yidhi. Maxaan u noqon neynaa oo Madiina ugu noqon neynaa iyadoo Ilaahay na kala saarin anaga iyo reer Makka, maad na fasaxdid aan raggaan iska celin nee?

Waan ka adag nahay oo waan ka dad badan nahay oo anaga oo intaan ka yar baanu ka adkaanay, maanta intey noo yeeriyaan qodobo adag oo heshiis noocaas ah oo sidaa u qaadano, dulli nimadaa maxaan u qaadan neynaa miyaan naan dad xaq wato ahayn, miyaadan Nabi Ilaahayow xaq ah ahayn, maxaan saa u yeeleynaa, Cumar waa ka noqotay.

Markaasaa Nabiga wuxuu ku yidhi: Jawaab gaaban baa la siiyay.

‘’Cumarow Rasuul Ilaahay baan ahay marka hore, nin la soo dirsaday baan ahay Alle (swt) ayaa I soo dirsaday, isaga ayaana ii hiilin doono, oo ii hiiliyay iina hiilin doono, mana caasin naayo Rabbigay (twt).’’

Meeshaa maxaa ka muuqdo?

Amarka waa amar Rabbi wato, amar Rabbi wato na ku amar diidi maayo, asagaana ii hiilin, anigu na Rabbigay ayaan ka amar qaadan naayaa Cumarow.

Amar Ilaahay meel laga maro ma jirto, adigu u hayso iney dulli tahay, iney qodobadu adag yihiin, iney qalafsan yihiin, iney xaq daro yihiin, laakiin Nabigu waa amran yahay qaado ayaa la leeyahay.

Soo saas ma aha?

Marka meel aan ka mari karo ma jiro buu yidhi Cumarow, warka waa loo gaabiyay.

Markaasuu Cumar (rc) wuxuu yidhi:

Intaan madiina joognay een soo soconay, soo maanan noogu sheekeynin, beydka ayaad tagi doontaan, waadna dhawaafi doontaan? Aaway dhawaafka aad noo sheegeeysay.

Nabiga baa wuxuu u soo sheegay, beydka waad tagi doontaan, waadna dhawaafi doontaan baa loo soo sheegay. Markaasuu wuxuu leeyahay xataa balanta aad inuu qaaday aaway? Waakan nala celiyay laaban neyno aniga oon dhawaafin, waxaad inoo sheegtay aaway.

Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Waa runta buu yidhi, warkaa waan idiin sheegay balan taana waan idiin siiyay, laakiin wuxuu ku yidhi, aniga miyaad iga maqashay oo kuu sheegay sannad kan laftiisa inaad dhawaafi doono oo Cumreysan doono mise keliya waxaan kugu iri waan cumreysan doonnaa waan dhawaafi doonnaa, mise sannad kan ayaan kuu sheegay?

Cumar wuxuu yidhi maya sannad kan ma aad ii sheegin!

Hadii lagu yidhaahdo waad taajiri doontaa ee ganacso! Oo balan qaad lagu siiyay waad taajiri doontaa ee ganacso, oo intaad labad beri suuqa tagtay aad waxba weydo, ood tiraahdo war aaway balantii? Dee waqti laguu qabtay weeye sooma aha?

Sabir oo sug!

Cumar waxaa loogu jawaabay, war heedhe! Sannad kan kuma dhihin nee ee waxaan ku iri waad dhawaafi doontaa, balan tiina waa sidii ee waqti anigu kuma siinin, Cumar sidaas ayuu Nabigaﷺ ku yidhi.

Waad tagi doontaa beydka, waad na dhawaafi doontaa!

Cumar intii kuma qancin waa soo tagay, Abuu Bakar (rc) buu u yimid markaasuu wuxuu ku yidhi sidii uu Nabiguﷺ ku yidhi:

Abuu Bakarow miyay naan xaq wadanin, gaaladana miyey naan baadil ku sugneyn, Nabigeena miyuusan xaq ahayn? Maan gaalada iska celino, maxaan dulligan u qaadan neynaa, waan ka adag nahay maan la dagaalano, oo maxaan dulli nimada u aqbaleyn naa sidii oo kale ayuu Abuu Bakar (rc) ku yidhi. Abuu Bakar markaa waa deggan yahay wuxuu ku yidhi:

Jawaabtii Nabiga uu siiyay mid lamid ah buu isagana siiyay, wuxuu ku yidhi:

Waa Rasuul Ilaahay, Allaah ayaana soo dirsaday, Allaah ayaana u hiilin naaya, Rabbi giina ma caasin naayo wuu ka amar qaadan naayaa ee mid baan kuu sheegi buu yidhi ninka la yiraahdo Cumarow, hadaad badbaado rabto (koora hiisu) qabso buu yidhi.

Kooraha waxa waaye yacni gaadiidka fardaha iyo geella marka la fuulayo sheyga korka laga saaro ee lagu fadhiisto gadaal na kaa qabto wuxuu leeyahay marka (dariiq) qiisa iyo gadaashiisa iyo jid kiisa qabso haddaad badbaado rabto war kaana jooji buu ku yidhi Cumarow, amarka Nabiga qaado taladiisa yeel dariiqa uu ku mariyo na mar.

Xaq buu ku sugan yahay buu yidhi, taa aad adigu dulliga u aragto buu xaq kugu sugan yahay saa u qaado buu ku yidhi.

Cumar ibnu al-Khattaab (rc) mowqifkaa asaga ah saxaabada qaar kood baa la qabay oo qaadan waayay, heshiis adag oo aad u qaraar oo dulmi ka muuqdo oo dhiiranaan fara badan gaal kan dhiirran, hadduu haddana kaa adag yahay wax bey ahaan lahayd, kaa xoog badan yahay, haddana aad ka xoog badan tahay oo maanta haddaad talaawdo ku qaado isaga iyo wuxuu yahay ba aad soo qaqaban, haa saxaabadii arrinta waa u dhadhami weyday waa liqi waayeen.

Mar dambe Cumar (rc) oo dhacda daasi dhacday oo dhamaatay kadib ayaa wuxuu leeyahay: maalinkaa waxaan sameeyay dib markaan ka xusuusto ba acmaal aad u fara badan oon ku toobad keenayo ayaan sameyn jiray buu leeyahay, maalinkaa qalad ka aan galay iyo waxaan sameeyay saas waaye macnaha.

Adiga warka murti diisa!

Nabigaﷺ iyo qureysh heshiis kii bey kala saxiixdeen, qodobada heshiis kuna waa kuwa aan soo sheegnay.

Waxaa kamid ahaa:

10 sanno inaan la dagaalamin, tobon sanno oo maanta ka bilaabata adiga iyo anaga dhex deenu heshiis beynu nahay, xabad joojin, ha leysu socdo, dadku ha nabad galeen, xabadu ha istaagto, 10 sanno heshiiska ayay kamid tahay.

Heshiiska waxaa kamid ahaa:

Qabaa’isha wadanka deggan ee carabta ah, qoladii adiga (bah) wadaag kula noqoto, xukun kaaga ayay qaadan, intii anaga (bah) wadaag nala noqoto na xukunka naga ayay leeyihiin, dadka waa qeyb, qeyb na waxay gashay Nabiga iyo (xilfi giisa) dhex diisa, hadda qabaa’il gaala ah, qabaa’il na waxay (xilfi) iyo bah wadaag la noqdeen qureysh, labadaa xilfi baa lagu kala biiray.

Markii la dhameeyay qoraal kii heshiiska uu dhamaaday, ayuu Nabiga markaa saxaaba diisa amar siiyay, wuxuu ku yidhi: […]

‘’Istaaga oo xoolaha aad wadataan qala, geella gowraca oo xoolaha qala’’

Macnaha waxa weeye, haddaad xajj u socotay ama cumro u socotay oo lagaa hor istaago, meesha laguugu hor istaago ayaa waxaad wadato lagu qalaa waana la noqdaa, xoolaha qala buu ku yidhi, oo xiirta weynu laaban neynaa amar kaas ayuu Nabigaﷺ bixiyay. Raggii la yaqaanay ee markuu amar bixiyo amar kiisa ku tartami jiray ee isku leyn jiray, hal ruux oo istaago ayaa laga waayay, hal ruux oo amar qaato ayaa laga waayay, fadhiga ayaa la deystay hal nin oo is xiiran naayo iyo mid neef gowracaaya midna ma jiro. Waa waxaan saxaabada lagu aqoon jirin waaye!

Nabigaﷺ waa xanaaqay, waa ka xumaaday, arrin tii wey dhibtay, ayagu amar diido ma aha saxaabadu, ma amar diidayaan laakiin rajo waxay qabaan, xooggaa amaad u yara kaadisaan, xagga Rabbi ayuu ka yimaadaa xukunka in la bedelo, bal wax yar u kaadiya.

Li’ana hadda kahor bey waxay yaqaaneen dhacdooyin noocaas oo kale ah, oo Nabigu intii amray, oo xooggaa ay yara sugeen, xukun kii la bedelay ba.

Waxaa kamid (Qaybar) oo kale.

Qaybar markay qabsadeen ayaa waxay sameeyeen, wey gaajees naayeen nee, dameero intey qasheen bey dabka saarteen.

Nabigaﷺ qeylo ayaa soo gaartay.

Rasuul Ilaahayow dameero ayaa la qashay, weyna karayaan, hilib kii weli lama cunin, laakiin wey karkarayaan hilibka inuu bislaado ayuu ku dhow yahay!

Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Daadiya weelashana jajabiya.

Wey ku soo noqdeen oo waxay yidhaahdeen Rasuul Ilaahayow, mise waan daadin naa weelashana waan dhaqan naa?

Maya weelasha dhaqda buu yidhi marka, haa daadiya oo weelasha dhaqda.

Marka waxay sugayaan, inay xooggaa cagta dib u yara dhigeen, waxay is leeyahiin xukun kani armuu wax is bedel yimaadaa oo xagga Rabbi ay ka yimaadaan, bal Nabiga aan xooggaa cagta u yara dib dhigno, rajo ayay qabaan.

Nabigaﷺ saddex jeer markuu ku celiyay, war xiirta, xoolaha na qala, wax is dhaqaajiya na la la’ yahay wuu isaga soo dhaqaaqay. Markaasuu wuxuu u soo galay xaas kiisii Ummu Salamah (rc) wuxuuna u sheegay wuxuu kala kulmay dadka, dhib kaan ayaa I qabsaday buu yidhi Ummu Salamah, dadkii amar kii qaadan waayay, maxaan sameeyaa?

Markaas Ummu Salamah waxay tiri:

Rasuul Ilaahayow! Ma jeceshahay iney sameeyaan, iney amar kaaga qaataan ma rabtaa?

Haa buu yidhi Nabigaﷺ:

Waxay ku tiri intaad baxdo nin ayaga kamid ah hala hadlin, adigu xoolaha aad wadato horta gowrac ku bilow, kii timo xiiraha ahaana u yeero oo timahaaga xiiris ku bilow, markay arkaan adiga oo sameyn naya iyaga ayaa ku raaci doono bey tiri, hadalka iska jooji ficil ku bilow.

Nabigaﷺ taladii Ummu Salamah wax weyn baa uga baxay, Nabigaﷺ wuu soo baxay markaasuu wuxuu bilaabay inuu xoolahii gowraco, tima hiisii na xiiro.

Markay saxaabada arkeen Nabiga oo howshii ku tilaabsaday, waxay bilaabeen dhamaan tooda iney xoolahii ku dareeraan oo la gowraco oo timahii isu xiiraan oo qaar kood qaarka kale waxay ba sikteen iney murug la dhintaan. Haa xoolahii baa la qalay, waa la xiirtay waa la diyaar garoobay. Markaas ayay waxay bilaabeen iney noqdaan, oo noqosho ayaa marka leysu diyaariyay.

Heshiiska qodob kiisii ahaa marka ciddii timaado oo soo islaamto oo naga soo tagto oo adiga ku soo aado noo soo celi, qodob kaas ayaa wax lagaga noqday, quraan baa soo dagay qodob kaas qeyb kamid ah soo saaraya… […]

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا جَاءَكُمُ الْمُؤْمِنَاتُ مُهَاجِرَاتٍ فَامْتَحِنُوهُنَّ اللَّهُ أَعْلَمُ بِإِيمَانِهِنَّ فَإِنْ عَلِمْتُمُوهُنَّ مُؤْمِنَاتٍ فَلا تَرْجِعُوهُنَّ إِلَى الْكُفَّارِ لا هُنَّ حِلٌّ لَّهُمْ وَلا هُمْ يَحِلُّونَ لَهُنَّ وَآتُوهُم مَّا أَنفَقُوا وَلا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَا آتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَلا تُمْسِكُوا بِعِصَمِ الْكَوَافِرِ وَاسْأَلُوا مَا أَنفَقْتُمْ وَلْيَسْأَلُوا مَا أَنفَقُوا ذَلِكُمْ حُكْمُ اللَّهِ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ

[سورة الممتحنة آية ١٠]

Waxaa la yidhi heshiiska aad gasheen oo celinta dadka ku saabsanaa dumarka mu’minaatka ah kuma jiraan, waxa la celin karo waa nin rag ah, amaa dumar soo Islaamtay ayada lama celin karo, imtixaana iney iimaanku dhab ka yahay ooy naan danna kale u imaanin, haddaad taa ogaataan ha celin nina.

Heshiiskii marka waa la qasisay!

Maxaa lagu qasisay?

Rag keliya sooma aha? Dumarka waa laga saaray.

Waxaa kaloo meeshaa yimid, iyadana in saxaabadii la yiraahdo, dumarkii gaalada ee aad qabteen xarig gooda ha sii haaynina…

‘’ وَلا تُمْسِكُوا بِعِصَمِ الْكَوَافِرِ ‘’

‘’Dumarka gaalada ah xarig gooda ha haaysanina.’’

Markay soo degtay baa rag badan oo uu Cumar ibnu al-Khattaab (rc) uu kamid yahay baa dumar ay qabeen oo Makka ku dambeeyay oo gaala ah bey iska fureen, gaaladii Makka joogtay baa guursatay.

Nabigaﷺ markaa waa soo laabtay intaasi markey dhacday ayuu Madiina ku soo laabtay, intuu jidka ku soo jiro oo uu Madiina u soo socday ayaa waxaa soo degtay suuradda la yiraahdo (إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا) suuraddaas oo kaamil ah ayaa soo degtay, oo la leeyahay dhacdadii dhacday waxay ba ahayd (fatxi iyo furasho) ayay ahayd, (nasri) iyo guul iyo lib bey ba ahayd. Waxaan u tegi doonnaa heshiiska xudeybiya ee qodoba diisu sidaas ay u adag yihiin, see buu nasri iyo guul ku noqday oo Ilaahay (swt) ugu tilmaamay, ileyn guul baa lagu tilmaamay.

Markaasaa Alle wuxuu amaanay mu’miniin tii heshiiska ka qayb gashay, mu’miniin tii beycada gashay, yacni waxaa laga hadlay Rabbi dagaalkii uu baajiyay, waxaa laga hadlay jaahiliyada iyo waxay ku kacday qureysh, waxaa oo dhan ayey suuradda faah faahin neysaa, heshiis kaas saas ayuu ku dhamaaday.

Waxaan raacin nayaa oo (In Shaa Allaah) gabagaba diisa aan ka dawa geyn neynaa, qiso yar oo iyada na la xidhiidha heshiis kaa isaga ah, wuxuu na ahaa Nabigaﷺ markuu magaalada Madiina yimid ayaa waxaa yimid nin la yiraahdo Abuu Basiir, wuu soo islaamay, nin reer qureesheed buu ahaa, nin dhalin yara ah na wuu ahaa, markuu soo islaamay buu soo hijrooday Nabigaﷺ ayuu Madiina ugu yimid waa soo cararay.

Qureysh markay ka war heshay nin kaas inuu Madiina aaday oo islaamay, laba nin bey ka soo dawa direen, waxay yiraahdeen Muxammad u taga waxaad tiraahdaan balan teenii noo ooffi oo nin kaan noo soo gacan geli heshiis baa inaga dhaxeeyee.

Markay Nabiga u yimaadeen labadaa nin, Abuu Basiir baa la soo qabtay gacanta ayaa laga geliyay, labadii nin baa loo dhiibay kaxaysta baa la yidhi, ileyn waa heshiis.

Wuu raacay labada nin laba seyfood bey wataan, markay magaalada xoogaa ka soo baxayn oo ka soo fogaadeen oo (Xuleyfa) meel la yiraahdo ay marayaan isagiina ay wataan oo maxbuus ugu yahay ayay markaa intey deggeen bey waxay bilaabeen inay timir cunaan, timir ay wateen iney cunaan, iyaga oo timir tii cunaaya ayaa Abuu Basiir wuxuu ku yidhi labadii nin mid kamid ah:

Ilaahay baan ku dhaartay waxaa ii muuqata, seyf taada iney tahay seyf aad u qiimo badan, war ninyow seyf taan xaggeed ka keentay, qiimo badan naa oo qurux sanaa.

Kii markuu sidaa ku yidhi, kii kale ayaa seyf tiisii galka ka siibay, markaasaa wuxuu yidhi, haa Ilaahay baan ku dhaartee waa seyf aad u qurux badan buu yidhi, wey fiican tahay, waan tijaabiyay oo waan tijaabiyay oo waan ku dagaalamay oo intaas ayaan haystay seyf lamid ah ma arag buu yidhi, walaahi waa qaali buu yidhi seyf caadi ah ma aha. Intii baa leys dhaafsaday.

Markaasuu wuxuu ku yidhi Abuu Basiir: war ninyow bal ii dhiib aan fiiriyee buu ku yidhi, bahashaan bahal caadi maba ehee! Bal aan fiiryee ii dhiib wax yar gacan teyda soo geli buu yidhi. Nin kaana waaba is halmaamsan yahay ba. Seyf tii buu u dhiibay, seyf tii markuu u dhiibay, seyf tii intuu ku dhuftay dhulka ba lama gaadhin nafta qoorta buu u caseeyay waa dilay.

Kii markuu dilay, kii kale nafta ayuu u yaabay waa cararay, meesha dad kuugu dhow u carar buu is yidhi.

Xaggee dad ugu dhow? Madiina

Nabigaﷺ iyo madiina ayuu dib ugu soo cararay, Abuu Basiir na waa dawa ordaya, asaga oo eryanaaya oo dawa ordaaya oo seyfta u siiban tahay kanna naftu hayso ayuu masaajidka isku soo tuuray, waa kii gaalka ahaa.

Markaasuu yidhi Muxammadow! Saaxiib keyga waa la dilay, anna waan dil nahay buu yidhi ee ninyow i badbaadi buu yidhi.

Nabiga markuu arkay baa wuxuu yidhi:

‘’Walee kanni wax laga naxo waa arkay buu Nabiga yidhi,’’

Saaxiibkii oo naf tiisa la garab dhigay, oo madaxiisii na meel yaalaan, jidh kiina meel yaal iyo isagii oo seyf tii oo dhiig leh lala dawa ordaaya.

Wali kanni wax laga naxo waa arkay buu Nabigaﷺ yidhi!

Abuu Basiir baa Nabigaﷺ u yimid wuxuu yidhi Rasuul Ilaahayow!

Ilaahay balan taada waa ooffiyay buu yidhi, waad i gacan gelisay, balan tii Ilaahay aad la gashay ood dadka la gashay waad ooffisay oo waad fulisay buu yidhi, waad i gacan gelisay oo waad i dhiibtay buu yidhi, Ilaahay baana iga badbaadiyay oo waxaad sameysaa nin kaan ii daa aan dilee.

Abuu Bariirow naga daa buu yidhi Nabigaﷺ.

Nabiga markuu arkay Abuu Basiir wuxuu ku yidhi:

Hooyaddii hooggeeda ee, walee kanni waa dagaal ooge buu yidhi, walee kanni waa dagaal ooge cid u hiilin neysa hadduu heli lahaa, walee kanni waa dagaal yahan buu yidhi, haa cid un garab u noqoto hadduu heli lahaa (miscarku) waa dab huriyaha weeye, yacni ninka dagaalka huriya baa (miscarul xarbi) la yidhaahdaa. Walee kanni waa dagaal huriya, hadduu se heli lahaa cid garab istaaga buu Nabigaﷺ yidhi, yuu ku jeedaa? Abuu Basiir.

Abuu Basiir markuu hadal kii Nabigaﷺ maqlay, wuxuu ka fahmay haddii ba odayaal kale yimaadaan inuu gacan gelin doono, faham kaas ayuu qaatay.

Faham kii markuu qaatay, wuu iska dhaqaaqay marka, wuxuu aaday meel badda xeeb teeda ah oo ganacsiga qureysh iyo safar teedu ay mari jirtay oo halbowla u ah magaalada Makka iyo ganacsi geeda, xeebta badda ayuu iska galay keli giisa asaga oo ah meeshaas ayuu iska dabtaa ugaadha iska eryadaa, keli gii buu isaga nool yahay Ilaahay ku caabudaa, dowladii Nabiga na wuu ka hoos baxay ee balanta gashay, nin alla ninkii soo aada na wuu iska celin.

Meeshii asiga oo keli gii ku nool, waa nin keligii oo dowlad ah waaye, asaga oo meeshii ku nool baa waxaa ka war helay raggii Makka lagu haystay ee Makka lagu cadaabin naayay ee Abuu Jandal kii la celiyay ee aabahii uu ceshaday uu kamid yahay, raggaa baa ka war helay.

Waxay ka war heleen, war Abuu Basiir ma maqasheen? Meeshaa ayuu dowlad ka sameeyay, keligii buu duur meeshaa ah ku nool yahay ee aan aadno. Ileyn dowlada Nabiga Maxammad hadday aaddaan waa la soo celin sooma aha?

Kan ayaan balan ku jirin ee inoo geeya ayay dhaheen.

Abuu Jandal baa soo fakaday, wuxuu na u yimid Abuu Basiir.

Nin kasta oo qureysh ka soo fakado oo soo islaama ba, xagga Nabiga maba aaddee Abuu Basiir baa lagu biiraa, nadaam ay ku fakadeen ayaa meesha uga soo baxay, hal kaas ayaa la aaddaa. Koox bey marka noqdeen oo xoog badan oon sahlan neyn, waxay sameeyaan marka safarta qureysh iyo wax kasta oo qureysh shaqo ku leh ama calaaqa la leh bey jid gooyo ku sameeyaan, waa dhacaan, waa dilaan, wey boobaan lamana helo, haddii lagu soo duulo na waa ciidan yar oo dhuuman ba.

Wa dagaalka loo yaqaano (gorillaha), [xarbul cisaabaat] bey la galeen.

Waa koox yar wax ka xoog badan na hadday aragto wey dhuuman, markii laga taga na jidka oo dhan bey galayaan oo meel la maro maleh. Marka qureyshi nafta ayaa qabatay, oo si ay yeelaan bey garan waayeen.

Markaasaa waxay sameeyeen Nabigaﷺ ayay u soo cid dirsadeen oo ay ku yiraahdeen Ilaahay baan kugu weydiisan neynaa iyo qaraabti nimada naga dhaxayso ee Muxammadow niman kaan nooga yeer bey dhaheen oo soo xaree, balan na waxaan qaadeynaa hadday kuu yimaadaan inaanan soo raadsan neynin, haa meeshaas ayaa kaga hadhnay bey dheheen.

Waa rag wax iska celiyay soo saas ma aha? Meeshii bey yimaadeen Nabigaﷺ ayaa u yeedhay Madiina ayay yimaadeen dowlad dii Nabigaﷺ ayay kamid noqdeen.

Meeshaas waxaa soo degtay bey riwaayaadka qaar kood leeyihiin…

‘’ وَهُوَ الَّذِي كَفَّ أَيْدِيَهُمْ عَنكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ عَنْهُم بِبَطْنِ مَكَّةَ ‘’

[سورة الفتح آية ٢٤]

Aayad daas bey ku fasiraan qaarkood, laakiin tafsiir keedu waa tii hore een soo tilmaanay macnaha, sidaas bey marka meeshii ku yimaadeen, qureysh na dhib koodii kaga nabad gashay oo Nabigaﷺ ugu yimaadeen.

Qisada sulxul xudeybiya iyo heshiis kaasi sidaas ayuu ahaa (taqriiban), dhacdooyin kale oo jaanibi na waa jiraan, mathalan roob da’ay baa intey xudeybiya joogeen waa jiraa oo xadiis ku soo arooray, laakiin war murti diisu gabagaba diisu iyo qisadii xudeybiya iyo Nabiga waxii dhax maray iyo reer qureysh iyo siday ku timid sidaas ayay ahayd, (agenda) yaasha iyo qodobada lagu heshiiyay waa sidaan soo tilmaamnay tobon sanno inaan la dagaalamin oo dadka nabad galaan iyo qodobadii kale ee aan soo tilmaamnay.

Markii heshiis kaasi dhamaaday laba qolo, niman la yiraahdo reer Banii Bakar iyo niman Khuzaaca la yiraah oo laba qabiil oo waaweyn ah oo deegaanka kamid ahaa bey midna (xilfigii) ku biireen, midina qureysh (xilfigeeda) ayay ku biirtay, labadaa qabiil na daris bey ahaayeen.

Labadaa qabiil oo qolo na Nabiguﷺ ay ku tirsan tahay qolo na ay qureysh ku tirsan tahay ayaa marka isku dhici doono sannadka sideedaad oo is leyn doona, laba doodii markey is laayeen, qureysh baa waxay u soo hiilisay Banuu Bakar oo xilfi goodii ku jiray, khuzaaca ayaa la isugu tagay, khuzaaca markii la isugu tagay Nabigaﷺ xilfi bey la lahaayeen. Khuzaaca Nabiga ayay u soo cid dirsadeen, waxay yiraahdeen anaga oo xilfi idin ah ayaa dhib lanoo geystay Banuu Bakar iyo qureysh oo is wadata ayaa nala dagaalantay.

Nabigaﷺ markaas ayuu diyaariyay ciidan uu ugu hiilin naayo reer khuzaaca.

Reer khuzaaca ma gaal baa mise waa Muslim? Waa gaal.

Laakiin gaalo ha ahaadeen nee! Nabi Muxammad bey xilfi la yihiin.

Ciidan kaa baxay sannad kaa sideedaad, waa sababtii uu Nabiga ku furtay magaalada Makka, laba sanno ayaa ka soo wareegtay heshiiskii xudeybiya iyo furashada Makka, heshiiska xabad joojinta na meeqa sanno buu ahaa?

Sow 10 sanno ma ahayn?

Laba sanno ba markuu socday heshiiskii waxaa jabisay qureysh, seey ku jabiyeen? Li’ana waxay la dagaalameen dad Nabiga ku xisaabsan iyo qabiil kii khuzaaca oo Nabiga la xilfi ah. Taasi waxay noqotay iney balantii ka baxeen, Nabiga na waa ku duulay Makka na waa la qabsaday.

Sannadka sideedaad waa sannadka marka oo Nabiga Makka kala wareegay, laba sanno ayaan na u dhaxaysay heshiiska xudeybiya. Sannadka u dhexeeya ee todobaad waa sannadka la yiraahdo (عمرة القضاء), sannad kii xigay buu Nabiga laabtay markuu ku noqday sidii uu heshiiska ahaa wuu soo cumreystay isaga iyo saxaaba diisa iyaga oo Nabad qabaan ayay soo noqdeen. Sannad kaasi cumradii baaqatay sannad kaa hore ayaa lala yimid oo Nabigaﷺ cumreystay.

Dhacda daa xudeybiya iyo tafaasiisheeda iyo suurada siday wax u dhaceen marka la soo uruuriyo sidaas ayay ahayd.

Maxaa laga faa’iideysan nayaa oo duruus ah, maxaa nolosheena ku saabsan oon ka qaadan karnaa, maxaa masaa’il fiqi ah oo ku jira?

Inshaa Allaahu Tacaalaa xalqo kale beynu u balansan nahay oo aynu kaga hadli doono duruusaha laga qaadan naayo, dhacda daas muhimka ah iyo heshiis kaa Nabigaﷺ iyo qureysh dhex maray.

Intaasi ayaanan In Shaa Allaah xalqa daa hore kalima deeda ku gabagabeyn neynaa, Ilaahay (twt) na waxaan weydiisan neynaa inuu ina waafajiyo wixii khayr ah, wixii shar ah na Ilaahay (twt) ha naga (sarfiyo) wixii qalad ahna inuu naga cafiyo, nagana dhigo kuwii hadalka dhageysta, kiisa wanaagsan na raaca.

هذا وبالله التوفيق

Halkan waxaa inoogu dhamaaday qaybtii ladbaad ee darsigii iyo muxaadaradii ku saabsaneyd Heshiiskii Xudeybiyah. Fadlan la soco qaybaha xiga hadduu Ilaahay idmo.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com