Kitaabka Abuu Shujaac

متن الغاية التقريب
أبي شجاع

Darsiga | 2aad

Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Date: Wednesday, August 17, 2016
Hijri: Arbaco 14 Dhul Qacdah, 1437

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

متن الغاية التقريب

أبي شجاع

Waa darsi gii labaad ee kitaab kii (متن الغاية والتقريب) ee al-Imaam Abuu Shujaac.

Waxaan soo gaadhnay:

:والسواك مستحب في كل حال، إلا بعد الزوال للصائم، وهو في ثلاثة مواضع أشد استحبابًا

Maadaama uu ka soo hadlay biyahii lagu weyso qaadan naayay iyo weelashii la isticmaalayay marka biyaha lagu weyso qaadan naayo, wuxuu halkaan ka guda galay intaan la weyso qaadanin waxaa sunna ah in la (cadeydo), marka cadayga iyo axkaam tiisa buu ku hor maray ama cadayeeshada.

Wuxuu yidhi:

(والسواك مستحب في كل حال)

(والسواك) cadayeeshadii (مستحب) waa mid la sunneeyay (في كل حال) xaal walba. Yacni xili kasta iyo xaalad kasta waa sunno.

Siwaagga waxaa la yiraahdaa, (aalada) lagu cadeyda na waa la yiraahdaa, cadayeeshada laf teeda na waa la dhahaa, macnaha dambe na ayaa laga wadaa, cadayeeshadu waa (مستحب في كل حال).

(في كل حال) xaalad kasta, yacni mar walba inaad iska cadeeyato waa (مستحب). Maxaa yeelay sida xadiiska Nabigaﷺ tilmaamayo, afka na waa daahirin nayaa, Allah na waa raali gelin nayaa, marka waa cibaado.

(إلا بعد الزوال للصائم)

(إلا بعد الزوال) ilaa zuulitaan kadib mooyee, qoraxdu ay zuushay, taas oo (للصائم) ruuxa sooman u sugnaatay.

Hal xaalo ayuu san sunno ahayn cadayeeshadu aysan sunno ahayn, waa xaalada ruuxa uu sooman yahay gelin dambe na la gaadho ooy qoraxdu ay bartamaha ka durugto dhanka galbeed iyo dhicitaan kana ay u durugto, (زوال) ka markaas ayaa la yiraahdaa, markay dhan u badato. Xiligaa hadii la gaadho iyo wixii ka dambeeyo cadayeeshadu sunno ma aha, yeysan sunno u ahayn?

(للصائم) ruuxa sooman, oo waxay leeyihiin karaaha ayaa ku jirta markaa, karaaha daasi na waxay ka imaan neysaa ay leeyihiin waa kan Nabigaﷺ uu yidhi:

(لَخُلُوفُ فَمِ الصَّائِمِ أَطْيَبُ عِنْدَ اللَّهِ مِنْ رِيحِ الْمِسْكِ)

‘’Ruuxa sooman urka af kiisa ka baxaaya, ayaa Ilaahay jecel yahay, waa ka udgoon tahay Ilaahay ak tiisa (miskiga) waa ka udgoon tahay.’’

Marka waxay leeyihiin ur kaasi soonka keenay ee Ilaahay jecel yahay ayuu cadayga baabi’in nayaa, marka waa (athar) waa raad cibaado ka dhashay, Alle na jecel yahay. Wixii marka baabi’in naaya waa laga fiican yahay waaye, oo cadayeesha daas gelinka dambe ah (athar) kaas urka afka sooman ayuu baabi’in nayaa.

Tabacan waa lagala dooday oo dood baa ku jirta laakiin hadda geli meyno, mad-habka un baan hadda ka hadleynaa iyo seey u daliishadeen.

(إلا بعد الزوال) ilaa zuulitaan kadib mooyee, oo (للصائم) u sugnaatay ruuxa sooman.

(وهو في ثلاثة مواضع أشد استحبابًا)

(وهو) cadayeeshadii [(والسواك) buu u noqon nayaa] (في ثلاثة مواضع) saddex meelood dhex dooda (أشد) mid adeeg badan weeye (استحبابًا) sunneysiga.

Sunno nima diisa iyo in la sunneeyo waxay sii adag tahay saddex meelood sooma aha?

Marka hore wuxuu ku yidhi:

Xaalad walba waa sunno, waa la jecel yahay (sharcan), ilaa hal xaala mooyee, haddana (استحبابًا) kiisa wuxuu sii adag yahay oo la sii jecel yahay oo sii fiican yahay saddex meelood saas weeye macnaha.

Waa saddex dee…?

(عند تغير الفم من أزم وغيره)

(عند تغير الفم) afka doorsoomid diisa ak teeda (من أزم) aamus dheer dartii uu la doorsoomay (وغيره) iyo aamus qeyrkii ba.

Waa inuu afka doorsoomo oo ur kiisa is bedelo, ama ha keeno isbedel kaa ku dhacay afka ur kiisa ama aamus dheer ha keeno oo ruuxu markuu mudo aamus naado, afka waa is bedelayaa ama ma ehee wax yaalo kale ha keenaan. Wax yaalaha keeni karo waxaa kamid ah mathalan wax yaalo laga ur fiican yahay baad isticmaashay oo aad cuntay sida, (basasha) oo kale iyo (toonta).

(وغيره) bey soo galaayaan wax yaalaha afka ur kiisa bedela, ama sigaarka oo kale, asaga urku wuxuu ku darsaday xaaraam nimada (وغيره) wax yaalahaas waaye marka, wax yaala kale ee afka bedela, hadduu afka is bedelo markaa sunno nima diisu cadayeeshada wey sii adkaan neysaa marka.

(أزم) taasi bi macnaa (سكوت الطويل‎) waaye.

(وعند القيام من النوم)

(القيام من النوم) Xaalada labaad: istaagida uu ruuxu istaago (من النوم) hurdada uu ka soo istaago. Markuu seexdo oo hurdada ka soo kaco iyadana waa xaalada labaad ama meesha labaad ee sunna nimadu ay sii adag tahay waaye.

Maxaa yeelay Nabigeenuﷺ markuu hurdada ka soo kaco, cadayga ayuu afka marmarin jiray, waa cadayeen jiray Rasuulkaﷺ.

Midda saddexaad waxa weeye:

(وعند القيام إلى الصلاة)

(وعند القيام) Istaagida ag teeda (إلى الصلاة) salaadda leysu taago.

Marka salaadda leysu taagaya na iyadana waa meesha saddexaad ee sunno nimada cadayeeshadu sii adag tahay waaye.

Waxaa la mid ah weyseesiga (عندالصلاة والوضوء) maxaa yeelay xadiiska labada ba waa ku soo arooray, xadiiska Abuu Hurrayrah Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

(لَوْلَا أَنْ أَشُقَّ عَلَى أُمَّتِي لَأَمَرْتُهُمْ بِالسِّوَاكِ عِنْدَ كُلِّ صَلَاةٍ)
(وَفِي رِوَايَةٍ عِنْدَ كُلِّ وُضُوءٍ)

‘’Ummadeyda hadaanan dhib uga baqeynin, mar kasta oo salaad isu taageyso, iney cadeydaan baan amri lahaa.’’

Riwaayad kale waxay leedahay:

‘’Mar kasta oo ay weyseesan nayaan, iney cadeydaan baan amri lahaa.’’

Xataa salaadda aad isu taageyso, sunno ba ha noqoto kala qaad maleh, salaad daasi sunno ha noqoto, waajib ha noqoto inaad cadayga afka marsato ayaa iyadana sunno ah.

(فرائض الوضوء)

(:وفروض الوضوء ستة أشياء)

Caday gii intaas ayuu kaga soo baxay, wuxuu guda galay marka (weyso qaadashadii), haa biyahii baad soo diyaar satay, weel kii waa lagaga waramay kaad isticmaali lahayd iyo kaad isticmaal leynin, cadaygii baad afka marsatay.

Maxaa kuu laaban marka?

Inaad weysada gudo gasho sooma aha?

Waa tan marka.

(وفروض الوضوء) weyso qaadashada ama weyseysiga, waajibaad kiisu (ستة أشياء) waa lix shey.

(وفروض) daas bi macnaa waajibaad waaye, waajibaadka weyso qaadashada aysan weysada ba ansaxaynin in la helo mooyee, saas ayaa laga wadaa.

(وضوء) gaasi, kelimatu (wudu), hadda waxaa laga wadaa (wowga) in la godo waaye oo la yiraahdo (وُضُوْء) waa falka weyso qaadashada weeye, Ficilka weyso qaadashada markaad sameyn neyso (wowga) ayaa la godayaa sida; (طُهُوْر) oo kale waaye (الطُهُوْر) waa tahaara qaadashada falka ruuxu sameyn nayo waaye. Haddii la kor dhigo oo la yiraahdo (طَهُوْر) ama (وَضُوْء) […]

Marka waxay noqon neysaa, waa sheyga lagu dahaara qaadan naayo waaye, biyaha iyo sheyga lagu dahaara qaadan naayo buu noqon nayaa marka. Sidaas daraadeed hadda waa in wowda la godo.

(وَفُرُوْضِ اَلْوُضُوْء) weyso qaadashada iyo falka weyso qaadashadu iyo ficil kaasi (ستة أشياء) waajibaadka weyso qaadashada waa (ستة أشياء) waa lix shey.

Tan koowaad waxa weeye:

(1) (النية عند غسل الوجه)

(النية عند غسل الوجه) wajiga dhaqitaan kiisa ak tiisa la niyaysto.

Waa inaad qalbiga ka go’aan sato oo aad qalbiga geliso, markaad wajiga dhaqeyso ee ugu horeyso, waa iney qalbi gaaga ku jirto, oo aad u qasado weeso qaadadka. Haddii qalbi gaagu maqan yahay ama adiga oo is halmaamsan ba aad weyso qaadato, markaasi weysa daa ma ansaxayso waaye.

Maxaa yeelay…

(إنَّما الأَعمالُ بالنِّيَّات)

Wuxuu inoo xadiday yacni, qaabka loo niyoon nayo na waxa weeye; waxaad qalbiga gashan neysaa (لرفع حدث) xadath ku haaya oo cibaadada kuu diidan inaad iska kor yeesho, haa intaas ayaad qalbiga gashan neysaa bey leeyihiin.

Wuxuu inoo xadiday marka, marka qalbiga lagu qaban nayo la niyoon nayo waa mar kee?

Ma markaan cadeydaan ka soo bilaabayaa niyada mise markaan gacmaha dhaqaayo ayaan niyada ka bilaabayaa mise markaan san daarsan naayo mise luqluqan naayo, ileyn intuba wey ka horeeyaan wejiga dhaqid diisu sooma aha?

Maya wuxuu yidhi niyada waxaa loo baahan yahay:

(عند غسل الوجه) dhaqinta ugu horeeyo wejiga aad dhaqeyso ayaa niyada la rabaa waaye.

Oo intii ka horeysay na?

Inta ka horeyso waa sunno (cinda) Shaaficiya sooma ah!

Sunna daa hore marka waxay leeyihiin, niyadu laazim ma aha, waajibka ugu horeeyo oo wejiga dhaqi diisa ah baa niyadu waajibeysaa, haddaad marka soo niyooto bilaawga hore oo niyadii qalbi gaaga ayna ka bixin ilaa wejiga aad dhaqdo waa sida fiican. Haddii se laakiin intaad san daarsiga iyo gacmaha dhaqi taan kooda iyo luqluqasho intaad niyada halkaa geliso, markii wajiga la soo gaadhay qalbi gaagii niyadii ka maqan tahay weysa daadu ma ansaxin bey leeyihiin.

Li’ana waxay leeyihiin cibaadada maqsuudka iyo ujeedada laga leeyahay, cibaadada meesha looga qasday waa (faradka) ayay leeyihiin, inta kale waa uun, waa suubis waaye sooma aha? Inta kale waa lagu suubin nayaa waa hagaajis, laakiin meesha looga socdo waa faradka, farad na xaggee ka bilowdaa? Waa wejiga dhaqitaan kiisa, halkaas ayay leeyihiin. Adiga mad-habka iyo culimada sidey dheheen baynu taqriirin neynaa, laakiin ma laga xoog badan yahay iyo ma xoog badan tahay waa mas’ala kale waaye.

(النية عند غسل الوجه) wajiga dhaqitaan kiisa ak tiisa in la niyoodo.

Waa midda koowaad (faradka) koowaad weeye.

Faradka labaad waxa weeye:

(2) (وغسل الوجه)

(وغسل الوجه) iyo wajiga dhaqitaan kiisa.

Inaad wajiga dhaqdo, wajiga waxaa la yiraahda dhererka marka la cabirayo, waa timaha wejiga ka koreeyay madaxa meeshey ka soo bilowdaan ama meeshay ku ek yihiin ilaa laf gadhka meesha u hooseeyso waa dhererka, balaca na waxay yiraahdaan waa dhegta ilaa dhegta kale intaas ayaa wejiga la dhahaa. Marka waa inaad intaa dhaqdo.

Faradka saddexaad waxa weeye weysada shuruud deeda kamid ah ama waajibka saddexaad.

(3) (وغسل اليدين إلى المرفقين)

(وغسل اليدين) labada gacmood oo la dhaqo (إلى المرفقين) ilaa xusullada laga gaadho.

Yacni (مرفقين) ku waa lafta taas [sheekha halkaan wuxuu tilmaamay xusulka], kala badha (cududa) iyo (dhudhunka) sooma aha? Ee gacantu ka laabanto, taas ayaa waxaa la yidhaahdaa (مرفق) xusulka waaye.

Marka (إلى المرفقين) (ilaa daasi) waa tan aayada laf teeda ku soo aroortay ee (إلى daasi) bi macnaa (مع) ayaa laga wadaa, (ilaadu) marna waxay faa’ideysaa, labada shey ooy isku xidheyso wey is galayaan oo bi macnaa (مع) ayay noqon neysaa, marna (qaaya) ayaa laga wadaa oo wey kala baxayaan, marka hadda waxaa laga wadaa…

(وغسل اليدين ) labada gacmood oo la dhaqo (إلى المرفقين) – (مع المرفقين) waa inaad la dhaqdo iyagana, yacni wax la dhaqaayo ayay galayaan xusullada ayuu galayaa saas weeye macnaha ee ma aha ilaa iyaga ka gaadheyso oo dhaq inta ka sokeyso dhaq iyagu se dhaqitaanka wey ka baxsan yihiin ma aha ee iyaguna wey galayaan dhaqitaanka oo in la dhaqo waaye macnaha saas ayaa laga wadaa.

(4) (ومسح بعض الرأس)

Kan afaraad waxa weeye:

(ومسح بعض الرأس) madaxa qaarkii in la masaxo.

Masaxa waxaa la yiraahdaa, in gacanta oo qoyan la mariyo, saas weeye macnaha korka laga mariyo. Marka wuxuu yidhi madaxa qaarkii, meeshaa waxaa ka muuqata marka Shaaficiyadu ma qabaan in madaxa la wada masaxo in ay waajib tahay, kuligii in masaxa la wada gaadhsiiyo, qeybta sunnooyinka bey ku keeni doonnaan, waa sunno in la wada gaarsiyo, laakiin inta waajibta ah waa qeyb madaxa kamid ah inaad gacanta oo qoyan mariyo ood masaxdo intaas ayaa waajib ah.

(بعض) gaasi marka wey sii qeexeen oo waxay yiraahdeen, gawal madaxa kamid ah soo lama dhihin ama madaxa ama tima hiisa, ilaa qaar kood ay yiraahdeen xataa hal tin ba ha noqoto laakiin xuduuda madax waa iney ku jirto bey leeyihiin.

Maxay ka wadaan?

Tim madax ka soo baxday oo meelahaan iska saaran (garbaha) hadaad saa biyaha u mariso masax ma aha bey leeyihiin, tintu waa iney xuduuda madax ku jirto, marka hal tin ba ha noqoto weeye saas ayay ku gaadhayaan macnaha.

(ومسح بعض الرأس) madaxa qaarkii oo la masaxo waaye.

(5) (وغسل الرجلين إلى الكعبين)

(وغسل الرجلين) labada luggood oo la dhaqo (إلى الكعبين) ilaa labada (aanqow) laga gaadho.

Iyadana (كعب) ka waa lafta soo taagay ee gumada ka koreysa, dhudhunka iyo gumada meesha ay iska galaan lafta yarta ee soo taagan ayaa waxaa la yiraahdaa (كعب) la yiraahdaa.

(وغسل الرجلين إلى الكعبين) labada luggood oo la dhaqo (إلى الكعبين) – (مع الكعبين) weeye iyadana, yaa (aanqow) waa inuu dhaqitaanka galo, oo haddaan (aanqow) aadan dhaqin bi macnaa weysadu ma ansaxayso waaye (aanqow) iyo wixii ka hooseeyo waa in la dhaqo.

(6) (والترتيب على ما ذكرناه)

Waa qodobka u dambeeya ee lixaad waaye:

(والترتيب) in la tartiibiyo (على ما ذكرناه) sida aan u sheegnay een isu dawa dhignay een u tartiibinay, sidaa in loo tartiibiyo oo leysugu xijjiyo iyaduna waa waajib, waa farad.

Macnaha maxaa laga wadaa?

Waa inaadan isku qasin ood kala hor marinin.

Mathalan waxaa lagu yidhi:

  1. Niyada
  2. Wejiga
  3. Gacmaha

Gacmaha intaad ka bilow wejiga kama dambeysiin kartid ama lugaha intaad ka bilaawdo gadaal gadaal uma soo akhrin kartid sooma aha? Waa inaad tartiib kii ku keento waaye. (والترتيب) iyo kala dambeysiin (على ما ذكرناه) saa aan u sheegnay hadda in leysugu xijjiyo sida u kala dambeeyaan oo loo tartiibiyo.

Intaa xaggeey ka qaateen?

Waxay ka qaateen intaasi waa intey aayadu sheegtay waaye, waxay leeyihiin inta aayadu sheegtay baa waajibaadka iyo furuuda ah, inta axaadiista ku dartay na waa (مستحب) maxaa yeelay hadday waajib ahaan lahayd aayada ayaa sheegi lahayd. Intaan marka aayada ayaa sheegtay sooma aha? Marka niyada laga rabo, niyada axaadiis kii waxaa sheegay (إنَّما الأَعمالُ بالنِّيَّات) sooma aha? Inta kale waa inta aayadu sheegtay.

Tartiib kana waxay ka qaadan nayaan ay leeyihiin aayad daas ayaa isugu xijisay, tan labaad inuu tartiibka laazim yahay waxaa laga qaadan nayaa, aayadu madaxa oo xukun kiisu masax yahay baa waxay dhex gelisay, lugaha dhaqi dooda iyo gacmaha dhaqi dooda oo xukun koodu dhaqid yahay, hadduu tartiibku laazim ahaan lahayn, labada dhaqitaanka baa leysku xijin lahaa, midka masax ahna waa laga dambeysiin lahaa,

Ileyn xukunka ayaa kala duwan sooma aha?

Sidaas daraadeed maadaama labadii dhaqitaanka ahaa intaa la kala fogeeyay, kii masaxa ahaa la dhex geliyay, waxay ku tuseysaa tartiibku inuu laazim yahay, oo aan wixii leysku qaseynin nee sida aayada u sheegtay in leysugu xijiyay ay tahay macnaha.

Xaggeey ka qaadan nayaa madax qaar kamid ah in la masaxo, oo kuligii masaxii uusan laazim ahayn, waxay ka qaadan nayaan aayada ayaa waxay tiri:

(وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ)

Horta waxay leeyihiin (masax) sidiisa ba in uu meesha wada gaadho looma yaqaano. Waa midda labaad ee (بِرُءُوسِكُمْ) (ba) da ku jirta waa (tabciidiya) bey leeyihiin, oo yacni waxa weeye qaar uun kamid ah baa laga wadaa. Kuli dood baa ka furan oo fuqahadu waa ku muransan yihiin.

(سنن الوضوء)

(وسننه عشرة أشياء)

(وسننه) weyso qaadashada sunnooyin keedu (عشرة أشياء) waa tobon sheey.

Lix waajib ah iyo (7) sunno ah.

Midka koowaad waxa weeyaan …..

(1) (التسمية)

(التسمية) waa Alle magacaawid (بِسْمِ اللهِ) inaad tiraahdo markaad weyseesan neyso.

Haa waa inaad (بِسْمِ اللهِ) dhahdo waa sunno Shaaficiyada ak tooda oo xadiiskii:

(توضؤوا بسم الله)

… ayey u daliishan nayaan oo Nasaa’i soo saaray.

Tan labaad waxa weeyaan oo kamid ah sunanka weysada:

(2) (وغسل الكفين قبل إدخالهما الإناء)

(وغسل الكفين) labada (kaff) in la dhaqo (قبل إدخالهما) intaan la gelinin (الإناء) weelka intaan la gelinin.

(كفين) ku waa gacanta qeyb teeda hore, gacanta hore waaye qeybta hore ayaa (kaff) la yiraah, marka labada gacmood laba dooda kaff in la dhaqo intaadan weelka dhex gelinin.

Fahan oo marna weelka aad ka weyso qaadan neyso biyaha intaad leexiso ayaad ka shuban neysaa sooma aha? Intaad gacanta tan ku shubto tan kale intaad ku shubto baad markaa xubnahii kale marmarin neysaa, marna waxaad u baahan tahay gacan taada inaad biyahii soo darsato ood wejiga ku dhaqdo oo haddana soo darsato ood gacanta ku dhaqdo oo soo darsato ood gacanta ku dhaqdo ood soo darsato oo lugaha ku dhaqdo.

Markaad gacan taada isticmaaleyso intaadan weelka gelinin, labada gacmood dhaq, sooma aha? Weelka intaad biyaha soo foorariso, labada gacmood marka hore dhaq, markaad dhaqdo kadib ayaa laguu ogol yahay inaad gacanta geliso oo aad xubnihii kale markaa saa ku dhaqdo. Marka hadaad saas u isticmaaleyso intaadan weelka gelinin labada gacmood horta laba dooda dhaq, saas waaye macnaha.

(وغسل الكفين) labada (kaff) in la dhaqo (قبل إدخالهما) intaan la gelinin (الإناء) weelka intaan la gelinin.

Axaadiista Nabigaﷺ ee tilmaantay weyso qaadad kiisii ayaa sidaa u sheegtay, in uu saddex goor uu dhaqay Nabigaﷺ.

Sunnada saddexaad waxa weeye:

(3) (والمضمضة والاستنشاق)

(والمضمضة) Luqluqashada iyaduna waa sunno cida Shaaficiya (والاستنشاق) iyo san daarsiga.

(والاستنشاق) waa in biyaha sanka lagu jiido kadibna la soo celiyo.

Waa mida afaraad sooma aha? Haa waa sunnada afaraad, san daarsiga.

(4) (ومسح جميع الرأس)

(ومسح جميع الرأس) madaxa dhamaantii oo la masaxo.

Furuuda sooma kuma soo sheegin? (ومسح بعض الرأس) sooma dhihin, haa.

(ومسح جميع الرأس) madaxa oo dhan in masaxa la wada gaadhsiiyo, taasi waxa weeyaan waa sunno, sunanka ayay ku daraan Shaaficiyadu, oo waxay leeyihiin xadiiska Cabdullaahi ibnu Zeyd ee yidhi:

[aqbala wa adbara]

Markuu weyseysan naayay gacmaha gadaal buu u masaxi jiray labada gacmood haddana waa soo celiyay, sidaas ayuu u weyso qaatay. Wuxuu tilmaamayaa bey leeyihiin sida (kamaalka) iyo dhameystirka masaxa. Aayad duna waxay tilmaantay, inta ugu yar ee laazimka ah ee faradka ah, saas ayay marka isu waafajin nayaan.

(5) (ومسح الأذنين ظاهرهما وباطنهما بماء جديد)

(ومسح الأذنين) labad dhaggood oo la masaxo, ayaa sunankii kamid ah (ظاهرهما) xaggooda kore (وباطنهما بماء) iyo gudda hooduba (بماء) biyo lagu masaxo (جديد) oo cusub.

Inaad dhagaha masaxdo oo aad gacmaha mariso, gacmaha oo qoyan aad mariso labada dhaggood gudda hooda iyo kor kooda (باطن) ku waa dhegta gudda heeda, wixii gudaha ku jira duleelka guda hiisa iyo inta oo dhan baa waxaa leysku yiraahdaa (باطن) la yiraahdaa (ظاهر) kuna waa dhegta qeyb teeda kore waaye, yaa taas ayaa la yiraahdaa (ظاهر) ka, marka labadaba masax.

Yacni keyfiyada ay u tilmaamayaan waxa weeye, waxay leeyihiin labadaa farrood ee (murugsa tooyinka) la dhaho ayaad gelin neysaa, kadibna ayaga ayaad gudaha ku masaxaysaa, kadibna labada (suul) baad korka ka marin neysaa, kadibna labadii gacmood (calaacalaha) ayaad saa u saareysaa.

Keyfiyadaas ayay u sheegaan!

Adigu waxa weeyaan biyaha masaxa gaadhsii ee qaab kaas waa iska Ishtihaad waaye.

(ظاهرهما وباطنهما) biyo lagu masaxo (جديد) oo cusub.

Muxuu ka wadaa?

Biyaha aad ku masaxayso yaa xubin kii ka horeeyay muxuu ahaa? Xubinka dhagaha ka horeeya muxuu yahay?

(ومسح جميع الرأس) sooma aha?

Madaxa markaad masaxday, qoyaan kii ku soo hadhay gacma haaga, miyaad dhagaha ku masaxi mise biyo cusub baad u soo qaadi?

Wuxuu leeyahay (بماء جديد) biyo cusub u soo qaad.

Qoyaan kii ka soo hadhay madaxa masax xiisa kuma filna (بماء جديد) bi macnaa sida sunnada ah bey ka hadlaayaan, biyo cusub u soo qaad.

Dabcan xadiiska (dacfi) baa ku jira, axaadiista waxay u badan tahay, in lagu masaxo biyahii madaxa ka soo hadday, qoyaan kii ka soo hadhay madaxa masax xiisa laakiin waa mas’ala qilaafaya waaye adiga.

(ومسح الأذنين) labad dhaggood oo la masaxo (ظاهرهما) la masaxo kor kooda (وباطنهما بماء) iyo gudda hooda (بماء) biyo lagu masaxo (جديد) oo cusub.

(6) (وتخليل اللحية الكثة)

(وتخليل اللحية) garka oo fara la dhex gelgeliyo, ayaa sunnooyinka kamid ah, (الكثة) gar kii faraha badnaa.

Markuu garku badan yahay (الكث) da waxaa la yiraahdaa, dheerida ma aha, garka dheer ma aha, waa garka timaha ku yaalaa ay badan yihiin, haa kaas ayaa la yiraahdaa (الكث), garku markuu sidaa u badan yahay waxaa sunna ah in (taqliil) lagu sameeyo, taqliil ku waa inaad fara dhex geliso ood faraha saa u dhex geliso, waxaa la rabaa inay biyahu gaadhaan, ileyn timahu markey badan yihiin waxay celin nayaan biyahii iney gaadhaan jidh kii ka hoosseeyay marka waxaa la rabaa iney gaadhaan baa la rabaa.

Hadduu gadhku yar yahay oo iska qafiif yahay, markaa waxay leeyihiin taqliil ka iyo in faraha la dhex gelgeliyo markaasi looma baahna oo biyahii baa toos u gaadhaya sooma aha? Haa (الكث) macnahaas ayay wadataa marka, li’ana timaha faraha badan baa wixii celin naya waaye macnaha.

(وتخليل اللحية) gadh kii oo faraha la dhex gelgeliyo (الكث) ee faraha badanaa.

(7) (وتخليل أصابع اليدين والرجلين)

(وتخليل أصابع اليدين والرجلين) labada luggood iyo labada gacmood fara hooda oo iyagana faraha gacmaha la dhex gelgeliyo, haa la dhex marmariyio macnaha.

Markaad weyseysato, laba daada gacmood fara hooda waa inaad is dhex geliso (تخليل) ku waa saas iyaga laf tooda waa inaad is dhex geliso ama aad mid mid…

Marka (تخليل) kaas waxaa lagu sameeyaa, faraha gacmaha iyo faraha lugaha laba dooda markaad weyseysan neyso, si ay uga taxadarto in biyahu ay wada gaadhaan meelaha (laaban tooyinka) ah, laaban tooyin kaas ayaa la rabaa in biyahu gaadhaan.

Yacni waxaa qatar ah haddii dee meel aan biyo gaadhin oo qeybtii in la dhaqo loo baahnaa ah biyahii haddii ay gaadhi waayaan weysa daadi ma jirto marka, taxadar baa ku jirto marka dadaal weeye macnaha.

(وتخليل أصابع اليدين والرجلين) labada luggood iyo labada gacmood fara hooda oo iyagana (تخليل)l lagu sameeyo oo faraha la dhex gelgeliyo oo la dhex marmariyo ayaa iyadana sunnada kamid ah.

(8) (وتقديم اليمنى على اليسرى)

(وتقديم اليمنى) midigta oo la hor mariyo (على اليسرى) midda bidixda laga hor mariyo.

Haa yacni, midigta iyo bidixda waxaa leh gacmaha iyo lugaha, labadaa midig tooda ayaa ka horeyn neysa bidixda.

Haddaad bidixda hor mariso?

Haddaan gacanta bidixda hor dhaqo oon midigta dambeyn siiyo ama aan lugta bidixda hor dhaqo oon midigta dambeyn siiyo weysada ma ansaxaysaa?

Yaa cinda Shaaficiya? Ma ansaxayso?

Yaa jamaaca! Maxaa laga hadlayaa?

Sunno ayaa laga hadlayaa…

Yaa waaba maqan tihiinee seey wax idinka yihiin?

Sunno waxaa la yiraahdaa sidiisa ba, waxay na salaadda weysada u jabeynin oo aan salaadda u jabeynin, laakiin ruuxii la yimaada na wanaag siyaada ah uu keenay, ruuxii ka taga na cibaadada aanay ka halaabeynin soo saas ma aha?

Saas daraadeed sunan baa laga hadlayaa.

Maxaa lagugu kala saaray furuud iyo sunan maxaa lagugu kala saaray, soo inaad kala garato ma aha? Wixii wax jabin naaya iyo waxaan wax jabin neynin saas weeye macnaha.

Marka waxa weeyaan…

(وتقديم اليمنى) midigta oo la hor mariyo (على اليسرى) midda bidixda laga hor mariyo.

(9) (والطهارة ثلاثا ثلاث)

(والطهارة) dhahaara qaadasho (ثلاثا ثلاث) saddex saddex inaad u weyso qaadato

Yacni inaad saddex saddex goor xubnaha aad biyaha mariso iyadana waa sunno, waajibka waxa weeye waa hal mar. Maxaa yeelay Nabigaﷺ wuu weyseystay mar mar.

Waa midda Somalidu dhihi jireen (waaxeysi), waaxeysi baa la dhahaa hal hal mar baa la marin nayaa, dadkii biyahu ku yaraan jireen anaga maba gaadhsiin karno ba waxaan iska baranay ma ogg tahay biyo iska qulqulaaya. Marka hal mar intaad gacanta ku qaado wada gaadhsii ama wejiga wada gaadhsii ama hal mar intaad gacanta ku qaado lugta wada gaadhsii. Reer magaal ka wey ba ku adag tahay, li’ana biyo iska qulqulaaya ayay barteen sooma aha?

Marka waaxeysi baa la yiraah, marka waa banaan tahay asalka taas ayaa waajibka ah, Hal hal mar, laakiin laba laba haddaad ka dhigta na? Wey ka fiican tahay, saddex saddex haddaad ka dhigta na? Wey ka sii fiican tahay.

Xadiithka Nabigaﷺ ayaa tilmaamayaa inuu saddex saddex goor na u weyseysan jiray.

(10) (والمولاة)

Waxaa kaloo ugu dambeysa sunnooyinka weyso qaadadka.

(والمولاة) xidhiidhin.

Xubnaha markaad dhaqeyso ood weyseysan neyso in ay xidhiidhaan, oydan kala gooynin kala go’ inuusan imaanin. Kala go’ maxaa laga wada?

Bi macnaa markaad xubin kan dhaqdo intuusan engagin kii kala waa inaad dhaqdo, haddii se intaad kan dhaqdo hal saac kadib aad kii ku xigay dhaqdo, yaa maxaad ka tagtay (والمولاة) kii baad ka tagtay. Haa marka waa iney isku xigaan oo ineynaan kala engagin la wada dhaqo, haddey se kala engagaan waxay leeyihiin (والمولاة) kii baad ka tagtay oo waxaad ka tagtay shey sunno ah.

Intaa wuxuu kaga soo baxay marka weyso qaadad kii maxaa waajib ah maxaa se sunno ah.

فصل

(والاستنجاء واجب من البول والغائط)

Haa wuxuu fasal u yahay (istinjeesiga), tabcan waxay ahayd inuu hor mariyo sooma aha? Weyso qaadadka iyo istijeesiga kee baa horeeya, inta badan istijada ayaa ka horeyso, laakiin qoloda (Shuraaxda) waxay leeyihiin wuxuu u soo dambeysiiyay, li’ana wuxuu leeyahay mar mar baa istinjadu ba laazim noqon neynin oo weysadu ka hor mari kartaa. Laakiin inta badan waxaa ka horeysa istinjada ayaa horeysa.

(والاستنجاء) Istijeesigu: waa in leyska nadiifiyo wixii kaa soo baxay oo ama gadaal ka soo baxay ama xubinka taranka ka soo baxay, in leyska nadiifiyo ayaa la yiraahdaa istinjaaga.

(والاستنجاء) Istinjadu (واجب) waa waajib (من البول) laga istinjeesto kaadida xaggeeda (والغائط) iyo saxarada.

(والاستنجاء) istinjeesi (من البول) kaadida la istinjeesto (والغائط) iyo saxarada (واجب) waa waajib. Wax yaalaha soo baxay in laga istinjeesto waa waajib.

Li’ana si kale ba cibaadadii kuma ansaxayso Nabigaﷺ waa amray, waana leyla ogol yahay.

Waxaa lamid ah kaadida iyo saxarada oo iyagana laga istinjeesto ay tahay wax kasta oo soo baxay oo ka soo baxay labada xubin ama dawada ama xubinka taranka oo haddana (mulawith) ah, xataa (naadir) ba ha ahaado ayay leeyihiin.

Sida mathalan dhiig soo baxay, sida mathalan (madyida) lix daleelada.

Yacni biyaha ka soo baxa ee ragga iyo dumar kaba wey ka yimaadaan oo jiid mayo oo cad, sida waxa weeyaan midab ahaan waa biyo caadi ah, laakiin waxay ka gadisan yihiin waa dhareer jiid mayo waaye ama (wadyiga) kaadida gadaashooda ayay yimaadaan inta badan, adiga wixii soo baxa oo dhan oo meeshaa ka soo baxa, labadaa meelood ka soo baxaan waa in laga istinjoodo waaye.

(والأفضل أن يستنجي بالأحجار ثم يتبعها بالماء)

(والأفضل) sida fadliga badan.

Haddaba garanay istinjadu iney waajib tahay yee maxaa lagu istinjoon nayaa waaye? Waxaa lagu istinjoon, biyo na waa lagu istinjoon karaa dhagax iyo waxii lamid ah na waa lagu istinjoon karaa.

Kaa baa fadli badan waaye?

Tee fadli badan ayuu hadda galayaa marka la istinjoon nayo:

  • ma biyo in lagu gaabsado
  • ma in dhagax iyo wixii lamid ah meesha lagu tiro oo lagu gaabsado
  • ma in leysku daro, tee fadli badan?

Wuxuu yidhi:

(والأفضل) sida fadliga badan (أن يستنجي) ruuxu waa inuu ku istinjeesto (بالأحجار) dhagax yaal waa inuu ku istinjeesto (ثم) markaa kadibna (يتبعها) uu raaciyo (بالماء) biyo uu ka dawa geeyo oo raaciyo, biyo ka dambeysiiyo.

Sida ugu fadliga badan waxa weeyaan, inaad marka hore dhagax yaal meesha aad ku nadiifiso oo saxara dii iyo kaadi dii aad ka tirto.

Dhagax yaasha maxaa lamid ah?

  • (Tissue), tissue ga hadda aan isticmaalno,
  • waraaqda wax tiri karta,
  • dhagaxa, qori ga,
  • soo maad garan?

Waxay yiraahdaan:

(كل طاهر جامد قالع غير محترم)

() Shey kasta oo daahir ah, () engagan oon qoyan neyn, li’ana hadduu qoyan yahay wax buu kugu sii haleyn nayaa sooma ah, () wixii meesha ku yaalay fujin kara oo tiri kara, hadduu san tiri kareynin? Waxaa la mid ah mathalan dhalada oo kale (quraarada) ama dhalada, haddaad tiraahdo kaadi baan isaga tiraayaa, yaa mey kaa tiri?

Wey kugu sii halayn sooma aha?

Marka sheygu waa inuu (قالع) yahay wixii fujin naayo oo tiraayo iyo (غير محترم) waa inuu san ixtiraam lahayn. Hadduu ixtiraam leeyahay, markaa maya, sida cuntada aadamaha oo kale, cuntada jinnka oo kale, sida (lafaha), lafaha aadamahu iska tuuro jinnka ayuu cunto u yahay sooma aha?

Waa shey muxtaram ah weeye, shey (محترم) ahna waa inuusan ahayn, kaas ayay marka ku qeexaan.

(أحجار) waxay u badneyd isticmaal kii hore, laakiin hadda laga badiyay magaalooyin ku (tissue) waraaq daas ayaa la isticmaalaa.

(بالأحجار) inuu marka hore iyadaasi ku tiro (ثم) kadibna (يتبعها) uu raacsiiyo (بالماء) biyo raacsiiyo, saas ayaa u fiican.

Maxay ugu fiican tahay?

Sababta waxay leeyihiin:

Li’ana dhagaxu ama waraaqdu, wixii muuqaal kiisii bey tireysaa, biyahu na raad kii hadhay bey baabi’in nayaan. Marka waa (tandiif) meesha ugu dambeysay macnaha.

Nabigaﷺ biya haas buu qaadan jiray uu ku istinjoon jiray, dhagax na waa ku istinjooday Nabigaﷺ.

(ويجوز أن يقتصر على الماء)

(ويجوز) waxaa banaan buu yidhi (أن يقتصر) inuu gaabsado ruuxu (على الماء) biyaha kor kooda, biyo keliya inuu ku gaabsado.

Waxaa kuu banaan inaad biyo keliya isticmaasho oo waraaq iyo dhagax toona aad isaga tirin nee, kaadi dii iyo saxara dii biyo keliya intaad ku shubto ood ku dhaqdo, saa inaad ku istinjooto na waa kuu banaan tahay.

(أو على ثلاثة أحجار ينقي بهن المحل)

(أو) ama se (على ثلاثة أحجار) ama saddex dhagax kor koodu inuu ruuxu ku gaabsado, saddex daa dhagax oo (ينقي) uu ku nadiifin nayo (بهن) ayaga (المحل) meesha uu ku nadiifin nayo. Saddex dhagax oo meesha nadiifin naya keliya na waad ku gaabsan kartaa.

Meeshaasi laba arrin buu ka hadlay.

Hadaadan biyo isticmaal leynin, waxa kale ee aad isticmaaleyso ay yihiin dhagax iyo iwm iyo waraaqaha aad isticmaaleyso waa inaad saddex ka dhigto ugu yaraan. Tiro is dheer waaye sooma aha? Saddex waa inaad ka dhigto.

Labada meelood oo midna saxarada ka soo baxda midna kaadida ka soo baxda, mid walba saddex buu u baahan yahay.

Ishkaal dadka qaar kooda ku dhasha waaye, sheekh saxara dii iyo kaadi dii ba wey yimaadeen, ma laba dooda ayaan saddex ka dhigayaa, haddey ku filaan weyda na shan ka dhigayaa mise mid walba gooni ayay u madax banaan tahay?

Mid walba gooni bey u madax banaan tahay, saas daraadeed saddex, saddexdu ama saddex kale madax banaan ha noqdo ama mid keligii saddex diisa dhinac ku tir sooma aha?

Dhagax weyn dhan kan ku tir, haddana dhan kaga tir, haddana dhanka kale kaga tir. Waraaq (tissue) ood haysato dhinac kaga tir, tan labaad na dhanka kale tan saddexaad na dhanka kale.

Adiga saddex (masxa) un baa la rabaa, saddex marin un baa la rabaa, saddex goor inaad mariso meesha, markaad marin neyso na uu daahir yahay, sheyga aad marin neyso uu daahir yahay.

Wuxuu yidhi:

(ينقي بهن المحل) saddex daasi waa iney meesha daahirin nayaan oo ay nadiifin nayaan.

Haddey nadiifin waayeen?

Siyaadi weeye, ku dar marka, sooma aha?

Saddex waxaa lagu gaabsan nayaa, markey meesha nadiifin nayaan oo ay kugu filnaadaan, haddey kugu filaan waayaan?

Markaa waad ku dari.

Maxaad ka dhigi? Yaa shan ka dhig, haddey kugu filaan waayaan na? Toddobo ka dhig, haddaad waswaaslow tahay na? Sagaal ka dhig, sooma aha? Marka sidaas waaye adiga tiro dheer ka dhig, meeshii inaad nadiifisay na hubso waaye macnaha.

Fiiro gaar ah:

Hal kaan waxaa baraarujin mudan, wuxuu na yidhi; waxaad ku gaabsan kartaa biyaha keliya, waxaad kaloo ku gaabsan kartaa dhagxaanta saddexda ah keliya waa ku gaabsan kartaa, aniga oo biyahii haysta, yaa biyahii baa meesha yaala ba, intaan iska daayo tissue ga keliya ma isticmaali karaa?

Hadda biyo ayaa meesha yaala oggow!

Ma banaan tahay mise ma banaan?

Waa banaan tahay. [Calaa haadal mad-hab wa saa’iril madaahib]

Haa madaahibta kale na waa saas, waa mas’alo dadka ka qarsoontoo… dadka waxay inta badan u qaateen dhagax iyo tissue ga isticmaal kiisu waxay banaan tahay uun markii biyo la waayo, sida gabagabeysiga iyo tayammum ka oo kale bey u qaateen, saana ma aha, mas’aladu waa qayaar.

Adoo biyahii kuu yaalaan, baad intaad iska deyso baad tissue ga isticmaali kartaa, mas’ala daasi waxay xaq u tahay, caalamka haddaad marto ood safar tahay meelo fara badan biyo ma heleysid ba. Markaasaa dadka imtixaanka haysata, caagag buu soo jabsan, markaasuu biyo meelahaa ka raadin tissue baa meesha yaala. War adeer tissue gaa intaad ku tir tirato, (wa billaahi towfiiq) weyseeso oo cibaadeyso.

Haa marka sidaas waaye, yacni waa qiyaar maxaa fadli badan un baa laga hadlaa yee sida gabagabeysiga ma ah, gabagabeysiga markii biyo la waayo un baa la gabagabeysan karaa sooma aha? Tani wey ka gedisan tahay, adoo biyahii haysta ayaad tissue ga aad isticmaali kartaa oo iskaba deyn kartaa saas waaye macnaha, sidaas daraadeed hadal suu u yaallaana saas waaye, hadalka suu u dhiga baa saas ah.

Wuxuu yidhi:

(فإذا أراد الإقتصار على أحدهما، فالماء أفضل)

(فإذا أراد) hadduu doono (الإقتصار) gaabsi (على أحدهما) mid kood inuu ku gaabsado hadduu doono (فالماء) biyahii baa (أفضل) fadli badan markaa.

Sida fadli ugu fadli badan waa inuu laba dooda ba isku daro sooma aha?

Laakiin laba dooda mid baan rabaa inaan ku gaabsado ee kee fadli badan?

Biyaha markaa ku gaabso saas weeye macnaha, haddaad kan kale keliya ku gaabsato waa heli kartaa waaye macnaha.

آداب قاضي الحاجة

(ويجتنب استقبال القبلة واستدبارها في الصحراء)

(ويجتنب) wuxuu ka foggaan nayaa…

Hal kaan wuxuu ka guda galay, aadaabta markaad xaajo gudan neyso lagaaga baahan yahay. Intaasi waa istinjadii, laakiin markaad xaajo gudan neyso ood kaadi neyso ama saxaroon neyso aadaabta lagaaga baahan yahay inaad ilaaliso maxay tahay? Taas ayuu halkaan ka guda galaayaa.

Wuxuu yidhi:

(ويجتنب) ruuxa xaajo gudan naya wuxuu ka foggaan nayaa (استقبال القبلة) qiblada u jeedsi geeda (واستدبارها) iyo dawo u jeedin teeda (في الصحراء) dhulka banaanka ah dhexdiisa.

Markaad xaajo gudan neyso, qiblada hana u jeedsanin, wadadana ha u jeedinin, jihooyin ka kale u jeedso, laakiin qiblada oo xagga kacbada ah, hana u jeedsanin hana u dawa jeedinin, aadaabta ayay kamid tahay, kacbada ayaa la ixtiraam mayaa.

Xadiiska Abuu Ayuub al-Ansaari (fii saxiixeyn) baa macnahaa ku tusaaya.

Wuxuu yidhi:

(في الصحراء) marka la diidan yahay waa goormaa?

Waa marka meel banaan ku xaajo gudan neyso, laakiin marka aad dhis ku xaajo gudan neyso ama meel aad ku jirto markaasi inaad ula jeedsato ama u dawa jeediso dhib male. Waa mad-habka iyo fahamka Imaamu Shaafici () iyo mad-habka waaye. Maxaa yeelay waxay is waafajin nayaan xadiiska Abuu Ayuub iyo laba xadiis ii kale, xadiiska Jaabir oo uu yidhi:

Xadiiska Cabdullaahi ibnu Cumar (fii saxiix al-Bukhaari) ee uu leeyahay; Xafsa guri geeda ayaan fuulay, markaas ayaan waxaan arkay Nabiga oo xaajo gudan naaya qibla dana u dawa jeediyay Shaam na u sii jeeda.

Kaa waa dawa jeedinta, laakiin u jeedsiga xadiiska Jaabir baa iyadan sheegaya, xadiiska Jaabir waa xadiis xassan wuxuu leeyahay:

‘’Nabiga wuxuu reebay qiblada in loola jeedsado kaadi, waxaan arkay Nabiga dhimasha diisa hal sanno ka hor isaga oo ula sii jeeda ayaan arkay buu yidhi.’’

Marka isaga oo ka jeeda na Ibnu Cumar baa arkay sooma ah, isaga oo ula jeeda na waxaa arkay Jaabir baa arkay.

Waxay leeyihiin marka waxaa leysku waafajin nayaa Imaamu Shaafici waaye, waxaa leysku waafajin nayaa axaadiista markuu ula sii jeeda ama xagga dambe u jeediyay meel dhisan buu ku xaajo gudan naayay, waana sida xadiiska Cabdullaahi Ibnu Cumar ka muuqata.

Marka (nahyiga) iyo reebida ee la diidan yahay na waa meel banaan ku xaajo gudan neyso, sidaas ayay ku imaan neysaa marka (في الصحراء) waana mad-hab culimo badan ay rajaxayaan.

ويجتنب البول والغائط في الماء الراكد)
(وتحت الشجرة المثمرة، وفي الطريق، والظل

(ويجتنب) wuxuu ka foggaan nayaa ruuxa xaajo gudan naya (البول) kaadi, ku kaadshid (والغائط) iyo ku saxarood (في الماء) biyahii lagu kaadsho oo lagu saxaroodo (الراكد) ee fadhiyay.

Biyo fadhiya oon soconin (war) bey ku jiraan (bali) bey ku jiraan (barkad) bey ku jiraan, biyo fadhiya inaad ku kaadido ama ku saxarooto dhex dooda iyada wuu ka foggaan nayaa ruuxu. Xadiiska ayaa ku soo arooray oo Nabigaﷺ waa reebay xadiiska Jaabir (fii saxiix Muslim).

(وتحت الشجرة المثمرة، وفي الطريق، والظل)

(وتحت الشجرة) geedka hoos tiisa inuu ku xaajo guto na wuu ka foggaan nayaa ruuxu, oo ku kaadsho oo ku saxaroodo (المثمرة) geedii miraha soo saareysi, geedaha miraha soo saara ee mira hooda la goosto hoos tooda inaad ku xaajo gudato oo ku kaadidoo ku saxarootana waad ka foggaan neysaa.

Sababta maxay tahay?

Waxay leeyihiin geedaha (مثمرة) ka ah inta badan waa loo baahan yahay oo dadka iney mirahii ka goostaan, marka haddaad meeshii ku kaadiso ama ku saxarooto dadkii baad haleyn neysaa sooma aha? Dadkii meesha miraha ka guran nayay ama ma ehee… mirahii soo daatay ee dhulka yimid ee dadku guran lahaayeen baa saxara daada iyo kaadi daada haleyn neyso, sooma aha?

Sidaas daraadeeda ma meel kale ayaad weyday adeer? Meelahaa la aad.

(وفي الطريق) jidka ku xaaja gudasha diisa, jidka la maro (والظل) iyo hooska ku xaajo gudasha diisa (والثقب) iyo godka ku xaajo gudasha diisa, intaana waa ka foggaan nayaa. [(يجتنب) tii hore ayay ku xidhan tahay].

(وفي الطريق) jidka la mara weeye, jidka dadku qaadaan.

Maxaa yeelay jidku dadka qaada ee maraayo haddaad ku xaajo gudato, yaa maxaa imaan naya? Dee waxaagii baa lagu istaagi, dadkii baa haleynee kadib na waa lagu (hawaari), [balaa Alle kugu rid ma meel kale buu waayay baa la leeyahay] sooma aha? Marka waa lagu lacnadi.

(Lacaaneyn) waa kii uu yidhi Nabigaﷺ.

Waa labada lacnada soo jiida, maxaa yeelay dadkii waa ku hawaar rayaan, waa ku lacnadayaan.

(والظل) iyo hooska; geedka hoos tiisa meesha hooska ah ee ay harsadaan ama darbiga hoos kiisa ama geedka hoos tiisa, ayadana waa in laga foggaadaa.

(والثقب) iyo godka; god kana maxaa laga wadaa, yacni godka ama ka dulleela ama god dhulka ka sameysan ama derbi ka sameysan.

Maxaa loo diiday isagana, xadiiska ku arooray waa daciif oo, xadiiska Cabdullaahi ibnu (Sardis…) baa ku soo arooray oo daciif ah, maxaa loo diiday bey leeyihiin ooy u diidan yihiin?

Waxay leeyihiin godka markaad ku kaadido, waxaa dhici karta xayawaan naat ama cayayaan naat bani aadamka dhiba iney ku jiraa, waad ula dhowaatay markaas ayaad ku kaadiday, (aweeso) ayaa soo booday markaas ayay ku qalacday, sooma aha?

Marka adiga ayaa lagu ilaalin naayaa, war meeshaa qatar baa kaaga imaan karto waa mid. Waa midda labaadee, cayayaan naat dil kooda uusan banaaneyn iyo dhibid doodu baa laga yaabaa iney godka ku jiraan, sooma aha?

Ileyn diin teenu xuquuqda xayawaan naat ka iska dhaafee xataa cayayaan naat ka xuquuq dooda ayaa la ilaalin nayaa. Marka meeshaa wax baa ku jiri kara ama adiga dhib kaaga imaan karaan ama noole kale ayaad dhibi kartaa sidaas daraadeed godka haku kaadshin saas ayay ka wadaan.

(ولا يتكلم على البول والغائط)

(ولا يتكلم على البول والغائط) ma hadlaayo ruuxu (البول) kaadida kor keeda ku hadli maayo (والغائط) iyo saxarada kor keeda.

Markuu kaadshayo ama saxaroon nayo xaaja gudan nayo, kor koodu ku hadli maayo, waa inuu aamus naado.

Xadiiska Cabdullaahi ibnu Cumar (fii saxiix Muslim) waa kii Nabigaﷺ uu soo maray nin baa soo maray Nabigaﷺ oo kaadshaya markaasuu salaamay, Nabiguﷺ salaan tii kama qaadin ilaa uu gabagabeystay oo xaaja diisa dhameystay.

Xadiiskii Abuu Saciid baa sidoo kale ku tusaaya:

Laba nin oo xaajo u baxay oo cawra doodu banaan tahay oo xaaja gudan naya oo sheekeysan naya Ilaahay waa neceb yahay. Xadiis kaa Sheekh Albaani waa daciifiyay, laakiin xadiiska waa sugan yahay, saas daraadeed ma banaana in la hadlo, isagu aadaabta ayuu ku daray oo iyaga ak tooda waa iska karaaho laakiin (fii daahirka) waxa weeye inuu xaaraam yahay.

(ولا يتكلم) ma hadlaayo ruuxu (البول) kaadida kor keeda (والغائط) iyo saxarada.

(ولا يستقبل الشمس والقمر ولا يستدبرهما)

(ولا يستقبل) uma jeedsan naayo (الشمس) qoraxda xageeda (والقمر) iyo dayaxa (ولا يستدبرهما) xagga dambe na u jeedin maayo.

Haa qorax dii iyo dayaxa na, waa inuu gadaashiisa na u jeedinin, xag giisa hore na u jeedinin sida kacbadii oo kale ayay ka dhigeen.

Xadiiska loo daliishado inaan qoraxda loo jeedsanin, loona dawa jeedinin, [sidoo kale] dayaxa waa xadiis daciif oon sugneyn.

Aimada shaaficiyada ayaa kamid ah ragga daciifin naaya ma sugna ayay leeyihiin, tan kana waxaa diidaya xadiis kii Abuu Ayuub ee [Bukhaari iyo Muslim] yaa qiblada hana ula jeedsanina, hane u dawa jeedinina (waalkin Shariduu aw qaribuu).

‘’Laakiin ama qorax ka dhac ula jeedsada ama qorax ka soo bax.’’

Marka xadiiska sugan kaas waaye.

Waa midda keentay nin aad maqasheen ee kor u kaadshay!

Oo war maxaa kugu dhacay maka la yidhi?

Culimo ayaa na waashay buu yidhi.

Waxaa la yidhi; inaga qiblada xaggee inaga jirtaa?

Waqooyi sooma aha?

Waqooyi ha u jeedsan baa la yidhi, maxaa yeelay kacbadii baa kaa jirta.

Koonfur na ha u jeedsan, maxaa yeelay kacbadii baa gadaashaada aadeysa.

Galbeed na ha u jeedsan, qoraxdii baa kaa jirta ama dayaxii.

Bari na ha u jeedsan, waa qoraxdii iyo dayaxii.

Dee xaggeen u kaadshaa weeye? Kor un baa furan sooma aha? Yaa waa wareer, marka… (ولا يستقبل الشمس والقمر ولا يستدبرهما) waa daciif.

Haa xataa madhabka dhex diisa daliilka ay u cuskadeen aimada ayaa daciifan nayaa macnaha.

(فصل)

(نواقض الوضوء)

:والذي ينقض الوضوء ستة أشياء

  1. ما خرج من السبيلين
  2. والنوم على غير هيئة المتمكن
  3. وزوال العقل بسكر أو مرض
  4. ولمس الرجل المرأة الأجنبية من غير حائل
  5. ومس فرج الآدمي بباطن الكف
  6. ومس حلقة دبره على الجديد

(والذي) midka (ينقض) jabiyo oo buriya (الوضوء) weysada (ستة أشياء) waa lix shey.

Weysada waxa jabiya waa (6) shey…

(1) (ما خرج من السبيلين)

(ما خرج) wixii soo baxay (من السبيلين) labada jid ka soo baxay.

Labada jid waa labaadee?

Waa dawada iyo xubinka taranka, labadaa wixii ka soo baxa ama neef ha noqdo ama kaadi ha noqdo ama saxara ha noqdo ama maddi ha noqdo ama waddi ha noqdo, wax kasta oo labadaa jid ka soo baxa weysada waa jabiyaa, waa war cad.

(2) (والنوم على غير هيئة المتمكن)

(والنوم) tan labaad waa hurdadii oo weysada jabin naaya, seexasho,  hurdadaas oo (والنوم على غير هيئة المتمكن) midka makan saday dhulka oo dhulka dawada ku haaya, baryaha ku haaya, kaas qaabka uu u fadhiyo, qaab aan ahayn ruuxa ku seexday, asaga na weysa diisa wey jabeysaa.

(متمكن) ka waxaa la yiraahdaa (المتمكن مقعدته من الأرض) dawa diisii iyo badhyaha ruuxa dhulka si fiican uga haaya oo sal muggii u fadhiya, ayaa waxaa la yiraahdaa (متمكن).

(متمكن) goormaa aadan ahayn?

Mathalan waxaa kuu taagan, lugaha ayaad kor u haysaa oo kale mathalan, ama dhinac dhinac baad u yara fadhidaa (متمكن) ma tihid markaa. (متمكن) waa sal muggii baad u fadhidaa, markaas ayaad (متمكن) tahay. Haddaad qaab kaa ku seexato weysadu kaa jabi meyso, laakiin qaab kaa qaab aan ahayn haddaad u seexato weysadu waa jabeysaa.

Sababta waxay leeyihiin Shaaficiyadu:

Hurdada waa […] ee iyadu (naaqdi) ma aha.

Yacni waa meel laga filan karo iney weysadu kaa jabi karto, laakiin ayadu wax ma jabiso, hurdadu wax ma jabiyo, laakiin waxaa wax jabin nayaa markaad seexato, sow maan kaaga iyo garasha daada tegi meyso, yaa? Ileyn waxa soo baxaaya waxa koontaroolaya waa ruuxa maan kiisa oo jooga sooma aha?

Maan kii markuu tago ood seexato, hadda weel kii af xidhnaa sow furmi maayo. Maxaad ka ogg tahay weel kii waa furmay yee, ileyn (ningixii) afka kaga ilaalin haayay waa miir kaaga oo joogo waaye, miir kii hadduu tago weel kii waa furtay.

Ruuxu markuu sal muggii u fadhiya oo uu (saani) u fadhiyo, waxay leeyihiin xataa hadduu seexdo waxba kama soo bixin karaan sooma aha?

Wax ba kama soo bixi karaan!

Laakiin hadduu xooggaa dhinac u yara fadhiisto, ama lugaha yara taago markaa wey iska socon bey leeyihiin, wixii waa soo baxaayaan.

[Halkaan su’aal ayaa la weeydiiyay Sheekha]

Yaa! Kursiga haddaan fidsado aa? Oo saad ugu seexataa?

Haa!

Dee haddaad seexato war ba ma jiro markaa, haddaad dhinac u seexato howshii socotay!

Hal kaa qaab wixii ka soo hadhay oo dhan haddaad u seexato weysa dii waa jabaysaa waaye, hal kaa qaab haddaad u seexato se weysa dii ma jabeyso (cinda Shaaficiya) saas weeye macnaha.

(والنوم) seexasho (على غير هيئة المتمكن) midka makan saday dhulka qaab kiisa uu u jiifo qaab kaa qaab aan ahayn oo ka gedisan, seexasho loo seexday iyadana weysada waa jebisaa, laakiin qaab kaa hadduu u seexdo uu (المتمكن) yahay ayadu weysadu ma jabeyso.

Waxaa saddexaad oo weysada jabiya…

(3) (وزوال العقل بسكر أو مرض)

(وزوال العقل) caqliga oo taga (بسكر) sarqaan ku taga, inuu ruuxu sarqaamo (أو مرض) ama xanuun ku taga.

Yacni waxa weeyaan ruuxu caqli giisa hadduu tago oo uu sarqaamo ama waasho ama la suuxiyo oo la suuxo ama xanuun sado xanuun caqliga ku tago, markaa weysa dii wey jabtay.

Maxaa daliil u ah?

Li’ana hurdada iyo waalashada ama suuxdinta kee daran?

Suuxdinta ayaa ka daran sooma aha?

Marka waxay uga qiyaas qaadan nayaan, waxay leeyihiin haddii ba hurdadii la yidhi weysa dii waa ku jabeysaa wax baa soo bixi kara oo kontrol kii baa lumayaa, hadee caqli gii ba hadduu tago soo kama sii xag jirto?

Marka (qiyaasan cala noom) waaye, hurdadaan uga qiyaas qaadan… wey ba ka sii darantee! Haa wey ba ka sii xag jirtaa yee, saas weeye macnaha.

Tan afaraad ee weysada jabisa wax weeye…

(4) (ولمس الرجل المرأة الأجنبية من غير حائل)

(ولمس الرجل) ninka taabasha diisa (المرأة) haweeneeyda uu taabto (الأجنبية) ee ajnabiga ka ah, ninku inuu haweeneey ajnabi ka ah uu taabto (من غير حائل) (teed) la’aan tii.

(حائل) ku waa shey idin kala (teeda) idin kala celiya jir kaaga iyo jir keeda u dhexeeya, iyada oo wax ba idin dhaxeynin oo wax idin kala teeda uu san jidhin in jir kiina is gaadho oo is taabto iyaduna weysada wey jabin neysaa.

Waxay leeyihiin hadduu wax idin dhexeeya markaas laabasho lama yidhaahdo bey leeyihiin.

Waa tii aad arki jirteen wadaada deeni markay dumarku ay salaam mayaan, maro ayey iska xijin jirin soo garan meysaan? Haa maro ayay iska xijin markaas ayey ninka ajnabiga ah salaami, xataa Sheekha ayey salaami ileyn maro ayey iska xijisay yee (بدون حائل) waaye.

Marka (حائل) hadduu meesha ku jiro aysan jirku is gaadhin weysada ma jabeyso, laakiin goormey jabayaan? Markuu jirku is gaadho (بدون حائل) teed isaga oon jirin wax idin dhexeeya, markaas ayay jabeysaa.

(الأجنبية) tee la yidhaahdaa marka?

(الأجنبية) waxay u yaqaan oo meeshaan laga wadaa, haweeneeyda aad guursan karto, ama hadda xadhig ha kuu qaban karo ama mustaqbal ba hadduu xadhig kuu qaban karo ajnabi bey kaa tahay. Haweeneyda weligaa aadan guursan karin sinaba aad u guursan karin, taas ayaa ajnabiyad ahayn.

Sidaas daraadeed (الأجنبية) halkan waxaa soo galaya shaaficiyada (mustalax) xooda xaas kaaga ayaa soo galeyso, sooma aha?

Li’ana waxa weeyaan hadda aad wada joogteen laakiin ajnabi bey asal ahaan kaa ahayd, (wa calaa haadal asaas) xaas kaaga weysada waa kaa jebisaa, ha u qaadanin (الأجنبية) waaba reer keygii anoo qabee! Ajnabi igama ehee! Ha u fahmi marka shaaficiyada iney qabaan, xaaska weysada ma jebiso, li’ana ajnabiyad ma aha saa kama wadaan!

Ajnabi waxaa la yiraahdaa asalka intaadan is guursanin sow ajnabi miyeydaan kala ahayn? Hal kaas ayaa laga fiirin nayaa, saas daraadeed xaaska wey soo galeysaa, weysada wey jebisaa cinda Shaaficiya.

(ولمس الرجل المرأة الأجنبية). Haweeneey ajnabi ah oo la taabto (من غير حائل) teed la’aan.

Tabcan waxay ka qaadan nayaan aayada quraanka ahayd:

‘’ أَوْ لامَسْتُمُ النِّسَاء ‘’

 (لامَسْتُمُ) taabashada waxay u fahmeen, taabashada jirka, waana saxaabada qaar kamid ah saay u fahmeen, aaydaa un macnaha laga fahmaayo ayey u daliisha deen, laakiin axaadiista ayaa ka hiilin neyso.

(من غير حائل) teed la’aantii.

(5) (ومس فرج الآدمي بباطن الكف)

Kan ugu dambeeyo waxa weeye…

(ومس فرج الآدمي) ruux aadami ah xubin kiisa taranka oo la taabto (بباطن الكف) kafka guda hiisa na lagu taabto.

(بباطن الكف) waxaa la yiraahdaa kafku waa intaa soo ma aynaan dhihin, kafku waa gacanta qeyb teeda hore, marka waxay kala leedaha (بباطن) iyo (طاهر), daahirka waa xaggan kore, (بباطن) waa calaacasha sooma aha?

Marka (بباطن الكف) ayaa markaad ku taabato un bey weysadu jabeysaa, laakiin (طاهر الكف) haddaad ku taabato ama jidhka intiisa kale taabato, weysadu ma jabeyso, xubinka taranka ayaa laga wadaa. Taranka weysada jabin naya na, xubinka taranka waa inuu yahay xubinka aadamiga.

Xubinka aadamiga muxuu ka saarayaa?

Wuxuu ka saarayaa mathalan xubin taran oo aadami lahayn, sooma aha, noolaha kale xubin kiisa taranka haddaad taabato, weysada m a jabin nayo, laakiin waa inuu aadami yahay, xubin kiisii taranka na yahay sooma aha?

Rag iyo dumar midkuu doonnayo ha ahaado marka.

Xadiiskii Bursa ayaa ku soo arooray oo Nabigaﷺ ka weyso qaata buu yidhi, kaas ayey daliishan nayaan.

Xubinka taranku marka ama ruuxu ha ku yaalo ama haka go’naado, saas ayay qabaan, xubin kii taranka ragga oo inta la gooyay, [kan dumarka lamaba gooyn karo ayaan u maleyn nayaa], inta la jaray oo halkaa yaal haddaad taabato weysadu waa kaa jabi bey leeyihiin.

Hadda kahor baa anaga oo dhul baadiya ah mareyno oo socoto ah baa wadaad na harow saday, wadaad Shaafici ah, wadaada dii fiqiga shaaficiga bartay kamid ah, baa na harow saday wuu na xujeeyay, marka wuxuu yidhi:

Wahaabiya haddaad tihiin fiqhiga ma taqaan naan buu yidhi…

War u kaadi waan naqaannaa yee…

Oo maxaad baratay adiga, haddaad fiqhiga taqaanaan su’aal baan idin weeydiin ka jawaaba buu yidhi.

Saddex su’aallood buu na weeydiiyay.

Wadaado waxaa jiro ma ogg tahay oo masaa’isha (deel qaafka) ah barto iyo googaal leysiga xujada bartay, masaa’isha (hal xidhaalaha) ah bey bartaan, marka wey kaa taqalusi xataa haddaad wax kasta taqaano, ileyn meel hoose ayuu wax ka soo saarayaa ma ogg tahay?

Su’aalaha uu na weeydiiyay marka waxaa kamid ahaa:

Waxaad sheegtaan buu yidhi, ruux aan kula joogin weysadana kaa jabin naya?

Bal adigu si dheh! Wadanka xitaa kulama joogo, weysada na waa kaa jabin nayaa, bal adigu raadi, raadi, raadi.

Garan weynay!

Waa mas’ala daan marka, bi macnaa ruuxii oo kaa maqan oo caalam kale jooga, xubin kiisa taranka oo la gooyay baa meeshan yaalaan, markaas ayaad taabatay sow weysa dii kaama jabin?

Haa saas weeye macnaha.

() bey leeyihiin.

Xubin kaasi ama meeshiisa haku yaalo ama haka go’naado.

(بباطن الكف) calaacasha na lagu taabto.

(6) (ومس حلقة دبره على الجديد)

(ومس حلقة دبره) aadamiga dawa diisa, dawadaa wareeg geeda oo la taabto iyada na weysada wey jabin (على الجديد) [على المدهب الجديد] mad-habka cusub marka la fiiriyo.

Bi macnaa (حلقة دبره) waxaa la yiraahdaa, meesha saxaradu ka timaado, markii dawada wareegto meesha ay [yacni waxa weeye] daahir keedu ku dhamaado wareeg geeda meesha uga dambeysa ah, hal kaas iyadana taabasha deeda weysada wey jabisaa waaye.

(حلقة دبره) muxuu yidhi?

Bi macnaa dawada qeyba heeda oo dhan haddii gacan taadu gaadho weysada kuma jabeyso. Laakiin meesha weysada jebin neysa waa wareega seey u socoto meesha ugu dambeyso halkaas waaye. Hal kaa haddaad taabato iyada na weysada waa jabisaa, (على الجديد) sida jadiidka ah.

(الجديد) muxuu ka wadaa?

Mad-habka shaaficiga, ah Imaamu Shaafici baa laba waqti lahaa:

Waqti Ciraaq buu joogay, cumri giisa qeybtii hore, masaa’ishii xiligaa uu fatwooday waxaa loo yaqaan naa (qadiim) baa loo yaqaanaa, mad-habka qadiim ka aha waaye.

Kadib noloshiisa qeyb teedii dambe wuxuu u badnaa Masar. Masar intuu joogay masaa’ishii uu fadwooday kutubta uu qoray na waxaa la yiraahdaa (الجديد) baa la dhahaa.

Inta badan (الجديد) ka baa ku xoog badan mad-habka ilaa masaa’il tirsan mooyee, saas daraadeed [calaa qowlil jadiid] waaye, qowl kii imaamka ee cusbaa, hadduu jadiid ku yidhi maxaad ka fahamtay yaa?

Meeshaa waxaad ka fahamtay wax jira (qowlun) qadiim oo Shaafici leeyahay oo dhahaaya, [dawada taabasha deedu weysada ma jabiso], haa halkaas ayaan ka fahamnay macnaha.

هذا وبالله التوفيق

Halkan waxaa inoogu dhamaaday [Qaybtii 2aad] ee Kitaabka Abuu Shujaac ee inoo soo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido), In Shaa Allaah hadduu Ilaahay idmo waxaan idiin soo diyaarin doonnaa duruusta qeybaha xigta oo aan hadda qoritaan kooda aan ku guda jirno. Waxaan ka codsan neynaa dhamaan walaalaha ku xidhan duruusta in ay inoo soo duceeyaan inuu Ilaahay inuu fududeeyo. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com