Waxyaalo Ilaahay Xarrimay
Dadkuna Fududeysteen In La
Isaga Digana Ay Waajib Tahay

Waxaa qoray:
Al-Sheekh Maxamed Al-Munajid

Waxaa dib u qoray: Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Waxaa Af-Soomaali u Tarjumay:
Yuusuf Cabdul Casiis

Waxaa Naqtiimay oo Sharxay:
Al-Sheekh Cabdul Casiis Cabdullaahi Bin Baaz

Waxaa Af-Soomali Ku Tarjumay oo Naqtiimay:
C/Muncim Yusuf Sheekh

Decorative Lines

bism Allah

لحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

HORUDHAC

Ilaahay ayaa mahad leh isaga ayaan Ku shukriyeynaa, oo kaalmaysanaynaa, oo dambi dhaaf weydiisanaynaa, llaahay ayaan ka magan galaynaa nafteena sharteeda iyo acmaasheena xun. Qofkii llaahay hanuuniyo cidna ma baadiyeyn karto, qofkii llaahay baadiyeeyana cidna ma hanuunin karto. Waxaan markhaati ka ahay llaahay mooyee Kaah kale oo xaq lagu caabudo in uusan jirin, waxaan kaloo markhaati ka ahay Nabi Muxamedﷺ adoonkii llaahay iyo rasuulkiisii inuu yahay intaa kadib:

llaahay wuxuu waajibiyey waxyaalo waajib ah oo aysan banaaneyn in la dayaco, wuxuuna jeexay xuduud aysan banaaneyn in la dhaafo.

Nabiguﷺ wuxuu yiri:

ما أحل الله في كتابه فهو حلال، وما حرم فهو حرام، وما سكت عنه فهو عفو، فاقبلوا من   الله عافية، فإن الله لم يكن لينسى شيئاً، ثم تلا هذه الآية

” وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيًّا ”

”Waxyaalaha llaahay xarimay iyaga ayaa ah xuduuda llaahay.”

تِلْكَ حُدُودُ اللَّهِ فَلاَ تَقْرَبُوهَا

[سورة البقرة آية ١٨٧]

Ilaahayna wuu u goodiyey qofkii xuduudiisa dhaafa oo wuxuu xarimay sameeya.

llaahay wuxuu yiri:

وَمَن يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُ يُدْخِلْهُ نَارًا خَالِدًا فِيهَا وَلَهُ عَذَابٌ مُّهِينٌ

[سورة النساء آية ١٤]

Muxaramaadka in laga fogaado waa waajib waayo Nabigu Wuxuu yiri:

ما نهيتكم عنه فاجتنبوه وما أمرتكم به فأتوا منه ما استطعتم

[مسلم رواه]

Waxaa la arkay dadka hawadooda raaca qaarkood oo aan dadnimo fiican lahayn cilmigooduna yar yahay, haddii ay maqlaan muxaramaadka oo isdabajoog loo taxayo inay ka qaylinayaan oo ka afeefanayaan oo oranayaan:

Wax Walba Ma Xaaraan Baa?

Wixii aad aragtaanba waad xaaraantinimayneysaan, nolosha ayaad noo baaseyseen oo waad nanacsiiseen cayshaddii oo qalbiga ayaad naga ciriirideen.

Xaaraan iyo waxaad xaaraantinimaysaan mooyee wax kale ma haysaan, diintu waa fudeyd waana waasic, Ilaahayna waa Qafuuru Raxiim.

Si aanu kuwaas ula doodno ayaan waxaan leenahay llaahey wuxuu doono ayuu xukumaa, wuxuu xukumana lagama doodi karo, Ilaahayna waa xakiim khabiir ah, wuxuu doono ayuu xalaaleeyaa wuxuu doonana wuu xarimaa, cibaadada aan llaahay caabudeyno waxaa aasaaskeeda ka mid ah inaan raali ku noqono wuxuu xukmiyo, Xukunka Ilaahayna wuxuu ka soo fulay cilmigiisa, xikmadiisa iyo caddaaladdiisa ee cayaar iyo dheeldheel ma aha.

llaahay wuxuu yiri:

وَتَمَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدْقًا وَعَدْلاً لاَّ مُبَدِّلِ لِكَلِمَاتِهِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ

[سورة الأنعام الآية ١١٥]

llaahay wuxuu inoo caddeeyey xeerka ay ku wareegayaan xalaasha iyo xaaraantu oo wuxuu yiri:

وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ

[سورة الأعراف الآية ١٥٧]

Wixii wanaagsan waa xalaal waxa xunna waa xaaraan. Xalaaleynta iyo xaaraamayntu waa xaq llaahay kaligi leeyahay, qofkii isagu sheegta ama cid aan llaahay ahayn u qira wuxuu gaaloobay gaalnimadii weynayd oo diinta looga baxayey.

أَمْ لَهُمْ شُرَكَاء شَرَعُوا لَهُم مِّنَ الدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَن بِهِ اللَّهُ

[سورة الشورى الآية ٢١]

Intaa kadib mabanaana in qofna ka hadlo xalaasha iyo xaaraanta, dadka culumada ah oo yaqaan kitaabka iyo sunnada Nabigaﷺ mooyee, Goodi aad u daran ayaa ku soo aroorey ciddii wax xalaaleysa ama wax xaaraamaysa iyagoon cilmi u laheyn.

llaahay wuxuu yiri:

وَلاَ تَقُولُواْ لِمَا تَصِفُ أَلْسِنَتُكُمُ الْكَذِبَ هَذَا حَلالٌ وَهَذَا حَرَامٌ لِّتَفْتَرُواْ عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ

[سورة النحل الآية ١١٦]

Waxyaalaha muxaramaadka ah ee iska go’an waxaa lagu sheegey quraanka iyo sunnada Nabigaﷺ.

Sida llaahay yiri:

قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلاَّ تُشْرِكُواْ بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَلاَ تَقْتُلُواْ أَوْلادَكُم مِّنْ إِمْلاقٍ

[سورة الأنعام الآية ١٥١]

Sunnadana sidaas oo kale ayaa loogu sheegay in badan oo ka mid ah muxaramaadka.

Sida uu Nabigu (scw) yiri:

إِنَّ اللهَ وَرَسُولَهُ حَرَّمَ بَيْعَ الْخَمْرِ وَالْمَيْتَةِ وَالْخِنْزِيرِ وَالأَصْنَام

[خَرَّجَه البُخاريُّ ومُسلِمٌ]

Nabigaﷺ wuxuu kaloo yiri:

( إنَّ الله إِذَا حَرَّمَ شَيْئاً حَرَّمَ ثَمَنَهُ )

رواه أبو داود ( 3488 ) وصححه الألباني في ” صحيح أبي داود ”
[رواه الدار قطني]

Addiladda (nusuusta) qaarkeed waxaa ku imaan kara muxaramaadka qaar ka mid ah oo arimo gaar ah gooni ku ah, sida llaahay u sheegey cuntada la xarimay wuxuuna yiri:

حُرِّمَتْ عَلَيْكُمْ أُمَّهَاتُكُمْ وَبَنَاتُكُمْ وَأَخَوَاتُكُمْ وَعَمَّاتُكُمْ وَخَالاتُكُمْ وَبَنَاتُ الأَخِ وَبَنَاتُ الأُخْتِ وَأُمَّهَاتُكُمُ الَّلاتِي أَرْضَعْنَكُمْ وَأَخَوَاتُكُم مِّنَ الرَّضَاعَةِ وَأُمَّهَاتُ نِسَائِكُمْ

[سورة النساء الآية ٢٣]

llaahay wuxuu kaloo sheegay waxyaalaha laga xarimay guurka wuxuuna yiri:

حُرِّمَتْ عَلَيْكُمُ الْمَيْتَةُ وَالدَّمُ وَلَحْمُ الْخِنزِيرِ وَمَا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللَّهِ بِهِ وَالْمُنْخَنِقَةُ وَالْمَوْقُوذَةُ وَالْمُتَرَدِّيَةُ وَالنَّطِيحَةُ وَمَا أَكَلَ السَّبُعُ إِلاَّ مَا ذَكَّيْتُمْ وَمَا ذُبِحَ عَلَى النُّصُبِ وَأَن تَسْتَقْسِمُواْ بِالأَزْلامِ

[سورة المائدة الآية ٣]

llaahay wuxuu kaloo sheegay waxyaalaha kasabkooda la xarimay wuxuuna yiri:

وَأَحَلَّ اللَّهُ الْبَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا

[سورة البقرة الآية ٢٧٥]

Intaa ka dib llaahay adoomihiisa wuu u naxariistaa, wuxuuna nooga xalaaleeyey waxayaalaha wanaagsan wax aynaan tiro iyo noocyo ku koobi karin, sidaa awgeed lama faahfaahin waxyaalaha la baneeyey oo wey badan yihiin lamana soo koobi karo, waxaase la faahfaahiyey wixii la xarimay waayo waa la soo koobay si aynu u barrano oo uga fogaano.

llaahay wuxuu yiri:

وَقَدْ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيْكُمْ إِلاَّ مَا اضْطُرِرْتُمْ إِلَيْهِ

[سورة الأنعام الآية ١١٩]

Waxyaalaha xalaasha ah llaahay wuxuu u baneeyey si guud ahaaneted maadaama ay wanaagsan yihiin wuxuuna yiri:

يَا أَيُّهَا النَّاسُ كُلُواْ مِمَّا فِي الأَرْضِ حَلالاً طَيِّبًا

[سورة البقرة الآية ١٦٨]

llaahay naxariis tiisa waxaa ka mid ah inuu wax walba asalkooda ka dhigay xalaal ilaa laga helo daliil xaaraamaynaya, taasina waa llaahay deeqdiisa iyo inuu u waasiciyo odoomihiisa, waxaana inagu waajib ah inaan adeecno oo ku xamdino oo ku shukrino.

Dadka qaar ayaa haddii ay arkaan waxyaalaha la xarimay oo la taxayo oo la faahfaahinayo kahanaya axkaamtii shareecadda, taasina waa iimaan yarida iyo faham yarida ay shareecadda ka qabaan, haddaba kuwaasi ma waxay doonayaan in loo tiriyo noocyada llaahay xalaaleeyey si ay ugu qancaan in diintu fudeyd tahay mise waxay kaloo doonayaan in loo soo taxo noocyada wanaagsan ee xalaasha ah si ay u gartaan in shareecadu aysan noloshooda nacsiinayn, ma waxay doonayaan in la yiraahdo hilbaha la gowracay ee:

  • Geela,
  • Lo’da,
  • Ariga,
  • Bakeylaha,
  • Ugaarta,
  • Biciidka,
  • Digaaga,
  • Qooleeyda,
  • Booloboolada,
  • Goroyada,
  • Ayaxa iyo
  • Maleyga dhintay waa xalaal?

Mise in la yiraahdo:

  • Khudaarta,
  • Miraha,
  • Faakihada, iyo miraha kaloo nafaqada leh waa xalaal?

Mise waxay doonayaan in la yiraahdo:

  • Biyaha,
  • Caanaha,
  • Malabka,
  • Saliidda, iyo khalku waa xalaal?

Mise in la yiraahdo:

  • Cusbada,
  • Carfisada iyo Bohaaraadku waa xalaal?

Mise in la yiraahdo:

  • Isticmaalka Alwaaxda,
  • Birta,
  • Ciida,
  • Quruuruxa,
  • Balaastiiga,
  • Quraaradaha iyo Kabarku waa xalaal?

Mise in la yiraahdo:

  • Fuulidda Daabadda Rukuubka),
  • Baabuurta,
  • Tareenka,
  • Maraakiibta iyo Diyaaraduhu waa xalaal?

Mise in la yiraahdo isticmaalka;

  • qaboojiyayaalka talaajadaha,
  • qalabka wax lagu dhaqo,
  • kan wax lagu qalajiyo,
  • kan wax lagu shiido,
  • kan wax lagu cajiimo,
  • kan wax lagu foorneeyo,
  • kan wax lagu miiro, iyo
  • qalabka kale ee loo isticmaalo caafimaadka,
  • injineernimada,
  • xisaabta,
  • cilmiga hawada,
  • kan xiddigaha,
  • kan dhismaha,
  • kan soo saaridda biyaha,
  • Naftada,
  • Macdanta,
  • qalabka wax lagu nadiifiyo,
  • kan lagu macaaneeyo Biyaha,
  • kan wax lagu daabaco iyo
  • kumbuyuutarku waa xalaal?

Mise in la yiraahdo:

  • labiska dharka Cudbiga,
  • Xariirta,
  • Suufka,
  • Dhogorta,
  • Timaha,
  • Hargaha xalaasha ah,
  • Layloonka iyo
  • Boolistarku waa xalaal?

Mise in la yiraahdo:

  • guurka,
  • wax iska iibinta,
  • wax soo iibsiga,
  • kafaalada,
  • Xawaalada,
  • ijaarida,
  • farsamadda,
  • xirfadda sida najaarada,
  • birtumida,
  • hagaajinta qalabka iyo
  • Ari raacidu waa xalaal?

Haddii aynu eegno suuro gal ma inoo tahay in aan tiro ku dhameyno haddii aynu damacno inaan soo tabino oo tirino waxyaalaha xalaasha ah.

Haddaba Maxay u Dan Leeyihiin
Qoladaan aan Hadalka Fahmeynin?

Arinta kaloo ah inay xujo ka dhiganayaan in diintu fudeyd tahay waa hadal run ah oo ay baadil u adeegsanayaan, diinta fudeydkeedu sida ay iyaga la tahay ma aha, ee waa sida ku soo aroortay shareecadda, farqiga u dhaxeeya aad ayuu u weyn yahay, in inta xaaraan la sameeyo haddana si baadil ah xujo looga dhigto diinta fudeydkeeda diintuna waa fudeyd oo shaki kuma jiro iyo in ruqsooyinka sharciga ah la qaato sida:

  • Salaadda oo la kulmiyo ama iyado lagaabiyo,
  • Musaafirku inuu afuro,
  • Khufka iyo sharabaadka inuu masaxo qofkii degan labo maalmood iyo habeenadoodii,
  • Kii musaafir ahna uu masaxo seddex maalmood iyo habeenadoodii,
  • In la tayamumo marka laga baqo biyaha isticmaalkooda,
  • In labo salaadood la kulmiyo markii qofku jirado ama roob ku da’ayo,
  • In ninka loo baneeyey inuu fiiriyo naagta ajnabiga ka ah hadii uu guur ka doonayo,
  • In qofka kafaara gudka dhaarta la dooransiiyo inuu qoor xoreeyo ama cunto bixiyo ama dhar bixiyo,
  • In la cunikaro bakhtiga marka daruuftu keento iyo ruqsooyinka kale iyo wax yaabaha sharcigu fududeeyey.

Waxyaalahaa aanu soo dhaafney marka lagu sii daro waxaa haboon qofka muslimka ah inuu ogaado’ in waxyaalaha la xarimay ay xikmadi ku jirto, taaso ay ka mid tahay in llaahay adoomihiisa ku itaxaamayo waxyaalaha uu xarimey uuna eegayo waxay sameynayaan.

Waxyaalaha ay kaga duwan yihiin Ahlu Januha Ahlu Naarka waxaa ka mid ah, in Ahlu Naarku dhax galeen waxa naftu jeceshahay oo naarta lagu hareereeyey, Ahlu Januhuna ay ku sabreen waxa naftu necebtahay oo Janada lagu harereeyey, haddii uusan jiri lahayn itaxaankaas lama kala garteen qofkii llaahay ku caasiyey iyo kii addeecay.

Dadka muu’miniinta ah waxay u arkaan dhibka ka soo gaaraya wixii llaahay ku waajibiyey inay ajar ka helayaan, amarkii Ilaahayna fulinayaan si ay llaahay u raali galiyaan, markaa ayaa llaahay u fududeyn dhibkii, dadka iimaanka aan laheyna waxay u arkaan dhibka ka soo gaaraya wixii lagu waajibiyey dhibaato iyo culeys lagu siyaadiyey, markaas ayaa dhibkii ku sii siyaadayaa inay llaahay adeecaana ay ku adkaaneysaa.

Muxaramaadka katagitaankooda waxaa ka dhadhama macaanka ay leedahay llaahay adeecidiisu, qofkii llaahay darti shey uga taga wuxuu ugu bedelaa wax ka kheyr badan wuxuuna qalbiga ka dareemayaa iimaanka macaankiisa.

Kitaabkaan akhristuhu wuxuu ka helayaa tiro badan oo wixii llaahay xarimay ah taas oo xaaraanimadeedu ku caddahay quraanka iyo sunnada Nabiga (scw).

Waxyaalahaa la xarimey waxay ka mid yihiin waxyaalaha falkoodu faafey dad badan oo muslimiin ahna ay ku dhacaan, xusudeeda waxaan ula jeedaa cadeyn iyo waano, llaahay ayaan uga baryayaa nafteyda iyo walaalaheyga muslimiinta ah hanuun, towfiiq iyo in lagu istaago xuduuda llaahay uuna naga dheereeyo muxaramaadka nagana ilaaliyo xumaanta llaahay ayaa inta wax axifdida u kheyr badan inta naxariisatana asaga ayaa u naxariis badan.

Culumada qaarkeed arinta muxaramaadka kutub fiican ayey ka alifeen waxa ka mida:

(الكبائر و التنبيه الغافلين) ALKABAA’IR iyo TAMBHH AL QAAFILIIN oo uu qorey (ابن النحاس الدمشقي الدمياطي) Ibnu Nuxaas oo reer Dimishiq ahaa Allaha u naxariistee.

Ilaahay oo Loo Shariik Yeelo

Shirkiga ayaa wixii llaahay xarimay guud ahaan ugu weyn, wuxuuna ku cad yahay xadiiskii Abuu Bakar Iaga wariyey oo uu yiri, Nabigu (scw) Wuxuu yiri:

عن أبي بكرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم
ألا أنبئكم بأكبر الكبائر ؟ – ثلاثا – قلنا : بلى يا رسول الله
قال : الإشراك بالله ، وعقوق الوالدين وكان متكئا فجلس،  ص: 657
وقال: ألا وقول الزور ، وشهادة الزور ، فما زال يكررها حتى قلنا : ليته سكت

Waxaa dhici karta danbi kasta in llaahay qofka u dhaafo shirkiga mooyee, waana lama huraan inuu yeesho towbad gaar ah.

llaahay wuxuu yiri:

إِنَّ اللَّهَ لاَ يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَن يَشَاء

[سورة النساء الآية ٤٨]

Shirkiga waxaa ka mid ah mid weyn oo diinta looga baxo oo qofkii sameeya haddii uu ku dhinto naarta ku waarayo. Waxyaalaha muuqda ee shirkiga ah ee ku faafey wadamo badan oo Muslim ah waxaa ka mid ah:

Qubuurta oo La Caabudo

Taas oo ay ka mid tahay in la rumeeyo in awliyada dhimatay dadka dantooda u fulinayaan, oo dadka kurbada ka feydayaan iyo in la kaalmeysto oo loo qeyshado,.

llaahay wuxuu yiri:

” وَقَضَى رَبُّكَ أَلاَّ تَعْبُدُواْ إِلاَّ إِيَّاهُ ”

[سورة الإسراء الآية ٢٣]

Taas waxaa la mid ah in la baryo dadka dhintay sida Nabiyada iyo saalixiinta ama cid kale lagana baryo shafeeco ama inay dhib feydaan llaahay wuxuu yiri:

أَمَّن جَعَلَ الأَرْضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلالَهَا أَنْهَارًا وَجَعَلَ لَهَا رَوَاسِيَ وَجَعَلَ بَيْنَ الْبَحْرَيْنِ حَاجِزًا أَإِلَهٌ مَّعَ اللَّهِ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لا يَعْلَمُونَ

[سورة النمل الآية ٦٢]

Dadka qaarkood waxay caado iyo dhaqan ka dhigteen inay ku dhawaaqaan magac sheekh ama wali markii ay fariistaan ama istaagaan ama ay kufaan iyo mar walba oo ay ku dhacaan mixnad ama musiibo iyo kurbo;

  • kaasi wuxuu oran Muxamadow,
  • kaasina wuxuu oran Caliyow,
  • kaasina wuxuu oran Xuseenow,
  • kaasina wuxuu oran Jeylaaniyow,
  • kaasina wuxuuu oran shaadaliyow,
  • kaasina wuxuu oran rufaaciyow,
  • kaasina Caydaruus ayuu u yeeran
  • kaasina sayidda Seynab ayuu u yeeran,
  • kaasina Ibnu Calwaan ayuu u yeeran.

Ilaahayna wuxuu yiri:

إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ عِبَادٌ أَمْثَالُكُمْ

[سورة الأعراف الآية ١٩٤]

Dadka qubuurta caabuda qaarkood way ku dawaafaan qubuurta, tiirar keedana way salaamaan oo isku masaxaan albaabkeedana waa dhunkadaan caradeedana wajiga ayey marsadaan, haddii qabrigu u muuqdana waa u sujuudaan oo hortiisa ayey istaagaan iyagoo khushuucsan oo is dulleynaya oo weydiisanaya dana hooda ay ka mid tahay in qof jiran loo caafiyo, ama in ilmo la siiyo, ama muraad loo fududeeyo, waxaana Iaga yaabaa in qofka qabriga baryaya uu yiraahdo sayid keygiiyow wadan fog ayaan kaaga imide gacmo maran ha igu celin.

Ilaahayna wuxuu yiri:

وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُو مِن دُونِ اللَّهِ مَن لّا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَن دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ

[سورة الأحقاف الآية ٥]

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

:عن ابن مسعود رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال
“من مات وهو يدعو من دون الله ندّاً دخل النار”

[رواه البخاري]

Dadkaa qaarna madaxa ayey ku xiirtaan qabriga agtiisa, qaarna waxay sitaan kutub cinwaankeedu ka mid yahay:

“مناسك حج المشاهد”

Mashaahidda waxay ula jeedaan qubuurta ay awliyada u dhisaan. Dadka qaarkood waxay rumeysan yihiin in awliyadu adduunka maamusho oo ay dhib iyo nafac keento.

llaahay wuxuu yiri:

وَإِن يَمْسَسْكَ اللَّهُ بِضُرٍّ فَلاَ كَاشِفَ لَهُ إِلاَّ هُوَ وَإِن يُرِدْكَ بِخَيْرٍ فَلاَ رَادَّ لِفَضْلِهِ

[سورة يونس الآية ١٠٧]

Shirkiga waxaa kaloo ka mida in llaahay qeyrki loo nidro sida kuwa u nidra qubuurta inay u keeni doonaan shumac ama faanuus.

Shirkiga weyn ee muuqda waxaa ka mida: llaahay qeyrkii oo loo gowraco.

llaahay wuxuu yiri:

فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ

[سورة الكوثر الآية ٢]

Micnaha: llaahay u tuko oo isaga u gowrac oo magaciisa ku gowrac.

Nabigu (s.c.w.) wuxuu yiri:

( يقول صلى الله عليه وسلم: ( لعن الله من ذبح لغير الله

Neefka la gawracay waxaa ku kulmi kara laba shey oo la xarimay kuwaas oo kala ah in llaahay mooyee cid kale loo gawraco, iyo in magaca llaahay mooyee wax kale lagu gawraco, labaduba waxay reebayaan in neefkaas la cuno. Gawracyada jaahiliga ah ee casrigaan faafay waxaa ka mid ah in jinniga loo gawraco, waagii hore waxay yeeli jireen haddii ay guri iibsadaan ama dhistaan ama ceel qodaan, waxay ilinkiisa ama agtiisa ku gawrici jireen neef, cabsi ay jinniga ka cabsanayaan awgeed.

Tusaale aahaan shirkiga weyn ee faafay waxaa ka mida:

”In la xalaaleeyo wuxuu llaahay xarimey ama la xarimo wuxuu llaahay xalaaleeyey,”

… ama in la rumeeyo inay jirto cid aan llaahay ahayn oo arinkaas xaq u leh, waxaa kaloo ka mid ah in loo xuguntamo

Maxkamadaha qawaaniinta jaahiliga ah wax ku xukuma iyadoo qofku khiyaarkiisa qabokuna raali noqdoo uu xalaashado ama uu rumeeyo in arintaasi banaan tahay, llaahay wuxuu arinkaas ku tilmaamey inuu yahay gaalnimadii weyneyd wuxuuna yiri:

اتَّخَذُواْ أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّهِ ”

[سورة التوبة الآية ٣١]

Cudey Binu Xaatim markii uu maqlay Nabiga (scw) oo Aayaddaan akhriyaya wuxuu yiri: waxaan iri: Ehlu Kitaabku macaabudi jirin Baadari yaashooda markaasaa Nabigu yiri:

أجل! ولكن يحلون لهم ما حرم الله فيستحلونه ويحرمون عليهم ما أحل الله فيحرمونه فتلك عبادتهم لهم

[حسنه الالناني]

Mushrikiintii llaahay wuxuu ku sifeeyey inay yihiin sifada Aayadaan ku cad:

وَلاَ يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلاَ يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ

[سورة التوبة الآية ٢٩]

Sidoo kale llaahay wuxuu yiri:

قُلْ أَرَأَيْتُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ لَكُم مِّن رِّزْقٍ فَجَعَلْتُم مِّنْهُ حَرَامًا وَحَلالاً قُلْ آللَّهُ أَذِنَ لَكُمْ أَمْ عَلَى اللَّهِ تَفْتَرُونَ

[سورة يونس الآية ٥٩]

Noocyada shirkiga faafay waxaa ka mida: Sixirka wax sheegyada iyo curaafeysiga Sixirku waa gaalnimo wuxuuna ka mid yahay todobada kabaa’irta ah ee lagu halaagsamo, wuxuuna keenaa dhib ee wax nafci ah ma keeno.

llaahay wuxuu barashadiisa ka yiri:

وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمْ وَلاَ يَنفَعُهُمْ

[سورة البقرة الآية ١٠٢]

Waxaa kaloo llaahay yiri:

Qofka sixirka isticmaala waa gaal;

وَلا يُفْلِحُ السَّاحِرُ حَيْثُ أَتَى

[سورة طه الآية ٦٩]

llaahay wuxuu yiri:

وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُواْ يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ وَمَا أُنزِلَ عَلَى الْمَلَكَيْنِ بِبَابِلَ هَارُوتَ وَمَارُوتَ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّى يَقُولاَ إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلاَ تَكْفُرْ

[سورة البقرة الآية ١٠٢]

Sixirka xugun kiisu waa dil, kasab kiisuna waa xaaraan qurun ah, dadka juhalada ah, daalimiinta iyo kuwa iimaan koodu yar yahay waxay aadaan sixirow yada si ay dad kale u sixraan ama cid kale uga aarsadaan.

Waxaa jira dad kaloo xaaraan ku dhacaya marka ay u cararaan sixirowga si uu uga furo sixir kale, waxaana qofka waajib ku ah inuu u cararo llaahay oo hadalkiisa isku daaweeyo sida suuradaha mucawidaadka iyo qeyrkoodba. Waxsheega iyo curaafuhuna llaahay ayay beeniyeen haddii ay sheegtaan inay qeybka ogyihiin, llaahay mooyee cid kale qeybka ma oga.

In badan oo kuwaas ka mid ah waxay ka faa’ iideystaan dadka waxmagaratada ah si ay xoolo uga qaataan, waxayna isticmaalaan dariiqado kala duwan, sida inay carruurta ku faaliyaan ama sacabka iyo koobabka, quraaradaha, murayadaha oo ay wax ku akhriyaan, haddii ay hal mar run sheegaan sagaashan iyo sagaal jeer ayey been sheegi, laakiin dadka makastada ahi ma xusuustaan markii kali ahaa oo ay runta sheegeen beenlowyadu mooyee, markaas ayey aadayaan si ay u ogaadaan waxa soo socda, liibaanta iyo dhul dareysiga, guurka, ganacsiga iyo fhay helaan wax ka dhumay iwm.

Qofkii waxsheegyada aada oo rufnaysta waxay sheegayaan waa gaal diinta ka baxay waxaana u daliil ah hadalkii Nabigu (scw) uu yiri:

:أنَّ رسولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم قالَ

مَنْ أتى عَرَّافًا فَسَأَلهُ عَنْ شَئٍ لم تقْبَل لَهُ صَلاةُ أربعينَ ليلةً

”Waxaa ku waajib ah inuu towbad keeno salaadana tukado.”

In La Rumeeyo In Xiddiguhu
Saameyn Ku Leeyihiin Dadka
Noloshooda Iyo Falalka Dhacaaya

Seyd Ibnu Khaalid Al-Juhani wuxuu yiri:

Nabiga (scw) ayaa nagu tujiyey salaadda subax Xudeybiya, iyada oo habeenkii roob da’ay, markii uu salaaddii ka baxay ayuu yiri:

:عن زيد بن خالد الجهني رضي الله عنه قال

صلَّى لنا رسول الله – صلى الله عليه وسلم – صلاة الصبح بالحديبية على إِثْر سماء كانت من الليلة ، فلما انصرف أقبل على الناس فقال: ( هل تدرون ماذا قال ربكم ؟ قالوا : الله ورسوله أعلم ، قال: أصبح من عبادي مؤمن بي وكافر ، فأمَّا من قال : مُطِرنا بفضل الله ورحمته ، فذلك مؤمن بي وكافر بالكوكب ، وأما من قال : مُطِرنا بنوء كذا وكذا فذلك كافر بي ومؤمن بالكوكب )

[رواه البخاري ومسلم]

Taas waxaa la mid ah in la isticmaalo bakhtiyaanasiibka ku yaal joornaalada iyo wargeysyada, qofkii rumeeya in xiddiguhu saameyn ku leeyihiin dhacdooyinka wuu gaaloobay, haddiise uu waqti dhumis ahaan isaga akhriyayo waa caasi danbi ayaana ka raacaya, waayo ma banaana in waqti dhumin ahaan loo akhriyo wax shirki ah sheydaankuna wuxuu qofka qalbigiisa ku tuurayaa inuu rumeeyo Waxaas oo markaas ay noqoto dariiq shirkigu ugu soo gabado.

Shirkiga waxaa ka mid ah In la rumeeyo in waxyaalaha lagu intifaacayo uusan llaahay sidaas ka dhigin sida dadka qaarki u rumeeyey in xirsiga iyo qardhaasta shirkiga ahi wax taraan iyo sidoo kale noocyada faalka iyo jijimaha maarta ah iwm, iyadoo Iaga dab qaadanayo ra’yiga sixirowga iyo wax sheega ama caado hore oo la kala dhaxlay, markaa ayey luqunta ku xiran ama carruurta u xirayaan, si aysan ishu u qaban sida ay ayagu sheeganayaan, waxayna ku xirtaan gawaarida, guryaha iyo jirkooda.

Waxay kaloo gashadaan faraatiyo fasas kala duwani ku jiraan, taasoo ay waxyaalo kale ka aaminsan yihiin sida inay balaayada celiso ama wax bogsiiso, taasna waxaan shaki ku jirin inay reebeyso in llaahay la talo saarto, dadkana waxaan jiro ahayn uma siyaadineyso waana wax xaaraan ah oo la isku daaweynayo.

Qardhaasta la isku xiro badankeeda waxaa ku jira shirki cadaan ah, sida in loo qeyshado jini iyo sheyaadiin ama sawiro aan la aqoon ama qoraal aan la fahmeyn.

Sixirowyada qaarkood waxay qoraan aayado quraan ah, markaasey waxay ku daraan wax kaloo shirki ah, qaarna aayado quraan ah ayey waxay ku qorayaan wax najaaso ah ama dhiiga caadada dumarka. Waxyaalaha aynu soo sheegnay xirsi ay ku qoran yihiin in la isku xiro ama la iska lulo waa xaaraan, waxaana daliil u ah hadalkii Nabigu (scw) yiri;

:قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

مِنْ عَلَّقَ تَمِيمَةً فَقَدْ أَشْرَكَ

[رواه احمد وهو في السلسلة الصحيحة ٤٩٢]

Qofka waxyaalahaas isticmaala haddii uu rumeeyo inay llaahay ka sokow wax u tarayaan ama wax u dhimayaan gaalnimadii weyneyd ayuu gaaloobay, haddiise uu rumeeyo inay sabab u yihiin nafaea iyo dhibkaba iyadoo la ogyahay inaan llaahay sabab uga dhigin, qofkaasi gaalnimadii yareyd ayuu gaaloobay, waxayna soo galeysaa shirkiga asbaabta ah.

Cibaadada oo Loo Sameeyo
Halagaa Sheego

Shuruudda camalka suuban waxaa ka mid ah, inuu ka hufan yahay istustus iyo inuu waafaqsan yahay sunada, qofkii cibaado u sameeya halagaa sheego shirkigii yaraa ayuu la yimid camal kiisuna wuu burey, sida qofkii u tukada in dadku arkaan,

llaahay wuxuu yiri:

إِنَّ الْمُنَافِقِينَ يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَهُوَ خَادِعُهُمْ وَإِذَا قَامُواْ إِلَى الصَّلاةِ قَامُواْ كُسَالَى يُرَاؤُونَ النَّاسَ وَلاَ يَذْكُرُونَ اللَّهَ إِلاَّ قَلِيلاً

[سورة النساء الآية ١٤٢]

Taas waxaa la mid ah haddii uu camal u sameeyo halagaa sheego oo ha la maqlo oo iyadana shirki ayuu ku dhacayaa, goodi ayaa ku soo aroorey qofkii sidaas sameeya, sida ku sugan xadiiskii Ibnu Cabbaas iyadoo xadiiskaa sannad kiisu Nabiga (scw) gaarsiisan yahay:

:عن ابن عباس رضي الله عنهما-قال: قال النبي-صلى الله عليه وسلم

“مَنْ سَمّعَ سَمَّعَ اللهُ بِهِ، وَمَنْ يُرَائِي يُرَائِي اللهُ بِهِ”

[رواه مسلم]

Qofkii cibaado u sameeya llaahay darti iyo dadku inay arkaan camal kiisii waa burey sida ku sugan xadiiska qudsiga ah:

:عن أبي هريرة – رضي الله عنه – قال : قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم

: قال الله تبارك وتعالى
أنا أغنى الشركاء عن الشرك، من عمل عملا أشرك فيه معي غيري تركته وشركه
(رواه مسلم ، وفي رواية ابن ماجه : ( فأنا منه بريء وهو للذي أشرك

Qofkii camal llaahay darti u bilaaba ka dibna ay ku soo dhacdo halagaa sheego haddii uu dhibsado oo la diriro oo iska reebreebo camal kiisii waa uu ansaxayaa, haddii uusanse dhibsan oo naftiisu ku dagto culumada badan keedu waxay qabaan in camal kiisii burayo.

Wax Baaseysiga

Wax baaseysigu waa in wax la shareysto, llaahay wuxuu yiri:

فَإِذَا جَاءَتْهُمُ الْحَسَنَةُ قَالُواْ لَنَا هَذِهِ وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ يَطَّيَّرُواْ بِمُوسَى وَمَن مَّعَهُ

[سورة الأعراف الآية ١٣١]

Carabtu waxay ahaan jireen haddii ay damcaan inay arrin fuliyaan, sida safarka iwm, waxay soo qaban jireen shimbir ka dibna waa siideyn jireen, haddii ay midig u duusho way bishaareysan jireen oo Arrinkii ku dhaqaaqi jireen, haddiise ay bidix u duusho way baaseysan jireen oo ka noqon jireen arrinkii Nabigu (scw) arrintaa xugun keeda wuxuu ku caddeeyey xadiiskii uu yiri:

الطيرة شرك) رواه احمد)

Citiqaad kaas, muxarramka ah oo reebaya kaamil nimada towxiidka waxaa ka mida, bilaha in ia baaseysto sida in guurka la iska daayo bisha Safar ama in ayaamaha la baaseysto sida in la rumeeyo in maalinta arbacada ee bil walba u dambeysa ay tahay qumayo, ama in la baaseysto tirada seddex iyo tobanka “13″, ama in la baasaysto magacyo ama dadka naafada ah sida hadii uu qofku aado dukaan kiisa si uu u furo, ka dibna uu dariiqa ku arko nin weershe ah uu baaseysto oo iska laabto iwm.

Waxaas oo idil waa xaaraan shirki ah, Nabigu (scw) beri ayuu ka noqday qofkii falalkaas sameeya daliil keeduna waa xadiiskii Cumraan Ibnu Xuseen oo sannad kiisu Nabiga gaarsan yahay:

ليس منا من تطير ولا تطير له ولاتكهن له
(وأظنه قال: أوسحر أوسحرله)

[رواه الطبر اني وهو في صحيح الجامع ٥٤٣٥]

Qofkii falaal kaas wax ka mid ah ku dhaca kafaara gud kiisu waa sida ku soo aroortay xadiiska Cabdulaahi Bin Cumar wuxuuna yiri: Rasuulku (scw):

من ردته الطيرة من حاجة فقد أشرك، قالوا: يا رسول الله ما كفارة ذلك؟

:قال أن يقول أحدهم

” اللَّهُمَّ لا خَيْرَ إِلا خَيْرُكَ ، وَلا طَيْرَ إِلا طَيْرُكَ ، وَلا إِلَهَ غَيْرُكَ “

[رواه أحمد]

Wax baaseysigu waa dabeecad naftu leedahay mar ayuu siyaadaa marna wuu yaraadaa, daawadiisa ugu fiican waa in llaahay la talo saarto, sida ku soo aroortay hadal kii Ibnu Mascuud yiri:

قال المصنف رحمه الله تعالى: وعن ابن مسعود مرفوعاً
(الطيرة شرك، وما منا إلا ولكن الله يذهبه بالتوكل)

[رواه أبو داود و الترمذي وصححه، وجعل آخره من قول ابن مسعود]

Ilaahay Qeyrkii
oo Lagu Dhaarto

llaahay wuxuu ku dhaaran karaa wuxuu doono oo makhluuqaadkiisa ah, laakiin qofka makhluuqa ahi llaahay mooyee cid kale inuu ku dhaarto uma banaana. Dad badan ayaa carrabkooda waxaa ku badan dhaarta, dhaartuna waa nooc weyneynta ka mida oo aan llaahay mooyee cid kale ku habooneyn.

Ibnu Cumar (rc) ayaa waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga (scw) gaarsan oo ahaa:

ألا إن الله ينهاكم ان تحلفوا بابائكم من كان حالفا فليحلف بالله أو ليصمت

[رواه البخاري]

Waxaa kaloo Iaga wariyey xadiis kaloo Nabiga (scw) gaarsan oo ahaa:

من حلف بغير الله فقد أشرك

[روه أحمد]

Nabiga (scw) waxaa Iaga wariyey inuu yiri:

من حلف بالامانة فليس منا

[رواه أبو داود وهو في السلسلة الصحيحة]

Ma baana in lagu dhaarto Kacbada, amaanada, sharafta, gargaarka, barakada hebel, nolosha hebel, jaaha Nabiga (scw), jaaha Waliga, Aabayaasha, Hooyooyinka iyo Carruurta, waxaas oo dhan waa xaaraan in lagu dhaarto, qofkii intaas wax ka mida ku dhaca kafaara gudkiisu waa inuu yiraahdo LAA ILAAHA ILLAA ALLAAH, sida ku soo aroortay xadiiskasaxa ah:

من حلف فقال وباللات والعزي فليقل لا إله إلا الله

[رواه البخاري]

Hadalka baabkaan ku soo aroorey waxaa la mida oraahyo badan oo shirki muxarram ah Muslimiinta qaarkoodna ay ku hadlaan sida in la yiraahdo:

llaahay iyo adigaan idinmagan galayaa, adiga iyo llaahay ayaan idin tala saartey, waxaas adiga iyo llaahay ayaa ii tarey, adiga iyo llaahay mooyee cid kale malihi, llaahay ayaa cirka ii jira adiguna dhulka ayaad ii joogtaa, haddii aana llaahay iyo hebel heli laheyn si kale ayey iga noqon la hayd, sida saxa ah waa in lala yimaado ereyga “kadib” oo uu yiraahdo llaahay ayaan leeyahay ka dibna adiga, ereyada shirkiga ah waxaa ka mida anigu beri ayaan ka ahay Islaamka, guul darro joogto eheey, taas waxa la mida oraah walba oo waqtiga lagu caayayo sida, waqtigaani waa xun yahay waa saacad baas, waa waqti khayaano iwm.

Waayo cayda waqtiga la caayo waxay u laabaneysaa llaahii waqtiga abuurey. Hadaladaas shirkiga ah waxaa la mida, oraahdaan: dabeecadda ayaa dooneysa, iyo magac walba oo adoonimo lagu sugayo oo cid aan llaahay ahayn loo tiiriyo sida, Cabdul Masiix, Cabdul Nabi, Cabdul Rasuul, iyo Cabdul Xuseen.

Oraahaha iyo halkudhagyada gadaal Iaga keenay ee ka soo horjeeda towxiidka waxaa ka mida, Hanti Wadaaga Islaamka, Dimaqoraadiyadda Islaamka, shacabku wuxuu doonayo llaahay wuxuu doonayo ayey la mid tahay, Diinta llaahay ayaa is kaleh Wadankana dadka ayaa wada leh, magaca Kacaanka.

Waxyaalaha la xarrimay waxa ka mid ah in qof loogu magac daro oraahda boqorka boqorada iyo wixii oraaho kale ah oo la mid ah sida, qaaliga qaaliyada, in qof munaafaq ah ama gaal ah lagu caam yeelo oraahda ah sayid iyo wixii la macna ah (afkii la doono ha lagu yiraahdo ee). in la isticmaalo xarafka low kaasoo ku tusaya caro iyo fal sheydaan iyo iyado fureysa carnal sheydaan. In la yiraahdo llaahow haddii aad doonto ii dambi dhaaf. Haddii aad dooneyso faahfaahin dheeraada eeg kitaabka (Mucjam Al-Manaahi Al-Lafdiyah) ee uu qorey sheekh Bakar Abu Seyd.

Munaafiqiinta Iyo Gaalada
oo Lala Fariisto oo La Weheshado
Ama Loo Wehelyeelo

Kuwa uusan iimaanku uusan qalbigooda gelin waxay u qasdayaan inay la fariistaan dad reero fisqi iyo faajir ah, baise waxaa Iaga yaabaa inay la fariistaan kuwa shareecaddii llaahay, Diintiisii iyo Awliyadiisii ku jeesjeesaya oo caayaya, shakina kuma jiro in falkaasi muxarram yahay oo caqiidada durayo llaahay wuxuu yiri:

وَإِذَا رَأَيْتَ الَّذِينَ يَخُوضُونَ فِي آيَاتِنَا فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ حَتَّى يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ وَإِمَّا يُنسِيَنَّكَ الشَّيْطَانُ فَلاَ تَقْعُدْ بَعْدَ الذِّكْرَى مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ

[سورة الأنعام الآية ٦٩]

Ma banaana in lala fariisto kuwaas oo Aayadaha llaahay wax ka sheegaya, haddii ay xataa qaraabo dhow yihiin ama fadhigoodu xiiso leeyahay ama sheekadoodu macaan tahay, qofku inuu Islaamka ugu yeero ama baadilka ka celiyo ama ka reebo mooyee inuu ka raali noqdo ama ka aamuso ma banaana llaahay wuxuu yiri:

فَإِن تَرْضَوْا عَنْهُمْ فَإِنَّ اللَّهَ لاَ يَرْضَى عَنِ الْقَوْمِ الْفَاسِقِينَ

[سورة التوبة الآية ٩٦]

Ku Xasilidda Salaada
oo Laga Tago

Jariimooyinka waaweyn ee tuuganimada ah waxaa ka mida xadida la xadayo salaada Nabigu (scw) wuxuu yiri:

أسوا الناس سرقة يسرق من صلاته
قالوا يارسول الله وكيف يسرق من صلاته؟
قال: لايتم ركوعها ولاسجودها

[رواه أحمد]

Ku xasilidda salaadda in Iaga tago oo dhabarku uusan ku xasilin rukuuca iyo sujuuda, oo aan qumaati loo istaagin marka rukuuea Iaga istaago iyo marka lagu sugan yahay fadhiga u dhaxeeya labada sujuudood, intaas oo dhan waxaa caan ku ah dad weyne badan oo tukada mana jiro masjid ka mamaan kara dad tusaale u noqon kara dadka aan salaadda ku xasilin, xasilidduna waa rukni aysan salaaddu la’aanti ansaxeyn, arrintu waa khatar Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

لاتجزيء صلاة الرجل حتي يقيم ظهره في الركوع والسجود

[رواه ابو داود]

Shaki kuma jiro in arrinkaasi uu yahay mid xun oo qofkii sameeya mudan yahay in Iaga reebo loona digo. Waxaa Iaga wariyey Abii Cabdulaahi A! Ashcari inuu yiri: Nabigu (scw) wuxuu tujiyey Asxaabtiisii ka dibna wuxuu la fariistey qaar Asxaabta ka mid ah, nin ayaa Masjidka soo galay oo salaad xirtay wuu rukuucay oo sujuuday oo wuxuu kasiiyey sujuudii gadhaw.

Nabigu (scw) wuxuu yiri: war kaas ma arkeysaan, qofkii sidaas kudhintaa wuxuu ku dhintay Diintii Nabi Muxamed (scw) Diin aan ahayn Salaadiisa ayuu gadhaw ka siin sida tukuhu dhiiga u gadhawsado, Qofka rukuuoa iyo sujuudda gadhow ka siinaya wuxuu la mid yahay qof baahan oo aan cuneyn hal iyo labo timira mooyee, maxay baahidiisii ka deeqi. Ibnu khuseyma ayaa ku wariyey saxiixa.

Seyd Ibnu Wahabna waxaa Iaga wariyey inuu yiri, Xudeyfa ayaa wuxuu arkay nin aan taam yeeleyn rukuuea iyo sujuudda markaas ayuu ku yiri: maadan tukan, haddii aad sidaas ku dhimatid kuma aad dhiman Diintii fidrada ahayd ee llaahay Nabi Maxamed (scw) la soo direy.

Waxaa ku haboon qofkii ka taga ku xasilidda salaadda hadduu ogaado xugunkeeda inuu ku soo celiyo salaadda waajib ka ah ee waqtigeedii uu joogo, tii waqtigeedii tageyna uu llaahay uga towbad keeno, kuma waajibayso inuu salaadihii tagey soo celiyo sida uu caddeeyey xadiiskii ahaa (Noqo oo tuko ma aadan tukane).

Ciyaarta Iyo Dhaqaaqa
oo Salaadda Lagu Badiyo

Taasi waa aafo aysan ka nabadgelin dad tiro badan oo tukanaya, Waayo ma fulinayaan ammarkii llaahay yiri:

وَقُومُواْ لِلَّهِ قَانِتِينَ

“llaahay u istaga idinka oo khushuucsan,” [Albaqara 238].

Mana fahmayaan hadalkii llaahay yiri:

[2] قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ [1] الَّذِينَ هُمْ فِي صَلاتِهِمْ خَاشِعُونَ

‘’Waxaa liibaanay mu’miniintii salaadooda ku khushuuca.’’ [Surat: A-Muminuun 1/2]

Nabiga (scw) markii la weydiiyey qof sujuudaya oo carrada gacanta ku simaya wuxuu yiri: Ha masaxin carrada adigo tukanaya, haddii ay lama huraan noqoto in aad sameyso hal mar quruuruxa sin” [waxaa wariyey Abuu daa’uud 1/581].

Culumadu waxay sheegeen in dhaqaaqa badan ee isku xiga oo dan la’aanta ah salaaddu ku bureyso, haddaba sidee noqonayaan kuwa ku cayaaraya salaadooda iyago llaahay hortaagan, qaarkood saacadooda ayey eegayaan ama maradooda toosinayaan ama sanka ayey farta iska galinayaan ama midig iyo bidix iyo kor eegayaan oo aysan ka baqeyn in aragooda la dafo ama sheydaanku salaadooda xado.

Qofka oo Imaam Kiisa
Salaadda Kas Ugala Hormara

Dadka dabeecaddooda waxa ka mid ah degdega:

وَكَانَ الإِنسَانُ عَجُولاً

[سورة الإسراء الآية ١١]

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

” التَّأَنِّي مِنَ اللَّهِ وَالْعَجَلَةُ مِنَ الشَّيْطَانِ “

[رواه البيهقي]

In badan ayuu qofku arkayaa isaga oo jamaaco ku jira dad badan oo ku tukanaya midigtiisa iyo bidixdiisa, balse wuxuu ku arki naftiisa marmar inuu iimaamka kala hormarayo rukuuca iyo sujuuda iyo takbiirta guud ahaan iyo salaama naqsigaba. Arintaasi waxay u muuqataa inaysan dad badan ahmiyad la lahayn, waxaa ku soo aroorey goodi kulul oo Nabiga (scw) laga wariyey wuxuuna yiri:

:عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَال

أَمَا يَخْشَى الَّذِي يَرْفَعُ رَأْسَهُ قَبْلَ الإِمَامِ أَنْ يُحَوِّلَ اللَّهُ رَأْسَهُ رَأْسَ حِمَارٍ , أَوْ يَجْعَلَ الله صُورَتَهُ صُورَةَ حِمَارٍ ؟

[رواه مسلم]

Haddiiba qofka tukanaya la faray inuu salaadda ku yimaado deganaasho, sidee noqoneysaa salaadda qudheedu, dadka qaarki inay imaamka ka hormaraan waxay ku dheehaan inay ka dib maraan, ha la ogaado culumada Allaha u naxriistee waxay sheegeen xeer fiican oo arrintaasi leedahay kaasoo ah:

Qofka imaamka la tukanaya waxaa ku haboon inuu dhaqaaqiisa ka bilaabo marka ay go’do takbiirta imaamka oo ra’da Allaahu akbar ku jirta ay dhamaato, kana hormari maayo kana dib dhici maayo, markaa arintu xeer ayey yeelaneysaa, Asxaabtii Nabigu (scw) aad ayey ugu dadaali jireen inaysan Nabiga (scw) ka hormarin, mid ka mid ah Asxaabta oo la oran jirey Baraa’ Binu Caasib (rac) wuxuu yiri:

Asxaabtu Nabiga (scw) ayey ku daba tukan jireen, haddiii uu Nabigu kor uga soo noqdo rukuuca ma arki jirin qof dhabarkiisa soo qaloociya ilaa Nabigu (scw) wajigiisa dhulka dhigo, markaa ka dib ayey ku dabo tukanayaan oo sujuuda u soo hooban jireen. waxaa wariyey Muslim.

Marka uu Nabigu duqoobay oo dhaqaaqiisii culeys galay, dadkii la tukanayey ayuu baraarujiyey oo wuxuu yiri:

عن أنس قال : صلى بنا رسول الله -صلى الله عليه وسلم- ذات يوم فلما قضى الصلاة أقبل علينا بوجهه، فقال : ” أيها الناس إني إمامُكم فلا تسبقوني بالركوع ولا بالسجود ولا بالقيام ، ولا بالانصراف ، فإني أراكم أمامي ومن خلفي

[رواه البيهقي وحسنه]

Imaamka waxaa Iaga doonaya inuu ku dhaqmo takbiirta sunnada ah oo ku soo aroortay xadiiska Abu Hureyra uu wariyey (rac):

:عن أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ

كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم إذَا قَامَ إلَى الصَّلاةِ يُكَبِّرُ حِينَ يَقُومُ , ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَرْكَعُ , ثُمَّ يَقُولُ : سَمِعَ اللَّهُ لِمَنْ حَمِدَهُ , حِينَ يَرْفَعُ صُلْبَهُ مِنْ الرَّكْعَةِ , ثُمَّ يَقُولُ وَهُوَ قَائِمٌ : رَبَّنَا وَلَكَ الْحَمْدُ , ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَهْوِي , ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَرْفَعُ رَأْسَهُ , ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَسْجُدُ , ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَرْفَع رَأْسَهُ , ثُمَّ يَفْعَلُ ذَلِكَ فِي صَلاتِهِ كُلِّهَا حَتَّى يَقْضِيَهَا , وَيُكَبِّرُ حِينَ يَقُومُ مِنْ الثِّنْتَيْنِ بَعْدَ الْجُلُوسِ

Hadduu imaamku ka dhigo takbiirtiisa mid ku iifaaqan xarakadiisa qofka la tukanayana uu fuliyo xeerkii aan soo sheegnay Arinta jamaacadu way hagaagi.

Inuu Masjidka Yimaado
Qofkii Soo Cunay Basal,
Toon Ama Wax Ur Qarmuun

llaahay wuxuu yiri:

يَا بَنِي آدَمَ خُذُواْ زِينَتَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ

[سورة الأعراف الآية ٣١]

Jaabir ayaa waxaa Iaga wariyey inuu yiri Nabigu (scw) wuxuu yiri:

:عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم أَنَّهُ قَالَ

مَنْ أَكَلَ ثُوماً أَوْ بَصَلاً فَلْيَعْتَزِلْنَا ، ولِيَعْتَزِلْ مَسْجِدَنَا ، وَلْيَقْعُدْ فِي بَيْتِهِ ، وَأُتِيَ بِقِدْرٍ فِيهِ خَضِرَاتٌ مِنْ بُقُولٍ ، فَوَجَدَ لَهَا رِيحاً , فَسَأَلَ ، فَأُخْبِرَ بِمَا فِيهَا مِنْ الْبُقُولِ ، فَقَالَ : قَرِّبُوهَا . إلَى بَعْضِ أَصْحَابِه . فَلَمَّا رَآهُ كَرِهَ أَكْلَهَا قَالَ : كُلْ ، فَإِنِّي أُنَاجِي مَنْ لا تُنَاجِي

[رواه البخاري]

وفي روايةٍ لمسلم: «مَنْ أكَلَ البَصَلَ، والثُّومَ، والكُرَّاثَ، فَلا يَقْرَبَنَّ مَسْجِدَنَا، فَإنَّ المَلاَئِكَةَ تَتَأَذَّى مِمَّا يَتَأَذَّى مِنْهُ بَنُو آدَمَ»

Cumar Binu Khadaabna (rc) dadka ayuu u khudbadeeyey maalin jimce ah khudbadiisii wuxuu ku yiri:

قال عمر بن الخطاب رضي الله عنه – في خطبته

ثم إنكم أيها الناس تأكلون شجرتين لا أراهما إلا خبيثتين هذا البصل والثوم ، لقد رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا وجد ريحهما من الرجل في المسجد أمَـرَ به فأُخرِجَ إلى البقيع ، فمن أكلهما فليمتهما طبخاً

[رواه مسلم]

Arrintaas waxaa soo galaya dadka isla marka ay shaqada ka soo baxaan masjidka soo gala iyado qarmuun ka soo urayo kilkilahooda Iyo iskaalsadooda, kuwaas waxaa ka xun kuwa sigaarka caba oo inta sigaarka xaaraanta ah soo dhuuqa masjidka soo gala oo adoomada llaahay, Malaai’igta iyo dadka tukanaya ku dhiba.

Sinada

Markii shareecada qasadkeeda ay ka mid noqotay in Cirdiga (sharafta dumarka) iyo taranka la ilaaliyo, ayaa shareecada waxaa ku soo arooray xarimidda sinada;

Ilaahay wuxuu yiri:

وَلاَ تَقْرَبُواْ الزِّنَى إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاء سَبِيلاً

[سورة الإسراء الآية ٣٢]

Balse shareecadu waxay ku xirtay wadooyinkii sinada lagu gaari lahaa oo dhan in la faro xijaabka, in indhaha la laabo iyo in qof ajnabi ah lala khaali noqdo iwm.

Qofkii reer yeeshay oo sineysta waxaa lagu ciqaabi ciqaabta ugu fooshaxun oo ugu daran, taaso ah in dhagax lagu garaaco itaa uu ka dhinto si uu u dhadhamiyo abaalka ficilkiisa xun. Waa inay xanuunsataa xubin walba oo jirkiisa ka mida sida uu ugu raaxeystay xaaraanta.

Qofka sineysta oo aan nikaax xalaal ah soo marin waxaa lagu karbaashi tirada ugu badan ee ku soo aroortay shareecada, taas oo ah boqol jeedal, iyada oo ay u dheertahay fadeexada iyo ceebta ka raaceysa dadka Mu’miniinta ah ee fiirsanaya karbaashidiisa iyo in Iaga musaafuriyo hal sano meesha uu jariimada ku galay.

Dadka sineysta nolosha Barsakha ah waxaa lagu cadaabi Tanuur xagga sare ciriiri ka ah, xagga hoosena waasac ka ah, xagga hoose ayaa dab looga shidayaa waxaana lagu ridi dadka sineysta lyago qaawan. Marka dabka lagu shido ayey qeylin oo kor soo aadayaan ilaa ay sigaan inay soo baxaan, markii dabku baso ayey hoos u noqon cadaabkaas ayey ku jirayaan ilaa qiyaamaha.

Arintu aad ayey u sii fool xumaaneysaa hadduu qofku mar walba sineysanayo isago sii gaboobaya oo qabriga ku sii dhowaanaya Ilaahayna u seeto dheereynayo.

Waxaa Abu Hureyra Iaga wariyey xadiis Nabiga (scw) gaarsan oo ahaa:

:عن أبي هريرة قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

ثلاثةٌ لا يكلمهم الله يوم القيامة، ولا يزكيهم، ولا ينظر إليهم، ولهم عذابٌ أليمٌ: شيخٌ زانٍ، وملكٌ كذابٌ، وعائلٌ مستكبرٌ

[رواه مسلم]

Waxlaga shaqeeyo waxaa ugu xun lacagta ay qaataan dumarka jirkooda gata, qofta sineysaneysa ee jirkeeda gadaneysa duco Iaga aqbali maayo habeen barkii marka albaabada samada la furo, mana aha baahida Iyo faqrigu cudurdaar sharci ah oo looga talaabi karo xuduuda llaahay, horey waxaa loo yiri:

Gabadha xorta ah inay baahato ayey ka xigtaa inay naasaheeda gadato inay farjigeeda gadatana iskaba daa.

Waqtigaan aan joogno albaab walba ayaa loo furey fool xumadii, sheydaankuna dhagartii iyo dhagarta xulafadiisa ayuu dariiqii foolxumada ku sahlay, markaa ayaa waxaa raacay caasigii iyo macsilowyadii markaas ayaa waxaa faafey dumarkii qaawanaa oo wareegaya, qof walbana wuxuu sii daayey indhihiisa oo xaaraantii la fiirsaday, waxaa faaftay rag iyo dumar isku dhex jira, waxaa la faafiyey joornaalo iyo filimo fool xun, waxaana aad loogu dhoofay wadamada gaalada, waxaana la sameeyey suuq looga ganacsado dhilaysiga oo in badan lagu xad gudbo cirdiga (sharafta dumarka), waxaa batay wacalladii iyo ilmaha uurka lagu dilo .

Ilaahow waxaan ku weydiisaneynaa raxmadaada, naxariistaada, asturkaaga iyo ilaalin aad naga ilaaliso foolxumada, waxaaan ku weydiisaneynaa in aad qalbigeena dahirto oo farjigeena ilaaliso oo aad anaga iyo xaaraanta nakala dhex dhigtid Teed iyo gidaar.

Khaniisnimada

Jariimadii qoladii reer Luud lagu halaagay waxay ahayd inay ragga u tagi jireen.

llaahay wuxuu yiri:

وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ إِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ أَحَدٍ مِّنَ الْعَالَمِينَ [] أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الرِّجَالَ وَتَقْطَعُونَ السَّبِيلَ وَتَأْتُونَ فِي نَادِيكُمُ الْمُنكَرَ

[سورة العنكبوت الآية ٢٩/٢٨]

Jariimadaas fool xumadeeda iyo khatarteeda llaahay wuxuu ku ciqaabay qoladii sameysay afar cuquubo oo llahay uusan qolo kale isugu darin, kuwaaso ah:

  • in indhahoodii la masaxay
  • in la rogay,
  • in xaggoodii sare hoos la mariyey,
  • in dhagxaan roob looga dhigey iyo in lagu qeyliyey.

Shareecada Islaamku ciqaabta ninka wax fuula iyo kan la fuulayba waa in seef lagu dilo, haddii ay raaligooda iyo khiyaarkooda ku sameeyeen.

Ibnu Cabbaas ayaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan oo ahaa:

:عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
( مَنْ وَجَدْتُمُوهُ يَعْمَلُ عَمَلَ قَوْمِ لُوطٍ فَاقْتُلُوا الْفَاعِلَ وَالْمَفْعُولَ بِهِ )

[وصححه الألباني في صحيح الترمذي]

Waxaa soo baxay maanta daacuun iyo cudurro kaloo dadkii inaga horeeyey aysan qabijirin, sababteeduna waa macsida sida: Aydhiska dilaaga ah, taasi waxay ku tusaysaa xikmada llaahay inuu u doorey ciqaabtaan xeesha dheer cidii falkaa xun la timaada.

Naagta oo Isu Diida
Ninkeeda Iyadon Cudurdaar
Sharci ah Haysan

Abu Hureyra ayaa Nabiga (scw) wuxuu ka wariyey inuu yiri:

حديث أبي هريرة -رضي الله تعالى عنه- قال: قال رسول الله -صلى الله عليه وسلم-: إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فأبتْ فبات غضبان عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح

[متفق عليه]

Dumar badan ayaa haddii ay is qabtaan ninkooda ku ciqaaba inay isu diidaan oo xaqiisa u diidaan iyagoo isla quman, waxaa Iaga yaabaa inay arintaas ka dhalan karto arrimo fool xumo weyn keeni kara oo ay ka mid tahay in ninkeedu xaaraan ku dhoco ama in arrintu iyada isku rogto oo uu ku fakero inuu la guursado. Qofta dumarka ah waxaa Iaga dooni inay u degdegto ogolaanshaha ninkeeda haddii uu weydiisto, iyadoo fulineysa hadalkii Nabigu (scw) uu yiri kaasoo ahaa:

،إذا دعا الرجل إمراته الي فراشه فلتجب وان كانت علي ظهر قتب

[زوائد البراز وهو في صحيح الجاع ٥٤٧]

Ninkana waxaa iaga doonayaa inuu u daneeyo xaaskiisa haddii ay jiran tahay, haddii ay uur leedahay iyo haddii ay kurbaysan tahay si ay heshiis u ahaadaan oo aysan isu khilaafin.

Naagta oo Ninkeeda
Weydiisata Furitaan Iyadon
Sabab Sharci ah Haysan

Dumar badan ayaa haddii uu khilaaf yar dhex maro ayaga iyo ninkooda ama uu siin waayo lacagta ay rabto ku degdega inay weydiistaan furitaan, waxaaba Iaga yaabaa inay soo riixayaan qolo wax isku dirta oo qaraabadooda ah ama dariskooda ah, ama waxaa Iaga yaabaa inay ninka la baratanto oo ku tiraahdo hadalo ka careysiiya, sida haddaad nin tahay car I fur.

Sida la ogyahay furitaanka waxaa ka dhasha dhibaato weyn iyo in qoysku burburo oo carruurtu kala haado, waxaa dhici karta inay shalaydo waqti aanay shalayto waxtarayn, arrintaas iyo qeyrkeedba waxay tuseysaa xikmadda shareecada markii ay joojisey armtaas, Thowbaan ayaa waxaa Iaga wariyey xadiis uu Nabiga (scw) ka wariyey:

:فعَنْ ثَوْبَانَ رضي الله عنه قَالَ : قَالَ رَسُولُ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
( أَيُّمَا امْرَأَةٍ سَأَلَتْ زَوْجَهَا الطَّلَاقَ مِنْ غَيْرِ مَا بَأْسٍ فَحَرَامٌ عَلَيْهَا رَائِحَةُ الْجَنَّةِ )

[رواه الترمذي (1187) وأبو داود (2226) وابن ماجه (2055) ، وصححه الألباني في ” صحيح أبي داود]

Cuqba Binu Caamir waxaa Iaga wariyey xadiis uu Nabiga ka wariyey:

( إن المختلعات والمنتزعات هن المنافقات )

[رواه الطبراني في الكبير (17/339) وصححه الألباني في صحيح الجامع برقم (1934)]

Haddiise ay jirto sabab sharci ah sida in ninku salaadda ka tago, khamrada iyo maandooriyaha cabo ama uu ku khasbo arrin xaaraan ah ama uu dulmiyo oo dilo, ama uu xuquuqdeeda u diido, oo waano wax ka tariweydo oo heshiiskii la isku dayo socon waayo, markaa dhib kuma jiro haddii qofta dumarka ahi furitaan weydiisato si ay u badbaadiso diinteeda iyo nafteeda.

Dihaarka

Hadaladii hore ee dadkii jaahiligu oran jireen ummaddaana ku dhex faafey, waxaa ka mid ah Dihaarka, oo ah in ninku ku yiraahdo xaaskiisa hooyadey ayaad’ iga tahay ama walaashey ayaad iga tahay iyo wixii la macno ah ee ka mid ah oraahaha xun ee shareecadu muujisey xumaantooda, sababtoo ah waxaa ku jira dulminta dumarka, llaahay wuxuu ku sifeeyey hadalkaas:

الَّذِينَ يُظَاهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَائِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَاتِهِمْ إِنْ أُمَّهَاتُهُمْ إِلاَّ الَّلائِي وَلَدْنَهُمْ وَإِنَّهُمْ لَيَقُولُونَ مُنكَرًا مِّنَ الْقَوْلِ وَزُورًا وَإِنَّ اللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ

 [سورة المجادلة الآية ٢]

Shareecadu arintaas kafaara gudkeeda way adkaysay waxayna shabahdaa kafaara gudka qoka kama’ loo dilo, waxay kalo shabahdaa kafaaragudka qofka xaaskiisa u taga maafin Ramadaan. Ninkii xaaskiisa ka dhaarta uma banaana inuu u tago ilaa kafara gud uu la yimaado llaahay wuxuu yiri:

وَالَّذِينَ يُظَاهِرُونَ مِن نِّسَائِهِمْ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُوا فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مِّن قَبْلِ أَن يَتَمَاسَّا ذَلِكُمْ تُوعَظُونَ بِهِ وَاللَّهُ بِمَا  تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ[] فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ مِن قَبْلِ أَن يَتَمَاسَّا فَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ فَإِطْعَامُ سِتِّينَ مِسْكِينًا ذَلِكَ لِتُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَتِلْكَ حُدُودُ اللَّهِ وَلِلْكَافِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ

 [سورة المجادلة الآية ٤/٣]

Ninka oo u Taga
Xaaskiisa oo Caado Qabta

llaahay wuxuu yiri:

وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الْمَحِيضِ قُلْ هُوَ أَذًى فَاعْتَزِلُواْ النِّسَاء فِي الْمَحِيضِ وَلاَ تَقْرَبُوهُنَّ حَتَّىَ يَطْهُرْنَ

[سورة البقرة الآية ٢٢٢]

Marka ninka xaaskiisa uma banaana ilaa ay daahir noqoto oo ay ka qubeysato.

Ilaahay wuxuu yiri:

فَإِذَا تَطَهَّرْنَ فَأْتُوهُنَّ مِنْ حَيْثُ أَمَرَكُمُ اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ التَّوَّابِينَ وَيُحِبُّ الْمُتَطَهِّرِينَ

[سورة البقرة الآية ٢٢٢]

Dambigaas fool xumadiisa waxaa caddeynaya hadalkii Nabigu (scw) yiri:

Qofkiise kama’ ugu taga asago aan ogeyn arintaa xugunkeeda, danbi malaha, qofkii ulakac u sameeya asaga oo og, kafaragud ayaa laga doonayaa sida ay qabaan culumada qabta in xadiiska kafaaragudku sax yahay, kafaara gudkaas waa in la bixiyo diinaar ama nus diinaar, culumada qaarkood waxay yiraahdeen khiyaar ayuu u leeyahay, qaarna waxay yiraahdeen, haddii ninku u tago xaaskiisa marka dhiigu ku bilowdo diinaar ayuu bixinayaa, haddiise uu u tago marka ay ka siibaxayso ee dhiigu yaraado ama inta aysan qubaysan nus diinaar ayuu bixin.

Diinaarka qiimaha loo isticmaalo waa 4.25 garaam oo Dahab ah, Intaas ayuu sadaqaysan ama qiimaheeda oo laeag ah, waxaase sax ah inuu khiyaar u leeyahay nuska ama diinaarka, farqina makalalaha dhiiga bilowgiisa iyo dhammaadkiisu.

Xaaska oo Duburta Looga Tago

Dadka xag jirayaasha ah oo iimaankoodu yar yahay kama sariigtaan inay xaaskooda duburta uga tagaan (meesha xaarku ka soo baxo), taasina waxay ka mid tahay dunuubta kabaa’irta ah Nabiguna (scw) wuu lacnaday qofkii falkaas sameeya.

Abu Hureyra waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga (scw) gaarsan:

ملعون من آتي إمرأة في دبرها

[رواه أحمد]

Nabigu (scw) wuxuu kaloo yiri:

:عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ
( مَنْ أَتَى حَائِضًا أَوْ امْرَأَةً فِي دُبُرِهَا أَوْ كَاهِنًا فَقَدْ كَفَرَ بِمَا أُنْزِلَ عَلَى مُحَمَّدٍ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ )

[وصححه الألباني في صحيح أبي داود]

Inkastoo dumarka fidradoodu fiican tahay ay diidayaan arrintaas, Haddana ragga qaarkood furitaan ayey ku handadaan haddii aysan ogolaan, ragga qaarkoodna way siraan xaaskooda iyadoo dumarku ka xishoonayaan inay weydiiyaan culumada arintaas waxay u daliishadaan:

نِسَاؤُكُمْ حَرْثٌ لَّكُمْ فَأْتُواْ حَرْثَكُمْ أَنَّى شِئْتُمْ وَقَدِّمُواْ لأَنفُسِكُمْ وَاتَّقُواْ اللَّهَ وَاعْلَمُواْ أَنَّكُم مُّلاقُوهُ وَبَشِّرِ الْمُؤْمِنِينَ

[سورة البقرة الآية ٢٢٣]

Waxaa la og yahay in sunnadu quraanka fasirto, taaso ay ku soo aroortay in Nabigu (scw) sheegay inay banaan tahay inuu ninku kaga yimaado xaaskiisa jihadii uu doono xagga hore iyo xagga dambe, maadaama ay meeshu tahay meesha carruurtu ka soo baxdo, wax qarsoomi kara ma aha, in duburta Iaga xaaro aysan ahayn meehsa carruurtu ka soo baxdo.

Jariimadaas sababteedu waa in qofku uu galo nolol guur nadiif ah, isago wata dhaqan jaahili ah iyo isticmaat xaaraan ah ama madaxiisa ay ka buuxaan aflaam fool xun oo uu fiirsaday, taaso uusan llaahay uga towbad keenin, waxa la ogsoon yahay in ficilkaasi xaaraan yahay haddii ay xataa labaduba ku heshiyaan, sidaasna ku xalaaloobi maayo.

Dumarka La Isla Qabo
oo aan Loo Caddaalad Falin

Waxyaalaha llaahay inoogu dardaarmay kitaabkiisa waxaa ka mida in dumarka la isla qabo loo caddaalad falo

Ilaahay wuxuu yiri:

وَلَن تَسْتَطِيعُواْ أَن تَعْدِلُواْ بَيْنَ النِّسَاء وَلَوْ حَرَصْتُمْ فَلاَ تَمِيلُواْ كُلَّ الْمَيْلِ فَتَذَرُوهَا كَالْمُعَلَّقَةِ وَإِن تُصْلِحُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا

[Surat an-Nisaa, 129]

Cadaaladda la doonayo waa in looga caddaalad falo xaga hoyashada iyo in mid walba xaqeeda la siiyo sida masruufka iyo marasha, ee cadaaladdu maaha muxabada qalbiga, waayo qofku taas awood uma laha. Ragga qaar ayaa haddii uu guursado hal xaas ka badan, mid qura xageeda u leexday kuwii kalena ka taga oo faraha ka qaado oo mid qura badanaaba la seexda ama mid qura wax siiya kuwa kalena aan wax siin, arintaasi waa xaaraan, qofkii sidaas sameeyana maalinta qiyaame wuxuu ku imaanayaa sifada ku soo aroortay xadiiskaan Abu Hureyra ka wariyey Nabiga (scw):

:عن أبي هُرَيْرَةَ عن النبي صلى الله عليه وسلم قال 
(من كانت له امْرَأَتَانِ فَمَالَ إلى إِحْدَاهُمَا جاء يوم الْقِيَامَةِ وَشِقُّهُ مَائِلٌ)

Naag Ajnabi ah
oo Lala Khaali Noqdo

Sheydaanku wuxuu ku dadaalayaa inuu dadka fitneeyo oo xaaran ku rido sidaa awgeed ayaa llaahay nooga digay oo yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ وَمَن يَتَّبِعْ خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ فَإِنَّهُ يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاء وَالْمُنكَرِ

[Surat: an-Nuur, 21]

Sheydaanku wuxuu Aadanaha kaga socdaa meesha dhiigu kaga dureero, dariiqyada sheydaanku u adeegsado inuu dadka danbiga ku rido waxaa ka mida in qof dumara oo ajnabi ah la la khaali noqdo, sidaa awgeed shareecadu dariiqaas waa oodey sida ku cad hadalkii Nabigu (scw) yiri:

.”لا يخلونَّ رجلٌ بامرأةٍ، إلاَّ كانَ ثالثهُما الشَّيطانُ”

Nabigu wuxuu kaloo yiri:

” لَا يَدْخُلَنَّ رَجُلٌ بَعْدَ يَوْمِي هَذَا عَلَى مُغِيبَةٍ إِلَّا وَمَعَهُ رَجُلٌ أَوِ اثْنَانِ ”

Uma banaana in ninku kula gaar noqdo meel guri ah ama qol ama gaari naag ajnabi ka ah sida walaalki xaaskiisa, ama jaariyada, ama naagta jiran oo dhakhtar u gasho iwm. Dad badan ayaa arrintaas fududeysta kalsooni uu isku qabo awgeed markaas ayaa waxaa ka dhasha in xumaantii lagu dhaco ama lagu dhawaado, arrintu waxay sii foolxun tahay marka uu is dhex galo nasabka iyo wacalladu.

Naag Ajnabi ah
oo La Gacan Qaado

Arintaani waxay ka mid tahay waxyaalaha caadooyinka jaahiliga ah Islaamku ku khilaafay, dad badana ku dhaqmaan oo dadku caadooyinkooda iyo dhaqankooda iyo hidahooda baadilka ah ay ka hormariyaan diinta, oo haddii aad qof ka mida aad la hadasho oo aad u sheegto xugunka diinta – oo aad xujada ku oogto oo daliil u keento, wuxuu kugu eedeyn dib u socodnimo, qaraabo goysnimo iyo in dadka niyada fiican shaki lagu beero iwm.

Waxana ummadeena caado u noqotay in ia gacan qaado: Gabadha Adeerku dhalay, Gabadha Eedadu dhashay, Gabadha Abtigu dhalay, Gabadha Habar yartu dhashay, Walaalka Xaaskiisa, Adeerka Xaaskiisa iyo Abtiga Xaaskiisa waxayna noqotay mid ka fudud biyo la cabayo, haddii ay ku eegi lahaayeen il wax arkeysa khatarta arintu leedahay xagga shareecada, sidaa may sameeyeen. Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Shaki kuma jiro in arintaasi ay ka mid tahay sinada gacanta ee Nabigu (scw) sheegay wuxuuna yiri:

Ma qof Nabi Maxamed (scw) ka qalbi fiican ayaa jira sidaaso ay tahay wuxuu yiri:

Caa’isha (rac) waxaa Iaga wariyey inay tiri:

War hooy llaahay ha ka baqeen dadka ku handadaya dumarkooda saalixa ah inay furidoonaan hadii aysan walaalkood gacan qaadin, waxaa haboon in ia ogaado in haddii gacanta wax la iska xijiyo ama maro la saarto aysan waxba tareyn oo ay laba gooraba uu xaaraan yahay gacan qaadku.

Naagta oo Is Catarisa
Marka Ay Baxayso oo Ragga
La Marta Caraf Teeda

Arintani waxay ka mid tahay waxyaalaha faafay casrigaan inkastoo Nabigu (scw) aad uga digay wuxuuna yiri:

” أَيُّما امُرَأَةٍ اسْتَعْطَرَتْ ، فَمَرَّتْ بِقَوْمٍ لِيجِدُوا رِيحَها ، فهي زانِيةُ “

[رواه أحمد]

Dumarka qaarko9d qaafil ayey iska yihiin ama waa iska fudaystaan arintaas marka ay la joogaan darawalka, ninka wax iibiya iyo waardiyaha iskuulka, balse shareecadu aad ayey u adkaysay in dumarka catarka ismariya ay u qubeystaan sida qasliga looga qubaysto haddii ay doonayso xitaa masjidka, Nabigu wuxuu yiri (scw):

أيما امرأة تطيبت ثم خرجت إلى المسجد ليوجد ريحها لم تقبل لها صلاة حتى تغتسل اغتسالها من الجنابة

[رواه أحمد]

llaahay uun baa loo sheegtaa dhibta ay leeyihiin dumarka isticmaala uunsiga iyo catarka marka ay u socdaan aroosyada iyo xafladaha iyo barfuunada urka dheer ee ay ku isticmaalaan suuqyada iyo gaadiidka lagu socdo iyo meelaha lagu kulmo xataa masaajida ayey ku isticmaalaan habeenada Rabadaanka.

Shareecada waxaa ku soo aroorey in dumarka catarkoodu yahay kan midabkiisu muuqdo caraftiisu qarsoon tahay, llaahay waxaan ka baryeynaa inuusan noo caroon oo uusan ragga iyo dumaarka saalixiinta ah u qaban waxay samaynayaan ragga iyo dumarka sufahada ah oo uu dhamaan ku hanuuniyo jidka toosan.

Naagta oo
Maxram La’aan Safarta

Labada kitaab oo saxa ah (saxiixeynka) waxaa ku soo arooray in Ibnu Cabaas Iaga wariyey inuu yiri: Nabigu (scw) wuxuu yiri:

:عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ : قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
( لَا تُسَافِرْ الْمَرْأَةُ إِلَّا مَعَ ذِي مَحْرَمٍ )

[روى البخاري (1729) ومسلم 2391]

Safarkaas waxaa soo galaya safarada oo dhan xataa safarka Xajka, qofta dumarka ah haddii ay safarto maxram la’aan waxaa ku dhiiranaya faasiqiinta oo maagaya, iyaduna waa qof tabar yar oo waxaa Iaga yaabaa inay duufsadaan xaalada ugu yar oo ku imaan karta waa in cirdigeeda iyo sharafteeda wax loo dhimo, taas waxaa la mid ah inay diyaarad raacdo haddii xataa maxram sugootiyo maxram kalena ka hor yimaado sida dadka qaarki yeelaan.

Kursiga dhinaceeda ah yaa ku fariisan, haddii diyaaradda ciladi ku timaado oo ay ku degto Garoon kale ama ay dib u dhacdo ama waqtigeedii isbedelo xaalkeedu muxuu noqonayaa? waxaa jira qisooyin badan. Qofka maxramka noqonaya waxaa Iaga doonayaa afar shardi oo ah inuu Muslim yahay, qaan gaar yahay, caaqil yahay iyo inuu ragg yahay. Sida nabigu (scw) uu yiri:

” آبوها آو إبنها آو أخوها آو زومحرم منها ”

[رواه مسلم]

In Naag Ajnabi Ah
Kas Loo Daawado

Ilaahay wuxuu yiri:

قُل لِّلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ذَلِكَ أَزْكَى لَهُمْ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ

[سورة النو ٣٠]

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

فزنا العين النظر

[رواه البخاري]

Xarimada diintu xarimtay in la fiirsado Naagta ajnabiga ah waxaa Iaga soo reebayaa wixii baahi sharci ah keentay sida eegida ninka guurka doonaya, dhakhtarka sidoo kale waxaa la xarimay in qofta dumarka ah ragga ajnabiga ah fitno ahaan u fiirsato.

llaahay wuxuu yiri:

وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَا

[سورة النو ٣١]

Sidoo kale waxaa la xarimay in shahwo ahaan loo daawado wiilasha quruxsan, waxaa kaloo xaaraan ah in ninku fiirsado nin cawradi ama naagtu fiirsato naag cawradeed, cawrowalba oo aysan banaanayn in la fiirsado ma banaana in la taabto haddii xataa wax la iska xijiyo, dadka qaarkood waxaa ku ciyaaray shaydaan oo waxay fiirsadaan sawiro, joornaalo iyo aflaam iyago xuj’o ka dhiganaya inaysan run ahanyn, waana arin aad u cad inay shahwada kicinayso dhibaato weyna ku jirto.

Dayuus Nimada

Ibnu Cabaas waxaa Iaga wariyey xadiis Nagiga Iaga wariyey:

:حَدَّثَنِي عَبْدُ اللَّهِ بْنُ عُمَرَ ، أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، قَالَ
ثَلاثَةٌ قَدْ حَرَّمَ اللَّهُ تَعَالَى عَلَيْهِمُ الْجَنَّةُ : مُدْمِنُ الْخَمْرِ ، وَالْعَاقُّ ، وَالدَّيُّوثُ ، وَالدَّيُّوثُ الَّذِي يُقِرُّ فِي أَهْلِهِ الْخَبَثَ

[رواه أحمد]

Waxyaalaha dayuusnimada ah waxaa ka mid ah in isha Iaga laabo gabadha ama xaaskaa iyadoo guriga joogta oo teleefan kula sheekaysanaysa oo kula haasaawi nin ajnabi ah waxaa la mida in naag reerka ka mida loo ogolaado inay nin ajnabi ah gaari la fuusho sida dereewalka reerka iyo wixii la mid ah iyo in looga raali noqdo inay xijaab la’aan baxaan oo uu fiirsado kii soo socda iyo kii sii socdaba, taas waxaa lamid ah in guriga la keeno aflaamta iyo joomaalada fasaadka fidinaya.

Caruurta Inay Aabahood
Ku Abtirsadaan oo Laga Bedelo
Ama Aabaha oo Caruurtiisa Inkira

Uma banaana qof Muslim ah inuu ku abtirsado qof aan aabihi ahayn ama uu sheegto qolo uusan ahayn, dadka qaar ayaa arrin taas u sameeya si ay u gaaraan arimo maado ku saabsan oo tesarahooda waxay ku cadaynayaan abtirsiiyo aan kooda ahayn, qaarna waxay u sameeyaan si ay u xasdaan aabahoodii ka tegey iyago yar, waxaas oo dhan waa xaaraan, waxaana ka dhalanaya xumaatooyin waaweyn oo kale duwan sida maxram nimada, Guurka, dhaxalka iwm. Waxaa ku soo arooray kitaabka saxiixa ah xadiis Iaga wariyey Sacdiyo Abi Bakar (rac) oo Nabiga gaarsan:

:قال النبي صلى الله عليه وسلم يقول
” من ادعى إلى غير أبيه وهو يعلم فالجنة عليه حرام ”

Shareecadu waxay reebtay wax walba oo nasabka waxa u dhimaya ama bedelaya, ragga qaar ayaa markii ay isqabtaan xaaskooda wuxuu ku eedeyaa sino wuxuuna inkiraa markhaati la’aan carruurtiisa iyadoo ku dhalatay gogoshiisa, dumarka qaar ayaa amaanada khiyaana markaas ayay sino ku uuraystaan oo ninkooda nasabkiisa waxay soo galiyaan ilmo uusan dhalin, goodi kulul ayaa ku soo aroorey xadiis uu ka maqlay Abuu Hureyra Nabiga,” markii ay soo degtay aayadda cadaynaysa islacnadida ninka iyo naagta” isagoo leh:

Cunida Ribbada

llaahay quraanka kariimka kuma sheegin ogeysiis uu ku ogeysiinayo qof dagaalki kuwa ribada cuna mooyee.

llaahay wuxuu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اتَّقُواْ اللَّهَ وَذَرُواْ مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبَا إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ

فَإِن لَّمْ تَفْعَلُواْ فَأْذَنُواْ بِحَرْبٍ مِّنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ

[Suuradda al-Baqarah, 278/279]

Intaas ayaa ku filan caddeyta foolxumada dambigaani ku leeyahay llaahay agtiisa, qofkii u dhabagala ummadda heer qof iyo heer dowladeed wuxuu arkayaa burburka iyo baaba’a uu keenay isticmaalka ribadu, taas oo ay ka mid tahay ceyrtoobida, badeecad baarta, caajis, deynta oo la bixin waayo, dhaqaalaha oo burbura, shaqa la’aanta oo siyaada, shirkado iyo meherado badan oo burbura, in wixii la shaqeeyo iyo shaqaalaha dhididkoodu ku shubmo khaanada bixinta ribo aan dhammaanayn oo qofka ribo qaatuhu leeyahay, in dad weynaha ay ka dhex abuuranto dabaqado, taasina ay keento in xoolo fara badan ay ku wareegaan gacanta dad yar, waxaa Iaga yaabaa qaababkaasi inuu ka mid yahay waxa llaahay ugu goodiyey inuu la dagaalamayo dadka qaata ribada.

Dadka ribada ka qeyb qaata oo ay ka mid yihiin dhinacyada aasaasiga ah iyo ciddii gacan ku siisa waxaa lagu lacnadey Nabi Muxamad carrabkiisa, waxaa Iaga wariyey Jaabir (rac) in uu yiri Nabigu (scw) wuxuu lacnaday:

Sidaas awgeed ma banaana in Iaga shaqeeyo kala qorida ribada, in la -diiwaan geliyo in la qabto ama la bixiyo, iyo in la keydiyo ama la ilaaliyo, guud ahaan ma banaana in iaga qayb qaato ribada ama si uun lagu gacan siiyo. Nabigu (scw) wuxuu ku dadaalay inuu foolxumada ribada ku cadeeyo xadiis Iaga wariyey Cabdullaahi Bin Mascuud oo Nabiga gaarsan:

Iyo xadiis kale oo Iaga wariyey Cabdullaahi Bin Xandala (rac) oo Nabiga gaarsan:

Ribada guud ahaan ayaa loo xarimay ee laguma gaar yeelin qof maal qabeen ah ama sabool ah sida ay u qabaan dadka qaarki, balse waa mid taaban karta qofwalba iyo xaalad walba, imisa qof oo maalqabeen ah ayaa ku ceyrtowday, dhacdooyinka ayaa ka markhaati kacaya arintaa, dhibka ugu yar ee ay keeni karto waa iyada oo xoolaha barakada Iaga qaado tiradoodu haba badnaatee Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Ribada xaaraanimadeedu ma aha mid ku kooban in qeybta ribada ah sheyga ku jirta sareyso ama hooseeyso ama badan tahay ama yar tahay ee ribada dhamaanteed waa xaaraan, qofka ribada cuna aakhiro marka qabriga la soo saarayo wuxuu u istaagayaa sida qof sheydaan taabtay oo suuxdinnimo qaba in kasta oo bembigani foolxun yahay hadana llaahay wuxuu inoo sheegay inuu toobad leeyahay uuna inoo cadeeyey qaabkii looga toobad keenayo wuxuuna ku yiri dadka ribada ku dhaqma:

Taasina waa cadaalada qudheedii.

Waxaa waajib ah in qofka mu’minka ah uu ka fiigo dembigaas weyn oo uu xumaantiisa dareemo, xataa dadka dantu ku qabatay inay xoolahooda dhigtaan bangiyada ribada iyagoo xoolahooda uga baqaya dhumid ama xadid, waxaa ku haboon inay dareemaan dareen qof daruuro u geysay oo ay la mid yihiin qof cunaya bakhti wax ka daran, oo ay llaahey dembi dhaaf weydiistaan kuna dadaalaan inay ka badashaan, mana banaana inay bangiyada weydiistaan in ribo loo saaro xoolahooda, balse hadii xisaabtooda ribo loogu shubo waa inay ku bixiyaan dariiqo banaan oo aan sadaqo aheyn.

llaahay waa wanaagsan yahay mana aqbalo xoolo aan wanaagsanayn umana banaana inay qaab uun ugu intifaacaan, uma banaana inay wax ku cunaan, wax ku cabaan, dharku gataan, gaadiid ku raacaan, deegaan ku gataan, ama ay ku bixiyaan masruuf waajib ku ah sida xaaska, Carruurta, Aabaha iyo Hooyada mana banaana in lagu bixiyo zako iyo canshuur ama qof la dulmiyayo isaga reebo dulmiga, balse wuu iska miidaaminayaa isagoo ka baqaya llaahay qabashadiisa.

Badeecada oo Ceebteeda
La Qariyo Marka La Gadayo

Rasuulku (scw) wuxuu soo maray meel cunto lagu gadayo markaasuu gacanta galiyey cuntadii farihiisii waxay taabteen qoyaan markaas ayuu yiri:

Dadka wax gata maanta badan koodu waa dad aan Ilaahey ka baqayn waxay isku deyayaan inay sheyga ceeb tiisa qariyaan oo wax ku dhejiyaan ama sheygii xumaa ayey alaabta u hoos marinayaan ama wax ayey ku buufin ama u isticmaalayaan wax kiimiko ah ama la mid ah oo u muujinaya in alaabtu qurxan tahay ama waxay qarinaysaa codkii xumaa ee matoorka Iaga maqli lahaa marka hore ee la shido oo haddii qofkii alaabta gatay uu qaato ay wax yar ka dib halaabeyso qaarkoodna waxay bedelaan taariikhda ay dhaceyso alaabtu ama waxay u diidayaan qofkii alaabta gadanayey inuu arko alaabtii ama baaro, ama iska tajrubeeyo dad badan oo kuwa gawaarida iyo qalabka gada ah ma sheegaan ceebta alaabta, taasina waa xaaraan.

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

dadka qaar waxay u maleynayaan in masuuliyadii ka dhacday hadduu mar ku yiraahdo qofka wax ka iibsanaya naadada waxaan gadayaa kuus biro ah, iibkaasi waa beec iaga qaaday barakadii sida Nabigu uu yiri:

Iibka La Isku Faliso

libka la isku faliso waa in alaabta qiime ku siyaadiyo qof aan iibsaneyn si uu u khiyaano dadka kale oo ugu soo jiido inay qiimaha siyaadiyaan.

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Taasi waa nooc khiyaanada ka mid ah shakina kuma jiro, Nabiga (scw) wuxuu yiri:

Dad badan oo dalaaley ka ah xaraashka, meelaha wax lagu naadiyo iyo carwooyinka gawaarida lagu gado kasab koodu waa booli waayo waxay dhex galayaa wax yaalo badan oo xaaraan ah, oo ay ka mid tahay iibka la isku faliso, ama in qofkii shayga soo gadan lahaa la kadiyo ama kii wax iska iibin lahaa la khiyaamo, oo inta la isugu dhaco badeecad diisa la sicir jabiyo, haddiise iyagu badeecada leeyihiin ama qof ka mid ah leeyahay arrintaas lid keeda ayey sameynayaan waxay isku dhex qarin dadka wax gadanaya markaas ayey qiimaha naadada kor u qaadayaan, adoomaha llaahay ayey khiyaanayaan oo dhibayaan.

Fadlan la soco (Qaybta 2aad) oo duruusta ku dhamaata

Qoraaladaan waxaan ka soo xigsanay oo aan dib uga qornay file PDF ah, waxaadna ka Downlod gareen kartaa halkaan akhris wacan.

Wajazaakum Allaahu Khayran.

Abuu Kalthuma 

DECOLINE1

Waxaa qoray:
Al-Sheekh Maxamed Al-Munajid

Waxaa dib u qoray: Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Waxaa Af-Soomaali u Tarjumay:
Yuusuf Cabdul Casiis

Waxaa Naqtiimay oo Sharxay:
Al-Sheekh Cabdul Casiis Cabdullaahi Bin Baaz

Waxaa Af-Soomali Ku Tarjumay oo Naqtiimay:
C/Muncim Yusuf Sheekh

DECOLINE2

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com