Kitaabka Usuulu Sunnah

Qaybta | 1aad

Al-Imaam Axmad Ibnu Xambal
احمد بن محمد بن حنبل ابو عبد الله الشيباني

Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul

(Ilaahay ha xafido)

Date: Sunday, August 14, 2016
Hijri: Axad 11 Dhul Qacdah, 1437

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah (2)

إن الحمد لله، نحمده، و نستعينه، ونستغفره، ونعود بالله من شرور أنفسنا، وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده و رسوله، صلي الله عليه وعلي آله، واصحابه، ومن تبعهم  بإحسان إلي يوم الدين، و سلم تسليماً كثيراً،

usulu-sunnah

Kitaabka Usuli Sunnah

Darsiga | 1aad

Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafidee) wuxuu hadal kiisii ee darsigan ku bilaabay…

Taariikhdu maanta waa 28aad bisha Shawwaal 1437 ee taariikhda hijriga ah, ay waafaqsan tahay 2da bisha 8 2016 taariikhda miilaadiga ah.

Waxaan hal kaan ka guda galeynaa ama ka bilaabaynaa kutub dhowr ah oo isku xigi doonta oo ugu horeeyo kitaab kan ama risaala dan ee na hor taala, dhowr kitaab oo kale ayaa ku xigi doono (In Shaa Allaah Tacaalaa) oo kamid ah kutubtii a’imada salafka (rc) ay ka qoreen ama laga weriyay ee ku soo aroortay baabka caqiidada, towxiidka, usuusha diinta.

Rasaa’ishaa markaan dhaqmeyno haddii Alle idmo oo Ilaahay ina waafajiyo waxaa ka dambeyn doono imtixaan, imtixaan kaa waxaa geli doona ardayda ninkii luqada carabiga qori yaqaana, fahmi kara li’ana su’aalahu oo luqada carabiga ah een dadka intooda kale oo ay ka faa’ideysan karaan, laakiin () ardada la doonayo iney si gooni ah ugu tala galaan, waa dadka wax na qori kara luqada carabiga ahna fahmi kara.

Imtixaan kaas ciddii ku baasta (In Shaa Allaah Tacaalaa) wuxuu leeyahay, (Ijaas) ayuu leeyahay, kutub taa la akhriyay ijaasa ayaa la siin nayaa oo qoran kutub taa iyo inuu dhageytay iyo imtixaan keeda wuxuu ka keenay.

Muhiimadu waa maadada cilmiga ah laakiin shahaadada iyo ijaasada waa nooc uun la dhihi karo waa iska dhiiri gelin weeye, marka cidii xifdin karta na (mutuun) tani waa mutuun iska kookooban hadday (nathri) tahay hadday (nadmi) tahay waa iska kookooban tahay, marka in la xifdiyo waa fiican tahay.

Risaala dan inoogu horeysa magaceeda waxa weeyaan (Usuulu Sunnah) ama kutubta qaar koodna waxay ku magacaabaan (Sharxu Usuuli Sunnah), waxaa iskaleh al Imaam Abuu Cabdullaah Axmad Ibnu Maxammad Ibnu Xambal Ash-Sheybaani al-Marwarzi al-Baqdaadi. A’imada afarta ah ee madaahibta mid kamid ah weeye mad-habka xambaliga imaamka iskaleh waaye.

Al-Imaam Axmad ibnu Xambal wuxuu dhashay bishii (Rabiicul Awwal) sannad kii 164 taariikhda hijriga ah, wuxuuna ku dhashay magaalada Baqdaad oo markaa ahayd caasimaad muslimiinta, ayada ayuu ka bilaabay (talab) kii cilmiga ee ugu horeeyay wuxuu ka maqlay cilmiga iyo xadiiska qeyrkii wuxuu ka qaatay culimadii xiligaa joogtay raggeedii ugu waaweynaa oo ugu caan sanaa al-Imaam al-Shaafici ().

Magaaladii uu joogay oo uu ku dhashay ku barbaaray markuu culimadii joogtay cilmiga ka qaatay kadib wuxuu u safray siduu caadada ahaan jirtay oo uu galay (rixla ilaa talabil cilmi) magaallooyin kii kale markaa caanka ku ahaa ee culimadu fadhiyeen ee cilmiga laga baran jiray sida (Kuufa) oo kale, al-Basra, Makka iyo Madiina, Yemen oo ugu tagay al-Imaam Cabdi-Rasaaq al-Sancaani saaxibul musanaf, Shaam ayuu aaday jaziirada, culimo fara badan oo casri giisii oon la tira koobi karin ayuu cilmiga ka qaatay, wadama daas oo dhan uu isu maray.

Arda fara badan oon la koobi karin na wax bey ka barteen oo waxaa kamid ah arda diisii uguna caas sanaa ragga ugu waaweyn kamid ahaa:

  • Al-Imaam al-Bukhaari
  • Imaam Muslim
  • Abuu Daawuud
  • At-Tirmidi

Raggaan kutubta caanka ah leh, ardaydii Imaam Axmad bey ahaayeen iyo rag kale oo aad u fara badan.

Makaanadiisa Cilmiga ah

Wuxuu ahaa imaam (funuunta) cilmiga oo dhan ku horeeya, fanniga fiqiga, xadiiska oo waxaa kamid ahaa (min xufaadi dunya) iyo funuunta qeyba heeda kala gedisan, arrin taana waxaa u qiray oo ugu marqaati kacay (al-Qaasii wa Daani). Cid kasta oo taqaanay Imaam Axmad () waxay ahayd arrin ay u qirtay oo ay ugu marqaati kacay, xataa mashaa’iq diisa oo uu kamid yahay al-Imaamu Shaafici ().

Waxaa nagu filan hadalka Imaamu Shaafici ee uu yidhi:

[Axmad imaamin fi thamaani qisaal]

Yacni wuxuu imaamku yahay sideed arrimood:

  1. Imaamun fil xadiith
  2. Wa Imaamun fil fiqh
  3. Wa Imaamin fil luqa
  4. Wa Imaanin fil quraan
  5. Wa imaamun fil faqar
  6. Wa imaamun fi zuhdi
  7. Wa imaamun fil warac
  8. Wa imaamun fi sunnah

Intaaba imaam lagaga daydo lagu raaco buu ahaa.

Xadiiska imaam buu ahaay oo fiqi giisa iyo xifdi giisa iyo (cilal) kiisa ba wuxuu ku ahaa imaam buu ku ahaa. Fiqiga sidoo kale saan u tegi doono aad baa looga dambeeyay oo (muxadith) keliya ma ahayn nee (faqiih) buu ahaa, sida ka muuqata mad-hab kiisa, luqada carabiga sidoo kale, quraanka kariimka ah iyo tafsiir kiisa, adduunyada iyo iska yareyn teedii iyo inaan leys raacinin oo ujeedadu ay tahay faqriga iyo zuhdiga iyo waraca iyo xalaal miirashada.

Sunnada oo tan hadda kitaab kan iyo risaaladan ku saabsan tahay oo caqiidadii salafka () saxaabada laga soo gaadhay iyadana imaam buu ku ahaayoo sida kutub tiisa tilmaameyso, intaas oo dhan imaam buu ku ahaa yacni funuunta kala gedisan oo dhan buu imaam ku ahaa.

Al-Imaamu Shaafici () mar kale wuxuu yidhi isaga oo amaan naya:

[qarajtu min baqdaad wa maa qalaftu bihaa axadan adqaa wa laa awraca, walaa afqaha wa laa aclama min Axmad ibnu Xambal].

Baqdaad baan ka soo baxay buu yidhi oon ka tagay, raggii joogay oo culimada ahaa, nin ka cabsi badan (Alle ka cabsi) oo ka xalaal miirasha badan, oo ka fiqhi badan, oo ka cilmi badan Axmad Ibnu Xambal kagama soo tagin buu yidhi Ciraaq. Waa Imaamu Shaafici ().

Marka shahaadada a’imadu u qireen inuu ku horeeyay funuunta cilmiga imaam na ku ahaa rag aad u fara badan baa arrin taasi qiray laakiin intaa aan kaga gaabsano Imaamu Shaafici ().

Waxaa dhacday xiligii Imaam Axmad () waxa loo yaqaano (fitnatu qalqi quraan), waxay ahayd madax dii muslimiinta qaar kamid ah niman kii reer banil Cabaas ayaa waxay qaateen fikrad qaldan oo (muctasilada) nimankii la dhihi jiray ay rumeys naayeen oo ah quraanka Ilaahay inuu (maqluuq) yahay ee uusan Ilaahay sifa diisa ahayn.

Arrin tii bey waxay u hoos geliyeen ooy ka dhaadhiciyeen khulafadii banil Cabaas nin kamid ah oo la dhehi jiray (al-Ma’muun) ibnu Haaruun al-Rashiid oo markaa madaxa muslimiinta ahaa, khaliif ka muslimiinta ayay ka dhaadhiciyeen. Fikradii buu qaatay wuu cabay, kadibna waxay ku xijiyeen iney yiraahdaan culimada muslimiinta ee xiligaa nooleyd mas’aladaa ha lagu imtixaano.

Nin kii yiraahda quraanka waa maqluuq na waa nin quman ee hala sii daayo, oo hala (ikraamo) hala sharfo.

Nin kii yiraahda quraanka maqluuq ma ahana, waa in la karbaasho, la dilo, la garaaco, xabsi la geliyo, xuquuq diisa la duudsiyo.

Arrintii buu ku qancan Ma’muun.

Xiligaa waxay ahayd ay fidna daasi bilaaban neyso Ma’muun khilaafa diisii sannad kii u dambeeyay taariikhdu markay ahayd 218 kii hijriga ayay fidna daasi bilaabatay. Culima dii sunnada ayay ku bilaabatay marka, culima dii la yaqaanay ayaa mid mid loo soo qabtay, maxkamada ayaa la keenayaa imaamka ayaa la hor keenayaa waxaa la leeyahay laba mid, maxaad ka qabtaa quraanka inuu yahay? Hadduu yidhaahdo waa maqluuq waa iska sii deyn nayaan, haddii kale ama waa la dilayaa ama waa xidhayaa.

Xiligaa raggii marka arrin taasi ay ku dhacday waxaa ka mid ahaa al-Imaam Axmad ibnu Xambal (), asagu lamuusan kulmin Ma’muun iyo fidna diisa, oo isaga oo la sii wado oo loo sii wado ayuu Ilaahay ka baryay inuusan Ilaahay la kulminin oo shar kiisa ka kaafiyo, isaga oon gaadhin na Mamuun waa dhintay, Imaam Axmad oon gaadhin oo loo geeynin buu dhintay.

Waxaa ugu dambeeyay nin walaalo ahaayeen oo la dhihi jiray (Muctasim), nin kaas ayaa wuxuu ku socday dariiqii walaal kii Mamuun, asaga ayaa wuxuu ahaa ninkii xidhay al-Imaam Axmad ibnu Xambal 18 bilood ilaa 30 bilood buu u xidhnaa baa la yiraahdaa.

Raggii Muctasilada culima dooda ahaa buu soo uruuriyay, la dooda buu yidhi.

Imaam Axmad () wuu ka reeyay, majlis kasta oo la isugu yimaado oo wadaada dooda iyo madax dooda la keeno, xujada ayuu kaga adkaa nayay. Markii dambe waxay yidhaahdeen; khaliifatal muslimiin nin kan nin la fiirsan karo ma ehee, yacni shaqo ka qabo. Markaasuu bilaabay in la garaaco, xabsiga la geliyo kadib na la karbaasho Imaam Axmad (), dhow goor buu xataa wacyi giisu iyo dareen kiisu tagay garaaca la garaacayay darteeda.

Sannad kaa wuxuu jiray Imaam Axmad () 57 sanno ayuu jiray markaa, waa nin da’ ah buu ku sii dhow yahay markaa la garaacayo oo xabsiga la gelin nayo oo uu miir dawool mayo.

Waxaa ka dambeeyay nin kii la odhan jiray (al-Waathiq ibnu Muctasim), markuu Muctasim dhintay wiil uu dhalay oo la yiraahdo Waathiq baa xilka ugu dambeeyay, kadibna isaguna siiraddii aabihii buu ku sii socday oo fidna dii buu sii waday iyo culimada sunada in la ciqaabo, Imaam Axmad xabsi guri buu mudo dheer ku jiray marka.

Waxaa ka dambeeyay (al-Mutawakil) oo Waathiq walaal kii ah oo ina Muctasim ah, nin kaas ayaa Ilaahay sabab ugu dhigay fidna dii iyo imtixaan kii inuu culimada ka dul qaado iyo ummada sunnada na kor u qaaday Muctazila dii iyo waxay wateen na ka fogeeyay dowlada, Imaam Axmad iyo () sunnada mar kaas ayay xuriya doodii u soo noqotay oo laga dul qaaday imtixaan kii iyo xabsi gii iyo garaacis tii, markaana taariikhu waxay ahay 232 hijriga, bi macnaa 15 sanno mudo ku dhow bey fidna daasi taag neyd oo culimada badan kooda lagu laayay, qaar badan baa tagay, qaar baa iska tawareysta oo xoogaa iska farsameystay seey u fakadaan, li’anahu waa (ikraah) waa la qasbayaa.

Imaam Axad iyo rag kale na waa isa soo taageen oo waxay yiraahdeen maya, quraanka waa hadalka Ilaahay maqluuq na ma aha. Markaas rag na waa la dilay, isaga iyo rag lamid ahna xabsiga ayay mudo ku jireen, garaacis na waa loogu daray.

Wixii dhacda daa ka dambeeyay Imaam Axmad () waan caan baxay marka, markii hore caan buu ahaa imaam buu ahaa, laakiin wixii intaa ka dambeeyay waa marka loo bixin nayo (Imaamu Ahlu Sunnah wal Jamaaca) mowqif kiisii geesi nimada lahaay ee istaagay iyo dhib kii uu u dul qaatay iyo siduu sabab ugu noqday iney ummada dhib weyn ka badbaado, sidaas daraadeed baa waxaa loogu magacaaway (Imaamu Ahlu Sunnah wal Jamaaca).

Waa midda uu leeyahay saaxiib kii Cali ibnu Cabdillaahi ibnul Madiini sheekhii Bukhaari isagana saaxiib kii buu ahaa ayaa wuxuu yidhi:

[maa qaama bi axadun bi amril islaami bacda Rasuulullaahi (scw) maa qaama Axmad ibnu Xambal]

Nabi Maxammad gadaashii meesha uu Axmad u istaagay islaamka cid kale oo u istaagtay ma jirto buu yidhi.

Su’aal baa la weydiiyay waxaa la yidhi:

Ma xataa Abuu Bakar as-Siddiiq meeshaa ma istaagin miyaa?

Markaasaa wuxuu yidhi…

Xataa Abuu Bakar meeshaa ma istaagin buu yidhi!

Waxay ku kala duwan naayeen buu yidhi; Abuu Bakar markuu xilka qabtay oo carab ridoobay oo diinta ka noqotay Abuu Bakar na uu isu taagay hawshaa inuu wax ka qabto rag baa garab taagnaa buu yidhi oo saxaabadii Nabigaﷺ oo dhan baa garab taagnaa, oo dagaaladii galay oo carab dib u soo celiyay, wixii ridoobay diintii ugu soo celiyay. Laakiin Axmad ibnu Xambal markuu arrin taa u istaagay asagu asxaab iyo dad kaalmeeya ma lahayn, ragga badan kood nin ruqsada qaata, iyo nin dhuunta iyo nin la dilay ayay noqdeen, laakiin nin isa soo taagay yacni waxa weeye waa yaraayeen ragga noocaas oo kaleeta ah.

Wuxuu leeyahay marka Abuu Bakar na maalin kii carab ridoobay baa Ilaahay diin taan ku xoojiyay oo ugu hiiliyay oo ku cizeeyay, maalin kii imtixaanka iyo mixnada dhacday na Imaam Axmad buu Ilaahay diin kaan ku xoojiyay oo Ilaahay (twt) ugu hiiliyay, nin saddexaad na ma jiro buu leeyahay…

Wixii intaa ka dambeeyay mixnadaa iyo imtixaan kaa iyo mowqif kaa Imaam Axmad () wuxuu u noqday (ahlu sunnaha) miizaan lagu kala garto, mixno ayuu noqday baa la yiraahda, mixno waa meel leysku imtixaano.

Imaam Axmad iyo mad-hab kiisa iyo masaa’isha wuxuu ka qabo ayaa waxay noqdeen, in dadka lagu imtixaano oo nin kii waafaqsan na la yiraahdo waa (saaxibu sunnah), nin kii khilaafo oo garab mara na la yiraahdo waa (saaxibu bidca).

Saas daraadeed buu wuxuu yidhi (Quteyb ibnu Saciid) sheekhu (as-Sitta) wuxuu yidhi:

Haddaad aragto ruux Axmad ibnu Xambal jecel, waxaad ogaataa inuu yahay nin sunna dii iyo jamaacada jid keedii haaya yahay waa (ahlu sunnah wal jamaaca) ah.

Al-Imaam Abuu Xassan al-Ashcari () markii uu ka soo noqday mad-habka (ictizaal ka) oo mad-habka (kulaabiyada) na uu wax badan iska bedelay ileyn (maraaxil) buu maray yee, marxalad diisii ugu dambeysay wuxuu u soo laabtay mad-hab kii Imaam Axmad () siduu tilmaamayo (muqadimada) kitaab kiisa (الإبانة عن أصول الديانة) saddex kitaab ilaa afar kitaab oo noloshiisa uu lahaay intuu qoray mid kamid ah weeye.

Al-Imaam Abuu Xassan al-Ashcari wuxuu leeyahay:

Hadalka aanu leenahay iyo diinta aan ka diin dhiga neyno waxa weeye, inaan qabsano kitaabka Rabbiga naga iyo sunnada Nabigeenaﷺ, iyo wixii laga weriyay saxaabada (saada) doodii iyo (taabaciinta) iyo (a’imadii xadiista), arrin kaas ayaynu haysanaa buu yidhi iyo wuxuu Axmad ibnu Xambal dhihi jiray taana waanu leenahay buu yidhi, wuxuu qabay baan qabnaa buu yidhi, cid kasta oo Imaam Axmad hadal kiisa khilaaftay na waan khilaafsan nahay buu yidhi.

Al-Imaam Abuu Xassan al-Ashcari waaye.

Yacni wuxuu noqday miizaanka Imaam Axmad iyo (manhaj) kiisu, miizaanka loo soo noqdo ayuu noqday, xiligaa wixii ka dambeeyay Imaamu ahlu sunnah wal jamaaca ayaa lagu magacaaway (laqab) kaas oo qaali ah ayaa markaas u baxay al-Imaam Axmad ibnu Xambal (). Sidaas daraadeed ayaa waxay dhihi jireen culimada qaar kood ninkii aad aragtaan isaga oo Axmad wax ka sheegaya islaam nimadiisa hala tuhmo ayay dhihi jireen, kaas islaam nima diisa hala tuhmo.

Xaalad daas ayuu marka ahaa ee siirada iyo tarjamada imaamka kitaab kaan iskaleh, imaam (cadiim) ah oo a’imadii waaweyn neyd ee sunnada kamid ah, (mu’alafaad) aad u fara badan iyo kutub badan na ka tagay.

Kutub tiisa waxaa ugu caansan uguna weyn (musnad ka) oo taqriiban ah (akbara mowsuuca) oo xadiista laga alifay (cahdigii salafka) (rc), yacni kutubta xadiista laga alifay oo qarni gii saddexaad la alifay iyo wixii ka horeeyay waa kitaabka ugu weyn waaye, xadiista ku taala waa axaadiis aad u fara badan weeye ilaa 40.000 oo xadiis wax ku dhow.

Kutub tiisa waxaa kamid ah kitaabu zuhdi…

Kutub fara badan rasaa’il fara badan na waa leeyahay oo laga weriyay oo ay kamid tahay risaala daan aynu hadda dul joogno.

Al-Imaam Axmad () nolol aad u dheer oo ah 77 sanno kadib ayuu geeri yooday, noloshaas oo cilmi iyo camal leh iyo jihaad oo Ilaahay diin tiisa loo dadaalo nolol uu ku qaatay oo dheereyd oo 77 sanno ahayd kadib ayuu geeri yooday maalin jumca ah oo ay bishu na tahay (Rabiicul Awwal) sannad kana uu ahaa 241 hijriga ayay tii Alle (twt) u timid. Janaasa diisu waxay ahayd (janaasa mash-huuda), janaasa aad loogu soo baxay oo leysugu yimid ayey ahayd.

Waxay yiraahdaan culimada qaar kood:

Ragga janaasada ka soo qeyb galay waxaa lagu qadaray 800.000 baa lagu qadaray, yacni magaalada iska dhaaf Baqdaad, wixii eeriyada joogo oo dhan baa isugu yimid. Dumar kana waxaa lagu qaday bey yiraahdaan ilaa taqriiban 60.000 ayay dumarku dhan naayeen, waase iska taqdiir taqriiban.

Taasi waxy tilmaameysaa a’imada muslimiinta ee dariiqii saxaabada iyo salafka ku sugnaa ummada waa jecleyd culima deeda iyo caama deeda iyo madax deeda ba waa jeclaayeen, waana wax yaalaha lagu kala garto ahlu bidaca iyo ahlu sunnaha.

Imaam Axmad wuxuu dhihi jiray…

Ahlu bidaca markuu la hadlaayo wuxuu dhihi jiray:

Anaga iyo idinka waxaa ina kala saari doono janaasada, aaska ayaa ina kala saari dono.

Ahlu bidaca dad (mahjuuriin) oon qiima lahayn bey ahaan jireen, culimad sunnada na waa la qiimeyn jiray oo waa la qadarin jiray.

Xataa waxaa la yiraahdaa dhimasha diisa waxaa aad uga xumaaday dadkii xataa diimaha kale haystay, li’ana waxa weeye aad baa loo ixtiraami jiray.

Kitaab kiisa risaalada marka hadda meesha inoo taala oo ah (usuulu sunnah) ee taqriiban uma badna iney tahay risaalo uu imaamka gacan tiis ku qoray, laakiin waxay u badan tahay iney tahay risaala ay arday diisii ka maqleen kadibna ayagu ay qoreen, waxaa ka wariya nin arday diisa oo la yiraahdo (Cabduus ibnu Maalik ibnu Cadaar) nin kaas ayaa ka wariya, risaalada maca sannad keedii ayuu marka keenay imaamka.

Dhowr dariiq ayay na ku timaadaa oo dhowr culimada kamid ah ayaa qoray tan hadda inoo taala, waa sannadka uu leeyahay al-Imaam Abul Qaasim Hibatullaahi ibnu Xassan at-Tabari al-Lakaa’i, wuxuuna ku keenay kitaab kiisa caanka ah ee la yiraahdo (sharxu usuulu cidiqaadi ahlu sunnah) kitaab kaas ayay risaaladu ku jirtaa (maca sannadihaa) oo sannad kan hadda meesha ku keenay ah.

(ابن أبو يعلى القاضي) Ibnu Abii Yaclaa al-Qaadi ayaa isagana ku keenay (طبقات الحنابلة) dariiq kale ku keenay.

(ابن الجوزي) Ibnu Jawzi baa sidoo kale keenay.

Waxaa (muqtatafaat) kamid ah oo keenay (al-Khalaal) ayaa qeybo kamid ah risaalada soo qaatay waa risaala caan ah, walow sannad kani xoogaa uu raggiisa qaar kamid ah dacfi ku jiro oon la garan neynin macnaha, dacfi ma ehee yacni tarjama diisa ay leeyihiin (baaxithiinta) qaar kood ma anaan helin.

أُصُولُ السُّـنَّةِ
لِلإِمَامِ أَحْمَدِ بنِ حَنْبَلَ الشَّيبَانِي
ِّ
رَحِمَهُ اللهُ

Wuxuu leeyahay marka al-Imaam ala-Lakaa’i baa wuxuu yidhi:

Asaga oo kitaab kiis ka akhrin naayo, sannad kaas ayuu inoo waramay buu leeyahay waa 293 dii, meesha (Tiniis) la yiraahdo ayuu inoogu waramay waa meel magaceeda.

(Cabduus ibnu Maalik ibnu Cadaar) waa arday gii Imaamu Axmad () risaalada ka weriyay. Wuxuu yidhi, waxaan maqlay isaga oo leh:

:قاَلَ: سَمِعْتُ أَبَا عَبْدِ اللهِ – أَحْمَدَ بنِ مُحَمَّدَ بنِ حَنْـبَلَ- يَقُولُ

أصولُ السُّـنَّةِ عندَنَا

Marka risaaladu waa maqal (samaac) waaye sheekhiis ayuu ka maqlay, kadibna wuu diiwaan geliyay, sidaana kutub fara badan baa ku imaaneyso oo kutubta salafka kamid ah. A’imada qaar kamid ah oo salafka qaar badani iyaga kutubta gacan tooda kuma qori jirin, laakiin wey yeedhin jireen, arda dooda ayay ku dul akhrin jireen kadibna ardada ayaa qori jirtay, maadaama ay hadal kiisa tahay marka isaga ayaa la dhihi jiray kitaabka isaga ayaa iskaleh, ileyn waa hadal kiisa oo la qoray waaye macnaha.

Risaalada saan aan sheegnay ba (duruuq) kale ayay leedahay oo (assaaniid) kale oo imaamka ku imaaneyso ayay leedahay.

Wuxuu yidhi marka Imaamka:

أصولُ السُّـنَّةِ عندَنَا: التَّمَسُّكُ بِمَا كَانَ عَلَيْهِ أَصْحَابُ الرَّسُولِ
– صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ–

،الإِقْتِدَاءُ بِهِمْ

(أصولُ السُّـنَّةِ) Sunnada asal yaal keeda iyo asaasi yaal keedu (عندَنَا) akta nada (التَّمَسُّكُ) waa qabsi iyo ku dhegid (بِمَا) shey la qabsada oo lagu dhego (كَانَ) ay ahaayeen (عَلَيْهِ) maaga korkiisa (أَصْحَابُ الرَّسُولِ) Rasuulkaﷺ asxaab tiisa ay korkiisa ahaayeen. (الإِقْتِدَاءُ) sunnada usuusheeda waxa weeye (التَّمَسُّكُ) qabsi iyo (الإِقْتِدَاءُ) ku dayasho (أَصْحَابُ) saxaabada lagu daydo. Wixii ay ayaga ku dul sugnaayeen in la qabsado oo lagu dhego oo lagu mitido iyagiina lagu daydo oo dariiq qoodii la raaco, sunnada usuusheeda taa iyada ah waaye.

Asalku

Wax yar hadaynu is dul taagno oon hadal kaa xoogaa yar furfurno, dhanka luqa ahaan iyo maqsuud ahaan iyo adila diisa iyo xikmada ku jirta intaba.

Kalimada ugu horeysa (أصولُ) waa (جمع أَصْل) waa kalima jamac ah (mufrad) keeduna waa (أَصْل). Asal kana waxaa la yiraahdaa (الأساس والقَاعِدَهُ) yacni dhanka luqada waxaa la yiraahdaa sheyga aasaas kiisa uu ku fadhiyo ee uu ku dul dhisan yahay ayaa (Asal) la yiraahdaa.

Sida (اصل الجدار) yacni darbiga asaaska dhulka ku jira ee haaya, baa (الأصل) la yiraahdaa, geeda oo kale gun tiisa ama xididda diisu uu ku taagan yahay ayaa (أَصْل) la yiraahdaa. Asalku marka waa aasaaska iyo qaacidada shey ku dul dhisan yahay ama uu ku taagan yahay ayaa asal la yiraahdaa.

Sunnada

Amaa sunnadu oo kelimada labaad ah (السُّـنَّةِ) luqada waxaa lagu yiraahdaa (الطريق و سيرة) jidka la maro ee la qaado ayaa la yiraahdaa (Sunnada), dariiqaasi ama ha fiicnaado ama ha xumaado Sunnah ayaa la yiraahdaa, dariiq la maro ama dariiq qaasi (xisi) ha noqdo ama (macnawi) ha noqdo ama ha xumaado ama ha fiicnaado luqada waxaa la yiraahdaa sunnah ayaa la yiraahdaa.

Dhanka sharciga () macna heedu iyo isticmaal keedu waa is khilaafayaa waa kala duwan yahay, wuxuuna isku khilaafayaa; Kooxda (كَلِمَةُ السُّـنَّةِ) qeexeysa ee (tacriifin) neysa, koox daas siday isu khilaafsan tahay baa qeexiduna isku khilaafeysaa, ama qaabka ay u isticmaal layaan.

Mathalan:

  • As-sunnah culimada usuulu fiqigu si bey u qeexaan,
  • Culimada muxadithiinta si bey u qeexaan,
  • Fuqahadu macna kale ayay ku qeexaan.

Culimada markaa iyo (ahlu fanniga) qeexaya ayay kalimada sunnada qeexitaan keedu ayay ku xidhan tahay, saas ayay marka ku kala duwan naan nayaan, laakiin maqsuudka halkan markaan joogno (كتب السنة) oo kutub tii caqiidada ka hadleesa ah (كَلِمَةُ السُّـنَّةِ) waxaa laga wadaa sida uu leeyahay Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyyah ():

Yacni waxaa soo galaaya, waxaan dhihi karnaa waa dariiqa diiniga ah, dariiqii diinta oo ama cibaado haku saabsan naado ama caqiida haku saabsan naado, wixii dariiqii diineed ee quraanku iyo sunnada na tuseen ayaa (as-sunnah) la yiraahdaa. Sidaas daraadeed baa culimada sunnada iyo culima dii salafka qaar badan oo kamid ah kutub tooda ay ku magacaaween…

  • (كتب السنة)
  • (أصولُ السُّـنَّةِ)
  • (شَرْحُ السُّـنَّةِ)
  • (كِتَابُ السُّـنَّةِ)

Waxay ka wadaan waa kutubta ka hadleysa dariiqadii laga soo gaadhay saxaabada ee kitaabka Alle iyo sunnada Nabigaﷺ ku tusay. Dariiqa daa wixii ku yimaado oo dhan baa marka sunnah la yiraahdaa. Isticmaalka kalimada ay quraanka iyo sunnada ay isticmaaleen na (كَلِمَةُ السُّـنَّةِ) diinta oo dhan baa soo gasho, ma aha (tacriifaad kan xaadithkan) ee dib ka yimid ama (usuuliyiintu) ama fuqahadu ay tacriifiyaan isticmaalka (shaarica) uu kalimada isticmaalay wey ka duwan tahay oo diinta oo dhan bey ka tarjumtaa (as-sunnah) marka la yiraahdo, (سنة النبي صلى الله عليه وسلم) sidaas oo kale marka la yiraahdo.

Waana midda ay u isticmaal layaan ee saxaabadu u isticmaali jireen sida;

  • Cabdullaahi ibnu Mascuud,
  • Ubey ibnu Kacab,
  • Abuu Dar Daa

‘’Ay leeyahiin yacni ruuxu inuu sunnada ku dhex dhexeysto oo dhex joogo uusan ka bixin ayaa ka qeyr badan inuu dadaal badan bidca ku bixiyo.’’

Marka waxa weeye [fii muqaabil al-bidca] iwm.

Culimada sidoo kale isla macnahaas ayay ku dhowdahay ee sida uu leeyahay al-Imaamu Shaatibi, wuxuu leeyahay:

Kalimatu sunnah waxay u isticmaalaan wixii bidcada ka soo hor jeeda, wixii aan bidca ahayn (sunnah) ayay dhahaan, wixii sunnada khilaafsan oo ka baxa na (bidca) ayay yiraahdaan. Marka isticmaal kaana waa isticmaalka halkaan ku imaan nayoo isagana saas ayuu ula jeedaa.

Oo waxaa la yiraahdaa buu yidhi al-Imaamu Shaatibi ():

Hebel sunno ayuu ku dul sugan yahay, wixii Nabiga ku camal falay iyo dariiq qiisii markuu haayo, waxaa la yiraahdaa (fulaanun calaa sunnah), waa wixii kitaabka ku tusay ama axaadiista Nabigaﷺ ku yimid, ama saxaabada ba isku waafaqeen oo dariiq qooda ahaa, marka sunnada dhan kaana waa loo isticmaalaa (muqaafiqaadka) ayuu sidaa ku leeyahay.

Marka sidaa marka la yiraahdo hadalka leysku qabto muxuu noqon nayaa?

(أصولُ السُّـنَّةِ) Usuulu sunnah waxay noqon neysaa:

Dariiqii kitaabka iyo axaadiista Nabiga ku tuseen, saxaabada na laga soo gaadhay, dariiq qaas diini ah asaas yadiisii waaweynaa ee uu ku fadhiyay.

Saas ayay noqon neysaa.

Asaaska uu dariiq qaasi ku fadhiyo gun dhiga u ah (التَّمَسُّكُ) weeye.

Saas weeye macnaha.

Hal kaa maxaan ka fahmeynaa marka?

Waxaan ka fahamnay, diinta Nabiga Muxammadﷺ loo soo dhiibay ee kitaabka iyo sunnada ku taala saxaabada na laga soo gaadhay isku darajo ma aha, usuul bey leedahay waaweyn iyo asaasiyaad iyo qawaacid, waxay leedahay qeyba ku sii xiga, waxay leedahay qeybo kaloo ku sii xiga, kuwaa waxa weeye masaa’ish sheedu qiimo ayay leeyihiin, masaa’il liidato ma laha, laakiin masaa’ishii baa kala ah, ayaa kala weyn oo kala muhiimsan macnaha. Waa meeshay culimada qaar kood ku (itlaaqaan) usuul iyo furuuc ay ku itlaaqaan.

Itlaaq qaas wax dhib ah maleh, yacni in qaar furuuc la yiraahdo qaar na usuul la yiraahdo, haddaan (kalimatu furuuc) markaa aan loola jeedin nooc liidid iyo yasid ama xaqiraad aan loola jeedin wax dhib ah maleh. Maxaa yeelay qaar waxaa la dhihi karaa mathalan;

Geedka oo kale, xidid buu leeyahay, jirid buu leeyahay, qeyb kamid ah masaa’isha diintu waa aasaas kaas weeye, qeyb kamid ah laamihii oo kale waaye, qeyb kamid ah waa caleen tii oo kale waaye, kuli na lagama maarmo, sidaas bey marka u kala horeeyaan oo u kala muhiimsan yihiin. Kitaab kan marka wuxuu kaga hadlayaa (أصولُ السُّـنَّةِ) diintii Nabi Muxammad laga soo gaadhay (qawaacid deedii) waaweyn neyd asaaska ahayd buu kaga hadlayaa sidaas weeye macnaha.

(أصولُ السُّـنَّةِ عندَنَا)

Kalima kale ee wax yar is dul taagno waxa weeye markuu leeyahay (أصولُ السُّـنَّةِ عندَنَا)

(عندَنَا) yuu ula jeedaa?

عِنْدَ مِنْ؟

Ileyn muusan dhihin (عِنْدِيْ) aniga akteyda ma dhihin, laakiin muxuu yidhi?

(عندَنَا) laba mid waaye:

  1. Inuu ula jeedo lafdada damiirka ee jamaca ahaa oo (عندَنَا) ah, inuu ula jeedo (tacdiimu nafsi) oo isaga un uu dariiqa daan haysto laakiin inuu is weyn neyn naya.
  2. Iyo inuu ula jeedo ma ehee, dariiqa daan waa leyla wadaagaa oo waan badan nahay.

Ixtimaadka hore sax ma aha oo al-Imaam Axmad () laguma aqoonin is weyn neysiin, caan wuxuu ku ahaa, inuu hoos isu dhigo oo is liido, sooma aha?

Sidaas daraadeed (عندَنَا) (tacdiimu nafsi) ma ehee waa…

عندَنَا نَحْنُ اَهل اَلْسنة وَاَلْجَمَاعَةِ

Waaye, haddaanu nahay (ahlu sunnah wal jamaaca) dadka tilmaantaa leh oo dariiqii saxaabada iyo taabiciinta ahaayeen anaga akta nada usuusha sunnada waxaa weeyaan. Marka waa dariiqii uu soo gaadhay weeye kaas ayuu tilmaama yaa.

Wuxuu yidhi marka () kelima daasi waa kelima aad u uruursan, waxna aan ka tegin, sidaas ayay salafku caan ku ahaayeen oo (mutaqadimiinta) iyo safalku Ilaahay amar kii (muta’aqiriinta) waxay kaga gedisan yihiin. Mutaqadimiinta saxaabada iyo taabiciinta iyo a’imada quruun tii saddexda ahayd, hadal kooban oo macna weyn ku fadhiya bey dhigayaan, laakiin muta’aqiriinta hadal kooda ayaa batay. Jumla yar oo uu nin yiri oo kooban oo a’imadii salafka kamid ah baa hal kitaab oo weyn lagu sharxaaya.

Marka hadda u fiirso:

التَّمَسُّكُ بِمَا كَانَ عَلَيْهِ أَصْحَابُ الرَّسُولِ-صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

Meeshii aad dhihi lahayd, yacni waxa weeye (bil kitaab) wa (sunnah), (wa fahmi salafi saalix), intaas oo dhan waxaa cabireysa…

بِمَا كَانَ عَلَيْهِ أَصْحَابُ الرَّسُولِ-صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

Li’ana saxaabadu maxay haysteen?

Saxaabada waxay haysteen kitaabka iyo sunnada.

Intaa labadaa soo mari lahayd, ayaga waxay haysteen faham kooda iyo camal koodii kitaabka iyo sunnada buu ka turjumaya, li’ana waxa weeyaan iyaga ayaa kitaabka degitaan kiisii iyo (tanziil) kiisii goob joog bey ahaayeen, fahan kiisii iyo (tadbiiq qiisii) na iyaga ayaa Nabigaﷺ ka qaatay. Saas daraadeed cid gadaal ka timid ma gaadhi karto.

Kadibna wuxuu ku adkeeyay…

(الإِقْتِدَاءُ بِهِمْ) in saxaabadii Nabiga lagu daydo oo dariiq qoodii la raaco ().

Asal kaa isaga ah adila fara badan buu marka leeyahay quraanka kariimka ah iyo sunnada Nabigaﷺ iyo ijmaacii salafka looma kala hadhin, asal kaas inuu yahay asal saxiix ah oo saxaabadu waxay haysteen oo faham iyo dhaqan iyo (tadbiiq) ah, inuu dariiqa halkaa yahay. Asal kaa weyn na ruuxii ka baxaa na (mubtadic) yahay, taa iyada ah waxaa ku tusay kitaabka Alle iyo sunnada Nabigaﷺ.

Aayaadka macnahaa ku tusaaya waxaa kamid ah, manhaj kii saxaabada dariiq qoodii (taskiyeyn naya), aayado fara badan. Haddaan qaar kamid ah soo qaadano Alle (twt) wuxuu yidhi:

‘’ فَإِنْ آمَنُواْ بِمِثْلِ مَا آمَنتُم بِهِ فَقَدِ اهْتَدَواْ وَّإِن تَوَلَّوْاْ فَإِنَّمَا هُمْ فِي شِقَاقٍ ‘’

[سورة البقرة الآية ١٣٧]

‘’Haddey rumeeyaan, kan aad rumeyseen oo kale, saad wax u rumeyseen oo kale haddey u rumeeyaan, wey hanuuneen, haddey se jeesadaan garab mar iyo dariiq kale ayay hayaan markaa.’’

Marka u fiirso:

(فَإِنْ آمَنُواْ) Qitaabka yuu ku dhacayaa?

(فَإِنْ آمَنُواْ) dadka kale haddey rumeeyaan

(بِمِثْلِ مَا آمَنتُم) idinka kaad rumeyseen oo kale, rumeyn tiina oo kale.

(آمَنتُم) yaa lagula hadlaayaa?

Saxaabada ayaa marka ugu horeyso soo galeyso.

Marka maxay miizaan noqdeen, sidaad idinka saxaabadii Nabiga iyo inta jid kiina raacsan, saad wax u rumeyseen haddey u rumeeyaan, waxaad rumeyseen na rumeeyaan wey hanuuneen, haddey garab maraan na markaasi wey lunsan yihiin oo jid kale ayay qaadeen. Marka miizaan waxaa laga dhigay, iimaan kii saxaabada () li’ana qitaab kaasi yacni iyaga ayaa (muqadimada) galaaya.

Waxaa kamid ah aayada iyadana Rabbi (twt) yidhi:

فَأَنزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَى رَسُولِهِ وَعَلَى الْمُؤْمِنِينَ وَأَلْزَمَهُمْ كَلِمَةَ التَّقْوَى وَكَانُوا أَحَقَّ بِهَا وَأَهْلَهَا وَكَانَ اللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا

[سورة الفتح الآية ٢٦]

Suuradda al-Fatxi beycadii (Beycatul Ridwaan) iyo heshiis kii xudeybiya markii laga hadlaayay, Alle (twt) wuxuu yidhi: ‘’Xasilooni buu Alle ku dejiyay Rasuul kiisa kor kiisa, mu’miniinta kor kooda na waa ku dejiyay [yaa waaye mu’miniin taas? Waa saxaabadii Nabigaﷺ la socday].

‘’ وَأَلْزَمَهُمْ كَلِمَةَ التَّقْوَى ‘’

Alle wuxuu laazimiyay dadkaa iyaga ah, kelimada Alle ka cabsiga ah.

Waa kalima dee?

Waa kelimada towxiidka oo diinta ka turjumeysa sooma aha? Kelima daas ayuu Alle laazimiyay saxaabadii Nabigaﷺ. Intaa lagagama hadhin ee waxaa la yidhi…

وَكَانُوا أَحَقَّ بِهَا

(كَلِمَةَ التَّقْوَى) dadka ugu xaq leh dadka intooda kale ka mudan saxaabadii Nabigaﷺ ayey ahaayeen.

وَأَهْلَهَا

(كَلِمَةَ التَّقْوَى) Ehel keeda iyo dad keeduna iyaga ayay ahaayeen.

Marka diin tan iyo ehel keedii iyo dad keedii Alle ku sheegay oo ku amaanay, saxaabadii Nabi Muxammadﷺ bey ahaayeen (rc).

Soo ma aragtaan?

Marka la amaan nayo marka, waxaa la amaan nayaa faham koodii iyo tadbiiq qoodii baa la amaan nayaa, haddii faham koodii qaloocsan yahay lama amaan neen, qaabkey u dhaqan geliyeen oo ugu dhaqmeen na hadduu qaloocsan yahay oo (tanziilka) iyo (tadbiiqa) ay qaldaan na lama amaan neen, waxaa ka laazim meysa faham kooda waa sax sanaa (tadbiiqa) ay shareecada ku sameeyeen na waa sax sanaa, laba daas ayaa la amaanay.

Waxaa kamid ah aayada Rabbi (twt) iyadana ku jirto (Surat at-Towbah):

وَالسَّابِقُونَ الأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالأَنصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم بِإِحْسَانٍ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ

[Surat at-Towbah, ]

Dadka Ilaahay ka raalli noqday waa saddex qeybood:

  1. Saabiqiin tii horeeyay ee muhaajiriinta ahaa,
  2. Ansaar iyo
  3. Dadka dariiq qooda si wanaagsan ku raacay

Garanay muhaajiriin, ansaar na garanay! Kuwaa ma gaadhi karno oo waqti bey lahaayeen, waa ardaydii Nabi Muxammadﷺ sooma aha?

Qoloda saddexaad ee ummada inteeda kale ay galeyso oo amaanan ee Ilaahay raalli ka noqday…

(وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم)

Yey raacayaan?

(السَّابِقُونَ الأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالأَنصَارِ)

Qolo daasi kuwii raacay oo jid kooda maray….

(رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُواْ عَنْهُ)

Ilaahay baa raalli ka noqday, iyaguna raalli bey ka noqdeen jannada Ilaahay wey galeyaan…

Sooma aragtid, marka dariiqii kuwa dadka maray buu Ilaahay raalli ka yahay, dariiq qooda baa marka la amaan nayaa la (taskiyeyn) nayaa.

Aayada (Surat an-Nisaa) ku timid baa kamid ah:

وَمَن يُشَاقِقِ الرَّسُولَ مِن بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُ الْهُدَى وَيَتَّبِعْ غَيْرَ سَبِيلِ الْمُؤْمِنِينَ نُوَلِّهِ مَا تَوَلَّى وَنُصْلِهِ جَهَنَّمَ وَسَاءَتْ مَصِيرًا

[سورة النساء الآية ١١٥]

Ruuxii Rasuulka garab mara, markuu hanuunka u cadaaday kadib, jidkii mu’miniinta jid aan ahayn na mara…

Yey yihiin mu’miniin taas?

Saxaabadii baa u horeeya, miizaanku waa saxaabadii Nabigaﷺ.

Jidkii saxaabada jid aan ahayn na mara.

(نُوَلِّهِ مَا تَوَلَّى)

Wuxuu ka weli dhigto baa looga weli yeeli.

(وَنُصْلِهِ جَهَنَّمَ)

Jahannama na waan gelin neynaa.

Marka mas’alada asalka uu imaamka meesha dhigay…

(التَّمَسُّكُ بِمَا كَانَ عَلَيْهِ أَصْحَابُ الرَّسُولِ-صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ)

(الإِقْتِدَاءُ بِهِمْ)

Asal kaasi waa asal ku fadhiyo quraanka kariimka, ma aha wax meelahaa laga xagxagtay, nusuus fara badan oo quraanka ahna waa leeyahay, axaadiith fara badan na waa leeyahay oo Nabigaﷺ ku amray saxaabadiisa in dariiq qooda la maro, aathaar fara badan oo saxaabada ka sugan (ijmaac) ay soo guuriyeen…

Firaqda ciddii dariiq qooda marta ay badbaadeyso saxaabada Rasuulkaﷺ waaye, sida aayadaha quraanka tilmaam mayaan, axaadiista Nabigaﷺ na ay tilmaantay.

Xadiisu iftiraaq waa kii Nabigaﷺ markii la weydiyay firaqda badbaadeysa tee weeye?

(قالوا: يا رسول الله، من الفرقة الناجية؟)

Wuxuu Nabigaﷺ yidhi:

(من كان على مثل ما أنا عليه اليوم وأصحابي)

‘’Waa dadka haysata aniga iyo saxaaba deyda maanta waxaan haysano,’’

Marka dariiqa saxaabada waa dariiqa saxda ah weeye, wixii khilaafsan na waa dariiq aan sax saneyn weeye.

Kadib wuxuu yidhi imaamku:

،وَتَرْكُ البِدَعِ،وَكُلُّ بِدْعَةٍ فَهِيَ ضَلالَةٌ

Usuushii buu tirin nayaa sooma aha?

Asalka koowaad muxuu ahaa?

،التَّمَسُّكُ بِمَا كَانَ عَلَيْهِ أَصْحَابُ الرَّسُولِ-صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ–،الإِقْتِدَاءُ بِهِمْ

 Halkaas bey ku (catfatoo) [tamasuk] ayay kalima daan ku caftan tahay…

(أصولُ السُّـنَّةِ عندَنَا:التَّمَسُّكُ) weeye (وَتَرْكُ البِدَعِ) waaye, haa bidcooyinka in laga tago, wax yaalaha dib laga keenay ee diinta lagu soo daray in laga tago oo laga fogaado.

(وَكُلُّ بِدْعَةٍ) bidca kasta na (فَهِيَ) iyadu (ضَلالَةٌ) waa lunsanaan, waa hawoow iyo dariiq ka bixid, sidaas weeye macnaha.

Asal kii koowaad markuu sheegay, oo dariiqii saxaabada in la raaca ah, dariiqii kitaabka iyo sunnada, faham kii saxaabada iyo (tadbiiq qooda) in la raaca, ayuu asal kaas wixii ka soo hor jeeday buu dawa dhigay marka, li’ana quraanka waxaa laga bartay manhaj kiisa, in uu markuu qaacidada (ta’siiliyo) uu dawa dhigo waxa ka soo hor jeeda.

Sow quraanka markuu towxiidka sheego (shirkiga) na ma sheego?

Markuu jannada sheego, naar tana waa sheegaa.

Mu’miniinta markuu ka waramo, gaalada iyo munaafaqiinta na waa ka waramaa sooma aha? Sheyga sidiisaa ba wuxuu cadaadaa, marka lid kiisa iyo wax ka soo hor jeeda la garto.

Habeen waxaa la garan marka maalin la arko sooma aha?

Cadiin waxaa la garan marka madow la arko.

Marka waxa weeyaan waa nooc (bayaan ka) kamid ah oo (ta’siilka) gadaashiisa iyo waxa ka soo hor jeeda in la sheego waa asal laga qaatay manhajka quraanka kariimka ah waaye.

Saas daraadeed taasuu imaamka ku socdaa wuxuu yidhi:

(وَتَرْكُ البِدَعِ) waa wixii qilaaf sanaa marka, muxuu yahay?

Manhaj kii saxaabada (بِمَا كَانَ عَلَيْهِ أَصْحَابُ الرَّسُولِ) wixii qilaafsan baa marka bidca ah, kaa hore na waa la qabsan oo manhajka saxaabada ah, wixii garab marsan oo bidca la yiraahdana waa laga tagi marka (وَتَرْكُ البِدَعِ) macnahaas buu ka wadaa.

Bidcada waxaa la yiraahdaa luqada carabiga ah:

(الاختراع بلا مثال السابق)

Shey la bilaabo ayadoo cid hore oo lagaga dayan naya ay san jirin.

Kaas bidca ayaa la yiraahdaa.

Aayada quraanka Alle (twt) wuxuu yidhi:

‘’ بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ ‘’

‘’Samaawaadka iyo dhulalka isaga ayaa Alle bilaabay.’’

Cid ka horeysay uu kaga dayday na ma jirto.

قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنْ الرُّسُلِ

‘’Yacni ma ihi mid bilow ah, rusul baa iga horeysay ee anigu ma bilaabin,’’

Marka waxa weeye () macnaha waxa weeye:

(الاختراع بلا مثال السابق)

Wax aan lagaga horeynin oo aad bilaabatay waaye, ood adigu aad la timaado.

Taa waa dhanka luqada, amaa dhanka shareecada (tacriifaad) dhow ah ayay ku sameeyeen.

Sheekh Islaam Ibnu Taymiyyah, Ibnu Qayim, al-Imaamu Shaatibi, (tacriif kiisa) ayaa inta badan loo badan yahay oo ah: […]

Waa dariiqa diineed la bilowday, oo dad baa bilowday oo tii shareecada dhabahdo oo loo ekeyn siin nayo, qaadida dariiqaa la qaadaya na, waxaa loola jeedaa oo ujeedadu tahay in lagu xad gudbo oo laga badbadiyo cibaadada Ilaahay la caabudayo.

Marka hore waa dariiq magac diineed wata kow, dariiq qaana kitaab iyo sunno iyo saxaaba lagama soo gaadhin ee nin baa bilowday (muqtarac) ah, nin baa bilowday ama ha horeeyo ama ha dambeeyo, ama koox baa bilowday, dariiq qaana kii shareecada ayaa loo ekeyn siin nayaa, oo haddaan shareecada loo ekeyn siinin dee bidca ba ma noqon naayo sooma aha?

Bidca waxii magac shareecada loo bixiyo oo diinta lagu magacaawo oo loo yar ekeysiiyo ayaa la yiraahdaa, kaasaa loo ekeyn siinaa qasad kuna waxa weeyaan Ilaahay iney ku caabudaan nooc ka badbadis oo (quluuwi) ah, waa (sinfi) kamid ah waaye (asnaaf) tooda, marka bidcada taas ayaa la yiraahdaa.

Bidcada noocaas laba midba wey noqotaa:

  1. Wax adigu aad bilaabatay, ood jeeb kaaga kala timid oo aan lagaga horeynin, waa bidco.
  2. Wax nin kale bilaabay ama koox kale bilaawday aan asal lahayn, daliil sharci ah aan lahayn, adiguna aad ku raacday waa bidco.

Midda dambe na waxa weeye wax lagaga horeeyay baa qaadatay laakiin bidca ah, middaan na adaa bilaabay. Laba daa ba waa labada axaadiista laba diisa riwaayood ku kala saabsan yihiin, xadiiskii Caa’isha (rc)…

عن أم المؤمنين أم عبدالله عائشة رضي الله عنها قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

((من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه، فهو ردٌّ))

[رواه البخاري ومسلمٌ،]

(من أحدث) ruuxu soo derisiiya, ruuxii bilaaba, diin kaan dhex diisa waxaan kamid ahayn waa lagu diidayaa, waa la soo celin nayaa. Waa kii isagu (falkiyay), waa kii bilaabay, waa kii jeeb kiisa kala yimid (من أحدث) waaye.

Nin kii bidca daasi ku camal falay oo gadaal ka yimid oo kaa ku raacay na?

(من عمل عملًا ليس عليه أمرنا، فهو ردٌّ))

[روايةٍ لمسلمٍ]

‘’Ruuxu qaatay oo ku camal falay, asagana waa lagu diidi.’’

Sidaas daraadeed, adeer waan soo gaadhay yee! Ummada ayaa haysan jirtay yee! Waanu arki jirnay yee! Waa u soo joognay yee!

War kaa ka bax (من عمل عملًا) waaye.

Aad u soo joogtidee xaggee salka ku haysaa? Saas weeye marka.

Bidcada noocaas ah marka ee ka soo hor jeeda aasaas kaa iyo qaacidadaa imaamku dhigay, bidcada noocaas ah, quraanka kariimka ah iyo sunnada Nabigaﷺ baa ku tusaaya in ay baadil tahay.

Quraanka kariimka ah wuxuu tilmaamay, shareeca daan iney kaamil tahay oo Alle (twt) wuxuu yidhi:

( الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلامَ دِينًا )

[سورة المائدة الآية ٣]

Diin tiina baan maanta idin dhameys tiray.

Aayad kale na waa tii Rabbi yidhi:

(وَتَمَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدْقًا وَعَدْلاً لاَّ مُبَدِّلِ لِكَلِمَاتِهِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ)

[سورة الأنعام الآية ١١٥]

Kalimadii Rabbiga waa dhameys tirantay, iyaga oo xukun keeduna cadaalad yahay, war keeduna run yahay.

Marka waa diin dhameys tiran.

Wey dhameys tiran tahay maxaa laga wadaa?

Maadaama la yidhi (taama) wa (kaamila) (bi macnaa)…

Ma aqbali karto inaad wax ku soo darto, inaad wax ka dhinto na ma aqbali karto, wey dhameys tiran tahay sidaa un baa lagu qaadan weeye macnaha.

Waa midda uu leeyahay al-Imaamu Maalik (الإمام مالك رحمه الله) uu u daliishan nayo () siduu ka warin nayo. […]

(من ابتدع في الاسلام بدعه يرآهآ حسنه فقد زعم ان محمد عليه الصلاة والسلام خان الرسالة)

:لأن الله تعالى يقول

( الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلامَ دِينًا )

Nin kii intuu diinta bidca ku soo daro, bidca dii haddana u arko iney wanaagsan tahay, nin kaasi wuxuu sheegtay inuu Nabi Muxammad inuu risaaladii iyo fariintii Alle u soo dhiibay inuu qayaamay oo sidii loogu soo dhiibay uu san dadka u soo gaadh siinin, saas ayuu sheegan nayaa buu yidhi.

Maxaa yeelay haddii Alle yidhi waan dhameys tiray diinkii, wadaad na intuu dib ka yimid uu leeyahay, maya wax baa ka dhiman oo anaa ku dari!

War Ilaahay waa dhameystiray xaggee baa dhiman naantu ka timid?

 Tuhmada markaa waxaad ku wajah heysaa, Nabi Maxammad baan ina soo wada gaadh sinin iyada oo dhameys tiran oo wax baa dhexda ka baxay, intii dhexda ka baxday baan marka anigu buuxin nayaa. Marka Nabi Maxammad baad tuhunsan tahay waaye, waa (sandaqa) iyo gaal nimo weeye marka.

Aayad daas ayuu marka u daliishaday Imaamu Maalik.

(الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ)

Markaasuu wuxuu dawa dhigay […]

Maalin kaas waxaan diin ahayn, aayad daasi maalin kaa ay dagaysi (الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ) oo Nabi Maxammad noolaa wixii maalin kaa aan diin ahayn, maanta diin ma noqon karo.

Waa maalin tee, maalinta Imaamu Maalik ka hadlaayo?

Waa qarni gii labaad waaye, qarnigaan aan joogo diin ma noqon karo, Nabi Maxammad waqtigii uu noolaa waxaan diin ahayn, wixii ka dambeeyay war kiisa iskaba daa marka.

Marka quraanka waa diiday, axaadiista Nabiga na sidoo kale bidcada waa diiday oo waxaa kamid ah, dhinaca waxay tiri axaadiista sida aayad daas oo kale, diin tani wey dhameys tiran tahay.

Nabiga wuxuu yidhi:

(ما تركت من شيء يقربكم إلى الجنة إلا وقد حدثتكم به،
ولا تركت من شيء يبعدكم عن النار إلا وقد حدثتكم به.)

[إسناده (صحيح ) انظر كتاب الألباني النصيحة 232 وانظر الصحيحة 1803]

‘’Ma jiro wax janno idin dhoweyn naya ilaa waan idiin sheegay, ma jiro wax naar idinka fogeyn naya ilaa waan idiin sheegay.’’

Haa waaba intaa sooma aha?

Yacni wax naar kaa fogeyn naya ama janno kuu dhoweyn naya waa la cadeeyay, Nabi Maxammadﷺ baa cadeeyay.

Xadiiskii hadda aan sheegeeynay, xadiiskii Caa’isha (lafdiga saxiixeyn ka) oo ah:

((من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه، فهو ردٌّ))

[رواه البخاري ومسلمٌ،]

Lafdada saxiix Muslim kuna waxa weeyaan:

((من عمل عملًا ليس عليه أمرنا، فهو ردٌّ))

[روايةٍ لمسلمٍ]

Axaadiis fara badan oo sidoo kale xadiiskii Cirbaadh ibnu Saariya iyo qeyrkii:

:حديث العرباض بن سارية رضي الله عنه ، وفيه قوله صلى الله عليه وسلم

( وإياكم ومحدثات الأمور؛ فإن كل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلالة )

[(4067) أخرجه أبو داود]

Bidcada marka Nabigunaﷺ waa ka digay.

Ijmaaca saxaabada iyo salaf kuna saas ayuu ku dureer saday oo in bidcada diinta laga ilaaliyo, wax yaalaha dib laga keenay, in laga ilaaliyo lagana fogaado oo diinta na laga waardiyeeyo ijmaacii saxaabada iyo taabiciintii salafka ayaa ku dureer saday.

Sababtu maxay tahay?

Maxaa bidcada loola dagaallamayaa oo loo fogeyn nayaa?

Sababta waxa weeyaan shar oo dhan bidca ayuu ku jiraa!

Waxaa kamid ah (mafaasid deeda)… [taqyiiru sharaaic]

Diimahii Ilaahay soo dejiyay ee samada ka yimid, bidca ayaa baba u noqotay in la bedelo.

Towreed waxa bedelay waa bidco, Wadaadadii baa bidco ka ilaalin waayay, kadibna diintii Ilaahay soo dejiyay sidii wax loogu daraayay, wax na looga dhimaayay, wax kale ayay ku soo baxday sooma aha?

Injiil waxaa bedelay oo diintii Nabi Ciise (cs) lagu soo dejiyay ah ee kitaabkii Injiil ahaa bidca ayaa bedeshay, waxaa isaga oo dhan madaxa iyo minja u rogay waa bidca.

Bidcada marka (sharaaicda) ayay bedeleey.

Diinta Nabi Maxammadﷺ na inay soo gaadho ilaa aakhiri zamaan iney jirto waxaa keenaya waa bidcada oo laga waardiyeey naya waaye.

Intuu wadaad xoogaa is xilqaamo oo isla yara qumanaado uu is yiraahdo wallaahi tani waa fiican tahay bal ku dar oo xooggaa uu ku soo daro. Yaa rag baa marka meesha taagan oo qeylin naaya, war waxaasi wax jiro ma aha.

Meeshii bey ku dhimaney!

Sooma aragti, marka bidcada sharaaicda ayay bedeshaa.

Midda labaad siduu leeyahay al-Imaam Ash-Shaatibi wuxuu leeyahay:

‘’Ruuxa bidca la yimid, shareeca dii buu cinaaddayaa wuu ba ka hor imaan nayaa.’’

Maxaa yeelay haddii Alle yidhi waan dhameys tiray, adna aad leedaha maya wax baan ku dari, wax baa weli dhiman soo Ilaahay kama hor imaan neysid?

Shareecadii baad si taas ah….

Adigu ama afka ka dheh ama dhaqan kaaga baa laga fahmi ba.

Waxaa kaleeto oo saddaxeeya oo bidcadu loola dagaallamayaa:

Bidcadu dambiyada la galo kuwa ugu waaweyn bey kamid tahay.

Bal sida uu Ibnu Qayyim () tilmaamay, nusuus tana tilmaameyso dambiyada waaweyn bacda shirki, dembiga weyn waa bidco!

Waa midda uu leeyahay (Ibliis) dembi la galo shirki ayuu ugu jecel yahay, waxaa ku xiga bidcada ayaa ku xigta.

Sababtu maxay tahay?

Li’ana bidcadu ruuxu markuu galo, ruux diin ku dhaqmo oo Ilaahay u dhowaan nayo oo isla quman buu noqon nayaa.

  • ruuxa zinada gala
  • ama dadka xaq daro ku dilay
  • ama wax xadayo oo tuuga ah ee Muslim ka ah

Soo isma ogga inuu qaldan yahay?

Inuu qaldan yahay waa is ogg yahay! Sidaas daraadeed qalbi giisu iimaan baa ku jiro inuu mar un towbad keeno waa dhici kartaa. Laakiin (mubtadicu) waa isla quman yahay, sidaas buu Ilaahay ugu dhowaan nayaa oo janno ku rabaa, cadaab inuu kaga badbaadaya na rumeysan yahay.

‘’ أَفَمَن زُيِّنَ لَهُ سُوءُ عَمَلِهِ فَرَآهُ حَسَنًا ‘’

[سورة فاطر الآية ٨]

Buu marka galayaa.

Waa meeshaan meesha uu ku imaan nayo xadiiska Nabigaﷺ ee uu Rasuulka yidhi:

«أَنَّ اللَّهَ احْتَجَرَ التَّوْبَةَ عَنْ كُلِّ صَاحِبِ بِدْعَةٍ»

‘’Ilaahay towbada wuxuu ka xidhay nin kasta oo bidca wato.’’

Maxaa laga wadaa?

Bi macnaa! Inuu sii noqdo uma badna!

Maxaa yeelay waa ba isla quman yahay sidaas ayuu diin ka dhigtay, saas daraadeed bidcadu waa dunuubta la galo kuwa ugu qatarsan bey kamid tahay, saas daraadeed baa marka a’imadu xoogga u saarayaan oo kutub tooda kitaab aan bidca iyo ka diggid deeda lagu sheegeynin ma jiro, asalka markey ta’siiliyaan bidcada ayay ka diggayaan.

Marka hal kaas ayuu ku imaan nayaa hadalka Imaam Axmad () ee uu leeyahay:

[wa tarku] baa kamid ah usuusha ahlu sunnah wal jamaaca.

‘’ وَكُلُّ بِدْعَةٍ فَهِيَ ضَلالَةٌ ‘’

In Shaa Allaahu hal kaas ayaynu beri wixii ka bilaawda darsigeena dul istaagi doonnaa… [وَكُلُّ بِدْعَةٍ فَهِيَ ضَلالَةٌ] oo bidca iney naan qeybsamin oo ayna mid wanaagsan iyo mid xun u qeyb sameynin, bidcada oo dhan ay baadi wada tahay.

هذا وبالله التوفيق

Halkan waxaa inoogu dhamaaday (Qaybtii 1aad) ee Kitaabka Usuulu Suunnah ee al-Imaam Axmad Ibnu Xambal oo inuu soo jeedin naaya Sheekh Maxamad Cabdi Umali (Ilaahay ha xafido) miizaanka xassanaadka na Ilaahay ha u saaro. Fadlan la soco qaybaha xiga hadduu Ilaahay idmo.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com