Su’aalo Diini ah
Iyo Jawaaba-hooda

Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan
Saxaabada Rasuulka (scw)

”Waxaad sheegta nabigii isagoo dagaalku jira cadceeda loo joojiyey.”

Decorative Lines

bism Allah

إن الحمد لله، نحمده، و نستعينه، ونستغفره، ونعود بالله من شرور أنفسنا، وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده و رسوله، صلي الله عليه وعلي آله، واصحابه، ومن تبعهم  بإحسان إلي يوم الدين، و سلم تسليماً كثيراً

Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan
Saxaabada Rasuulka (scw)

Su’aasha 1aad: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta?

Jawaabta 1aad: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.

Su’aasha 2aad: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?

Jawaabta 2aad: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.

Su’aasha 3aad: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?

Jawaabta 3aad: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.

Su’aasha 4aad: Waxaad sheegtaa masaajidka salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?

Jawaabta 4aad: Waa masaajidka Qubaa ee madiina ku yaalo.

Su’aasha 5aad: – Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?

Jawaabta 5aad: maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.

Su’aasha 6aad: – Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?

Jawaabta 6aad: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.

Su’aasha 7aad: – Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?

Jawaabta 7aad: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.

Su’aasha 8aad: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga (NNKHA),sixray?

Jawaabta 8aad: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.

Su’aasha 9aad: – Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?

Jawaabta: 9aad: – Wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas.

Su’aasha 10aad: – Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?

Jawaabta 10aad: waxay ahayd Nebi Muuse (cs) hooyadii

Su’aasha 11aad: – Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?

Jawaabta 11aad: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.

Su’aasha 12aad: – Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?

Jawaabta 12aad: Waxay ahayd suuradu Daahaa.

Su’aasha 13aad: – Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya?

Jawaabta 13aad: Waa suuratu Mulk (Tabaarak).

Su’aasha 14aad: – Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga?

Jawaabta 14aad: waa aayada u danbeysa suurada Al-fatax.

Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan
Saxaabada Rasuulka (scw)

Su’aasha 15aad: – Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isaga oon weligii Alle u sujuudin?

Jawaabta 15aad: Wuxuu ahaa Cumar binu Thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas

Su’aasha 16aad: – Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?

Jawaabta 16aad: Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad

Su’aasha 17aad: Waxaad sheegtaa duulaankii (Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?

Jawaabta 17aad: Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada

Su’aasha 18aad: Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?

Jawaabta 18aad: Abuu Bakar as-Sadiiq iyo C/raxamaan binu Cawf

Su’aasha 19aad: Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?

Jawaabta 19aad: Waa sanadkii ay dhimatay Khaddiija binti Khuweylad, iyo Abuu daalib.

Su’aasha 20aad: Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?

Jawaabta 20aad: Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu Suraara

Su’aasha 21aad: – Jannada yaa ugu hor gelaaya?

Jawaabta 21aad: Waxaa ugu hor gelaaya Nabigeena Muxammed (NNKHA)

Su’aasha 22aad: Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?

Jawaabta 22aad: Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo.

Su’aasha 23aad: Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?

Jawaabta 23aad: Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil.

Su’aasha 24aad: Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?

Jawaabta 24aad: Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.

Su’aasha 25aad: Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi saciid Alkhudriyi?

Jawaabta 25aad: Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC).

Su’aasha 26aad: Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay?

Jawaabta 26aad: Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir (RC).

Su’aasha 27aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?

Jawaabta 27aad: Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam (RC.

Su’aasha 28aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?

Jawaabta 28aad: Waxay ahayd Khaddiija bintu khuweylad (RC).

Su’aasha 29aad: Waa kuma sayidka shuhadadu?

Jawaabta 29aad: Waa Xamsa binu Cabdi mudalib (RC).

Su’aasha 30aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?

Jawaabta 30aad: Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar (RC).

Su’aasha 31aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?

Jawaabta 31aad: Cabdullaahi binu Zayid (RC).

Su’aasha 32aad: Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu (NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?

Jawaabta 32aad: Waa Suuratu, Al-Fatax.

Su’aasha 33aad: Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?

Jawaabta 33aad: Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho.

Su’aasha 34aad: Waxaad sheegtaa magaca faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?

Jawaabta 34aad: Waxaa la odhan jiray Sakab.

Su’aasha 35aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?

Jawaabta 35aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan (RC).

Su’aasha 36aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?

Jawaabta 36aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun (RC).

Su’aasha 37aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?

Jawaabta 37aad: Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi (RC)

Su’aasha 38aad: Waxaad sheegtaa Sir-hayihii (xog-hayihii), Nebiga (NNKHA)?

Jawaabta 38aad: Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan (RC).

Su’aasha 39aad: – Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?

Jawaabta 39aad: Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).

Su’aasha 40aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?

Jawaabta 40aad: Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.

Su’aasha 41aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?

Jawaabta 41aad: Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.

Su’aasha 42aad: Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?

Jawaabta 42aad: Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).

Su’aasha 43aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?

Jawaabta 43aad: Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).

Su’aasha 44aad: Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?

Jawaabta 44aad: Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).

Su’aasha 45aad Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?

Jawaabta 45aad: Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).

Su’aasha 46aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?

Jawaabta 46aad: Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).

Su’aasha 47aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?

Jawaabta 47aad: Waa Sacad bin Mucaad (RC).

Su’aasha 48aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?

Jawaabta 48aad: Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).

Su’aasha 49aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?

Jawaabta 49aad: Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).

Su’aasha 50aad: Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?

Jawaabta 50aad: Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.

Su’aasha 51aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abi Bakar as-Saddiiq?

Jawaabta 51aad: C/laahi binu Qaxaafa .

Su’aasha 52aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?

Jawaabta 52aad: Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.

Su’aasha 53aad: Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?

Jawaabta 53aad: Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.

Su’aasha 54aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?

Jawaabta 54aad: Cuthmaan bin Cafaan R.C.

Su’aasha 55aad: Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?

Jawaabta 55aad: Waa Salaadda.

Su’aasha 56aad: Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?

Jawaabta 56aad: Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).

Su’aasha 57aad: Naarta yaa ugu hor gelaya qiyaamaha?

Jawaabta 57aad: Waxaa ugu hor gelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.

Su’aasha 58aad: Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?

Jawaabta 58aad: Waa Ubaya bin Khalaf .

Su’aasha 59aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?

Jawaabta 59aad: Waxuu ahaa Xudeyfah ibnu al-Yamaan (حذيفه).

Su’aasha 60aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?

Jawaabta 60aad: Waxuu ahaa Tamiimuddaari (تميم الدار).

Su’aasha 61aad: Waxaa sheegtaa salaada aan lahayn rukuucda iyo sujuuda?

Jawaabta 61aad: Waa salaada janaasada

Su’aasha 62aad: Waxaa sheegta nabigii ugu dambeyay reer banii israa’iil

Jawaabta 62aad: Waa Nabiyullaahi Ciisa (cs)

Su’aasha 63aad: Laba Nabi oo walaalo ah isku mar dhintay.

Jawaabta 63aad: Waa nabi Muuse iyo nabi Haaruun (cs)

Su’aasha 64aad: Waxaa sheegta Cuthmaan Binu Cafaan naanaystiisii (RC)?

Jawaabta 64aad: Waxa uu ahaa (Dii’Nuurayn)

Su’aasha 65aad: Sheeg samada labaad magaceeda?

Jawaabta 65aad: Waxa la dhaha (Macuun).

Su’aasha 67aad: Waxaad sheegtaa saxaabiggii qoorta ka jaray ninkii (Ash-Shahaatay)

J- …..?

Wax qoray:
Abdirisaaq Mohamed Sheekh Cabdi
iyo Ismaaciil Cali Ismaaciil

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Su’aalo Iyo Jawaabo Diini ah

 

1- Su’aal: Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay?

1- Jawaab: Meeshii ugu horeesay ay aayada quraanka ku soo degto waxay eheed Xiraa.

2- Su’aal: Sheeg imisa sano ayuu Quraanka soo dagaayey?

2- Jawaab: Wuxu soo dagaayey 23 sano.

3- Su’aal: Sheg Quraanka yaa u keeni jiray Rasuulka (NNKH) Ama sidee buu ku soo gaari jiray?

3- Jawab: Rasuulka (NNKH) waxaa u keeni jiray Jabriil (CS) isagoo allahiisa ka soo qaadi.

4- Su’aal, Sheg kumuu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee uu Rasuulka (nnkh) uu madiina i diro si uu u baro Quraanka?

4- Jawaab: wuxu ahaa wuxu ahaa Muscab Bin Cumeyr (RC).

5- Su’aal: Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay quraanka soo  dagaya uruuriyaan?

5- Jawaab: Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.

6- Su’aal: Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?

6- Jawaab: Ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya wuxu ahaa Abuu-kabar Sadiiq (RC).

7- Su’aal: Sheeg sababta kaliftay in quraanka la isu soo aruuriyo hadaba sababta maxay ahayd?

7- Jawaab: Sababta waxay ahayd (Asxaabtii Quraanka xifdisaney oo dagaalada aad ugu dhimanaayey) Sida dagaalkii ka noqoshada meesha la yiraahdo Yamaama  markaa waxaa laga baqay in quraanka lumo, Sidaas darteed baa dib loogu aruurshay Quraanka.

8- Su’aal: Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?

8- Jawaab: Abuu bakar (RC) Wuxu madax uga dhigay asxaabtii quraanka soo uruurineesay asxaabiga la yiraahdo Sayid binu Thaabid.

9- Su’aal: Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda ?

9- Jawaab: Qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda waa Cusmaan Bin Cafaan iyo Rukhiya muxammed rc.

10- Su’aal: Sheeg maxay kala yihiin Muhaajiriin iyo Ansaar?

10- Jawaab: Waxay kala yihiin labo (2)

  1. Muhajiriin waxaa ladhahaa asxaabtii Makka ka timid oo timid madiina.
  2. Ansaar-na waa asxaabtii Madiina loogu yimid.

11- Su’aal: Sheeg kumuu ahaa Asxaabigii uu Rasuulka (NNKH) ku magacaabay Allmiinka umadaan?

11- Jawab: Wuxu ku magacaabay Abii Cubeyda Caamir Bin Jaraax (RC).

12- Su’aal: Sheeg maxaa la’oran jiray godkii ay galeen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-Bakar (RC) markii ay Madiina u hijroon nayeen?

12- Jawab: Waxaa la’oran jiray Godkii Dibiga (Qaaru Thowr)

13- Su’aal: Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?

13- Jawab: Wuxu ahaa Abuu Ayuub Al ansaari (RC).

14- Su’aal: Sheeg Malaa’igtaan soo socota mid waliba waxa uu Alle u wakiishay:

  1. Jabriil
  2. Miikaa’iil
  3. Cazraafiil
  4. Ridwaan
  5. Maalik

14- Jawab:

  1. Alle wuxu u wakiishay Jabriil waxyiga.
  2. Alle wuxu wakiishay Miikaa’iil Roobka.
  3. Alle wuxu u wakiishay Cazraafiil Nafta inuu qaado.
  4. Alle wuxu u wakiishay Ridwaan Janada, waana kan Janada furaheda haaya.
  5. Alle wuxu u wakiishay Maalik Naarta kan furaheeda haaya.

15- Su’aal: Sheeg Shan arimood oo Rasuulkeena (NNKH) iyo Ummadiisa looga fadilay Dhamaan ummadihii ka horeeyey?

15- Jawab: Rasuulka (NNKH) waxaa loo-diray;

  1. Jini iyo Insi,
  2. Shafeecada aakhiro oo la-siiyey,
  3. Dhulka oo dhan oo daahir looga dhigay,
  4. Qaluubta gaalada oo cabsi loogu riday,
  5. Qaniimada oo loo-fasaxay.

16- Su’aal: Sheeg Eey-gii galay Janada?

16- Jawab: Wuxuu ahaa Eey-gii la-socday Reer asxaabu kahfi.

17- Su’aal: Sheeg Gaal-kii ilaahaynimada sheegtay ee misana qabay Naag Muslimad eheed?

17- Jawab: Wuxuu ahaa Fircoon.

18- Su’aal: Sheeg UBadka aan Aabe mooyee Awoow laheyn?

18- Jawab: Waa Ilma Aadan (cs).

19- Su’aal: Sheeg Qofka aan Hooyo mooyee Aabo laheyn?

19- Jawab: waa nebi Ciise )cs).

20- Su’aal: Sheeg salaada aan aadaan iyo aqim mid lahayn?

20- Jawab: Waa salaada ciida.

Xigasho: Togdheernews.com | Afdheer.com

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Qiso Dhex Martay Wiil Yar oo 
Muslim ah iyo Nin Roman ah

Qiso Diini ah oo cajiib ah qalbigaada jilcin doonto

Wakhtigii taabiciyiinta magaalada ugu weyn ee muslimiintu wax ka bartaan waxay ahayd magaalada Baqdaad ee haatan caasimada u ah Iraq sidoo kale waxay ahayd magaalada laga maamulo dowlada Islaamka.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaalada yimid nin ka socda boqortooyadii ruumka (The Roman Empire) kaasoo u sheegay khaliifka muslimiinta in uu haayo 3 su’aal oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin doono maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka. Khalifkii ayaa isugu yeeray dhamaan culimadii muslimiinta iyo dhamaan wixii aqoon yahan ahaa kadib ayuu amray ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su’aalihiisii soo daayo. Rumaanigii ayaa waydiiyay Muslimiintii halkaas isugu timid 3dii su’aal ee uu hayay waxa uuna ku bilaabay:

  1. Ilaahey horaantiis maxaa jiray?
  2. Ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa?
  3. Ilaahey muxuu haayaa hadda (iminka)?

Ruux hadlo ayaa la waayay,shib iyo shib ayaa ka dhacday xoogaa kadib ayaa wiil yar oo la fadhiyay aabihii istaagay oo yiri: Aabe anaa ka jawaabaayo su’aalahaas anigaana idiinka aamusiin doono kadib ayuu wiilkii yaraa fasax ka qaatay khaliifkii markaasuu ku yiri Roomaanigii:

Ma taqaanaa sida wax loo tiriyo?

Haa ayuu ku jawaabay roomaanigii.

Markaas ayuu wiilkii yaraa yiri waxaan kaa rabaa inaad tiriso tiro ilaa iyo toban ah waana in aad ka bilowdaa kor adigoo hoos hoos u tirinaya.

Roomaanigii ayaa bilaabay sagaal sideed todobo ilaa uu ka gaaray kow markii uu kow gaaray ayuu aamusay.

Wiilkii yaraa ayaana yiri: maxaa ka danbeeya kow?

Markaas ayuu roomaanigii ku jawaabay, waxba kow ayaa ugu danbeeya.

Wiilkii ayaa yiri haddii ay tiro kow ugu danbeyso oo aadan dhaafin weysay sideed marka ku weydiisay wax jiro ka gadaal midka kali ah midka kowga ah, midka axadka ah, midka joogidda abidka ah midka ugu horeeya, midka ugu danbeeyaa, midka daaiimka ah?

Roomaanigii ayaa la dhacay jawaabta cunugu yar . Cunigii yaraa ayaana bilaabay ka jawaabista su’aashii labaad taasoo ahayd Sheeg (Ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa?).

Wiilkii yaraa ayaa yiri shumac hala keeno kadib hala daaro markii la daaray ayuu wiilkii waydiiyay: ii sheeg halka uu holacu aadayo ama u jihaysanaayo? Roomaanigii ayaa ku jawaabay holaca waa iftiin aanan u jihaysanaynin dhanna waqooyi, koonfur, bari, iyo galbeedka wuu ifinayaa.

Wiilkii ayaa ku jawaabay haddii iftiinka yar uu iftiiminaayo dhamaan afarta jiho uusanna ku ekeyn dhanna: Maxaad u malayn iftiinka (nur_us-samawati.wal-ardh?) Ilaahey dhan walbo ayuu eegayaa waana iftiinka dhamaan dhulka iyo samaawatka.

Ninkii ayaa hadana la dhacay jawabta wiilka yar. Cunigii yaraa ee xikmada ilaahey ku manestay intuusan waydiin su’aashi 3aad ayaa wiilkii yaraa ku yiri Roomanigii: Adiga minbar ayaad fuushaa anigana dhulka ayaan taagan nahay hase yeeshee anna la iga rabaa jawaab celin marka miyeysan fiicnayn inaad soo degto si aan aniga minbarka u fuulo si dadka dhamaantood ay u maqlaan jawaab celintayda?

Roomaanigii ayaa arrintaas aqbalay oo ka soo degay minbarkii wiilkii yaraa ayana ku fariistay minbarkii uu ka soo degay Roomaanigii kadib ayuu waydiiyay su’aashii 3aad oo ahayd:

Ilaahey muxuu haaya imina?

Wiilkii yaraa ayaana ku jawaabay: Hada Ilaahey wuxuu sababay inuu beenaale ka so dejiyo minbar sare kuna bedelo kii asaga aaminsanaa. Imikana Ilaaheyga aad waydiineyso waxa uu haayo wuxuu sababay inuu beenaale diintiisa ku jeejeesaayo uu dhulka dhigo korna u qaado kii aaminsanaa.

Ilaaheyna maalin walbo xaalkiisa waa sidii uu asagu doono. Markaas ayuu wiilkii yaraa akhriyey ayaada 29 ee suurat ar-Raxmaan oo ahayd.

ﻳَﺴْﺄَﻟُﻪُ ﻣَﻦْ ﻓِﻲ ﺍﻟﺴَّﻤَﺎﻭَﺍﺕِ ﻭَﺍﻟْﺄَﺭْﺽِ ۚ ﻛُﻞَّ ﻳَﻮْﻡٍ ﻫُﻮَ ﻓِﻲ ﺷَﺄْﻥ

Ninkii Roomaaniga ahaa ayaa asaga oo qalbi jab ku dhacay ku noqday dalkiisii wiilkii yaraa ayaana Ilaahay sababay in uu noqdo Imaam aad loo xurmeeyo lagana qaato diinta Islaamka wiilkii yaraa ee xikmada badnaa ayaana noqday Imaam kii weyna ee Islaamka ee loo yaqaan Al-Imaam Abu Xaniifa.

Su’aalo ku Saabsan
Maalinta Cashuura

بسم الله الرحمن الرحيم

Su’aal

Hadii  la  igu  leeyahay  maalmo  ka  mid  ah  soonkii  bishii  ramadaan,  ma  soomi  karaa  maalinta  caashuura ama carafo ama soon kale oo sunne ah?

Jawaab

Qofka  hadii  lagu  leeyahay  soon  faral  ah waxaa   la   rabaa   in   uu   ka   horaysiiyo   qallihiisa (gudidiisa)  soon  kasta  oo  sune  ah,  sidaa  awgeed waa  in  uu  ku  bilaabaa  soonka  qallaha  ah  si  uu waajibkii saarnaa iska dhamaystiro.

Hadaba    hadii    ay    isku    hagaagaan    qallihii    uu soomayay  iyo  soonka  maalin  kale  oo  sune  ah  sida carafo  ama  caashuuraa,  tusaale  ahaan  isaga  oo qallaynaya  soonkii  ramadaan  ayaa  waxa  ay  ku  soo hagaagtay  maalinta  caashuuraa    ama  carafo  la soomayay,    isla  markaana  waxa  uu  doonay  in  uu niyoodo labadaba,  culimadu waxa ay yidhaahdeen soonkaa  waa kii  qallaha  ahaa,  islamar  ahaantaana waxaa loo rajaynayaa in uu helo ajarkii maalintaasi kale  lahayd  soonkeedu,  maadaama  uu  niyooday labadaba

Su’aal

Hadii  la  igu  leeyahay  maalmo  ka  mid  ah soonkii  bishii  ramadaan,  ma  soomi  karaa  maalinta caashuura ama carafo ama soon kale oo sune ah?

Jawaab

Qofka  hadii  lagu  leeyahay  soon  faral  ah waxaa   la   rabaa   in   uu   ka   horaysiiyo   qallihiisa (gudidiisa)  soon  kasta  oo  sune  ah,  sidaa  awgeed waa  in  uu  ku  bilaabaa  soonka  qallaha  ah  si  uu waajibkii saarnaa iska dhamaystiro.

Hadaba    hadii    ay    isku    hagaagaan    qallihii    uu soomayay  iyo  soonka  maalin  kale  oo  sune  ah  sida carafo  ama  caashuuraa,  tusaale  ahaan  isaga  oo qallaynaya  soonkii  ramadaan  ayaa  waxa  ay  ku  soo hagaagtay  maalinta  caashuuraa    ama  carafo  la soomayay,    isla  markaana  waxa  uu  doonay  in  uu niyoodo labadaba,  culimadu waxa ay yidhaahdeen soonkaa  waa  kii  qallaha  ahaa,  islamar  ahaantaana waxaa loo rajaynayaa in uu helo ajarkii maalintaasi kale  lahayd  soonkeedu,  maadaama  uu  niyooday labadaba.

::::::::::::::::::::::::::::: D H A M A A D :::::::::::::::::::::::::::::::::