Kitaabka Abuu Shujaac

متن الغاية والتقريب
أبي شجاع

Darsiga | 3aad

Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Date: Thursday, September 22, 2016
Hijri: Arbaco 14 Dhul Qacdah, 1437

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Kitaabka Abuu Shujaac

Darsiga | 3aad

Waa darsi gii saddexaad ee kitaab kii (متن الغاية والتقريب) ee al-Imaam Abuu Shujaac.

(فصل)

:والذي يوجب الغسل ستة أشياء

Wuxuu meeshaan ka guda galayaa weysa dii iyo faraa’id deedii iyo sunan keedii iyo wax yaalaha buriya markuu ka soo hadlay kadib, ayuu wuxuu halkaan ka guda galay qabeyska. Weysada marka waxay meesha ka saartaa (xadath ka) yar, qabeys kana waxaa loo jiddeeday (xadath ka) weyn, sidaad daraadeed buu marka imaamku ama (mu’alifka) isugu xujiyay, waa labada dahaara;

  1. Dahaara minal xadathi al-asqar; oo midka weysada waajibiya ah iyo
  2. Dahaara minal xadathi al-akbar; oo midka qabeyska waajibiya ah.

موجبات الغسل

:والذي يوجب الغسل ستة أشياء

.ثلاثة تشترك فيها الرجال والنساء

(والذي) midka (يوجب) waajibiya (الغسل) qabeyska waa (ستة أشياء) lix shey.

Lix sababood ayaa qabeyska waajibisa.

(ثلاثة) Saddex [oo lix daa kamid ah], (تشترك) waxaa wadaaga (فيها) dhexdeeda (الرجال) raggii iyo (والنساء) dumar kiiba. Saddex rag iyo dumar ba wey ka dhexeeyaan.

  1. وهي التقاء الختانين
  2. وإنزال المني
  3. والموت

(1) (وهي التقاء الختانين)

(وهي) Saddex daasi waxa weeyaan (التقاء الختانين) labada meellood ee la gudday kulmid dooda.

(ختان) ku, waa [maxalul qadci waaye]

Xubinka taranka marka la guddaayo, meesha la jaray oo birtu martay ama sakkiintu martay, hal kaas ayaa (ختان) la yiraahdaa. Marka meesha birtu martay ee ragga iyo dumarka kulanka labadaa meellood ay kulmaan qabeys buu waajibin nayaa waa qodobka koowaad.

Waxaa laga wadaa kulan kooda…

Is taabashada keliya lagama wado, laakiin waxaa laga wadaa iney isku beegmaan, li’ana labada xubin mid walba meesha laga gudday baa kala duwan, isku beegan koodaas na waxaa shardi u ah, xubinka taranka ee ragga qeyb tiisa hore markuu gudaha galo ayaa wuxuu ku beeg mayaa meeshii xubinka dumarka laga gudday. Markaas weeye marka la leeyahay (التقاء الختانين).

Markey qeybta hore gudaha gasho ayay markaa isku beegmi karaan, laakiin iyada oo qeybta hore gudaha gelin haddey is taabtaan ama kulmaan oo kale lagama hadlaayo markaa qabeys ma waajibaayo. (التقاء) ga, marka xadiiska lafdigii, xadiiska ku soo arooray buu isticmaalay, laakiin waxaa laga wadaa markay isku beegmaan [bacda maa ay xashafadu] gudaha gashay saas ayaa laga wadaa.

Xadiiska Nabigaﷺ ayaa sidaa tilmaamaya.

Shardi ma aha marka iney biyo yimaadaan, ama biyo ha keeno ama biyo yey san imaanin, marba hadday intaasi dhacdo xubinka taranka ragga qeyb tiisa hore intey gudaha gasho, kadib na ay isku beegmaan qiyaasta labada meellood qabeys kii waa waajibay ama biyo ha yimaadaan ama yey san imaanin.

Xadiiska Nabigaﷺ baa sidaa u tilmaamaya.

(2) (وإنزال المني)

Sheyga labaad ee qabeyska waajibiya ee ragga iyo dumarka ka siman yihiin waxa weeye.

(وإنزال المني) manni dejin teeda, [iney mannidu soo baxdo].

Mannida dejin teeda; ama haku soo baxdo manni daasi galmo haku soo baxdo ama haku soo baxdo qaraw iyo riyo haku soo baxdo ama si kale ba ha u soo baxdo. Marba hadday manni soo baxdo qabeys kii waa waajibay, shardi uma aha marka galmada ileyn galmada xagga hore ayay lagaga soo hadlay, taa hore ayaa galmada ka hadleysa.

Iyadana xadiiska Nabigaﷺ ayaa tilmaamaya.

“إنما الماء من الماء”

‘’Biyaha qabeysku waxay ka yimaadaan biyaha mannida.’’

Haa biyaha mannida markii la helo biyaha qabeyska ayaa ka waajiba, xadiis kaas ayaa tilmaamaya.

Xataa waxay leeyihiin haddii uu gogosh shiisa ku arko ama mara diisa, manni uu ku arko, isma ogga inay wax ka yimaadeen laakiin mara diisa ayuu ku arkay manni. Waxay leeyihiin haddey naan cid kale ka suuroobi karin oo cid kale oo marada xidhata aynaan jirin isaga mooyee, dee isagu un bey ka timid sooma aha? Sidaas daraadeed waxay leeyihiin waa inuu qabeysto.

Hadduu salaado uu sidaa ku tukaday haddey jireen na wuu soo celin nayaa, saas weeye macnaha sababtu waxa weeyaan cid kale kama suuroobi karto wey ka timid li’ana mara diisa ayay ka muuqata bey leeyihiin (إنزال المني) daas ayay galeysaa.

(3(والموت)

Arrinta saddexaad ee ragga iyo dumarka ka dhexeeya ee qabeyska waajibiya waa …

(والموت) Geerida.

Yacni ruuxu markuu geeriyoodo qabeys baa waajibaya.

Laakiin yuu ku waajibaya?

Asiga kuma waajibaayo li’ana isagu waa meyd sooma aha?

Waxaa laga rabaa dadka meesha jooga iney dhaqaan, labada hore wuxuu kaga gedisan yahay, tani kaga duban tahay labada hore isaga ayaa (wujuub ku) ku dhacaayaa, laakiin tan waxay kaga duwan tahay (wujuub ku) wuxuu ku dhacayaa (axyaada) dadka nool oo la jooga, waa iney dhaqaan.

Iyadana waxaa tilmaam meysa amar kii Nabigaﷺ xadiis ii () uu Nabiga yidhi:

‘’ اغْسِلْنَهَا ثَلاثًا  ‘’

”Saddex goor dhaqa”.

Haa waa amar.

Marka waa la dhaqaya Allaahuma ruuxu inuu shahiid yahay mooyee, [shahiidul macraka] goobta dagaalka ruuxii lagu dilay, kaa isagu waa shahiid oo la dhaqi maayo waa la aasayaa.

Saddex daasi marka rag iyo dumar ba waa ka dhaxeeyaa:

  1. Galmada oo labada xubnood iney kulmaan ah
  2. Iyo iney manni soo baxdo
  3. Iyo inuu ruuxu geeriyoodo

Saddex daas sababood wey ka dhaxeysaa.

:وثلاثة يختص بها النساء

  1. وهي الحيض
  2. والنفاس
  3. والولادة

(وثلاثة) saddex kamid ah [saddex oo lixdii kamid ah na] (يختص) waxaa qaas la ah (بها) iyada (النساء) dumar kii baa qaas la ah. Saddex na dumarka ayay gooni u tahay oo iyagaas un bey qabeys ku waajibisa ee ragga shaqo kuma leh waaye macnaha.

Saddex daasi waxa weeye:

(1) (وهي الحيض)

(وهي) iyadu (الحيض) waa dhiigii caadada (والنفاس) iyo dhiigii dhalmada (والولادة) iyo dhalmada laf teeda.

(حيض) waa dhiigaan caadada ah ee si joogta ah dumarka uga yimaada ee dabiiciga ah, waan u tagi doonnaa axkaam tiisa.

(2) (والنفاس)

(نفاس) waxaa laga wadaa dumarka, haweentu markay dhasho oo ilmuhu ka yimaado, dhiiga ka dawa imaan naya ayaa la yiraahdaa (نفاس) kaas, waa dhiiga dhalmada.

(3) (والولادة)

(والولادة) muxuu ka wadaa?

(ولادة) waxa weeyaan soo bixitaan ilmo ama wax u ek uu ka soo baxay, xataa dhiig ba yuusan la socon, dhacaan ba yuusan la socon, dhalida keliya baa qabeys waajibisay bey leeyihiin, haa saas weeye macnaha. Xataa waxay leeyihiin waxa ka soo baxay haba noqdo ilmo intuu (xinjir) noqday aan xinjir tii dhaafin oo xinjir nimo ku soo dhacay ama noqday (mudqa) cad yar oo (saaftin) inuu noqday oo soo noqday oo soo dhacay.

Waxay leeyihiin qabeys buu waajibin nayaa bey leeyihiin, xataa yuusan qoyaan ba wadanin (ولادة) dhalitaanka keliya iyo ilmaha soo baxay ayaa qabeys waajibin naya ayay leeyihiin waa sabab asbaabta kamid ah haddii la helo waaye.

Intaasi waa qabeyska asbaabta waajibisa

(فصل)

(فرائض الغسل)

:فرائض الغسل ثلاثة أشياء

  1. النية
  2. وإزالة النجاسة إن كانت على بدنه
  3. وإيصال الماء إلى جميع الشعر والبشرة

Yacni asbaab kale oo wuxuu keeni doonnaa, qabeyska sunnada ah.

(فرائض الغسل) qabeyska waajibaad kiisu (ثلاثة أشياء) waa saddex shey.

Sabab tii qabeyska waajibin neysay baa timid, inaad qabeysato baad rabtaa, qaab keed u qabeysanee waaye?

Qabeyska wax yaalaha la sameeyo ayaa waxay u qeyb samayaan (faraa’id) waajibaad haddaad ka tagto qabeys kaaga uusan asaxayn nin iyo (mustaxabbaad) dhameystir ah, laakiin aan (sixa dii) iyo inuu qabeyska asaxo aan waxba yeelleynin, (فرائض) dii buu marka hor mariyay.

(فرائض الغسل) qabeyska waajibaad kiisu (ثلاثة أشياء) waa saddex shey.

Tan koowaadi waxa weeye:

(1) (النية)

(النية) waa niyadii

Yacni niyada sideeda ba cibaado kasta ayaa u baahan sooma aha?

Li’ana waxaa ku tusaayo (Cumuum kii) xadiiska:

.”إنَّما الأَعمالُ بالنِّيَّات”

  • Marka weysa dii baa u baahan
  • Salaaddii baa u baahan
  • Qabeys kii baa u baahan

Niyadu cibaado ba hadday timaado meeshu iyadu wey imaaney.

(وإزالة النجاسة)

Iyadana waan soo sheegnay oo inta leysla ogol yahay niyada waajibka ah waa:

  • Qalbiga inaad geliso,
  • Inaad ka go’aansato,
  • In aad ka doonto qalbiga

Cibaadada aad sameyn neyso inay qalbi gaaga ku jirto, in ay cibaado tahay sida aad ku baneysan neyso ama aad isaga kor yeeleyso (xadath kii) intaa inaad qalbiga gashato waaye inta leysla ogol yahay, carabka in lagaga dhawaaqo iyaga ak tooda Shaaficiyada waa sunno weliba (muta’aqiriinta) imaamka kama sugna.

(2) (وإزالة النجاسة إن كانت على بدنه)

Qodobka labaad iyo faradka labaad na waxa weeye:

(وإزالة النجاسة) Najaasada in la suuliyo (إن كانت) hadday tahay (على بدنه) jir kiisa kor kiisa hadday tahay.

Hadday nijaaso kor kaaga ku taalo, intaadan qabeyska gelin waa inaad nijaasada horta iska dhaqdo saas weeye macnaha, nijaaso kale, mannida ma aha, waa nijaas sooyin kale, nijaas sooyin kale hadday jir kaaga meelo kamid ah ku yaalaan intaadan qabeyska bilaabin horta nijaasada iska daahiri oo iska dhaq.

(3) (وإيصال الماء إلى جميع الشعر والبشرة)

(وإيصال الماء) Iyo biyaha gaarsiin tooda.

Waa waajib kii saddexaad waaye.

(وإيصال الماء) biyaha oo la gaarsiiyo (إلى جميع الشعر) tinta dhamaan teed (والبشرة) iyo jirka ba. [Haraga jirka]

Jirka harag giisa iyo tinta intaba dhamaan teeda waa inaad biyaha gaarsiiso, saas weeye macnaha.

Xadiis fara badan baa macnahaa ku tuseysaa oo Nabigaﷺ qabeys kiisa ku saabsan oo waxa weeyaan inuu marka hore (istinjoon jiray) kadibna qabeysan jiray. Maadaama uu jirka dhamaantii xadathka wada qabo, waa in dhamaan tii biyahu wada gaaraan. Hadday tin tahay iyo haddii uu yahay haraga jirka yahay dhamaan tii biyaha waa inaad wada gaarsiiso.

Dhamaantii marka la leeyahay waa jirka qeyb tiisa daahirka ah ee muuqata waaye, inta gudaha ku jirta laazim ma aha inaad biyaha ku qasabto ood biyaha geliso looma baahna, jirka inta kor ka muuqata waaye macnaha, intaas waaye.

Intaasi marka waxa weeye waa qabeyska waajibaad kiisa…

  1. Niyo iyo
  2. Hadday nijaaso jir kaaga ku taal ka dhaqdo iyo
  3. Inaad biyaha jirka wada gaarsiiso

Waa intaasi.

سنن الغسل

:وسننه خمسة أشياء

  1. التسمية
  2. والوضوء قبله
  3. وإمرار اليد على الجسد
  4. والمولاة
  5. وتقديم اليمنى على اليسرى

(وسننه) qabeyska sunnooyin kiisu (خمسة أشياء) waa shan shey.

Markaad qabeysan neyso 5 shey baa sunno ah inaad la timaado.

(1) ‘’ التسمية ‘’

(التسمية) magac caawis tii, Alle magac caawis tii [بِسْمِ اللهِ] waaye.

Yacni weysada waa taan soo marnay sooma aha…

[…]

Markaad weyso qaadan neyso inaad [بِسْمِ اللهِ] dhahdo. Waxaad uga qiyaas qaadan neysaa weysada.

(2) ‘’ والوضوء قبله ‘’

(والوضوء) iyo weyseysi gii (قبله) qabeyska ka hor la weyso qaato.

Xadiiska Caa’isha (rc) ayaa ku tusaaya iyo saxaabadii Nabigaﷺ qabeys kiisa tilmaantay, waxay tilmaameen intuusan Nabigaﷺ qubeysanin inuu weyseysan jiri, ama weyso kaamil ah ama weyso lugaha aan la dhaqan oo la dib dhigay oo marka qabeyska aad dhameysato ayaad lugaha dhaqi ama weyso qaadad maca lugahii la socda ayuu weyso qaadan nayaa markaasuu qabeyska bilaabayaa.

Marka iyaga ak tooda sunno ayay ka tahay laazim ma aha.

(والوضوء) weyso qaadad (قبله) qabeyska hortii la weyseysto.

Laba qaab mid un baa sax ah:

  1. Inaad weysada hor mariso iyo
  2. Inaad weysada iyo qabeyska is dhex geliso, oo intaad isla niyooto, qabeys kaasi aad jirka biyaha wada gaarsiisay uu kaa kaafiyo uu kaaga filnaado weysa qaadad kii iyo qabeysigii ba kaaga filnaado.

Laakiin sida xadiiska Caa’isha (cinda ahlu sunan) Abuu Daa’uud iyo ay soo saareen tilmaamayo; intaad qabeysato, qabeyska kadib intaad weyso ka dembeysiiso Nabigaﷺ ma sameyn jiri bey tiri Caa’isha (rc).

  1. Ama weysada hor mari
  2. Ama weysada iyo qabeyska is dhex geli.

Laba daas ayaa sugan, xadiista xaggeeda marka la aado waaye.

Sunnada saddexaad waxa weeye:

(3) ‘’ وإمرار اليد على الجسد ‘’

(وإمرار اليد) gacanta marmarin teeda (على الجسد) jirka kor kiisa la mariyo.

Yacni waa intaad jirka gaadhi karto waaye oo gacan taada gaari karto, waa inaad marmariso waa sunno.

Garo oo shaaficiyadu waxay qabaan; biyahu jirka un baa iney gaaraan laazim ehee (dalkiga) iyo gacan marmarintu waa sunno. Sidaas daraadeed haddii aad intaad niyooto oo webi muquurato ama barkad aad muquurato aad na niyooto soo jirkii ma wada gaadhin biyahii? Qalaas waad qabeysatay ama inaad gacanta is marmariso waxay leeyihiin sunno waaye taa iyada ihi.

Maxay u sunneysan nayaan?

Waxay leeyihiin; waa sunno waxaan u leenahay:

[Quruujan minal khilaaf]

Madaahibta qaar baa waajibiyoo yidhi, gacan marmarintu waa waajib sida Maalikiyada oo kale. Marka si aan khilaaf kaa uga baxno taxadar ahaan waxaan u leenahay gacanta hala marmariyo, haa jirka gacanta hala marmariyo maadaama mad-hab madaahibta kamid ah uu qabo khilaaf kaa saan uga baxna ba oon diin teena uga taxadarno saa hala yeelo bey leeyihiin.

Waxaa afaraad oo iyadana sunnada kamid ah:

(4) ‘’ والمولاة ‘’

(والمولاة) isku xijinta.

Xiriirinta in la xiriiriyo xubnaha dhaqitaan kooda, jirka dhaqitaan kiisa marka aad qabeysan neyso inuusan jirku kala engagin waaye, sooma aynaan soo marin, weysadii baan soo marnay sooma aha?

Yacni intaad qeyb dhaqdo, qeybtii kale intaadan gaadhin lama rabo iney qeybta hore engagto. Haa waxaa sunnada ah in aad wada dhaqdo ama dhaqitaanka jirka iyo qabeysku inuu is raaco oo aad mudo dheer kala dambeysiinin (والمولاة) waaye sidii aan weysada ba ku soo marnay.

Waxaa kale oo sunna ah iyadana:

(5) “وتقديم اليمنى على اليسرى “

(وتقديم اليمنى) midigta oo la hor mariyo (على اليسرى) dhanka bidixda ah laga hor mariyo.

Jirka markaad dhaqeyso inaad dhan kiisa midigta ah ku hor marto ood dhanka midig dhaqdo oo uu ka horeeyo dhan kiisa bidix, saas weeye macnaha sida weyso qaadadka oo kale.

Yacni waxa weeyaan xadiiska Caa’isha; Nabigaﷺ kaff kiisa markuu dhaqo kadib, markuu istinjeesto gacmaha dhaqo kadib, madaxiisa dhanka midig buu ku bilaabi jiray qabeyska kadibna dhanka bidix.

Yacni waxa weeyaan…

‘’ وَكَاَنْ يُعْجِبُهُ التَّيَامُنُ ‘’

Sooma ahayn?

Mar walba ba midig geysiga ayuu Nabigaﷺ jeclaa.

(وتقديم اليمنى) dhanka midig oo la hor mariya (على اليسرى) dhanka bidix laga hor mariyo [axaadiista ku aroortay daraadeed].

Shan taa shey na marka la qabeysan naayo sunnooyinka ayay kamid tahay, saasaa marka qabeysku ku dhameys tiran yahay.

(فصل)

الإغتسالات المسنونة

:والإغتسالات المسنونة سبعة عشر غسلا

والإستسقاء 3 والعيدين 2 غسل الجمعة 1
والغسل من غسل الميت 6 والكسوف 5 والخسوف 4
والمغمى عليه إذا أفاقا 9 والمجنون 8 والكافر إذا أسلم 7
وللوقوف بعرفة 12 ولدخول مكة 11 والغسل عند الإحرام 10
وللطواف 15 ولرمي الجمار الثلاث 14 وللمبيت بمزدلفة 13
ولدخول مدينة رسول الله صلى الله عليه وسلم 17 وللسعي 16

(والإغتسالات) qabeys yaalka (المسنونة) ee la sunneeyay (سبعة عشر) todobo iyo toban weeye (غسلا) oo qabeysi.

Haa yacni qabeys yaalka sunnada ah waa (17) todobo iyo toban. Si kale haddaan u dhahno asbaabta keenta qabeyska sunnada ah waa 17 sababood, saas weeye macnaha.

(والإغتسالات) qabeys yaalka (المسنونة) ee la sunneeyay (سبعة عشر) todobo iyo toban weeye (غسلا) oo qabeys ah.

Tan koowaadi waxa weeyeen:

(1) (غسل الجمعة)

Jumcada qabeysi geeda.

Inaad jumcada u qabeysato, waa ciddii doonneyso iney (xaadirto) oo takta waaye.

Waxay u daliishan nayaan axaadiista qaar baa waxay leeyihiin waa waajib, xadiista amar bey leedahay bixin neysaa oo qabeysta ay leedahay. Iyagu waxay leeyihiin amar kaas oo dhan (istixbaab) iyo sunno nimo buu faa’ideyn nayaa, oo amar kaa maxaa diiday inuu waajib nimo faa’ideeyo asal kiisii ku socdo, waxay leeyihiin waxaa diiday oo meesha ka saaray xadiiska Nabigaﷺ ee Samura ee Nabigaﷺ uu yidhi:

(مَنْ تَوَضَّأَ يَوْمَ الْجُمُعَةِ فَبِهَا وَنِعْمَتْ)

‘’Ruuxii maalinta jimcada weyseysta (فَبِهَا) iyada, waa iyadaas (وَنِعْمَتْ) waana wanaagsan tahay waaye,’’

(وَمَنْ اغْتَسَلَ فَالغُسُل أَفْضَلُ)

‘’Ruuxii qabeysta na qabeyska ayaa fadli badan,’’

Marka waxay leeyihiin wuxuu tilmaamayaa in weysada oo keliya lagu gaabsan karo. Xadiis taa amarka bixisay oo dhan waxay faa’ideyn neysaa amar kaasi kan ayaa ka duwaaya waajib nimada oo u duwaaya in laga wado iney sunno tahay. Hal kaas ayay marayaan waana mad-hab ay fuqaha kale la qabaan.

(2) (والعيدين)

Qabeyska labaadi waxa weeye:

(وغسل العيدين) Labada ciid dood qabeysi gooda.

Labada ciid dood; [العيد الاضحى] iyo [العيد الفطر] waa labadaa in la qabeysto. Marka laba ayuu u kala dhigayaa, labada ciid dood laba ayay kala yihiin, mid walba in loo qabeysto macnaha.

Xadiis (marfuuc) ah kuma soo aroorin ciidaha in loo qabeysto, laakiin Cabdullaahi Ibnu Cumar (rc) waxaa ka sugan in uu u qabeysan jiray (ciidul-Fidriga), ciidda kale na waa looga qiyaas qaatay. Marka saxaabigaas ayay ka sugan tahay bey leeyihiin.

Tan kale waxay leeyihiin macnahii loo jideeyay qabeyska (Jumcada) baa meesha ku jira oo ah… yacni maxaa loo jideeyay, sababta keentay maxay tahay in jimcada hala qabeysto la yiri?

Haa isu imaadka sooma aha.

Isu imaad kaas ayaa la diidayaa dadka iney ur qarmuun iyo wax ku dhib sadaan, ciidduna waa la mid oo isu imaad tii oo kale ayaa lamid ah bey leeyihiin, saasay marka leeyihiin labada ciid dood qabeysi gooda iyadana waa sunno.

(3) (والإستسقاء)

(وَ غُسلُ الإستسقاء) Roob doonta qabeysi geeda.

Yacni iyadana waa mida afaraad waaye roob doonta.

Yacni marka roob doonta loo baxaaya oo banaanka loo baxaaya oo laysu tagaayo, meel banaan leysugu tagaayo, iyadana in la qabeysta ayaa sunno ah bey leeyihiin.

Wax ku soo arooray lama haayo!

Iyada kow dheh, iyo labada ka dambeeya ba, laakiin waxay un milicsan nayaan maadaama isu imaad uu yahay, ha leysa soo nadiifiyo, macnahaas ayay milicsan nayaan, laakiin wax (nas) ah kuma soo aroorin.

(4) (والخسوف)
(5) (والكسوف)

(وَ غُسلُ الخسوف) Dayax madow waadka qabeysi giisa (والكسوف) iyo qorax madow waadka u qabeysi geeda.

  1. (خسوف) ka oo (خ) la akhriyo waa dayaxa
  2. (كسوف) ka oo (ك) la akhriya na waa qoraxda madow waad keeda.

Laba doodana waa leysu bedeli karaa xagga isticmaalka macnaha.

Waan saan hore u sheegnoo ayagana waxay un milicsan nayaan isu imaad kaas iyo salaaddaa mooyaan nee laakiin wax (nas) ah oo ku soo arooray ma uu jiro.

(6) (والغسل من غسل الميت)

(والغسل) qabeysiga (من غسل الميت) meydka dhaqid diisa laga qabeysto.

Waa midda todobaad waaye.

Qabeyska todobaad ee sunnada ah, waa inaad ka qabeysato meyd haddaad dhaqdo, haa meydka dhaqid diisa, xadiiska Abuu Hurrayrah (rc) ayay daliishan nayaan…

‘’Meyd ruuxii dhaqa ha qabeysto,, ruuxii xambaara na ha weyseysto.‘’

 Dood badan baa ku jirta!

(7) (والكافر إذا أسلم)

Qabeyska sunnada ah ee sideedaad waxa weeye:

(والكافر إذا أسلم) gaal kii (إذا أسلم) markuu soo Islaamo.

Ruuxa hadduu gaal ahaay oo soo Islaamay na waa inuu asagana qabeysto, oo qabeys kiisu sunno ayuu noqon nayaa. Gaal nimada uu ka soo tagay, ama ha noqoto gaal nimo (asli) ah ama (ridda) ha ahaato. Diinta intuu ka tagay oo haddana soo noqday ama gaal buu asal kiisu ahaay oo wuu soo Islaamay, laba duba waa isku mid bey leeyihiin, markuu diinta soo galo ama ku soo laabto waa inuu qabeysto waa sunno.

‘’Sunno nimada waxaa laga qaadan nayaa xadiiska Qays Ibnu Caasim (rc); Nabiga ayaan u imid buu yidhi aniga oo doon naya inaan Islaamo, wuxuu i amray in aan qabeysto oo biyo iyo gob aan ku qabeysto.’’

Taas ayaa laga qaadan bey leeyihiin inuu sunno yahay.

Tayib, oo xadiisku waaba amarree!

Maxaad waajib u dhihi weydeen?

Waxay leeyihiin waxaan waajib u dhihi weynay, Nabigaﷺ dadkii soo Islaamayay dhamaan tooda ma amrin in ay qabeystaan sooma aha?

Hadduu cid kasta amri lahaa markuu soo Islaamay in uu qabeysto (tawaatur) baa loo soo guurin lahaa soo saas ma aha? Sidaas daraadeeda meeshaa waxaa ka muuqatay iney jiraan dadka badan kii markay soo Islaamaan inuusan Nabigaﷺ amri jirin qabeysta.

Waa ficil kiisa sooma aha? Ama taqriir kiisa.

Taas ayaa ku tuseysa marka ineysan waajib ahayn.

Amar kaan marka wuxuu faa’ideyn nayaa un sunno nimo saas ayay leeyihiin.

(8) (والمجنون)
(9) (والمغمى عليه إذا أفاقا)

(والمجنون) iyo kii waalnaa (والمغمى عليه) iyo kii la miyir dawoolay (إذا) goortii (أفاقا) ay miyir sadaan.

Iyagana waa xaalada sagaallaad iyo tobonnaad.

Ruuxa hadduu waasho oo miiyir kiisa u soo noqdo, ama la miyir dawoolo oo suuxo ama la suuxiyo oo markaa miiyir kiisu u soo laabto, markaas isagana wuu qabeysan, qabeysi giisu waa sunno ayay leeyihiin.

Miiyir dawoolanka ruuxa ku dhacay ama waalashada ku dhacday xataa (laxda) ba ha noqoto (il biriqsi) ba ha noqdo, mar hadduu maan kiisa iyo miir kiisa tago waa in uu qabeysto, haa waa sunno ayay leeyihiin.

Waxay ka qaadan nayaan Nabigaﷺ markii xanuunka ku geeriyoon doono uu ku yimid waa cuslaaday bey leeyihiin, markuu cuslaaday kadib ayuu soo miiraabay, kadibna wuxuu yidhi dadkii ma tukadeen?

Maya wey ku sugayaan rasuul Ilaahayow!

Markaas ayuu yidhi baaf ama weel biyo igu shuba oo ii geeya.

Waa qabeystay Nabigaﷺ kadibna wuxuu damcay inuu soo kaco, waa kici waayay, waa la miir dawoolay kadibna waa soo miirsaday, war dadkii ma tukadeen salaadda?

Maya adaa lagu sugayaa!

Biyo ii geeya, waa qabeystay.

Xadiis kaas ayay marka ka qaadan nayaan.

Nabiga waa miir dawoolmay, waa qabeystay, waa soo kici waayay.

(10) (والغسل عند الإحرام)

(والغسل) qabeyska (عند الإحرام) xarmashada in la qabeysto.

Ruuxa markuu xarmanaayo, (xajj) ama (cumro) xarmanaayo markuu xidhan naayo waaye.

Xadiiska (ibnu Thaabit) baa ku tusaayo..

Nabigaﷺ marka uu xarmanaayo oo xajj ama cumro xarmanaayo waa qabeysan jiray.

Qabeys kaasi marka la xarmanaayo Xajjka ama cumrada la xiran naayo loo qabeysan naaya, ruuxa kala qaad male xataa dumarka (xaydka) qaba, dumarka caadada qaba xataa wey qabeysan bey leeyihiin. Maxaa yeelay qabeyska caada dooda ma diideyso kama hor imaan neyso waa mas’ala kale.

(11) (ولدخول مكة)

(ولدخول مكة) Makka geli taan keeda na waa loo qabeysan.

(وَ غُسلُ لدخول مكة) iyo qabeysiga (لدخول مكة) Makka geli taan keeda loo qabeysto ayaa kamid ah qabeys yada sunnada ah.

Makka markaad sii galeyso in aad qabeysato.

Cabdullaahi Ibnu Cumar (rc) markuu Makka galaayo, yacni Makka ma gelin jirin ilaa hadduu damco inuu Makka galo meel la yiraahdo (Dii Duwaa) buu baryi jiray, markuu waagu u baryo buu marka qabeysan jiray kadibna Makka ayuu geli jiray maalin nimo Nabigunaﷺ arrin kaa ka sheegay.

Marka Makka geli taan keeda in loo qabeysto.

Waxay leeyihiin Shaaficiyadu xataa ruuxu (xalaal) ba ha ahaado, yaa xalaal ba ha ahaado. Maxaa laga wadaa xalaal?

Ma mar buu ruuxu xaaraan noqdaa?

Yacni haddaad kitaabka Xajjka iyo cumrada markaad dhex joogto, al xalaal waxaa laga wadaa waa ruuxu markuu uusan (xarma neyn) sooma aha, markuu xajj iyo cumro u xiran tahay waxaa la dhahaa (muxrim) sooma aha?

Markey naan u xidhneyn na?

Waa xalaal baa la leeyahay, marka saas ayaa laga wadaa.

Xataa isaga oo xaal oon xarma neyn hadduu gelayo, Makka gelayo shaaficiyadu waxay leeyihiin waa inuu u qabeysto geli taan keeda ayaa sunno ah.

(12) (وللوقوف بعرفة)

(وللوقوف) Istaagid (وَ غُسلُ) baa sunno ah isagana qabeysi (للوقوف) loo qabeysto istaagid (بعرفة) Carafa la istaago. Iyadana Carafa markaad istaag geyso, waa inaad qabeysato oo aad u qabeysato.

Cabdullaahi ibnu Cumar (rc) ayaa Imaamu Maalik wuxuu ka werin nayaa, in uu qabeysan jiray intuusan xarmanin, Makka geli taan keeda na waa u qabeysan jiray, Carafa istaag geeda na waa u qabeysan jiray.

Daliil (marfuuc) ah maleh!

(13) (وللمبيت بمزدلفة)

(وَ غُسلُ) baa sunno ah (للمبيت) loo qabeysto baryi taan (بمزدلفة) Musdalifa la baryo.

Carafa marka aad sii galeysa na qabeyso, markaad Musdalifa baryeyso na habeen kaa Musdalifa la jooga na ayadana qabeyso.

(14) (ولرمي الجمار الثلاث)

(وَ غُسلُ) baa sunno ah (لرمي الجمار) Jimaarta tuurasha dooda loo qabeysto (الثلاث) ee saddexda ah.

Saddexda (Jamro) tuurasha dooda iyadana in loo qabeysto waa sunno. Saddexda jamro waa saddexdii meellood ee dhagaxa lagu tuuraayay sooma aha?

Saddexda jamro goor maa la tuuraa?

  1. Maalinka 11naadka
  2. 12naadka
  3. 13naadka waaye.

Ileyn saddex dooda saddexdaa beri un baa leysku xijiyaa oo leysla tuuraa sooma aha?

Maalinka 10naadka aha oo la tuuro (جمرة العقبة) Jamratul Caqaba ayada in loo qabeysto sunnooyinka kuma ayna darin. Maalin kaa oo (جمرة العقبة) keliya la tuur rayo ma aha waxay ka hadlaayaan ee waa saddexda beri ee dambe ee saddexda jamro leysla tuur rayo waaye, in loo qabeysto waaye oo marka aad aadeeyso oo tuurida u sii socoto aad sii qabeysato.

(وَ غُسلُ) baa sunno ah (لرمي الجمار) Jamaraatka tuurasha dooda loo qabeysto (الثلاث) ee saddexda ah.

(أيام التشريق) Ayaamu tashriiqa waaye.

(15) (وللطواف)

(وَ غُسلُ) qabeysi baa sunno ah (وللطواف) Tawaaf ka in loo qabeysto, isagana waa sunno.

Tawaaf kaasi ama ha noqdo, (Tawaaful Xajjka), (tawaafu ziyaaraha) maalinkaa 10naad iyo wixii ka dambeeya la sameeyo ama (Tawaaful Widdaaca) ee sagootiga ah, haddaad dhawaaf rabto iyadana qabeyso.

(16) (وللسعي)

(وللسعي) sacyiga dartii oo loo qabeysto isagana…

(وللسعي) oo isagana loo qabeysto yacni (السعي بين الصفا و المروة) dhawaafka kadib labada buurrood dhex dooda socodka aad socoto (السعي) baa la yiraahdaa, kaasna isagana in loo qabeysto waa sunno.

(17) (ولدخول مدينة رسول الله صلى الله عليه وسلم)

(ولدخول مدينة رسول الله صلى الله عليه وسلم) Nabi Muxammadﷺ magaala diisii Madiina geli taan keeda ayadana in loo qabeysto waa sunno. Waxay leeyihiin Makka ayay uga qiyaas qaadan nayaan.

Intoodaas ba…

  • Carafa istaag geeda ka soo bilaaw
  • Musdalifa baryi deeda
  • Jamaraatka tuurasha dooda
  • Tawaafka
  • Sacyiga
  • Magaalada Madiina geli taan keeda

Intaa ba qabeys koodu shaaficiyadu ay sunno ka dhigeen, wax daliil oo (marfuuc) ah maleh. Haa wax daliil oo xadiis ah oo Nabigaﷺ ka sugan ma jiro.

Meelo ay uga qiyaas qaadan nayaan iyo (bacdul aathaar) baa laga yaabaa inay muxuu ahaa ku sameyn nayaan.

(فصل)

(المسح على الخفين)

(:والمسح على الخفين جائز بثلاث شرائط)

  1. أن يبتدئ لبسهما بعد كمال الطهارة
  2. وأن يكونا ساترين لمحل الفرض من القدمين
  3. وأن يكونا مما يمكن تتابع المشي عليهما

(والمسح) masaxii (على الخفين) labada quf la masaxay (جائز) waa banaan yahay.

Hal kaa qabeys kii buu kaga soo baxay, kadibna wuxuu guda galay marka la weyseys sanayo oo la dahaara qaadan naayo, dahaarada midda yar oo weysada ah ayaa lugaha marna waa la dhaqaa oo xukun kooda waa dhaqi taan marna waa la masaxaa.

Markay banaan yihiin oo lugaha waxba qabin oo ay banaan yihiin dhaqid baa waajib ah, luga haaga markii uu quf ku jiro… Qufku waxa weeyaan (sokis) harag ka sameysan oo xiligaa la isticmaali jiray waaye, harag ka sameysan, harag gaasi na markuu lugta kuugu jira na, inaad saarto oo lugaha dhaqdo kuma qasbanid ee korka ayaad gacanta oo qoyan ka marin kartaa.

Marka mas’ala daasi oo kamid ah (ruuqaska) shareecada fududeynta shareecada kamid ah ayuu marka inoo guda galayaa iyo axkaam teeda.

(فصل)

(والمسح) masaxii (على الخفين) labada quf kor kooda la masaxay [bedel kii labada lugood la dhaqi lahaa, in qufka kor kiisa laga mariyo oo gacanta la mariyo] (جائز) waa banaan yahay.

(جائز) hadduu ku yiri maxaad meeshaa ka fahamtay?

Yaa? In ay iska banaan tahay, haddaad rabta na intaad siibto qufeynka ayaad dhaqi kartaa lugaha, waa ruqso wey kuu banaan tahay weeye macnaha.

(بثلاث شرائط) saddex shardi bey ku banaan tahay qufka in la masaxo, saddex shardi buu ku banaan yahay, xadiis fara badan baa ku soo aroortay (mashruuciyada masaxa), weliba ahlu sunnaha oo culimada sunnada kutubta (caqaa’idka) iyo kutubu sunno ayay ku qoreen ba qaar kamid ah (المسح على الخفين). Maxaa yeelay waxay kamid tahay [shacaa’irta] ay ku khilaafsan yihiin Shiicada.

Shiicada ayaa diiday (المسح على الخفين), sidaas daraadeed baa waxay ka dhigeen mas’alo weyn oo kamid ah masaa’isha ayaga iyo Shiica isku khilaafsan yihiin (المسح على الخفين).

(بثلاث شرائط) saddex shardi ayaa lagu masaxi karaa, wey kuu banaan tahay.

Shardiga koowaad waxa weeye:

(1) (أن يبتدئ لبسهما بعد كمال الطهارة)

(أن يبتدئ) waa inuu bilaabo (لبسهما) labada quf xirasha dooda waa inuu bilaabay (بعد كمال الطهارة) dhahaarada dhameystir naan teeda kadib.

Markay dhahaara daadu dhameys tirantay kadib waa inaad labada quf gashatay, markaa un baad masaxi kartaa.

Maxaa laga wadaa?

Adiga oo weyso qaba waa inaad labada quf gashatay, weyso qab kaagu na dhameys tiran yahay. Dhameys tirka maxaa laga wadaa? [bi macnaa]…

Haddii intaad soo weyso qaadatay, lugta ugu horeyso intaad dhaqday, quf keeda aad gelisay, tii labaad na markaa aad dhaqday, quf keeda aad gelisay, ma dhahaaro kaamil kadib baa xiratay?

Yaa? Maya

Lugta dambe ee bidixda sax, dhahaaro kaamil ah baad ku xiratay, laakiin tii hore ma dhahaaro kaamil baad ku xiratay? Dhahaaro (nusuus) baad ku xiratay wey dhimaneyd, wax baa u dhimanaa sooma aha?

(بعد كمال الطهارة) macnaha saas buu ka wadaa.

Dhahaaro dhameys tirantay kadib waa inaad qufeynka gashatay, markaa kadib weyso qaadadka ku xiga, inaad saarto uma baahnid ee korka un baa gacmaha qoyan ka marineysaa.

Xadiis kii Nabiga ayaa ku tusi:

(دعهما ، فإني أدخلتهما طاهرتين)

Shardi gaas kaas weeye macnaha. […]

Shardiga labaad waxa weeye:

(2) (وأن يكونا ساترين لمحل غسل الفرض من القدمين)

(وأن يكونا) waa iney yihiin labada quf (ساترين) kuwa astur raya (لمحل غسل الفرض) faradka ama waajibka dhaqi taan kiisa boos kiisa waa iney astur rayaan, oo (من القدمين) labada gumad dood kamid ah ama labada gumad dood xag good ka ahaada.

Yacni qabeyska lugaha la dhaqo soo meynaan soo dhihin; midna waa waajib, in waajib ah iyo in sunno ah baa jirta sooma aha? Lugaha dhaqi taan kooda inta dhaqi taan kooda waajibka yahay waa intee? Yaa?

Aankhowga iyo wixii ka hoosseeya sooma aha?

Intaas ayaa waxaa la yiraahdaa (محل غسل الفرض). Qabeys kii waajibka ahaa boos kiisa waa aankhowga iyo intii ka hoosseeysa, intaa marka waa iney qufeynka astur rayaan, intaa waa inuu qufku gaarayo oo astur rayo. Intii lugta laga dhaqi lahaay ee waajibka ahayd hadduu qaar kamid ah qufku uu baneyn nayo oo ayna wada gaareynin, markaasi quf kaa ma masaxi kartid, saasaa laga wadaa.

Sababta maxay tahay?

Waxay leeyihiin masaxani, wuxuu bedel ka yahay dhaqidii sooma aha?

Hadday lug tii qaar kamid ah banaan tahay oo quf kii gaarin, qeyb taan banaan soo inaad dhaqdo sooma ahan? Ileyn quf kii la masaxi lahaa waa ka maqan yahay ee, saas daraadeed masax ma suuroobi karee dhaqi taan baa markaa la aadayaa waaye macnaha.

(وأن يكونا) waa iney yihiin labada quf (ساترين) kuwa astur raya oo qarin naya (لمحل غسل الفرض) dhaqi taanka waajibka ah boos kiisa (من القدمين) labada lugood…

[Hal kaan Sheekha arday su’aalo weydin neysa ayaa dersiga ka soo dhex galay].

Waa inuu meesha wada gaarayo waxaa laga wadaa, seey leeyihiin waxay iska ilaalin nayaan inuu meesha ka gaaban yahay oo wada gaareynin iyo in uu dulduleelo ama jeex jeexan yahay. Li’ana lug tii qeyb baa banaan sooma aha?

Tan laga hadlaayo ee qodobka ka hadlaayo taa iyada ah waaye macnaha,

  • waa inuusan meel na ka jeex neyn,
  • waa inuu san duleelin,
  • waa inuu meesha wada gaarayo

Macna haas bey ka wadaan.

(3) (وأن يكونا مما يمكن تتابع المشي عليهما)

(وأن يكونا) waa iney ahaadaan labada quf (مما يمكن) wax ay suurto gal tahay (تتابع المشي) socodka is raac raacid diisa (عليهما) kor kooda uu isku raac raaco.

Waa iney yihiin kuwa lagu socon karo waa [warka murti diisu].

Waa in socod is daba yaala kor kooda lagu socon karo oo socod is raac raacsan waa in lagu sameyn karo, oo muxuu ka wadaa? Haddii aan lagu socon kareynin markaa lama masaxi karo waaye.

Oo sideen loogu socon kareynin?

Mathalan wey culus yihiin ba, wax culeyska ka batay, bir baaba laga sameeyay, laguma socon karo, saas daraadeed lama masaxi karo.

Mathalan waxay leeyihiin ama waxaa laga sameeyay shey qafiif ah sida (sokis) ka oo kale (soksaanta) hadda aan isticmaalno sooma aha? Waxay leeyihiin laguma socon karo, saas daraadeed ak tooda lama masaxi karo [cinda] Shaaficiya. (sokis) ku waa maro sooma aha? Mara na kuma socon kartid, laba tilaabo kuma qaadin kartid.

Sidaas daraadeed laguma socon karo bey leeyihiin, ama ma ehee waaba qalafsan yahay oo wuu ku qaban nayaa sida mathalan in qoryo laga sameeyo geed baa laga qoray ba, waa qalafsan yahay laguma socon karo.

[…] waxay leeyihiin ama ma ehee waaba waasac oo lugta buu aad uga weyn yahay waaba dhac dhacayaa ba, laguma socon karo, marka macna haas bey ka wadaan waa iney suurtoobi karto socod in lagu geli karo is dawa yaala macna haas bey ka wadaan.

(وأن يكونا) waa iney yihiin (مما يمكن) wax ay suurto gal tahay (تتابع المشي) socodka is raac raacid diisa (عليهما) kor kooda uu isku raac raaco. Waa in socod is dawa yaala, adiga oo qaba aad ku socon karto waaye.

Yacni waxay leeyihiin sababta waxa weeye, masaxu waa ruqso bey leeyihiin dan baana keentay, dan tuna waxay imaan kartaa shey lagu socon karo markuu yahay, mar haddaan lagu socon kareynin dan kalifeyso ma jirto, saas daraadeed ruqsadii baa meesha ka baxaysa.

,ويمسح المقيم يوما وليلة
والمسافر ثلاثة أيام بلياليهن

(ويمسح) wuxuu masaxayaa marka (المقيم) ruuxii joogay ee negaa ee aan socotada ahayn wuxuu masaxayaa (يوما) maalin (وليلة) iyo habeen.

Masaxa waxaa jira muddo laguu ogol yahay, mudda daasi haddii aad dhameysato, masax dambe ma sii masaxi kartid ee waa inaad furto oo aad siibto oo aad lugaha dhaqdo, markaa kadib baa haddana haddaad rabto waad gashan muddo cusub baa kuu bilaaban neysa, mudda daasi na marka haday kaa dhamaato, waa inaad siibto oo aad lugaha dhaqdo weyso qaadadka xiga haddana muddo cusub baa ku bilaaban neysa, mudda daasi waa tee marka?

Mudda dii buu ka hadlaayaa.

(ويمسح) wuxuu masaxayaa (المقيم)

Laba ruux waaye:

1 Midna waa ruux guri giisii jooga oo aan safar ahayn, habeen iyo maalin buu masaxi karaa, intuu xidho isaga oon siibin habeen kaa iyo maalin kaa buu masax ku wadi karaa, mar kasta oo weysada ka jabto waa masaxayaa.

2 Hadduu safar yahay na oo socoto yahay na, saddex beri iyo saddex dooda habeen oo isku xigta baa loo ogol yahay mar kasta oo weysada ka jabto ba inuu masaxo.

(ويمسح) wuxuu masaxayaa (المقيم) ruuxii guri giisa joogay (يوما) maalin (وليلة) iyo habeen buu masaxayaa.

(والمسافر) kii socotada ahaa na (ثلاثة أيام) saddex beri buu masaxayaa (بلياليهن) (مع لياليهن) habeenna dooda la socdaan (ثلاثة أيام) saddex beri (بلياليهن) oo habeena dooda wata, habeena dooda la socda.

Xadiista Nabigaﷺ ayaa sidaa u sheegeysa.

.وابتداء المدة من حين يحدث بعد لبس الخفين
.فإن مسح في الحضر ثم سافر
.أو مسح في السفر ثم أقام أتم مسح مقيم

Halkaan na wuxuu kaga hadlaayaa, muddadan habeenka iyo maalinta ah ee la siiyay ruuxa guri giisa jooga ama saddexda beri iyo saddexda habeen ah ee ruuxa socotada ah la siiyay, xaggeen ka bilaabaa tirin teeda? Ma markaan xidho bey ka bilaaban nee, mise? Meesha aad ka bilaabi lahayd tirinta ayuu kuu sheegi.

(وابتداء المدة) muddada bilaaw geedu (من حين) waqti bey ka bilaaban (يحدث) uu ruuxu (xadaso) oo weysadu ka jabto (بعد لبس الخفين) labada quf xirasha dooda kadib.

Markaad labadii quf xiratay kadib weysadu marka ugu horeyso ee kaa jabto markaas ayaad kow ka leedahay.

Mathalan saaka ayaad intaad weyso qaadatay baad labadii quf xiratay, sooma aha, maanta oo dhan waad iska weyso qabtay, casar kii bey weysadu kaa jabtay, waad masaxday, tiradu xageey kaaga bilaaban neysaa?

Casar kii baad ka bilaabi, casar kaa casar kiisa, wixii ka dambeeya ayaan laguu ogolleyn inaad masaxdo sooma aha? Haddii safar aad tahay na casar kaa, casar ka maalinka saddexaad ayaad gaadhi.

Marka muddada tirin teeda ka bilaabi meysid markaad qufka xidhatay ee waxaad ka bilaabi qufka xirasha diisa kadib marka ugu horeysa ee aad masax u baahato ee weysadu kaa jabto ama (xadas) yimaado markaas ayaad kow ka leedahay muddada tirin teeda macnaha.

(وابتداء المدة) muddada bilaaw geedu (من حين) waqti bey ka bilaaban (يحدث) marka uu (xadaso) ayaa laga bilaabi (بعد لبس الخفين) labada quf xirasha dooda kadib, markuu xadaso, xadas kaas ayaa laga bilaabayaa muddada tirin teeda.

(فإن مسح) hadduu masaxo (في الحضر) …

Tanna waa mas’ala kale, hadduu ruuxu masaxo (في الحضر) nagaadi dhex deed, isaga oo nagi oon safar ahayn buu masaxay.

Maxaa loo ogollaa habeen iyo maalin sooma ahayn?

Mudda dii isaga oo ku dhex jira (ثم سافر) waa safray.

Saaka waxaad ku waa beriis satay inaad guri gaaga joogeyso oo safar kuguma jiro, intii laguu ogollaa habeen kii iyo maalin kii waa masaxatay, adiga oo masaxii ku joogo (sokis) kii qabo ma aragtay quf kii qaba ayaa markii la gaaray casar kii ama fiid kiiba la gaaray baa safar kugu dhashay (ثم سافر) safar kii baad gashay.

(أو) amase (مسح) wuu masaxay (في السفر) isaga oo socota ah ayuu masaxay.

Maxaa loo ogollaa markaa?

Saddex beri sooma aha?

(ثم) markuu asaga oo socoto ah… ee masaxay kadib (أقام) nagaaday.

Mudadii maba dhameysanin nee, asaga oo mudadii dhameysanin buu safar kiisii ayuu dhameystay oo nagaadi noqday.

Muxuu sameyn nayaa markaa?

(أتم) markaa wuxuu dhameys tirayaa labada xaalaba (مسح مقيم) ruux nagi masax xiisa buu dhameys tirayaa, oo meeqa ah?

Habeen iyo maalin.

Waa haddey naan mudadaasi dhamaanin, hadduu ba maalin kii iyo habeen kii dhameystay na, markaa wuu siibayaa. Habeen kii iyo maalin kii loo ogollaa hadduu ba dhameystay hore uga dhamaatay, markaas ruqsadii wey ka dhamaatay waa inuu bixiyaa markaas waaye.

Maxay saa u leeyihiin?

Waxay saa u leeyihiin, waxay leeyihiin:

[]

Maxaa yeelay mar walba ba waxaan (qalib beynaa) oon xoojin neynaa dhanka joogi taanka maxaa yeelay isaga ayaa asal ah, yacni saddexda beri waa safar sooma aha?

Safarka maa asal ah mise joogi taanka ayaa asal ah?

Joogi taanka ayaa asal ah () ayaa asal ah.

Saas daraadeed iyada ayaan mar walba xukunka siin neynaa oo habeen iyo maalin baa loo ogol yahay, saas waaye marka, taxadar ahaan waaye.

مبطلات المسح على الخفين

:ويبطل المسح بثلاثة أشياء

  • بخلعهما
  • وانقضاء المدة
  • وما يوجب الغسل

(ويبطل) wuu burayaa (المسح) masaxii waa burayaa (بثلاثة أشياء) saddex shey buu ku burayaa.

Saddex shey buu masaxa qufku ku burayaa.

(1) (بخلعهما)

(بخلعهما) buu ku burayaa siibi taan kooda [haddaad siibto waa buray ama mid kamid ah labadii quf ama laba dooduba wada siib] (وانقضاء المدة) muddada dhamaan shaheeda na waa ku burayaa [bi macnaa haddaad siibto masaxid dambe ma sii jirto].

(2) (وانقضاء المدة)

(وانقضاء المدة) muddada dhamaan shaheeda [habeen kii iyo maalin kii waaba kaa dhamaaday ama safar baad ahayd oo saddex dii beri iyo saddex dii habeen waad dhameysatay, ayadana masaxid dambe ma jirto].

Haddii asaga oo ruuxu weyso qabo ama mudadii buu dhameystay ama waaba siibay, markaa ma weyso cusub buu weyseysan nayaa? Yaa!

Cinda Shaaficiya waxay leeyihiin sida (raajaxa) laba (qowl) bey leeyihiin;

Lugaha un buu dhaqaayaa bey leeyihiin.

Adiga oo weyso qabo ayaa mudadii kaa dhamaatay, saddex dii habeen iyo saddex dii maal mood dhameysatay, waadna weyso qabtaa, waa leysla ogol yahay inaad mid dambe masaxi karin ilaa aad siibtid sooma aha?

Waan siibay ama mudadii baa iga dhamaatay, sidaas daraadeed, waana weyso qabaa maxaa xal ah?

Qaar waxay leeyihiin ha weyseysto, marba haddaad siibtay weysadii jabtay.

Qowlka raajaxa ah waxa weeye, waxay leeyihiin:

Maya lugaha un buu dhaqi, sidiisuu na ku weyso qabaa, gadaal dambe masaxa dambana, marxalada xigta na waa masaxayaa macnaha hadduu u baadho.

(وانقضاء المدة) muddada dhamaan shaheeda

()

Madaahib kale ayaa jirto oo dhahayso:

Haddii la siibo lug na la dhaqi maayo, lana weyso qaadan maayo dhahaara diisa buu ruuxu qabaa. Waxay leeyihiin waxay lamid yihiin, timaha madaxa oo masaxdo ayay la mid yihiin.

Timo weyn baad madaxa ku leedahay, markaas ayaad masaxday, adiga oo weyso qabo ayaad timahii iska xiirtay, waa meeshii masaxa maray sooma aha?

Timahii waa wada xiirtay ba, weysadii ma soo celiney, weysadii makaa jabtay?

Maya ma jabin bey leeyihiin, li’ana waxa xukunku waa gudbay, xukunku timaha haba maro, laakiin timaha waa ka gudbay oo jidhka ayaa qaatay.

Tan quf kana, qufka haba la masaxo laakiin xukun kii jirka ayaa qaatay dhahaaradii, sidaas daraadeed siibi taan kooda iyo waqtiga dhamaaday sameyn kuma laha bey leeyihiin. Mas’alada macnaha waxa weeyaan shaaficiyada waxay leeyihiin waa saas, lugaha ayaa la dhaqayaa ayaa raajix ak tooda ka ah.

(3) (وما يوجب الغسل)

(وما يوجب) iyo wixii waajibiya…

:ويبطل المسح بثلاثة أشياء

  • بخلعهما
  • وانقضاء المدة
  • وما يوجب الغسل

(وما يوجب) wixii waajibiya (الغسل) qabeys waajibiya.

Jannaba ayaa kugu dhacday, waa inaad siibto oo qabeysato, ma masaxi kartid sooma aha?

Caado ayaa ku dhacday haweentii ama gabadhii ama (nifaas) baa ku dhacay wixii qabeyska waajibin jiray hadduu kugu dhaco, qalaas quf kii masax xiisii ma jiro markaa waad saari, waad qabeysan, makaa kadib gasho oo muddo cusub hakuu bilaabato, haa laakiin waa burayaa marba haddii wax qabeysku waajibiyo kugu dhaco.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com