Kitaabka Abuu Shujaac

متن الغاية والتقريب
أبي شجاع

Darsiga | 4aad

Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Date: Friday, October 14, 2016
Hijri: Jumuca 13 Muxarram, 1438

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Kitaabka Abuu Shujaac

Darsiga | 4aad

Waa darsi gii afaraad ee kitaab kii (متن الغاية والتقريب) ee al-Imaam Abuu Shujaac.

(فصل)

Wuxuu meeshaan ka guda galayaa weysa dii iyo…

التيمم

:وشرائط التيمم خمسة أشياء

وجود العذر بسفر أو مرض .1
ودخول وقت الصلاة .2
وطلب الماء .3
وتعذر استعماله .4
وإعوازه بعد الطلب .5

.والتراب الطاهر الذي له غبار؛
فإن خالطه جص أو رمل لم يجز

Meeshaan wuxuu ka guda galay gabagabeysiga ama booreysiga.

Gabagabeysiga waa tahaara bedel ka ah isticmaalka biyaha, waxaana lagaga dahaara qaataa xadaska yar ee weysada waajibiya iyo kan weyn ee qabeyska waajibiya, labadaba waa lagaga dahaara qaataa sida biyaha oo kale. Shuruud buu marka leeyahay gabagabeysiga iyo waajibaad iyo sunan sida weysada oo kale iyo wax yaalo buriya, kuwii buu marka ka hadlayaa.

Wuxuu yiri:

(وشرائط التيمم خمسة أشياء)

(وشرائط التيمم) gabagabeysiga shuruuda hiisu (خمسة أشياء) waa shan shey.

Shan shey baa shardi u ah, shardiga wuxuu ka wadaa [bi macnaa] intaan cibaadada la guda gelin wixii lagama maarmaan ah ee in lala yimaado ay tahay, cibaada daana markaa ka baxsan baa shardi laga wadaa. Cibaadada wixii guda heeda ah ee lagama maarmaan ah na (rukni) baa la dhahaa, (farad) na waa la dhahaa. Marka (شرائط) waxa weeyaan intaadan gabagabeysiga guda gelin, maxaa loo baahan yahay.

Shan shey baa marka lagama maarmaan ah tan koowaad waxa weeye:

(1) (وجود العذر بسفر أو مرض)

(وجود العذر) Cudur daar jiritaan kiisa (بسفر أو مرض) safar sababtii ku yimid (أو مرض) ama xanuun dartii.

Waa inuu jiro cudur daar keen naya inaad isticmaasho (carada) bedel kii biyaha, cudur daar kaasi ama sabab safar buu ku imaan ama sabab xanuun iyo cudur buu ku imaan nayaa. Adiga biyahii isticmaal kooda waa iney suuroobi waayaan.

Safar maxaa loo yiri [bi macnaa] markaad safarto waxay u badan tahay inaad biyo weydo sooma aha?

‘’ فَإِن لَّمْ تَجِدُوا مَاءً ‘’

Baa marka imaan neysa (haddaad biyo weydaan). Safarka ayay u badan tahay in biyo la waayo.

( مرض ) kuna waxa weeyaan biyahii baa waxaad ka baqaysaa haddaad isticmaasho in ay xanuun kugu kordhiyaan ama xanuun ku haaya bogsood kiisa iney dib dhigaan ama jirka ba ay dhib u geystaan. Markaas oo kale biyihii waad ka tagi oo carada ayaad isticmaali.

Marka [(وجود العذر)] waaye.

Shardiga labaad waxa weeye:

(2) (ودخول وقت الصلاة)

(ودخول وقت الصلاة) Salaadda waqti geedii waa inuu soo galay.

Yacni salaadda aad u gabagabeysan neyso intaan waqti geedii la gaadhin ma gabagabeysan kartid uma sii gabagabeysan kartid macnaha.

Sababta maxay tahay?

Waxay leeyihiin: xadiiska ayaa wuxuu leeyahay

(فأيما رجل من أمتي أدركته الصلاة فليصلِّ)

Marka (إدراك الصلاة) waqti geedii waa inuu soo galo bey leeyihiin.

Tan labaad waxay leeyihiin (Tayyamam) ku waa tahaaro loogu tala galay (daruuro), waqtiga oon soo gelin na daruuro maba jirta ba sooma aha? Daruuro waxay timaadaa markii waqtiga salaadda la gaadho, sidaas daraadeed xili gaasi daruura dii joogtaa xiligaa un baana gabagabeysiga banaanaan naya, marka waa in waqtigii salaadda soo galo, waa shardiga labaad.

Shardiga saddexaad waxa weeye:

(3) (وطلب الماء)

(وطلب الماء) Biyo raadin tood.

Markii waqtiga soo galo oo xiliga aad gabagabeysan lahayd la joogo waa inaad raadiso bal inaad biyo heli karto, laakiin waa markaad u gabagabeysatay biyo la’aan, ileyn maxaynu niri xanuun baa loo gabagabeysan karaa sooma aha? Haddaad xanuun u gabagabeysatay biyo raadin uma baahna markaa, laakiin biyaha waxaad raadin markaad gabagabeysi gaaga sababta keentay ay tahay biyo ayaan waayay. Marka intaadan gababeysanin horta biyo raadi inaad heli karto.

Al-muhim meesha aad joogtid bey ku xidhan tahay oo haddii markaa aad is leedahay (wallaahi) haddaad yare warwareegto ama wax fiirfiiriso ama baadhbaadho inaad biyo hesho ayaa dhici karto haddii aad is leedahay baaris baa lagaa rabaa marka.

Maxaa yeelay aayada maxay tiri: [ فَإِن لَّمْ تَجِدُوا ]

Soo meynaan dhihin… ‘’haddeydaan helin,’’

Helitaan la’aan goormey noqon? Yaa, waa raadin kadib sooma aha?

Ama ma ehee haddii se laakiin meesha aad joogtid iyo duruuf taada iyo aad ku qanacsan tahay haddaad biyo raadiso inaadan heleynin ood yaqiin ama malahaagu saa u badan yahay, raadintu markaa laazim ma aha.

(وطلب الماء) Biyo raadin tood waa shardiga saddexaad.

Shardiga afaraad waxa weeye:

(4) (وتعذر استعماله)

(وتعذر استعماله)  Biyahii isticmaal koodu inuu suuroobi waayo.

Yacni wuxuu u suuroobi waayayaa…

Biyahii waad heli kartaa, laakiin in aad isticmaasho kuuma suuroobi karaan, biyaha meesha yaalaan iyo adiga meesha aad joogto ayaa waxaa idin dhexeeya mathalan (cadow) baa idin dhexeeya, biyahaas haddaad aado waxaad ka baqaysaa inuu cadow ku dilo ama tuug ku hesho ama (super power) ay ku qabsato sooma aha?

Marka waad baqaysaa, ama waxaad ka baqaysaa Libaax iyo Shabeel iyo Waraabe ayaad ka baqaysaa, ama waxaad ka baqaysaa alaab taada haddaad ka tagto in tuug kuu soo dawa maro oo kaa xado, cid aad kaga tagto maleh ama dad aad la socotay baa kaa tagahayoo haddaad biyo raadiso biyahii meel bey jiraan oo haddaad raadiso waxaad ka yaabee in lagaa tago ba oo safartu kaa tagto, dhab na ku soo gaaro.

Markaa waxaan leenahay [tacadara isticmaaluhu]…

Biyihii waa la helay laakiin isticmaal koodii baa markaa suuroobi waayay, hawlo kale oo adag baa ka soko maray sooma aha markaa?

Markaasi waxa weeyaan iyadana waa la gabagabeysanaa.

(5) (وإعوازه بعد الطلب)

Shardiga shannaad waxa weeyaan:

(وإعوازه) biyaha waayi taan kooda (بعد الطلب) raadin kadib.

Macnahaa waa la yiraahdaa, laakiin macna kale ayaa ka fiican in la yiraahda…

(إعوازه) u baahashadiisa uu biyaha u baahday (بعد الطلب) raadin kadib.

(إعواز) ku laba macna ba waa noqdaa:

  1. waayi taan waa la yiraahdaa
  2. waxaa kaloo la yiraahdaa u baahasho

Biyahii waa la hayaa, laakiin waa loo baahan yahay, cabitaan baa looga baahan yahay, xayawaan (muxtaram) ah ayaa u baahan aadamaha ama noole kale ah, sidaas daraadeed haddii biyahii ayna qeybsameynin cabitaan iyo inaad ku weyseysato markaasi cabitaanka ayaa la hor marin nayaa, gabagabeyso markaa.

(وإعوازه) u baahashadiisa, biyahii loo baahdo (بعد الطلب) raadin kadib [ama waayi taan] iska dheh labadaba waa la yiraah.

(والتراب الطاهر الذي له غبار ؛)

(والتراب) Caradii (الطاهر) ee daahirka ahayd, caradaas oo (له) asaga uu u sugnaaday (غبار) boor u sugnaaday.

Waxaa kaloo iyadana shuruuda kamid ah inaad hesho caro daahir ah, carada hadday nijaaso tahay [bi macnaa] laguma gabagabeysan karo. Shardiga labaad caradaasi waa iney (boor) leedahay boor wax gacma haaga soo raaco waa iney leedahay.

Maxaa la diidayaa?

Waxaa la diidayaa haduusan waxba kaa soo raaceynin oo mathalan quruurux tahay oo aynaan boor lahayn ama bus lahayn, markaa laguma gabagabeysan karo (cinda Shaaficiya).

(جعلت لي تربة وطهوراً)

Xadiis kaas ayay daliishan nayaan.

‘’Caradeydii baa waxaa leyga dhigay dhulka (طهوراً) mid aan ku dahaara qaato,’’

Marka (تربة) waxay leeyihiin waxaa ka laazimayaa caro waaye, sidaas daraadeed nusuusta aayada quraanka ee (saciidka) cabirtay iyo xadiista kale ee (saciidka) cabirtay, saciidka waxaa lagu (qaydayaa) riwaayada dhahaysa (تراب) turaabka dhahaysa. Ama inuu derbi yahay wax kaa soo raacayaan oo gacma haaga marka aad saarto bus kaa soo raaceysa ama carada caadiga oo bus ku soo raaceysa, haddii kale maya bey leeyihiin.

Wuxuu leeyahay:

(فإن خالطه جص أو رمل لم يجز)

Cara daasi aad ku gabagabeysan neyso (فإن خالطه) haddii uu dheeho, oo uu ku dhex darmado (جص) nuurad (أو رمل) ama quruurux [bacaad], (لم يجز) markaa ma guddaayo.

Soo caro meynaan dhihin?

Caradii waxaa ku qasantay (jinsi) kale waxaan iyada ahayn, oo quruurux baa ku qasmay ama ma ehee nooc kale oo nuurad iyo baahashan la yiraahdo muxuu ahaa (shamiita) iyo, waxaas ayaa ku qasmay markaasi (لم يجز) ma guddaayo buu yidhi.

Maxayna u guddeynin?

Li’ana caro nimadii, waa iney caro tahay sooma dhihin? Caro nimadii qaalis ma aha! Wax baa ku dhex jira marka. Intaasi waa shuruudaha (Tayyamumka).

(فرائض التيمم)

(:وفرائضه أربعة أشياء)

النية .1

ومسح الوجه .2

ومسح اليدين مع المرفقين .3

والترتيب .4

(وفرائضه) Waajibaad kiisuna (أربعة أشياء) waa afar shey.

Marka waxaad guda gashay inaad gabagabeysato afar shey baa lagama maarmaan ah markaan.

(1) (النية)

(النية) Weeye mida hore waa niyada.

In aad niyeysato cibaadadan aad galeyso iyo dhahaaradan aad carada ku dhahaaro qaadan neyso waa inaad niyeysato oo aad qalbiga gashato ood ka go’aansato.

(2) (ومسح الوجه)

 (ومسح الوجه) Wajiga masaxid diisa.

Wajiga oo gacmaha mariso waa tan labaad, wejiga intii biyaha la marin jiray ayaad labada gacmood markaad carada saarto ayaad markaa wejiga marin neysaa.

(3) (ومسح اليدين مع المرفقين)

(ومسح اليدين) labada gacmood oo la masaxo iyagana (مع المرفقين) labada xusul lala qabo.

Labada gacmood waa inaad masaxdo ilaa xusula dooda ilaa marfiqeynka, sidii weysada oo kale. [bi macnaa] wejiga garanay waxay leeyihiin maadaama ay gabagabeysiga bedel ka yahay weysada, intii weysada gaari jirtay oo gacanta ka gaari jirtay waa in la gaarsiiyo.

Waxay daliishan nayaan (athar) Cabdullaahi ibnu Cumar oo daciif ah xadiis ahaan daciif u ah oo (mowquuf) waaye, oo dhahaaya (tayyamumka waa darbataan) laba goor oo dhulka gacmaha lagu dhufto;

«التَّيَمُّمُ ضَرْبَتَانِ ضَرْبَةً لِلْوَجْهِ
.وَضَرْبَةً لِلْيَدَيْنِ إِلَى الْمِرْفَقَيْنِ»

‘’Hal garaacis wejiga ayaa lagu masaxi, mida labaad na gacmaha ilaa xusullada laga gaadho,’’

Daliil ahaan waa laga xoog badan yahay, laakiin mad-habka ayaa saas ah, daliil ahaan waxaa xoog badan in la masaxayo labada kaff oo keliya ee gacanta inteeda kale aan la masaxaynin xadiiska Camaar ibnu Yaasir (rc) baana macnahaa na ku tusaaya, waana mad-habka Imaamu Shaafici (fil qadiim), qowl kaa qadiim ka ah baa ka xoog badan qowlka jadiidka ah waa meelaha qadiim ka xoog badan yahay daliilka marka la fiiriyo.

(4) (والترتيب)

(والترتيب) weeye kala tartiibin.

Tartiibka maxaa laga wadaa?

Waan soo marnay sooma aha?

Haa sidaa loo soo sheegay waa inaad isugu xijiso…

  • Wajiga
  • Gacmaha

Maxaa la diidan yahay? Inaad gacmaha ka bilowdo oo wajiga dambeyn siiso, taa ha yeelin waaye macnaha.

سنن التيمم

:وسننه ثلاثة

أشياء التسمية .1

وتقديم اليمنى على اليسرى .2

والمولاة .3

(وسننه) (Gabagabeysiga sunnooyin kiisu (ثلاثة أشياء) waa saddex shey.

Saddex daa hore waa waajib waa laazim, la’aan tooda tayyamumka ma asaxaayo, saddexda na waa sunno oo haddaad la timaadana waa khayr iyo dhahaara daadi oo dhameys tiran, haddaad ka tagto na dhahaaradii ma bureyso dhahaaradii waa asaxaysaa

(وسننه) Sunnooyin kiisu (ثلاثة أشياء) waa saddex shey.

(1) (التسمية)

(التسمية) Alle magacaawid [بِسْمِ اللهِ] waaye.

Haa marka aad gabagabeysan neyso in aad tiraahdo [بِسْمِ اللهِ] sida weysadii iyo qabeysigii oo kale.

(2) (وتقديم اليمنى على اليسرى)

(وتقديم اليمنى) midigta oo la hor mariyaa (على اليسرى) bidixda laga hor mariyo.

Marka la gabagabeysan naayo, wajiga iyo labada gacmood sooma ahayn? Labada gacmood marka midig iyo bidix kala leh. Marka midigta ku hor mar oo masax kadibna bidixda masax oo ka dambeysii.

(3) (والمولاة)

Sunnada saddexaad waxa weeye:

(والمولاة) waa isku xijin xidhiidhin waaye.

Haa maxaa laga wadaa xidhiidhinta? Yaa! Weynu soo marnay.

Haa inuusan waqti dheer u dhaxaynin labada xubin wajiga masaxid diisa iyo gacmaha masaxi dooda waa inuusan waqti dheer u dhaxaynin oon kala jarin kala gooynin baa la rabaa macnaha. Maxaa yeelay weysadii beynu ku soo marnay sooma aha? Maadaama uu tayyamumku bedel weysadii ka yahay xukun kiisa buu qaadan bey leeyihiin, sidii oo kale waaye bal isaga ayaa ba ka daciifsan ba.

Gabagabeysiga marka iyo tayyamumka saan soo sheegnay ba markaad ka gabagabeysan neyso xadathka yar oo weyso u baahan tahay iyo marka aad qabeys u baahan tahay oo xadath kii weynaa aad ka gabagabeysan neyso qaabka waa isku mid weeye. Waa wajiga oo la masaxayo iyo labada gacmood, yacni ma kala duwana, sidaad marka biyo ku dahaara qaadan neyso midna qabeys u yahay, yaa midna u yahay weyso oo xubnaha qaar kamid ah la dhaqaayo u yahay saas ma aha gabagabeysigu, gabagabeysigu waa un hal nooc, haddii qabeys bedel ka yahay iyo hadduu weyso bedel ka yahay ba, hal kaa nooc un buu noqon nayaa.

مبطلات التيمم

:والذي يبطل التيمم ثلاثة أشياء

  1. ما أبطل الوضوء
  2. ورؤية الماء في غير وقت الصلاة
  3. والردة

وصاحب الجبائر يمسح عليها، ويتيمم، ويصلي، ولا إعادة عليه، إن كان وضعها على طهر، ويتيمم لكل فريضة، ويصلي بتيمم واحد ما شاء من النوافل.

(والذي يبطل التيمم ثلاثة أشياء)

(والذي يبطل التيمم ثلاثة أشياء) Midka buriya gabagabeysiga waa saddex shey.

Halkaan na wuxuu ka guda galay gabagabeysiga dhahaara diisa maxaa buriya

(والذي) midka (يبطل) buriya (التيمم) gabagabeysiga (ثلاثة أشياء) waa saddex shey.

Kan koowaad waxa weeye:

(1) (ما أبطل الوضوء)

(ما أبطل الوضوء) Wixii weyso jabiyay.

Wixii weysada jabin jiray, gabagabeysiga na waa jabin karaa sooma aha? Li’ana weysada ayaa ka xoog badan sooma aha gabagabeysiga, haddii ba tii xooga badneyd uu jabiyay, tii tawarta darneyn miyuu u daahayaa? Saas weeye macnaha. Marka wixii weyso jabiyo oo dhan waa soo baranay ee gabagabeysiga na waa jabiyaa.

(2) (ورؤية الماء في غير وقت الصلاة)

(ورؤية الماء) ayaa jabiya sidoo kale sheyga labaad ee gabagabeysiga jabiya.

(ورؤية الماء) biyaha arag goodii (في غير وقت الصلاة) salaad waqti geeda waqti aan ahayn aad aragto.

Maxaa laga wadaa?

Haddaad biyo aragto, adiga oo gabagabeystay, waxaad u gabagabeysatay na ay ahayd biyo la’aan, yaa ma aha inaad sabab kale u gabagabeysatay, haddaad xanuun u gabagabeysatay ama biyaha qabow gooda baa ka baqdo u gabagabeysatay, markaa biyo arag gooda jabin maayo gabagabeysiga sooma aha?

Laakiin goor muu jabin nayaa?

Marka sababta aad u gabagabeysatay ay ahayd biyo la’aan.

Biyahii baad aragtay ba! Markaa waa jabayaa, yaa waa inaad gabagabeysato markaa.

Xadiiska ayaa macnahaa tilmaamaya oo…

‘’ إِنَّ الصَّعِيدَ الطَّيِّبَ طَهُورُ المُسْلِمِ، ‘’

‘’Carada wanaagsan waa mu’minka midka dhaahirisa waaye,’’

‘’ وَإِنْ لَمْ يَجِدِ المَاءَ عَشْرَ سِنِينَ، ‘’

‘’Tobon sanno ba hadduu san biyo helin,‘’

Wuu iska gabagabeysan nayaa.

‘’ فَإِذَا وَجَدَ المَاءَ فَلْيُمِسَّهُ بَشَرَتَهُ، ‘’

‘’Jidh kiisa markaa ha taab siiyo, yacni biyaha ha isticmaalo waaye marka.’’

‘’ فَإِنَّ ذَلِكَ خَيْرٌ ‘’

‘’taas ayaa khayr badan,’’

Marka wuxuu yidhi (في غير وقت الصلاة) muxuu ka wadaa?

Biyaha marka aad arkeyso ee tayyamumka uu kaa jabin naya, aragu biyahu kaa jabin naya waa marka aadan salaad ku jirin, sooma aha? Adiga oo intaad gabagabeysatay salaaddii galay baad biyahii aragtay, ma jabayaa? Maya! Salaad daada waad dhameysay, li’ana (jaanis) kiisii la soo dhaafay.

Biyooy! Haddaad imaan lahayd intaanan salaadda gelin, tayyamum keyga waa jabi lahaay oo waa kuugu weyseysan lahaa! Laakiin maadaama aan salaad deyda aan galay tu dambe mooyee [maca salaama] waaye marka sooma aha?

Ama markaad salaaddii ka baxday oo dhameysatay kadib baad aragtay biyaha, salaaddii aad tukatay waa seey ku tagtay sooma aha? Soo celin male saas wee macnaha, saas daraadeed wuxuu yiri:

(ورؤية الماء) biyaha arag goodii (في غير وقت الصلاة) salaad waqti geeda khayrkii aad aragtay.

Yacni adoon salaad ku jirin aad aragtay waaye.

(3) (والردة)

(والردة) weeye midda saddexaad ee jabisa gabagabeysiga.

(والردة) Diin ka noqosho. [Diinta oo laga noqdo oo laga baxo (و العياد بالله).]

Ruuxa isaga oo gabagabeystay oo dhahaara qaba uu diinta ka baxo (“و العياد بالله”) oo uu gaalloobo, markaana gabagabeysi giisa waa jabayaa.

Intaas ayuu kaga soo baxay, kadibna meesha wuxuu ka guda galay (kab mooyinka) jidhka la dul saaro. Meel baa jabtay markaas ayaa kabmo la saaray ama wey murgacatay markaas ayaa kabmo la saaray. Meeshaa kabmadu saaran tahay haddii ay meelahii laga weyseysan naayay ay kamid tahay oo aad weyso u baahato ama kabmo baa ku saaran oo qabeys baad u baahato waajib ah, see loola dhaqayaa meesha dusha wax ka saaran yihiin?

Taas buu meesha ka guda galayaa.

.وصاحب الجبائر يمسح عليها، ويتيمم، ويصلي

وصاحب الجبائر يمسح عليها، ويتيمم، ويصلي، ولا إعادة عليه، إن كان وضعها على طهر، ويتيمم لكل فريضة، ويصلي بتيمم واحد ما شاء من النوافل.

(وصاحب الجبائر) kab mooyinka ruuxa u saaxiibka ah (يمسح) wuu masaxayaa (عليها) kabmada kor keeda buu masaxayaa (ويتيمم) wuuna gabagabeysan (ويصلي) wuuna tukan.

Haddii meesha kabmadu saaran tahay, ay tahay xubnahii laga weyseysan naayay meel kamid ah, waxaad isugu daraysaa xubnihii kale horta waa dhaqi oo waad ka weyseysan, xubinka kabmadu ku taala na intiisa banaan baad asagana dhaqi.

Maxaa soo hadhay? Intii kabmadu saarneyd na kabmada kor keeda ayaad masaxi, gacanta oo qoyan ayaad korka ka marmarin. Intaa markaad sameyso ayaad haddana gabagabeysan!

  1. Marka inta banaan oo la dhaqi
  2. Kabmada kor keeda oo la masaxi
  3. Intaa kadib oo la gabagabeysani

Saas ayaad isugu dareysaa, haa macnahaas waaye.

(كدالك) waxaa la mid ah haddaad qabeys u baahato iyaduna waa lamid, jidhka intiisa kale ayaad dhaqi, inta banaan kor keedana waad masaxi, markaad qabeyska ka soo baxda na waad gabagabeysan, haa saas ayaa laga wadaa.

(وصاحب الجبائر) kab mooyinka ruuxa u saaxiibka ah (يمسح) wuu masaxayaa (عليها) kabmada kor keeda (ويتيمم) wuuna gabagabeysan (ويصلي) wuuna tukan.

(ولا إعادة عليه، إن كان وضعها على طهر)

(ولا إعادة) soo celin na ma ahaanin (عليه) korkiisa [salaaddaa inuu soo celiyo laguma laha] (إن كان) hadduu yahay (وضعها) kabmada mid dhigay [ama saaray meesha ay saaran tahay] (على طهر) dhahaara kor keeda [mid ku saaray hadduu yahay].

Yacni markaad kabmada jidh kaaga saareysay haddaad dhahaara qabtay oo adoo dhaahir ah oo weyso qaba kabmadu ay jir kaaga fuushay, markaas salaadda aad saa ku tukatay soo celin meysid. Maxaa yeelay waxay u dhigan tahay oo kale yacni waa sida quf kii oo kale sooma aha?

So qufka meynaan soo marin?

(دعهما، فإني أدخلتهما طاهرتين)

Marka meeshaan maadaama ay qarisay meel la rabay in la dhaqo, masax bey leedahay gabagaba na waa lagu dari, salaada saa lagu tukaday na la soo celin maayo, waa goormaa? Waa markii aad daahir ahayd marka kabmada lagu saarayay ama aad isa saareysay. Hadaadan daahir ahayn na? Maxaa laga fahmayaa? Yaa?

Haa (عليك إعادة) markaa.

Salaadda aad saa ku tukatay oo dhan waad soo celin neysaa markaa, haa sax salaadda ka tegi meysid oo intaad itaa isku darto ayaad tukan, laakiin salaada haas oo dhan hadhow markaad kabmada iska furto, hadhow waa inaad salaadaha soo celiso, saas weeye macnaha.

(ولا إعادة عليه) soo celin kor kiisa ma ahaanin (إن كان) hadduu yahay (وضعها) kabmada mid dhigay (على طهر) meesha ay saaran tahay mid saaray hadduu yahay (على طهر) dhahaara kor keeda, [xaal uu dhaahir yahay macnaha], isaga oo dahaara qaba hadduu meesha dhigay markaa iyada ah soo celis maleh salaadaha uu saa ku tukaday.

(ويتيمم لكل فريضة، ويصلي بتيمم واحد ما شاء من النوافل)

(ويتيمم) waa mas’ala kale mas’aladaan.

(ويتيمم) wuu gabagabeysan (لكل فريضة) salaad kasta oo waajib ah, wuu u gabagabeysan nayaa.

Haa salaad kasta oo waajib ah waa inuu u gabagabeysto.

(ويصلي) wuu tukan nayaa (بتيمم واحد) hal gabagabeysi [ayuu wuxuu ku tukan nayaa] (ما شاء) wuxuu doono (من النوافل) sunnooyinka kamid ah.

Muxuu ka wadaa?

Hal mar markaad gabagabeysato ama aad booreeysato, hal salaad oo farad ah bas ayaad ku tukan kartaa. Salaad kale oo farad ah haddaad u baahato, waa inaad haddana u gabagabeysato. Gabagabeysi gaagii hore hal salaad oo keliya ayuu ku filan yahay oo farad ah. Laakiin salaadaha sunnaha ah intaad doontaa iyaga ku tukaneey, laakiin farad hadday tahay, salaad kasta oo farad ah gabagabeysi iyo booreeysi madax banaan bey u baahan tahay, saas ayay leeyihiin.

Waxay u daliishan nayaan…

Cumar (rc) baa waxay leeyihiin, ayay waxay ka werin nayaan Bayhaqi sannad saxiix ah.

‘’ يتيمم لكل صلاة وإن لم يحدث ‘’

‘’Salaad kasta waa u gabagabeysan nayaa, hadduu san xataa tayyamumka ka jabin,’’

Xataa hadduu san kii hore ka jabin, waa inuu salaad kasta u gabagabeysto. Waxaa kaloo leeyihiin tayyamumka sidiisa ba waxay leeyihiin waa (mubiix) ee (raafic) ma aha.

Maxay ka wadaan?

Mubiixa waxa weeyaan xadaskii muusan kaa kor yeelin sida biyaha oo kale, laakiin cibaadada un buu kuu baneeyay. Xadaskii weli waad qabtaa, saas daraadeed inaan qabo waxaa ku tusi Nabigaﷺ Camr Ibnu Caas markuu tujiyay raggiisa isaga oo intuu qabow ka baqaaya gabagabeystay ayuu tujiyay ciidankii, ciidan buu hogaamin naayay. Markuu tujiyay oo lagu soo noqday magaalada Madiina la yimid buu Nabigaﷺ wuxuu ku yidhi:

‘’ يا عَمرو صلَّيتَ بأصحابِكَ وأنتَ جنُبٌ ‘’

‘’War ma adiga oo janaaba qaba baad ragga tujisay,’’ buu ku yidhi

Hadda wuu gabagabeystay yee oggow!

Tan labaad haddaad janaaba qab janaaba ka gabagabeysato, marka ugu horeyso ee biyo aad aragto waa inaad qabeysato, haddii gabagabeysigu marka uu janaabadii kaa kor yeelay, qabeysi dambe lagaama dooneyn bey leeyihiin. Sidaas daraadeed baa waxay leeyihiin tayyamumku cibaadada un buu kuu baneyn ee xadaskii kaama kor yeelin.

Waa (mubiix wa leysa bi raafic) bey leeyihiin.

Sidaas daraadeed maadaama uu saa u tawar daran yahay, salaadaha waajibka ahna culus yihiin, halkii tayyamum ba hal salaad un baa lagu tukan karaa, laakiin sunnooyin ka iyagu waa iska fudud yihiin nee intii la doono baa lagu tukan bey leeyihiin. Adigu war kaasi waa falsafada uu mad-habka adilada wax ku dhisaayo waaye.

(ويتيمم) (لكل فريضة) (ويصلي) wuu tukan nayaa (بتيمم واحد) hal tayyamum (ما شاء) wuxuu doono (من النوافل) sunnooyinka kamid ah.

(فصل)

Intaa tayyamum kii buu kaga soo baxay, hal kaana wuxuu ka guda galayaa (Nijaas sooyinka).

أنواع النجاسات

.وكل مائع خرج من السبيلين نجس؛ إلا المني

وغسل جميع الأبوال والأرواث واجب،  إلا بول الصبي الذي لم يأكل الطعام فإنه يطهر برش الماء عليه

ولا يعفى عن شيء من النجاسات إلا اليسير من الدم وما لا نفس له سائلة إذا وقع في الإناء ومات فيه فإنه لا ينجسه. والحيوان كله طاهر، إلا الكلب والخنزير وما تولد منهما أو من أحدهما.

والميتة كلها نجسة إلا السمك والجراد والآدمي

ويغسل الإناء من ولوغ الكلب والخنزير سبع مرات إحداهن بالتراب

ويغسل من سائر النجاسات مرة تأتي عليه والثلاثة أفضل

وإذا تخللت الخمرة بنفسها طهرت وإن خللت بطرح شيء فيها لم تطهر

(وكل مائع خرج من السبيلين نجس؛ إلا المني)

(وكل مائع) Shey kasta oo qoyan, oo (خرج) ka soo baxay (من السبيلين) labada jid ka soo baxay (نجس؛) waa nijaaso (إلا المني) mannida mooyee.

Shay kasta oo qoyan oo ama xubinka taranka ka soo baxa ama dawada iyo gadaal ka soo baxay, waa nijaaso. Saas weeye macnaha, ama shey caadi ah ee si caadi ah uga soo baxa labada meellood ha noqdo sida kaadida iyo saxarada ama sheyga (naadir) ah oo ka soo baxa ha noqdo sida (madida iyo wadiga) iyo wixii la mid ah, marba hadduu qoyan yahay soona baxo labadaa meellood ka soo baxo waa nijaaso.

(إلا المني) ilaa mannida mooyee.

Mannidu inay daahir tahay ayuu mad-habku qabaa waana sida xooga badan, sida xadiiska Caa’isha (rc) laga faa’ideysan naayo. Mannida waxaa lamid ah, yacni manni marka la leeyahay waa xayawaan naadka oo dhan weeye, bani aadamka oo keliya ma aha, bani aadamka iyo xayawaan naadka noolaha oo dhan manni dooda waa daahir.

Ilaa Eyga iyo Doofaarka mooyee.

Waxaa lamid ah ukunta iyaduna waa daahir bey leeyihiin.

Asalka mas’aladaa waxaa asal u ah bani aadamka manni diisa kuwa kale na waa looga qiyaas qaadan nayaa oo mannida aadamaha buu u shabaha bey leeyihiin.

Mannidu daahir ha ahaato laakiin sida (mustaxab ka ah) in la dhaqo waaye, dhaqi deedu waa sunno laakiin waajib ma aha oo nijaasa ma aha macnaha.

Wuxuu yidhi:

(,وغسل جميع الأبوال والأرواث واجب)

(وغسل جميع الأبوال) kaadi oo dhan ama kaadi yaalka dhaqi dooda (والأرواث) iyo saal looyinka dhaqi dooda (واجب) waa waajib.

(والأرواث) waa saallada waa saxarada xayawaan naadka sooma aha? Saxarada xayawaan naadka iyo saalla dooda iyo kaadi yaal kooda, kaadida xayawaan naadka oo dhan dhaqi dooda waa waajib weeye, (واجب) waa waajib, xayawaan naadka marka aan leenahay bani aadamka ayaa galaaya saas weeye macnaha.

Noolaha oo dhan kaadi diisa iyo saxara diisa waa in la dhaqo, dhaqi deeda waa waajib maxaa yeelay waa nijaaso.

(إلا بول الصبي الذي لم يأكل الطعام فإنه يطهر برش الماء عليه)

Haa waxaa lagala muransan yahay un kaadida xoolaha la dhaqdo iyo saalla deeda, saallada xoolaha la dhaqdo iyo kaadi deeda baa muran iyo dood laga qabaa oo madaahibta kale ka dood san yihiin, laakiin bani aadamka kaadi diisa waa leysla ogol yahay. Kuwa aan hilib kooda la cunin kaadi dooda na waa leysla ogol yahay iyo saalla dooda.

Laakiin kuwa hilib kooda la cuno saalla dooda iyo kaadi dooda ma nijasaasaa? Lada Shaaficiya haa, saas waaye macnaha.

(إلا بول الصبي) Ilmaha yarka ah kaadi diisa mooyee (الذي) kaasoo (لم يأكل) aan cunin (الطعام) cuntada aan cunin.

Haa waa la dhaqi sooma dhihin, dhaqid daas ayuu ka soo reebayaa, ilmaha yarka ah ee weli aan cunto gaadhin ee naaska hooyo ku ek, naaska bas buu nuugaa ama caano bas buu cabaa, kaa isaga ah kaadi diisa mooyee waa nijaaso laakiin la dhaqi maayo. Dhaqida ayaa laga soo reebayaa.

Nijaasada ayaa waxay u qaybiyaan shaaficiyada saddex qaybood:

  1. nijaasa muqalada [النجاسات المغلظة] iyo
  2. muttawasita [متوسط] iyo
  3. qafiifa [قفيف]

Nijaasada muqalada waa tee?

Waa nijaasada Eyga iyo Doofaarka.

Muttawasita na waa nijaas sooyinka intooda kale.

Qafiifa duna: waa ilmaha yarka ee wiilka, wiilka yarka ee dhashay ee weli aan cunto gaadhin kaadi diisa (صبي) ga waaye (sabiyada) ma aha, gabar iyadu dadka waaweyn bey la mid tahay iyada waa la dhaqi.

(إلا بول الصبي) Ilmaha yarka, wiilka yarka ah kaadi diisa mooyee (الذي) kaasoo (لم يأكل) aan cunin (الطعام) cuntada aan cunin. (فإنه) isagu (يطهر) wuu daahir noqon (برش الماء) biyo firdhin tooda (عليه) korkiisa lagu firdhiyay.

Wiil kaa yarka ah ee weli aan cunto gaadhin, asaga hadduu meel ku kaadsho kaadi diisa waxaa ku filan in biyo lagu seyro, biya haas na iney ka daataan shardi ma aha, in la dhaqo oo gacanta lago dhaqo na shardi ma aha, biyaha un baa lagu seyrayaa. Waa (taqfiif) axaadiista Nabigaﷺ ayaa saa u kala qaaday kaadida wiilka iyo mida gabadha.

(ولا يعفى عن شيء من النجاسات إلا اليسير من الدم وما لا نفس له سائلة)

(ولا يعفى) la cafin maayo (عن شيء) shey xaggii (من النجاسات) nijaas sooyinka kamid ah la cafin maayo oo la saamixi maayo oo dhaqi taan laga saamixi maayo (إلا اليسير) waxa yar mooyee, oo (من الدم) dhiiga kamid ah ([wal qeyxi]) iyo malaxa.

Wax yar oo dhiig ama malax ah mooyee, nijaas sooyinka wax kale oo la saamixi oo la cafin ma jiro waa in la wada dhaqo weeye macnaha laazim weeye dhaqi taanku.

Iyo (وما لا نفس) iyo waxaan dhiig lahayn, iyo (وما سائلة) shey (لا نفس) dhiig (له) isaga uusan u sugnaanin (سائلة) oo shubmaaya [dareeraya].

(نفس) ga hadda waxaa laga wadaa (dhiiga), waxaan dhiig dareera ba lahayn.

Wuxuu ka wadaa… Maya (وما سائلة) gaasi hadal dambe waaye.

Nijaas sooyinka waxaa jira wax yaalo macfi ah oo aan dhaqid u baahneyn oo yacni leyska saamaxaaya, maxay tahay waa dhiig yar oo mathalan ku gaaray oo kale wax yar oo aan badneyn intaa yarta ah waa macfi, ama ma ehee mathalan malax yar ayaa kaa soo baxday ama marada kaa gaadhay waa macfi, wax iska yar waaye, intaa yarta waa iska macfi bey leeyihiin. Li’ana waxay leeyihiin waa wax ay adag tahay in leyska (ixtiraaso) in leyska ilaaliya ayaa yar ba.

Ficlan saxaabada (rc) marya hooda oo dhiiga ku yaala oo dhaawac ah iyo markii ay dhaawac maan (aathaar) badan baa ku sugan in ay ku tukan jireen.

(وما لا نفس) wixii aan lahayn dhiig, iyo (وما) shey (لا نفس) dhiig (له) isaga uusan u sugnaanin (سائلة) oo socda. [waxaan dhiig dareeraya lahayn].

(إذا وقع في الإناء ومات فيه فإنه لا ينجسه)

(إذا) goortii (وقع) uu dhaco (في الإناء) weelka uu ku dhaco, oo (ومات) uu ku dhinto (فيه) dhex diisa (فإنه) isagu (لا ينجسه) ma nijaas seyn nayo.

Waxaa jira cayayaan naad yaryar oo aan dhiig ba loo abuurin ba, asalka iyagu dhiig male, cayayaan naad kaasi hadday ku dhacaan weel ama biyaha ama caanaha ay ku dhex baqtiyaan ma nijaas seyn nayaan.

Maxaa kamid ah:

Taqsiga oo kale, iyo quraanjada oo kale.

Quraanjada iyo sidoo kale waxay dhahaan shinida oo kale, bahasha la yiraahdo muxuu ahaa ee injirta oo kale. Injirta dhiig ma leedahay? Laakiin dhiig geedu asal ma aha, markay wax qaniinto ayay dhiig heshaa ayuu dhiiga galaa, sooma aha? Kaneecada oo kale sooma aha dhiig iyadu male, laakiin dhiiga ay dhuuqda ayaa galaa, hadday muddo bani aadamka qaniinin ba dhiig ma yeelan neyso.

Marka wax yaalaha aan dhiiga lahayn een dhiig ba Ilaahay u abuurin ba dhacaan bey leeyihiin laakiin dhiig male, kuwa noocaas oo kale hadday ku dhex baqtiyaan wax yaalaha () ee qoyan ma nijaas seyn nayaan.

Xadiiskii dubaabka ayaa ku tusaayo…

Nabiga wuxuu yidhi:

‘’Mid kiina haddii uu weel kiisa taqsiga ku dhaco muxuu yidhi? Ha muquur siiyo sooma aha, ha muquur siiyo kadibna haka tuuro,’’

Tayyib muquur siintu maxaa ka dhalan neyso?

Soo inuu ku dhex baqtiyo sooma aha?

Waxaa ku tusi marka inuu san nijaaseyn neynin, taasaa laga qaadan nayaa.

(والحيوان كله طاهر، إلا الكلب والخنزير وما تولد منهما أو من أحدهما)

(والحيوان) Xayawaanka [nooluhu] (كله) dhamaan tii (طاهر) waa dhaahir.

Intuu nool yahay waaye, nooluhu intuu nool yahay oo uu san baqtiyin, hadduu baqtiyo waa nijaas, laakiin noolaha dhamaan tii intuu nool yahay nijaaso ma aha, ilaa kuwaan uu ka reebi doono ma ehee.

Mathalan;

  • Dameer baa wuxuu dhex galay biyo ayuu dhex galay ama
  • Bissat baa dhex gashay ama
  • Jiir nool baa dhex galay.

Maadaama uu nool yahay uu san weli baqtiyin nijaaso ma aha, jir kiisa nijaaso ma aha wax ma nijaas seeyo, saasaa laga wadaa.

(إلا الكلب) Eey gii mooyee (والخنزير) iyo Doofaar kii, iyo (وما تولد) wixii ka dhasha (منهما) laba dood ka dhasha (أو) amase (من أحدهما) mid kood ka dhashay mooyee.

Soo meynaan soo marin macnahaas?

  • Eeygu isaga oo nool buu nijaaso yahay.
  • Doofaar kuna asaga oo nool buu nijaaso yahay.

Wixii ay gaadhaan wey nijaas seyn nayaan, laakiin noolaha kale oo dhan intuu nool yahay waa taahir, macnahaa weeye macnaha laga wado.

Eeyga nijaasad nimad kiisa waan u tagi doonnaa qaabka loo dhaqi doono, xadiiska ayaa tilmaamay 7 goor dhaqa. Dhaqa haddii la yiri na nijaaso nimo ayaa laga faa’ideysan bey dheheen.

Doofaar kana nijaasad nimad kiisa, aayada ayaa laga qaadan, aayadii suurat al-Ancaam sooma ahayn? Haa…

أَوْ لَحْمَ خِنْزِيرٍ فَإِنَّهُ رِجْسٌ ) الأنعام/145)

Haa waa nijaaso macnahaas ayay ka qaateen.

Inkasta oo a’imada shaaficiyada qaar kamid ah Ibnu Mundir iyo waxaa u jeedaa Imaam Nawawi ay leeyihiin, aayad daasi macnaha ay ku tuseysa dood baa ku jira, daliil kale oo ku cad nijaasa nimad kiisa na lama haayo bey leeyihiin.

(وكدالك) qaabka loo dhaqaayo waa Doofaarka.

(والميتة كلها نجسة إلا السمك والجراد والآدمي)

(والميتة) Baqtigii (كلها) dhamaan teed (نجسة) waa nijaaso (إلا السمك) Malaay gii mooyee (والجراد) iyo Ayyaxa (والآدمي) iyo Aadamiga mooyee.

Hadaynu niri noolaha inta uu noolaha yahay waa daahir, hadduu baqtiyo dhinto gowrac la’aan hadduu baqtiyo oo dhinto nijaaso ayuu isu bedelayaa dhamaan teed baqtiga oo dhan nijaaso waaye, ilaa saddex mooyee;

(السمك) oo malaayga ah; malaayga waxaa laga wadaa wax yaalaha biyaha ku noollaado oo dhan baa (السمك) laga wadaa, suurad diisu saay doon neyso ha u taalo, marba hadduu badda ku nool yahay waa malaay, baqti giisu marka nijaaso ma aha waa xalaal.

[al xillu meytatu] Sooma ahayn xadiiska? Haa…

(والجراد) iyo Ayyaxa; ayyaxa na waa kan aan naqaano oo socdee, waa la cunaa asagana baqti giisa waa la cunaa asagana.

(والآدمي) iyo aadamiga mooyee bani aadamku markuu dhinto isagana ma nijaas soobo, li’ana Ilaahay baa karaameeyay, Allaah ayaa karaameeyoo noolaha kale ayuu ka karaameeysan yahay oo hadduu nool yahay iyo hadduu dhinta ba nijaaso ma aha, xataa hadduu gaal yahay! Oo xaggeed geyn neysaa …

‘’ إِنَّمَا الْمُشْرِكُونَ نَجَسٌ ‘’

‘’Mushrikiintu waa nijaas,’’

Macnaha waxaa laga wadaa citiqaad kooda ayaa nijaaso ah, laakiin jir kooda nijaaso ma aha xadiista Nabigaﷺ ayaa ku tusaaya.

ويغسل الإناء من ولوغ الكلب
والخنزير سبع مرات إحداهن بالتراب

 (ويغسل) waa la dhaqi (الإناء) weel kii (ولوغ الكلب) Eyga geli taan kiisa ayaa laga dhaqayaa [weliba waa afka ama carabka] inuu geliyo (والخنزير) iyo Doofaarka geli taan kiisa uu afka geliyo ama carabka geliya ayaa laga dhaqayaa (سبع مرات) todobo goor baa la dhaqi (إحداهن) middood na (بالتراب) caro ayaa lagu dhaqayaa.

Weelka Eey hadduu galo ama afka geliyo, ama Doofaar afka geliyo 7 goor baa la dhaqi, todoba daa mid kamid ah na caro ayaa lagu dhaqayaa. Waxaa lamid ah Eyga iyo Doofaarka wixii ay dhalaan iyo wixii ka faracma na waa lamid.

Marka maxaa laga wadaa [bi macnaa]…

Marka la dhaqayo oo weelka laga dhaqayo waa marka uu gaaro carab kiisu ama (caliyad) diisu ay gaarto af kiisu markuu gaaro, kaadi diisu iyo saxarad diisu na wey ka sii xag jiraan, dhacaan ka jir kiisu na waa lamid, laakiin hadduu engegan yahay oo isaga oo engegan weel kii oo engegan uu taabto, ama adiga oo gacan taada engegan tahay jir kiisa oo engegan uu taabto isma nijaas seyn nayaan markaa.

Mathalan wuu kugu rigtay, Eyga sidii uu u soo ordaayay buu kugu rigtay ba mara daada buu markay jir kaaga buu marka saasuu kuugu rigtay markaasuu ku dhaafay.

Ma nijaas soowday? Maya

Li’ana laba engegan isma nijaas seeyaan, sooma aha?

Saxaro iyo xaar engegan haddaad saa u qaado, yaa maxaa gacan taada soo raacay? Waxba, ur na kuma soo raacin, yaa yacni nijaas sada cayn teeda na kuma soo raacin, (wa bi taalii) laba engegan isma nijaas seeyaan macnaha waa saas.

Laakiin markuu nijaas seyn nayo dhacaan kiisa ayaa gaaray ama kaadi diisa ama af kiisa ama waxaas ayaa gaaray, markaa weeye marka laga dhaqaayo, 7 goor baa la dhaqi oo mid kamid ah waxaa lagu dhaqayaa caro, haa xadiiska ayaa saa u sheegay. Eyga xadiis ku soo arooray in saa loo dhaqayo, Doofaar kana wey uga qiyaas qaateen, waase qiyaas daciif ah sida aimada shaaficiyada qaar kamid ah ay tilmaamayaan.

Meeshaa uu ina yiri (إحداهن) mid kamid ah, waxaa ka fiican in la yiraahdo (أولاهن) yacni 7da dhaqmo mida ugu horeysa ayaa caro laga dhigayaa, riwaayad daas ayaa na xoog badan. Asaga wuxuu yidhi mid un kamid ah todobada (إحداهن) mid un kamid ah, oo riwaayo ayaa saa ku soo arooreysa laakiin waa laga xoog badan yahay.

ويغسل من سائر النجاسات مرة تأتي عليه والثلاثة أفضل

(ويغسل) waa la dhaqi (من سائر النجاسات) nijaas sooyinka intooda kale (مرة) hal mar baa la dhaqi (تأتي) mid daas oo, imaaneysa (عليه) najaasada kor keeda ku imaaneysa [yacni kuli wada gaareysa waaye.

Eyga iyo Doofaarka iyo wixii ka faracmay 7 goor baa la dhaqi sooma dhihin] nijaas sooyinka kale na, hal mar baa ku filan, hal kaa mari laakiin waa iney (تأتي عليه) maxaa laga wadaa (تأتي عليه) waa iney wada gaadho waaye…

(أتا عليه شيء) sheyga markuu dhamaantii wada gaadho waa inuu nijaas sadaa meesha ka saaro oo nijaasada ur keeda, dhadhan keedii iyo midab keedii waa iney hal kaa mari suuliso hal kaa mar baa kugu filan. Hadday zuulin weydana, waa inaad mar labaad ku daro, hadday zuulin weydo mar saddexaad inaad ku darto sooma aha…

Allaahumaa iney adkaato oo la keri waayo cayn teeda in la zuuliyo mooyee oo markaa hadday adkaato saddex goor haddii inta la dhaqay la keri waayo markaa macfi waaye.

(والثلاثة) saddex dii goor baana (أفضل) fadli badan.

Soo meynaan dhihin hal goor baa ku filan?

(والثلاثة) Saddex goor inaad nijaasada dhaqdo, ayaa (أفضل) fadli badan.

وإذا تخللت الخمرة بنفسها طهرت
وإن خللت بطرح شيء فيها لم تطهر

(إذا تخللت) goortii ay kala miiranto (الخمرة) qamra dii (بنفسها) naf teeda, naf ahaan teeda hadday u kala miiranto, oo ay qal noqoto (طهرت) wey dhaahir noqotay, (وإن خللت) haddii la kala miiro (بطرح) shey ku tuurid diisa (فيها) dhex deeda lagu tuuray, hadday mar kaasi khal ku noqoto na (لم تطهر) daahir ma noqon neyso.

Cinda Shaaficiya wa cindal Jamhuur qamradu waa nijaaso.

Maxaa nijaasa deeda sabab u ah?

Waxay leeyihiin nijaasa deeda waxaa sabab u ah maadadan sarqaam ka keeneysa, maadadan ku jirta ee wax sarqaamin neysa ee isticmaal keeda xaaraameysay baa nijaasa nima deeda na keeneysa.

Qamra dii wey kala miirantay oo wey kala degtay, maadadii sarqaamin neysay baa ka baxday, hadday is-keeda iyada u kala miiranto oo maada daasi ka baaba’do khal bey noqotaa marka. Khal ka baa wuxuu noqdaa marka shey raashiinka lagu darsado oo, waxay u isticmaali jireen iidaan ahaan.

Marka markay noocaas oo kale u miiranto oo maadadii wax sarqaamin neysay ka baxdo, markaa dhaahir bey noqotay oo waa la isticmaali karaa, haddii se laakiin adigu aad ka shaqeyso, oo adigu aad ka shaqeyso iney kala miiranto oo maadadii wax sarqaamin neysay iney jabto oo ay ka baxdo, adaa ka shaqeeyay wax baad ku dhex riday, mar kaasi dhaahir ma aha bey leeyihiin, markaa weli waa nijaaso.

Maxay nijaaso u tahay waaba kala baxday yee?

Waxay leeyihiin sheygan marka uu ku dhex dhacay oo ama dabeyl ku riday ama adiguba aad ku riday, markaa nijaaso ayay ahayd sooma aha? Li’ana maadadii waxay lahayd wax sarqaamin neysay, yaa sow maadadii weli ma jirin? Iyad oo jirta ayaa ku dhex riday, sheyga waa nijaas soobay marka, asaga oo nijaas soobay buu ku dhex jiraa.

Tayyib sheygii uu kala miiray oo maadadii buu jabiyay wax sarqaamin neysay, asagii weli waa nijaaso ayay leeyihiin, ayadii hadday kala miirantay oo uu kala miiray oo uu kala dejiyay, asagii oo nijaaso ah ayaa weli ku sii dhex jira, asaga ayaa nijaas seyn naya ayay leeyihiin marka.

Haa sidaas daraadeed dhaahir ma noqon neyso haddii laga shaqeeyo, laakiin hadday is-keeda u kala baxdo markaas khal bey noqon neysaa oo daahir bey noqon neysaa.

أحكام الحيض والنفاس والاستحاضة

:ويخرج من الفرج ثلاثة دماء

دم الحيض .1
والنفاس .2
والاستحاضة .3

فالحيض هو الدم الخارج من فرج المرأة على سبيل الصحة من غير سبب الولادة

ولونه أسود محتدم لذاع

والنفاس هو الدم الخارج عقب الولادة

والإستحاضة هو الدم الخارج في غير أيام الحيض والنفاس

(ويخرج من الفرج ثلاثة دماء)

(ويخرج) waxaa baxaaya (من الفرج) farjiga waxaa ka soo baxa (ثلاثة دماء) saddex dhiig.

Dhiigaga ka soo baxay xubinka dumarka ayaa hadda laga hadlaayaa axkaam tooda.

(ويخرج) waxaa baxaaya (من الفرج) xubinka taranka ee dumarka waxaa ka soo baxa (ثلاثة دماء) saddex dhiig baa ka soo baxa.

  1. (دم الحيض) dhiiga xaydka
  2. (والنفاس) iyo dhiiga nifaas ka la dhaho
  3. (والاستحاضة) iyo dhiiga dhawar furanka ama xidid furanka.

فالحيض هو الدم الخارج من فرج المرأة على سبيل الصحة من غير سبب الولادة

(فالحيض) dhiiga xaydka la yiraahdo (هو) isagu (الدم) waa dhiiga (الخارج) ee ka soo baxa (من فرج المرأة) haweenneyda xubin keeda taranka ka soo baxa (على سبيل الصحة) fayoowi jid keed na ku soo baxa [cudur aan ku soo bixin nee iyaga oo fayoow buu dumarka ka yimaadaa oo caafimaad qaba], (من غير سبب الولادة) sabab aan dhalmo ahayn na ku soo baxa.

Wuxuu ku yiri waa dhiig ka soo baxa xubinka taranka oo dumarka, caafimaad qab na ku soo baxa (على سبيل الصحة) wuxuu ka (ixtaraas sayaa), dhiigaan muxuu ahaay dhiig furanka. Li’ana dhiig furanka waa dhiig sidoo kale soo baxa, laakiin muxuu ku soo baxaa, yaa? Waa nooc jiro ah waaye.

Tan labaad na waa dhiig ku soo baxa dhalmo la’aan teed, dhalmo ma keentee, sidiis ayuu u soo baxaa, qodob kaana wuxuu kaga (ixtiraas sayaa) oo kala saarayaa dhiiga dhalmada ee nifaaska, maxaa yeelay waa dhiig la mid ah kaas oo kale laakiin isaga sababta keenta ayaa dhalmo ah.

  • Kan dhalmo na ma keento
  • Xanuun na ma keeno

Waa dhiig si dabiici ah dumarka uga soo baxa, kaas ayaa la yiraahdaa muxuu ahaay (حيض) la yiraahdaa.

(فالحيض) dhiiga xaydka la yiraahdo (هو) isagu (الدم) waa dhiiga (الخارج) ee ka soo baxa (من فرج المرأة) haweenneyda xubin keeda taranka ka soo baxa (على سبيل الصحة) fayoowi jid keed na ku soo baxa [cudur aan ku soo bixin nee iyaga oo fayoow buu dumarka ka yimaadaa oo caafimaad qaba], (من غير سبب الولادة) sabab aan dhalmo ahayn na ku soo baxa.

Meesha uu ka yimaado sida axaadiista tilmaameyso waxa weeyaan:

[aqsaa raximal mar’a]

Haweenneyda ama dumarka makaan kooda ama (min-kooda) meesha ugu sii shisheysa ayuu ka yimaadaa. Yacni waa ukun tii ilmahu ka abuurmi lahaa oo soo burburtay waa, marka waxay ku jirtaa meel shishe.

(ولونه أسود محتدم لذاع)

(ولونه) midab kiisu (أسود) waa mid madow (محتدم) oo kulul (لذاع) oo xanuujin naaya.

Yacni markuu soo baxaayo wuu xanuujin nayaa (muujic) waaye, waana kulul yahay, midab kiisuna waa madow, marka hore uu soo baxaayo ayuu madow yahay, xoogaa markuu socdo haddana wuxuu isu bedellayaa guduud, guduudka ayaa haddana wax yar wuu is bedellayaa jaallo ahaan buu noqon nayaa, haddana waa is bedellayaa calow buu noqon nayaa, yacni marba marka ka dambeysa waa soo qafiif fayaa, laakiin mar kiisa hore midab kiisu waa madow ur na waa leeyahay.

(والنفاس هو الدم الخارج عقب الولادة)

(والنفاس) nifaas kuna oo dhiiga labaad ah (هو الدم) waa dhiiga (الخارج) ee soo baxa (عقب الولادة) dhalmada gadaasheeda soo baxa waaye.

Marka ay haweentu saa u dhasho oo ilmahu ka soo baxo dhiiga ka dawa yimaada ee gadaal ka soo baxa ayaa (النفاس) la yiraahdaa.

(عقب الولادة) markuu ina yiri, waxaa meeshaa ku baxayaa dhiiga soo baxa marka ay foolan neyso, ilmahii weli ma soo bixin ama ilmaha ba dhiiga la socda, kaasi dhiig dhalmo ma aha, waa (damu fasaad) bey leeyihiin, yaa waa dhiig fasaad ee dhalmo ma aha. Sidaas daraadeed haweeneydii iyada oo foolan neysa saa dhacaan iyo dhiig wax baa ka yimid, ma tukan neysaa mise ma tukan neyso?

Oo maxay u tukan weyday nifaas kii lama gaarin nee!

Nifaas kii weliba waa nifaaska dhalmada kadib soo kuma dhihin? Dhiiga cibaadada diidaya nifaaska waa ilmahu markuu soo baxo dhiiga ka dambeeya waaye.

(عقب الولادة) maxaad ka fahamtay?

Dhalmada kadib weeye dhiiga yimaada, ilmaha intuu meesha ku jiro dhiiga soo baxa ama ilmaha ba la socda nifaas ma aha, saas weeye macnaha.

(والإستحاضة هو الدم الخارج في غير أيام الحيض والنفاس)

(والإستحاضة) dhiig furan kuna waxa weeye (هو الدم) waa dhiiga (الخارج) ee soo baxa (في غير أيام الحيض) maalmaha xaydka maalmo aan ahayn soo baxa (والنفاس) iyo nifaaska maalma hiisa maalmo aan ahayn.

  1. Xaydka waqti ayuu leeyahay uu ka hadli doono.
  2. Dhiiga dhalmada na waqti buu leeyahay

Labadaa waqti waxaan ahayn dhiiga iska socda na (الإستحاضة) ayaa la yiraahda.

(الإستحاضة) Waa dhiiga, dhiig furanka la yiraahdo ama dhabar furanka la yiraahdo, waana dhiig iska joogta ah inta badan, meesha uu ka soo baxa na waa ka duwan yahay oo isaga xanuun baa keena.

Nabigaﷺ sida uu ku sheegay…

‘’Xidid dhaydaan haraatiyay waaye,’

Xidid baa shaydaan haraatiyay kadibna dhiig gaan ayaa soo furtay, wuxuu na ka soo baxaa meel soke ayuu ka yimaadaa, yacni makaanka ama (minka) soka diisa meel uga sokeysa buu ka yimaadaa meesha dhiiga caadada uu ka yimaado minka ama makaanka meesha u shisheesa ka soo baxa, isagu meel soke ayuu ka soo baxaa, marka waa dhiig xanuun keena waaye. Kaasi marka waxa weeyaan axkaam tooda ayaa kala duwan saddexdaa dhiig waaye.

Kadib wuxuu bilaabay inuu ku yiraahdo…

  • (حيض) ka mudo intee la ek baa u badna,
  • Mudadee u yar

(وأقل الحيض يوم وليلة وأكثره خمسة عشر يوما وغالبه ست أو سبع)

(وأقل الحيض) xaydka inta uga yar, ee la dhihi karo waa xayd waa (يوم وليلة) habeen iyo maalin.

Habeen iyo maalin baa u yar caadada dumarka.

Macnaha maxaa laga wadaa?

Haddii habeen iyo maalin uu san gaadhin dhiig gaasi oo ka yar ku go’o caado ma aha bey leeyihiin (حيض) ma aha waa (damul fasaad), caadadii salaadda iyo cibaad daadka diid deysay ma aha.

(وأكثره) intiisa u badan na, xaydka intiisa u badan ee haweenka hayn kara na (خمسة عشر يوما) waa 15 beri.

Shan iyo tobon beri hadduu dhaafo oo haweentii weli dhiigii caadaada ka socdo muxuu noqonnaa marka? Yaa!

Markaa waa dhiig furan.

  • Shan iyo tobon beri wixii ka badan maya!
  • Habeen iyo maalin wixii ka yar na, caado ma aha.

Saas ayuu ka hadlaayaa.

(وغالبه) intiisa badan na dhiig caadada siduu u badan yahay (ست) waa 6 beri (أو) amase (سبع) waa 7 beri.

Intiisa badan na dumarku seey u badan yihiin ama 6 beri buu hayaa ama 7 beri buu hayaa, waa sida badan waaye.

(وأقل النفاس لحظة وأكثره ستون يوما وغالبه أربعون)

(وأقل النفاس) Nifaaska iyo dhiiga dhalmada in tiisa uga yari (لحظة) waa il biriqsi.

(لحظة) kutubta qaar waxaa laga yaabaa iney qoreesa (majja).

Majja waa hal mar tuffid waaye, hal oo xubinka uu dhiiga tuffo, hal mar soo booda ah bes, (لحظة) na waa il biriqsi.

Bi macnaa dhiiga dhalmada waxaa u yar markii ilmuhu soo baxo, hal mar oo il biriqsi dhiig hadduu soo baxo oo intaa ku istaago waa dhiig dhalmo. Intaas ayaa u yar, intaa waa dhici kartaa inuu san kaba badanin ba, marka ugu horeysa intuu ka soo baxo bes in la waayo ba. Waa dhiigii nifaaska oo inta ku ekaaday, intaas ayaa u yar.

(وأكثره) intiisa badan na (ستون يوما) waa 60 beri waaye.

Lixdan beri dhiigii dhalmada hadduu sii haayo haweenta, yaa islaantii weli dhiigii sii qabto 60 beri na dhaafto, maxaa n dhahaynaa marka?

Waa (إستحاضة) dhiig furan baa ku dhacay, waa jiran tahay marka, yaa 60 beri wixii ka dambeeya dhiigani ma aha dhiigii dhalmada, cabaadeyso ayaa la leeyahay.

(وغالبه) Intiisa badan na [dhiiga dhalmada] badan kiisu (أربعون) waa 40 bari.

Afartan beri baa u badan, saas ayuu leeyahay, waa seey dumarku u badan yihiin macnaha saas weeye.

(وأقل الطهر بين الحيضتين خمسة عشر يوما ولا حد لأكثره)

(وأقل الطهر) taahir nimada inteeda uga yar (بين الحيضتين) oo labada xayd u dhaxeeya (خمسة عشر يوما) waa 15 beri.

Maxaa laga wadaa?

Bi macnaa: xayd kii xiligii ay ka qabeysatay xaydka iyo kan kale ee ku dhacaya, mudada u yar ee u dhaxayn karta labadaa xayd ee dhaahir ay ahaan neyso waa 15 beri. Mudadaa ka yar 15kaa beri dhaahir ay ahaato loogu talo galay haddii dhiig ay isku aragto, dhiig gaasi xayd ma aha sooma aha?

Mudada ugu yar ee la rabo iney daahir ahaato labada xayd dhex dooda waa 15 beri, 15kaa beri guda hooda xayd maba soo geli karo ba, haddii dhiig soo galo waa dhiig kale ee dhiigii xaydka maba aha bey leeyihiin saas weeye macnaha.

(ولا حد) xad uma sugnaanin (لأكثره) intiisa badan uma sugnaanin.

Yacni dhiiga…

Waxaan u jeedaa () ga labada xayd u dhexeeya, intiisa u yar ee uu jiri karo waxaynu niri waa 15 beri, intiisa u badan na xad male bey leeyihiin.

Waxaa dhici karta labadii caado iney u dhexeyso bil iney u dhexeyso baa dhici karta oo ay daahir tahay, laba billood iney u dhexeyso baa dhici karta oo ay daahir tahay, shan billood iney u dhexeyso baa dhici karta oo daahir ah.

Sidaas daraadeed badan ka dhan badnaanta xad male, laakiin dhanka u yaraanta 15kaa beri ayey xaddidan tahay.

(وأقل زمن تحيض فيه المرأة تسع سنين)

(وأقل زمن) xuduud daas oo dhan, intaas oo dhan.

(وأقل زمن) Zamanka ugu yara (تحيض) oo ay xaysho (فيه) zaman kaa dhex diisa (المرأة) haweeneeyda ay ku xaydo ku [oo caadadu kaga timaado] waa (تسع سنين) sagaal sanno waaye.

Mudada ugu yar ee ay dumarku caadadu ku helaan waa 9 jir.

Maxaa laga wadaa?

Sagaal sanno ka yar, gabar aan 9 jir ba gaadhin haddii dhiig ku dhaco maxaad dhahaysaan? Yaa!

Dhiig gaasi caado ma aha, gabadhu waa jirin tahay, meel kale ayaa loogu yimid, laakiin 9 jir ba hadday na gaarin caado ma heli karto, li’ana mudadii ugu yareyd ee caadada lagu heli lahaa ba meysan gaarin, saas ayay ka wadaan.

Intaan oo dhan, laga soo bilaabo:

  • (وأقل الحيض يوم وليلة) laga soo bilaabo,
  • xadidaadaha,
  • xaydka intaasaa u yar,
  • intaasaa u badan,
  • saasuu u badan yahay,
  • nifaasku saasuu u badan yahay,
  • muda daasuu u yar yahay,
  • labada xayd mudada u dhaxaysa,
  • dhaahirku muda daasaa u yar muda daas yacni badan kii xad male,
  • mudada gabadhu ay caadadu ku heleyso 9 jir ba.

Xadidaad daas oo dhan daliil la soo guuriyo oo (manquul) ah malaha, laakiin waxay u cuskadaan (istiqraa).

Haddii dumar kii la dawa galay oo Imaam Shaafici baarbaaray oo war koodii uruuriyay intaas ayuu soo helay. Saas daraadeed intii aan maqlay ama aan arkay ama aan ogaaday baaris kadib, dumarku waa intaa, wixii sidaa ka baxsan ma hayno waaye.

Istiqraa ga macnaha waxa weeyaan, haddii la baarbaaray oo la raadiyay oo la dawa galay natiijo waxaa la gaaray, inaa sidaasi si ka gedisan jirin ba. Haddii la soo helo maxaad sameyn neysaan waaye!

Waa mida keeneyso iney madaahibtu marka ku kala duwan naadaan oo…

  • Xanaabilada meel bey ku dhufan
  • Xanafiyada na meel anaguna si kale ayaan soo aragnay dhahaaya sooma aha?
  • Maalikiyadii baadhbaadhnay oo anaguna si ka gedisan baan soo aragnay.

Kuli (qadaayaad) kaa waa (qadaayaad) ishtihaadi ah, asalku waxa weeyaan sida saxda waxaa loo noqon nayaa (dimaada) sifaad kooda ayaa fiican in loo laabto, sifaad kaa ayaa kala saaraya, laakiin (taxdiid daad) kani inta badan waa iska ishtihaadi madaahib tuna isla meel dhigay waaye.

(وأقل الحمل ستة أشهر وأكثره أربع سنين وغالبه تسعة أشهر)

(وأقل الحمل) Uurka mudada u yar oo ilmuhu uurka caloosha ku jiri karo (ستة أشهر) waa 6 billood.

Yacni mudada u yar ee ilmuhu intuu hooyada iyo (min) keeda galo, haddana asaga oo nool si rasmi ah u dhalan karo waaye waa 6 billood

(وأكثره) uur badan kiisu mudada u badan na (أربع سنين) waa 4 sanno.

Yacni ilmo ayaa 4 sanno uurka ku jiri kara, markaasuu dhalan karaa kadib, tabcan marna wuu nusqaam mayaa, marna waa soo noqon nayaa mudo ayuu marka sidaa caloosha ugu jirayaa.

(وغالبه) Uurka badan kii na [xamliga] badan kii na (تسعة أشهر) waa 9 billood.

Sida u badan ee ilmuhu mudada uurku uu ku jiro waa sagaal billood.

Mida hore oo 6da billood ah, haddii uu yiraahdo lix billood baa u yar, macna heedu waxa weeyaan ilmo lix billood ka yar ku dhashay ma jiri karo waaye, weliba lixda billood waxay ku daraan [wa laxda taani] bey dhahaan, waa iney labad il biriqsi dheer yihiin. Il biriqsi oo kulan kii hooyo iyo aabe dhex maray oo marka uur galaayay iyo il biriqsi oo dhalasha diisii ahayd, markuu soo baxaayay labadaa il biriqsi waa iney dheer yihiin bey leeyihiin.

Waxay na ka qaadan nayaan quraanka kariimka ah, laba aayad dood marka leysu geeya ayaa macna haasi soo baxaayaa.

”وَحَمْلُهُ وَفِصَالُهُ ثَلَاثُونَ شَهْرًا”

[سورة الأحقاف آية ١٥]

‘’Ilmaha xambaaris tiisa uurka lagu xambaaro iyo naaska oo laga gooyo marka leysku daro muda deedu waa 30 billood.’’

Soddon billood waa intuu uurka ku jiro iyo intuu naaska nuugayo, sooma aha?

Aayad kale ayaa waxay tiri:

”وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ”

[سورة لقمان آية ١٤]

‘’Naaska in laga gooyo, mudada uu naaska nuugayo waa laba sanno,’’

Laba sanno waa imisa billood?

Waa 24 billood.

Afar iyo labaatan billood uu naaska nuugahayo 30 kii ka jir, maxaa soo haraya?

Laxda billood buu marka uurka ku jiray waaye.

Halkaas labada aayad dood baa leysu geeyay oo lagala soo baxaayaa.

Marka lagu leeyahay…

  • U badan
  • U yar
  • Qaalibka

Axkaam badan baa meesha ka ratib meyso oo mathalan;

Nin baa guursaday oo islaan guursaday, wuu la aqal galay, markuu la aqal galay, laga bilaabo lix billood ka yar bey ilmo dhashay ba.

Ilmahaa yaa iskaleh?

[al waladu lil firaash] miyaan dhahaynaa? [al waladu lil firaash] yaa, ma aha markaa, li’ana kamaba suuroobi kara ba, sooma aha?

Islaan baa nin qabay 4 sanno ayuu ka maqnaa, afar sanno kadib bey ilmo dhashay, afarta sanno ilmaha intey haysay baa Allah….

Markaas buu wuxuu soo istaagay ilmo afar sanno ah, aniga ma dhalin ee meesha aad ka keentay la aad buu yiri. Maya waxaan leenaha [al waladu bil firaash], wey kaa suuroobi karaan, maxaa yeelay ilma haas afarta sanno ku jiray uurka waa la arkay, saas daraadeed maadaama uu kaa suuroobi karo islaan taan aad qabto waa ilma haaga.

Axkaam noocaas ayaa marka ku xiran () sidaas waaye macnaha.

Mudada ugu badan inta badan waa (istiqraa) waa inta la arkay waaye.

محرمات الحيض والنفاس

:ويحرم بالحيض والنفاس ثمانية أشياء

الصلاة

1

والصوم

2

وقراءة القرآن

3

ومس المصحف وحمله

4

ودخول المسجد

5

والطواف

6

والوطء

7

والاستمتاع بما بين السرة والركبة

8

(ويحرم) waxaa xaaraam ah (بالحيض) xaydka dartii waxaa xaaraam ku ah (والنفاس) iyo dhiiga dhalmada (ثمانية أشياء) sideed shey baa xaaraam ku ah.

Xaydka iyo dhiiga dhalmada laba dooda waa isku axkaam, 8 shey baa sabab tooda xaaraam ku noqon naya oo markii haweentu caado qabto ama markii dhiiga dhalmada qabto, sideed daa shey baa xaaraam ka noqon naya.

Tan koowaadi waxa waaye:

(1) (الصلاة)

(الصلاة) Salaaddii waaye.

Ama sunno ha noqoto ama waajib ha noqoto salaad daasi, xataa sujuuda caadiga ah, qiraa’ada quraanka sujuud diisa, sujuuda shukriga iyo xataa sujuuda xaaraam buu ka yahay.

(2) (والصوم)

(والصوم) iyo soom kii.

Xadiista Nabigaﷺ ayaa tilmaameysa taas oo ku cad.

(والصوم) iyo soom kiina xaaraam buu ka yahay.

Kiisa sunnada ah iyo kiisa (farad) ka ah ee waajibka ah labadaba, laakiin soonka wuxuu kaga gedisan yahay wey qaleyn neey salaadda se ma qaleyn neyso, sidaasi xadiista Nabigaﷺ ayaa u kala qaaday.

(3) (وقراءة القرآن)

(وقراءة القرآن) iyo quraanka akhrin tiisa.

In ay shey quraanka kamid ah akhrido, isagana xaaraan buu ka yahay, yacni qur’aanka ayaa la weyn neyn nayaa, xadiis ku soo aroortay na wey jirtaa laakiin waa wada daciif.

Xadiista:

  • Junubku quraan ma akhrin karo iyo
  • Xaa’ilada quraan ma akhrin karto iyo

Waa daciif laakiin mad-habka waa qabaa.

(4) (ومس المصحف وحمله)

(ومس المصحف) Baa xaaraan ka ah Musxafka taabasha diisa (وحمله) iyo xambaaris tiisa.

Isaga oo meel yaala iney taabato ama ba iney qaado oo xambaarto iyadana xaaraam buu ka noqon nayaa, waa marka uu quraanka yahay ee misxafka yahay, hadduu tafsiir leeyahay oo quraan kii kitaab tafsiir yahay, tafsiirka meesha ku yaal na quraan ka badan yahay markaa waxay leeyihiin (al-xukmu lil qaalib) waa tafsiir ee markaa quraan lama yiraahdo, wey qaadi kartaa weyna taaban kartaa.

Waxay iyadana u daliishan nayaan xadiiska:

(لايمس القرآن الا طاهر)

Xadiiska culimada qaar kood ay (taxsiiriyaan) leys kuna haysta sixa diisa.

‘’Quraanka ma taabto cid aan dhaahir ahayn.’’

Aayadii…

‘’ لّا يَمَسُّهُ إِلاَّ الْمُطَهَّرُونَ ‘’

[سورة الواقعة آية ٧٩]

Sida raajixa oo Malaaikta laga wado iyo meela haas ayay wax ka raadiyaan.

(ومس المصحف) Musxafka taabasha diisa baa xaaraam ka ah (وحمله) iyo xambaaris tiisa.

(5) (ودخول المسجد)

(ودخول المسجد) iyo masaajidka gelitaan kiisu na xaaraam buu ka yahay.

Masjidka iney gasho, masjidka geli taan kiisa (mujarad) gelitaan wuxuu xaaraam noqon nayaa, hadday ka baqdo geli daasi in masaajidka ay wasaq qeyso, oo mathalan dhiig iyo haddii ay wax ku wasaq qeyso ay ka yaaban tahay gelida keliya ayaa xaaraam ah.

Haddey naan markaa dhiig ku wasaq qeyn neynin oo masaajidka dhiig ka soo gaareynin na, waxaa la ogolleyn waa un ku nagaashaha iyo ku noqnoqoshada asalka waa saas, asalka waxa xaaraamta ah waa (muqsi) iyo (taradud) in ay masaajidka fadhiisato oo ay ku nagaato ama ay ku noqnoqoto.

Amaa tan gelitaanka keliya goormuu xaaraam noqon nayaa, hadday ka baqdo in ay wasaq ka gaarto masaajidka saas weeye macnaha.

(6) (والطواف)

(والطواف) Dhawaaf kii baa isagana xaaraam ah.

Iyadana masaajidka gelitaan kiisa xadiis daciif ah bey u daliishan nayaan…

[laa u xuli al masjida lixaau walaa lil junub]

Isaguna waxa weeyaan waa daciif.

(والطواف) Dhawaaf kii na xaaraam buu ka yahay.

Dhawaaf ku waa dhawaafka kacbada ama ha noqdo dhawaaf kaasi mid farad oo waajib ah, sida dhawaafka xajjka iyo cumrada la socda ama ha noqdo dhawaaf iska sunno ah, ileyn dhawaaf ku sidiis ba waa cibaado is-keeda u madax banaan waaye [] marka cumrada ayuu u dhawaaf fayaa, oo dhawaafka cumrada ayuu raacsan yahay, marna xajj buu u socdaa xajj kaa ayuu raacsan yahay dhawaaf ka, marna waa cibaado iska madax banaan oo sideeda ayaa loo dhawaafi karaa, kuli dhawaaf oo dhan looma ogola, haweeneeyda markay caado qabto ama ay qabto dhiiga dhalmada.

Xadiiska Nabigaﷺ baa tilmaamaya oo iyadana xadiis baa ku sugan.

(7) (والوطء)

(والوطء) baa xaaraam ah isaguna galmada.

In loo galmoodo haweeneey caado qabta ama haweeneey dhiiga dhalmada qabta, xataa hadduu dhiigu dhamaado laakiin ayna weli ka qabeysanin. Ma banaana in loo galmoodo.

‘’ وَلَا تَقْرَبُوهُنَّ حَتَّىٰ يَطْهُرْنَ ‘’

[سورة البقرة آية ٢٢٢]

Ilaa dhiigu ka go’o waaye, ma intaas oo keliyaa?

‘’ فَإِذَا تَطَهَّرْنَ ‘’

Baa ka dhiman sooma aha?

Markay is dhaahiriyaan oo qabeystaan…

‘’ فَأْتُوهُنَّ ‘’

Markaa u galmooda.

Saas daraadeed laba shardi ah:

  • Inuu caadada go’do iyo
  • Iney ka dahaara qaadado

Dahaara qaadka seey u heli kartaa weysadu… tayyib haddii biyo la waaye?

Labadii qof wey isu baahan yihiin maxaa la sameynaa?

Dhahaaradii bediilka bey qaadan ney markaa wey gabagabeysan nee, qalaas xalaal bey isu noqon nayaan markaa saas weeye macnaha.

(8) (والاستمتاع بما بين السرة والركبة)

(والاستمتاع) baa xaaraam ah…

(والاستمتاع) Raaxeeysi baa xaaraam ah (بما بين السرة والركبة) inta u dhaxaysa xudunta iyo lowga.

Lowga iyo xudunta inta u dhaxaysa in lagaga raaxeeyso ama laga taataabto iyada oo caada qabta ayaa xaaraam ah buu leeyahay, xataa shahwo la’aan hadduu yahay.

Waxay u daliishan nayaan aayada ahayd:

‘’ فَاعْتَزِلُوا النِّسَاءَ فِي الْمَحِيضِ ‘’

[سورة البقرة آية ٢٢٢]

‘’Dumarka markey caadada qabaan ka fogaada,’’

Ka fogaada taas ayay u daliishan nayaan.

Waxaa kale oo ay daliishan nayaan xadiiska Cabdullaahi ibnu Sacad, Rasuulka ayaa la weydiyay nin maxaa xaas kiisa xalaal uga ah marka ay caado qabto?

Markaasaa Nabiga wuxuu yiri:

Waxaad leedahay oo kuu banaan wixii ka soo haray guntiga, markay guntato inta laga guntado. Waa lowga iyo xudunta inta u dhaxaysa, intaa wixii aan ahayn baa kuu banaan waaye.

Sidaasi waa siduu mad-habka qabo, laakiin () kale ayaa jiro oo mas’alada sidaa lisula wado. Maxaa yeelay xadiis baa dhahaayo isna [kula shey] galmada mooyee wixii kale oo dhan sameeya. Marka taqriiban waxay leeyihiin xadiis kaasi waa (muqasas) oo kan hore ayaa (qasisaaya) bey leeyihiin.

(والاستمتاع) baa xaaraam ah raaxeeysi ama taataabasho (بما بين السرة والركبة) lowga iyo xudunta inta u dhaxaysa lagaga (istimtaaco) iyaduna waa xaaraam.

Intaasi waa intii dumarka caadada qabay xaaraanta ka ahayd inta ay caadada qabaan mudada caadada qabaan.

محرمات الجنب

:ويحرم على الجنب خمسة أشياء

الصلاة .1
وقراءة القرآن .2
ومس المصحف وحمله .3
والطواف .4
واللبث في المسجد 5

(ويحرم على الجنب) nin janaabada qaba waxaa isagana xaaraam ka ah (خمسة أشياء) shan shey baa isagana xaaraam ka ah.

(1) (الصلاة)

(الصلاة) salaaddii baa xaaraam ka ah.

Tayyib waa lisla ogol yahay…

(لا يَقْبَلُ اللَّهُ صَلاةٌ بِغَيْرِ طُهُورٍ)

Haa xadiis kaas ayaa tilmaamay.

(2) (وقراءة القرآن)

(وقراءة القرآن) Quraanka akhrin tiisa ayaa isaguna xaaraan ka ah ninka janaabada qaba.

Xadiis daciif oon sugneyn ayey u daliishan nayaan [cindal muxadithiin a’ima dooda ka mid ah ak tooda daciif ka ah bey u daliishan nayaan].

(3) (ومس المصحف وحمله)

(ومس المصحف وحمله) musxafka taabasha diisa ayaa xaaraan ka ah ninka janaabada qaba (وحمله) iyo musxafka xambaaris tiisa.

Waa sidii haweenta oo kale…

(لايمس القرآن الا طاهر)

Ayaa loo daliishan nayaa.

(4) (والطواف)

(والطواف) dhawaaf kii baa xaaraan ka ah.

Isagana xadiiska uu Nabiga yiri:

‘’Dhawaaf ku waa sida salaadda oo kale waaye, laakiin hadalka ayaa la baneeyay ee waxaan qayr ahayn haku hadlina markaad dhawaaf feysaan.’’

Marka salaadda oo kale weyaan dhawaaf ku baa waxaa laga qaatay, in salaaddu sidey shardi ugu tahay dhahaaradu dhawaaf kuna lamid yahay, halkaas ayey ka qaateen.

(5) (واللبث في المسجد)

(واللبث) baa xaaraan ka ah nagaadi (في المسجد) masaajidka uu ku nagaado.

Masaajidka inuu dhex fadhiisto oo ku nagaado isagana ruuxa janaabada qaba xaaraan bey ka tahay. Aayad bey daliishan nayaan oo…

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَقْرَبُوا الصَّلَاةَ وَأَنتُمْ سُكَارَىٰ حَتَّىٰ تَعْلَمُوا مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِي سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغْتَسِلُوا

[سورة النساء آية ٤٣]

[وَلَا جُنُبًا] Idinka oo janaaba qaba, salaadda ha u dhawaanina, ilaa inaad gudbeysaan mooyee oo jid gudbeysaan mooyee.

Marka… [لَا تَقْرَبُوا الصَّلَاةَ]

Salaadda meelaha lagu tukado waa masaajida ha u dhawaanina markaad janaaba qabtaan inaad gudbeysaan mooyee. Bi macnaa haddaad dhawaaf feysaan oo mareysaan dhib male, laakiin inaad fadhiis sataan ama ku nagaataan maya, aayad daas ayay daliishan nayaan oo meesha [لَا تَقْرَبُوا الصَّلَاةَ] waa meelahii salaadda ayaa laga wadaa tafsiir Ibnu Cabaas (rc) waaye, tayyib adigu dood baa ku jirto.

محرمات المحدث

:ويحرم على المحدث ثلاثة أشياء

الصلاة .1
والطواف .2
ومس المصحف وحمله .3

(ويحرم) waxaa xaaraam ka ah (على المحدث) ruuxa xadasay…

(على الجنب) soo kii hore ma ahayn?

Waa ruuxa xadaska weyn qaba waaye kaas, kan (المحدث) wuxuu ka wadaa xadaska yar oo weyso la’aanta baa laga wadaa, ileyn xadas kii weynaa horey buu u soo sheegay sooma aha? Mar hadduu xadas kii weynaa horey u soo sheegay uu yiri (ويحرم على الجنب), (على المحدث) kan hadda wuxuu ka wadaa…

[الحدث الأصغر] oo ah weyso qaad la’aan tii waaye.

(ويحرم) waxaa xaaraam ka ah (على المحدث) ruuxa xadasay (ثلاثة أشياء) saddex shey baa xaaraan ka ah asagana.

(1) (الصلاة)

(الصلاة) salaaddii baa xaaraam ka ah.

(2) (والطواف)

(والطواف) dhawaaf kii baa xaaraan ka ah.

(3) (ومس المصحف وحمله)

(ومس المصحف وحمله) musxafka taabasha diisa ayaa xaaraan ka ah (وحمله) iyo xambaaris tiisa.

Yacni waxa weeyaan waxaa uu soo galaayaa bey leeyihiin (cumuumka) xadiiska (لايمس القرآن الا طاهر) kalimatu (طاهر) waxaa soo guda galayaa…

[الطهار من الحدث الأكبر ومن الحدث الأصغر]

Labadaa xadas ba waa inaad dhaahir ka tahay markaad musxafka taaban neyso haddii kale maya ma taaban kartid bey leeyihiin.

Intaasi wuxuu kaga soo baxay marka kitaabka dhahaarada ayuu kaga soo baxay, dhahaaradii haddii la dhahaara qaato nijaasa dii leyska dhaqaayo oo leysa soo hagaajiyay dee waxaa xigta in salaaddii la galo sooma aha?

Fadlan la soco qaybta xiga oo ah Kitaabka Salaadda…

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com