Arkaanta Iimaanka
أركان الإيمان

Rukniga | 5aad
Rumeenta Maalinta Aakhiro

Decorative Lines

bismillah

Rukniga | 5aad

Duruus Muhiim u ah Ummada

أركان الإيمان في الإسلام ستة هي الإيمان بالله
وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر والقدر خيره وشره

Arkaanta Iimaanka Waa 6
Waxeyna ka kooban tahay:

1

Rumeynta Alle (swt)

الإيمان بالله عز وجل

١

2

Malaaiktiisa

الإيمان بالملائكة

٢

3

Kutubtiisa

الإيمان بالكتب السماوية

٣

4

Rusushiisa

الإيمان بالأنبياء و الرسل

٤

5

Maalinta Aakhiro

الإيمان باليوم الآخر

٥

6

Qadarka kherkiisa iyo shartiisa

الإيمان بالقدر خيره وشره

٦

Rumeenta
Maalinta Aakhiro

 

1- Rumeynta Maalinta Aakhiro waa …

In la ictiqaado in ay nolosha aduunyo dhamaaneyso lana gelayo ka dib daarti aakhiro, waxayna ku bilaabaneysaa dhimashada iyo nolosha barsakhiga ah (qabriga dhexdiisa) waxayna sii mareysaa istaaga saacada kadibna soo saaridi iyo kulminti iyo abaal marinti ilaa ay ka galaan dadka janada ama naarta. Rumeenta aakhirana waa rukni ka mid ah arkaanta iimaanka mana dhamestirmayo iimaanka adoonka ruknigaan la aantiis qofki inkiraana waa gaal.

:قال الله تعالى

وَلَكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ

[سورة البقرة الآية ١٧٧]

Macnaha aayada waa:

‘Laakiin sama falaha waa ruuxa rumeeya Allah iyo maalinta aakhiro.”

Xadiis 30

Macnaha xadiisaka:

Jibriil baa nabiga ku yiri: iiga waran iimaanka?

Markaa buu nabigaﷺ yiri:

  1. Waa inaad rumeysid Allah,
  2. Malaaiktiisa,
  3. Kutubtiisa,
  4. Rusushiisa,
  5. Maalinta aakhiro, iyo
  6. Qadarka kheyrkiisa iyo shartiisa

[Muslim ayaa wariyaya]

Waxaan waajiba in la rumeeyo waxyaabaha hordhaca u ah maalinta aakhiro, ahna kuwa uu nabiga sheegay oo ah calaamadihi saacada.

Waxayna u kala qeybiyeen culimada calaamaad kaan labo qeyb:

(A)- Calaamado yar yar: waana kuwa ku tusayo in ay dhaw dahay saacadii, aad ayayna u badan yihiin, wax badan oo ka mid ahna wey dheceen hadeysan badan koodba dhicin.

Waxaana kamid ah:

  • Soo saarida nabiga,
  • Layaca amaanada,
  • Qurxinta masaajida iyo ku faanideeda,
  • Xoolo jir guryo dhaadheer isugu faano,
  • Yahuda oo lala dagaalo,
  • Waqtiga oo isku dhawaado,
  • Camalka oo yaraado,
  • Fitanka oo bato, dhimashada oo badato,
  • Zinada iyo xumaanta oo badato.

:قال الله تعالى

اقْتَرَبَتِ السَّاعَةُ وَانشَقَّ الْقَمَرُ

[سورة القمر الآية ٢]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Wey dhowaatay saacaddi , waa dilaacay dayaxi “

(B)- Calaamado waa weyn: waana kuwa imaanayo saacada horteed, kuna digayo bilawga dhicitaanka saacada, waana toban calaamadood, waxna kama so bixin.

Waxaana kamid ah:

  1. Mahdi oo soobaxa,
  2. Iyo Dajaal,
  3. Iyo Nabi Ciise (cs) oo ka soo dega samada isaga oo xaakim caadila ah, jebinaayana (Saliibka) dilayana dajaal iyo doofaarka,
  4. Iyo yajuuj wama juju oo soo baxa,
  5. Nabi Ciise (cs) ayaana inkaari markaa bey dhimanayaan,
  6. Iyo sadex qorax madow oo midi ka dhici doono bari, midina galbeed, midina jasiirada carabta,
  7. Iyo qiiq weyn oo samada ka soo bixi dadkana dabooli indhana tiri,
  8. Iyo quraanka oo laga qaado dhulka loona qaado samada,
  9. Iyo qoraxda oo ka soo baxdo galbeed,
  10. Iyo soobixida daabbada (bahal),
  11. Iyo naar weyn oo ka soo bixi doonto cadan una hogaamin doonto dadka dhulka shaam, ayada ayaana u danbeyso calaamdaha waa weyn.

Xadiis 31

Macnihiisana:

‘’Wuxuu ka wariyay Muslim Xudeefa ibn Useyd al Qafaariy saxaabiga la yiraahdo raali Allah haka noqdee in uu yiri: Nabigaﷺ ayaa nagu soo baxay anaga oo is xusuusinayna, markaa buu yiri maxaad xuseydaan?

Markaa bey dheheen:

Waxaan xuseynaa saacada.

Markaa buu yiri:

Ma istaageyso saacada intaad ka aragtaan horteed toban calaama dood, wuxuuna sheegay:

  1. Qiiqa,
  2. Dajaal,
  3. Daabada,
  4. Qoraxda oo ka soo baxda galbeed,
  5. Soo degida Nabi Ciise (cs),
  6. Ya’juuj wa Ma’juuj,
  7. Saddex qorax madow: mid bari ka dhacaya iyo mid galbeed ah iyo mid jasiirada carabta ka dhacaya.
  8. Tan ugu danbeysa calaamadahana waa, dab ka so baxaya yaman oo dadka u eryaya meesha lagu kulminayo.

Xadiis 32

Macnaha xadiiska waxa waaye:

”Ummadayda danbe waxaa ka soo baxaya mahdi, Allaahna ku waraabinayo roob, dhulkana dhirtiisa ayuu soo saari, hantidana si badan ayuu u bixi doonaa, xooluhuna wey badan, uumaduna wey weynaan, wuxuu noolaanayaa mahdi todobo ama sided sano.” [Xaakim ayaa mustadraka ku weriyay]

Waxaana soo arooray calamadahan in ay iska soo daba bixi doonaan sida ay isga daba daadato kuul xariga laga gooyay, hadii ay mid kamid ah soo baxdo kuwa kale ayaa racayo, marka ay calamadahan dhamaadaanna saacadi ayaa istaagi doonto.

Saacadana waxaa loola jeedaa: maalinta ay dadka uga soo bixi doonaan qubuur tooda amarka Allah, si loo xisaabo, oo loogu nicmeeyo kii wanaag sanaay, loona cadaabo kii xumaay.

:قال الله تعالى

يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ الأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَى نُصُبٍ يُوفِضُونَ

[سورة المعارج الآية ٤٣]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Maalinta ay ka baxayaan qubuur tooda si deg deg ah ayagood moodo in calaamado loo taagay ay deg degayaan.”

Maalin taana quraanka wuxuu ku sheegay magacyo badan, waxaana ka mid ah:

(1)- Maalinta Qiyaamo

:قال الله تعالى

لا أُقْسِمُ بِيَوْمِ الْقِيَامَةِ

[سورة القمر الآية ١]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaan ku dhaaranayaa maalinta qiyaamo.”

(2)- Qaarica

” الْقَارِعَةُ، مَا الْقَارِعَةُ ”
[سورة القارعة الآية ١-٢]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Tan qalbiga garaaceyso waa maxay tan qalbiga garaceyso.”

(3)- Maalinta xisaabta

”إِنَّ الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا يَوْمَ الْحِسَابِ”
[سورة ص الآية ٢٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kuwa ka baadi yeynayo jidka Allah waxay leeyihiin cadaab daran hilmaankey hilmaameen maalinta abaal marinta darteed.”

(4)- Maalinta abaal marinta

” وَإِنَّ الْفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٍ، يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ الدِّينِ ”

[سورة الإنفطار الآية ١٣-١٤]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Faajiriinta naarta (Jaxiimo) ayay ku jiraan, waxay gelayaan maalinta abaal marinta.”

(5)- Dhaama (Musiibo kor ka Imaanayso)

”فَإِذَا جَاءَتِ الطَّامَّةُ الْكُبْرَى”
[سورة النازعات الآية ٣٤]

Macnaha aayada waxa waaye:

“Hadii ay timaado musiibadii weyneed.”

(6)- Waaqica

”إِذَا وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ”
[سورة الواقعة الآية ١]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Hadey dhacdo dhacdadi “

(7)- Xaaqa (tii sugneed)

” الْحَاقَّةُ، مَا الْحَاقَّةُ ”
[سورة الحاقة الآية ١-٢]

(8)- Macnaha aayada waxaa waaye:

“Tan sugan waa maxay tan sugan “

(9)- As-Saakhah (qeylo daran),

” فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ ”
[ سورة عبس الآية ٣٣]

(8)- Macnaha aayada waxaa waaye:

“Haddii ay timaado qeyladii”

(10)- Qaashiyah (daboosho)

” هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْغَاشِيَةِ ”
[ سورة الغاشية الآية ١]

Macnaha aayada waxaa waaye:

” Ma kuu yimid sheekadi dabooshada aheyd”

2 – Sida Loo Rumeynayo Maalinta Aakhiro

(A)- In loo rumeeyo si guud oo kooban, taasoo ah inaan rumeyno in uu jiro maalin uu Allah ku kulmi doono dadka oo dhan kuwii hore iyo kuwii dambe kuna abaal marin doono mid walbo camal kiisa qolana janno geli doonto qola naar.

” قُلْ إِنَّ الأَوَّلِينَ وَالآخِرِينَ، لَمَجْمُوعُونَ إِلَى مِيقَاتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ ”

[سورة الواقعة الآية ٤٩-٥٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ku dheh kuwii hore iyo kuwii dambe waa la kulmin doonaa waqti maalin la og yahay.”

(B) – In loo rumeeyo si faahfaahsan: waxaana waaye inaad rumeysid wax walba oo dhacaya dhimashada ka dib,waxaana akamid ah arrimaha so socda:

(Koow) – Fitnada Qabriga

Waxaana waaye su‘aasha laga weydiinayo ruuxa dhintay rabigiisa iyo diintiisa iyo Nabigiisa Muxammad, Allana wuxuu ku sugayaa kuwa rumeeyay hadalka sugan, sida ay ku soo aroortay xadiiska marka la weydiiyo wuxuu leeyahay:

  • Rabigeyga waa Allah
  • Diin teydana waa Islaam,
  • Nabigeygana waa Muxammad.”

Waxaana waajiba in la rumeeyo waxa ey sheegtay axadithta oo ah suaasha labada malak iyo sida ay tahay arintaas, iyo waxa uu ku jawaabayo ruuxa muminka ah, iyo waxa uu ku jawaabayo munaafaqa.

(Labo)- Cadaabka Qabriga Iyo Nicmadiisa:

Waxaa waajib ah in la rumeeyo caddaabka qabriga iyo naciimkiisa, qabrigana waa god godadka naarta ka mid ah ama beer beeraha jannada ka mid ah, qabrigana waa arrimaha aakhiro kan ugu horreeyo, qofka ka badbaadana waxa ka dambeeyo waa u fudud yihiin, qofkaan ka badbaadina waxa ka danbeeyo ayaa uga daran, qofki dhintana qiyaamadiisa waa istaagtay.

Naciimka iyo cadaabka waxay ku dhacayaan ruuxda iyo jirka qofka dhintay labadaba, in ay ruuxda kaligeed ku dhacdana waa laga yaabaa, caddaabka qabrigana waxaa leh daalimiinta, naciim kiisana waxaa leh mu’miniinta rumeeyay.

Ruuxa dhintayna waa la cadaabayaa ama waa loo niciimeynayaa hala duugo ama yaa la duugin, ha la gubo ama biyo ha liqeen ama bahalo ha cuneen ama shinbiro, in la cadaabo ama loo nicmeeyo qofka dhintay waa lama huraan.

” النَّارُ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا غُدُوًّا وَعَشِيًّا وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ أَدْخِلُوا آلَ فِرْعَوْنَ أَشَدَّ الْعَذَابِ ”
[ سورة غافر الآية ٤٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Naarta waxaa loo soo ban dhigayaa aroor iyo fiid, maalinta ay istaagi doonto saacadda: (waxaa la leeyahay) geliya Aali Fircoon kan ugu daran cadaabka “

xadiis-52

Macnahiisa waa:

‘’Hadii aadan is duugi leheyn waxaan Allah ka baryi lahaa in uu idin maqashiiyo cadaabka qabriga.’’

(Sadex) Afuufida Buunka

Buunka waa gees uu afuufayo Malaga la yiraahdo “Israafiil” (nabadi dushiisa ha ahaatee), afuufka hore markuu afuufo abuurka oo dhan wey dhimanayaan ruuxuu Allah doono maahane, kadib ayuu hadana tii labaad afuufayaa markaa bey khalaa’iqda dhan soo baxayaan kuwi la abuuray markii aduunka la aburay illaa ay saacada ka istaageyso.

” وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَصَعِقَ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَمَن فِي الأَرْضِ إِلاَّ مَن شَاء اللَّهُ ثُمَّ نُفِخَ فِيهِ أُخْرَى فَإِذَا هُم قِيَامٌ يَنظُرُونَ ”
[ سورة الزمر الآية ٦٨ ]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaa la afuufay buun kii weyna suuxeen wixii ahaa samooyinka iyo wixii ahaa dhulka qofkuu Allah doono mooyaane, kadib baa hadana la afuufay mid kale waaba ayagoo istaagsan oo ku fiiranayo.”

Xadiis 34

Nabiga wuxuu yiri:

“… kadib waxaa la afuufyaa boonka, mana maqalayo ruux illaa uu daanna ku dhegeestay daanna kor u qaaday, dabadeedna ma haryo ruux aanan suuxin, kadibna Allah baa roob soo dejinayo khafiif ah, jirka dadka ayaana ka soo dhalanayo, kadib baa hadana afuufki labaad la afuufayaa, waaba ayagoo istaagsan oo ku soo eegayo.’’

(Afar) Soo Saaridda

Soo saaridu waa nooleynta Allah uu nooleynayo meydka markii la afuufo boonka afuufka labaad, oy dadkana u istaagaan rabiga caalamiinta, kana baxayaan qubuur tooda iyaga oo u deg degaya halkii la istaagi lahaa, iyagoo kaba l‘a, qaawan, baajo qab ah, waxba cadeyn kareen, waxna wadan.

Istaaguna waa dheeraanayaa qoraxdana way soo dhawaan, kuleelkana waa kordhayaa, dhidid ayaana liqi doono adka, dadka qaar qoobka ayuu u gaari, qaarna jilbaha, qaarna dhexda, qaarna naasaha, qaarna garbaha, qaarna wuu qarin doonaa, qof walbana camalkiisa ayay ku xirantahay.

Soo saariduna waa xaq ku sugan, daliilna waxaa u ah:

  • Sharciga iyo
  • Dareenka iyo
  • Caqliga

(1)Sharciga

Aayada badan iyo Axaadiith saxiix ah ayaa sheegaya in uu sugan yahay.

” زَعَمَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَن لَّن يُبْعَثُوا قُلْ بَلَى وَرَبِّي لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ وَذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ ”
[ سورة التغابن الآية ٧ ]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ku dheh waaba sidaase waxaan ku dhaaratay rabigeeye waa leydin soo saari “

” كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُّعِيدُهُ ”
[سورة الأنبياء الآية ١٠٤]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Sidaan u billawnay kii ugu horeeyay abuurka ayaan u soo celineynaa.”

xadiis-54

وَضَرَبَ لَنَا مَثَلا وَنَسِيَ خَلْقَهُ قَالَ مَنْ يُحْيِي الْعِظَامَ وَهِيَ رَمِيمٌ

قُلْ يُحْيِيهَا الَّذِي أَنشَأَهَا أَوَّلَ مَرَّةٍ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ

[سورة يس الآية ٧٨-٧٩]

Allahna wuxuu yiri isaga oo noo sheegayo gaaladii waxa ay dheheen:

“Wuxuu yiri kee nooleyneyo lafaha iyagoo dhamaaday? Ku dheh waxaa nooleyhaa kii abuuray markii ugu horreeyday, asigaana abuur walba ogaal badan u leh “

(2)Dareenka

Waxaa xaqiiqa ah inuu Allah ku tusay adoomankiisa aduunka nooleynta meydka, suurada al-Baqarah shan tusalo ayuu Allah ku sheegay waxayna kala yihiin:

  1. Qoomkii Nabi Muuse (cs) uu Allah nooleeyay kadib markuu dhinsiiyay,
  2. Ninkii reer banii Israa’iil ay dileen kadibna Allah noolaysiiyay,
  3. Kuwii ka baxeen gurya hooda carar ey ka cararayaan dhimasho ee Allah yiri dhinta kadibna nooleeyay,
  4. Kii maray tuulada oo yiri siduu Allah u nooleynaya ee Allah dhinsiiyay kadibna nooleeyay,
  5. Iyo shinbirtii Nabi Ibraahiim (cs) ee Allah dilay kadibna nooleeyay.

(3) – Caqligana, Laba Dhinac Ayuu Daliil Uga Yahay

(a)- Allah waa kii abuuray samooyinka iyo dhulka, iyo waxa dhexdooda ah, bilawba, kan awoodo bilawga abuurkana ma awoodi waayo soo celinteeda.

(b)- Waxaan aragnaa dhulka oo nolol leheyn markuu Allah ku soo dejinyo roobna wuu cagaaran soona saari noc walba oo quruxsan, Allahii awooday inuu nooleeyo marka ay dhimatay ka dib wuu awoodaa inuu nooleeyo meydka.

(Shan)Kulmiga iyo Xisaabta iyo Abaal Marinta

Waxaan rumeeneynaa in la soo kulmi doono dadka lana weydiin doono, laguna kala xakumi cadaalad, lagana abaal marin doono acmaashodii.

” وَحَشَرْنَاهُمْ فَلَمْ نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًا ”

[سورة الكهف الآية ٤٧]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waan kulminay kamana tegin ruux ayaga ka mid ah.”

.فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَؤُوا كِتَابِيَهْ، إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلاقٍ حِسَابِيَهْ، فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ

[سورة الحاقة الآية ١٩-٢٠-٢١]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ruuxii kitaabkiisa midigta laga siiyay wuxuu leeyahay waakane akhriya kitaab keyga, aniga waxaan u maleeyaya inaan la kulamayo xisaab teyda, asiga nolol raal geliso ayuu ku noolaan.”

.وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِشِمَالِهِ فَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَهْ، وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ، يَا لَيْتَهَا كَانَتِ الْقَاضِيَةَ

[سورة الحاقة الآية ٢٥-٢٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kii se kitaab kiisa laga siiyo bidixda wuxuu leeyahay shalayta deydee leyma siin kitaab keyga, mana ogaanin xisaab teyda.”

Xashrigana waa: dadka oo loo soo wado istaagi lagu xisaabi lahaay.

Farqiga u dhexeeya soo saarida iyo kulmintana waxa waaye: soo sarida waa nafta oo loo soo celiyo jirka, kulmintana waa dadka oo la soo saaray.

Xisabta iyo abaal marintana waxa waaye: in uu istaajiyo Allah adoomanka hortiisa, una sheego acmaashi ay sameeyeen, xisaabinta mu’miniin tana waa in Allah u soo bandhigo acmaashoodii si ay u ogaadaan naxariista Allah ee dushooda ahaatay ahna asturka aduunka iyo danbi dhaafika aakhiro.

Waxaana loo kulminayaa sida uu iimaankooda yahay, malaaik ayaana qaabileyso uguna bishaareyneyso jannada, waxayna ka megan gelineysaa cabsi, iyo musiibada maalinkaan, wajiyada kuwa rumeeyay wey ifi, nuuri, qosli, bishaareysan.

Kuwa beeniyay oo jeestayna waxaa lagu xisaabihaa xisaab adag iyo wax walba oy sameeyeen yar iyo weyn, waxana lagu jiidayaa wajiga maalinta qiyaamo dulen laduleynayo iyo abaal marin looga abaal marinayo waxay gacmahooda hormariyeen iyo waxey benijireen.

Dadka ugu horreyo oo la xisaabinayo maalinta qiyaamo waa ummada Nabi Muxammadﷺ, waxaana ka mid ah todobaatan kun oo gelayo janada xisab la‘aan iyo cadaab la’aan towxiid kooda oo dhameestiran owgiis, waana kuwa uu ku tilmaamay nabiga xadiithka soo socda:

Xadiis 36

”Waa kuwa aan tufid dalbeyn, is gubeen, baaseysaneyn, rabigoodna tala saaranayo. waxaana kamid ah saxaabiga weyn Cukaashah bin Muxsin (rc).”

Waxa ugu horreeyo oo laga weydiinayo adoomka xuquuqda Allah waa salaada, waxa ugu harreyo oo laga weydiinayo xuquuqda adoomankana waa dhiiga.

(Lix)Darka

Waxaan rumeyneynaa darka nabigaﷺ waana dar weyn iyo dhaan deeqsi ah, biyahana wexy uga yimaadaan webiga “kowthar” layihaado oo janada kuyaal,waxaan u soo aroorayo mu’miniinta umada nabi muxamad .

Tilmaama hiisana waxaa ka mid ah:

  • Waa mid ka cad caanaha,
  • ka qabow brafka,
  • ka mac malabka,
  • ka udgoon miski (cadar aad u udgoon),
  • aad ayuuna u balaaran yahay,
  • ballaciisa iyo dhirir kiisana waa isla egyahay,
  • dhinac walba oo dhinacyadiisa ka mid ahna intii bil loo socdo ayuu jiraa,
  • laba masharaaf oo jannada uga keenaya ayuu leeyahay,
  • weela shiisana wey ka badan yihiin xidigaha cirka, qofkii hal kabasho ka cabana weligii ma oomayo.

Xadiis 37

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Dar keygu waa inti bil lo socdo, biyihiisan wey ka cad yihiin caanaha, weyna ka udgoon yihiin miski, weela shiisuna xidigaha ayay la mid yihiin, ruuxi ka cabo ma oomayo waligii.” [Bukhaari baa weriyay]

(Todobo)Shafaacada

Markuu mowqifku (istaagu) dheeraado beladuna adkaato, waxey dadku socanayaan shafeeco qaad loo weydiinayo rabigood si uu ukala xisaabiyo, markaa bey cudur daaranayaan kuwi goaanka lasiiyay oo ugu fadliga badnaa rusuulada, illaa ay u yimaadaan Nabi Muxammadﷺ markaa buu istaagayaa istaag ay ku mahdi nayaan kuwi hore iyo kuwii danbe, waxana cadaaneyso darajada weyn uu leeyahay, markaa buu sujuudayaa carshiga hoostiisa, Allah ayaa ku hanuuninayo mahad uu ku mahadinayo Allah kuna weyneynayo, markaa buu u idmayaa in uu u shafaaco qaado khalqiga si loo kala xakumo kadib markuu ku dheeraaday istaaga dhib iyo murug eeyan awoodina ku dhacday.

Xadiis 38

Nabiga wuxuu yiri:

“Qoraxda ayaa soo dhawaaneyso maalinta qiyamo, inti uu ka gaaro dhididka dhegta barkeed, iyaga oo sidaa ah ayay waxay gar gaar weydiisan nayaan Aadan (cs), kadibna ibraahiim (sc), kadibna Muuse (cs) ka dibna Ciise (cs) kadibna Nabi Muxammad. Markaa buu Nabi Muxammad u shafaaca qaadayaa si loo kala xukumo khalqiga, wuuna socan ilaa duleelka albaabka uu ka gaaro, maalin taas buuna Allah ku soo sarayaa (maqamkii la mahdiyay) oo ay ku mahdinayeen dadka kulanka joogo oo dhan.” [Bukhari baa weriyay]

Shafaaca daan waaye tan la dhaho shafaacada weyn ow rasuulka gaar u yeeshay, waxaana u sugnaaday shafaacooyin kale, waxaana kamid ah:

(1)- Shafaaca qaadka uu u shafaaca qaadayo ahlu janada in ey galaan janada, daliil keedana waa hadal kii nabiga:

Xadiis 39

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Waxaan imaanayaa albabka janada maalinta qiyaamo, markaa baan in layga furo dalbayaa, markaa buu ilaaliyihii dhihi: wa kuma adiga, markaa baan leeyahay, waa Muxammad, markaa buu leeyahay, adiga inaan kuu furo ayaa ley amray, umana furayo ruux hortaa.” [Muslim ayaa wariyay]

(2)- U shafaaca qaad kiisa qoom uu is la ekaaday wanaag gooda iyo xumaan tooda, in ey jannada galaan, sidaanna waxaa qabo culimada qaar ka mid ah, xadiith saxiix ah oo ku soo aroorayna ma jiro.

(3)- U shafaaca qaad qoom muteen in ey naarta galaan in aysan gelin, shafaaca daannah waxay soo hoos gelaysaa xadiith kaan soo socda:

Xadiis 40

Macnihiisana yahay:

‘’Shafaaca deyda waxaa leh dadka danbiyada waaweyn geestay oo ummadeyda ka tirsan.” [Abuu Daa’uud ayaa wariyay]

(4)- Shafaacada uu u qaadayo ahli jannada inn daraja dooda kor loo qaado, waxaana u daliil u ah:

Xadiis 41

Macnihiisana yahay:

‘’Allow abii Salama danbigiisa dhaaf, daraja diisana mahdi yiinta kor ugu qaad.’’ [Muslin baa wariyay]

(5)- Shafaaca qaadka uu u shafaaca qaadayo qoom gelayo jannada xisaab la aan iyo cadaab la aan, waxaana daliil u ah xadiithka Cukaasha ibn Muxsin uu nabiga ku sheegay todobaatanka kun oo jannada xisaab la aan iyo cadaab la aan, gelayo. Markaa buu weydistay Cukaasha inuu nabiga Allah u weydiiyo inuu kamid noqdo markaa buu nabiga yiri:

Xadiis 42

“Allow ka mid yeel ayaga.” [Saxiix]

(6)- Shafaaca qaadka uu u shafaaca qaadayo kuwa danbiyada waa weyn la yimaadeen oo ummadiisa ka tirsan oo naarta galeen in ay ka soo baxan, waxaana u daliil ah xadiithkii la soo dhaafay oo ahaa:

Xadiis 43

Iyo xadiithkaan:

Xadiis 44

Uu macnihiisu yahay:

‘’Waxaa uga baxayo naarta qoom shafaacada Nabi Muxammad waxayna gelayaan jannada, waxaa lagu magacaaba jahanamiyiin.” [Bukhari baa weriyay]

(7) Shafaaca uu u qaadayo kuwa naarta galay in laga khafiifiyo cadaabka, sida adeer kiis Abuu Daalib, waxaana u daliil ah:

Xadiis 45

Macnihiisana yahay:

‘’Waxaa laga yaabaa in ay anfacdo shafaacadeyda maalinta qiyaamo, ee la geliyo meel aan god dheer aheyn oo naarta ka tirsan, waxay gaareysaa qoobab kiisa, maskax diisa ayaana la burineyso.” [Waa lesku raacay]

Shafaacadana Allah aktiisa lagama aqbalayo laba shardi laaantood:

(A)- Allah inuu raali ka yahay kan shafaaca qadayo iyo kan loo shafeeco qaadayo.

(B)- Allah inuu u idmo kan shafaaco qaadayo inuu shafaaco qaado, waxaana daliil u ah labadaa arimood aayadaha soo socda:

” وَلا يَشْفَعُونَ إِلاَّ لِمَنِ ارْتَضَى ”

[سورة الأنبياء الآية ٢٨]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Uma shafeeco qaadayaan ruuxow Allah raali ka yahay mooyaane qof kale.”

” مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِندَهُ إِلاَّ بِإِذْنِهِ ”

[سورة البقرة الآية ٢٥٥]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kee baa ka shafeeceynayo agtiisa qof uu u idmo mooyaane.”

(Sideed) – Miizaanka

Miisaanka waa xaq waajiba in la rumeeyo, waana waxa uu Allah u taagi doono maalinta qiyaamo si loo miizaano acmaasha adoomanka, loogana abaal mariyo, waana miisaan la dareemayo labo kafad iyo carab leh, waxana lagu miisaanayaa acmaasha, ama suxufti acmaasha ku qorred, ama ruuxa laftigiisa, kulligood waa la miisaanayaa, laakiin culeeska iyo fudeedka la doonayo waa kan camalka, ee ma aha kan camalka sameyay a ama suxufta.

وَنَضَعُ الْمَوَازِينَ الْقِسْطَ لِيَوْمِ الْقِيَامَةِ فَلا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا وَإِن كَانَ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ أَتَيْنَا بِهَا وَكَفَى بِنَا حَاسِبِينَ

[سورة الأنبياء الآية ٤٧]

Macnaha aayada waxaa waaye:

 

“Waxaan u dhigeynaa miizanadi cadaalada maalinta qiyaamo, lama dulminayo naf waxba, haba ahado wax ku miisaana xabad khardala (waxa u yar) waan keenay, waana ku filan nahay xisaabiya yaal.”

.وَالْوَزْنُ يَوْمَئِذٍ الْحَقُّ فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ، وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَئِكَ الَّذِينَ خَسِرُواْ أَنفُسَهُم بِمَا كَانُواْ بِآيَاتِنَا يَظْلِمُونَ

[سورة الأعراف الآية ٨-٩]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ruuxi uu cuslaado miisankiisa kuwaas ayaga ah waaye kuwa liibaanay, ruuxow fududaado miisaan kiisa kuwaas waaye kuwa qasaaaray naftooda, waxay ahaayeen kuwa aayada heena dulmiya darted.”

Xadiis 46

Wuxuu yiri nabiga:

”Dahuurka waa iimaanka barkiis, alla ku mahdina miisaanka ayay buuxisaa.” [Muslim ayaa weriyay]

Xadiis 47

Macnihiisana:

‘’Miisaanka ayaa la dhigayaa maalinta qiyaamo, hadii lagu miisaano samooyinka iyo dhulkana waa qaadi lahaa.” [Xaakim ayaa weriyay]

(Sagaal) – Siraadka

Waxaan rumeynay siraadaka oo ah jisri ama buundo la dulsaaray jahanamo, waana jid aad u cabsi badan, waxaa loo mrayaan jannada, dadka qaar il biriqsi ayay ku marayaan, qofna sida biriq, qofna sida dabeel, qofna sida shinbir, qofna sida fardo orod badan, qofna sida rar jiid, isagoo rucleynayo, kan ugu danbeeyo kuwa marayo waa la jidayaa jiiditaan, wexeyna ku marayaan acmaashoooda inta ey aa egtahay illaa uu ka maro kan uu nuurkiisa la egyahay suulka lugtiisa, qaarna waa la dafaya oo lagu tuuri naarta, qofki dul maro siraadkana jannada ayuu gelayaa.

Qofka u horreeyo oo marayana waa nabigena Muxammad () ka dibna umadiisa, mana hadlayo maalintaa rususha mooyaane ruux kale, rususha ducadoodana maalintaa waa: Allow nabadgeli Allow nabadgeli, jahamana waxaa dhex ahaaday mudacyo galoolan oo ku yaalo siraadka labadiisa dhinac – Allah kaliya ayaa tira dooda garanayo –wexey dafeysaa qofku doono Allah oo khalqigiisa ka tirsan.

Tilmaantiisana waxaa kamid ah:

Seef waa ka af badanyahay, tintana waa ka yar yar yahay, waa sibibax aan cagtu ku istaageen (qofku Allah ku istaajiyo mooyaane), meel mugdiya ayuuna ka taaganyahay, waxana la darayaa amaanada iyo qarabada, wexeyna istaagayaan siradka labadiisa dhinac si ay ugu marqaati kacaan qofki ilaaliyay ama kii dayacay.

.وَإِن مِّنكُمْ إِلاَّ وَارِدُهَا كَانَ عَلَى رَبِّكَ حَتْمًا مَّقْضِيًّا، ثُمَّ نُنَجِّي الَّذِينَ اتَّقَوا وَّنَذَرُ الظَّالِمِينَ فِيهَا جِثِيًّا

[سورة مريم الآية ٧١-٧٢]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ma jiro ruux idinka mid ah illaa uu u soo aroorayo (Jahanamo) waxow ahaaday (aroorkaas) Allah dushiis wax waajib ku ah la dhameeyayna, ka dibna waxaan badbaadineynaa kuwa dhoorsaday (Allah ka baqay), daalimiinta waxaan uga tegeynaa dhexdeeda ayagoo jilbaha u fadhi.”

Xadiis 48

Nabigana wuxuu yiri:

‘’Waxa la dhigi doonaa siraadka jahanamo dusheeda, waxaana ahaanayaa aniga iyo umadayda kuwa ugu horeyo ee ka gudbo.” [Muslim ayaa weriyay]

Waxaa kale uu yiri:

Xadiis 49

Macnahana:

‘’Waxaa la dhigi doonaa jisriga jahanamo, waxaana ahaanayaa kan ugu horeeyo ee ka gudbo, ducada rusushana maalinkaas waa: Allow nabad geli Allow nabad geli” Abuu Saciid al-Khudri wuxuu yiri: “Waxaa isoo gaaray in buundada ay ka yar yar tahay tinta, kana af badan tahay seefta.” [Muslim baa weriyay]

Xadiis 50

Macnihiisana:

“… waxaa la dirayaa amaanada iyo qaraabada, waxey istaageysaa siraadka labadiisa dhinac midig iyo bidix, wuxuuna u marayaa kiina ugu horreeyo sida;

  • biriq …
  • kadibna sida socodka dabeesha,
  • kadibna sida socodka shinbirta,
  • kadibna sida jiidid ararka,

… waxaa lagu marinayaa acmaashooda, nabigiinana siraadka ayuu istaagsan yahay wuxuuna leeyahay: Aallow nabad geli allow nabad geli, inta ay ka caajisto acmaasha adoomanka, uu ka yimaado ninka awoodina waayo socod inuu doboda ku riigto maahane, labada dhinac ee siraadkana waxaa ah kalaaliib taagan oo amran in ay qaado qofki loo amro, mid asoo dhaawacan badbaado iyo mid lagu tuuro naarta.” [Muslim baa weriyay]

(Toban)Qandarada (Buundo)

Waxaan rumeyneynaa muminiinta marka ay dhaafan siraadka in la istaaji doono buundo, u dhexeyso janada iyo naarta, si loogu kala qisaaso inta aynan jannada gelin, arki la saafi yeelo ayaa loo idmayaa gelida jannada.

Xadiis 51

Nabiga wuxuu yiri:

“Waxaa laga badbaadinayaa muminiinta naarta, waxaana la istaajinayaa buundo u dhexeyso janada iyo naarta, markaa baa looga kala aarayaa dulmiyo dhexdooda eheyd markey aduunka joogen, marki la siffeeyana waxaa loo idmaa gelida janada, waxaan ku dhaartay kii nafta muxamad gacantisa ay ku jirtaye mid kood waa kayaqan guriga uu jannada ku leyahay kan uu ku lahaa adduunka.” [Bukhaari baa weriyay]

(Kow iyo toban)Jannada iyo Naarta

Waxaan rumeyneynaa janda in ay xaq tahay, naartana xaq tahay, jiraanna, dhamaaneynna, daaimna yihiin, naciimka ahlu janadana ma dhamaanayo mana suulayo, cadaabka ahlu naarka uu Allah ku xukmiyay in ay ku waaraanna weligii ma goayo, muwaxidiintana (Allah kali yeelay) waxaa looga saarayaa naarta haday galaan shafeeco qaaad, ama naxariista kan ugu naxariis badan kuwa naxariisto.

Janadana waa daarti karaamada ee Allah u diyaariayay, waxaa dhexdeeda ahaaday wabiyo socdo iyo qolol sareeyo, iyo naago wanaagsan, waxaana dhexdeeda ahaaday wax walba oy nafta jeceshahay, ishana macaansato ,ilna eyan arag,dheguna maqlin, qalbi basharna kusoo dhicin, ma dhamaanayo mana go ayo, iyagoo waarayo gudaheeda, in u dhiganto karbash oo ayada ka mid ah ayaa ka kheyr badan dunida iyo waxa dhexdeeda ahaaday, udgoon keedana wuxuu gaarayaa meel afartan sano loo socdo,naciimkeeda kan u weynna waa aragtida ay miminiinta indhahooda ka arkayaan rabigood.

Gaaladuna aragtida rabigood waa laga qariyay, qofki diiday oo inkiray aragtida mu’miniinta rabigood waxow kala mid dhigay gaalada loo diiday. Jannadana waa toban darajo, darajad walba iyo tan xigto waxaa u dhexeeyo inta u dhexeyso samada iyo dhulka oo kale, jannada u sareysana waa fardowso, carshiga Allah ayaana saqaf u ah, waxeyna leedahay sided albaab, albaab walbana labadiisa dhinac waxey isku jiraan inta ay isku jiraan maka iyo hajar, waxaana imaandoonto maalin uu cariiri la buuxo, ahlu janada kuwa ugu darajo hooseeyo waxey leeyihiin aduunka oo kale iyo tobankiis.

” أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ ”

[سورة  آل عمران الآية ١٣٣]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaa loo diyaariyay kuw Allah ka cabsaday.”

:وقال تعالي عن خلود أهل الجنة وأنها لا تفني

جَزَاؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ذَلِكَ لِمَنْ خَشِيَ رَبَّهُ

[سورة البينة الآية ٨]

Macnaha aayada waaa:

“Abaal marintooda Allah aktiisa waa jannooyinka cadni, waxaa socdo hoosteeda wabiyada ayagoo ku waaraya waligood, Allah haka raali noqday, iyaguna wey ka raali noqdeen, kaasna wuxuu u sugnaaday kuwa ka cabsaday rabigood.”

Naartana waa darti cadaabka, uu Allah u diyaariayay gaalada, iyo kuwa caasiyay, waxaa dhexdeeda ahaaday cadaab kan ugu daran iyo ciqaabyo kala duduwan, ilaaladeedana waa malaaik aad u adadag una daran, gaaladana way ku waarayaan, cuntadoodu waa zaquum (geed) cabitaan koodana wa biyo kulul, naarta aduunka waa qeybka mid ah todobaatan markii loo qeybiyo kulelka jahanamo, wexeyna dheer tahay lixdan iyo sagaal qeeb oo lamid ah ama ka kulul kana daran.

Nartaanna kama daaleyso qofki la dhexdhigo oo lagu turo salkeeda, iskaba dhaafee waxay leedahay siyaado majirtaa? Todobo albaab beyna leedahay, irid kastana waxay leedahay qadar qeybsan.

” أُعِدَّتْ لِلْكَافِرِينَ ”

[سورة  آل عمران الآية ١٣١]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaa loo diyaariyay gaalada.”

:وقال تعالي عن خاود أهل النار و أنها لا تفني

.وقال تعالي عن خاود أهل النار و أنها لا تفني، خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا لّا يَجِدُونَ وَلِيًّا وَلا نَصِيرًا

[سورة الأحزاب الآية ٦٤-٦٥]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Allah waa lacnaday gaalada wuxuuna u diyaariyay (Naarta Saciiro) ayagoo ku waaraya waligood.”

(3) – Miraha Laga Helayo Rumenta Maalinta Aakhiro

Rumenta maalinta aakhiro waxay leedahay miro waaweyn waxaana kamid ah:

1- Rabida falka daacaadka iyo ku dadalkeeda, ajir Allah laga rabo dartiis.

2- Ka baqida ficilka macaasidaa iyo in raali laga noqdo, cabsi laga cabsanayo cadaabka maalinkaas dartii.

3- Niyad dhisa mu’minka, uu ku ogaanayo waxa ku dhaafayo aduunka inuusan waxba aheyn, Allah wuxuu ka rajeynayana aakhiro ey ka weyn yihiin kana wanaagsan yihiin.

4- Rumenta soo saarida waxey asal u tahay sacaadada ruuxa iyo ummada, maxaa yeelay insaanka haduu rumeeyo Allah inuu soo sarayo khalqiga markey dhintan kadib, kuna xisaabinayo, abaal marinayana acmaashoda, ugana aarayo kan la dulmiyay dulmilowga, xataa xayawanka, ruuxi arinkaa rumeeyo wuxuu ku toosayaay daacadda Allah, sharta raadkeedna way go‘aysaa, kherkana umadoo dhan buu wada gaarayaa, wanaag iyo xasiloonidana caam bey noqoneysaa.

Tusmada Kitaabka
Akaanta Iimaanka

Horudhac

Mahad Allaah kaliya baa is kale, naxariis iyo nabad gelyana ha ahaato nabigeenna Muxammadﷺ dushiisa, iyo ehel kiisa iyo saxaaba diisa.

Intaa ka dib:

Fidinta culuumta islaamka waxay raad weyn ku leedahay sababna u tahay caddeynta xaqiiqada islaamka iyo sugidda arkaanta diinta iyo kor u qaadida ummadda. Hadaf kaa wanaagsan oo sharafta leh waaye kan ay u socoto sugiddiisa jaamacadda islaamka ee madiina, iyada oo u qaadeysa dhabbaha dacwada iyo tacliinta.

Sidaa darteed ayayna u istaagtay qeybta cilmi baarista ee jaamacadda in ay diyaariso mashruucyo cilmiyeeysan oo hadaf leh, waxaana ka mid ah baaritaanno sugan siffiicanna loo diyaariyay oo ku saabsan islaamka iyo wanaaggiisa, dadaal ay dadaaleyso awgiis si ayu gaarsiiso ummadaha islaamka macluumaatka kuwa ugu sugan uguna saxiixsan, kuwaas oo ku saabsan islaamka iyo caqiidadiisa iyo shareecadiisa.

Kitaab kaan ku saabsan (Arkaanta Iimaanka) waa mid ka mid ah baraamijta cilmiga ah ee qeybta cilmi baarista, waxaana diyaariyay qaar ka mid ah macalimiinta jaamacadda, kadibna waxaa dib u daraaseeyay guddi cilmiyeed ka tirsan qeybta cilmi baarista, si loo dhameystiro waxa ka dhiman, si uu ugu soo baxo kitaabkaan hab wanaagsan oo munaasab ah, iyagoo sheegaya mas’ala kasta daliiladeeda ku soo arooray kitaabka iyo sunnada.

Qeybta cilmi baarista jaamacadduna waxay uga gol leedahay daraasaddan fududeyn ay u fududeyneyso muslimiinta caalamka in ay helaan cilmi diineed nafci leh, sidaa darteed ayay u istaagtay in ay u tarjumto kitaabkaan luqadaha caalamiga ah, kadibna fidiso, gelisana internetka.

Waxaanna Allaah u weydiineynaa dowladda boqortooyada (Sucuudi Carabiya) inuu kheyr ka siiyo waxa dadaala oo ey u qabaneyso ummada islaamka iyo fidintiisa iyo difaaciisa, iyo waxa ey u qaddimeyso jaamacaddan oo gargaara.

Waxaan kaloo Allah (swt) weydiisaneynaa inuu dadka ku anfaco kitaab kaan, fududeeyana soo saaridda inta ka hartay mashruucyada ay fulineyso qeybta cilmi baarista ee jaamacadda, sidoo kale waxaan weydiisaneynaa Allah inuu na waafajiyo waxa uu jecel yahay raallina ka yahay, nagana yeelo kuwa u yeero hanuunka, xaqana u gargaara.

Naxariis Alle iyo nabad gelyana ha’ahaato nabi Muxammadﷺ dushiisa iyo ehel kiisa iyo saxaabadiisa.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Fadlan la soco qaybta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Rukniga 6aad oo ku saabsan Rumeynta (Qadarka) Alle (swt) soo dejiyay.

Lixda Rukni ee Arkaanta Iimaanka

Rukniga 1aad

Rukniga 2aad

Rukniga 3aad

Rukniga 4aad

Rukniga 5aad

Rukniga 6aad

Rukniga 1aad – Rumeynta Allah (caza wajalla)

  1. Xaqiijin tiisa
  2. Caddeynta Cibaadada
  3. Adillada Kalinimada Allaah

Rukniga 2aad – Rumeynta Malaa’ikta

  • (KOW): Caddeyn tiisa
  • (LABO): Sida loo rumeynayo malaa’ikta
  • (SADDEX): Magacda Malaa’ikta
  • (AFAAR): Tilmaanta malaa’ikta
  • (SHAN): Acmaasha malaa’ikta ay qabato
  • (LIX): Xuquuqda ey Malaa’ikta Ku Leeyihiin Bani Aadamka Miraha laga Helayo Rumeynta Malaa’ikta

Rukniga 3aad – Rumeynta Kutubta

  1. Xaqiiqada rumeynta kutubta
  2. Xukunka rumeynta kutubta
  3. Baahida ay u qabaan dadka soo dejinta kutubta iyo xikmadda ku jirta soo dejin teeda
  4. Sida loo rumeynayo kutubta
  5. Aqbalidda akhbaarta kutubtii hare
  6. Kutubta samaawiga ah oo ku soo aroortay quraanka iyo sunnada.

Rukniga 4aad – Rumeynta Rususha

  1. Rumeynta rususha nabadgelyo dushooda ha ahaatee
  2. Xaqiiqada nabinnimada
  3. Xikmada laga leeyahay diridda rususha
  4. Shaqooyinka rususha
  5. Islaamka waa diinka rususha oo dhan
  6. Rusushu waa bashar mana oga qeybka
  7. Dhowrsanaanta rususha
  8. Tirada anbiyada iyo rususha iyo kuwa ugu fadliga badan
  9. Mucjisaadka nabiyada
  10. Rumeynta nabinnimada nabigeenna muxammad naxariis Alle iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee.

 

Fadlan la soco qaybta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Rukniga 6aad oo ku saabsan Rumeynta (Qadarka) Alle (swt) soo dejiyay.

Rukniga 6aad – Rumeynta Qaddarka

  1. Caddeynta qadarka iyo ahammiyadda ay rumeyntiisa leedahay
  2. Darajooyinka qadarka
  3. Qeybaha qaddarka
  4. Caqiidada salafka ee ku sabsan qaddarka
  5. Falalka addoomanka
  6. Iswaafajinta uumidda Alle iyo falka addoonka
  7. Waajibka addoonka dushiisa ahaaday xagga qaddarka
  8. Ku raalli noqoshada xukunka iyo qadarka
  9. Hanuunku waa labo
  10. Iraadada (doonidda) ku jirta kitaabka Alle waa labo
  11. Asbaabta celiso Qadarta
  12. Qaddarka waa sirta Alle ee khalqigiisa
  13. Xujo ka dhigashada qadarka
  14. Qaadashada asbaabta
  15. Xukunka qofka inkiro qadarka
  16. Miraha uu leeyahay rumeynta qadarka

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Arkaanta Iimaanka

Download PDF

Qaybta cilmi baarista
Waxaa tarjumay kitaabkaan:
Abuu Anas C/qaadir Xusseen Dhuxulow

Advertisements