Waxyaalo Ilaahay Xarrimay
Dadkuna Fududeysteen In La
Isaga Digana Ay Waajib Tahay

Qaybta | 2aad

Fadlan halkan ka akhriso qaybta 1aad…

Waxaa qoray:
Al-Sheekh Maxamed Al-Munajid

Waxaa dib u qoray: Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Waxaa Af-Soomaali u Tarjumay:
Yuusuf Cabdul Casiis

Waxaa Naqtiimay oo Sharxay:
Al-Sheekh Cabdul Casiis Cabdullaahi Bin Baaz

Waxaa Af-Soomali Ku Tarjumay oo Naqtiimay:
C/Muncim Yusuf Sheekh.

Decorative Lines

bism Allah

لحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

HORUDHAC

Ilaahay ayaa mahad leh isaga ayaan Ku shukriyeynaa, oo kaalmaysanaynaa, oo dambi dhaaf weydiisanaynaa, llaahay ayaan ka magan galaynaa nafteena sharteeda iyo acmaasheena xun. Qofkii llaahay hanuuniyo cidna ma baadiyeyn karto, qofkii llaahay baadiyeeyana cidna ma hanuunin karto. Waxaan markhaati ka ahay llaahay mooyee Kaah kale oo xaq lagu caabudo in uusan jirin, waxaan kaloo markhaati ka ahay Nabi Muxamedﷺ adoonkii llaahay iyo rasuulkiisii inuu yahay intaa kadib:

llaahay wuxuu waajibiyey waxyaalo waajib ah oo aysan banaaneyn in la dayaco, wuxuuna jeexay xuduud aysan banaaneyn in la dhaafo.

Qaybta | 2aad

Tanni waa qaybtii labaad, fadlan halkaan ka akhriso Qaybta koowaad…

Maalinta Jimcaha Aadaanka
Labaad Kadib oo Wax La IIbiyo

llaahay wuxuu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِي لِلصَّلاةِ مِن يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَوْا إِلَى ذِكْرِ اللَّهِ وَذَرُوا الْبَيْعَ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ

[سورة الجمعة الآية ٩]

Dadka wax iibiya waxay sii wadaan inay waxa ku iibiyaan dukaamadooda ama masaajidda hortooda aadaanka labaad ee jimcaha ka dib, kuwaas waxaa dambiga la wadaagaya kuwa wax ka gadanaya rumayba ha ku ahaatee sida raajixa ah iibkaasi waa baadil, dadka iska leh maqaayadaha, foornooyinka iyo warshadaha qaarkood waxay ku qasbaan shaqaalahooda inay waqtiga salaadda jimcaha shaqeeyaan, kuwaas in kastoo aad moodid inay faa’iideen hadana dhab ahaantii wax aan khasaare ahayn ma ay siyaadsan.

Qofka shaqaalaha ah waxaa ku waajib ah inuu ku shaqeeyo hadalkii Nabigu yiri (scw):

“لا طاعة “لبشر” في معصية الله، إنما الطاعة في المعروف”

(أخرجه البخاري (13 / 203 – فتح) ومسلم (6 / 15)
(وأبو داود (2625)والنسائي (2 / 187) والطيالسي (109) وأحمد (1 / 94

Qamaarka Iyo
Bakhtiyaanasiibka

llaahay wuxuu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالأَنصَابُ وَالأَزْلامُ رِجْسٌ مِّنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

[سورة المائدة الآية ٩٠]

Dadkii hore ee jaahiliga ahaa waxay isticmaali jireen qamaarka qaabka ugu badan ee ay u isticmaali jireen wuxuu ahaa hal rati ayaa toban qof si isla’eg ugu shirkoobaan ka dibna waa loo qori tuuri, oo markaa toddoba qof ayaa qaadan tirooyin is dheer oo ay isla yaqaanaan, seddex qofna waxba qaadan mayaan.

Maantana qamaarku dhowr qaab ayuu leeyahay waxaa ka mid ah: waxa loo yaqaan bakhtiyaanasiib wuxuuna leeyahay qaabab badan, kuwa ugu sahian waxaa ka mid ah in lacag lagu iibsado lanbaro lagana soo dhex saaro qofka koowaad ee guuleystay lana siiyo abaal gudka koowaad, qofka labaadna la soo saaro, oo sidaas oo kale lagu sameeyo, .oo sidaa lagu bixiyo abaal gudyo dhowr ah oo qiimohoodu kala duwan yahay, taasina waa xaaraan haddii xataa ay ku magacaabaan samafal.

Waxaa kaloo ka mida In qofku soo gato alaab gudaheeda ay ku jiraan waxaan la aqoon ama lasiiyo lambarmarkuu gato alaabta oo markaas lambarkaas lagu xadido dadka ku guuleystay abaal gudka. Qaababka qamaarka ee maanta jira waxaa ka mid ah heshiisyada caymiska ganacsiga ah, kuna saabsan nolosha, gaadiidka, badeecada iyo gubashada iyo caymiska guud ahaaneed iyo caymiska cid kale ku saabsan iyo wixii la mid ah ee qaabab kala duwan leh, xataa fanaaniinta heesta qaar ayaa codkooda caymis galiya.

Haddaba dhammaan qaababka qari iska tuurka ah waxay soo galayaan qamaarka, maanta waxaa la helayaa golayaal iyo meelo u gaar ah qamaarka, waxaa ku jira waxa loo yaqaan miisaska ciyaaraha oo loogu tala galay in lagu sameeyo danbigaas weyn, taas waxaa la mid ah sharadka la isu xirto marka ay ciyaarayaan kooxaha kubadda cagta iwm, taasina waa nooc qamaarka ka mid ah waxaa kale oo Iaga helaa meelaha lagu ciyaaro iyo meelaha lagu nasto noocyo ka mid ah cayaaraha la isticmaalo oo ay ku jirto fikradda qamaarka sida tan ay ku magacaabaan (ALfalaybers).

Tartanada iyo baratankuna waa seddex qeybood:

1- Wixii qasakoodu sharci yahay waa banaan yahay haddii abaal gud loo sameeyo iyo haddii kaleba sida tartanka awrta fardaha tuuryada shiishka, taas waxaa soogalaya tartanka cilmiga sharciga sida quraan xifdinta sida raajixa ah.

2- Wixii naf ahaantiisa isaga banaan sida ciyaarta kubadda cagta iyo tartanka orodada haddii iaga saaro wixii xaaraan ah sida salaadda oo la dayaco iyo cawrada oo la feydo markaa way banaan tahay abaal gud la’aan.

3- Wixii naf ahaantiisa u xaaraan ah ama xaaraan keenaya sida fasaadka lagu magacaabo tartanka boqoradda quruxda tartanka feerka ay ku jirto wajiga la iska dilo waa xaaraan, ama tartanka loo qabto wananka hardankooda iyo digaaga isqaniinaya iyo wixii la mid ah.

TUUGADA

llaahay wuxuu yiri:

وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُواْ أَيْدِيَهُمَا جَزَاء بِمَا كَسَبَا نَكَالاً مِّنَ اللَّهِ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

[سورة المائدة الآية ٣٨]

Jariimada tuuganimada kuwa ugu weyn waxaa ka mid ah in wax Iaga xado dadka xujeyda ah iyo kuwa guriga llaahay camiraya, dadka tuugada noocaasa ah waa kuwo aan qiimo u yeelin xuduuda llaahay, iyagoo jooga meesha dhulka ugu fadli badan iyo agagaarka guriga llaahay.

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

xadiis-1

Tuuga nimada ugu weyn waxaa kamid ah in la xado xoolaha dad weynaha, dadka arrin taa sameeya qaar kooda waxay yiraah daan sida dad kale u xadaan ayaynu u xadayn naa, mana ay ogga in taasi tahay xadid ay muslimiinta oo dhan xadeen, waayo! yoolaha dad weynahu wuxuu ka dhaxeeyaa muslimiinta oo dhan, ficilka ay ku kaceen dadka aan Ilaahay ka baqeyn ma aha mid xujo u noqon kara in lagu daydo, dadka qaar ayaa xada xoolaha gaalada ayagoo xujo ka dhiganaya inay gaalo yihiin taasina sax ma aha, gaalada ay banaan tahay in xoolahooda la qaato waa gaalada la diriraysa muslimiinta ee ma soo galayaan shirkadaha iyo dadka gaalada ah oo dhan, qaababka wax loo xado waxaa ka mid ah in dadka kale jeebkooda gacanta loo rito iyado la jeebsiibayo, qaarna waxay galaan dadka guryahooda iyagoo booqanaya markaasey xadayaan, qaarna waxay xadaan boorsooyinka dadka soo martiya, qaarna waxay soo galaan meelaha ganacsiga markaas ayey alaabta ku qarsadaan jeebabkooda iyo maryahooda ama sida dumarka qaarkood sameeyaan oo ah inay maradeeda hoosteeda alaabta ku qarsato, dadka qaar waxay fududeysteen xadida waxyaalaha yar yar ama qiimaha yar.

Nabiguna wuxuu yiri (scw):

عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال
.لعن الله السارق يسرق البيضة فتقطع يده ويسرق الحبل فتقطع يده

Waxaa ku waajib ah qof walba oo wax xada inuu u celiyo qofkii lahaa markii uu llaahay u toobad keeno ka dib, waa isku mid in alaabta caddaan loo celiyo iyo inuu qof kale usii dhiibo, hadduu waayo qofkii alaabta iskalahaa ama ciddii dhaxalkiisa lahayd uuna aad u raadiyey wuu sadaqeysanayaa ajarkana wuxuu u niyeysanayaa qofkii alaabta Iaga soo xaday.

In Laaluush
La Qaato Ama La Bixiyo

Qaaliga ama qofka dadka kala xukumaya in laaluush la siiyo si uu qof xaqi u duudsiyo ama arin baadil ah uu u socodsiiyo waa jariimo, waayo waxay keeneysaa in aan cadaalad wax lagu xukumin iyo in la dulmiyo qofkii xaqa lahaa iyo in fasaadka la fidiyo.

llaahay wuxuu yiri:

وَلاَ تَأْكُلُواْ أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِلِ وَتُدْلُواْ بِهَا إِلَى الْحُكَّامِ لِتَأْكُلُواْ فَرِيقًا مِّنْ أَمْوَالِ النَّاسِ بِالإِثْمِ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ

[سورة البقرة الآية ١٨٨]

Abu hureyra waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan oo ahaa:

لعن الله الر اشي والمرتشي في الحكم

(رواه أحمد)

Wixiise ku yimaada qofka isago xaqiisa dhacsanaya ama isago dulmi iska celimaya oo aysan u suuro gali karin inuu laaluush bixiyo mooyee soo gali maayo goodiga la sheegey. Waayahaan laaluushku aad ayuu u fiday ilaa uu u noqday shaqaalaha qaarkood il dhaqaale oo ka weyn mushaaradooda, balse wuxuu ka mid noqday qodab ka mid ah miisaaniyadda shirkado badan, isagoo cinwaan daboolan leh, waxayna noqotay inaan arrimo badan labilaabin ama aan la dhameyn in laaluush labixiyo mooyee, taasina waxaa dhib weyn ka soo gaartay dadka sabooolka ah waxaana ku halaabay xuquuq badan, waxayna sabab u noqotay in shaqaaluhu ku xumaadaan dadkii ay u shaqaynayeen, shaqo fiican loo qaban maayo qofkii aan laaluush bixin, qofkii aan laaluush bixin shaqo xun ayaa loo qaban ama waa la daahin ama danba Iaga gali maayo, dadkii laaluushka bixiyey oo isaga ka danbeeyeyna mar hore ayaa loo dhameeyey arintoodii, laaluush sababti ayaa xoolo ka mid ahaa xaq uu lahaa qofka loo shaqeynayey galeen jeebabka shaqaalaha wax sii gada ama kuwa wax soo gada.

Arimahaas aan soo sheegnay iyo kuwo kaloo la yaab ma leh in Nabigu (scw) uu ku habaaray dadka jariimadaan shirkada ku ah iyo ciddii ka qeyb qaadatayba in llaahay ka dheereeyo raxmadiisa.

Waxaa Iaga wariyey Cabdullaahi Bin Cumar (rac) inuu yiri Nabigu (scw):

لعن الله علي الر اشي والمرتشي

(رواه إبن ماجه)

Dhulka oo La Boobo

Haddii qofka Iaga waayo cabsida llaahay qofka awoodiisa iyo xeeshiisu waxay ku noqotaa dhibaato, wuxuuna u adeegsanayaa dulmi sida inuu boobo dadka kale xoolahooda taas waxaa ka mida dhulka oo la boobo, arrintaa cuquubadeedu aad ayey u daran tahay.

Waxaa Iaga wariyey Cabdullaahi Binu cumar xadiis Nabiga gaarsan oo ah:

من أخد من الأرض شيئا بغير حقه خسف به يوم القيامة إلي سبع أرضين

(رواه البخاري)

Waxaa Iaga wariyey Yaclaa Binu Murrah (rac) xadiis Nabiga gaarsan:

أيما رجل ظلم شبرا من الأرض كلفه الله أن يحفره (وفي الطبر اني: يحضره)
(حتي أخر سبع أرضين ثم يطوقه يوم القيامة حتي يقضي بين الناس

(رواه الطبراني)

Taas waxaa soo galaya in la bedalo calaamadaha iyo xuduuda dhulka oo qofku dhulkiisa ku durkiyo dariskiisa waana taas lagu ishaaray hadalkii Nabigu (scw) yiri oo ahaa:

(لعن الله من غير منار الأرض)

(رواه مسلم)

Qofka oo Haddiyad Laga
Qaato Marka Loo Shafeeco

Qofku inuu waji iyo darajo ku leeyahay dadka dhexdooda waa nicmooyinka llaahay adoonkiisa uu siiyo hadduu ku shukriyo, nicmadaan ku shukrinteeda waxaa ka mida inuu isku dayo inuu muslimiinta ku anfaco, taasna waxay soo galaysaa guud ahaan hadalkii Nabigu yiri:

.من استطاع أن ينفع أخاه فليفعل

.(رواه مسلم)

Qofkii wajigiisa ku anfaco qof muslim ah oo dulmi ka celiyo ama khayr u soo jiida isagoo aan wax danbi ah galin ama aan ku xad gudbin xaq qof kale leeyahay llaahay agtiisa ajar ayuu ku leeyahay, haddii niyadiisu khaalis tahay sida Nabigu (scw) arrintaas u sheegay:

إشفعوا تأجروا

.(رواه أبوداود)

Mabanaana in qof wax ku qaato shafeeco iyo waasido waxaana u daliil ah xadiiskii Abu Umaama Iaga wariyey oo Nabiga gaarsan:

.من شفع لأحد شفاعة، فأهدي له هدية (عليها) فقبلها (منه) أتي بابا عظيمامن أبو اب الربا

.(رواه أحمد)

Dadka qaar ayaa soo bandhigaya inay wajigooda iyo waasadooda ay ku qaadanayaan lacag ay ku shardinayaan shaqada ay qabanayaan sida in qof shaqo la qoro ama Iaga bedalo wasaarad, ama gobol oo meel kale loo bedalo ama qof jiran in la daweeyo IWM. sida raajixa ahna lacagtaas waa xaaraan waxaana u daliil ah xadiiskii Abu Umaama ee aan soo marnay, balse xadiiska daahirkiisa waxaa soo galaya wax qaadashada oo dhan haddii xataa uusan hore u shard in, qofka khayrka sameynaya waxaa ku filan ajarka llaahay siinayo oo uu aakhiro helayo.

Nin ayaa u yimid Xasan Binu Sahal isagoo ka doonayo inuu u shafeeco oo dan u dhameeyo wuuna u dhameeyey markaasaa ninkii u yimid isago u mahad noqaya, Xasan Binu Sahal wuxuu ku yiri maxaad nooga shukriyeysaa, anagu waxaan aragnaa in wajigu sako leeyahay sida xooluhu sako u leeyihiin.

Waxaa wanaagsan inaan halkaan ku ishaarno farqiga u dhaxeeya in qof loo ijaaro inuu arin soo dhameeyo oo uu dabo galo oo uu la socdo uuna qaato ujro, taasina waa arin galaysa baabka ujrada banaan iyadoo wadata shuruucdeeda sharciga ah, iyo in qofku wajigiisa wax ku waasideeyo oo ku shafeeco oo lacag ku qaato taasi waa xaaraan.

Shaqaalaha oo Lagu
Shaqeysto oo Aan
Ujuuradiisa La Siin

Nabigu wuxuu dhiiri gaiiyey in qofka shaqaalaha ah degdeg loo siiyo xaqiisa wuxuuna yiri:

أعطوا الأجير أجره قبل أن يجف عرقه

(رواه ابن ماجه)

Dulmiga ka dhaca dad weynaha muslimka ah waxaa ka mid ah in shaqaalaha iyo dadka la soo kireysto aan la siin xaqooda taasina waxay ku dhacdaa dhowr si: In qofka loo shaqeynayey shaqaalaha xaqoodii oo dhan inkiro, shaqaaluhuna uusan haysan wax cadeynah, kaas xaqiisu hadduu aduunka ku dhumo aakhiro llaahay agtiisa ku dhumi maayo, aakhiro waxaa la keenayaa qofkii daalimka ahaa oo qofkii uu dulmiyey xoolihiisii cunay, markaasaa qofkii wax dulmiyey xasanaadkiisii waxaa la siinayaa kii la dulmiyey, xasanaadku markii ay dhamaadaan ayaa danbigii qofkii la dulmiyey kii wax dulmiyey dusha Iaga saari ka dibna naarta ayaa lagu tuurayaa.

In shaqaalaha xaqiisii aan lawada siin oo wax Iaga naaqusiyo llaahay wuxuu yiri isagoo arinkaa ka hadlaya:

وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ ”

[سورة المطففين الآية ١]

Taas matalkeeda waxaa ka mid ah dadka shaqooyinka ieh hadday ka keensadaan shaqaale wadankoodii oo hashiis kula soo galay mushahar go’an, markay ku soo xirmaan oo ay shaqadii bilaabaan heshiiskii ayuu wuxuu u bedelaa mushaaro tii hore ka yar, markaasay karaahiyo kula joogaan, mana awoodi karaan inay xaqoodii cadaystaan, markaasay arintooda llaahay u bandhigaan, haddii qofka shaqada Ieh oo wax dulmiyey uu muslim yahay kan la dulmiyeyna gaal yahay naaqusintaas xaqiisii aan la siin waxay noqoneysaa mid ka hor istaagta inuu soo islaamo.

– In shaqaalaha shaqadii loogu daro mid dheeraad ah ama lagu dheereeyo saacadihii shaqada oo mushaarkiisii mooyee aan wax kale la siin, inuu saacado dheeraad ah shaqeystana aan loo ogolayn.

– In shaqaalaha la warwareejiyo oo aan wixiisii la siin in lagu dabo joogo oo la dacweeyo oo maxkamadda la tago mooyee, waxaa dhici karta qofka shaqada Ieh daahintaas inuu ula jeedo in shaqaaluhu iska quusto oo uu xaqiisii ka tago oo uusan waxba weydiisan, ama uu ula jeedo inuu ka faa’iideysto xoolaha shaqaalaha oo uu ku shaqeysto, qaarna ribo ayey ka qaataan, shaqaalihiina ma haystaan waxay ku qadeeyaan iyo waxay u diraan carruurtoodii iyo xaasaskoodii oo baahan oo uu qurbaha daraadood ay u soo aadeen. Kuwaas duimiiowyada ah cadaab kulul ayey leeyihiin maalinta qiyaame, waxaana Iaga wariyey Abu Hureyra (rac) in Nabigu (scw) uu yiri:

.روى البخاري في صحيحه من حديث أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال

“قَالَ اللّه: ثَلَاثَةٌ أَنَا خَصْمُهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، رَجُلٌ أَعْطَى بِي ثُمَّ غَدَرَ، وَرَجُلٌ بَاعَ حُرًّا فَأَكَلَ ثَمَنَهُ، وَرَجُلٌ اسْتَأْجَرَ أَجِيرًا فَاسْتَوْفَى مِنْهُ وَلَمْ يُعْطِه أَجْرَهُ ”

Carruurta oo Aan Wax Siinta
Loogu Caddaalad Falin

Dad ayaa waxay yeelaan inay carruurtooda qaar ka mid ah siiyaan, oo ku gaar yeelaan wax aysan carruurta kale siin, taasina sida raajixa ah waa danbi weyn haddii aysan jirin sabab sharci ah oo keentay, sida inay jirto baahi u gaar ah oo kuwa kale aysan qabin, sida jiro ama deyn lagu leeyahay ama abaal gud quraanka xifdigiisa lagu siiyey ama inuu shaqo waayey ama reer xaas weyn uu yahay, ama uu yahay arday cilmi u go’ay, aabuhuna waa inuu niyeystaa hadduu carruurtiis mid ka mid ah uu sabab sharci ah oo uu la gaar yahay awgeed wax ku siiyo in haddii mid ka mid ah carruurta kale sabab taas oo kale ku imaan lahayd uu siin lahaa sida uu kii hore u siiyey, daliilkaguud ahaaneed oo arintaas waa:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُونُواْ قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاء بِالْقِسْطِ وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُواْ اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ

[سورة المائدة الآية ٨]

Daliilka gaar ahaaneedna waa xadiiskii Iaga wariyey Nucmaan Ibnu Bashiir oo ahaa: In aabihi uu Nabiga u yimid oo uu ku yiri” wiilkeygaan waxaan u hadiyeeyey adoon aan lahaa \ Nabigu wuxuu ku yiri:” carruurtaada oo dhan asaga oo kale ma siisay? wuxuu yiri: maya, Nabiga wuxuu yiri” ka celi”.

Riwaayad kale waxay ahayd inuu yiri:

”llaahay ka cabsada oo carruutiina u cadaalad fala, wuxuu yiri wuu noqday oo ka celiyey wixii uu siiyey,”

Riwaayad kale waxay ahayd in Nabigu uu yiri:

“Haddaba markhaati ha iiga dhigan anigu dulmi markhaati ka noqon maayee”.

Carruurta marka wax loo qeybinayo wiilka waxaa la siiyaa wixii gabadhu qaadato labanlaabkeed sida dhaxalka, sidaa waxaa qaba imaam Axmed Allaha u naxariistee.

Qofkii u siidhaba gala xaalada qoysaska qaarkood wuxuu ogaanayaa inay jiraan aabeyaal aan llaahay uga baqeyn inay ku kala fadilaan carruurtooda wax siinta, markaasaa qaarba qaarka kale u caroonayaa, wuxuu ku dhex abuurayaa cadaawad, waxaa iaga yaabaa inuu mid wax siiyo waayo wuxuu u egyahay adeeradi kuwa kalena wuu u diidayaa waayo waxay u egyihiin abtiyaashood, ama xaasaskiisa mid ka mid ah carruurteeda ayuusan wax siineyn carruurta kalena wuu siinayaa, waxaa Iaga yaabaa inuu xaasaskiisa mid ka mid ah carruurteeda iskuul geeyo kuwa kalena uusan geyn taasina isaga ayey dib ugu soo noqon, ilmaha wax loo diido sida badan uma baari noqdaan aabihi waaga damba, Nabigu (scw) wuxuu ku yiri qofkii ku kala fadilay carruurtiisa wax siinta” sow ku farximaysid inay si isku mid ah kuugu baari ahaadaan”. Axmed ayaa wariyey.

Dadka oo Baahi La’aan
Wax La Weydiisto

Suhayl Ibnu Xandalah waxaa Iaga wariyey inuu yiri Rasuulku wuxuu yiri:

من سأل وعنده ما يغنيه فإنما يستكثر من جمر جهنم، قالوا وما الغني الدي لا تنبغي معه المسالة؟ قال قدر مايغنيه و يعشيه

.(رواه أبو داود)

Waxaa Iaga wariyey Ibnu Mascuud (rac) inuu yiri Rasuulku wuxuu yiri:

:عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

” مَنْ سَأَلَ وَلَهُ مَا يُغْنِيهِ ، جَاءَتْ مَسْأَلَتُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ خُدُوشًا ، أَوْ خُمُوشًا ، أَوْ كُدُوحًا فِي وَجْهِهِ ” ، قِيلَ : يَا رَسُولَ اللَّهِ وَمَا يُغْنِيهِ ؟ ، قَالَ : ” خَمْسُونَ دِرْهَمًا ، أَوْ قِيمَتُهَا مِنَ الذَّهَبِ ” ، فَقَالَ رَجُلٌ لِسُفْيَانَ : إِنَّ شُعْبَةَ لَا يُحَدِّثُ ، عَنْ حَكِيمِ بْنِ جُبَيْرٍ ، فَقَالَ سُفْيَانُ : قَدْ حَدَّثَنَاهُ زُبَيْدٌ ، عَنْ مُحَمَّدِ بْنِ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ يَزِيدَ

Dadka yaboohsada qaarkood waxay ka istaagaan masaajida waxayna hor istaagaan ummadda llaahay iyagoo wardiga tuugsigooda uga kala gooynaya, qaarkoodna been ayey sheegaan, warqado been ah ayey qaataan waxay isku duwdaan sheekooyin, waxaa Iaga yaabaa inay dadka qoyskoodu ka kooban yahay ay masaajida u qaybiyaan oo ay wax ka aruursadaan ayna isaga gooshaan masaajida, iyagoo ku jira xaalad ay ka deeqtoon yihiin oo llaahay uun garanayo, haddii ay dhintaan uun ayey muuqaneysaa xoolihii ay ka tageen, dadka iyaga ka soo hara oo ah dadka baahan oo dhabta ah dhowr sanaan tooda awgeed qofkii aan aqoon wuxuu moodayaa inay maal qabeen yihiin, dadka wax waydiisan mayaan dadkuna ma fahmayaan oo ku sadaqeysan mayaan.

In Qofka Deynsado Deyn
Uusan Dooneyn In uu Bixiyo

Dadka xuquuqdoodu llaahay agtiisa wey ku weyn tahay, waxaa Iaga yaabaa in qofku xaqa llaahay ku leeyahay uu towbad keen uga baxo, laakiin xuquuqda dadku ku leeyahay sina loogama fakan karo in la bixiyo inta aysan imaan maalin aan la isku kala xukumayn diinaar iyo dirham midna, laakiin la isku kala xukumaayo xasanaad iyo danbiyaal.

Ilaahayna wuxuu yiri:

إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّواْ الأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا

[سورة النساء الآية ٥٨]

Dad weynaha wax yaalaha ku dhex faafey waxaa ka mid ah in la sahlado deyn qaadashada, dadka qaar ayaa u deynsanayn baahi daran, ee wuxuu u deynsan inuu is balaariyo, iyo inuu dad kale kula tartamo awgeed, inuu iska badelo gaariga, alaabta guriga, i.w.m. Oo ah alaab iyo qalab dhamaanaya, dadkaas in badan waxaa wareerka galiya qaabka iibka haftada, kaasoo in badan oo ka mid ahi aysan ka marneyn shubho ama xaaraan.

Deyn qaadashada oo la fududeysto waxay ku hogaamineysaa in bixinteeda la warwareejiyo ama ay keento in dadka xoolihiisa la dhumiyo ama la baabi’iyo, Nabiguna wuxuu yiri isagoo ka digaya arrintaas cirib xumadeeda:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ أَخَذَ أَمْوَالَ النَّاسِ يُرِيدُ أَدَاءَهَا أَدَّى اللَّهُ عَنْهُ وَمَنْ أَخَذَ يُرِيدُ إِتْلَافَهَا أَتْلَفَهُ اللَّهُ

[ البخاري، ابن ماجه، أحمد ]

Dadku deynta aad ayay u fududeystaan waxayna u malaynayaan inay fududahay, llaahay agtiisana waa ku weyn tahay, balse qofka shahiidka ah inkasta oo uu leeyahay wax weyn oo ga?r ah, ajar weyn iyo martabo sareysa haddana ka nabad gali maayo waxa ka yimaada deynta, waxaa u daliil ah hadalkii uu yiri Nabigu (scw):

حَدَّثَنَا الْعَلاءُ ، عَنْ أَبِي كَثِيرٍ مَوْلَى مُحَمَّدِ بْنِ جَحْشٍ ، عَنْ مُحَمَّدِ بْنِ جَحْشٍ ، قَالَ : كُنَّا يَوْمًا جُلُوسًا فِي مَوْضِعِ الْجَنَائِزِ مَعَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، فَرَفَعَ رَأْسَهُ فِي السَّمَاءِ ، ثُمَّ وَضَعَ رَاحَتَهُ عَلَى جَبْهَتِهِ ، فَقَالَ :

” سُبْحَانَ اللَّهِ مَاذَا نَزَلَ مِنَ التَّشْدِيدِ ” ، فَسَكَتْنَا وَفَرِقْنَا ، فَلَمَّا كَانَ الْغَدُ سَأَلْتُهُ : مَا هَذَا التَّشْدِيدُ الَّذِي نَزَلَ ؟ قَالَ : ” فِي الدَّيْنِ ، وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لَوْ أَنَّ رَجُلا قُتِلَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ، ثُمَّ أُحْيِيَ ، ثُمَّ قُتِلَ ، ثُمَّ أُحْيِيَ ، ثُمَّ قُتِلَ ، وَعَلَيْهِ دَيْنٌ ، مَا دَخَلَ الْجَنَّةَ حَتَّى يُقْضَى دَيْنُهُ ”

[رواه النسائي]

Haddaba intaas ka dib malaga yaabaa in kuwa fududeysta oo xad gudba ay ilaaliyaan dadka xaqooda.

Xaaraanta oo La Cuno

Qofkii aan llaahay ka baqeyn dan kamalaha meeshii uu xoolo ka kasbayo iyo meeshii uu ku bixinayo, balse hamigiisu waa siduu u siyaadin lahaa kaydkiisa xaraan ama booliba ha ahaadee, kaas oo uu ku keenay xadid ama laaluush ama booli ama is daba marin ama iib xaaraan ah, ama ribo ama xoolo agoomeed ama shaqo xaaraan ah, wuxuu ka kasbay caraafeysi, macsi, heesaha, ama inuu ku xad gudbo bangiga muslimiinta iyo xoolaha dad weynaha ama dadka xoolahooda oo shaxaad lagu qaato, ama baryo aan baahi u heyn iyo wixii la mid ah, ka dibna uu cuno, labisto oo gaadiid ka fuulayo, oo guri ka dhistay ijaarto, alaabo guri ka gato kaasi calooshiisa wuxuu galinayaa xaaraan.

Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

” قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “كل لحم نبت من سحت فالنار أولى به”

[رواه الإمام أحمد في ‏‏مسنده]

Maalinta qiyaame waxaa la weydiinayaa xoolihiisa meesha uu Ka kasbay iyo wixii uu ku bixiyey, markaas ayey imaanaysaa halaagu iyo khasaaradu, qofkii xoolo booli ah heysta waxaa ku waajib ah inuu u deg dego sidii uu isaga saari lahaa, hadday yihiin xaq qof kale leeyahayna ha u deg dego sidii uu u celin lahaa isga oo weydiisanaya inuu cafiyo inta aan la gaarin maalinta aan la isku kala xukmineyn diinaar iyo dirham midna ee la isku kala xukumaayo xasanaad iyo danbiyo.

Khamrada oo La Cabo
Dhibicba Haku Ahaatee

llaahay wuxuu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالأَنصَابُ وَالأَزْلامُ رِجْسٌ مِّنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

[سورة المائدة الآية ٩٠]

Amarka loo adeegsadey ka fogaanta asaga ayaa ah da^iitka ugu xoog badan oo tusaya xaaraannimada khamrada waxaa lagu xiriiriyey Ansaab oo ah gaalada llaahooda iyo Asnaamtoodii, haddaba xujo uma laabna duulka oranaya llaahay ma oran waa xaaraan ee wuxuu yiri (فَاجْتَنِبُوه) ka fogaada.

Sunada Nabiganu (scw) waxaa ku soo aroorey goodi ku wajahan qofkii khamrada caba, waxaa Iaga wariyey Jaabir xadiis Nabiga gaarsan:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” كُلُّ مُسْكِرٍ حَرَامٌ ، إِنَّ عَلَى اللَّهِ عَزَّ وَجَلَّ عَهْدًا لِمَنْ يَشْرَبُ الْمُسْكِرَ أَنْ يَسْقِيَهُ مِنْ طِينَةِ الْخَبَالِ ” ، قَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، وَمَا طِينَةُ الْخَبَالِ ؟ ، قَالَ : ” عَرَقُ أَهْلِ النَّارِ أَوْ عُصَارَةُ أَهْلِ النَّارِ

[رواه مسلم]

Ibnu Cabbaas waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

:عن ابن عباس – رضي الله عنه – قال
قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: من مات وهو مدمن خمر , لقي الله كعابد وثن

Khamrada iyo waxyaalaha lagu saqraamo maanta aad ayey u noocyo bateen oo waxaa tiro batay magacyadoodii carabiga iyo cajamta ahaa, waxay u bixiyeen biira, jumca, kuxuul, caraq, foodka, shambaaniya i.w.m. Ummaddaana waxaa ka soo baxay qoladii Nabigu ku sheegay hadalkiisii:

:قال رسول الله (صلى الله عليه وسلم
(ليشربن أناس من أمتي الخمر يسمونها بغير اسمها)

[رواه أحمد]

Waxay u bixiyeen cabitaanka Ruuxiga, intay oran lahaayeen khamro iyagoo qarin iyo dagid uga jeeda.

llaahay wuxuu yiri:

يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلاَّ أَنفُسَهُم وَمَا يَشْعُرُونَ

[سورة البقرة الآية ٩]

Shareecadu waxay la timid xeer weyn oo lagu soo af jarayo laguna dabar goynayo fitnada isdaba marinta ah, kaa soo ku soo aroorey hadalkii Nabigu yiri (scw) oo ahaa:

Nabigu wuxuu ka loo yiri:

كل مكر خمر، وكل مسكر حرام

[رواه مسلم]

Wax walbo oo caqliga dooriya oo sakhraamiya intiisa badan iyo intiisa yariba waa xaraan, si walba oo magacyada loo tiro badiyo oo ay u kala duwanaadaan magacu waa iskumid xukunkana waa la yaqaan.

Ugu danbeyntii tani waa waanadii Nabigu ku waaniyey dadka khamrada caba wuxuuna yiri:

:عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
مَنْ شَرِبَ الْخَمْرَ وَسَكِرَ لَمْ تُقْبَلْ لَهُ صَلاةٌ أَرْبَعِينَ صَبَاحًا وَإِنْ مَاتَ دَخَلَ النَّارَ ، فَإِنْ تَابَ تَابَ اللَّهُ عَلَيْهِ، وَإِنْ عَادَ فَشَرِبَ فَسَكِرَ لَمْ تُقْبَلْ لَهُ صَلاةٌ أَرْبَعِينَ صَبَاحًا ، فَإِنْ مَاتَ دَخَلَ النَّارَ ، فَإِنْ تَابَ تَابَ اللَّهُ عَلَيْهِ، وَإِنْ عَادَ فَشَرِبَ فَسَكِرَ لَمْ تُقْبَلْ لَهُ صَلاةٌ أَرْبَعِينَ صَبَاحًا ، فَإِنْ مَاتَ دَخَلَ النَّارَ ، فَإِنْ تَابَ تَابَ اللَّهُ عَلَيْهِ ، وَإِنْ عَادَ كَانَ حَقًّا عَلَى اللَّهِ أَنْ يَسْقِيَهُ مِنْ رَدَغَةِ الْخَبَالِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ . قَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، وَمَا رَدَغَةُ الْخَبَالِ ؟ قَالَ : عُصَارَةُ أَهْلِ النَّارِ

[صححه الألباني في صحيح ابن ماجه]

Haddii ay sidaa tahay xaaladda dadkii cabayey wixii lagu sakhraamayey, sidee noqoneysaa xaaladda dadka isticmaala waxa ka sii xun oo ah maandooriyaha ama daroogada.

In La Isticmaalo Weelasha
Dahabka Iyo Qalinka Ama Wax
Lagu Cuno oo Wax Lagu Cabo

Waxay u dhowdahay in meelaha alaabta maacuunta lagu gado aysan ka marnaan weelai dahab iyo qalin ah, ama lagu dheehay dahab iyo qalin, waxaa la mid ah guryaha dadka maalqabeenka ah iyo hoteelada qaarkood, balse weelashaasi waxay ka mid noqdeen waxyaalaha munaasabaadka ay isu hadiyadeeyaan, dadka qaar ayaa Iaga yaabaa inaysan gurigooda dhigan laakin ay ku isticmaalaan dad kale guryahooda iyo alia barigooda, waxaas oo dhan shareecada ayaa lagu xarimay, Nabigana waxaa ka soo aroorey goodi kulul oo ku wajahan isticmaalida weelashaas, Umu Salama waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Xukunkaa waxaa soo galaya wixii alaab iyo maacuun cunto ah, sida suxuunta, fargeetooyinka, malgacadaha, midiyaha, alaabta martida wax loogu geeyo iyo culbadaha xalwada lagu keeno aroosyada iwm.

Dadka qaar ayaa yiraahda anagu isticmaalimeyno ee qurux ahaan ayaa u dhiganayaa meesha alaabta la saarto oo muraayadaha gadaashooda ah, taasina ma banaana iyadoo jid gooyo lagu sameynayo isticmaalkooda

Shahaado Suurka

llaahay wuxuu yiri:

Cabduraxmaan Bin Abii Bakar (rac) wuxuu ka wariyey aabihi inuu yiri Nabiga anagoo la joogna ayuu yiri:

Shahaado suurka ka digidiisa in lagu celceliyo waxaa keenaya dadkii oo sahladay iyo asbaabta keenaysa oo badan, taas ooayka mid tahay cadaawadda, xasadka iyo waxa ka ratibmaya oo fasaad badan ah, imisaa xuquuq ayaa ku dhuntay shahaado suur, imisaa dad beri ah shahaado suur sababteed dulmi ugu dhacay, ama dad ku qaateen wax aysan lahayn, ama dad la siiyey abtirsiinyo aysan lahayn, ayadoo shahaado suur loo tixgaliyey.

Shahaado suurka fududeysigiisa waxaa ka mid ah waxa dadka qaarki ku sameeyaan maxkamadaha oo ay ka mid tahay inay ku yiraahdaan qof ay dariiqa isku arkeen markhaati ii noqo aniguna markhaati ayaan kuu noqon, markaas ayuu uga markhaati noqonayaa arin u baahan in Iaga war qabo xaqiiqda iyo xaaladda, sida inuu uga markhaati noqdo lahaansho guri, ama dhul ama qof cadaynti isaguna uusan ku arag ilinka maxkamadda iyo dariiqa mooyee, taasina waa been abuur waxaana haboon in shahaadadu noqoto sida ku soo aroortay kitaabka llaahay.

Gitaarka Iyo Muusikada
oo La Dhageysto

Ibnu Mascuud (rac) wuxuu ku dhaaran jiray heesaha in looga jeedo hadalka llaahay oo ah:

[]

Waxaa Iaga wariyey Abuu Caamir iyo Abuu Maalik Al-ashcari in Nabigu yiri:

Anas waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Nabiguna wuu reebay gurbaanka oo la tumo, muzmaarkana wuxuu ku sheegay inuu yahay codka qofka axmaqa munaafiqa ah, culumadii hore sida imaan Axmed Allaha u naxariistee waxay sheegeen inay xaaraan tahay qalabka fanka iyo kan wax lagu tumo sida cuudka, turunbada, shabaabadda, rabaabada, iyo sanjiga. waxaan shaki ku jirin qalabka fanka ee cusub inuu soo galayo xadiiska Nabiga (scw) uu ku reebay qalabka wax lagu garaaco, sida kamanka, qaanuunka, organka, bayaanu, giitaarka iyo kuwa kale, balse ayagaa xagga tumida, marqaanka iyo saameynta kaga weyn qalabkii hore ee qadiimka ahaa ee xarimidiisu ku soo aroortay axaadiista Nabiga (scw) qaarkood.

Balse marqaanka muusikada iyo ku sarqaankeeda ayaa ka weyn ku sarqaanka khamrada, siday sheegeen culumadu sida Ibnul Qayim iyo kuwa kale, waxaan shaki ku jirin inay xaaraanimadeedu sii adkaaneyso danbiguna sii weynaanayo haddii ay muusakada raacdo heeso iyo luuqadeyn sida codka Qiinaadka oo ah gabdhaha heesa oo fanaaniinta ah, musiibadu waa sii weynaan marka miraha heesuhu noqdaan caashaq iyo jacey! iyo quruxda dumarka oo ia faaleeyo, sidaa awgeed culumadu waxay heesaha ku sheegeen boostada sinada, uuna qalbiga ku beero munaafaqnimo, guud ahaan maanta heesuhu waxay noqdeen fitnooyinka ugu waaweyn ee jira.

Waxyaabaha balaayada siyaadiyey maanta waxaa ka mid ah in muusikadii gashay waxyaalo badan sida saacadaha, ganbaieelada, qalabka caruurtu ku ciyaarto, kombuyuutarka, iyo qalabka telefoonka qaarki, in Iaga fogadana waxay noqotay arrin go’aan u baahan llaahay ayaa kaalmo ieh.

XANTA

Goleyaal badan oo dadku fariistaan waxaa looga faakiheystaa xanta muslimiinta iyo in wax la yeelo sharaftooda, taasina waa arin llaahay ka reebey adoomihiisana ka dalbay inay ka fogaadaan, wuxuuna ku matalay qaab ia nacayo oo naftu ka yaqyaqsanayso llaahay wuxuu yiri:

Nabiguna wuxuu ku caddeeyey macnaha xanta hadalkiisii:

Xantu waa inaad muslinka ku sheegto ceeb uu leeyahay oo in lagu sheego uu nacayo, waa isku mid haddii ay yihiin waxa lagu xamanayo wax ku saabsan jirkiisa ama diintiisa ama adduunyadiisa ama naftiisa ama akhlaaqdiisa ama abuuritaankiisa, waxayna leedahay dhowr qaab oo ay ka mid tahay in qofka ceebtiisa la sheego ama si jeesjees ahaana looga sheekeeyo, dadkuna waa iska sahlanayaan arrinta xanta isagoo llaahay agtiisa ku ieh ficilkaasi foolxumo, taasna waxaa tusinaya hadalkii Nabigu yiri (scw):

Waxaa ku waajib ah qofka golaha fadhiya inuu munkarka reebo oo uu difaaco walaalkiisa la xamanayo, Nabiguna arintaa dadka waa jecleysiiyey wuxuuna yiri:

IS KU DIRKA

Arinta ah in dadka hadalka loo kala qaado si la isugu diro weli kama ay suulin inay tahay asbaabta ugu weyn ee keenta in xiriirka la isku jaro oo xiqdiga iyo cadaawada dadka lagu dhex huriyo, falkaas qofkii sameeya llaahay waa caaayey, llaahay wuxuu yiri:

Xudeyfa waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Qataatku waa qofka dadka oo aan ogeyn dhageysta ka dibna xanta, Ibnu Cabaas waxaa Iaga wariyey inuu yiri Nabigu (scw) wuxuu soo marey beer ka mid ah beeraha Madiina markaas ayuu ka maqlay cod laba qof oo lagu cadaabayo qabrigooda, markaasaa Nabigu yiri “waa la cadaabayaa wax weyna lagu cadaabi maayo, ka dib wuxuu yiri balse waa weyn tahay midkood wuxuu ahaa mid aan kaadida iska duwin, kan kalena xan ayuu la wareegi jirey”. Bukhaari ayaa wariyey.

Qaababka xun ee falkan leeyahay waxaa ka mid ah in ninku ku gabood falo xaaskiisa ama taa lidkeeda, taas oo ah mid keeneysa in xiriirkoodu xumaado, taas waxaa la mid ah in shaqaalaha qaarkood ku kacaan inay qaar ka mid ah hadalkooda u gudbiyaan maamulaha ama mas’uulka iyagoo isku dirayo si ay qofkaas dhib u gaarsiyaan, taasna waxay ka mid tahay waxyaalaha la xarimey.

Dadka Guryahooda oo
Idan La’aan La Daawado

llaahay wuxuu yiri:

Nabiguna (scw) wuxuu yiri isagoo caddeynaya cilladda idan qaadashada inay tahay iyado iaga baqayo in la eego dadka guryaha Ieh cowradooda:

Maantana iyadoo ay jirto in guryuhu isku dhowyihiin, daaruhuna dhinaca isku hayaan, daaqaduhuna isku beegan yihiin waxay aad ugu dhawdahay inay dhicdo in darisku is arko, dad badanina indhahooda maiaabaan, waxaaba iaga yaabaa in qaarka degan xagga sare ay u qasdaan inay ka soo eegaan daaqadahooda iyo dushooda sare guryaha la deriska ah ee ka hooseeya, taasina waa xaaraan iyo deriska oo xurmadiisa lagu xad gudbey waana dariiq xaaraan lagu gaaro, arintaas sababteeda waxaa ku dhacay fitno iyo balaayo badan, arinta khatarteeda waxaa daliil ugu filan in shareecadu qisaas la’aan ka dhigtay isha qofka fiirsada dadka guryahooda, Rasuulku wuxuu yiri:

Ruwaayad kalena waxay ahayd:

Saddex Qof oo Labo
Kii Saddexaad Ka Foqdo

Arintaani waxay ka mid tahay aafada goleyaasha 1a fariisto ka dhacada iyo talaabooyinka sheydaanka si uu muslimiinta u kaia geeyo oo qalbigooda isugu huriyo, Nabiguna wuxuu yiri isaga oo caddeynaya xukunka iyo ciiiaddaba:

Taas waxaa soo galaya in afar qof seddex kan afaraad ka foqdo iwm, waxaa la mid ah in seddex qof labo ku hadasho luuqad gaaroo kan seddexaad uusan fahmeyn, shakina kuma jiro in ka faqiddu qofka seddexaad ku tahay nooc xaqiraad ah ama ay moodsiineyso inay shar la doonayaan.

ISBAAL

(Ragga oo Dharka Hoos U Dheereysta)

Waxyaalaha dadku u malaynayo inay fudud yihiin llaahay agtiisana ku weyn waxaa ka mid ah isbaalka oo ah dharka oo Raggu hoosu dheereysto gaarsiiyana meel ka hooseysa gomada, qaarna ay dhulka dharkooda taabsiiyaan, qaarna dhulka ayey ku jiidaan. Waxaa Iaga wariyey Abuu Dar (rac) xadiis Nabiga gaarsan oo ah:

Qofka oranaya aniga isbaalka maradeydu kibir maha, waa qof naftiisa ku amaaney amaan aan la qaadan karin, goodiga ku soo aroorey musbilkuna waa mid guud ahaaneed ama ha u jeedo kibir ama yuu u jeedine, sida uu tusayo hadalkii Nabigu (scw):

Hadduu marada u dheeraysto faanfaan cuquubaddii waxay noqon mid daran oo weyn sida ku soo aroorey hadalkii Nabiga (scw):

Waayo wuxuu kulmiyey labo shay oo muxaram ah, isbaalkuna muxaram ayuu ku yahay dharka oo dhan sida uu tusayo xadiiskii Ibnu Cumar ee Nabiga gaarsan:

Qofka dumarka ah waxaa loo ogoi yahay inay hoos u raariciso ilaa taako ama dhudhun si ay u asturto gomaadaheeda dadaal ahaan, iyadoo ka baqeysa in dabayshu cowradeeda feydo iyo wixii la mid ah, laakiin mabanaana inay xadkaas dhaafto sida dharka aroosyada, kaasoo dhererkiisu gaarayo taakooyin iyo dhudhumo waxaaba Iaga yaabaa in iaga daba sido.

Ragga oo Isku Qurxiya Dahabka
Qaabkii uu Doono Ha Noqdee

Waxaa Iaga wariyey Abi Muusaa Aiashcari xadiis Nabiga Iaga wariyey:

Suuqyada maanta waxaa yaal qaar ka mid ah waxyaalaha la sameeyey oo ragga loogu tala galey oo ay ka mid yihiin saacadaha, ookiyaalayaasha, guluusyada, qalimaanta, silsiladaha, biladaha oo lagu sameeyey miisaano kaladuwan oo dahab ah, ama dheehid kaamil ah lagu dheehay dahab, waxyaalaha munkarka ah waxaa ka mid ah abaal gudka loogu talo galay tartamada kaarkood sida saacado rag oo dahab ah, ibnu Cabbaas waxaa Iaga wariyey (rac) in Rasuulku arkay far gashi dahab ah oo nin gacanti ku jira markaas ayuu inta ka siibey tuurey oo yiri:

In Dumarka Labisto Dhar
Gaaban, Khafiif ah oo Ciriiri Ah

Waxaa ka mid ah waxyaalaha cadowgeenu nagula soo duulay maanta dharka iyo moodooyinka ay dajiyeen qaababkeeda iyo tolmooyinkeeda laguna dhex faafiyey muslimiinta dhexdooda, dharkaas oo aan cowro astureyn gaabnidiisa ama khafiifnimadiisa ama ciriirinimadiisa, qaar badan oo ka mid ah ma banaana in la labisto xataa dumarka dhexdooda iyo maxaarimta hortooda, Nabiguna wuu inoo sheegey inay aakhirusamaanka soo bixi doonaan noocyo labiska ka mid ah oo dumarku xirtaan, sida ku soo aroortey xadiiskii Abuu Hureyra oo Nabiga (scw) gaarsan:

Waxaa soo galaya labiskaas midkay labistaan dumarka qaarkood oo ah kan dhinaca hoose in dheer ka furan ama dhowr dhinac ka jeexan, hadday fariisato waxaa muuqanaya oawradooda, iyadoo ay jirto isu ekeysiinta gaalada iyo ku raacida moodooyinka iyo waxay keenaan oo dhar fadeexad Ieh ah, llaahay ayaan nabad gelyo weydiisaneynaa, waxyaalaha khatarta ah waxaa ka mid ah sawirada xun ee dharka qaarki ku yaal, sida sawirada kuwa heesa, kooxo muusikada tuma, quraarado khamro ah iyo sawirada waxyaabaha nool ee shareecada ku xaaraanta ah ama calaamadda kirishtada ah ama hal ku dhigyo ay leeyihiin kooxo iyo ururo xun, ama oraah liidata oo sharafta iyo dhowrsanida wax u dhimeysa, taasoo badanaaba ku qoran af qalaad.

Ragga ama Dumarka
oo Timahooda Ku Xiriiriya
Timo Aadane Ama Cid Kale

Waxaa Iaga wariyey Asmaa’ Bintu Abii Bakar inay tiri: qof dumar ah ayaa Nabiga u timid waxay ku tiri Rasuulkii llaahayow waxaan leeyahay gabar aroos ah waxaa ku dhacay cudurka jadeecada markaasaa timihii ka daateen ee timo kale ma ugu xiriiriyaa?

Markaasaa Nabigu yiri:

Jaabir Bin Cabdullaahi waxaa Iaga wariyey inuu yiri:

Taas masalkeeda waxaa ka mid ah waxa maanta loo yaqaan buruukada waasilaatkuna waa (dumarka timaha xiriirya) maanta waxaa ka mid ah waasilaatka koofeerada iyo waxay soo bandhigayaan oo munkarka ah.

Falkaa la xarimay matalkiisa waxaa kale oo ka mid ah labisashada timaha buruukada sida ay sameeyaan kuwa aan akhlaaqda lahayn qaarkood oo ay ka mid yihiin ragga iyo dumarka jila filimada iyo ruwaayadaha.

Ragga oo Dumarka Isu Ekeysiiya
Iyo Dumar oo Ragga Isu Ekeysiiya
Xagga Dharkaa, Hadalka Iyo Qaabka

Fidrada llaahay u jideeyey adoomihiisa waxaa ka mid ah in raggu ilaaliyaan ragnimada llaahay ku abuurey, dumarkuna ilaaliyaan dumamimada llaahay ku abuurey, taasna waa asbaabta la’aanteed aysan nolosha dadku hagaageyn, in raggu dumarka isu ekeysiiyaan ama dumarku ragga isu ekeysiiyaan waa arrin khilaafsan fidrada, albaab fasaadsna fureysa diin la’aana fidineysa, falkaas xukunkiisu sharci ahaan waa xaaraan, naska sharciga ah haddii ay ku soo aroorto lacnad la lacnadayo qofkii falkaas sameeya waxay tuseysaa arinkaa xaaraanimadiisa iyo inuu ka mid yahay danbiyada waaweyn (kabaa’irta ). Waxaa Iaga wariyey Ibnu Cabbaas xadiis Nabiga gaarsan:

Isu ekeysiintu waxay noqon kartaa xagga dhaqdhaqaaqa, degenaanta, socodka, jirka oo labeebshe Iaga dhigo, hadalka iyo socodka oo la naageeyo. Isu ekaantu waxay kaloo ka imaan kartaa xagga labiska, oo ninka uma banaana inuu xirto silsilado ama jijimo, dugaagadaha lugaha, ama dhegodhego iyo wixii la mid ah, siday ugu faafsan tahay dadkaan la yiraahdo hebiska iyo nimow naageeshka iyo wixii la mid ah, sidoo kale uma banaana qofta dumarka ah inay xirato dharka raggu xirto sida khamiiska, shaarka iyo wixii la mid ah, balse waxaa waajib ah inay qaabka iyo tolmadaba ku khilaafto ragga, inay waajib tahay in labada jinsi midba mid kale khilaafo waxaa u daliil ah xadiiska Iaga wariyey Abii Hureyra (rac) oo Nabiga gaarsan:

Timaha oo Madow Lagu Aslo

Waxaa sax ah in falkaas lagu xarimay goodiga lagu sheegey hadalkii Nabigu yiri:

Falkaasi wuxuu ku dhex faafey dadka ciradu ka soo baxday, cirada waxay ku. bedelaan inay mariyaan madow, falkaasi wuxuu keenayaa fasaad uu ka mid yahay dagid iyo inuu qariyo abuurta llaahay iyo inuu u muuqdo xaalad aan xaaladiisa runta ah ahayn, shakina kuma jiro intaasi raad ku yeelanayso suluuga qofka, waxaaba ka imaan karta in lagu kadsoomo, Nabiga waxaa ka soo aroorey inuu cirada ku doorin jirey xinaha iyo wixii la mid ah oo guduud ama booraboorow ku jiro ama wixii u dhow Nabiga midabkiisa, markii loo keenay Abii Quxaafa maalintii Maka la furay oo madaxiisa iyo garkiisa xoosh cad yihiin wuxuu ku yiri:

Waxaa sax ah in naagtu ninka la mid tahay oo aysan u banaanayn inay timaheeda aan madoobayn ay madow mariso.

In Wixii Noole Ah Lagu Sawiro
Dharka, Gidaarka, Warqadaha
Iyo Wixii La Mida

Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Abii Hureyrana waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

llaahay wuxuu yiri:

Ibnu Cabbaasna waxaa Iaga wariyey Xadiis Nabiga gaarsan:

Axaadiistani waxay tuseysaa inay xaaraan tahay in la sawiro wax noole ah oo aadane ah ama xayawaan kale ah, hoos ha lahaadeen ama yuu lahaanine, waa isku mid haddii sawiradu yihiin kuwa la daabacay ama la sawiray ama la qoday ama la naqshadeeyey ama la qoray ama la shubay iwm.

Axaadiista sawiraada xarimaysa waxaas oo dhan way soo wada galayaan, qofka muslimka ahina waa inuu u hogaansamaa nusuusta sharciga ah waan in uusan ku doodin oo oran:

Anigu sawirka caabudimaayo una sujuudi maayo haddii uu qofka wax garadka ah eego oo u dhaba galo hal xumaana oo faafida sawirku keenayso maanta, wax ayuu ka garan lahaa xikmada ay shareecadu ka leedahay markii ay xarrimtay sawirka, taasoo keentay waxyaalaha jira oo xumaanta waa weyn ah oo ay ka mid tahay dadka shahwada llaahay ku abuurey oo la kiciyo oo la dhaqaajiyo, balse waxay sababtay in la gaaro in macsi lagu dhaco, qofka muslimka ah waxaa ku haboon inuusan gurugiisa dhigin wax sawiro nafle ah si aysan sabab ugu noqon in gurigiisa aysan Malaa’iktu soo galin.

Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Cirada guryaha qaarkood waxaa yaal sawiro la qorey oo qaarkood gaaladu waxay caabudaan ah guryaha ayaa loo dhigtaa tuxfad ahaan iyo quxux ahaan taas xaaraanimadeedu kuwa kale ka sii daran, sidoo kale sawirada gidaarada la suro waa ka daran yihiin kuwa aan la surayn, imisa jeer ayay xumaan weyn keentay, imisa jeer ayey tiiraanyo soo noolaysay, imisa jeer ayey isu faanid keentay, lama oran karo sawirku waa xusuus waayo xusuusta dhabta ah qalbiga ayaa loogu hayaa qofka qaaliga ah ama qaraabada ah oo muslimka ah, waxaana loogu duceeyaa danbi dhaaf iyo naxariis.

Haddaba waxaa haboon in la bixiyo sawirada oo dhan ama la baabi’iyo, wixii in la suuliyo ay adag tahay mooyee oo dhib ku jiro sida sawirada sida ba’an u faafey oo ku dhegan culbadaha iyo sawirada ku yaal qaamuusyada, maraajicda iyo kutubta Iaga faa’iideysto, iyada oo lagu dadaalayo in la suuliyo markii ay suuro gasho lagana digtoonaado sawirada xun, sidoo kale waxaa la haysan karaa sawirada baahida loo qabo sida kuwa ku dhagan teesarayaasha qofku sito, culumada qaarkoodna waxay baneeyeen sawirada la ihaanaysto sida kuwa la isku taago

Riyada oo Laga Been Sheego

Dadka qaar ayaa waxay been abuuraan riyo iyo manaam aysan arag si ay dadka dhexdiisa ugu yeeshaan fadli dheeraad ah ama xurmo ama uu u heio nafac iyo xoolo ama inuu ku cabsi geliyo qof kale oo ay cadaawad ka dhaxayso iwm. Dad kale oo caamada ah qaarki wax kale ayay ka aaminsan yihiin manaamka waana ku dhagan yihiin, marka beentaas ayaa lagu khayaanayaa, goodi aad u daran ayaa ku soo aroorey qofkii falkaas sameeya Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Qofka falkaas la yimaada waxaa lagu kalifaa inuu labo xabo oo qamadi ah isku xiro, labo xabo oo qamadi ahna in la isku xiro waa arin aan suuro gal ahayn, markaa falkii uu la yimid oo kale ayaa lagu ciqaabay.

Qabriga oo Lagu Fadhiisto
Ama Lagu Istaago
Ama Loo Kortago

Waxaa Iaga wariyey Abu Hureyra inuu yiri Rasuulku (scw) wuxuu yiri:

Qabriga oo lagu istaago waxaa sameeya dadka qaarki markay aasayaan qofka kadhintadan kama laha inay qubuurta kale ku istaagaan marmar kabaha ayey kula istaagaan qubuurta dariska ah iyagoon ixtiraamayn maydadka kale, arintaa weynanka ay leedahay Rasuulku wuxuu ka yiri:

Sidee noqonayaa qofka xoogaya dhulka qabrigu ku yaal oo ka dhisaya mashruuc ganacsi ama deegaan. Qubuuraha in loo kor tago oolagu xaajo guto waxaa sameeya dad aan wanaagsaneyn, oo haddii xaajo qabto oo uu damco inuu xaajo guto wuxuu ka boodaa gidaarka qubuurta ama wuu galaa markaas ayuu ku dhibaa dadka dhintay qurunkiisa iyo najaasadiisa, Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

Yacni, in qabri lagu xaajo guto foolxumadeedu waxay la mid tahay in dadka hortooda oo suuqa ah cawrada lagu fayto oo lagu xaajo guto, qolada qashinka iyo qurunka ku tuurta qubuurta gaar ahaan kuwa Iaga guuray oo gidaakoodii jajabay goodigaas wax ayay ku leeyihiin, aadaabta la iska doonayo marka qubuurta la siyaaranayo waxaa ka mid ah in kabaha la siibo marka ia doonayo in qubuurta lagu dhex socdo..

Kaadida oo Aan La Iska Duwin

Waxyaalaha ay shareecadaanu ku fiican tahay waxaa ka mid ah inay la timid wax walba oo qofka xaalkiisu ku wanaagsanaanayo, taas waxaa ka mid ah in najaasada la iska suuliyo, sidaas awgeed ayaa la jideeyey istinjada iyo istijmaarka waana la cadeeyey qaabka la isu nadiifinayo, dadka qaar ayaa fududaysta najaasadda suulinteeda, taasina waxay u keentaa inay wasakhoobaan dharkoodii ama jirkoodii, taasina waxay keentaa in salaadoodii ansixi weydo Nabiguna wuxuu sheegay in falkaasi ka mid yahay sababta cadaabta qabriga, Ibnu Cabbaas waxaa Iaga wariyey inuu yiri Nabiga (scw) ayaa soo marey beer ka mid ah beeraha Madiina markaas ayuu maqlay labo qof oo lagu cadaabayo qabrigooda codkood markaasuu yiri:

Balse Nabigu wuxuu sheegay in cadaabta qabriga badankeedu kaadida ka timaado, kaadida iska duwid la’aanteeda waxaa soo galaya qofka xaajo gudashada degdeg uga istaagaya inta aan kaadidu ka dhamaan ama ku kaadiya xaalad ama meel kaadida ku soo celinaysa, ama inuu ka tago istinjada iyo istijmaarka ama uusan danayn, isu ekeynta gaalada maanta waxay gaartay in suuliyada (musqulaha) qaarkood ay leeyihiin meelo lagu xaajo guto oo gidaarka ku dhegan iyadoo iska muuqata, qofka ayaa imaanaya oosixishood rado ah ugu kaleetiyaya dadka soo galaya iyo kuwa baxaya hortooda, ka dibna maradiisa ayuu kor u qaadan oo najaasadii ku labisan, markaa wuxuu noqonayaa mid kulmiyeylaba arimood oo xaaraan fool xun ah tan hore waa inuu cawradiisa dadka aragooda ka ilaashan waayey tan labaadna waa inuusan kaadidii iska ilaaiin iskana dhammeyn.

In La Dhageysto Dad
Sheekeysanaya Sheekadood
Iyaga oo Nacaya

llaahay wuxuu yiri:

Ibnu Cabbaas waxaa Iaga warieye xadiis Nabiga gaarsan:

Hadduu warkooda gudbinayo iyagoon ogeyn si uu dhib u gaarsiiyo, danbigii jaasuusnimada wuxuu ku darsaday danbi kale isaga oo soo galaya xadiiskii Nabigu (scw) yiri:

Qataat waa qofka dadka warkooda dhageysta iyagoon dareemayn ka dibna gudbiya.

DARIS XUMADA

llaahay kitaabkiisa wuxuu inoogu dardaarmay dariska:

Dariska in la dhibo waxay ka mid tahay muxarramaadka waaweyn xaqiisa waynankiisa awgeed, Abii Shurayx waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Amaanta darisku dariskiisa amaano ama cayda uu caayo Nabigu wuxuu qiyaas uga dhigay daris wanaaginta ama daris xumaynta, Ibnu Mascuud waxaa Iaga wariyey inuu yiri 11 nin ayaa Nabiga ku yiri Rasuulkii llaahayow sidee ku ogaadaa inaan wanaag falay.

Nabigu wuxuu ku yiri: “haddii aad maqasho dariskaaga oo ieh waad wanaajisey, wanaag ayaad samaysay, haddaad maqashidna iyagoo Ieh xumaan ayaad fashayn, xumaan ayaad fashay Dariska dhibidiisu waxay leedahay dhawr qaab oo kala duwan waxaa ka mid ah in loo diido inuu loox ku muto gidaarka aad wadaagtaan, ama in dhismo kor loo qaado oo la dulkeeno oo Iaga qariyo qoraxda ama hawada idan la’aanti ama in gurigiisa daaqadaha lagu furo si loo eego cawradiisa, ama in qaylo lagu dhibo sida garaacid iyo dhawaaq waqtiga hurdada iyo waqtiga la nasanayo, ama in carruurta Iaga dilo iyo in qashinka lagu daadiyo albaabkiisa, Danbigu waa weynaanayaa ciqaabtuna waa sii laban laabmaysaa haddii danbi Iaga galo dariska dhaw Nabigu (scw) wuxuu yiri:

Khaa’iniinta qaarkood waxay ka faa’iidaystaan qofka dariskooda ah habeenka uu maqan yahay oo shaqada ku qoran yahay markaasay gurigiisa galayaan oo fasaadinayaan cadaab kulul ayey leeyihiin maalinta qiyaame.

Dardaaranka oo La Isku Dhibo

Xeerarka shareecada waxaa ka mid ah inaadan dhib geysan adna aan lagu dhibin, taas matalkeeda waxaa ka mid ah in la dhibo dadkii dhaxalka sharciga ah lahaa ama qaarkood, qofkii falkaas la yimaada waxaa loogu goodiyey hadalkii Nabigu (scw) yiri:

qaabka dardaaranka la isugu dhibo waxaa ka mid ah in qof dadka dhaxalka sharciga lahaa loo diido xaqiisa, ama in loo dardaarmo qof dadka wax dhaxlaya ah in ka badan wixii shareecadu siisay, ama loo dardaarmo in ka badan seddex meelood meel, meelaha aysan dadku hoos joogin dowlad shareecada wax ku kala xukminaysa way ku adkaanaysaa qofku inuu qaato xaqiisii llaahay siiyey, sababna ay u tahay maxkamadaha ku dhaqma xukunka la dejiyey oo khilaafsan sharciga llaahay, taasoo faraysa in ia fuiiyo dardaaranka aan caddaalada ahayn ee Abuukaataha agtiisa lagu qorey, gacantoodu waxay qortay halaag ayey ku mutaysteen halaagna way shaqaysanayaan.

Naradka (Warbac)
oo La Ciyaaro

Waxay ka kooban yihiin ciyaaro badan oo faafay oo dadku isticmaalo waxyaalo xaaraan ah taas waxaa ka mid ah ciyaarta loo yaqaan Naradka ama warbaca (suhar) taas oo ciyaarteedu tahay rarid iyo dhaqaajin lagu sameeyo ciyaaro badan sida tan miiska iyo wixii la mid ah, Nabiguna waa ka digay naradkaa oo furaya albaabada qamaarka iyo turubka.

Nabigu wuxuu yiri:

Abii Muusaa waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Mu’minka ama Cid aan
Muteyssan oo la Lacnado

Dad badan ayaan carrabkooda qaban karin hadday caroodaan waxay ku degdegayaan lacnada, markaasay waxay lacnadaan dadka, xayawaanka, dhirta, maaimaha iyo saacadaha, baise waxaa Iaga yaabaa inay lacnadaan naftooda iyo carruurtooda, iyo in ninku naagtiisa lacnado ama lidkeeda, taasina waa arrin munkar ah oo khatar ah, waxaa Iaga wariyey Abii Zayd Thaabit Binu Addaxaak Al-Ansaari (rac) xadiis Nabiga gaarsan:

Lacnadda oo dumarku aad u isticmaalaan Nabigu wuxuu caddeeyey inay ka mid tahay sababaha ay naarta ku galayaan, sidoo kale dadka wax lacnada Aakhiro ma noqonayaan kuwa shafeeca, waxaa ka khatarsan in lacnadu ku soo noqonayso qofkii ay ka soo baxday haddii uu dulmi ahaan ugu dhawaaqay markaas ayuu ahaanayaa qof naftiisa ku habaaray in llaahay cayriyo oo ka dheereeyo naxariistiisa.

BAROOR DIIQA

Waxyaalaha munkarka waaweyn ah waxaa ka mid ah waxa dumarka qaarki sameeyaan oo ah inay kor u qeyliyaan, iyagoo maydka amaanaya waxaa kaloo ka mid ah inay marada jeexaan, inay wajiga iska dharbaaxaan iyo inay timaha xiiraan ama inay isku xiraan timaha oojaraan, waxaas oo dhan waxay ku tusaysaa inaan Iaga raali ahayn qadarta llaahay, iyo inaan musiibada lagu sabrayn, Nabigu waa lacnaday qofkii falkaa la yimaada Abii Umaama (rac) waxaa Iaga wariyey in Nabigu (scw) uu lacnaday qofka dumarka ah ee wajiga iska xagata, tan jeebka iska jeexda iyo tan ku ducaysata hooga iyo halaaga.

Ibnu Mascuud waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Wajiga oo La Isku Dhufto
Ama Wajiga OO la Sunto

Jaabir waxaa Iaga wariyey inuu yiri:

“Nabigu wuu reebay in qof wajiga lagu dhufto ama xoolaha wajiga Iaga sunto”.

Qofka oo wajiga lagu dhufto, aabayaasha iyo macallimiin badan ah ayaa markay carruurta ciqaabayaan wajiga waxay kaga dhuftaan dharbaaxo iyo wax la mid ah, sidaas oo kale dadka qaar ayaa ku sameeya shaqaalahooda iyadoo taasi ku jirto xumaan la xumaynayo wajigii llaahay dadka ku karaameeyey, ayaa haddana waxay keenikartaa in dareemayaasha wajiga ku aruursan qaar ka mid ah uu beelo oo ay timaado shalayto, waxaaba dhici karta in loo qabsado qisaas.

Xoolaha wajiga Iaga sunto, waa calaamad gaar ah oo qofka xoolaha Ieh xoolihiisa ku aqoonsado ama si loogu soo celiyo haddii ay ka dhumaan, falkaasina waa xaaraan waxaana ku jira doorin iyo ciqaabid, haddii dadka qaar xujo ka dhigtaan in sumadaasi calaamad gaar ah u tahay qabiilkooda waxay yeeli karaan inay sumada ku dhigtaan meel aan wajiga ahayn.

Qofka Muslimka Ah oo
La Gooyo Wax Ka Badan
Saddex Beri Sabab
Sharci ah La’aanteeda

Shaydaanka talaabooyinkiisa waxaa ka mid ah in muslimiinta uu dhexdhigo inay is gooyaan, in badan oo dadkaas ka mid ah waxay raaceen talaabooyinka Shaydaanka waxayna ku goynayaan walaalahooda muslimiinta ah asbaab aan sharci ahayn, xoolo ayaa la isku khilaafi ama meel xum ayaa la kala istaagi, markaas ayaa is goyntii soconaysaa sanooyin waxaa Iaga yaabaa inuu ku dhaarto inuusan la hadlin oo uu ku nidro inuusan gurigiisa galin, hadduu dariiqa kula kulmana wuu ka jeensan, hadduu gole la fadhiyo ugu yimaadana qofka ka horeeya iyo kan ka danbeeya ayuu salaamayaa tsagana wuu ka talaabsan, taasina waxay ka mid tahay asbaabta daciiftsa dad weynaha muslimka ah, sidaa awgeed arintaas xukunkeedu waa mid go’an, goodigeeduna wuu daran yahay Abii Hureyra waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Abii Kharaash Al-Aslami waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

In muslimiintu isgooyaan xumaan waxaa ugu filan in Iaga reebo danbi dhaafka llaahay, Abii Hureyra waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Labada qof ee isu caraysan haddii mid llaahay u toobad keeno waxaa Iaga doonayaa inuu kii kale u tago oo salaan ku bilaabo, haddii uu sidaas falo oo kii kale ka diido kii salaanta bilaabay waa beri noqday danbigiina wuxuu ku harayaa kii slaanta diiday, Abii Ayuub waxaa Iaga wariyey xadiis Nabiga gaarsan:

Haddiise goyntu tahay sabab sharci ah sida salaadda oo uu ka tago, ama macsi uu ku dhagan yahay, haddii goyntu u faa’iideynayso qofka gafsan oo uu wanaaga ugu soo laabanayo ama ay xumaanta xusuusinayso, goyntu waajib ayey noqon, haddiise dambiluhu uusan ka siyaadsanayn fogaan, cararid iyo cinaad mooyee, oo uu danbi uun kororsanayo, markaas goyntu ma soconayso waayo wax maslaxad sharci ah keeni mayso, balse waxay siyaadinaysaa fasaad uun, markaa waxa waajib ah in la joogteeyo ixsaanka, waanada iyo xusuusta, sidii Nabigu u gooyay Kacab Binu Maalik iyo labadiisii saaxiib markuu arkay inay maslaxadi ku jirto, isla markaana uusan goyn Cabdullaahi Binu Saluul ‘ iyo munaafiqiintii, waayo maslaxaddu inaan la goyn ayay ku jirtey ugu danbeyntii intaas ayaa ii fududaatay inaan ka aruuriyo Muxarramaadka dadka ku dhex faafey.

Tuuganimada ugu weyn waxaa ka mid ah in la xado xoolaha dad weynaha, dadka arintaa sameeya qaarkood waxay yiraahdaan sida dadka kale u xadaan ayeynu u xadeynaa, mana ay oga in taasi tahay xadid ay muslimiinta oo dhan xadeen, waayo xoolaha dad weynuhu wuxuu ka dhaxeeyaa muslimiinta oo dhan, ficilka ay ku kaceen dadka aan llaahay ka.

Qoraaladaan waxaan ka soo xigsanay oo aan dib uga qornay file PDF ah, waxaadna ka Download gareen kartaa halkaan akhris wacan.

Wajazaakum Allaahu Khayran.

Abuu Kalthuma 

DECOLINE1

Waxaa qoray:
Al-Sheekh Maxamed Al-Munajid

Waxaa dib u qoray: Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Waxaa Af-Soomaali u Tarjumay:
Yuusuf Cabdul Casiis

Waxaa Naqtiimay oo Sharxay:
Al-Sheekh Cabdul Casiis Cabdullaahi Bin Baaz

Waxaa Af-Soomali Ku Tarjumay oo Naqtiimay:
C/Muncim Yusuf Sheekh

Advertisements