Maalinta Jaceylka Adduunka

Valentine’s Day 14 February

Yaa Bilaabay Xaggee se ka soo jeedaa?
Fadiilatu: Sheekh Maxamuud Shibli

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

cالحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

Yaa Bilaabay Valentine’s Day
Xaggee Se Ka Soo Jeedaa..?

Kalimada ama mowduuca walaahulu ay yiraahdeen ka hadal, waxaan u maleynaa usbuuc baa ka laaban oo 7 beri xilliga la xusay 14ka bisha February marka la gaaro sannad kastaba. Munaasabaad sannadlaha ah ee la xusa bisha February ee aan ku jirno sannad kasta marka la gaaro, todobaad baa inaga laaban, waxaan filayaaa maanta bisha waa 7, lix beri oo dambe marka aynu joogno baa damaashaad keeda iyo dabaal deggeeda waqtigeeda la gaarayaa, inta hore diyaar garoow baa lagu jiraa.

Waxaan rabaa inaan iraahdo marka kow waad, dadku farxadaha iyo munaasabadaha ciidaha leysu yimaada iyo damaashaad yadu waa shey dabiici ah oo dadka aadamihi dabeecad dooda ay iska jeceshahay, maalin kii la yiraah meel heblo bandhig baa ka jira, munaasabaad iyo farxad baa ka jira dadka ayaa iska jecel oo sababo badan baa loo jeclaadaa, bani aadamku naf tiisu xoogaa ciyaaro iyo maaweelada waa iska jeceshahay, () ciyaaraha iyo maaweelada xoolo badan na waa lagu bixiyaa, meesha ay ka jiraan na dad badan ay tagaan.

Isu taggaa iyo isu imaatigaa dad aan is arki jirin ee aan isu imaan jirinna nafta aadamahu wey xiisseysaa, inna dhaqaalo ayay ka sameeyaan munaasabaad kaa iyo meelaha lagu damaashaada ee leysugu yimaada ee lagu ciyaaro waxa la cuno ee la cabo, inna lacag bey ka sameysaa lacagna wey ku bixisaa dhiiri gelin teeda iyo xayeysiin teeda iyo dadka gaarsiin teeda iyo dadka ugu yeeritaan keeda, inna dano kale ayay ka gaarayaan waa markii [waa maalin fasax ah] la yiraahdo oo shaqooyin iyo fasal loo kalahaaya iyo arday nimadii iyo maalin yara nasasho weeyoo, naftuna markay maalin walba shaqo u kalahdo ama arday maalin walba classka iyo fasalka ku kalahdo wey daashaa, maalinka la yiraahdo waad nassan neysaa wey jeceshahay.

Marka iney munaasabadahaas oo kale bataan oo ciidahaas oo kale bataan nafta dabiici bey isaga jeceshahay iyada oon dan kaloo badanba ka lahayn, dano kale oo badan na waa ku lamaanaadaan oo munaasabadahaasi xus iyo nooleyn bey noqdaan, umamku iyo shucuubtu taariikh dooda ayay ku nooleeyaan, dhaqan kooda ayay ku nooleeyaan, dan kooda taariikhda wax u soo galay ama kaalin ka soo qaatay baa lagu noolleeyaa.

  • maalin kii dadkii soo halgamay,
  • dadkii kacaanka dhaliyay,
  • dadkii maalin kaa saas sameeyay,

Wax yaabo badan baa lagu noolleeyaa oo shucuubtu iyo mujtamaca wuxuu u baahan yahay qofku bulshada iyo ummada uu ka tirsan yahay wax uu ku xusuusto oo ku daydo oo taariikh ah inuu leeyahay.

Banii aadamka iyo shucuub tuna waxay isugu faanaan;

  • intaas waxaase haysta een la soo gaarin,
  • waxaas ayaan ahaan jirnay,
  • aabeyowgay baa saa ahaan jiray,
  • maalma haas baan lahaan jirnay,
  • saas ayaa dad soo jiri jiray baan ahayn

Inuu taariikh lahaa uu soo jiray.

Wax yaabaha dadku ku xusuus taan waxaa kamid ah maalmaha la xuso;

  • Maalintii gobanimada
  • Maalintii waxaa dhacay

Waa qayb kamid ah shucuubtu taariikh dooda iyo dad kooda wax u soo galay iyo dhaqan kooda iyo in lagu nooleyn nayo oo dadka lagu baraayo, ileyn shacab kaas hadda ciid diissaas iyo munaasabaad diisaa dunida ku baahdo dhaqan kiisa iyo taariikh diisa iyo dad kiisii baa la baran nayaa dadka la barayaa.

Mararka qaar kood waxaa dadka lagu barayaa oo lagu noolleeyaa [mabaadi iyo caqaaid diimo], diin taadii iyo caqiida daadii iyo maalin wax dhaceen taariikho hore baa dadka quluub tooda lagu xiraa oo munaasabaad kaa lagu baraa, kadibna buugta sheekada ee la akhriyo iyo munaasabadaha wax laga jeediyo iyo hal kudhig yada ka soo baxa.

Shucubta hadda joogta marka kuwii hore ayay ku xirmaan taariikh ahaan uga horeeyay, ama diin ha ugu xirmaan oo inaguba munaasabaad diinneed beynu leenahay ama dhaqan iyo taariikh iyo qowmiyad ahaan ha ugu xirmaan, sidaad aragteenba qowmiyad walba maalmo taariikheed bey leedahay.

Ciidaha iyo munaasabaadku sababaha ayaa kala duwan ay ku noollaadaan oo iskaashan naayo ama ujeedo ayaa laga leeyahay inna ujeedo dhaqaale ayaa ku qasbeyso oo gelin neysa, inna ciyaar taa iyo tamashleyn taa iyo fasaxaas bey rabaan, wax yaaba haas oo is biir biirsaday baa waxay keenaan in shucuubtu iyo ummadaha ciido iyo munaasabo badan yeeshaan, dhinac kalena dad badan bey ku xirmaan oo dad badan bey jeclaadaan, kadibna wixii la rabay baa leysugu gudbiyaa oo lagu kala dhaxlaa, tan munaasaba deeda hadda laga hadlaayana kuwaas un bey kamid tahay saan wax yar dib ka tilmaami doono hadduu Alle yiraahdo In Shaa Allaahu Tacaalaa.

Hal kaa waxaad ka garateen ciiduhu waa laba qaybood:

  1. Ciidna waa caado iyo dhaqan iyo hido iyo taariikh weeye.
  2. Ciidina waa diin iyo caqiida iyo mabaadi’ waaye.

Kuwo na caqiida iyo mabaadi’ bey ka yimaadaan, kuwo na dhaqan iyo caado wax yaabo lamid bey ku yimaadaan, mid waliba na ciid bey noqdaan. Hadda wadan kan aan joogno maalintii xuriyada buu leeyahay, maalintii calanka buu leeyahay calanka la saaray, maalmo badan buu leeyahay, taalooyin badan baa ka dhisan oo dad taariikhda ka soo galay ahaa, dunida meel kasta ood tagtana waa sidaas.

Haddii aad wararka daawataan television nada markii ay [logooyinka] television nada ay wareegayaan, television kana uu rabo inuu yiraahdo television caalami oo international oo adduunka oo dhan ka waramo ayaan ahay [logoda] wareegto ee wararka astaanta u ah sawiro badan baa ka soo dhex baxa, sawiradaa taalooyin kii iyo astaamahii wadamada lagu aqoonsan jiray astaantu ahaa baa ka soo dhex bixi, wareegaa aad arkeyso second baa waxaa ku soo mari;

  • tii mareykanka
  • tii ingariiska
  • tii faransiiska
  • tii chinesska

idinku loogooyinka wareegaya iyo astaamaha shucuubta astaanta taalooyinka dadkaan taariikh u ahaayeen isu fiiriya, waxaa laga yaabaa dad badan oo inaga mid ah television ka wararkaan caawa daawan neynaa in loogadaa waxay ka kooban tahay aynaan akhrihaynba, kuwa Soomaalida wey ku badan tahay, taalada mareykanka, tii ingariiska, tii faransiiska oo astaan u ahayd marka la arko ingariis, mareykan iyo faransiis baa la xasuustaa, wadan walbana taas oo kale ayuu leeyahay hadba dowladu tacliinta marka laga hadlaayo… Dowlada Keyna tacliin tooda waa iney arday kenyaan soo saarto, taariikhdii Kenya yaqaana dhaqankii yaqaana luqadii yaqaana, wadan walbana waa sidaas.

Marka ciiduhu kuwo na waa dhaqan iyo taariikh qowmiyado iyo bulshooyin leeyihiin, kuwo na waa caqaaid iyo mabaadi’ iyo diimo caqiidooyin ku saleeyo. Marar badan wey is dheg galaan dadku maadaama deegaano kala duwan iyo diimo kala duwan ay lahaan jireen, tabcan Islaamka iyo muslimiinta hal rabbi caabuda marka laga reebo shucuubta caalamku waa hore iyo haddaba ilaahyo kala duwan bey caabudaan, qowmiyad walba waxaa dhici karta dhaqan keedii inuu ku lamaan naado ilaaha ay caabudi jireen iyo astaamahiisi iyo maalmahii loo sameyn jiray, marka dambe ilaahii inta leyska halmaamo jiilka iyo generation ka dambe ay halmaamaan in ciidani asal keedu ay diinta ka soo jeedo, dadka in badan oo kamid ahna dhaqan koodii iyo taariikh doodii iyo sharaf toodii u arkaan.

Anagu muslimiin haddaanu nahay wax badan oo diin teena ka soo jeeda oo diin teena ka dhaxalnay baa dhaqan keena ku milmay, dhaqan keena kamid noqday, hal kudhig ya deena iyo erey ya deena ku biiray, hadaynu gudbin neyno in badan oo inaga mid ah dhaqan soomaaliyeed baan u gudbin neynaa markaan is niraah diin Islaam weeye, shucuubta diimaha haysata ee kaleeta na dhaqanka ay soo kala dhaxleen qayb baa laga soo dheegtay diimahii ay haysteen.

Intaasi aan kaga baxo.

Mabaadiida ciidahu marar badan dhaqan iyada oo u muuqata marka la [dhiraan dhiriyo] diin bey tagtaa, waxaana kamid ah mid aynu hadda munaasabad deedu aan ka hadleyno, dib baan qaabka ay ku timid ka hadli doonnaa hadduu Alle yiraahdo.

Valentine’s Day

Erayga Sheekh Suldan na waa ka hadlay ee cinwaanka na ah ee ciida jaceylka loo bixiyay ama Valentin’s Day la yiraahdo maalmaha loo magacaabay ama ciida jaceylka, Ciidul xubbi ama Ciidul cishaaqi midaad tiraahdaba, waxna waa munaasabad iyo qaabka loo dhigaayo tabcan waayahaan dambe ayaa la waasiciyay laakiin markii hore jacayl oo dhan ma ahayn ee jacayl rag iyo dumar bey ahayd, rag iyo dumar is jeclaaday baa looga jeeday, waayahaan dambe iyo baa la dhex geliyay oo shucuubta ha is jeclaadaan oo, dadku ha is wada jeclaadaan oo nabad hala wada noqdo baa marmar munaasabaad la dhex geliyay.

Laakiin asal ahaan iyada waxay ahayd rag iyo dumar wax ka dhaxeeya bey ahayd, waxa ugu weyn ee hadda astaanta ka muuqata waa un iyadii inta kale waa un [] ka dawa tuur iyo waa xoogaa meel ka soo gelin maahane asaas ma aha.

Guurka reerka markey is guursan nayaan, waxaan u maleynaa dad I hor jooga inta badan waa dhalinyaro kolba ragga ayaan aad u arkaayee, dhalinyara duna markii eraygaan la sheego si gaar ah buu u soo jiitaa, si gaar ah ayuu u soo jiitaa, tabcan taas waxaan rabaa inaan… Sheekh Xasan Ibraahiim baa guurka ka hadlaayaa waxaan rajeyn nayaa isaga ayaa faahfaahin doonnaa, laakiin dhowr qodob oo aan is leeyahay waa aasaasi aan wax ka tilmaamo.

Wey fiican tahay dadka da’ yarta ah ee dhalin yarta ahi inay ka faa’ideystaan dariiqa ay hayaan iyo level ka ay marayaan dareen koodu, maanta ayay joogaan laakiin beri duqey waayeeshay bey noqon doonnaan, inta duqeyda waayeeshay ah na shalay bey sidaa da’ yar ahaayeen oo dareen kaa qabeen, inta aan weli gaarin na beri bey soo gaari doonnaan level kaa iyo fikir kaa iyo dareen kaas. Marka dariiqaan banii aadamka oo dhaniba da’da’ iyo jiil jiil iyo generation generation waa la wada marayaa, marka waa wax un in la wada maro ah weeye, wax inta joogtay u horeysay ma aha.

Waxay fiicnaan lahayd baan is leeyahay, in dadkii idinka horeeyay, ina dariiq fiican bey kaga aaday, ina dab baa ku qabsaday oo kabaha baa kaga go’ay, haddaa qibrad doodu ka faa’ideysataan waxaan u maleyn nayaa wax badan faa’ido ayaa idinku jiri lahayd.

Shareecada Islaamka

Marka laga hadlaayo dhinaca shareeca deena guurka waxaa aasaas u ah rabitaan dadku iney is rabaan….

Ilaahay (swt) wuxuu quraanka kariimka ah ku yiri:

وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

[سورة الرّوم ٢١]

Labada is qaba naxariista ay isku turayaan mararka qaarkood ayaa is rabitaan is rabaan is jecel yihiin bey ku wada joogaan, wixii intaa ka badan waxaa laga yaabaa dan iyo duruuf iney jirto laakiin asal ma aha.

Nabiga na (csw) xadiis wuxuu ku yiri:

‘’ لم ير للمتحابين مثل النكاح ‘’

‘’Guur laba is rabto wax uu kaga fiican yahay malaha.’’

In leysu qabta dad aan is rabin….

Soomaalida tabcan waxay yiraahdaan guurku waa laba:

  1. Dan guursi iyo
  2. Dooq guursi baa la yiraahdaa

Waa dan iyo dooq guurku, midna dan iyo duruuf baa qof kani u geysay ee rabitaan kiisa ma ahayn.

Badanaa soomaalidu waxay ku [] jirtay waaggii hore sababo badan bey lahaan jirtay, dumaal bey ku imaan jirtay, xis kiisa bey ku imaan jirtay, godob reeb bey ku imaan jirtay, qof duruufeysan bey ku imaan jirtay oo magaalada meel uu fooda yar geliyo waayay, siyaabo badan bey ku imaan jirtay guursigu. Qof waxaa imaan jirtay in waalidka tixgelin tiisa meeshay waalidku la dooneen laakiin isaga uu ku qanac saneyn ee waalid kaa ha xumeynin ama waalid kaa ugu dannee inuu dan ugu guursado, guurku qeybi waa tan guursi kaasi waa badan yahay haddana, intii asaga oon ahay weji kale ayuu u badan yahay.

Haddana guursigii waxaa ku soo biiray [dibed isugu dhoof] baa ku soo biiray iyo [isponsarka ayaa ku marayaa]. Rag baa laga sheegay iyo dumarba, war qof kaan rabitaan kama ahee waa kugu dan gaarayaa!

Aniga nafteyda waan ku dan gaarayaa buu yiri! […]

Guur kaan haddaba laysku dhoofayo, idinku [qudbo sir] ayaad maqasheen! Qudbo siradii mid kale oo qudbo la yiraahdo oo cusub ma maqasheen?

Qudbo tahriib ma maqasheen?

Qudbo tahriib la yiraahdo oo hadda Khartuum iyo Suudaan ka jirta ayaa lagu tagay!

Meeshaa marka la maraayo ee Liibiya la aadayo gabar nabad gasho ayaa iska yar, mid la tahriibayo ayaa dhaha waan is qudbo sireysan si aan isku tahriibno, xaggaa marka aan tagno nah aan kala daneysano.

Qudbo tahriib la yiraahdo ayaa ka soo baxday!

Waxaasi waa dan guursi ee dooq guursi ma aha!

Marka dan guursigu hadba daruufta la maraayo isaga oo magacyo iyo wejiyo badan kala leh wuu soo baxaa, qasab ma aha keliya dan guursigu iney cid kuu yeereeysa ma aha ee adiga ayaa qiyaar kaaga ku gelaaya laakiin duruuf baa jirta wax baa kugu qasbay iyo wax baa kugu riixayaa.

Midna waa dooq guursi; asalku waa dooqa kaana weeye kaa nusuusta shareecada ay ka hadleyso, waa qodobka koowaad, qodobka labaad ee aan rabay inaan dhalin yarada ku baraarujiyo….

Jacaylka runta ihi kaa haasaawahaa hore ma aha!

Haasaawahaa hore midka runta ah ma aha!

Sax waa horudhac inaa rabitaan jiro ama aan diida jirin ugu yaraan inaan nac iyo diido jirin, midka runta ihi markii reer la noqdo wixii in leyska arko waaye, meel baa lagaa sheekeeyaa ama lagugu amaanaa, shaqo dheh wax barasho dheh, magaalo dheh, markaad timaado na wax kale bey kugu noqotaa.

Qolyahii sannadka ama labada sanno soo wada socday ee [aboowe iyo abaayo] lahaa, bil kuwa ku kala boodo oo badan baad arkaysaa soo reerkii burburay, oo wixii labada sanno la soo waday oo bil xajjin waayay muxuu yahay?

Markii hore waxa leysu sheegayay iyo waxa leyska arkay baa kala duwana, inuu jiro waxay ku xiran tahay wixii leysu sheegay sawir baa madaxxaaga gallaaya, gabartu markey intaa ku tiraahdo sawir baad ka qaadan, gabadha iyo wiilkana picture bey ka qaadan, qofkii oo sawir la kala haysta baa leysu imaan kadibna [been buu ii sheegay iyo been bey ii sheegtay] baa imaan…

Marka leysu yimaadana sida runta dabeecaddii iyo dhaqankii baa leysu imaan waa la xanuunsan, waa la gaajjoon, waa la cabsan, duruuf kala duwan baa la mari, waa leysku caroon. Hadda waaggii hore marmar baa la wada hadli jiray oo leys arki jiray, dadku markey kala maqan yihiin waa akhyaar wada fiican, magaalada qofka aad ku aragto wuu fiican yahay, laakiin marka aad wada noollaataan wax badan oo hoos baa leyska ogaan, ceeb baa leyska ogaan, saad mooddeysay iyo saad aragtay marar badan bey kala boodaan.

Saa darteed wax rasmiga ihi, markii reer la noqdo oo hoos leysu barto ee leys dhaqan arko in leys qanciyo oo qofba dhaqan kiisii ku qanciyo taas ayaa jacaylka dhabta ah, kaas ayaa rasmiga ah oo waara, kan kale hadduunaan hoos wax jirin oo hadalku bug ahaa ragga ayaa waa hore dhihi jiray…

[dumarku been na waa lagu soo xareeyaa, runta na waa lagu dhaqaa]

Laakiin munaasabada kaloo bey qabatay, waxaa soo baxay in gabdhihii laf tooda ay marayaan, [been na waa lagu soo xareeyaa, runta na waa lagu dhaqaa] ay marayaan laf toodu, munaasabo hore qabatay bey ka soo baxeen.

Marka waxaan rabaa inaan iraahdo markii dhaqan reer la noqdo sheekadii wa la dhaafi, wax dhabta ah ee runta noloshii iyo qofka shaqsiyad diisa baa leysu tagi, saas darteed waxba aad ha u fogaanin.

Tan saddexaad ee aan ku soo gabagabeyn nayo qaybtani waxa weeye; sidiisaba jaceylka waa [caatifad] qofka qalbi giisa gasha, waxaa garab socota nacab baa garab socda, halka jacaylku ku jiray nacab baa geli kara iyo qofka inaad nacdo ood dhibsato.

Raggu waaggii hore waxay dhihi jireen dumarku markay ka hadlayaan;

‘’Ilaahow! Haye yeyna na dhihin nalagama karee,’’
‘’Ilaahow maya yeyna na dhihin nalaguma karee.’’

Maya na waan ku nacay weeye, haye na waan ku jeclaha weeye.

Haddii haye dhahaan na lagaa kari maayo!

Hadday maya ku dhahaan na lagugu kari maayo!

Tabcan ragguna taas oo kaleete weeye.

Nabiga (csw) wuxuu ina baray;

‘’Labada rag iyo dumar ee xiriiraya nolosha guudba, haddaad wax nacaysana miizaan oo dheeli tir aad ha ugu fogaanin, hadaad wax jeclaatana aad ha ugu fogaanin.’’

Jacaylkana wax iskula har, nacana wax iskula har, maanta qof aad jacleyd baad beri nici kartaa, maanta qof aad jacleyd wax walba haddaad u sheegto waxaad rabto la marto beri na aad is nacdaan, maxaa kuu qarsoon oo sir iyo ceeb ah?

Banaanka ayaad taalaa!

Ruuxa aad maanta neceb tahay haddaad ku fogaato oo meel walba kala dhacdo beri inaad is mudataan baa dhici karta, beri inaad is mudataan baa dhici karta.

Quluubtan Ilaahay (swt) baa haaya siduu rabo ayuu u gedgediya!

:عَنْ أَنَسٍ قَالَ كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يُكْثِرُأَنْ يَقُولَ

“”يَا مُقَلِّبَ الْقُلُوبِ ثَبِّتْ قَلْبِي عَلَى دِينِكَ

فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ آمَنَّا بِكَ وَبِمَا جِئْتَ بِهِ فَهَلْ تَخَافُ عَلَيْنَا؟

.قَالَ: نَعَمْ، إِنَّ الْقُلُوبَ بَيْنَ أُصْبُعَيْنِ مِنْ أَصَابِعِ اللَّهِ يُقَلِّبُهَا كَيْفَ يَشَاءُ

Qof aad shalay jacleyd baad maanta nacdaa, qof aad shalay nacbeyd na maanta waad jaclaataa. Marka waxaa la diidayaa inaad noqoto dadka 100% ah, aniga haddaan jeclaado na 100% oo gees kaas baan tagi u shisheeya ee waxba iskula hari maayo. Haddaan qof nacana geeska kale ayaan tagi oo waxba u reeban maayo, sidaa lama ogola.

Nabiga (csw) waxa uu yidhi:

:عن أبي هريرة رضي الله عنه ، أراه رفعه ” قال

أحبب حبيبك هوناً ما ، عسى أن يكون بغيضك يوماً ما ، وأبغض بغيضك هونا ما ، عسى أن  يكون حبيبك يوماً ما

‘’Qof aad jeclaaw jaceyl miizaan oo wax iskula hareyso inaad maalin isku dhacdaan ood is nacdaan baa laga yaabaa, isagoo fara kaa haayo wax walba kaa haayo wax kuu qarsoon ba jirin. Qofka aad nacaysana naceeb miisaaman nac, waxaa laga yaabaa maalin in aad is jeclaataan.’’

Idinku saay u wareegeysaan haddaad u fiirsataan in shalay col ahayd oo maanta saaxiibo oo badan baad arkeysaan. Raggu waxay yiraahdaan labadii is dagaasho ee is dhadhamisa kuleel kooda uun baa dhab u saaxiibta, labadii is dirirtay ee feerka iskala daashay baad marka dambe waxaad arkeey iyaga ayaa dadka ugu saaxiibsan, shalayna col baa la ahaa oggow!

Adduunyada waa adduunyada wareegeeyso, hadday dowlado tahay, hadday hay’ado tahay, hadday qabaa’il tahay, hadday shaqsiyaad tahay, hadday kooxa tahay. Maalin na waa necaa, maalin na waa leys jeclaadaa. Qof miisaaman oo markuu wax jeclaada na wax iskula hara, markuu wax naca na wax iskula hara noqda.

Qodob kaas anoo ka duullayo da’yarta waxaan dhihi lahaa ee doonneyso iney is guursadaan ama is guursada 100% ha isu furnaanin na, gabadhu wax u gaar ah waa inuu jiraa nin kuna wax u gaar ah waa inuu jiraa, aad ha isu fara gelinnina, telephone nada lambara dooda iyo boorsooyinka lambarada ay ku furmaan iyo… wax isu reeba, account nada iyo password rada wax isu reeba, email lada iyo wax isu reeba.

Waxay ku fiican tahay dadku in banaanka aad kala joogtaa, inta wax u kala asturan yahay ixtiraam iyo qadarin baa jirto weli. Mida labaad weeyee; dadku intey wax u kala xayiran yihiin u kala qarsoon yahay ceeba hooda isma wada sal ogaanin, qof aan ceeba lahayn ma jiro, laakiin qofkaad ceeb tiisa ogaatid intiisa yar baad ku nacdaa, waxaad jeclaataa qof aadan ceeba hiisa ogeyn oo laga yaabo inuu ka ceeba badan yahay, sidaa darteeda soomaalida waxay dhahdaa:

‘’Gabar… oo gabar u yaqaanaan hal ceeb buu kaga tagaa, mid uusan aqoonin na sagaal buu u galaa,’’

Sagaal ceebbood oo kale, muxuu tan uga tagay ceeb buu ogaaday, tan muxuu u galay uusan ogayn? Hadduu ogaan lahaa sagaalka dee mid buu ka cararayaa ee sagaalka ma galeen, saa darteed soomaalida waxay dhihi jireen;

‘’Is barashada ma xuma, laakiin is daalacashada baa xun ama is dhaahirshada baa xun, qaar kooda saay yiraahdaan.’’

Macnaha in aad is barataan ma xuma, laakiin in leys ceeba ogaado oo salka hoose leysa soo taabta ma fiicna. Dad is xurmeeyo aad salka hoose aan isu gaarin oo in aad noqotaan baa fiican, reerka inuu jira na saas ayaa dan ugu jirtaa, idinkuna is aad is xurmeysaan saas ayaa dan idin kugu jirtaa, in jaceylka idinka dhexeeyay uusan baabi’ina in ceeba hiina aydaan is wada ogaan baa dan ugu jirtaa.

Qodob kaan waxaa la xiriira oon ku gabagabeyn nayaa, dhalin yarada waxaan dhihi lahaa; iney is guursadaan ama guursadaan, ama haddaba is guursaday…

‘’Hal arrin markaad haasaaweysaan iska ilaaliya [negative points] kaagu leys kuma sheego, gabadhu ninka ay sheekeysan nayaan iyo nin keedu iney taariikh deedu inta mar ay soo fashilantay iney uga sheekeyso ma aha, wax nacas oo meel walba ku fashilantay isagu u qaadan nayaa ma iska bixin neysaa. Nin kuna gabadha uu guursan naayo inuu uga sheekeeyo inta meellood ee laga adkaaday ee isku soo kufay ma aha. Haddii kaleba adaa qofka is macna tirayaa dee.’’

Marka [negative points] leys kama sheekeeyo.

Sheekadaas waan is jecel nahay waxba ma kala qarsano intaad tiraahdo oo inta meellood ood nacas ku noqotay haddaad ka sheekeyso dee adaa is qiimo tiray, lagama sheekeeyo baab kaas. Inta meellood ee adigu [points] ka lahayd baa laga sheekeeyaa qofka si aad qiimo u yeelato, taana waa talo ayaan dhihi lahaa.

Waxaa ii soo harray laba qodob.

Maalin tani maxay tahay?

Tabcan wax badan oo taariikh ah oo sugan oo la tix raaco malaha.

Waa marka labaadee inaga [usuusha shareeca deena iyo diiwaawinta taariikh deena muslimiin ahaan dee wax aanu lahaan jirnay ma ahayn oo iyada ugu noqon meyno ka keeni meyno xogta iyo taariikhda.

Maalin tani waa maalin Roman ku lahaan jiray, hadday [wathaniyiin] ahaayeen aan diin haysanin iyo haday Christian qaateen kadiba, saa darteeda wixii un xog laga haayo oo waxay Roman ku ka qoreen, dee Roman ku markaan ka hadleyno waa dadka European ka la yiraahdo qayb tooda galbeed, qaybta bari ma ahee [qayaasira dii iyo raashiya] ma aha, waa qaybta uu taliyaanigu saldhiga u ahaan jiray magaalada Roma assaas keeda ah.

constantineTabcan marka hore Roman ku marka hore wathaniyiin asnaam caabudo bey ahaan jireen, mudo kadibna diinta kristanka ayay u wareegeen oo ay qabsadeen boqor kii la dhihi jiray Constantine waqti giisa laga soo bilaabo, xili yadaa na waxay ku beegan tahay taariikhda miilaadiga 250kii ilaa 350kii qarnigaas intii ahayd, qarnigii saddexaad qayb tiisii dambe ilaa qarnigii afaraad qayb tiisii hore, xili yadaas ayay ku beegan tahay. Taariikh Roman ka iyo European ka kristiyaanka ku qaateen na tabcan boqor tooyadu waxay ahaan jirtay Istanbul oo Tukey ku taala, waaggaa na waxaa la dhihi jiray waaggii hore magaaladaa [Byzantium] baa la dhihi jiray, boqor kaan kristanka qaatay baa magacii ka bedelay oo magaciisa u bixiyay oo Constantine la dhihi jiray baa Constantine u bixiyay. Muslimiinta markay qabsadeen na Istanbul oo [Islambul – Magaaladii Muslimka] ah bey u bedeleen, saddexdaa magac ba magaalada Istanbul waaye magaalada magacaa qaadatay…

  1. Byzantium
  2. Constantine ama kostantiiniya oo kutubta carabiga aad ku arkeysaan iyo
  3. Istanbul

Is bedbedel kii seey iyagu ka sheekeyn nayaan, isaga iyo walaal kiiba aaba hooda intuu dhintay boqortooyo isku qabsaday, shacab badan oo Roma ka kristiyan na way jireen, dagaalkii buu wuxuu ku yiri diin tiina baan qaadan nayaa haddaad aniga i taageer taan, dagaal kii bey si shahaada ah u galeen, si fiican oo lillaahi bey u galeen, waa adkaaday, isaga ayaa markaa kristan kii qaatay, Roman kiina kristan buu ka dhigay.

Qisadaa taariikh iyo siduu ku qaatay isaga hooyadii oo naagaha xun xun ee tunta ahayd iyo, sheeko waxaa la hayaa Ramallah ee Falastiin ka timid waa sheeko dheer, taa hadda munaasabad deena ma aha.

Roman ku intaa kahor waxaa kaloo ay rumeys naayeen iney kristanka qaadanin magaaladaan Roma la yiraahdo magaalo muqadas oo barakeysan bey weligooda u ahaan jirtay, hadda Vatican ka ku yaala catholic ayaa muqadas u ah, laakiin magaalada magaalo barakeysan bey u yaqiin neen intay naan kristanka noqonin.

Magaaladaa niman kii dhisay na wey weyneeyaan oo niman barakeysan bey ahaayeen bey yiraahdaan.

Sheekooyin fara badan baa maalintaa loo sheegaa ciidani seey ku timid.

[Ciidul xubi Ilaahi] baa la dhihi jiray bey leeyahiin Roman kii hore, kristanka markey qaateen na kadib Valentine’s Day baa loo bixiyay sida ay qorayaan iyagu, markii diiwaan kan weyn ee catholic ay leeyihiin dib loo akhriyo. Waxay leeyihiin sida soo socoto oo ay qorayaan, tabcan waa Sheekooyin kala duwan oo ninba si buu u qorayaa waxaa kamid ah iney yiraahdeen magaalada Roma nin baa aassaasay, ninka aassaasay Romulus baa la dhihi jiray, magaalada na magaalo barakeysan waaye nin kaana waa la jecel yahoo muqadas waaye.

Waxaa jirtay bahal Yey iyo Waraabaha la yiraahdo [Eey Duurreed] sooma taqaanaan?

Eey Duurreed Leysiyos la dhihi jiray oo muqadas ah baa jirta iyadana.

Waxay dheheen Romulus isaga oo yar baa meel hooyadii kaga yar tagtay, bahashaa yey dii oo ordi baa soo martay, maxaa laga filaa marka? In ay cunto ileyn ilmo ayay cidle ka heshay, meynaan cunin nee wuuba gaajeesnaa yee weyba nuujisay bey dheheen, quwo iyo awood iyo rowxaani ay siisay, saa darteed iyadiina Ilaahad baa laga dhigay, Eey Duurreed waaye taasi Leysiyos. Romulus kii magaalada dhisay nuujisay na magaaladii na waa muqadas.

the-twins-romulus-and-remus

The twins Romulus and Remus

Kadib baa waxaa loo astaameeyay Ilaah Ilaaha jaceylka la yiraahdo oo Yuro la dhihi jiray qaar kood na Turo baa la dhihi jiray bey leeyihiin bey u caleemo saareen in Ilaaha jaceylka la yiraahdo, waana caabudi jireen Temple bey u dhiseen iyo taalo bey u dhiseen taalada wey caabudi jireen, maalinta 14ka February ahna astaan sannadeed baa looga dhigay.

Qaar waxay ku leeyihiin saas ayay ciidani ku soo bilaabantay Roman kii baa lahaan jiray, kadib nin baadariyadii Roman ka wathaniga kamid ahaa oo Valentine la dhihi jiray baa diin toodii wathaniyada ka baxay, wuxuuna galay oo uu qaatay diinta kristanka.

Nin boqor koodii oo boqora doodii waaweenaa ee caanka ah kamid ah oo xiligaa haystay ayaa wuxuu yiri diinta ku soo laabo, dood iyo hadal badan baa dhex maray, wuu kari waayay, markuu kari waayi kadib ayuu maalintii 14ka February oo ay ciiddi jireen yuu ninkii daldalay oo dilay.

Mudo bey joogeen ciid dooda 14ka ahna wey xusi jireen oo [Ilaahul xubi] lahaa, markay Roman ku qaateen kristan kii maalintii magacii baa laga bedelay Valentine’s Day baa loo bixiyay, waxay ka shalaayeen ninkii la dilay, ninkii qadiiska baadariga iyo kristanka ahaa baa lagu noolleeyay taariikh diisa in lagu xuso ayaa loo bedelay, maalin taasaa na la dilay sidaasaa na loo dilay bey yiraahdeen.

claudiudMar kale qiso qaab kale ayay u wariyeen oo isbedelku wuxuu ahaa bey yiraahdeen nin kaan boqorka ahaa Claudius la dhihi jiray dagaal buu ku jiray kristian buu isna ahaa ee maba ahaynba diin kale. Ciidamadii wax is qora oo furiimaha dagaalka aada ayaa la waayay raggii, nak… halla soo baxo ciidanka hala qorto, wax is qora ayaa la waayay.

Dad buu u yeeray oo wuxuu yiri; war maxaa dhacay!

Waxaa la yiri adeer guur baa lagu mashquulsan yahay ragga iyo dumarka faraqa ayaa leysku wada dhegen yahay, nina inuu dhinto ma rabo nin walba inuu guursado buu rabaa.

Wareegto wuxuu soo saaray guurku inuu mamnuuc yahay, waa la mamnuucay wareegtaa lagu mamnuucay wax guur la yiraahdo, si guurka marka laga quusto goobaha dagaalka iyo furiimaha raggu u aadaan.

Waxay leeyihiin nin kan baaderiga ah Valentine baa hoos isaga guurin jiray dadka labadii is rabtaba, markii dambe ayaa la ogaaday waa la soo qabtay 14ka February baa la daldalay. Inta aan la daldalin isaga iyo gabar oo xoogaa jaceyl ah dhex maray baa jiray oo waan dardaami ii suga buu yiri oo card yar oo sawiro leh oo jaceyl kiisii ku cabiray buu u diray. Cararka hadda la qaybiyo astaan teedu hal kaas ayay ka timid, taasna waa sheeko labaad iyagu buug toodu ay ku qoreen oo inoo akhriyeen.

Labadaa qaab ba, ma nin kaan kristan buu ahaay oo ciidankii buu hoosta isaga guuriyay mise krista nimada ka soo bax oo wathaniyadii ku soo laabo ayaa la yiri labadaba wey sheegaan, xiligaa waxaa lagu qiyaasaa 268/269/270 markey taariikhdu ahayd. Kaniisadii ugu horeysay waxay dhahaan 350 markay ahayd baa ninkii meeshaa lagu dilay laga dhisay kristan kiina ay noolleeyeen.

Laba arrimood baa isa soo galay markay; dhinac kaniisadii baa nin kaan kristian nimo loo dilay lahoo kaniisadii catholic Roma baa mas’aladii noolleeysay oo ciid sannadeed ka dhigtay. Dhinac na waxaa la leeyahay nin kani guur iyo jaceyl buu hoosta ka waday buu u dhintay oo waa [Cilmi Boodhari-gii Romanka] oo maalintii baa la xusaa oo jaceyl kii baa hoosta kaga lamaan. Dhinac waxaa la leeyahay Roman kii hore bey ciiddaan ka soo jeedaa oo maalintii Ilaaha jaceylka loo astaameeyay baa 14ka February ahayd.

Isku soo uruuri oo Roman bey ka soo jeeday iyo nin kaan baa qudbo siro hoosta ka sameyn naayay guur la mamnuucay ah, labadaa waaye jaceylka waana mida hadda caan baxday, iyo maalintii kristanka ninkaan la dilay baa loo baroor diiqay oo la nooleyn nayaa.

Intaba haddaad eegto ama Ilaah jaceyl oo Roman kii lahaan jiray dawada ku haysa ama baadari kristan ahaay oo ama kristan nimo loo dilay ama guur hoos hoos iyo qudbo siraa loo dilay yiri, baadari baa lagu xusaa oo taariikh diisa lagu nooleyn naayoo ay dawada ku haysaa.

Astaamaha la sameyn jiray welina baaqi wax ka yahay qayb wey iska baaba’day, waaggii hore Roman ku waxay sameyn jireen halkaan waxaa yaala ninkii magaalada dhisay Romulus iyo Leysiyos Eey Duurreed kii nuujiyay maxaa lagu xusaa?

Markii bandhig sannad deedka la sameyn nayo dad badan jidadka magaalada saftaan neef Ari ah iyo Eey baa la qali jiray, dhiig gooda ayaa weelal lagu guri jiray, laba dhalin yaro oo wiil iyo gabar oo xoog badan oo weli guursanin baa dadka la loo dhex marsiin jiray, dhiig gaas baa dadka lagu seeyrin jiray, qofkii lagu seeyriyo waa barakeysan yahay baa la dhihi jiray guur kuna waa u fududaan nayaa.

Ma diidani weeye soo ma aragtaan?

Bahal ma diidan la yiraah iyo balag baa leysu dhigayaa weeye, dhiigaa leyku seeray waad barakeysan tahay rag iyo dumar kaad tahay iyo guur wuu kuu fududaan, maalin taana dad badan oo la diyaariyay baa leysu guurin jiray, Roman ku saas ayay yeelin jireen intii ka dambeysay ee kristanka na wey soo noollaatay seey iyagu qorayaan.

valentines-day-heart

Kaararka gadgaduudan sideedaba jaceylka astaan tiisu guduud iney noqoto waa jaceylka ka soo jeeda Romanka iyo European ka kasoo jeedo waaye. Maxaa la yiraahdaa jaceylka noocaas sheekooyin kiisa buugta laga qoro maxaa lagu magacaawaa?

Romances soo lama yiraahdo?

Romances ka waa Roman buu ka yimid weeye wax kale ma aha.

  • Maxaa cagaar loogu dhigi waayay?
  • Maxaa cadaan loogu dhigi waayay?
  • Maxaa kalar kale loogu dhigi waayay?

Romanka bey ka soo jeedaa qaar waxay ku leeyihiin dhiig baa loo daadiyay, jacayl dartii baa dhiig loo daadiyay, saa darteed baa guduud looga dhigay astaanta jaceylka.

Hadda kaararka jaceylka leysu diro wax cagaaran ma aragteen?

Iyo wax cad iyo wax buluug ah midna? Mise waa inuu guduud meel ka soo galaa, guduud kaani dhiig gaas saa loo daadiyay oo Romanka ka timid bey ka socotaa.

Caalaa kuli xaal intaasi markay mudo socotay;

  • kaarar la qeybiyo,
  • tahniyad leysugu tahniyadeeyo,
  • ereyo jaceyl oo leys dhaafsado,
  • dhiig gaas oo leysku seeyr seeyro,
  • habeen nadaas oo talo faraha ka baxdo oo duurka leysla galo

Sidii ciiddii keyna ka jirtay [habeenada la ban baxa ee duurka la galo]…

Si kastaba ha noqotee astaan taasuu taariikh ahaan soo maray.

Valentine’s Day oo Kaniisada
Katooliga Mamnuucday

Qarnigii 16naad marka la soo gaaray bey kaniisada catholic ku dhawaaqday in bandhigi sannad deedka ahaay ee Valentine la mamnuucay xilli gaas ayay ku dhawaaqday, xilligii qarnigii 16naad iyo qarnigii 17naad markii 1600/1700 meelahaa la joogay ayay ku dhawaaqday in la mamnuucay kaniisadii catholic ee Roma saldhig geedu Vatican ku ahaa.

Waxay ku sababeeyeen waxa ka dhacaaya ee munaasabadaa dhaca, waxa zinada iyo fisqiga iyo faaxishada iyo baladaa dhacda, waxay ceeb ku tahay bey dheheen munaasabad diineed oo magac diineed wadata iney ahaato oo diin ku lamaanaato, anaga diintii iyo dadkii iyo akhlaaqdii bey ceeb ku tahay, saa darteed wey joojiyeen, xiligaana tabcan Yurub awood iyo talo ayay ku lahaayeen.

Waxaa jirtay kaniisadii protestants ka ahaa oo dhinaca Ingriiska ku xoog badneyd iyo catholic oo sulto iyo awood badan ku lahayn, sheekooyin kii ingriiska ayay ku hartay in la qoro, rag goodii qarnigii 17naad iyo 18naad wax qori jiray qisaska iyo taariikhaha iyo sheekooyinka qori jiray, raggii baa aad u soo noolleeyay.

Intii ingriiska ku fiday bey gaartay marka ama north America ha noqdo Canada iyo Mareykanka ileyn waa ingariis wax meesha tagee, ilaa iyo hadda iney ka madax banaan naatay Canada boqorada ingariiska miyay ka go’een?

Ama bariga Australia iyo New Zealand ilaa iyo hadda boqorada ingariiska ayaa ka ah boqorad, waxaa waa ingariis is qaybiyay ilaa Irish kooda isku dar oo Mareykanka na qabsaday oo dadkii [] la dhihi jiray Indians laayay ilaa iyo Canada ku laayay oo dad kii gumaaday, Australia iyo New Zealand na qabsaday oo dadkii Aboriginal ka la dhihi jiray oo hadda baaqi gooda daroogo sii loogu waday ku baabi’iyay.

Weliba waxaa sii darnaa inta la geeyay Australia iyo New Zealand intii qaatiliintii xabsiyada laga guray baa xagga lagu daadiyay, xaggay ku tarmeen ooy ku beermeen, marka waxa waa isla ingariis. Ingariiska iyo intuu ku fiday bey aad ugu fiday, markii qarnigii 20naad horaan tiisii Ingariiska imperatoriyadii Great Britain la baxay ama boqor tooyada aanu qoraxda ka dhicin daafa heeda kala duwan ee xataa anagii halkaan na qabsaday na saqaafad diisii baaqiga ahayd baa mar labaad dib u soo noollaatay.

Markii caalamku noqday hal tuulo oo keliya ee Internet iyo Social Media soo baxeen na dee is gaarsiin teeda iyo in la xayeysiiyo baa badatay. Markaad aragto report yada laga qoray ee financial ahaan dhaqaale ahaan laga qoraya markaad aragtaan, dad baa Billion iska sameeya, kaararka iyo tahniyadaha munaasabad daas Valentine ka iyo maalinkaa jaceylka sameeya.

Saa darteed shariikado waaweeyn oo reer galbeedka ah, oo Ingriiska iyo Mareykanka u badan baa maal geliyo oo fal gareeya, ujeeda dooda iney ribix iyo faa’ido iney kaarar kaa iyo wax yaalahaa la sameyn naayo ka sameeyaan iyo tuulalka la sameeyo oo la kala qaad qaata ee la isa siisiiyo baa qayb weyn ka ah.

Intaas waa wixii taariikh ahaa ku saabsanaa waaye.

Kalmada u dambeyso waan soo gabagabeyn…

Markaan soo gunaanadno, kow caqiida daan ama Roman hore haka soo jeedo ama Roman kii dambe ee kristiyanka qaatay haka soo jeedee…

Munaasabada iyo maalin tani waa maalin markeynu dib u dhuuxno waayahaan dambe bey dhaqan ku miilantay ee iney astaan iyo munaasabad iyo ciid diinneed tahay dhamaan toodna ay qoraayaan bandhig iyo banaan na ay ahayd, xataa wax la diida ma ahanee, markay qarniga 17naad kaniisada meesha ka saareysa intii ka horeysay maalin kaniisada bandhig geeda lagu qabto oo baaderiyadooda yimaada bey ahayd oo maalmaha waaweeyn kamid ah.

Marka munaasabadan iyo ciiddan Valentine waa munaasabad caqiida iyo diinneed waaye. Ama Roman wathaniya haka soo jeedo oo Eey barakeysan naaya nimay nuujisay haka soo jeedo iyo Ilaah jaceyl haka soo jeedo ama nin baadari ahaay oo qudbo sireed loo dilay uu sameyn naayay ama ba kristan uu qaatay loo dilay lagu nooleeyn nayo ha noqotee.

Waxa waday kaniisad bey ahayd, waxa waday na mabaadi’ diini bey ahayd, Valentine na waa maalin taariikh ahaan caqiida iyo diin ku saleysan waaye ciiddani. Marka adiga oo ogg inaad sameyso ama iska deyso waa meesheeda…

Laakiin war la helaa talo la helaa bey tiraah soomaalidu…

Horta xog teedu taariikh ahaan waa sidaa.

Mida labaad markaad akhrido qisooyinka iyo sheeka deedu, quraafaad nooleyn weeye, hadda waxaan akhri haynay Eey Duurreed iyo Yey baa timid oo ilmo nuujisay, hadday nuujisay na? Wax weyn baa laga dhigayaa marka quraafaad noocaas oo kaleeto baa la nooleyn nayaa ciid sideedaba quraafaad ku xiran, quraafaad ku saleysan.

Dee haddii aan niraah nin kaan qudbo sir ayaa loo dilay, maalinta qudbo sirada miyaan u dabaal degnaa? Waxaan qurafaadka ah iyo waxaan la midka ah oo maalin lagu nooleeyn nayo oo lagu soo xuso sheekooyin keedu la qoro buug teeda la qaybiyo dadka la xasuusiyo waaye.

Mid saddexaad na waa maalin ay dhacaan fisqi iyo wax aad u qaab daran ay dhacaan, fisqi aad u fara badan baa dhaca, ilaa ay gaadhay kaniisadii oo iyada laf teedu akhlaaq meesha ay ka joogto aad ogg tihiin, waxay lahayd dhaqan iyo dad ay u lahayd diin iyo ciid ay u ahayd iyagu nooleeyn jiroo quruun badan oo 1000 sanno ka badan siday sheegayaan kun iyo dhowr boqol oo sanno waday, marka dambe na ay yiraahdaan war waxaani wax diin iyo akhlaaq leyku lamaanay in kale ma ehee waxaan wey ina ceebeyn nee aan banaanka isaga riixno ciddii banaanka wadan ha wadato laakiin magaca diinta aan ka reebano.

Waxaani meesha ay gasho wey ceebeyn, akhlaaq xumo iyo dhaqan xumo iyo fisqi iyo balo ayay wadaa yee. Oo iyagiiba hadday iska fogeeyeen, meeshu meel balo lagu fidiyo halkaa waad ka garatay. Saddexda astaamood baa warka aaynu soo sheegnay taariikh ahaan nuxur iyo gunaanad u noqon naya.

Intaa haddii laga soo tago in maanta muslimiinta waxa sidaasi caqiidadii ka soo jeeda, muuqaal na waxaa quraafada iyo sheekada iyo dhaqan xuma daa ay noolleeyaan iyo diinta oo loo dabaaldego, hadiyad iyo kaarar leysu qaybiyo, tahniyada iyo telephone ka leysu diro, munaasabaad iyo bandhig laga dhigo waxaa keenaya…. Waa un hadal kii Nabiga yiri {صلى الله عليه وسلم}:

‘’لَتَتْبَعُنَّ سَنَنَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ شِبْرًا شِبْرًا وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ حَتَّى لَوْ دَخَلُوا جُحْرَ ضَبٍّ تَبِعْتُمُوهُمْ‘’

‘’Dadkii idinka horeeyay jid kooda ayaad raaceysaan, dhudhun dhudhun baad u mitir saneysaan oo aad u raaceysaan, taako taaka na waad u raaceysaan,’’

Bahasha yar yarka ahee dhabada la yiraahdo ama habar jinta un bey la ek tahayee, ama maansa cagaleey dheh midaad tiraahdaba xayawaan naadka saas ah god kiis haddey galaan, waa ka dawa galeysaan buu yiri Nabigaﷺ.

Xataa meelaan dadba qaadin, meel aan idinlaba ekeyn, meel caqliga diidayo, meel aan wax manfaca ah lahayn, meel darar balo iyo dhib laga filaayo, intaaba (جُحْرَ ضَبٍّ) waaye.

Bahashaa godka ay gashay haddaad gashaan na iney ku qaniinto waa laga yaabaa, haddaad soomaali tahay oo habar jinta rumeysan tahay na, shayaadiin iney qoorta kuu gasho ayaa laga yaabaa. Mas cagaleey goddey ciid ka qodotay inaad isku miiq miiqdoo madax la gasho, hor waa meel ciriiri oon kula ekeyn oo caqliga saxda ah diidayo, waa wax adigiiba ku xag xaganaayo oo ciid iyo wasaq mooyee iyo dhib mooyee aan dheef lahayn.

Intaba ereygaa waa xambaarsan yahay…

‘’ حَتَّى لَوْ دَخَلُوا جُحْرَ ضَبٍّ تَبِعْتُمُوهُمْ ‘’

Riwaayo sannad keeda xassan yahay waxy ku dareysaa ma taqaanaa?

Xataa haddii niman kaasi qof iyaga kamid ah uu hooyadii ka muraadsado kuwo idinka idiin kamid ah baa sameyn doono. Arrinta sidaad oo kaleeta ah qayb kamid ah un weeye, laakiin hadda waxaan ugu baahan nahay iyo xun mooyee waxay diin iyo duunyo toona nagu soo kordhin Valentine’s Day ma laha.

Inaga wax macno iyo taariikh oo inagu fadhiya na ma laha, haddii caqiida iyo diin tahay na dee iyaga ayay u tahay, hadday quraafo iyo shac wada tahay na dee tii muslimiinta ku dhex jirtay ayaan tawar uga saarno la’nahay yee, tu kale oo hadda la casri yeeyay inaan ku soo darno oo ku soo biirino… beentii iyo quraafadii hore ayaan dadkii ka saari la’nahay uma baahni.

Shucuubta na wixii san iyo wanaag wax tar ayaa laga qaataa yee, inta qashin qubka ah bey kamid tahay oo inaan qaadano been iyo quraafo iyo Eey baa wax nuujiyay iyo, dhiig baa barakeysan oo laysku seeyrayo, oo dadka jimanka laga shaqeyn nayo xoolaha la qali dhiiga la marin soo kan aan ka dagaalameynay sooma aha? Hadda dhiig kale oo barakeysan oo Roman ka yimid inaan doonano maxaa dannoo ku jirta.

Keliya waxaa u muuqata astaan iyo calaamad ay u tahay Nabi Muxammadﷺ inuu nabi ahaa wixii uu sheegay na waxyi Rabbi u sheegay uu ahaa….

‘’لَتَتْبَعُنَّ سَنَنَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ شِبْرًا شِبْرًا وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ حَتَّى لَوْ دَخَلُوا جُحْرَ ضَبٍّ تَبِعْتُمُوهُمْ‘’

Halkaa baad galeysaan.

Su’aal baa Nabiga la weeydiiyay, waxaa la yiri, sow dad kaan inaga hoyeeya Yahuuda iyo Kristiyaanka miyaa?

Markaas buu wuxuu yiri, yaa kale?

Yaa kale oon idiin sheegayaa?

Hadda waxaan dawada haysano, la dawa hiigsan naayo calan keena babin nayana waa un iyaga, intaas waxaanu maleyn nayaa oo ku filan xukunka ka qeyb qaadasha deeda, sameyn teeda, xayeeysiin teeda, qeyb ka noqosha deeda.

Qofka muslimka ahi Ilaahay na rumeysan, caqliga saxda iyo caqiidada saliimka ee Ilaahay siiyay meeshaa meeshii lagu dayici lahaa ma aha. Hadday iyaga ku noollaayeen ama ku nool yihiin oo dhib iyo balaayo ay ka haysato, waxaa jaceylka lagu magacaaway na waxaan filayaa shucuubta muslimka kama haysato.

Ilaahay (swt) waxaan ka baryaayaa xaqa inuu inagu sugo, tan iyo wixii lamid ah ee ummaduhu ku dhumaayaan na, Ilaahay ha inaga badbaadiyo shar kooda, waad mahadsan tihiin jazaakumullaah.

Intaasi waxaa inoogu dhamaaday muxaadaradii qiimaha badneyd ee inoo soo jeediday Sheekh Maxamuud Sh. Shibli (Ilaahay ha xafido).

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com

Advertisements