Marin Habowga Shiicada
Iyo Hagar Daamadooda

Prof. Cabdirisaaq Hiirad Maxamed

Hordhaca

Cutubka 1aad:

  1. Asalka shiicada
  2. Shiica maxay tahay?
  3. Bilowgii fikirka shiicada iyo ciddii ka danbeysay
  4. Shiicadu waxa ay aaminsan yihiin
  5. Sooyaalkii shirqooleed ee shiicada
  6. Hagardaamada shiicada iyo dunida muslimka maanta
  7. Howlgalka shiiceynta soomaalida

Cutubka 2aad:

  1. Ahmiyadda raacidda sunnaha nabiga (صلى الله عليه وسلم )
  2. Saxaabada nabiga (j)
  3. Waa kuma saxaabi?
  4. Qiimaha saxaabada iyo meeqaamkooda
  5. Xukunka wax ka sheegidooda
  6. Qadarinta ahlu sunnuhu u hayaan aala beytka
  7. Waa kuwee aala beyt?
  8. Caqiidada ahlu sunna ee ku aaddan aala beytka
  9. Qadarintii saxaabada ee aala beytka

Cutubka 3aad:

  1. Qolada uu nabigu (صلى الله عليه وسلم) ku tilmaamay Iney badbaadayaan
  2. Farqiga u dhexeeya ahlu sunnaha iyo shiicada
  3. Maxaa kaaga kordhaya shiicowga

MARIN HABOWGA SHIICADA
IYO HAGARDAAMADEEDA

أَنِ الْحَمْدُ لِلَّهِ نَحْمَدُهُ ، وَنَسْتَعِينُهُ ، وَنَسْتَغْفِرُهُ ، وَنَعُوذُ بِاللَّهِ مِنْ شُرُورِ أَنْفُسِنَا ، وَمِنْ سَيِّئَاتِ أَعْمَالِنَا ، مَنْ يَهْدِهِ اللَّهُ فَلَا مُضِلَّ لَهُ ، وَمَنْ يُضْلِلْ  فَلَا هَادِيَ لَهُ ، وَأَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ

قال تعالي:

 ﴾ وَاعْتَصِمُواْ بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلاَ تَفَرَّقُواْ ﴿

[ سورة آل عمران ١٠٣]

قال تعالي:

(31) وَلا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ

(32) مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ

 [سورة الروم ]

Arar

Waxa mahad idilkeed leh Allaah (c) waxana aan ku sallinaynaa oo aan salaamaynaa Nabigeena Muxamad ah ( صلى الله عليه وسلم) ehelkiisa iyo asaxaabtiisa.

Waxa Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) loo soo dhiibay diintii la rabey in lagu dhaqmo inta uunkaani uu sii jiro. Waxaa diintaas ka bartay asaxaabtii iyaguna waxay sidoo kale u sii gudbiyeen ardaydoodii taabiciinta ahaayeen. Sidaas ayey arrintu ku socotay, iyadoo ummadu ay ka midaysan tahay caqiidada, fahamkooda diintuna uu yahay mid toosan oo nadiif ah.

Waxa mar dhexe dhacday in ay kooxo iyo firqooyin fekerkoodu qaloocan yahay ay ka dilaaceen muslimiinta dhexdooda. kuwaas oo qaloocooda iyo lunsanaantooda ay u dheer tahay in badanaaba laga dhaxlay hagardaamooyin iyo waxyeelooyin ba’an oo ay u gaysteen muslimiinta. Weliba qaarkood ay gaareen in ay garab iyo gaashaan u noqdaan Yuhuuda iyo Nasaarada si ay u waxyeeleeyaan dadka ahlu-sunnada ah oo kitaabka iyo sunnada haystaan.

Qolooyinkaas lumay, qaloocana ku fogaaday waxa ka mid ah shiicadagaar ahaan kuwa loo yaqaan “Raafido” kuna dhaqan sida Iiraan iyo Lubnaan. Kuwaas oo gaaray inay yiraahdaan Kitaabka Quraanka ahi ma ahan sidii Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) uga tagey, asaxaabtana gaalo ku tilmaameen marka laga reebo dhawr faro ku tiris, sidaasna u dumiyeen sunnadii Nabiga maadaama ay ka faraxasheen asaxaabtii soo wariyeen. Waxan isha mariyey buugaan oo qofka aqristaa uu si fudud wax uga ogaan karo waxa ay tahay shiicadu, halkee ayey salka ku haysaa, dhibaatooyinkii ay muslimiinta soo gaarsiiyeen iwm. Buuggan waxa qoray walaalkeen prof. C/Risaaq Hiirad Maxamed. Waxan Alle (c) ka baryeynaa inuu khayr ugu abaalgudo, kana aqbalo shaqadaa wanaagsan oo uu qabtay isaga ayaa awoodee. Allaha ku salliyo oo salaamo Nabigeena Muxamaed ah ( صلى الله عليه وسلم) ehelkiisa iyo asaxaabtiisa.

Dr Cismaan Cali Faarax

Hordhaca

  1. Maxaa shiicada laga doonayaa oo loo hadal hayaa waayadan?
  2. Muxuuse calankeedu maanta u babanayaa oo ay uga muuqataa fagaarayaasha siyaasadeed, ciidameed, diineed iyo warbaahineed?
  3. Halkey u socotaa oo ay hayaan u tahay?
  4. Maxay uga dhex muuqataa diin ahaan iyo siyaasad ahaanba wadamo badan oo aan lagu ogeyn?

Weydiimahaasi iyo kuwa kaleba waxaad moodaa in bulsha weynta muslimiinta maanta oo qiyaastii kor u dhaafay 1.5 bilyan ay is weydiinayaan. Shiicida oo qiyaastii in ka badan kun sano ka jiray dunida muslimka, meelo badan oo ka mid ahna ku lahayd dad raacsan oo caqiidadooda rumeysan, taariikhda Islaamkana raad ku yeelatay oo xilliyada qaarkoodna dunida muslimka meelo ka mid ah xukumayay, ayaa maanta waxaa aad u soo muuqday iney si xawli ah u dardar galiyeen fidinta fikirkooda iyo waxay rumeysan yihiin, waxaad arkeysaa wadamo badan oo aan taariikh ahaan lagu aqoon shiicada iney maanta xarumo iyo masaajiddo ku leeyihiin sidoo kalena dad raacsan.

Inta badan muslimiintu wax badan kama oga shiicada caqiida ahaan iyo sooyaal keedii taariikheed. Ogaal la’aantaasi ayaa keentay iney si xoog leh maanta ugu fido dunida, gaar ahaan Soomaalida oo waayadan danbe ay mowjaddaasi sidato si doqoni ma garato ahna loogu dhex faafinayo fikirka shiicada gudaha wadanka iyo dibaddiisaba iyada oo lagu beer laxawsanayo jacaylka (Aala beytka)1 iyo fikirka qiiq isku qarinta ah ee waayadan danbe ay la soo shir tagaan ee ah waa laynagu been abuurtaa saxaabada wax kama sheegno Kitaabkeenna waa Quraanka ay muslimiintu haystaan, iyaga oo adeegsanaya caqiidada (Taqiyada)2 la yiraahdo oo diintooda ka mid ah (taasoo ah iney u banaan tahay in waxa ay rumeysan yihiin ay ka been sheegaan).

[1] Eeg cinwaanka Qadarinta Ahlu sunnuhu u hayaan Aala beytka
[2] Eeg cinwaanka waxay shiicada rumeysan tahay, qeybta Taqiyada.

Hadaba, si dadka muslimiinta ah looga badbaadiyo bidcada iyo khuraafaadka fikirka shiicigu xanbaarsan yahay, waxaa lagama maarmaan ah in la cadeeyo shiicadu waxa ay tahay, waxay aaminsan yihiin, waayahoodii taariikheed ee ay isla soo mareen dowladihii Islaamka iyo khatartooda. Qoraalkani kooban waxaannu Alle idankii si urursan uga jawaabi doonnaa su’aalaha aannu kor ku soo xusnay, iyada oo ay lama huraan tahay in marka hore la caddeeyo odobadan muhiimka ah.

  1. Sunnaha Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) oo la raaco, bidcada iyo khuraafaadka oo laga tago waa asal ka mid ah usuusha Islaamka.
  1. Waxaa waajib ah in la ogaado koox kastoo Islaamka ku abtirsato xagey ka taagan tahay usuusha diinta (kitaabka iyo sunnaha), marka hore waa in la barto usuushaas, kadibna waa in la ogaado kooxdaasi waxay rumeysan tahay si loo qiimeeyo halka ay diinta ka taagan tahay.
  1. Saxaabadu iney ahaayeen facii ugu khayrka badnaa ummaddan, iyaguna ay diinta ina soo gaarsiiyeen, in diintooda iyo amaanadooda la duraana waa diinta oo la dhaawaco.

Ilaahay (c) waxaan weydiisaneynaa inuu xaqa nagu sugo, sunnaha Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) kuwii raacaana inaga dhigo.

TOWFIIQDA ALLAHA NA WAAFAJIYO.

Cutubka 1aad

1 – Asalka Shiicada

A – Shiica Maxay Tahay?

Kooxdan shiicada la yiraahdo runtii aqoonsiyo badan ayaa loo sameeyay laga soo bilaabo qarnigii 2aad ee hijriyada, taasoo ku timid kooxaha kala duwan ee ay yeesheen ama ka soo farcamay asalka fikirkan shiiciga ah. Kutub badan oo ay qoreen culimo waaweyn ayaa lagu qeexay shiicadu waxay tahay? Maxay aaminsan yihiin?

Fikirka ay shiicadu aaminsan tahay kooxaheeda kala duwanna ay isaga mid yihiin – inkastoo ay waxyaabaha qaarkood ku kala duwan yihiin – waxaa si urursan oo aan waxba ka tagin u qeexay Abul fatx Shahristaani kitaabkiisa (Al Milal wa Nixal) wuxuuna yiri:

“Shiicadu waa dadka sheegta iney raacsan yihiin Cali Ibnu Abii Dhalib (h) rumeysanna inuu isagu khilaafada (madaxtinimada) leeyahay Nabiga ( صلى الله  ليه وسلم) ka dib. Ilaahay(c) Quraankiisa uu ku sheegay Nabiguna uu cadeeyay in Cali khilaafada leeyahay, isaga ka dibna ay caruurtiisu leeyihiin. Arintaasina waa mid uu Ilaahay (c) cadeeyay dadkuna aysan talo ku lahayn, waxay khilaafada gacantooda ka bixi kartaa laba xaalad middood”.

  • In loo awood sheegto oo xoog loogala wareego, sida ay Abubakar iyo Cumar sameeyeen.
  • In la dulmiyo oo ay lafahooda u baqaan dabadeena ay khilaafada iska wareejiyaan.

Labadaasi arin oo kaliya ayay xilka khilaafadu ku weyn karaan oo ay kaga wareegi kartaa. Arintan in la rumeeyaa waxay ka mid tahay tiirarka diintooda, qofkii rumeyn waayaa muslim ma aha.

Fikirka shiicada waxay isugu soo urureysaa arimahan:

  1. Imaamada (khilaafada) waxaa iska leh Cali (h) iyo caruurtiisa, waana Nas Quraan ah iyo xadiis aan dood gali karin.
  1. Imaamyadaasi qalad kama dhici karo iyaga oo xusuusan ama halmaansan midnaba (waa macsuumiin).
  1. Waxaa waajib ah in la yiraahdo Cali waa wali Alle, Abubakar, Cumar iyo Cusmaan iyo inta badan saxaabada iyo ciddii qadarisaba waa in laga fogaado oo aan la sheegan, arintaasi waa in la rumeeyo in la taqiyeysanayo mooyee, oo macnaheedu yahayin la qarsado caqiidadaasi”.3 Intaasi waa fikirka guud ee ay shiicadu isaga midka yihiin, dhammaantoodna ay ka siman yihiin meelaha qaarkood oo ay ku kala duwan yihiin mooyee.

B – Bilowgii Fikirka Shiicada
Iyo Ciddii Ka Danbeysay

Qarnigii 1aad ee hijriyada gaar ahaan xilligii khilaafada Cali (h) magaca shiica koox gaar ah looma aqoon ee waxaa lagu magacaabi jiray koox kasto ee bah wadaag ku ah mabda’ ama maslaxad kuu doona ha noqdee. Xilligaasi waxaa loo yaqaanay kooxihii kala raacsanaa Cali iyo Mucaawiya (j), iyadoo koox waliba la oran jiray shiicadii hebel, taana waxaa inoo cadeynaya markii labada koox ay isku waafaqeen dagaalkii Sifiin ka dib in la heshiiyo.

Heshiiskaasi waxay u soo kala dirsadeen Abuu Musa Alashcari (h) oo matalayay dhinaca Cali (h) iyo Camr Ibnu Caas (h) oo matalayay dhinaca Mucaawiye (h)qoraalkii heshiiska lagu gaaray waxaa ku qornaa erayadan”. Kani waa qoraal ay ku heshiiyeen Cali iyo Mucaawiya iyo labadooda shiica (koox) ee kala raacsan”. Macnaha xilligaasi loo yaqaanay erayga shiica ayaa ahaa koox mabda’, fikir iyo maslaxad isku bahaysatay hoggaamiyahoodana ku raacsan arinkaasi, mana jirin koox gaar ah oo magacaasi loo yaqaanay.

Fikirka shiicada sida taariikhdu wariso, waxaa aabe u ahaa dhagaxna dhigay ninkii la oran jiray Cabdullahi Ibnu Saba’ 3 Taqiyadu waa tiir ka mid ah tiirka caqiidada shiicada, taasoo macnaheedu yahay inuu qofku qarsado waxa uu rumeysan yahay ama ka been sheegi karo, sida aan ku arki doono qeybta caqiidada shiicada ee noolaa bilowga qarnigii 1aad ee hijriyda. Ninkan oo reer yemen ahaa gaar ahaan qabiilka la yiraahdo Ximyar, waxaa la yiraahdaa uma dhalan reer Ximyar ee waa uu ku dhax dhaqmay, asal ahaanna wuxuu ahaa yahuudi. Ninkan waxaa la qiyaasaa inuu Islaamka soo galay xilligii khilaafada Cusmaan (h) ama dabayaaqadii khilaafada Cumar (h).

Sida ka muuqatay fikirkii uu xanbaarsanaa iyo hab dhaqankiisa, wuxuu ahaa nin fidno iyo kala geyn la soo dhex galay dadkii muslimiinta ahaa, bilowgii horeba wuxuu bilaabay inuu yiraahdo ama uu gado fikir qariib ku ah Islaamka, Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) iyo saxaabaduna aan ka sugnaan ee uu isagu la kaliyoobay dabadeedna bilaabay inuu dadka ka gado.

Fikirkaasi wuxuu ahaa inuu yiri: “Nabi ma jiro intuusan dhiman wuxuu ka dardaarmi jiray cidda xilka kaga danbeyneysa, waxaana ku xaq leh Aal beytkiisa (qaraabadiisa), Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) qaraabadiisa waxaa ugu fadli badan Cali (h) sidaasi ayuuna Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ku dardaarmay in Cali khilaafada leeyahay”.

Fikirkan wax yiraahdaa inuu Cabdullahi Ibnu Saba’ ugu horeeyey waxaa qirsan oo qoraalladooda ku cadeeyay culimada Shiicada laf ahaantooda. Ninkan wuxuu isu diyaariyay dhexdana u xirtay sidii uu fikirkan u gadi laha uguna heli lahaa dad raacsan una dagaalama, ninkan wuxuu doonayay inuu dadka muslimiinta ah kala geeyo, waana ay dhacday oo fikirkiisii dad badan oo Islaamka cadaw u ahaa ayaa ka faa’iideystay kuna dadaalay iney dabkii kala geynta ku sii shidaan, waagaasi laga bilaabo bulshadii Islaamka waxaa ku bilowday wax la yiraahdo kooxo (firqooyin) u dhar dhigtay iney Islaamka gudaha kala dagaalamaan.

Ninkan hab dhaqankiisu wuxuu ahaa inuu daah isku qariyo, fikirkiisa inuu dad u dhiibo isagana uusan is muujinin (waa dhaqanka yuhuudda), sidoo kale wuxuu isaga gooshi jiray magaalooyinka Muslimiintu aad u dagan yihiin si uu u gado fikirkaasi gaar ahaan magaalooyinka ka fog xarunta Islaamka ee Madiina oo ay saxaabadii waaweynaa joogeen raadkii Rasuulkana ka qoyan yahay. Meelaha uu xushay inuu suntiisa iyo waabaayadiisa ku afuufo waxaa aad ugu badnaa dadka uu Islaamku ku cusbaa inkastoo ay saxaabada qaarkood joogeen, ninkan dacwaddiisa waxay ahayd miduu si qarsoodi ah u fidin jiray dadka ay aqoon tooda diineed hooseysa ayuu ku beer laxawsan jiray Aala beyt iyo qaraabadii Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) s i uu fikirkan uga gado, wuxuuna u kala socdaalay magaalooyin ka mid Ciraaq iyo Masar.

Dilkii Cali (h) ka dib waxaa sii kordhay fikirkan dadka raacsan, iyada oo dad badan ay si laab la kac ah ula qiiroodeen Aala beytka, waxay arintu sii xoogeysatay markii Xuseen Ibnu Cali (h) isagana la dilay xilligii Yazid Ibnu Mucaawiya uu ahaa Khaliifkii muslimiinta ee dowladdii Umawiyiinta. Dilkii Xuseen Ibnu Cali (h) ka dib waxaa bilowday fikirkii ahaa Imaamada ee ahayd in Imaamka muslimiintu yahay Aala Beyt gaar ahaan dhashii Xuseen oo hadba kan ugu weyn uu leeyahay Imaamada ilaa la soo gaaray Imaamkii 12aad oo sida ay sheegayaan la waayay, ayna sugayaan inuu soo noqdo si uu dunida u xukumo.

Labadii qarni ee ugu horeeyay arinka shiicadu wuxuu ku koobnaa kaliya qadiyadda xukunka Aala beytka iyo iney iyagu ku xaq leeyihiin, Ilaahayna uu Quraanka ku cadeeyay Nabigana uu sugay, hase yeeshee saxaabadu ay qariyeen gaar ahaan Abu Bakar iyo Cumar, sidaa daraadeed ayay qaarkood saxaabada u gaaleysiiyaan, kuwa kalena waxay ku tilmaaan iney faasiqiin yihiin, waayo dardaarankii Nabiga ayay qariyeen.

Kooxihii fikirkan qabay ee sheeganayay in imaamada muslimiinta ay leeyihiin Aala beytka gaar ahaan dhashii Xuseen ibnu Cali (h), kacdoon koodu wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo salka ku haya fikirka imaamada, dowladdii Islaamka ee Umawiyiinta aad bay uga soo horjeesteen dagaallo badanna waa ay la galeen iyaga oo ka duulaya fikirkaasi, sidoo kale dowladdii Cabaasiyiinta bilowgeedii hore. Sida taariikhda ku cad dhaqdhaqaaqa kooxdan wuxuu u badnaa dhulkii Faaris la oran jiray (Qeyb Ciraaq ka mid ah iyo Iiraan) dadkii fikirkan aaminsanaa waxay u badnaayeen dadka ka soo jeedo deegaankaasi.

Islaamka ka hor deegaankaasi waxaa ka talineysay boqortooyadii Faaris ee majuusiyadda (dab caabudka) ahayd. Dad badan oo u dhashay deegaankaasi ayaa waxaa ka guuxayay dareenka soo celinta boqortooyadoodii uu Islaamku burburiyay ee Faaris ee majuusiyadda ahayd, dadkaasi waxay fursad u heleen iney ku biiraan kooxdan dabadeedna ay ku tallaalaan fikradihii ay boqortooyadoodii aaminsaneyd, iyaga oo ku tilmaamaya iney ka mid tahay usuusha caqiidada Islaamka oo qofkii rumeyn waayaa uu gaaloobayo, waxyaabihii bidacda ahaa ee ay ku soo biiriyeen waxaa ka mid ah:

1. Arinta Imaamada oo maanta ka mid ah arkaanta Iimaankooda iyo iney dhaxaltooyo tahay uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ka dardaarmay, imaamyadaasina ay yihiin 12, kii 12aadna uu isaga oo yar tagay soona noqon doona, ilaa hadda oo laga joogo in ka badan kun sano waa ay sugayaan, waxayna rumeysan yihiin inuu yahayMahdigii la sugayay.

2. Qoyska Imaamyada oo la taqdiisiyo imaamyaduna yihiin dad dhowrsan (macsuumiin) aan qaldamin kas iyo kama’ba – fikirkan waa mid ka soo jeedo caqiidadii majuusiyiinta ee reer faaris ay u arkayeen in caa’ilada boqortooyadu muqdas tahay – sidaa darteed hadalka Imaamku waa xukun sharci ah sida aayad Quraan ah ama Xadiis Nabigu sheegay oo kale. Arintaasi waxaa inoo cadeynaya Khumeyni oo kitaabkiisa Xukuumadda Islaamka ku yiri:

“Waxyaabaha aasaaska u ah mad-habteena waxaa ka mid ah in Imaamyadeenu leeyihiin meeqaan uusan gaari karin Malak Alle u dhow iyo Nabi la soo diray”.4

Caqiidadaasi ay aaminsan yihiin waa tan keentay iney saxaabada la colloobaan in yar oo fara ku tiris ah mooyee, colaaddaasi waxay gaartay xataa Aala beytka qaarkood الخوميني “الحكومة الاسلامية” ص 4 52 sida Alcabbaas (h) oo ahaa Nabiga adeerkii iyo Ibnu Cabbaas (h) oo isna ahaa Nabiga ina adeerkii sidoo kalena ah ummaddan caalimkoodii Nabigu u duceeyay turjumaankii Quraankana ahaa.

C – Shiicadu Waxa Ay Aaminsan Yihiin

Sida aannu horay u soo tilmaamnay kooxdan shiicada la yiraahdo oo bilowgeedii hore ka duuleysay fikir siyaasadeed, xukun iyo cidda ku xaq leh xukunkaasi, ayaa ugu danbeyntii isu rogtay koox caqiido iyo mabaadi’ rumeysan ka dib markii ay ku soo biireen dodyow badan oo doonayay iney Islaamka dhagraan ama ka aarsadaan maadaama uu burburiyay diimahoodii. Caqaa’idka ay maanta shiicadu rumeysan tahay inta badan waxay salka ku haysaa fikrado ka soo jeedo caqiidooyin hore iyo bidac ay iyagu ku soo dareen dadkana ay uga dhigeen diin iyo mad-hab ku abtirsata Islaamka saxa ah.

Qoraalkan kooban kuma soo ururin karno dhammaan waxyaabaha ay rumeysan yihiin, hase yeeshee waxaan ku soo qaadaneynaa inta ugu waaweyn si aannu u cadeyno mowqifka Islaamku uu ka qabo fikradahaasi ay aaminsan yihiin, waxyaabaha aasaaska u ah caqiidada ay la soo shir tagaan waxaa ka mid ah.

1. Imaamada: oo ah in Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) uu magacaabay cidda xukunka kaga danbeysa, taasoo ah mid uu Ilaahay (c) cadeeyay naska Quraankana lagu sheegay Nabiguna uu ka dardaarmay, Calina uu ahaa ninkii ku xaq u lahaa isagana uu kala sii dardaarmay labadiisii wiil ee Xasan iyo Xuseen sida ay u kala weyn yihiin, ka dibna ay sidaasi ku soconeyso silsiladdaasi oo imaam kastaa uu wiilkiisa curadka ah ka dhaxlayo imaamnimada isaga ka dib.

Arinkan waxay u soo daliishadaan dhacdadii Qadiir Khum oo ay leeyihiin waa meeshii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) kula dardaarmay Cali inuu isagu leeyahay dhaxalka xukunka Nabiga ka dib, runtii dhacdadani meelna raad loogama hayo Muxadisiinta Sunnada iyo taariikh yahannada Muslimiinta meelna kuma aysan cadeyn dardaaranka dhacdadaasi waxay u badan tahay mid u gaar ah shiicada oo ay iyagu abuurteen si ay fikirkoodaas ku xoojiyaan, waana sida ay u badan yihiin in axaadiis daciif ah ama asal ahaan aan raad lahayn ay soo arooriyaan, waxay rumeysan yihiinna u soo daliishadaan, sida kutub tooda ku cad waxay leeyihiin kutub u gaar ah oo ay ku soo arooriyaan axaadiis ay sheegaan iney ka sugnaatay Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) oo inta badan ay ku jiraan rag lagu yaqaan been abuuradka iyo daciif nimada axaadiis tooda, sida kitaabka Alkaafi oo uu qoray Alkuleyni oo lagu soo arooriyay dhowr iyo toban kun oo xadiis, waxay yiraahdaan wuxuu u dhigmaa Kitaabka saxiixa ah Albukhari. sida la cadeeyayna axaadiistaasi waxay u badan yihiin been abuur iyo kuwa dabar go’an oo aan loo hayn raad taxan.

2. Cismada: oo ah in Imaamyadu yihiin macsuumiin dad ka dhowrsan qaladka, sida Anbiyada (o) oo kale.

3. Cilmiga waxyooday.

4. Imaamyadu waxa ay leeyihiin mucjisooyin ay dadka tusaan sida Anbiyada, taasoo cadeyneysa imaamnimadooda.

5. Soo noqoshada Imaamka: waxay rumeysan yihiin in Imaamkii 11aad ee Alxasan Alcaskari wiilkiisii dhaxli lahaa ee noqon lahaana imaamkii 12aad in isagoo yar la waayay, sida ay sheegaanna god weyn oo ku yaal magaalada Saamurraa ee Ciraaq ayuu galay, waxay aaminsan yihiin inuu imaamkaasi soo noqon doono ilaa haddana ay sugayaan – waxaana qiyaastii laga joogaa in ka badan kun iyo boqol sano -. Qaarkood maqrib waliba godkaasi afkiisa ayay istaagaan una dhawaaqaan Imaamkaasi iyagoo ugu yeeraya magaciisa si uu ugu soo baxo, markii goor danbe la gaaro oo uu soo bixi waayana waa ay iska kala tagaan iyagoo ku raja qabo inuu habeenka xiga u soo baxo.

Imaamkan 12aad ee ay leeyihiin isaga oo yar ayaa la waayay oo uu godkaasi galay, – sida la xaqiijiyay Alxasan Alcaskari ilmaba kama tagin ama wiilkiisa isaga oo yar ayuu dhintay. Waxaa la yiraahdaa imaamkaasi ma jiro ee waa shakhsiyad la sameeyay laguna dhisayay caqiidada Imamiyada. Waxay rumeysan yihiin Imaamkaasi marka uu soo noqdo wuxuu xukumi doonaa adduunka cadaalad iyo xaqsoor ayuu ka buuxin doonaa dunida, sida dulmi iyo cadaalad dari looga buuxiyay.

6. Taqiya: oo macnaheedu yahay in la qarsado waxa la rumeysan yahay, mabda’an wuxuu ka mid yahay usuusha biyo kama dhibcaanka ah ee ay shiicadu aaminsan tahay, la’aantiina qofka diintiisu sax ma ah in laga tagaana waxay ka dhigan tahay iyada oo salaadda laga tago. Mabda’an Taqiyada la yiraahdo wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa ninkii la oran jiray Mukhtar Al Thaqafi ee noolaa qarnigii 1aad ee Hijriyada, kaasoo qabay in Imaamadu Cali ka dib uu lahaa Muxammad Alxanafiya oo ka mid ahaa Cali caruurtiisa, wuxuu kaloo qabay in Muxammad Alxanafiya macsuum yahay, uuna hayo Quraan aysan muslimiinta kale haysan, sidoo kale ogyahay cilmiga qarsoon ee sirta ah cid kalena aysan ogeyn.

Arintaasi markii Muxammad Alxanafiya oo ahaa caalim warac (xalaal quute) ah kuna noolaa magaalada Madina loo sheegay wuxuu qoray qoraal uu arintaasi kaga bari noqonayo iney been abuurad aan waxba ka jirin tahayna ku cadeeyay. Goortii loo sheegay Mukhtar in Muxammad Alxanafiya ka bari noqday wixii uu sheegayay ayay talo ku cadaatay, illeyn waa nin dhagar badan oo fidna wade ah wuxuu dadkii ku yiri: waa sax waxa aan sheegayo oo Muxammad Alxanafiya waa imaam, hase yeeshee wuu is qarinayaa oo wuxuu adeegsanayaa Taqiya maadaama uu joogo meel lagaga badan yahay, halkaasi ayay ka soo bilaabatay Taqiyadu, dabadeedna ay ka mid noqotay tiirarka ugu waaweyn caqiidadooda, waxaana aad u sii xoojiyay Imaamkoodii 5aad ee Abuu Jacfar oo sida ay sheegaan yiri:

“Taqiyadu waa diinteyda iyo diinta aabayaashey, iimaan ma leh qofka aan taqiya lahayn”.5

Waxay kaloo yiraahdaan Taqiyadu waa 90% diinta, sidaasi daraadeed ayaa inta badan shiicadu waxay rumeysan yihiin qariyaan kana been sheegaan si aan loogu tuhmin iney diinta Ilaahay (c) badaleen oo ay la yimaadeen waxaanan ka mid ahayn, marka lala doodayo inta badan ma sheegaan caqiidadooda, gaar ahaan waxay ka rumeysan yihiin Quraanka iyo saxaabada, sidaas ayay dadka aan kutubtooda iyo qoraalladooda akhrin ama aan aqoon badan u lahayn kooxdan shiicada la yiraahdo ay ku qaldaan una tusaan inaan wax badan lagu kala duwaneyn oo lagu been abuurto.

7. Waxay rumeysan yihiin inuu jiro Musxaf aan ahayn Musxafka Quraanka oo la yiraahdo Musxaf Faduma, inkastoo ay inkiraan oo ay yiraahdaan ma rumeysnin oo waxaan rumeysan nahay Kitaabka Quranka – taasina waa taqiyadooda, waayo arintan waxay ku cadahay kutubtooda marjica u ah sida kitaabka Alkaafi ee uu qoray AlKuleyni boggiisa 57aad wuxuu ku soo arooriyay in Jacfar As Sadiq uu yiri: “Waxaan leennahay Musxaf Faduma”, markii la weydiiyay muxuu yahay Musxaf Faduma, wuxuu yiri:

Waa Musxaf sida Quraankiinna oo kale ah oo sadax jibbaaran, Wallahi xaraf Quraankiinna ah kuma jiro”.6

8. Mutcada: oo ah guurka mudada kooban lagu heshiinayo, guurka noocan ah shiicadu waxay u arkaan inuu yahay hab dhaqan wanaagsan iyo waxyaabaha Ilahay (c) loogu dhawaado kuwa ugu fadliga badan, in gabadha lagula heshiiyo in la qabi doono muddo kooban qiima go’anna lagu siiyo arintaasi Islaamka sharci ahaan waa uu xarimay oo xalaal ma ah, culimaduna waxay ku tilmaamaan iney sino tahay labadii qof ee ku heshiiya guurka noocaasi ah, laakin shiicadu waxay u arkaan hab dhaqan wanaagsan oo diinta ka mid ah.

9. Waxay rumeysan yihiin in laga bari noqdo inta badan saxaabada oo macnaheedu tahay in laga fogaado oo wax laga sheego, gaar ahaan Khulafadii Abu Bakar, Cumar iyo Cusmaan

(j) sidoo kale Caa’isha (o), ka bari noqosho kaliya ma ah ee waa in la lacnado oo diintooda iyo sharafkooda la duro, arintani waxay ka mid tahay imaanka qofka haddii uusan sidaa yeelin caqiidadiisu sax ma ah, waayo khulafadaasi waxay u arkaan iney yihiin daalimiin Ilaahay iyo Rasuulkiisa amarkoodii iyo dardaaran koodii marin habaabiyay ummaddiina qalday, sidaasi daraadeed ay waajib tahay in la lacnado.

10. Caqiidada Badaoo ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee caqiidadooda gaar ahaan kooxda la yiraahdo Ithnaa Cashariya (laba iyo tobanleyda) oo ah kooxda ugu badan shiicada maanta uguna mayalka adag, kuwaasoo ah shiicada Iiraan, Ciraaq, Lubnaan iyo qeyb ka mid ah Pakistan iyo Afgaanistaan iyo wadama kale.

Caqiidada Bada oo uu keenay ninkii la oran jiray Mukhtar Athaqafi ee noolaa qarnigii 1aad ee Hijriyada lana casriyay bundhigihii fikirka shiicada Cabdullahi Ibnu Saba, ayaa caqiidadan wuxuu ku keenay markii uu damcay inuu abaabulo ciidan u hiiliya Xuseen Ibnu Cali (h) una aarguda ayuu ciidankii u sheegay in Ilaahay (c) uu u balan qaaday in duulaan koodaas ku guuleysan doonaan, markii la soo jibiyay ayaa abbaanduule ka mid ahaa ciidanka oo firxad ah u yimid kuna yiri, aaway balanqaadkii Ilaahay (c) ee aad noo sheegtay, markaasuu ku yiri, balanqaadku sax buu ahaa waana sidii uu Ilaahay (c) u sheegay, hase yeeshee Ilaahay (c) wax kale ayaa u muuqday oo waxaa ku yimid wax uusan ku tala galin oo aan u qorsheysneyn sidaasi ayuuna wax u badalay, xilligaa laga bilaabo caqiidada Bada oo macnaheedu yahay Ilaahay (c) waxaa u muuqda oo ku soo baxa wax uusan ku talagalin markaasi ayuu wax badalaa.

Fikirkan habawga ah ee caqiidada Bada dad badan ayay ku marin habaabiyeen ugana dhigeen diin, dadkaasoo aaminay in Ilaahay (c) ay la soo gudboonaadaan arimo badan oo uusan qorsheyn taladana ugu jirin markaa ka dib ayuu wax qadaraa oo uu wax badalaa, Ilaahay (c) ka sareeyay kana hufnaayay waxaase ay sheegayaan. Waxyaabaha kale ee ay diinta ku soo dareen ee ah bidcooyinka iyo khuraafaatka aan sal iyo raad ku lahayn Islaamka waxaa ka mid ah:

1. Ciidda Qadiir Khum oo ah ciid ay weyneeyaan kuna aaddan maalinta 18aad ee bisha Dul Xijjah, waxay ka fadilaan labada ciidood ee Carafo iyo Soonfur, maalintaasi in la soomaa waa sunno adag, maalintaasina waxay yiraahdaan waa maalintii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) khilaafada kula dardaarmay Cali (h).

2. Waxay aad u weyneeyaan ciidda Nayruuska (dab shidka) oo ah ciid ay lahaan jireen reer faaris oo ka soo jeedda diinta Majuusiyadda (dab caabudka), qaarkood waxay qabaan in la qubeystaa waa sunno.

3. Waxay kaloo aad u weyneeyaan ciidna u sameeyeen maalinta 9aad ee bisha Rabiicul Awal , waxay yiraahdaan waa ciiddii (Baba Shujaacuddiin) waa magac ay ugu yeeraan Abu Lu’lu’ Almajuusi oo ahaa mujrimkii dilay Amiirkii Mu’miniinta Cumar Ibnu Khataab (h).

4. Waxay xaflado baroor diiq iyo tacsiyeyn u sameeyaan dilkii Xuseen Ibnu Cali (h) iyadoo xabadka iyo dhabarkaba layska garaacayo ilaa dhiig layska keeno waxyaabo badan oo Islaamka xaaraan ku ahna la sameeyo 10ka maalmood ee u horeeya bisha Muxaram ee baroordiiqaasi lagu jiro, waxay rumeysan yihiin in arintaasi ay tahay Alle u dhawaansho iyo danbi dhaaf.

Qofka tagaa magaalooyinka muqadaska u ah shiicada sida Karbalaa, Najaf iyo Qum maalmahaasi wuxuu ku arkayaa waxyaabo lala yaabo oo aan wax xiriir ah la lahayn Islaamka iyo hab dhaqankiisa wanaagsan, waana waxyaabaha ay diinta ku soo biiriyeen dadkana ay ugu beer laxawsadaan waa u baari ahaanshaha Aala beytka, arintaasina Aala baytku waa ka bari.

2 – Sooyaalkii Shirqooleed
Ee Shiicada

Sida aan qeybaha hore ku soo xusnay shiicadu bilowgeediiba waxay salka ku haysay la dagaalanka Islaamka saxa ah madaama fikirkii lagu aasaasay uu khilaafsanaa usuusha diinta , raggii ka danbeyayna ay colaad iyo xumaanba u qabeen saxaabada iyo culimadii waaweyneed ee Muslimiinta, hagar daamooyinkii ay maleegi jireen waxaan ka dheehan karnaa taariikhdooda iyo meelihii ay ka soo baxeen waxay ku dhigeen ee dil , xasuuq iyo barakicinba, taasoo ilaa maanta taagan.

Taariikhda shiicada laguma hayo iney dhul furatay oo ay diinta Islaamka gaarsiisay, waxa laga hayaa kaliya iney had iyo goor mu’aamaro iyo shirqoollo ku hayeen dowladihii Islaamka ee soo jiray gudahooda, mar walibana la soo ban baxayeen hagardaamo lagu hayo dadka muslimiinta, tusaalooyinka arintaasi waxay dul ceegaagaan buugaagta tariikhda Islaamka ee ay qoreen culimadii waaweynaa sida – Albidaaya wa nihaaya ee Ibnu Kathiir, Alkaamil fi Taariikh ee Ibnu Athiir, Taariikh Alkhulafaa ee Suyuudhi iyo Kitaabkii taariikhda Dhabari, dhammaantood waxay soo arooriyaan sooyaalkii shirqooleed ee shiicada ee ay had iyo goor dowladihii Islaamka iyo shucuubtii muslimiinta ku hayeen, waxaa tusaale inooga filan dhacdooyinka.

1. Qarniga 4aad ee hijriyada waxaa gayiga Islaamka ka dhashay firqo ka mid ah shiicada oo la yiraahdo Alqaraamida oo ka mid ahayd firqooyinkii ugu xagjirsanaa ee aad ula dagaalamay muslimiinta, firqadan waxay maamul ay xukunta ka sameysatay mandiqaddii la oran jiray Albaxreyn oo ka koobneyd waagaasi bariga jaziiradda carabta, kooxdan jariimooyinkii ay muslimiinta ka galeen taariikduna ay xusto waxaa ka mid ahaa, sanadkii 317 hijriyada iney ku soo duuleen Xaramka waqti ay xujeydii gudanayeen xajkoodii, sida taariikhdu wariso waxay halkaasi ku laayeen intii badneyd xujeydii sanadkaasi, sidoo kale waxay xadeen xajar aswadkii Kacbada isaga oo ay dillaac gaarsiiyeen, waxayna u qaateen caasimadoodii Hajar ee bariga Jaziiradda carabta, laba iyo labaatan sano ayay halkaasi ku haysteen oo ay kacbadu xajar aswad la’aan ahayd ilaa laga soo celiyo sanadkii 339 hijriyada.

Colaadda iyo xumaanta ay kooxdaasi shiicada ahayd muslimiinta u qabtay ayaad ka dheehan kartaa dhacdadaasi, in xujey xajkoodii gudaneyso joogana xaramkii Ilaahay (c) xurmeeyay in xataa xayawaan lagu dilo ay reebaneyd in lagu laayo dad muslimiin ah, waad garan kartaa neceybka ay kooxdaasi u qabtay Islaamka iyo iney dadkaasi muslimiinta ah u arkayeen gaalo iyo faasiqiin dhiigoodu xalaal yahay xataa xaramka dhexdiisa.

2. Ibnu Kathir (r) wuxuu kitaabkiisa Albidaaya Wa Nihaaya, ku sheegay in Ibnu Calqami oo wasiir u ahaa Almustacsim waa khaliifkii ugu danbeeyay ee dowladdii Cabaasiya, wasiirkan oo shiica ahaa wuxuu qeyb weyn ka qaatay ku soo hagidda ciidankii Holaako ee Tataarka (Maquulka) kuwaasoo ku soo duulay dowladdii Islaamka ee Cabaasiya. Ninkan shiicada ahaa colaad iyo xumaan uu u qabay dowladdii Islaamka wuxuu maleegay shirqool uu doonayay inuu ku burburiyo dowladdii Islaamka isaga oo ku soo hagay cadowgii Tataarka ee soo jiiray qeybihii bariga dowladda ilaa ay u soo talaabeen magaalada Baqdaad ee ahayd caasimaddii dowladda.

Talaabooyinkii uuqaaday ee uu ku shirqoolayay khilaafadii Islaamka waxaa ka mid ahaa:

Ugu horeyntii wuxuu ku talaabsaday inuu tirada ciidanka dowladda yareeyo, isaga inta badan ruqseeyay, qaarna mishaaraadkii ku yareeyay si ay isaga tagaan arintaasina waa uu ku guuleystay, waxaa la tilmaamaa in tirada ciidanku ahaayeen ilaa boqol kun, howlgalkaasi uu sameeyay wuxuu tirada ciidanka ka dhigay ilaa toban kun, Khaliifkii Muslimiinta ee Mustacsim wuxuu ugu sheekeyn jiray in ciidanku aad u heer sareeyo tiro iyo tayo ahaanba.

Wuxuu si aad ah uga ilaaliyay khaliifka iney gaaraan dhammaan fariimaha iyo qoraallada ay culimadii iyo waxgaradkii u gudbinayeen iyaga oo uga digayay khatarta soo socota, sidoo kale wuxuu ka ilaaliyay iney u galaan oo ay arbixinta dhabta ee khatarta cadawga siiyaan, si beentiisa iyo hagardaamadiisu u kashifmin, khaliifkana uu warmoog uga dhigo.

Tan kale wuxuu sameeyay inuu xiriir qoraallo ah la sameeyo hogaamiyihii Tataarka isaga oo ku dhiirigalinayay kuna damac galinayay inuu ku soo duulo magaalada Baqdaad si uu u qabsado, una tilmaamay inuusan ciidan xoog leh jirin, khaliifka iyo maamulkiisuna aad u liitaan oo aysan iska caabin karin awoodda Tataarka.

Ugu danbeyntii wuxuu Khaliifka ku qanciyay in Holaako uu doonayo heshiis ee uusan rabin inuu Baqdaad qabsado, haddii kala bar oo bar la siiyo wax soo saarka Ciraaq inuu iska noqonayo, arintaasoo ahayd been abuur uu doonayay inuu Khaliifka u tuso inuusan dagaalamin, hogaamiyayaashii iyo culimadii ka horyimidna uu Khaliifka ku diray, ilaa uu Khaliifkii Muslimiintu uu ku qancay in Holaako doonayo heshiis, ka dibna isaga – waa Khaliifka – reerkiisii howlwadeenadii dowladda culimadii iyo ganacsatadii magaalada Baqdaad iyo dhammaan waxgaradkii waxaa loo diyaariyay iney la kulmaan Holaako oo magaalada duleedkeeda ciidankiisa la dul taagan, wuxuu Ibnu Kathiir kitaabkiisa ku xusay in qiyaastii dad gaaraya ilaa 700 oo qof oo uu khaliifka hogaaminayo oo isugu jira howlwadeenadii dowladda (madaxdii) culimadii, ganagsato, waxgaradkii magaalada Baqdaad ay hor tageen Holaako, halkaasina lagu wada gowracay.

Waxaa la yiraahdaa ninkii la oran jiray Nasiiruddiin Adh-dhuusi oo ahaa nin Shiica ah kana mid ahaa firqada Ismaaciiliya uu Holaako la socday una ahaa la taliye kula talin jiray sidii uu muslimiinta sunniyiinta ah u xasuuqi lahaa magaalooyinkoodana u burburin lahaa, ninkaasi iyo Ibnu Calqami ayaa kula taliyay inuusan la heshiin khaliifka, isaga iyo cidda la socotana laayo ka dibna magaalada Baqdaad burburiyo, Ibnu Calqami iyo Adh-dhuusi waxay u arkayeen in Baqdaad tahay qalcaddii Sunniyiinta haddii la burburiyo dowladdii khilaafada ahaydna la baabi’iyo in calankii shiicadu taagmayo iyaguna ay awood u yeelanayaan iney fikirkooda dadka ku faafin karaan, waayo dowladdii iyo culimadii hortaagneyd haddii meesha laga leexiyo iney fursaddaasi helayaan.

Taariikhu waxay xustaa in magaalada Baqdaad xilligaasi 1258dii oo uu Holaako soo galay lagu laayay ilaa 2 milyan oo qof, sidoo kalena lagu baabi’iyay hanti aan la qiyaasi karin masaajid, guryo iyo beero intuba la burburiyay, waxyaabihii ugu darnaana ay ahayd maktabaddii ugu weyneyd dunida xilligaasi ee Daarul Xikma oo malaayiin kutub ah taalay in kutubtaasi lagu guray wabiga Dijla, musiibadaasi Musliiinta ku habsatay waxaa sabab u ahaan xiqdiga iyo xumaanta shiicadu u qabto dadka muslimiinta ah ee sunniyiinta, labadaasi nin ee mujrimiinta ahaa ee sababsaday musiibadaasi, maanta shiicada joogtaa waxay u arkaan halyeeyo taariikhda baal dahab ah kaga jira, Khumeyni wuxuu buuggiisa Dowladda Islaamka boggiisa 128 ku sheegay in khaa’inkii la saftay cadowga Islaamka ee Nasiiruddiin Adh-Dhuusi uu howlo waaweyn oo wax ku ool ah uu ummadda Islaamka u qabtay, su’aashuse waxay tahay howlaha waaweyn oo wax ku ool ah ma wuxuu ula jeedaa malaayiinta muslimiinta ah ee la laayay. intaa ayaa inooga filan shiicada iyo shirqoolladooda iyo iney waligood u soo taagnaayeen iney la saftaan cadowga Islaamka si loo xasuuqo dadka muslimiinta.

Sanadkii 907dii Hijriyada waxaa dhulkaas Iiraan ka dhalatay dowladdii shiicada ahayd ee Safawiyiinta oo uu aasaasay Shaah Ismaaciil Ibnu Xaydar As-safawi, xilligaasi waxaa caalamka Islaamka ka talinayay Khilaafadii Cusmaaniyiinta ee Sunniga ahayd, ninkan Ismaaciil As safawi la yiraahdo wuxuu bilaabay inuu fikirkan shiiciga ah uu ku faafiyo dhulkaasi, ciddii ku diidana uu dilo, waxaa la yiraahdaa wuxuu laayay malaayiin dad ah oo ahaa sunniyiintii dhulkaasi daganeyd ee Iiraan iyo Ciraaq, Khaliifkii Cusmaaniyada ee Saliim wuxuu ku soo qaaday duulaan balaaran uu doonayay inuu dhulka kaga saaro, waana uu jibiyay, taasoo keentay in Safawiyiintii ay xulufo la noqdaan dowladdii ahayd cadawga koowaad ee Islaamka xilligaasi ee Burtuqiiska, waxay ku soo hogaamiyeen iney dhulka muslimiinta qabsadaan gaar ahaan xeebaha koonfureed ee Islaamka xeebaha Badda Cas, Badda carabta ilaa Khaliijka Carabta, taasoo keentay inuu Burtuqiisku qabsado magaalooyin badan oo ku dhac xeebahaasi.

Intaas waa tusaale ka mid ah mu’aamarooyinkii ay shiicadu u maleegi jireen dowladihii Islaamka iyo shucuubtii muslimiinta. Faahfaahinta dhacdooyinkaasi iyo kuwa badan oo la mid ah ka daalaco bogagga kutubta taariikhda Islaamka ee ay qoreen culimadii waaweynaa ee waagii hore iyo xilliganba.

3 – Hagardaamada Shiicada
Iyo Dunida Muslimka Maanta

Dowladda Iiraan oo haatan u muuqata iney wakiil ka tahay dhammaan dadyowga rumeysan fikirkan shiiciga ee dunida muslimka ku baahsan, ayaa waxaad moodaa iney u howl gashay fidno iyo qalalaaso ka dhex abuurista dadka sunniyiinta ah iyo kuwa shiicada ah ee wada daggan hal wadan , kuwaasoo ku wada noolaa boqolaal sano daris wanaag iyo nabad ku wada noolaasho mararka qaarkoodna ahaa dad xidid ah. Maanta inta badan wadamada muslimiinta ee ay ku dhex nool yihiin dadka shiicada ee laga tirada badan yahay waxaa dhex yaalla colaad iyo fidno ay ka dhex abuurtay dowladda Iiraan, iyada oo ku andacooneysa iney wakiil ka tahay shiicada caalamka.

Meelaha ay dowladda Iiraan ka howl gashay shirqoolladeeda shiiceynta ama xoojinta shiicada laga tira badan yahay waxaa ka mid ah.:

1. Ciraaq oo aan maanta ka dharagsan nahay fidnada ka socota iyo dowrka weyn ee ay Iiraan ku leedahay fidnadaasi, ujeedka laga leeyahayna ay tahay in la xoojigo shiicada Ciraaq sunnigana uunoqdo dad laga tira badan yahay markaana la doorrisiiyo iney shiicoobaan ama dalka ka guuraan, si wadanka Ciraaq uu u noqdo qeyb ka mid ah Iiraan siyaasad ahaan iyo juqraafi ahaanba.

2. Baxreyn oo ay Iiraan sheegato iney ahayd jasiirado ka tirsan dadka dagganna ay intooda badan yihiin shiico, ayaa istraatiijiyaddeedu tahay in fidno la dhex dhigo wadankaasi ka dibna dagaallo sokeeyo ka dhacaan, si ay Iiraan fursad ugu hesho fara gashi, ka dibna dadka sunniyiinta ah laga dhigo dad laga tira badan yahay ama iney shiicoobaan, waa sida ay Iiraan ku riyooneyso.

3. Lubnaan oo ay ka dhex abuurtay urur loogu wanqalay inuu yahay Xisbullahi, hase yeeshee aad uga fog xisba Alle iyo diintiisa, iskuna qiiq qariyo inuu Yuhuudda la dagaalamayo iyadoo dhowr mar riwaayad dadka muslimiinta caalamka ku baahsan dhoollatus ahaan loogu sameynayay laakin aan waxba ka jirin dhabna aysan ka ahayn la dagaallanka yuhuudda, taana waxaa inoo cadeynaya iney dowr weyn ka qaateen waagii ay ahaayeen xarakadii Amal ee shiiciga ahayd xasuuqii sideetameeyadii loo geystay dadkii qaxootiga ahaa ee Falastiiniyiinta ee Sabra iyo Shatiila iyaga oo la kaashanayo yuhuudda.

Maantana waxaa inoo muuqda iney hiil iyo hooba la garab taagan yihiin maamulka reer Asad ee Suuriya oo xasuuq ku haya dadkiisa xisbullaahina u safka hore dagaalka kaga jiro.

4. Yemen oo ay aad u taageereen kooxdii yareyd ee reer Xuusi ilaa ay dowladdii wadanka afgambiso oo awooddii wadanka oo dhan la wareegtay, goortaana xasuuq balaaran ka geysato wadankaasi. Intaasi waa wadamada ay maanta sida tooska ah ugu jirto ayna dooneyso iney qaab deegaanka dadka ay badasho, si ay halkaasi uga soo saarto dowlado cunsurka shiicigu ku awood badan yahay dadka sunniyiinta ah ee dagan wadankaasina la doorrisiiyo iney shiicoobaan ama ay wadamada dariska la ah galaan oo ay wadanka ka qaxaan – waa istraatiijiyadda siyaasadeed ee fog oo ay Iiraan ka leedahay mandiqadda, gaar ahaan bariga dhexe, iyaduna ay u noqoto udub dhexaadka lagu soo hiranayo awoodna u leh iney si dadban u maamusho wadamadaasi maadaama ay ku guuleysatay in shiicadii laga tirada badnaa ay awoodda wadanka gacanta u galiso.

Dhinaca kale istraatijiyadeeda fidna abuurka salka ku haysa waxaa ka mid ah in wadamada aan fikirkan shiiciga ka jirin in lagu abuuro shiico, si mustaqbalka dhaw unuggaasi lagu abuurayo uu u koro awoodna ku yeesho wadankaasi halkaasina ay Iiraan ka hesho fursad ay wadan kaasi siyaasad diisa ku soo fara galiso, meelaha ay siyaasad daasi ka fulisay waxaa ka mid ah:

1. Wadanka Neyjeeriya oo ay ka sameysay koox mayal adag oo shiica ah una shaqeeyo sida xisbullahiga Lubnaan ciidankooda leh Iiraanna u tababarto magaalooyin ay dagan yihiin leh maalgalinna xoog lehna ka hela Iiraan kooxdaasina waa kooxda uu hogaamiyaha yahay Ibraahiim Yacquub Zakzaky lana magac baxday dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Neyjeeriya. inkastoo madaxweynaha haatan xukunka hayo ee Muxammad Albukhari uu la dagaalamay kooxdan ninkii Zakzakyna la xiray xarumahoodiina la burburiya, runtii arintan waxay noqotay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka muslimiinta Neyjeeriya, waayo kooxdan waxay ahaayeen fidno wadayaal doonayay iney qalaanqal siyaasadeed iyo mid diineedba ka dhex dhaliyaan dadka muslimiinta sunniyiinta ah ee ku nool wadanka Neyjeeriya, waana istraatiijiyadda fog ee ay Iiraan ka leedahay dunida muslimka ah.

2. Wadanka jasiiradaha Komoros oo runtii ah wadan dadkiisu sunniyiin yihiin aadna u diin jecel, hase yeeshee sanadadii ugu danbeeyay Iiraan waxay awoodda saartay iney wadankaasi ka abuurto unug shiica ah oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba u taageerto ilaa ay ku guuleysteen iney xukunka wadankaasi la wareegaan oo uu madaxweyne ka noqdo Axmed Cabdalla oo ah nin shiica ah inkastoo uu inkiro taana waa taqiyadooda, wadankiina waxaa loo furay hayadaha khayriga iyo kuwa waxbarashada ee Iiraan arday badanna waxaa loo qaaday Iiraan si ay wax uga soo bartaan, waad qiyaasi kartaa wadan yar oo tirada dadkiisuba aysan gaarin hal malyuun ayna ku socoto olole shiiceyn xawaarahiisu dheereeyo dowlad awood dhaqaale lehna ay ka danbeyso tobanka sano ee soo socda waan odorosi karnaa isbadalka diineed ee ku dhici kara wadankaasi.7

3. Waxay kaloo Iiraan howlgalladeeda shiiceynta ka waddaa wadamada sunniga ah ee Afrika sida wadamada bariga Afrika Soomaaliya, Kenya, Tansaaniya, Suudaan iyo Itoobiya. (Raadi oo akhri macluumaadka la xiriira shiiceynta wadamadaasi).

4 – Howlgalka Shiiceynta Soomaalida

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada Muslimiinta ee dadkiisu ay dhinacyo badan ka mideysan yihiin, gaar ahaan dhinaca diinta, iyagoo ah dad muslimiin Sunni ah haystana hal madhab oo fiqi ah Shaafici. Waayadan danbe dalkii iyo dadkiiba waxay noqdeen halaq mareen cid waliba barroosinka dhigatay wadamo iyo hayado badan ayaa waxay ka fushadaan danahooda gaarka ah iyaga oo ku soo gabanaya arimo bani aadamnimo, taana waa natiijada ka dhalatay dagaallada sokeeyo iyo muwaaqo la’aanta dadka soomaaliyeed, horaa loo yiri “Lax waliba shelelka ay is dhigto ayaa lagu bireeyaa”. Ka dib markii uu dhashay kacaankii Iiraan 1979kii, wadaadadii shiicada ee ka danbeeyay kacaankaasi, waxay wacad ku mareen iney caalamka Islaamka ku faafiyaan mad-habtan shiicada, iyagoo siyaasadda faafinta fikirka shiicada u dajistay istraatiijiyad salka ku haysa:

1. In la taageero lana xoojiyo shiicada laga tirada badan yahay ee ku dhex nool wadamada sunniga ah iyagoo ka taageeraya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada, haddii loo baahdana ciidan ahaan oo hub iyo tababarba la siinayo sida Xisbullahiga Lubnaan iyo Xuusiyiinta Yemen.

2. In fikirka shiiciga lagu dhex faafiyo wadamada aysan ka jirin shiico sida Soomaaliya iyo wadama badan oo Afrika ah. Siyaasaddaasi oo ay Iiraan u istaagtay sodonkii sano ee la soo dhaafay, runtii wax badan ayaa oga hirgalay oo shiicadii laga tirada badnaa waa ay soo saartay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba sida Ciraaq, Lubnaan, Baxreyn iyo Yemen. sidoo kale wadamadii aysan shiicada ka jirinna maanta waxay ku beertay unugyo shiica ah oo si tartiib ah u koraya, meelaha qaarkood waxay maanta ka yihiin awood jirta oo haysata dowlad taageerta sida shiicada Neyjeeriya iyo Jasiirada Komoros oo uu madaxweyne ka noqday nin qaatay fikirkan shiiciga ah waxna ku soo bartay Iiraan waa madaxweynaha Jasiiraddaasi Axmed Cabdalla Sambi.

Haddii aannu eegno Soomaaliya, dowladda Iiraan waxay isku dayday iney Soomaaliya la yeelato xiriir ka guda balaaran kan diblamaasiyadeed ee caadi ah, kaasoo ay uga gol lahayd iney fursad u hesho faafinta fikirka shiicada, waxay isku dayday iney xiriir hoose la yeelato dowladdii kacaanka xilligii sideetameeyadii, kaasoo ah mid dhaqaale, bulsho iyo waxbarasho, waase u suuroobi weyday arimo siyaasadeed awgeed, iyada oo ay Soomaaliya si aad ah u aageersaneyd ciraaq xilligii dagaalka Ciraaq iyo Iiraan, sidoo kale Soomaaliya oo xiriir fiican la lahayd wadamada carabta xubin firfircoonna ka ahayd jaamacadda carabta.

Ka dib burburkii dowladda dhex uma suuroobin Iiraan iney Soomaaliya soo gasho dagaalladii sokeeye awgood ilaa laga soo gaaro 2011kii oo ahayd xilligi Soomaaliya loogu soo gurmaday abaartii ka dhacday, bishii Agoosto 2011kii waxaa soomaaliya soo gaaray wasiirkii arimaha dibadda Iiraan Cali Akbar Saalixi oo la kulmay madaxweyne Shariif, kulankaasi ka dib wuxuu wasiirku shaaca ka qaaday iney dowladda Iiraan Soomaaliya ugu deeqeyso Cisbitaal dhameystiran oo si casri ah u qalabeysan daboolayana baahida caafimaad ee bulshada soomaaliyeed, sidoo kale iney sameeyaan xarun weyn oo qaadda ilaa 2000 oo barakacayaal ah si loogu daryeelo.

November 2012kii waxaa Soomaaliya yimid isla wasiirkaas , kaasoo la kulmay madaxweyne Xasan Shiikh, shir jaraa’id uu qabtay wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday in 20 sano ka dib safaaraddii Iiraan dib loo furayo, sidoo kalena Soomaaliya ay ka howl gali doonaan ururka bisha cas ee Iiraan iyo hayadda khayriga ee Khumeyni oo labaduba hoos imanaya safaaradda Iiraan.

Taasi waa halka ay Iiraan ka heshay fursaddii ugu weyneyd ee ay ku soo gasho Soomaaliya kuna faafiso fikirka shiicada, waayo haddii waayadii hore xiriirka Soomaalya iyo Iiraan uu ku ekaa kaliya kan diblomasiyadeed hadda waxay fursad u heshay iney ku soo gabato arimo bani aadamnimo oo Soomaaliya maanta loogu dow galay cid waliba ee dooneysa iney dano gaar ah ka fushato

bulshada soomaalyeed ay ku soo gabato. Iiraan iyada oo kaga dayaneysa wadamo badan oo soomaaliya siiyay deeqo waxbarasho sida Turkiya, Suudaan iyo wadamo kale, ayaa waxay bilowday iney deeqo waxbarasho siiso dhalinyaro badan oo soomaaliyeed gaar ahaan meelaha ay dadku xiiseeyaan ee caafimaadka iyo injineeriya iwm.

Meelihii ugu horeeyay ee ay dowladda Iiraan ka dhul bilowday soo dhexgalka dadka soomaaliyeed waxaa ka mid ah iney heshiis iskaashi wada saxiixdeen labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Iiraan, kaasoo qodobadiisa ay ka mid ahaayeen in dowladda Iiraan ay u fidiso adeeg caafimaad oo bilaash ah xildhibaannada Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, taana waa tan keentay in xildhibaanno badan iyo qoysaskoodu ay booqdaan wadanka Iiraan arimo caafimaad dartood.

Dowladda Iiraan waxay noqotay dowladdii ugu horeysay ee iskaashi noocaas ah la yeelata hayadda ugu sareysa wadanka ee ah baarlamaanka, xiriirkaasoo raad danbe ku yeelan kara go’aannada siyaasadeed ee Soomaaliya, waana danta ugu weyn ee ay Iiraan leedahay, iyada oo dooneysa iney xiriir sokeeya la yeelato golaha ugu sareeya ee leh go’aanka siyaasadeed si danaheeda shiiceynta iyo danaheeda kale ee siyaasadeed aan looga hor iman.

Hal-ku-dhigyada qiiq isku qarinta ay la meereysato dowladda Iiraan oo ay dooneyso iney ku beer la xawsato shucuubta Islaamka sida “Cadowgeennu waa Mareykan iyo Israa’iil“ “soo celinta Baytul Maqdis waa hadafkeenna” waa meelaha ay dooneyso iney ku kasbato dareenka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lays illowsiinayo gabood falka ay ka geysato Ciraaq, Suuriya iyo Yemen.

Meelaha ay safaaradda Iiraan iyo hayadaha hoos yimaada sida bisha cas iyo hayadda Khumeyni ay ka soo galeen dadka soomaaliyeed waxaa ka mid ah:

1. Iney kaalin weyn oo mug leh ka qaadato mid warbaahineed iyo mid dhaqaaleba gaar ahaan dhowrkii sano ee ugu danbeeyay xafladaha loo dhigayo mowliidka Nabiga ( صلى الله عليه وسلم), iyadoo dooneysa iney ka faa’iideysato jacaylka ay Soomaaliyada u qabaan Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) iyo Aala beytkiisa, sidoo kalena u muujisa iney Saxaabada qaarkood ka fadli badan yihiin kuwa kale.

2. Iney si aad ah uga howl gasho goobaha barakacayaasha, iyadoo kusoo gabaneysa taageerada bani aadamnimo kuna dhex faafisa qoraallo ka hadlay fikir shiiciga.

3. Iney sameyso xarumo lagu barto farsamooyinka yar yarka ah sida harqaanka oo ay ku soo ururiso dumar badan, halkaasi ay ugu qabtaan wacyi galin la xiriirta faafinta fikirkooda.

4. Iney arday badan siiyaan deeq waxbarasho loona diro Jaamacadaha Iiraan, siinaya kulliyadaha caafimaadka iyo injineeriya, runtii waa qorsho fog oo looga dan leeyahay in aqoonyahanno qeybo muhiim ah bartay xanbaarsanna fikirka shiiciga in barito laguu soo celiyo bulshadana ay ka noqdaan xubno firfricoon.

5. Iney isku dayaan iney xiriir waxbarasho la yeeshaan jaamacadaha iyo macaahidda waxbarasho ee wadanka ka jira iyagoo u fidinaya taageero waxbarasho si ay u helaan dhalinyaro ka baxday jaamacadahaasi oo ay siiyaan waxbarasho sare.

6. Iney abuuraan xiriir ganacsi iyaga oo haatan qaata mooska Soomaaliyeed sidoo kale sisinta, dhinaceedana laga soo dhoofsado si qarsoodi ah shidaalka, taasoo ay uga gol leedahay inuu halkaasi ka abuurmo xiriir dhaqaale wadankana ay ku yeeshaan ganacsato iyaga u haya abaal iyo kalsooni.

7. Waxay safaaraddu sameysay barnaamij guur wadareed ah, kaasoo ay si toos ah u maamusho, arintan waa dhaqan bulshada Soomaaliyeed ku cusub oo aan horay loo aqoon, safaaraddu waxay qoys waliba oo barnaamijkan ka qeyb galaya siisaa bishii $300 (sadax boqol oo doolar) ilaa dhowr bilood, sidoo kale waxay ka bixisaa kharashka arooska iyo qalabka guriga oo idil, waxaa xaqiiqa ah qoyska intaasoo waxtar ah loo galay inuu dowlada iyo shacabka Iiraan u haynayo kalsooni iyo abaal, caadifaddaasina ay keeni karto in fikir ahaan qoyskaas ay saameeyaan halkaasina ay fikirkii shiicada u qaataan si doqoni ma garata ah.

8. Waxay culeys saareen meelaha ay is leeyihiin waxaad ka heli kartaan taageero sida dadka ay ku sheegaan in laga tira badan yahay ama asal ahaan Aala beytka ayaad ka soo jeedaan ama waxaad xidid ku leedihiin Iiraan sida dadka dagan xaafadda Xamar Weyne oo ay ka sameysteen xarumo tababar iyo xarun daryeel agoon iyo dadwaayeel ah.

Arimahaasi iyo kuwa kale oo aan la ogeyn ayay Iiraan ka waddaa wadanka Soomaaliya oo runtii ay ka leeyihiin Istraatiijo fog oo la xiriirta abuurista dad aaminsan fikirkan shiicada oo hadaba taabba galay oo aad arkeyso dad soomaaliyeed oo maanta ku oranayo shiicaannu nahay si qayaxanna u sheeganaya.

Sababaha keenay in fikirkan silloon ee qariibka ku ah bulshada Soomaaliyeed inuu ku dhex faafo dad sheeganayana laga dhex helo waxaa ka mid ah:

1. Iyada oo aysan jirin aragti cad oo ay dowladdu ka leedahay hayadaha ama dowladaha ku dhex faafinaya bulshada Soomaaliyeed fikradaha qaldan ee abuuri kara mustaqbalka fidna diineed.

2. Saboolnimada iyo aqoon darida bulshada Soomaaliyeed haysata, taasoo keeneysa in ciddii wax siisaaba ama u gacan taagta iney soo dhaweyso, iyada oo aan la eegin cidda ay yihiin iyo fikirka ay xanbaarsan yihiin ama siyaasadooda fog ee ay ka leeyihiin gargaarkaasi, waxaana bulshada haysata nin baahani caqligiisu ma fakaro.

3. Iyada oo aysan jirin mu’asasaad xoog leh oo u kuurgala arimahanoo kale kana hortaga fikir ahaan iyo dacwo ahaan, haddii ay jiraanna waxaa haysata dhaqaala xumi iyo ineysan haysan kaadir wacyi sare leh oo ka hortagi kara mowjaddan bulshada ka soo fool leh.8

Hadaba, sidee looga hortagi karaa fikirkan guracan ee aadka uga fog Islaamka saxiixa ah ee uu Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) na soo gaarsiiyay. Waxaa runtii ammaan mudan dowrkii ay hayadda Culimada Soomaaliyeed ka qaateen ka hadalka iyo u bayaaminta shacabka soomaaliyeed marin habowga fikirka shiiciga ah iyo khatar uu u leeyahay bulshada soomaaliyeed, ka sokow caqiido xumida fikirkan wuxuu wataa abuuris fitno diineed la dhex dhigo dadka muslimiinta, waayo sida taariikhdu ka marqaati kaceyso fikirkan wuxuu had iyo goor ku lug lahaa fidnooyinkii iyo qalalaasihii inta badan la dhex dhigi jiray bulshada muslimiinta.

Maxaa inagala gudboon mowjaddan shacabka Soomaaliyeed ku soo wajahan, sideese looga hortagi karaa (akhri talo soo jeedinta buuggan ku lifaaqan).

Cutubka | 2aad

Ahmiyadda Raacidda
Sunnaha Nabiga

(صلى الله عليه وسلم )

Ilaahay (c) wuxuu qofka muslimka ah ku adoonsaday raacista iyo ku dayashada Nabiga ( صلى الله  ليه وسلم). In la raaco fariimaha Alle lagana reebtoomo wixii uu diiday waa waajib laga doonayo muslin kasto ee rumeeya diinta Islaamka, waayo Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) waa farriin sidihii Alle (c) waana soo gudbiyihii farriintaasi, wuxuu inoo siday dhammaan waxyaabihii Ilaahay (c) inaga doonayay ee aannu ku gudan lahayn adoonnimada Alle nagu adoonsaday.

Qof kasta oo Muslim ah waxaa waajib ku ah inuu ogaado ama uu is weydiiyo, Muxuu Ilaahay (c) naga doonayaa? Sideense ku gaari karnaa raalli ahaanshaha iyo aqbalaadda Alle? Mabaadiida aasaaska u ah diintan, waxaa ka mid ah in Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) la raaco laguna daydo waana tiir ka mid ah tiirarka ay diintu ku taagan tahay.

Bal aannu isla eegno aayadahan Ilaahay (c) nagu farayo raacista iyo ku dayashada Nabiga ((صلى الله عليه وسلم ).

( لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا )

[سورة ا أ لحزاب:21]

“Waxaa idinku sugan Rasuulka Alle ku dayasho, qofkii Ilaahay iyo maalinta Aakhira rajo ka qabo, Ilaahayna in badan xusa”. [Al Axzaab:21]

﴾ قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تحِبُّونَ اللهَ فَاَّتِبعُوِني يحِْببْكُمُ اللهُ وَيَغْفِرْ لكُمْ ذُُنوَبكُمْ وَاللهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ ﴿

[سورة آل عمران:31]

“Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwa jecel Ilaahay (c) i raaca – waa Rasuulka – markaa ayuu Ilaahay idin jeclaanayaa, danbigiinana dhaafayaa, Ilaahay waa danbi dhaafe Naxariista”. [Aala Cimraan:31]

﴾ وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ ﴿

[سورة الحشر:7]

“Wixii uu Rasuulku idiin keeno ama idin amro qaata, wixii uu idinka reebana ka reebtooma, Alle ka baqa, waayo ciqaabtiisu waa ay daran tahay”. [Al Xashr:7]

﴾ وَأَطِيعُواْ اللَّهَ وَالرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ ﴿

[سورة آل عمران:132]

“Ilaahay adeeca iyo Rasuulka, waxaad u dhawdihiin in laydiin naxariisto”. [Aala Cimraan:132]

:وفي الحديث قال رسول الله صلى الله عليه وسلم »

« من أطاعني فقد اطاع الله ومن عصاني فقد عصي الله

[متفق عليه]

Rasuulka Alle (c) wuxuu yiri:

“Qofka i adeecaa, wuxuu adeecay Ilaahay, qofka igu caasiyana wuxuu ku caasiyay Alle”.

[Bukhri iyo Muslim ayaa wariyay].

Dhammaan Aayadahan waxay ka turjumayaan mabda’a asalka u ah diinta ee ah raacista iyo ku dayashada Nabiga (صلى الله عليه وسلم).

Nabigaasi Alle u doortay inuu noqdo soo gudbiyihii fariintiisa, waxaa lagama maarmaan ah inuu ku sifoobo tilmaamahan.

Inuu dhowrsanaado (macsuum ahaado), qalad (diineed oo yar hadii uu ka dhacana aan lagu sii daynin) , waayo fariinta uu sido ee loo soo dhiibay ayaa laga ilaalinayaa in qalad iyo waxaanan ka mid ahayn tacaaliimta Alle (c) u soo dhiibay ku soo darsamaan, sidaasi daraadeed ayuu Alle (c) u dhowray. Sida aayadaha Quraanka ku cad hadalkiisu – waa Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) – waa waxyi.

﴾ وَمَا ينطِقُ عَنِ ٱۡلهَوَىٰٓ ۝ إِنۡ هُوَ إِلاَّ وَحۡىٌ۬ يوحَىٰ ﴿

[4-سورة النجم : 3]

”Nabigu kuma hadlo wax hawadiisa ah, Quraanku ma ahaanin waxyi Alle mooyee oo la soo waxyooday”. [An Najm:3-4]

Inuu noqdo hirgaliyaha dhabta ah ee ugu horeeya kana turjuma fariinta Alle, dadka raacsanna uu si ficil ah u tuso sida loo hirgaliyo ogaalladaasi, hadalkiisa, ficilkiisa iyo hab dhaqankiisa oo idil waxay ka turjumayeen Quraanka iyo fariimaha Alle.

Labaddaasi arin waxay cadeyn u yihiin maqaamka Alle siiyay Nabiga ( صلى الله عليه وسلم), annagana laynaga doonayo inaannu ku raacno kagana dayanno habkii uu diinta Alle ugu dhaqmi jiray. Nolasha Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) waxay ahayd tafsiirkii ficilka ahaa ee Quraanka iyo hirgalintii dhabta ahayd ee waxyiga Alle. Alle (c) wuxuu noogu soo diray inaannu ka ogaanno kagana dayanno sidii aannu Alle u rumeyn lahayn, qaabkii aannu u cibaadeysan lahayn, sidii aannu u wada dhaqmi lahayn iyo sidii aannu u maareyn lahayn noloshayada, intuba in isaga lagaga daydo  ayuu Alle (c) nagu adoonsaday, ma jiro qof sidaa sii deyska aan xuduudda lahayn loogu dayanayo isaga mooyee, waayo cid waliba sax iyo qalad waa ka suura gal marka isaga laga reebo.

Qofka Muslimka ah towxiidkiisa, cibaadaadkiisa, akhlaaqdiisa, hab dhaqankiisa iyo arinkiisa oo idil, mid adduun iyo mid aakhiraba ha yaraado ama ha weynaado waa inuu Nabiga ( (صلى الله عليه وسلم kaga daydaa. Ku dayashada Nabigana waxay ku timaadaa iyada oo sunnahiisa la raaco layskana ilaaliyo waxyaabihii gadaal diinta lagaga soo daray ee loo yaqaan Bidcada oo uu Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) nooga digay aanna ka mid ahayn diinta in laga fogaado dadkana looga digo ay waajib tahay.

:عَنْ أمِّ المُؤمِنينَ أمِّ عبْدِ اللهِ عائشةَ -رَضِي اللهُ عَنْهَا- قالَتْ: قالَ رسولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
[مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ)) [ رواه البخاريُّ ومسلمٌ
.(وفي روايةٍ لمسلمٍ: مَنْ عَمِلَ عَمَلاً لَيْسَ عَلَيهِ أَمْرُنا فَهُوَ رَدٌّ)

Caa’isha (i) waxay tiri: Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

“Qofkii arinkeenna – waa Islaamka- ku soo daro waxaanan ka mid ahayn waa lagu celinayaa oo laga yeeli mayo”. [Bukhari iyo Muslim ayaa wariyay]. 

2 – Saxaabada Nabiga

(صلى الله عليه وسلم)

A – Waa Kuma Saxaabi?

Ibnu Xajar (r) wuxuu kitaabkiisa (Al Isaabah) ku yiri:

“Saxaabi waxaa la yiraahdaa qofkasta ee la kulmay Nabiga ( ,(صلى الله عليه وسلم rumeyayna kuna dhintay diinta Islaamka, waxaa arinkaasi soo galaya qofkii la kulmay ha dheeraato mudadii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم), la joogay ama ha gaabnaato, wax ha ka wariyo ama yuusan ka warin, ha la duulaan tago ama yuusan la duulaan tagin, sidoo kale qofka arkay kaliya oo aan la fariisan iyo kan aan arag duruuf awgeed sida indho la’aan, intuba waxay soo galayaan iney yihiin saxaabadii Nabiga ( .”(صلى الله عليه وسلم

Waxaa aqoonsigaasi iyo qeexiddaasiba isku waafaqay culimadii muslimiinta sida Albukhari iyo Axmed Ibnu Xanbal ICM (iyo ciddii la mid ah).

Axmed Ibnu Xanbal (r) waxaa laga soo wariyaa inuu yiri:

“Saxaabi waxaa la yiraahdaa qof kasta ee Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) la kulmay mudadey doonta ha ahaato sanad, bil, maalin, saacad, qiimaha suxbadaasi waxay noqoneysaa qadarka uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم), la joogay ama la socday”.

Al Imam Cabduraxmaan Ibnu Abii Xaatim Ar Razi (rhl) wuxuu kitaabkiisa (Al Jarxu Wa Tacdiil ) ku yiri:

Saxaabada Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) waa kuwii goob joogga u ahaa waxyiga iyo soo dagiddii Quraanka, waa kuwii aqoonta u lahaa tafsiirkiisa iyo macneyntiisa, waana kuwii uu Ilaahay (c) u doortay iney Nabigiisa ( (صلى الله عليه وسلم la saaxiibaan una gargaaraan, diintiisana oogaan, xaqana muujiyaan, Ilaahayna uu suxbadaasi uga raali noqday, wixii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) inoo jideeyay inoona sharciyeeyayna inoo xifdiyay, Ilaahay (c) wuxuu ku sharfay kuna karaameeyay suxbadaasi, dhammaantooda waa caadiliin waa imaamyadii hanuunka, xujadii diinta iyo soo gudbiyayaashii kitaabka iyo sunnaha inoo soo gubiyay”.

B – Qiimaha Saxaabada
Iyo Meeqaamkooda

Qiimaha saxaabada waxaa inooga filan Aayadaha uu Ilaahay (c) ku amaanay kuna cadeeyay inuu raalli ka yahay, muhaajiriin, ansaar iyo intii ka qeyb gashay Baycadii Ridwaan. Ilaahay (c) wuxuu ku tilmaamay iney gaalada ku ad adag yihiin lana dagaalamaan iyaga dhexdoodana isu naxariistaan, aad u cibaado badan yihiin rukuuc iyo sujuudba, fadliga iyo raalli ahaanshaha Alle (c) doonaan, wajiyadoodana ay ka muuqatoraadkii sujuudda.

وَالسَّابِقُونَ الأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالأَنصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم بِإِحْسَانٍ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُواْ عَنْهُ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي تَحْتَهَا الأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ذَلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ

[سورة التوبة: 100]

Ilaahay (c) sareeyee wuxuu yiri:

“Kuwii ku hormaray -khayrka- ee horeeyay oo ka mid ah Muhaajiriin iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga, Allaa ka raalli noqday, iyaguna raalli ayay ka noqdeen, wuxuuna u diyaariyay jannooyin ay wabiyaal dhex socdaan, waligoodna ay ku waarayaan, taasi waa liibaan weyn”. [At Towba:100]

لَقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَنزَلَ السَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ وَأَثَابَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا

[سورة الفتح: 18]

Alle sareeyee wuxuu yiri:

“Ilaahay wuu ka raalli noqday Mu’miniinta markii ay kugula mubaayacoonayeen geedka hoostiisa, wuu ogaaday waxa quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku soo dajiyay xasilooni, wuxuuna ku abaalmariyay fatxi(guul) dhaw”. [Alfatx:18]

مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ تَرَاهُمْ رُكَّعًا سُجَّدًا يَبْتَغُونَ فَضْلا مِّنَ اللَّهِ وَرِضْوَانًا

[سورة الفتح: 29]

Alle Sareeyee wuxuu yiri:

“Muxammad waa Rasuulkii Alle, kuwa la jirana waxay ku ad adag yihiin gaalada, iyaga dhexdoodana way isu naxariistaan, waxaad arkeysaa iyaga oo rukuucsan oo sujuudsan , dalbanaya deeqda Alle iyo raalli ahaanshihiisa”. [Alfatx:29]

:و في الصحيحين

:عَنْ عِمْرَانَ بْنِ حُصَيْنٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

(( خَيْرُأمتي قَرْنِي، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ يَكُونُ بَعْدَهُمْ قَوْمٌ يَشْهَدُونَ وَلَا يُسْتَشْهَدُونَ، وَيَخُونُونَ وَلَا يُؤْتَمَنُونَ، وَيَنْذُرُونَ وَلَا يَفُونَ، وَيَظْهَرُ فِيهِمْ السِّمَنُ ))

Labada saxiix (Bukhari iyo Muslim) waxay wariyeen in Cimraan Ibnu Xuseyn (h) uu yiri:

“Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

“Ummaddeyda waxaa ugu khayr badan qarnigeyga, ka dibna kuwa ku xiga, ka dibna kuwa ku sii xiga”. Waxyaabaha facaasi Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) la saaxiibay ugu khayr bateen waxa weeye, iney raaceen xilli ay dadku ku kufriyeen, iney rumeeyeen xilli ay dadku beeniyeen, u gargaareen xoojiyeenna diintii uu la yimid, naftoodana u hureen, maalkoodiina ku xiriiriyeen, soo dhaweeyeen xilli ay dadku fogeeyeen, la dagaalameen dadkii Islaamka colaadiyay ugu danbeyntiina gacantoodii uu Islaamka ku xoogeystay.

Saxaabada iyo dadkii raacay ee wanwanaagsanaa waxay ahaayeen kuwa aad ugu dadaala raacidda iyo ku dayashada sunnaha Nabiga صلى الله عليه وسلم) ) noloshooda waxay ku qaabeeyeen manhajkii uu Nabigu ( (صلى الله عليه وسلم baray, waxaa yool ay beegsadaan u ahaa muxuu Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) yiri, siduu u dhaqmi jiray, waxay iskula dardaarmi jireen raacista Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) talaabo ma aysan qaadi jirin ilaa ay hubsadaan muxuu Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) ka yiri arinkaasi, haddii loo sheegana sida uu yahay ayay u qaadan jireen su’aal ama muran kama aysan keeni jirin.

Culimadu waxay isku waafaqeen in dhammaan saxaabadu yihiin caadiliin aan shaki ku jirin cadaaladdooda, taana waxaa inooga filan amaanta iyo ka raalli noqoshada Alle (c) iyo Rasuulkiisa ay amaaneen kana raalli noqdeen.

Ibnu Cabbaas (h) markii uu fasirayay Aayaddan….

:قال تعالى

﴾ يوْمَ تبْيَضُّ وُجُوهٌ وََتسْوَدُّ وُجُوه ﴿َ

[سورة آل عمران: 106]

“Maalinta ay wajiyo cadaanayaan (nuurayaan) wajiyana ay madoobaanayaan”.

[Aala Cimraan:106]

Wuxuu yiri: “Kuwa ay wajiyadoodu cadaanayaan waa kuwa Ahlu Sunnaha oo ah kuwa sunnada Nabiga (صلى الله عليه وسلم) raacay iyo kuwa cilmiga u saaxiibka ah. Kuwa wajiyadoodu ay madoobaanayaan waa kuwa Ahlu bidaca ah iyo kuwa wadada sax ah ka lumay”.9

9 )72 / أصول الاعتقاد ) 1

Cabdullahi Ibnu Mascuud (h) wuxuu yiri:

“Qof kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu sunnada Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) raaco, ha raaco sunnada dadkii dhintay, waayo qof nool fidno aamin loogama aha. Kuwaasi sunnadooda la raacayo waa saxaabadii Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) waxay ahaayeen kuwa ugu fadli badan Ummaddan, ugu qalbi baarisan, ugu cilmi badan, ugu xagjirnimo yar. Ilaahay (c) ayaa u doortay iney Nabigiisa la saaxiibaan, diintiisana oogaan, ogaada fadligooda, raacana raadkooda iyo siiradooda, waayo waxay ku sugnaayeen hanuunka toosan”.10

Cumar Ibnu Cabdulcasiis (r) wuxuu yiri: “Rasuulkii Alle iyo khulafadii ka danbeysay waxay noo jideeyeen sunnooyin, in la qaataana waxay ka mid tahay rumeynta kitaabka Alle, dhameystirka adeeciddiisa, iyo xoojinta diinta Alle, qofna ma badali karo, wixii ka duwanna lama eegi karo, qofkii ku daydo oo raaco wuu hanuunaa, qofkii ka beyraana wuxuu maray wadadii mu’miniinta midaanan ahayn, Ilaahay (c) shaydaan buu wali uga dhigaa jahanamana waa uu galiyaa meel loo hoydaana iyadaa ugu xun”.11

Al Awzaacii (r) wuxuu yiri:

“Waxaa la yiri: Shan ayay ku sugnaayeen Saxaabada Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) iyo dadkii ka danbeeyay ee wanaagga ku raacay, in Jamaacada la laasimo, in Sunnaha Nabiga la raaco, in Masaajidda la camiro, in Quraanka la akhriyo, in Wadada Alle (c) lagu jihaado”.12

Ibnu Qayyim(r) wuxuu yiri:

Cumar Ibnu Khataab (h) markuu arin ku hammiyo ka dibna go’aansado, haddii lagu yiraahdo Rasuulkii Alle ma sameyn arinkan waa ka joogsan jiran arinkaasi”.13

C – Xukunka Wax Ka Sheegidooda

Ogow in saxaabada Rasuulka Alle yihiin dadka ummaddan ugu fadliga badan uguna baarisan, Ilahay (c) ku amaanay Quraan kiisa sida aan horay u soo sheegnay, ummadda muslimiinta ahna ay isku waafaqeen iney fadligaasi leeyihiin nagana mudan ixtiraam,  qiimeyn iyo jacayl Ilaahay dartii ah. Qof kasta oo muslim ahna ay waajib ku tahay inuu jeclaado Allana raalli ahaansho uga dalbo, meeqaanka ay leeyihiinna dhigo (eeg Suurat At Towba – 100).

10 )159 / 11 إغاثة اللهفان ) 1 )159 / إغاثة اللهفان ) 1

12 )64 / 13 أصول الاعتقاد ) 1 )136 / إغاثة اللهفان ) 1

Adh Dhaxaawi (r) wuxuu kitaabkiisa (Caqiidat Adh Dhaxaawiya) ku yiri: “Waan jeclaaneynaa saxaabada Rasuulka ( صلى الله عليه وسلم) kumana gabood faleyno mid ka mid ah jaceylkiisa, kana bari noqonmeyno mid ka mid ah, waa u carooneynaa qofka u carooda, waxaan khayr ahaynna ku sheegimeyno, jacaylkooda waa diin, iimaan iyo ixsaan, in loo caroodaana waa gaalnimo, nifaaq iyo dulmi”.

In wax laga sheego ama la duro diintooda iyo ku dhaqankooda waa middii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) inooga digay.

:قال النبي صلى الله عليه وسلم

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ وَأَبِي سَعِيدٍ رَضِيَ الله عَنْهُمَا قَالَا: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: “لَا تَسُبُّوا أَصْحَابِي لَا تَسُبُّوا أَصْحَابِي فَوَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لَوْ أَنَّ أَحَدَكُمْ أَنْفَقَ مِثْلَ أُحُدٍ ذَهَبًا مَا أَدْرَكَ مُدَّ أَحَدِهِمْ وَلَا نَصِيفَهُ”. حديث أبى سعيد: أخرجه الطيالسى

روى البخاري (3397) ومسلم (4611) عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخدري قَالَ: قَالَ رَسُولُ الله ـ صلَّى الله عليه وسلَّم ـ: «لاَ تَسُبُّوا أَصْحَابِي؛ فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَوْ أَنْفَقَ مِثْلَ أُحُدٍ ذَهَبًا مَا أَدْرَكَ مُدَّ أَحَدِهِمْ وَلاَ نَصِيفَهُ».

Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri: “Ha caynina oo wax ha ka sheegina asxaabteyda, haddii uu qofkiin bixiyo buurta Uxud oo dahab ah, ma gaaro midkood madaal uu bixiyay ama barkii”. Waxaa wariyay labada Shiikh (Bukhari iyo Muslim) oo ay ka kala wariyeen Abuu Hureyra iyo Abi Saciid (k).

Qofka caayo ama wax ka sheego dad fadligoodu sidaa yahay, Alle iyo Rasuul kiisana ay sidaasi u amaaneen, waxaan shaki ku jirin inuu Ilaahay iyo Rasuul kiisa ku been abuuranayo, aayadaha iyo axaadiista suganna inkirayo, sidaasi daraadeed waxaa waajib ah in la ogaado wax ka sheeggidda saxaabada ineysan ahayn wax sahlan oo aan diinta dhaawaceyn, qofka noocaasi ah waa in uu ka towbad keeno arinkaasi, haddii uu ku sii adkeysto ama uu ka caqiido dhigto caynta iyo wax ka sheegidda saxaabada ama gaaleysiintooda, gaar ahaan kuwii ugu dhawaa Nabiga sida Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan, sidoo kale xaaskiisii Caa’isha dhamman tooda Allah ka raalli noqdee, qofkaasi sida ay culimada muslimiintu isku waafaqsan yihiin inuusan diin haysan, waayo wuxuu inkirayaa aayado iyo axaadiis Nabiga ka sugnaatay.

Imaam Ahmed Ibnu Xanbal (r) mar la weydiiyay qofka caayo ama wax ka sheego Abu Bakar, Cumar iyo Caa’isha wuxuu yiri:

“uma arko inuu Islaam ku taagan yahay”.

Ibnu Taymiya (r) wuxuu yiri:

“Qofka sheego in saxaabadu ay diinta ka noqdeen Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ka dib in yar mooyee oo aan gaareyn dhowr iyo toban ama intooda badan waxay noqdeen faasiqiin waxaan shaki ku jirin in qofkaasi uu gaaloobay, waayo wuxuu beeniyay aayado badan oo uu Ilaahay (c) ku amaanay saxaabada kuna sheegay inuu raalli ka yahay”.

Qofka Caa’isha (i) ku duro wixii uu Ilaahay (c) ka bari yeelay waa gaaloobay, waayo wuxuu beeniyay aayaddii Ilaahay (c) uu ku bari yeelay. Waxaa Alqaadi Ciyaad (r) uu ku soo guuriyay kitaabkiisa (Ash Shifa), in Imaam Maalik (r) uu yiri:

“Qofkii Caa’isha (i) caaya ama wax ka sheega waa la dilayaa, waxaa lagu yiri waayo?”

Wuxuu yiri:

“Qofka Caa’isha duro Quraanka ayuu khilaafay”.

Culimada Muslimiintu waxay isku waafaqeen hadalkaasi Imaam Maalik yiri, waxaana ka mid ah Ibnu Taymiya, Ibnu Kathiir iyo kuwa badan.14

3 – Qadarinta Ahlu Sunnuhu
U Hayaan Aala Beytka

A – Waa kuwee Aala Beyt?

Culimada waa ay ku kala duwanaadeen cidda loola jeeda Aala Beyt, hase yeeshee oraahda ay isku wada waafaqeen ayaa ah:

Aala Beytka Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) waxaa loola jeedaa oo ay adilladu ku caddahay, waa cid kasto oo ay xaaraan ka tahay sadaqadu, waxaana soo galaya xaasaskiisa iyo dhashiisa, sidoo kale muslim kasto ee ka soo farcamay dhashii Cabdimudhalib, oo ah reer Bani Hashim ibnu Cabdimanaaf, waana reer Cali, reer Jacfar, reer Caqiil, reer Alcabbaas iyo Banii Xaaris ibnu Cabdimudhalib. Ahlu cilmiga qaarkood sida Shaafici iyo Axmed waxay Bani Mudhalib ibnu Cabdimanaaf raaciyeen Bani Hashim dhinaca ka xaaraan ahaanshaha sadaqada, waxayna u soo qaateen xadiiskii Bukhari wariyay ee ahaa:

14 faahfaahinta mowduucan u noqo labada kitaab ee الصارم المسلول لابن تيمية و الشقا للقاضي عياض

:عن جُبير بن مُطعم، أنَّ النَِّبيِّ صلى الله عليه وسلم قال

» إنما بنو المطلب وبنو هاشم شيء واحدٌ إنهم لم يفارقونا في جاهلية ولا إسلام «

[رواه البخاري في صحيحه 3140]

Jubeyr Ibnu Mudhcim (akr) wuxuu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ka soo wariyay inuu yiri:

Banu Mudhalib iyo Banu Hashim waa isku mid marnaba nagama aysan harin xilligii jaahiliyada (islamka ka hor) iyo xilligii Islaamkaba”. 

Bukhari ayaa saxiixiisa ku wariyay Xaasaskiisa iney Aala Beytka ku jiraan waxay culimada u soo daliishadaan aayadda 33aad ee suurat Alaxzaab:

وَقَرْنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلا تَبَرَّجْنَ تَبَرُّجَ الْجَاهِلِيَّةِ الأُولَى وَأَقِمْنَ الصَّلاةَ وَآتِينَ الزَّكَاةَ وَأَطِعْنَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيُذْهِبَ عَنكُمُ الرِّجْسَ أَهْلَ الْبَيْتِ وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا

[سورة الأحزاب: 33]

Eebbe sareeyee wuxuu yiri:

“Ku nagaada guryihiinna -waa xaasaska Nabiga- hana wareegeysanina idinka oo is feydaya sidii jaahiliyadii hore, salaadana ooga, sakadana bixiya, Eebbe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebbe wuxuu doonayaa inuu idinka fogeeyo xumaanta Ahlu Beytkoow, idinna daahir yeelo”. [AlAxzaab:33].

Aayaddan waxay cadeyneysaa in xaasaska Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ay soo galayaan Aala Beytka, inta badan mufasiriintu waxay cadeeyeen arintaasi, waayo aayadaha ka horeeya aayaddan waxay hadal hayeen xasaaskii Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) oo lala dardaarmayay lana hoga tusaaleynayay, sidaasi daraadeed ayay aayaddan u raacsan tahay macnaha aayadaha ka horeeya.

B – Caqiidada Ahlu Sunna
Ee Ku Aaddan Aala Beytka

Ahlu Sunna waxay isku raacsan yihiin in Aalu Beytka Nabiga ( (صلى الله عليه وسلم ee aannu soo sheegnay ay mudan yihiin qadarintii uu Nabiga ( (صلى الله عليه وسلم siiyay iyo meeqaamkii uu u qiray, qof kasta ee caqiidada saxiixa ah aaminsan waa inuu jeclaado, amaano, qadariyo meesha ay leeyihiinna dhigo, sidaasi waa sida laga soo guuriyay saxaabada iyo dadkii wanaagga ku raaacay.

Ibnu Taymiya (r) wuxuu kitaabkiisa Caqiidada Alwaasidhiya ku yiri:

“Ahlu sunnuhu waxay jecel yihiin Aala Beytka, waana ka wali dhigtaan, waxayna ilaaliyaan dardaarankii Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ee ahaa, waxaan Ilaahay (c) idinku xusuusinayaa Aala Beytkeyga”.

C – Qadarintii Saxaabada
Ee Aala Beytka

Imaam Bukhari ayaa saxiixiisa wuxuu ku soo wariyay in “Cuqba ibnu Xaaris uu yiri;

“Abu Bakar ayaa salaaddii Casar na tujiyay, markii uu soo baxay isaga oo socda ayuu arkay Xasan Ibnu Cali oo ilmo la cayaaraya, markaasuu soo qaaday oo qoorta saartay”. 

Taana waxay daliil u tahay qadarinta iyo maxabada uu u hayay dhashii Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) isaga oo Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) kaga dayanayay arintaasi, waayo Nabiga ayaa aad u jeclaa Xasan iyo Xuseen.

Imaam AlDahabi kitaabkiisa (Siyar Aclaam Al Nubalaa) sidoo kalena Ibnu Xajar kitaabkiisa (Tahdiib Al Tahdiib) waxay ku soo arooriyeen:

“AlCabbaas (h) haddii uu soo hor maro Cumar ama Cusmaan (k) iyaga oo saran gaadiidkooda waa ay ka soo dagi jireen ilaa uu ka gudbo, weyneyn ay weyneynayaan Nabiga adeerkii”.

Caa’isha (i) waxay tiri:

“Ma arag cid Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) uga eg muuqaal ahaan iyo dhaqan ahaanba Faaduma (i) gaar ahaan marka ay istaageyso iyo marka ay fariisaneyso”. [Abu Daa’uud iyo Tirmidi ayaa wariyay waa xadiis xasan ah.]

Intaasi oo idil waxay inoo cadeyneysaa in caqiidada Ahlu Sunna ee ku aadan Aala beytka iney salka ku hayso maxabbo iyo qadarin iyo in ay mudan yihiin weyneyntaasi ay saxaabadu weyneyn jireen.

Dadka bidcada iyo khuraafaadka aaminsan waa kuwa ku xadgudbo qadarintaasi ee gaarsiiya meeqaan aysan lahayn sida firqada laba iyo tobanleyda (Ithnaa Cashariya) ee ka tirsan kooxda shiicada ee gaarsiisa Aala beytka qaarkood iney Imaamo yihiin oo ay macsuum yihiin ogyihiinna waxaysan dadka kale ogeyn ee Qeybka ah (Maqanta) Waxyaabaha ay firqadaasi keenaan ee aan saxa ahayn ee shubhada ah dad badanna ay ku qaldaan waxaa ka mid ah:

Xadiiskii uu wariyay Tirmidi Shiikh Albaanina saxiixyeelay ee ahaa inuu Nabiga (صلى الله عليه وسلم) yiri: “Qofkii aan mowlihiisa ahay Cali waa Mowlihiisa”. Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa meeqaamka iyo sharafka Cali (h) leeyahay, hase yeeshee ma tilmaamayo inuu khilaafada Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ka dib leeyahay, Imaam Shaafici iyo Aldhaxaawi, waxayleeyihiin.

Xadiiskan ma cadeynayo in Cali uu ku xaq leeyahay khilaafada ee wuxuu tilmaamayaa meeqaamka iyo walaha Islaamka uu ku leeyahay”.

Waxay kaloo soo daliishadaan xadiiskii uu Muslim ku soo wariyay saxiixiisa ee ahaa, inuu Nabigu ( صلى الله عليه وسلم) yiri:

“Adiga (waa Cali) waxaad iga joogtaa mansiladii Haaruun uu Muusa ka joogay”.

Xadiiskan wuxuu ahaa markii uu u dhaqaaqayay Nabiga ( (صلى الله عليه وسلم duulaankii Tabuuk, ayuu Cali uga khaliif dhigay magaalada Madiina, markaas ayay munaafaqiintii yiraahdeen, waxaa Cali loo reebay oo uu duulaanka uga qeyb gali waayay Nabiga ayaa u careysan, markaa ayuu Cali Nabiga u tagay oo ku yiri: “Rasuulkii Allow ma waxaad iiga tageysaa haweenka iyo caruurta”. Nabiga ( (صلى الله عليه وسلم oo niyadda u dajinayo una cadeynaya in khilaafadaasi aysan ahayn liidnaasho iyo naqsi isaga xagiisa ah, wuxuuna u cadeeyay in Nabi Muuse uu Haaruun khaliif uga dhigtay reer bani Israa’iil, mana ahayn liidnaasho, markaa ayuu Cali yiri, raalli ayaan ahay oo waan qancay, arinta khilaafadaasi ma ahayn mid abid ah ee waxay gaar ku ahayd dhacdadaasi.

Cutubka | 3aad

1 – Qolada Uu Nabigu (صلى الله عليه وسلم)
Ku Tilmaamay Iney Badbaadayaan

Ilaahay (c) wuxuu ina faray inaannu xarigiisa waa diintiise qabsanno dhammaantayadu, aanan marnaba ku kala tagin, suurat Aala Cimraan aayadda 103aad waxay tilmaameysaa acnahaasi, ujeedada diinta loo soo dajiyay ayaa ahayd inaannu ku badbaadno, badbaadaduna waxay ku imaneysaa in xarigaasi la qabsado ee aan marna la siideyn.

:قال تعالى

﴾ وَاعْتَصِمُواْ بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلاَ تَفَرَّقُواْ ﴿

[سورة آل عمران: 103]

Alle sareeyee wuxuu leeyahay:

Qabsada xarigga Alle dhammaantiin, hana kala tagina”. [Aala Cimraan:103]

Ilaahay (c) wuxuu gaalada iyo qolyihii marin habaabay ku eedeeyay iney xarigiisa ku kala tageen oo ay noqdeen kooxo, qolo waliba ra’yigeeda iyo fikirkeeda qaldani ku faraxsan, taana Ilaahay wuu nooga digay.

:قال تعالى

﴾ وَلا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ  ﴿﴾ مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ ۝ ﴿

]32-سورة الروم: 31]

Eebbe sareeyee wuxuu yiri:

“Ha ka mid noqonina gaalada ~ kuwii – ha ka mid noqonina ku kala tagay diintooda noqdayna kooxo, xisbi waliba wuxuu ku faraxsan yahay waxa agtiisa ah”. [Ar-Ruum:31-32]

Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu aad inoogu adkeeyay inaan xariga Alle ku midowno sunnihiisa iyo sunnihii khulafadiisa raacno oo aannu iska ilaalino waxyaabaha gadaal lagaga soo daray diinta oo ah gadaal ka gaarka, xadiiskii uu An Nasaa’i iyo Tirmidi wariyeen saxiixana ahaa wuxuu leeyahay.

:قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

” أُوصِيكُمْ بِتَقْوَى اللَّهِ وَالسَّمْعِ وَالطَّاعَةِ وَإِنْ كَانَ عَبْدًا حَبَشِيًّا فَإِنَّهُ مَنْ يَعِشْ مِنْكُمْ بَعْدِي فَسَيَرَى اخْتِلَافًا كَثِيرًا فَعَلَيْكُمْ بِسُنَّتِي وَسُنَّةِ الْخُلَفَاءِ الرَّاشِدِينَ الْمَهْدِيِّينَ فَتَمَسَّكُوا بِهَا وَعَضُّوا عَلَيْهَا بِالنَّوَاجِذِ وَإِيَّاكُمْ وَمُحْدَثَاتِ الْأُمُورِ فَإِنَّ كُلَّ مُحْدَثَةٍ بِدْعَةٌ وَكُلَّ بِدْعَةٍ ضَلَالَةٌ”

اوصيكم بتقوي الله عز وجل والسمع والطاعة وإن تأمر عليكم عبد حبشي ؛ فإنه من يعش «منكم فسيري اختلافا كثيرا ، فعليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين تمسكوا بها وعضواعليها بالنواجد ، وإياكم ومحدثات ا أ لمور ، فإن كل محدثة بدعة ، وكل بدعة ضلالة ، وكل» ضلالة في النار

[رواه النسائي والترمذي وقال حسن صحيح]

Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

“Waxaan idin kula dardaarmayaa cabsida Alle, wax maqal iyo adeecid, xataa haddii uu idiin taliyo adoon xabashi ah, qofkiin haddii uu noolaado wuxuu arki doonaa is khilaaf badan, markaasi waa inaad ku taagnaataan sunnadeyda iyo sunnada khulafadii hanuunsaneyd ee wax hanuunineysay, ku dhaga sunnahaasi gows danbeedkana ku qabsada , iska ilaaliya arimaha gadaal ka yimaada oo diinta lagu soo daro, waayo arinkasto oo soo dariyo ( gadaal laga keeno) waa bidco, bidca walibana waa baadi (wax lunsan ), baadi walibana naarta ayay ku sugan tahay”.

Axmed iyo An Nasaa’i waxay soo wariyeen xadiis saxiix ah oo ay leeyihiin:

“Ibnu Mascuud (h) wuxuu yiri: Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) wuxuu gacantiisa ku jeexay xariiq, markaa ayuu yiri:

“Tani waa wadadii Ilaahay ee toosneyd, wuxuu ka dhinac jeexay xariiqdaasi xariiqmo yar yar ah oo uu midig iyo bixin ka jeexay, wuxuuna yiri: Wadooyinkan mid waliba shaydaan baa taagan oo dadka ugu yeerayo, markaa ayuu Nabigu akhriyay aayaddan”.

:قال تعالى

وَأَنَّ هَذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ وَلاَ تَتَّبِعُواْ السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَن سَبِيلِهِ ذَلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ

[153-سورة ا أ لنعام: 151]

Ilaahay (c) wuxuu na amray inaan xarigiisa haysanno oo aanan noqon gaalada oo kale, kuwaasoo ku kala tagay diintoodii kooxo iyo xisbiyana noqday, Nabigu wuxuu inoo cadeeyay arinkaasi isagoo ina tusaaleynaya wuxuu xadiiskan ku yiri;

:قال النبي صلى الله عليه وسلم

إنّ اْليَهُود افْتَرَقَتِ عَلَى إحْدَى وَسَبْعِينَ فِرْقَةً، وإنّ النّصَارَى افْتَرَقَتِ عَلَى ثِنْتَيْنِ وَسَبْعِينَ فِرْقَةً، « قالوا: مَنْ هِيَ يا رَسُولَ » وإنّ هذه ا أ لمة ستفترق علَى ثَلاَثٍ وَسَبْعِينَ فِرْقَةً كُلّهَا فِي النّارِ إِلاّ وَاحِدَةً » وَهِيَ اْلجَمَاعَةُ « الله؟ قال

[رواه النسائي والترمذي وقال حسن صحيح]

حديث أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “افْتَرَقَتِ الْيَهُودُ عَلَى إِحْدَى أَوْ ثِنْتَيْنِ وَسَبْعِينَ فِرْقَةً، وَتَفَرَّقَتِ النَّصَارَى عَلَى إِحْدَى أَوْ ثِنْتَيْنِ وَسَبْعِينَ فِرْقَةً، وَتَفْتَرِقُ أُمَّتِى عَلَى ثَلاَثٍ وَسَبْعِينَ فِرْقَةً” رواه أبود داوود والترمذي وابن ماجة وأحمد ، وقال الترمذي: حسن صحيح.

Nabiga (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

“Yuhuuddu waxay u kala qeybsantay kow iyo todobaatan firqo, Nasaaradana waxay u qeybsantay laba iyo todobaatan firqo, Ummaddana waxay u qeybsami doontaa sadax iyo todobaatan firqo, dhammaantood naarta ayay galayaan mid mooyee” saxaabada ayaa yiri: waa tuma firqadaasi Rasuulkii Allow? wuxuu yiri: “Waa Jamaacada”.

Xadiiskan wuxuu inoo tilmaamayaa inuu Nabiga (صلى الله عليه وسلم) cadeeyay in hal koox kaliya ay manhajka saxa ah haysato taasoo uu Ilaahay (c) u gargaari doono, janadana gali doonaan, xadiis kale ayuu Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ku tilmaamay iney kooxdaasi yihiin kuwa loo gargaaro dadka khilaafaana aysan waxba ka dhibi doonin inta ay xaqa ku taagan yihiin.

:قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

» لا تزال طائفة من أمتي ظاهرين على الحق ، لا يضرهم من خذلهم حتى يأتي أمر الله «

[رواه مسلم]

Nabiga (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri: “Ka suuli meyso qeyb ummaddeyda ka mid ah iney xaqa ku taagan tahay, ciddii hoojisa ama khilaafta waxba ka dhibi mayaan ilaa amarka Alle uga yimaado”.

Qeybtan uu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) tilmaamayay waa kuwa ku taagan xaqa (Kitaabka Alle iyo Sunnahiisa), cid waliba oo khilaafta ama ka beyrtaa wadadoodaasi waxba ka dhibi mayaan oo iyaga ayaa ka guuleysanayo, waayo waa qeybtii uu Nabigu ku tilmaamay iney yihiin kuwa loo gargaarayo waana inta ay xaqa ku taagan yihiin.

Tilmaamaha Qeybtan
(Jamaacadan)

Qeybtan sida uu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) tilmaamay waxay leeyihiin sifooyin ay dadka kale kaga soocan yihiin, laguna aqoonsado waxaana ka mid ah:

1. Waxay ku taagan yihiin manhajkii Rasuulka (صلى الله عليه وسلم) iyo saxaaba diisa, ee ah Kitaabka Alle iyo Sunna hiisa, waa kuwa ku dhagan manhaj kaasi.

2. Waxay kaloo ku tilmaaman yihiin haddii uu muran iyo is khilaaf yimaado waxay u noqdaan Alle iyo Rasuulkiisa.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَطِيعُواْ اللَّهَ وَأَطِيعُواْ الرَّسُولَ وَأُولِي الأَمْرِ مِنكُمْ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلاً

[سورة النساء: 59]

Alle sareeyee wuxuu yiri:

“Kuwa (xaqa) rumeeyay adeeca Alle oo adeeca Rasuulka iyo kuwa amarka leh (masuuliinta), haddii aad ku dooddaan arinta ama aad isku qabataan u celiya Ilaahay iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin kuwa rumeeyay Alle iyo maalinta Aakhiro. sidaas ayaa khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta”. [AnNisaa:59]

3. Qeybtan (Jamaacadan) Ilaahay iyo Rasuulkiisa hadalkooda cidina kama hormariyaan. Waayo Ilaahay (c) wuxuu suurat Alxujuraata ayaddeeda ugu horeysa nagu farayaa inaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa laga hor dhicin oo hadalkooda iyo amarkooda laga warsugo lagana danbeeyo.

4. Towxiidka ayaa u ah aasaaska uu manhajkoodu ku taagan yahay oo Ilaahay (c) uma shariik yeelaan waxna lama wadaajiyaan cibaadada, ducada, gargaarka, kaalmeysiga, nadarka iyo xukunka intuba Ilaahay ayay u kali yeelaan.

5. Waxay nooleysaa sunnaha Nabiga (صلى الله عليه وسلم) cibaadaadkooda, hab dhaqankooda iyo noloshooda oo idil waxay ku saleeyaan sunnahiisa, waxayna iska ilaaliyaan bidcada iyo waxyaabaha aan sunnaha ka mid ahayn ee diinta lagu soo daray.

6. Qeybtan ummadda Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ka mid ah ee Ilaahay (c) ugargaarayo waxaa lagu yaqaanaa iney jecel yihiin dadkii salafka ahaa ee wanaagsanaa sida saxaabada iyo dadkii wanaagga ku raacay, way amaanaan waana u duceeyaan, sunnahooda iyo raadadkooda ayay haystaan oo ay ku dhaganaadaan, waxay aad uga fogaadaan iney wax ka sheegaan ama qadarkooda hoos udhigaan, taasoo ah calaamadaha kooxaha habowsan ee had iyo goor saxaabada iyo dadkii wanaagsanaa wax ka sheega oo afkoodaaan ka nabad galin.

7. Waxay aad u daneeyaan Quraanka, xifdin ahaan, akhrin ahaan, tafsiir ahaan iyo ku camal fal ahaanba. Waxay indhaha ku hayaan aayadaha Quraanka iyagoo qalbigooda u daadajinayo si ay udhuuxaan macnihiisa, waxay is hor dhigaan, Muxuu Alle idinka doonayaa? Muxuuse raalli ka yahay?

8. Waxay dadka amraan wanaagga waxay ka reebaan xumaanta sida bidcooyinka iyo waxyaabaha ay kooxaha habowsan diinta ku soo dareen ee dhinaca caqiidada iyo cibaadaadka. 

2 – Farqiga U Dhexeeya
Ahlu Sunnaha Iyo Shiicada.

Sida cutubyadii hore ku cad Ahlu Sunnaha iyo firqadan shiicada ah waxaa u dhexeeya wax badan, haddii aannu halkan ku soo koobno waxaa kamid ah:

1. Imaamada (Khilaafada)

Ahlu Sunnahu: Inuusan Nabigu (صلى الله عليه وسلم) ka dardaarin, balse ay saxaabadii u arkeen inuu Abuu bakr mudan yahay sidaasina lagu doortay ka dibna Cumar, Cusmaan iyo Cali.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in-uu Nabigu (صلى الله عليه وسلم) Cali uga dardaarmay, hase yeeshee la shirqoolay laga-na xoogay.

2. Saxaabada

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in dhammaan caadiliin amaana leh yihiin Nabiguna ( صلى الله عليه وسلم) uu ka dhintay isaga oo raalli ka ah.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in saxaabadu faasiqiin gaala ah yihiin in yar mooyee oo la qiyaaso iney dhowr iyo toban yihiin.

3. Quraanka

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in Kitaabka Quraanka ee 114ka suurad ah 30 ka Juzna ah uu yahay Kitaabkii Ilaahay ku soo dajiyay Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم)) Ilahayna xifdiyay waxna laga badalin.

Shiicadu: Waxay rumeysan yihiin in-uu jiro Kitaab kale ee aan ahayn Quraankan Muslimi-intu haysato, kaasoo lagu magacaabo Musxaf Faduma oo ay yiraahdaan waa ka badan yahay kan hadda la haysto wax bandanna kaga duwan.

4. Cilmiga Qarsoon

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in Qeybka (cilmiga qarsoon) uu Ilahay (c) kaliya og yahay cid kale oo makhluuq ah aysan ogeyn Malik Ilaahay (c) u dhaw ama Nabi la soo diray ha noqdo, arinta waa mid Ilahayu (c) gaar ah Quraankan uu aayado ba-dan ku cadeeyay.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in Imaamyadoodu ay cilmiga qarsoon og yihiin oo arintan tahay waxyaabaha uu Ilaahay (c) ku gaar yeelay Imaamyada.

5. Caqiidada Bada (Alle wuxuusan ku talagalin ayaa ku soo baxa markaas ayuu qadaraa).

Ahlu Sunnahu: Ma rumeysna caqiidadan oo waa baadil Ilaahay (c) ka hufan ka dheer in wuxuusan ogeyn ama qada-rin ay ka dhacaan dunidan, sidii uu ugu talagalay oo uu u qorsheeyay ayay wax waliba u dhacaan.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin in mararka qaar ay Ilaahay (c) ku soo baxaan ama ay u muuqdaan wuxuusan ku talagalin ka dibna uu qadaro markaas, waa caqiido qaloocan oo Ilaahay (c) cilmigiisa meel looga dhacayo, kana hufan arintaasi.

6. Cismada

Ahlu Sunnahu: Waxay rumeysan yihiin in Nabiyada kaliya ay leeyihiin cismada (Dhowrsanaanta danbi iyo qaladba laga dhowrsan yahay) inta kale aadanuhu waa qaldamaa oo ma dhorwsana.

Shiicada: Waxay rumeysan yihiin Nabiyada ka sokow waxaa cisma leh Imaamyada, 12ka imaam ee ay shiicadu sheegaan sida Anbiyada ayay cismo u leeyihiin sidoo kalena waxayba dheer yihiin Anbiyada iney cilmiga qarsoon wax ka ogyihiin

7. Taqiya (in waxa la rumeysan yahay laga been sheego).

Ahlu Sunnahu: Waxay u arkaan iney tahay munaafaqnimada uu Ilaahay (c) Kitaabkiisa kariimka ah ku sheegay oo ah uurka iyo oogada kala duwan. Qofka muslimka ah caqiidadiisu waa saxiix waxa uurkiisa ku jira ee uu rumeysan yahay waa wax ka muuqda oo uu ku camal falo, marna ma kala duwanaadaan muuqatadiisa iyo qarsoontiisa, waana tilmaamaha Mu’minka xaqa ah.

Shiicada: Waxay u arkaan taqiyadaasioo ah qarsashada waxa la rumeysan yahay, gaar ahaan muslimiinta dhexdooda, iney ka mid tahay diinta oo ay tahay cibaado Ilaahay (c) loogu dhawaanayo, qofkii aan sameyna uusan diinta ku taagney.

3 – Maxaa Kaaga Kordhaya
Haddii Aad Shiicowdo

Walaalka Muslim ahaw waxaa iga su’aal haddii aad qaadato fikirkan shiicada maxaa kaaga kordhaya oo aad ka faa’iideysaa? Haddii aad dib isugu noqoto oo aad eegto fikirkan dunida muslimka ah aafeeyay burbur qofeed, bulsheed iyo mid dowladeedba horseeday, waxa kaaga kordhaya maxay yihiin ee aan ka ahayn.

Saxaabadii Ilaahay (c) raalliga ka noqday Nabiga (صلى الله عليه وسلم) uu ka dhintay isagoo raalli ka ah diinta macaan ee aynu haysanana na soo gaarsiiyay ahaana dad amaano iyo cadaalad u saaxiib ah, inaad wax ka sheegto qaar aad gaalo ku tilmaanto qaarna aad faasiqiin ku sheegto sida ay shiicada aaminsan tahay.

Nabiga (صلى الله عليه وسلم) haweenkiisii ahaana hooyooyinkii mu’miniinta gaar ahaan kuwii ugu dhawaa ee uu ugu jeclaa sida Caa’isha (i), inaad sharafkeeda durto oo aad wax ka sheegto, taasoo macnaheedu yahay inaad sharafkii Nabiga (صلى الله عليه وسلم) wax ka sheegtay, illeyn ninku sharafka xaaskiisa waa sharafkiisa, bal arintaasi culeyska ay leedahay qiyaas inaad sharafkii Nabiga (صلى الله عليه وسلم) wax ka sheegto.

Quraanka Ilaahay (c) xifdiyay oo aan xaraf lagu kordhin karin xarafna laga saari karin, inaad rumeyso inuu yahay mid kala dhiman oo ay wax ka maqan yihin, uuna jiro mid kale oo aan Quraankan ahayn. bal qiyaas adigu Ilaahay (c) Kitaabkii uu balan qaaday inuu xifdiyo inaad rumeyso balantaasi Alle ma oofin oo Quraankii waa kala dhiman yahay. Waa wax Ilaahay (c) laga magan galo.

GABAGABO

Sidaan horay u soo xusnay firqadan caqiido ahaan iyo manhaj ahaanba waxay ka marin habaabeen wadadii saxa ahayd ee uu Nabiga, saxaabadiisa iyo dadkii wanaagga ku raacay ay ku taagnaayeen, sidoo kale waxay taariikhdu xustaa iney shirqoollo iyo cadaw la kaashi ay ku hayeen ummaddii Islaamka iyo sooyaalkeeda, tan hadda joogtana intaasi kama marna, 1979kii oo ahayd xilligii ay dhalatay dowladda Iiraan oo sheeganeysa iney xanbaarsan tahay calanka shiiceynta muslimiinta, laga soo bilaabo xilligaasi ilaa haatan waxay u tafa xaydatay iney mu’aamareyso dunida muslimka cadawgoodana la saftaan bayaanaadkooda,

qoraalladooda, buugaagtooda iyo mowqifyadooda siyaasadeed waxay ka turjumayaan colaaddaasi soo jireenka ah, haatanna waxay olole xoog leh ugu jiraan iyaga oo ku bixinaya xoolo iyo waqti sidii ay u abuuri lahaayeen kooxo shiica ah oo dowlad kasta oo muslim ah ku dhex jirta waa dowladaha aan lahayn firqada shiicada ah, kuwa ay horay uga jireen oo ay ku ahaayeen dad yarna iney xoojiyaan. si xowli ah ayay u galeen Afrika, Aasiya, wadamada carabta iyo jaaliyadaha muslimiinta ee Yurub iyo Amerika.

Waa olole xoog leh oo xawaare dheereeya ku socda oo ay dowlad maalgalineyso.

Arintan waxay u baahan tahay baraarug iyo feejignaan dheeraad ah, dadka muslimiinta sunniyiinta ah ee maanta jooga inay indhaha ku hayaan xeeladaha iyo farsamooyinka ay dadka ku soo galaan iskuna dayaan iney fikirkooda shiiciga ah ku qanciyaan iyada oo looga dhigayo diin saxa ah ama ugu yaraan wax farqi ah uma dhexeeyo shiicada iyo sunnada waa laba koox oo muslimiin ah.

Meelaha iyo wadamada ay diiradda saaraan waxaa ka mid ah:

Wadamada saboolka ah ama ay dagaalada sokeeye ragaadiyeen, iyaga oo ku gabanaya gargaarka bani aadamnimo iyo muslim ugargaar, waxayna taasi ku badan tahay Afrika, waxaana tusaaleweyn inoo ah maanta sida ay Soomaaliya ugu jiraan iyaga oo ka dallad dhiganaya hayadda gargaarka Khumeyni, aad baa looga dharagsan yahay howlaha ay Soomaaliya ka wadaan gaar ahaan magaalada Muqdisho, culimaduna ay aad uga digeen muxaadaraad iyo nadwooyinba waa ay ka qabteen, hase yeeshee af baahan iyo calool maran maskax ay ku fakaraan ma leh.

Waxay kaloo u soo jiheysteen jaaliyadaha Islaamka ee Yurub oo ay xarumo iyo telefishinno ka furteen si ay afkaartooda guracan ugu dhex faafiyaan dadka muslimiinta ee la daalaa dhacleynayo ilaalinta diintooda iyo caruurtooda waxay waqti iyo xoolaba ku bixiyeen iney dhalinyarada shirar iyo kulanno u qabtaan iyaga oo ka qancinayo iney yihiin dad diinta ku dhagan oo Rasuulka iyo Aala beytkiisa jecel, si doqoni ma garato ah u galinayo fikirkooda sunta waabaayada ah wata, maantana ololahooda raadkiisu waa uu muuqdaa, dad raacsan oo ku qancay fikirkoodaasi ayaa meel waliba Yurub taagan oo dood iyo muran la taagan, shalay ayaa nala qalday oo maanta wadadii saxa ahayd ayaannu helnay ku hadaaqayo meel walibana ka sheegayo.

Meelaha ay dadka ka soo galaan fikirkoodana uga bilaaban.

Waxay dadka ku beer laxawsadaan Aala Beyka jacaylkooda iyo qadarintooda, iyagoo dadka aan diin badan aqoon khiyaanadaiyo marin habaabinta firqadanna aan ogaal u lahayn ay ku soo jiitaan Aala beytka ayaannu jecelnahay ciddii neceb ama inkirsan ayaan ka soo horjeednaa oo Rasuulka iyo dhashiisa ayaannu qadarinnaa waana diinta saxa ah, culimadii waaweynaa oo ay hadalladooda kala jarjareen ayay dadka u tusaan iney Aala beytka neceb yihiin oo ay wax ka sheegaan, taasoo been abuurad ah.

Waxay kaloo dadka u tusaan in kitaabka Quraanku yahay kitaabkooda, iney kitaab kale haystaanna been abuurad tahay, sidaan caqiidadooda ku soo aragnay kutubtooda iyo culimadooduna qireen iney leeyihiin kitaab kale oo la yiraahdo Musxaf Faduma, laakin dadka ay marka hore ku soo jiitaan isku kitaab ayaannu nahay Quraankan 30 jiz ah ayaannu aamin sannahay.

Sidoo kale saxaabada waxba kama sheegno oo bilowga hore aad bay isaga ilaaliyaan si aan looga didin, hase yeeshee waxay yiraahdaan Cali baa khilaafada kaga xaq laha Abu Bakar, Cumar iyo Cusmaan, laakin marka hore si toos ah waxba ugama sheegaan oo waxay adeegsadaan TAQIYA oo aan horay uga soo hadalnay waxay tahay. Cidda ay diiradda saaraan oo ay ugaarsadaan una ah bartilmaameedka dacwadooda ayna doonayaa iney bulsho kasto ku dhex yeeshaan.

Waxay aad u ugaarsadaan dhalinyarada fahamkooda diinta hooseeyo, sidoo kalena dhaqaale ahaan u tabar daran, qeybtan bulshada ka mid ah ayay isku dayaan iney diiradda saaraan, waayo aqoon diineed xoog badanna ma leh, baahi dhaqaalena waa ay jirtaa, dadkaasi ayay isku dayaan iney safkooda u soo dumaan kooxdoodana ku soo biiriyaan, haddii qofku uusan lahayn aqoon diineed uu isku difaaco baahi dhaqaalena jirto aad bay u fududahay in qofkaasi la marin habaabiyo, waan istraatiijiyadda ay ku shaqeeyaan.

Talo Soo Jeedin

In qofkasta oo muslim ah uu ka feejignaado afkaarta qaldan ee gadaal diinta lagaga soo daray, kuna dadaalo inuu fahmo manhajka saxa ah ee ay ku taagnaayeen saxaabada iyo dadkii wanaagga ku raacay, taasoo ku iman karta inuu barto usuusha Islaamka ee ah Kitaabka Alle (c) iyo Sunnaha Nabiga (صلى الله عليه وسلم) iyo siirada dadkii wanaagsanaa ee saxaabada iyo culimadii waaweyneyd.

In dhalinyarada aad looga wacyi galiyo firqadan habowsan, qoraallo, muxaadaraad iyo dood cilmiyeed loo qabto, iyada oo la tusaaleynayo firqadan iyo fikirkeeda qaldan halka uu ka soo jeedo iyo sooyaalkii taariikheed ee ay soo mareen, si ay u ogaadaan waxay ay firqadan tahay ee aan lagu beer laxawsan jacayl iyo qadarinaan jirin ee loo qabo Aala Beytka.

In waalidku uu ilmihiisa la socdo waxa ay akhrinayaan gaar ahaan Website yada iyo cidda ay la kulmaan had iyo goorna ay ilmahooda dhalinta ah uga digaan firqooyinka marin habowsan iyo xeeladahooda.

Maraakista iyo malcamadaha waa iney dhalinyarada waaweyn usameeyaan barnaamijyo cilmiyeed lagu saxayo caqiidadooda iyo manhajka saxa ah ee Islaamka si ay uga tallaalnaadaan afkaarta lunsan ee lala gaaf wareegayo.

Fadlan halkaan waxaad ka degsan kartaan darsiga (Marin Habowga Shiicada Iyo Hagar Daamadooda oo PDF) ah. 

Wa Jazaakum Allaahu Khayran.
WA BILLAHI TOWFIIQ.

Advertisements