Kitaabka Abuu Shujaac

متن الغاية والتقريب
أبي شجاع

Kitaabka Salaadda

Darsiga | 1aad

Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Date: Friday, October 14, 2016
Hijri: Jumuca 13 Muxarram, 1438

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Kitaabka Abuu Shujaac

Kitaabka Salaadda
(كتاب الصلاة)

Darsiga | 1aad

Waa darsi gii shannaad ee kitaab kii (متن الغاية والتقريب) ee al-Imaam Abuu Shujaac.

مواقيت الصلاة

:الصلاة المفروضة خمس

(الظهر)

وأول وقتها زوال وقتها زوال الشمس
وآخره إذا صار ظل كل شيء مثله بعد الزوال

kitaabka-salaada-abuu-shujaac

Salaaddii buu kitaab u yahay.

(الصلاة) Salaaddii (المفروضة) ee la waajib yeelay (خمس) waa 5 salaad dood.

Salaaddaha waajibka ah waa shan salaad dood, bi macnaa wuxuu doon nayaa inuu ku yiraahdo 5 taa wixii ka soo haray oo salaad ah dhamaan tooda waa sunno ee waajib ma aha, wax waajib oo farad ah oo asal farad u ah 5 taas salaad dood waaye.

Waxaa ku tusaaya axaadiis dhowr ah, waxaa kamid ah xadiiskii micraajka (israa wal micraaj) ee Bukhaari iyo Muslim. Nabigaﷺ waa kii 50ka salaad lagu farad yeelay sooma aha markii hore?

Siduu mar Nabi Muuse (cs) ugu imaan nayay marna Allah ugu noqon naayay, markii dambe waxaa laga dhigay 5 salaad dood…

[hunna qamsun, wa hunna qamsuun] baa la yiri marka.

  • Tiradu waa 5 salaad dood
  • Xagga ajar kana waa 50

Marka 5taa un waaye.

Nin kii (acraabiga) ahaa ee Nabigaﷺ u yimid ee yidhi; salaadaha maxaa Ilaahay igu leeyahay?

Nabigaﷺ wuxuu ku yiri 5 salaad dood un.

Sidaas daraadeed bey waxay leeyihiin wixii 5taa ka soo haray oo dhan waa wada sunno, haa warku halkaa waaye.

Shan tii salaad dood buu marka guda galay (awqaad dooda) waqtiyada. Waqtiyada mid walba waqti bey leedahay sida Ilaahay uu quraanka ku sheegay…

‘’ إِنَّ الصَّلَاةَ كَانَتْ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ كِتَابًا مَّوْقُوتًا ‘’

[سورة النساء آية ١٠٣]

Waa cibaado waqti leh, waqti loo gooyay waaye.

Waqti geedii buu ka hadlaayaa marka.

Waqtiga si guud salaadaha 5ta ah quraanka ayaa tilmaamay

(فَسُبْحَانَ اللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ وَحِينَ تُصْبِحُونَ (١٧
(وَلَهُ الْحَمْدُ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَعَشِيًّا وَحِينَ تُظْهِرُونَ (١٨

[سورة الروم آية ١٨/١٧]

Aayad daas ayaa waqtiyada salaadaha tilmaamtay

‘’ فَسُبْحَانَ اللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ ‘’

Waxaa soo galaaya Maghribka iyo Cishaha ayaa soo galaaya.

‘’ وَحِينَ تُصْبِحُونَ ‘’

Waa salaaddii Subax.

Meeshaan meeqa ayaan haynaa?

Saddex salaad sooma ahayn?

‘’ وَلَهُ الْحَمْدُ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَعَشِيًّا ‘’

Waa salaada Casir.

‘’ وَحِينَ تُظْهِرُونَ ‘’

Waa salaaddii Duhur, sooma aha?

Si guud quraanka ayaa u sheegay waqtiyada shanta salaad dood, axaadiista Nabigaﷺ wey sii sharaxday oo wey sii faahfaahisay.

Faahfaahin tii axaadiista ayuu galaayaa marka, mid walba waqti geeda xagguu ka bilowdaa, xaggee se ku ek yahay.

Salaadda koowaad ee 5ta ugu horeysa…

(الظهر)

(الظهر) waa duhurka.

(وأول وقتها زوال وقتها زوال الشمس)

(وأول وقتها) waqti geeda bilow giisu (زوال وقتها زوال الشمس) qoraxda zuuli taan keedu waaye.

Yacni (زوال الشمس) …

Iney samada bartama heedu qoraxdu ka leexato ka iilato wax yar ka durugto oo dhanka ay u dhacayso iyo galbeed ka u yara durugto.

Saas ayaa la yiraahdaa yacni (زوال الشمس).

(وآخره إذا صار ظل كل شيء مثله بعد الزوال)

(وآخره) Duhurka waqti giisa aakhir kiisa iyo meesha ugu dambeysa na (إذا) goortii (صار) uu ahaado (ظل كل شيء) shey kasta hoos kiisu (مثله) isaga oo kale uu ahaado (بعد الزوال) hooska zawaal ka marka laga reebo.

Bi macnaa waqtiga duhurka ugu horeeyo waa qoraxda markay samada bartama heeda ay ka leexato ay wax yar dhinac uga durugto, dhanka galbeed ka ay u socoto markay wax yar u durugto ayaa duhurku galayaa.

See lagu garan nayaa iney duragtay?

Waxaa lagu garan nayaa bey leeyihiin… een shey qoray iyo wax un baad istaajin neysaa qotomin neysaa, markaad qotomiso hoos kiisu intuu is dhimahayo oo yaraan nayo weli samadu qoraxdu ma aynaan gaarin bartamaha samada ma aynaan gaadhin, markay qoraxdu bartamaha taagan tahay, hoos kii yaraan nayay waa istaag gayaa, meeshaa uu ku istaagay markuu ee yaraan shaha markuu ka istaago qorax dii marka bartamaha ayay ku taagan tahay.

Markaa kadib buu bilaabayaa hoos ku inuu kordho sooma aha?

Yacni markaad istaajiso oo saa u istaajiso waxaad xariiq qeysaa meesha aad hoos kiisu joogo sheyka taagan, xariiq dii buu marka ka durgaya xagga sheyga sal kiisa taagan buu u durgaya hoos ku, intaa uu durgaya qoraxdu waxay ku sii socotaa bartamaha ayay ku sii socotaa, markuu istaago oo socodka istaajiyo bartamaha ayay taagan tahay.

Markuu bilaabo inuu siyaado qoraxdii markaa waxay u badatay dhan kii galbeed ayay u badatay markaa wey zuushay weeye macnaha, saasaa macnaha lagu gartaa.

(وآخره إذا صار ظل كل شيء مثله بعد الزوال)

Duhurka waqtiga ugu dambeeya na waa shey kasta iyo hoos kiisu markay isla ek kaadaan. Shey walba hoos kiisu oo kale markuu noqodo, haa oo hoos kii iyo sheygii baa isla ek kaan naya.

See baad ku garan iney isla ek kaadeen?

Yacni qoray gii aad istaajisay ama sheygii aad istaajisay, markaa saa u istaajiso ayaad hoos kiisu meesha uu ku ek yahay xariiq qeysaa, kadib na waad ku seexin neey. Yaa waad seexin dhulka ayaad dhigi, meeshii salka uu ku haayay ayaad ka seexin haddii meeshii uu hooska joogay iyo sheyga aad istaajisay isla ek kaadaan, markaasuu duhur kii dhamaaday.

Ma fahamteen?

Bi macnaa saas waaye qiyaas taasaa lagu keen nayaa.

Wuxuu yidhi: (بعد ظل الزوال) waxaa se la socda, waxaa laga gooyn nayaa markaa hoos la yiraahdo (ظل الزوال).

(ظل الزوال) ka waxa weeye, ama (ظل الاستواء) marka ay qoraxdu bartamaha taagan tahay oo ay xaggii ay ka timid na ka soo dhamaatay xaggay u socotay na ayna u badanin, markaa wax kasta oo jira hoos buu leeyahay, hoos kaas soo haray ee markay bartamaha ku taagan tahay ee sheygu leeyahay, kaas ayaa waxaa la yiraahdaa…

(بعد ظل الاستواء) ama (ظل الزوال) baa la yiraahdaa.

Saas weeye macnaha.

Haddaan si kale u dhahno, soo meynaan dhihin hooska waa isa soo dhimayaa waa soo nusqaam mayaa meel buu istaag gayaa, markuu istaago is dhimida iska taago siyaada na uusan bilaabin, hoos kaas ayaa waxaa la yiraahdaa (ظل الزوال).

Hadhow marka waxaad sameyn neysaa markaad qiyaas seyso, hoos kii (استواء) markii bartamaha qoraxda joogtay hoos kii jiray waad ka goyn neey, inta kale iyo sheyga waa iney isla ek kaadaan marka.

Seen yeeleynaa mathalan?

Mathalan markaa qotomiso, saa markaa u qotomiso hoos kiisii suu u nusqaam mayay oo u nusqaam mayay, intaan ayaa soo hadhay.

Soo ma aragtaan intaan ayaa soo hadhay, hadhow waxaad rabtaa inaad ogaato inuu duhur kii dhamaaday iyo in kale inaad ogaato, waad istaajisay, waad qiyaastay, meeshaan ayaad xariiqday (ظل الاستواء) halkaan ayuu ku ek yahay, hadhow xiligii marka la gaaro ayaad istaajin neysaa hadana, markaad istaajiso hoos kiisu hal kaas ayuu joogaa. Hoos kiisu iyo isaga ma isla ek yihiin markaad qiyaas seyso, intii (ظل الاستواء) ka gooy, soo qaad marka (ظل الاستواء) gii soo dhaafi, kadib na seexi.

Ma faham teen?

Waa inuu marka isla ek kaado hoos kiisii markaad intaan (ظل الاستواء) ka goysay inta soo hadhay iyo sheygu waa iney isla ek kaadaan, markaas ayaa waxaa la joogaa, duhur kii mar kaas ayuu dhamaaday.

Fiiro gaar: halkaan Sheekhu wuxuu tusaale ahaan wax ugu bixin naayay qalin uu gacanta ku haayay, Fadlan daawo videoga.

Marka (ظل الزوال) ga (بعد ظل الزوال) waa in isaga laga jaro, oo kaa gadaa shiisa marka kaa laga yimaado shey walba iyo hoos kiisu marka ay isla ekkaadaan, mar kaas ayaa duhur kii u dambeysa.

Sidaa waxaa tilmaamaya xadiis kii Jibriil (cs)…

Nabigaﷺ Jibriil baa u yimid salaad walba wuxuu ka tujiyay bilow geeda buu maalinta hore ka tujiyay, maalin tii labad na dhamaad keeda ayuu ka tujiyay. Duhurka markay qoraxda zuushay buu maalin kii hore tujiyay, maalin kii labaad na wuxuu tujiyay markii shey walba iyo hoos kiisu isla ek kaadeen, kadibna wuxuu ku yiri; waqtigu laba daas buu u dhexeeyaa.

Marka xadiis kii Jibriil (cs) baa sidaa ku cad.

(والعصر)

وأول وقتها الزيادة على ظل المثل
وآخره في الاختيار إلى ظل المثلين
وفي الجواز إلى غروب الشمس

(والعصر) Casar kii weeye salaada labaad.

(وأول وقتها الزيادة على ظل المثل)

(وأول وقتها) waqti geeda bilow giisu (الزيادة) waa siyaadid (على ظل المثل) hooska la midka ah [shey giisii].

Hooska shey giisii la midka ah, wixii siyaada… markii uu siyaada bilaabo ayaa mar kaasi waqtiga Casirka la joogaa.

Yacni soo meynaan dhihin duhurka wuxuu ku ek yahay shey kasta iyo hoos kiisu markay isla ek kaadaan? Isla ek kaan shihiin hadduu ka siyaada uu wax ku darsado oo sheyga iyo hoos kiisii wax yar is dheeraad daan oo hoosku dheeraado markaa, markaas ayuu Casar ka bilaaban nayaa, waa siyaado yar markay timaado saas weeye macnaha.

(ظل المثل) maxaa laga wadaa?

Yacni shey gii iyo hoos kiisii markay isla ek yihiin waxaa la yiraahdaa (ظل المثل) waa isla mid, sheygii iyo hoos kiisii baa isla mid ah.

(ظل) gaasi markuu ka yara siyaado Casir kii baa bilaawday marka.

Sidaas waa sida hadda kitaabka inoo qoray, laakiin waxay qabaan shaaficiyada waqtiga Duhurka iyo Casarka meel uu isugu yimaada ayaa jira, oo markaa shey walba iyo hoos kiisu isla ek yahay…

  • Casar kiina waa soo galay,
  • Duhur kiina waa baxay

Meel ay isaga yimaadaan weeye macnaha.

(وآخره في الاختيار إلى ظل المثلين)

(وآخره) meesha ugu dambeysa na (في الاختيار) sida la doortay [في وقت الاختيار] waqtiga doorashada, waqtiga fiican (إلى ظل المثلين) laba laabka hoos kiisa inta laga gaarayo waaye.

Hoos is laba laabay oo ciddii uu hooska u ahaa isku laba laabay, waqti geeda inta laga gaarayo ilaa intaa na waa [وقت الاختيار].

(وفي الجواز إلى غروب الشمس)

(وفي الجواز) [في وقت الجواز] banaanida waqti geeda dhex deeda na (إلى غروب الشمس) qoraxda dhici taan keeda inta laga gaarayo waaye waqtiga Casarku.

Casarku saddex waqti buu leeyahay:

1: Waqti waa [waqtul fadiila] waa bilowga, waa shey kasta iyo hoos kiisu markay intey isla ek kaadaan siyaada yar ku darmato, soo mid ma aha?

2: Waqti labaad waxaa la yiraahdaa; [وقت الاختيار] Kelimatu [الاختيار] waxaa laga wadaa bi macnaa waqti ka fiican wixii ka dambeeya. Kelima daa [الاختيار] na inta badan Imaamka mad-habka ayaa aad u isticmaala.

Kitaab kiisa [um qaaya] haddaad aragtaan (في الاختيار) buu ku leeyahay, bi macnaa sida la doortay oo fiican waaye, waa laga fiican yahay laakiin waa sida roon, saas weeye [في وقت الاختيار] waqtiga roon ee waqti ka fiican na ka hor maray, waqti uu isaga ka fiican yahay na ka dambeeyo [وقت الاختيار] bey u yaqaan naan.

Waqti gaasi na waxa weeyaan;

Waa ilaa inta shey walba hoos kiisu ku laba laabmayo, waqtigaa na waa [وقت الاختيار], oo waa tukan kartaa [bi duuni karaah] sooma aha?

3:  [وقت الجواز] baa jira waqti iska banaan, laakiin uu xooggaa laga fiican yahay.

Waa waqti gee?

Waa ilaa ay qoraxdu ka dhacayso.

Qoraxdu markay dhacdo markaa waqtigii waa baxay macnaha, qoraxda, ilaa qoraxda dhici taan keeda inuu ku ek yahay salaadda Casarku xadiiska Nabigaﷺ ayaa tilmaamayaa,

Xadiis Abii Hurrayrah:

‘’Nin kii salaadda Subax hal rakcad ka gaara inteyna qoraxdu soo bixin, salaad dii Subax waa gaaray. Nin kii salaadda Casar ka gaaro qoraxda inteyna dhicin hal rakcad ah, salaad dii Casar waa gaaray.’’

Xadiis kaas ayaa sheeg gaya oo Bukhaari iyo Muslim ay soo saareen.

(والمغرب)

ووقتها واحد وهو غروب الشمس
.وبمقدار ما يؤذن ويتوضأ ويستر العورة ويقيم الصلاة ويصلي خمس ركعات
.والمعتمد هو إمتداد وقت المغرب إلى الأحمرار

(والمغرب) weeye salaad dii saddexaad salaadda Maghribka.

(ووقتها واحد وهو غروب الشمس)

(ووقتها واحد) waqti geedu waa hal mid.

Sow duhurku waqti bilow ah iyo waqti dhamaad ah ma lahayn?

Casar kuna saddex waqti soo ma lahayn?

Maghrib ku se waa hal waqti, wax qeybsama ma aha, oo muxuu yahay?

(وهو) waqti giisu waxa weeyaan, Maghribka waqti giisu waa (غروب الشمس) qoraxda dhici taan keeda waaye.

Qoraxdu hadday dhacday Maghrib waa soo galay.

وبمقدار ما يؤذن ويتوضأ ويستر العورة)
(.ويقيم الصلاة ويصلي خمس ركعات

(وبمقدار ما يؤذن) qiyaas wuxuu jirayaa oo Maghrib ku sii jirayaa (وبمقدار ما يؤذن) qiyaasta uu aadaamo (mu’adimku). (ويتوضأ) uu weyseysto ruuxu, oo (ويست) uu asturo (العورة) cawrada uu asturo, oo (ويقيم) uu aqimo (الصلاة) salaadda uu aqimo, oo (ويصلي) uu tukado (خمس ركعات) shan rakca dood uu tukado.

Maghribka markay qoraxdu dhacdo wuxuu ku ek yahay, oo waqti giisa oo dhan ba ku ek yahay, mudada ku filan…

Aadaan iyo [tabcan aqim maad] sooma aha?

  • Aadaan
  • Iyo weyso qaadad
  • Iyo inaad dharka labis sato ood cawrada asturto
  • Iyo salaadda in la aqimo sooma aha oo la tukado, salaadda la aqimo
  • Iyo in shan rakcad dood la tukado

Mudada intaa lagu sameyn karo un buu Maghrib joogaa, muda daa wixii ka siyaadsan maghrib waa baxay sooma aha?

Li’ana waqti gii buu wuxuu ku xaddidayaa….

Marka ileyn hoos ma jiro sooma aha qoraxda waa dhacday ee maxaa marka lagu xaddidayaa?

Waxaa lagu xaddidayaa [afcaal] baa lagu xaddidayaa, sooma aha afcaal, intaa inta la sameyn karo un buu waqtiga joogaa.

Shanta rakcad dood: 3 waa maghrib kii, Labada kale na? Waa labadii sunno ee ka dambeysay waaye, haa mudada intaa la sameyn karo.

Oo Sheekhow!

Dadka waa kala caga culus yihiin nee!

Mid baa…

  • Durba aadaami karo
  • Durba aqimi karo
  • Durba weyseysan karo
  • Durba labissan karo
  • Durba salaad diisa kala tuuri karo,

Salaad dii baa kala gaaban oo kala dheer oo… yaa!

Waxay yiraahdeen:

  • kan aad u cag culus na la fiirin maayo
  • ninka dheereeyn haya na la fiirin maayo

Dhex dhexaad ka ayaa qiyaasta laga qaadan nayaa, hal kaas ayay ka baxeen. Marka waqti geedu waa waqti ciriiri ah, waa [dayiq].

(ووقتها واحد) waqti geedu waa (واحد) hal mid. (وهو) waqti giisu waxa weeyaan, (غروب الشمس) qoraxda dhici taan keeda waaye.

(والمغرب) wuxuu sii jirayaa (وبمقدار ما يؤذن) qiyaasta uu aadaamo ruuxu. (ويتوضأ) uu weyseysto kato ama gabagabeysan karo ama qabeysan karo (ويست) uu asturo (العورة) cawrada uu asturo, (ويقيم) uu aqimayo (الصلاة) salaadda uu aqimayo, (ويصلي) uu tukan karo (خمس ركعات) shan rakca dood na uu ka tukan nayo.

Muda daasi acmaasha lagu sameyn karo [ayuu Maghribka jiraa], muda deedu waa iyo waqti geedu waa intaa.

Qowl kaasi waa qowlka jadiidka ah fil mad-hab, laakiin [al qowlul qadiim], waxay na u daliishan nayaan sidaan markey leeyihiin; Xadiiska Jibriil markuu Nabigaﷺ u salaadda baraayay waqtiya deeda Nabigaﷺ maghribka maalin tii hore na waqti buu tujiyay oo ah qoraxda markay dhacday, maalin tii dambe na isla waqti gii un buu tujiyay ma kala duwin ba.

Sidaas daraadeed waxay leeyihiin salaadda Maghribka waa hal waqti, waqti sii dheer maba jira ba.

Mad-habka Imaamu Shaafici [qowluhul qadiim] ayaa wuxuu yahay, maghribka inuu jiraayo ilaa inta guduudka (shafaqa) laga waayayo, yaa (cawa weerta) ilaa shafaqa qaasi qarsoom mayo, yacni markay qoraxdu dhacdo sow guduud kama muuqdo (ufuq), guduud kaa inta laga waaya hayo maghribka waqti giisii waa jiraa, waa qowlka qadiim ka ah ee Shaafici waaye, isaga ayaana xoog badan.

Sidaas daraadeed bey rajax xayaan a’ima badan oo shaaficiyada kamid ah oo uu kamid yahay al-Imaam Nawawi (caleyhim raxmattullaah), imaamka laf tiisa kutub tiisa qaar kamid ah weliba kutubta jadiidka ah, sida kitaab kiisa (Imlaaha) oo kale wuxuu leeyahay, xadiiska ku soo arooray meeshaa, hadduu asaxo waan qabaa.

Imaamu Nawawi marka wuxuu leeyahay xadiiska waa saxiix Muslim iyo khayr kii buu ku yaalaa, sidaas daraadeed waa mad-habka Shaafici buu yiri, mad-habka Shaafici waaye.

Yacni waxa weeyaan, waa meelaha qowlka qadiimka ka xoog badan yahay qowlka jadiidka, haa qowlka qadiimka ah baa ka xoog badan meeshan daliilka marka la fiiriyo, maxaa yeelay xadiista macna haas ayaa tilmaameysa xadiis dhowr ah.

(ووقت صلاة المغرب ما لم يغب الشفق)

‘’Maghribka waqti giisu waa inta guduud ku uusan qarsoomin waaye,’’ [Xadiis baa saa u cadeyn neyso.]

(والعشاء)

(والعشاء) Weeye salaadda xigta…

أول وقتها إذا غاب الشفق الأحمر
وآخره في الإختيار إلى ثلث الليل
وفي الجواز إلى طلوع الفجر الثاني

(أول وقتها إذا غاب الشفق الأحمر)

(أول وقتها) waqti geedu bilow giisu waxa weeye (إذا) goortii (غاب) uu qarsoomo (الشفق) guduudka (الأحمر) ee guduudan.

Cawa weerta guduudan marka ay qarsoonto waaye, (الشفق) (shafaqu) waa un guduud kaas (الأحمر) waa un ku sii cadeyn nayaa.

(وآخره في الإختيار إلى ثلث الليل)

(وآخره) salaadda Cisho aakhir keeda na (في الإختيار) [في وقت الاختيار] ee waqtiga doora shada, waqtiga roon waxa weeyaan (إلى ثلث الليل) habeenka saddex meellood meeshii inta laga gaarayo.

(وفي الجواز إلى طلوع الفجر الثاني)

(وفي الجواز) [وفي قت الجواز] banaanida waqti geedu na waxa weeye (إلى طلوع الفجر) Fajar ka dhalasha diisa inta laga gaarayo (الثاني) ee labaad.

Fajar ka labaad dhalasha diisa inta laga gaarayo ayaa (قت الجواز و) ah.

Salaadda cishahu cinda Shaaficiya 3 waqti bey leedahay…

1: Waqti waa waqtiga bilowga ah, oo waxa weeyaan marka guduud kaasi qarsoomo ama cawa weertu tagto.

2: Waqti na waa [وقت الاختيار] oo waa waqti ka fiican wixii isaga ka dambeeya, yaa waqti fiican waaye, [وقت الاختيار] kuna waa inta laga gaarayo (ثلث الليل) habeenka nus kii laga gaarayo, waxaan u jeedaa saddex meellood meel inta laga gaarayo.

Saddex meellood meel marka habeenka laga hadlaayo [bi macnaa] waxaa la fiirin nayaa qoraxdu markay dhacday soo habeen kii ma soo galin? Xiligaa iyo fajarka markuu dhalan naayo ayaa la qeybin nayaa, saddex meellood baa loo qeybin nayaa.

Anaga mathalan fajarka goormuu inoo dhashaa? Yaa!

5ta ayuu inoo dhashaa sooma aha?

5ta oo daqiiqado dhiman buu inoo dhashaa sooma aha? Tayyib.

Qoraxda na goor may inoo dhacdaa?

Waxay inoo dhacdaa 7da oo wax dhiman sooma aha?

Soo saas ma aha?

Isku dar marka, saacadaha hal kaa ka soo baxa ayaad marka saddex meellood u qaybinee.

Fiiro gaar: tusaalahaan sheekhu wuxuu kaga hadlaayaa magaalada uu joog ee waxaan wada ogsoon nahay iney adduunka meela hiisa kale ay waqtiyada kala duwan yihiin.

Waxaa dhici karto iney noqoto 4 saac iney noqoto (ثلث) ku, waa markay noqoto 12 saac uu habeenka noqdo waaye. Hadduu ka yaraada na! 3 saac iyo wax bay noqon ney markaa, sooma aha ileyn saacad baa go’aysa oo meesha ka baxaysa, saas ayaa loo xisaabin nayaa.

(وفي الجواز) [قت الجواز] banaanida waqti geedu na waxa weeye (إلى طلوع الفجر الثاني) ilaa Fajar ka labaad dhalan naya na wey iska banaan tahay oo waa la tukan karaa.

Sidaasi waxaa tilmaamayaa ilaa waqtigaa in la tukan karaayo, waxay u daliishan nayaan xadiiska Muslim iyo khayrkii ku yimid, xadiis Abii Qataada…

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Hurdadu sideeda ba gabood fal ma keento, laakiin gabood fal ku waxa weeye, waa cidda aan tukanin ilaa salaad dii kale waqti geedu soo galo.’’

Ilaa salaad dii kale waqti geeda yimaada ruuxii salaadda ka tagay, kaas ayaa gabood falay, laakiin ruux seexday oo iska nastay taa gabood fal ma aha. Marka salaadda waqti geedu waa jirayaa xadiiska laga qaadan nayaa ilaa tii kale waqti geedii yimaado, oo macnaha maghrib kii sooma aha?

Salaada cishaha tee ku xigtaa soo subaxa kuma xigto?

Subaxu goormuu soo galaa?

Fajarka labaad dhalasha diisa ilaa waqtigaa iney salaad dii cishaha waqti geedii sii jiray baa xadiisku tilmaam mayaa (cumuum) kiisa saas ayaa laga qaadan nayaa, kaas ayay u daliishan nayaan.

(والصبح)

وأول وقتها طلوع الفجر الثاني
وآخره في الاختيار إلى الأسفار
وفي الجواز إلى طلوع الشمس

(والصبح) Subaxii weeye salaadda u dambeysa.

(وأول وقتها طلوع الفجر الثاني)

(وأول وقتها) Waqti geedii ugu horeeya na (طلوع الفجر الثاني) fajarka labaad dhalasha diisa waaye.

Fajarka labaad muxuu inoo leeyahay, laba fajar baa jira:

Fajar waa (ooga hore) midka aan dhahno ooga hore waa iftiinka muuqan naayo oo iska cad oon balaaran neynin ee taag maya, magaalo ayaa inta badan lagu koray oo wax yaalaha lamaba arko baadiyaha markaad joogto baad arki, yacni salaadda subax intuu san waagu uu beryin iftiin baa ka soo horeyn naya mudo kahor, iftiin kaasi marka waa taag mayaa, samada buu isku taag gayaa ma balaaran naayo, iftiin kaasi markuu mudo jiro waa baaba’ayaa, markaas ayaa waxaa imaan nayaa iftiin kii waaberka ayaa imaan nayaa.

Iftiin kaa hore baa marka waxaa la yiraahdaa (fajarka been naalaha) baa la yiraahdaa (الفجر الكاذب) waaye.

Kan dambe ee salaadda subax waqti geedu markuu soo galaayo (الفجر الصادق) baa la yiraahdaa.

Wuxuu na kaga gedisan yahay, asagu wuxuu isku balaarin nayaa hawada yacni (ufuquu) isku balaarin nayaa, kadibna guduud kii baa soo raacayaa, kaas weeye marka fajarka labaad kaas weeye.

(وآخره في الاختيار إلى الأسفار)

(وآخره) Salaadda subax aakhir kiisu waxa weeye (في الاختيار) [في وقت الاختيار] waqtiga doorashada (إلى الأسفار) waa ilaa caddaashaha laga gaarayo.

Ilaa waxa weeyaan dhulku uu ka caddaan nayo.

(الأسفار) bi macnaa (idaaha) waa [caddaanka].

Ilaa uu dhulku ka caddaan naya na waa [وقت الاختيار] oo waa waqtiga fiican, waa se laga fiican yahay.

(وفي الجواز إلى طلوع الشمس)

(وفي الجواز) [وفي قت الجواز] Salaadda fajarka waqti geedu waxa weeye (وفي الجواز) [وفي قت الجواز] banaanida waqti geedu na waxa weeye (إلى طلوع الشمس) ilaa ay qoraxdu ka soo baxayso.

Ilaa intaa na wey banaan tahay oo waa la tukan karaa weeye.

Xadiis kii marka dhowaa aan sheegnay baa ku tusin oo….

Xadiis Abii Hurrayrah:

‘’Nin kii salaadda Subax hal rakcad ka gaara inteyna qoraxdu soo bixin, salaad dii Subax waa gaaray.’’

Waa halleelay xadiis kaas ayaa ku tusaaya.

(فصل)

شرائط وجوب الصلاة

:وشرائط وجوب الصلاة ثلاثة أشياء

الإسلام .1
والبلوغ .2
والعقل وهو حد التكليف .3

(:وشرائط وجوب الصلاة ثلاثة أشياء)

(وشرائط وجوب الصلاة) Salaadda waajibi taan keeda, shuruuda heedu waxa weeyaan (الصلاة ثلاثة أشياء) waa saddex shey.

Salaadu markey ruuxa ku waajib beyso, saddex shey waa in laga helaa ruuxa.

(1) (الإسلام)

(الإسلام) Islaam nimo; oo gaalka salaad kuma waajib beyso.

Maxaa laga wadaa?

Waxay ka wadaan laga dalbi maayo tuko la dhihi maayo.

Maxaa yeelay kamaba asaxayso sooma aha?

Laakiin aakharo salaadahii uu ka tagay waa loo ciqaabi bey qabaan.

(الكفار مخاطبون بفروع الشريعة)

Qaacidada halkaas ayay marin nayaan.

Salaadaha intuu ka tagay cuquubada wey u siyaadin neysaa bey leeyihiin, laakiin adduunka ilaa uu ka soo islaamo salaad dii laga dalbi maayo, li’ana kamaba asaxayso ba, tayyib marka ruuxu waa inuu Muslim yahay.

(2) (والبلوغ)

(والبلوغ) waa shardiga labaad ee waa inuu qaan gaaro.

Hadduu san qaan gaarin, ilmaha yarka ah salaadu kuma waajibin…

:قال صلى الله عليه وسلم

((رُفِعَ الْقَلَمُ عَنْ ثلاث: عن الصَّبِى حَتَّى يَبْلُغَ، وَعَنِ النَّائِمِ حَتَّى يَسْتَيْقِظَ، وَعَنِ الْمَجْنُونِ حَتَّى يُفِيقَ))

Xadiiska ahaa ee saxaabada qaar laga weriyay.

Yacni saddex qalinka waa laga kor yeelay oo waxba kuma waajibaan…

Ilmaha yarka baa kamid ah ilaa uu qaan gaaro.

(3) (والعقل وهو حد التكليف)

(والعقل وهو حد التكليف) iyo caqligii…

Waxaa kala gedisan

  • [shardu sixa] iyo
  • [shardu wajuub]

Hadda waxa aan ka hadleyno waa (وشرائط وجوب). Ilmaha yarka salaad kuma waajibto laakiin wey ka asaxi, yaa hadduu tukado wey ka saxi.

Ilmaha markay yihiin 7 jir salaadda amar soo lama dhihin? Yaa!

10 jir na? Ku garaaca.

Cibaadaadka wey ka asaxi….

  • Xajj kii wuu ka saxi, Ilaahay fadli giisa waaye
  • Cumra dii wey ka asaxi
  • Salaaddii wey ka asaxi
  • Soonka waa asaxi, khayr raad ka waa loo qori

Laakiin hadday dembi galaan! Ama ay dacayaan waajibaad kii loo qori maayo, haa saas weeye macnaha.

Marka…

(والبلوغ) gaari taan, waa inuu qaan gaaro (والعقل) iyo caqli gii…

Inuu ruuxu caqli leeyahay, waa in maan kiisii iyo garaad kiisii iyo garasha diisii joogto, hadduu maanka lumiyo uu waashay ama ma ehee… uu miir dawoolmay ama ma ehee… waaba (ahbal) waaye, waa doqon nimo iyo nacas nimo buu ku dhashay waxba ma kala garan naayo ba, sidaas daraadeed waxba laguma laha, salaad ku waajibi meyso.

(وهو حد التكليف) kaasi saddex daa shuruud ee waajibka ah (وهو) isagu (حد التكليف) kaliffida adoonka in la kalifo xad deeda waaye.

Adoonka in la yiraahdo waa kaliffan yahay oo xil baa saaran, oo waajib baa laga rabaa, oo shey gaasi hadduu sameeyo waa loo ciqaabi, (takliifta) iyo xil kaas shuruud deeda waaye, shuruud daas baa shuruud u ah, ciddii shuruud daa laga waayo markaasi (mukalaf) ma aha.

(وهو) isagu (حد التكليف) takliifta xad deeda waaye macnaha.

Shardi kale buu ka tagay oo afaraad oo salaadda shuruud deeda kamid ah oo waa in ay dumarku ayay qaas ku tahay ee waa iney dhiigii caadada iyo dhiigii nifaaska ahaa ay daahir ka yihiin. Haddey naan daahir ka ahayn ma salaad baa ku waajib beysa?

Kuma waajib beyso, saas weeye macnaha.

الصلوات المسنونة

:والصلوات المسنونات خمس

العيدان .1
والكسوفان .2
والاستسقاء .3

(والصلوات المسنونات خمس) Salaad dahii (المسنونات) ee la sunneeyay (خمس) waa shan salaad dood.

Hal kaa wuxuu kaga soo baxay marka, shuruuda salaadda saas daraadeed, mathalan ruuxa haddii uu suuxo ama la suuxiyo, dadka mathalan (operation) nada iyo qaliinka lagu sameyn nayo sow lama suuxiyo?

Ruux baa laga yaabaa inuu mathalan duhur kii ilaa casar kii ilaa cishahii uu suux sanaado ba, markuu soo miiraabo oo soo kaco salaad dahii ma lagu leeyahay? Yaa!

Maya! Ma lagu laha, maba qaleyn nahayo ba.

Sababtu maxay tahay?

Li’ana maan kii baa maqnaa ba…

Waa [manaatu takliif], takaaliiftu shareecadu meesha ay ku dhacdo waa maanka joogid diisa, maanka hadduu ruuxu lumiyo [bi macnaa] takaaliif tii wey ka kor qaad meysaa macnaha saasaa laga wadaa.

(والصلوات) Salaad dahii (المسنونات) ee la sunneeyay (خمس) waa shan.

Salaadahii sunnada buu inoo galay, salaadahii waajibka ahaa markuu ka soo hadlay, salaadaha sunnaha buu galay. Salaadaha sunnaha ah ee shanta hadda inoo sheeg gayo waa kuwa sunna nimad kooda adag yahay jamaaca na in lagu tukado ay tahay.

Salaadaha sunnada waa fara badan yihiin, siyaabo kala gedisan na waa loo qeyb biyaa:

  • Kuwo jamaaco ayaa lagu tukan
  • Kuwo gooni gooni baa loo tukan
  • Kuwo salaadaha waajibka ah ayay raacsan yihiin
  • Kuwo waqti bey leeyihiin
  • Kuwo waqti male

Marka qeybo qeybo buu ka tilmaam mayaa.

Shanta salaad dood waxa weeye:

(1) (العيدان)

(العيدان) Labadii ciid dood.

  1. Ciidul fidriga iyo
  2. Ciidul adxada

Midna ramadaan ka dambeyso, midna xajjka dhex diisa.

(2) (والكسوفان)

(والكسوفان) Labadii madow waasho.

  1. Labadii dayax madow waadka iyo
  2. Qorax madow waadka

(3) (والاستسقاء)

(والاستسقاء) iyo roob doon tii.

Shan taa salaad dood mid waliba baab gooni ah buu ku keeni doonnaa qaabka loo tukan naayo, laakiin shan taasi wuxuu yidhi waa sunnooyin adag, tabcan jamaaca na in lagu tukado ay tahay ee in leysa tukado.

:والسنن التابعة للفرائض سبع عشرة ركعة

  1. ركعتا الفجر
  2. وأربع قبل الظهر وركعتان بعده
  3. وأربع قبل العصر
  4. وركعتان بعد المغرب
  5. وثلاث بعد العشاء يوتر بواحدة منهن

(والسنن التابعة للفرائض سبع عشرة ركعة)

(والسنن) Sunnooyinka (التابعة) ee raacsan (للفرائض) waajib baadka raacsan (سبع عشرة ركعة) waa 17 rakcad dood.

Yacni wuxuu ka wadaa sunnooyinka raatibada ah ee ama salaadaha waajibka ah ka horeeya ama ka dambeeya, haa kuwaas ayaa la yiraahdaa

  • [التوابع] ama
  • [الرواتب] baa la dhahaa.

Waa 17 rakcad dood:

(ركعتا الفجر)

(ركعتا الفجر) Salaadda subax rakcada ka horeysa, waa laba rakcad dood.

(وأربع قبل الظهر وركعتان بعده)

(وأربع) iyo afar rakcad dood oo (قبل الظهر) duhurka ka horeeya (وركعتان) iyo laba rakcad dood, oo (بعده) duhurka ka dambeeya.

Duhur ka dambeeya sow kuma dhihin?

Afar na waad ka dhigi kartaa duhur gadaashiisa.

Xadiiska Nabiga waa kii ahaa:

‘’Afar duhurka ka horeysa iyo afar ka dambeysa. Ruuxii ilaaliyo oo xifdiya jannada ayuu galaa.’’

Iyadana waa banaan tahay.

(وأربع قبل العصر)

(وأربع) iyo afar rakcad dood oo (قبل العصر) casarka ka horeeya.

Iyadana waxaa tilmaam maya xadiis kii Ibnu Cumar (rc) oo Nabiga yiri:

‘’Allah ha u naxariisto ruuxii salaadda casar ka hor afar tukaday,’’

Iyadana waa sugan yahay.

[Cala saxiix] salaada casar kadibna waa la tukan karaa, mad-habka kama hadlaayo, laakiin iyadana waa la tukan karaa oo laba rakcad dood waad tukan kartaa. Nabigaﷺ waa tukan jiray.

(وأربع) iyo afar rakcad dood oo (قبل العصر) casarka ka horeeya.

(وركعتان بعد المغرب)

(وركعتان) iyo laba rakcad dood (بعد المغرب) maghribka gadaashiisa ah.

Maghribka gadaashiisa laba rakcadood waaye, iyagana waa (mu’akad), kahor tii inaad laba rakcadood tukato na waa banaan tahay (qof kii doono).

(وثلاث بعد العشاء يوتر بواحدة منهن)

(وثلاث) iyo saddex (بعد العشاء) cishaha gadaashiisa ah (يوتر) saddex daa rakcadood uu ku witri naayo (بواحدة) mid oo (منهن) saddexda kamid ah.

Saddexda mid kamid ah waa witir kii oo waa rakcadii tirada is dheer ka dhigaysay salaadda habeenka. Tayyib tira is dheer ee witirka ka dhigaysay waaye.

Intaasi wuxuu inooga dhigay, waa salaadaha rawaatibta ah laakiin (mulaaxada) jirta baa waxay tahay, halkaan rakcad ee uu cishaha raaciyay raatiba ma aha, sooma aha?

Maxay tahay?

Waa witirka.

Witir kuna sida qaalibka ah wuxuu raacsan yahay salaatu leyl ku buu raacsan yahay, haa ileyn waxa weeyaan waa cishaha iyo laba diisa rakcadood ee raacsan waa salaaddii faradka iyo raatiba deedii waaye waa is raacsan yihiin iyagu, markaa labadaa tukato kadib ayaa hal rakcado oo witir aad tukan kartaa ama saddex witir ah ama shan ama todoba, adiga ama dib ka dhigo ama waqtigaa ka dhiga waa salaatu leyl iyo witir keedii marka, dib buu na ka keeni doonnaa salaatu leylka oo markaa tilmaami doonnaa.

Hal rakcad iney tahay xadiiska Muslim baa ku tusaayo…

‘’ لقول النبي صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: (الْوِتْرُ رَكْعَةٌ مِنْ آخِرِ اللَّيْلِ) رواه مسلم ‘’

Witirku waa hal rakcad ah, isaga ayaa u yar, hal rakcad baa u yar, 3, 5, 7, 9, 11.

:وثلاث نوافل مؤكدات

(وثلاث نوافل) Saddex sunno [saddex salaaddood oo sunnooyin ah iyagana] (مؤكدات) waa kuwa la adkeeyay.

Saddex salaaddood oo sunno oo iyagana ad adag baa jira oo sunno nimad koodu adag yahay.

صلاة الليل .1
وصلاة الضحى .2
والتراويح .3

(1) (صلاة الليل)

(صلاة الليل) Salaadda habeen kii la tukado waaye mida koowaad.

Waa salaadaha sunnaha aha, salaadda ugu fadliga badan waaye, sida Nabigaﷺ sheegay marka faradka laga tago salaad la tukado oo sunno ah waxaa ugu fadli badan (صلاة الليل) saas weeye macnaha, waxaana la yiraahdaa markaad cishaha tukado labadiisa rakcadood ee raacsan wixii ka dambeeya ilaa waagu ka baryo ee salaadda subax waqti geeda laga gaarayo inta u dhaxaysa salaadda aad tukado ayaa (صلاة الليل) la dhahaa.

Witir kana maxaa la dhahaa…?

Witirku waa salaadda tirada is dheer ku dhamaan neysa, hadday hal rakcad tahay waa hal rakcad oo witir ah, hadday saddex wada socoto tahay saddexdu ba waa wada witir, hadday shan tahay, shantu ba waa wada witir, li’ana wey wada socdaan sooma aha?

Hal rakcad beyna ku wada dhamaan nayaan oo tira is dheer ah, witir kuna kaas waaye, salaatu leyl kaas buu kamid yahay ama witir kaas buu noqon karaa.

(2) (وصلاة الضحى)

(وصلاة الضحى) Tan labaad na waa salaadda barqinka la tukado.

Iyaduna waa middii Nabigaﷺ Abuu Hurrayrah u dardaarmay, xadiiska Bukhaari iyo Muslim, haa 2 rakca dood oo barqin kii ah haka tegin buu ku yiri saas buu u dardaarmay.

Nabigunaﷺ maalin kii uu Makkah furtay buu tukaday oo 8 rakca dood buu tukaday, Ummu Haani binu Abii Taalib sida ay werin neyso xadiiska Bukhaari iyo Muslim sidoo kale, marka sidaas weeye.

  • (فاختة بنت أبي طالب (أم هاني))

Salaadda duxada waxaa iyadana la tukadaa qoraxda markay soo baxdo oo wax yar soo kacdo, taqriiban soo bixi taan keeda shuruuqa marka 10 daqiiqo ama 15 daqiiqo laga joogo meelahaas oo soo kacdo laga bilaabo ilaa zawaal ka laga gaarayo ayaa la tukan nayaa. Tira deedu marka waa, 2 rakca dood baa u yar, 8 na waa u badan tahay.

Kutubta Shaaficiyada iyo Minhaajka iyo Rowdaha iyo Imaamu Nawawi 12 baa u badan buu yiri, laakiin badan kooda waxay leeyihiin 8 baa u badan. 12ka xadiis teedu waa daciif, laakiin 8da ayaa xadiiska Ummu Haani loo daliishadaa, waa (صلاة الضحى) waxayse u fadli badan tahay waqtiga ay qoraxdu kululaato oo dhulka iyo carada kululeeyso oo noolaha lugta jilicsan oo dhan ay caga gubyoodaan sooma aha? Haa.

Waa kii xadiiska Nabigaﷺ ahaa…

:وعن زيد بن أرقم رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال
 صلاة الأوابين حين ترمض الفصال ) رواه الترمذي)

Yacni nirgaha yar yarka ah markay caga gubyoodaan oo dhulku kululaado, xiligaa weeye xiliga salaadda dadka Ilaahay u noqda salaad dooda waa xiligaa, xiligaas bey u fadli badan tahay.

(3) (والتراويح)

(والتراويح) Salaadda xigta waa salaadda taraawiixda.

Haa (صلاة التراويح) iyadana waa salaatu leyl kii oo Ramadaanka leysa tukan naayay weeye, xiliga ramadaanka la gaaro salaaddii salaatu leyl ka ahayd oo si wada jir oo jamaaca loo wada tukan naayo ayaa (صلاة التراويح) la yiraahdaa.

(صلاة التراويح) waxaa loogu bixiyay markii 4 rakcadood la tukada ba waa la nassan (istiraax) baa la qaadan naaya, meeshaas ayaa laga soo qaatay xoogaa waa loo yara nassan kadibna afarta kale ayaa loo istaagayaa, iyadana xadiista Nabigaﷺ baa ku tuseysa weynu naqaan naa iyada waan tukan naa ba.

Shaaficiyadu salaadda taraawiixda waa 20 rakca dood iyo 3 witir ah, saas ayay qabaan waxayna u daliishan nayaan Cumar Ibnu al-Khattaab (rc) markuu dib u soo nooleeyay salaadda taraawiixda waxay leeyihiin 23 rakca dood buu amray, 3 witir ah iyo 20 salaatu taraawiix.

Athar kaasi Cumar maka sugan yahay dood baa ka jirta!

  • Qaar waxay leeyihiin athar kale ayaa jiro oo 11 rakcadood baa sugan, kan 20 kuna waa daciif.
  • Qolana kan ayay sugayaan oo waxay leeyihiin Cumar kan ayaa ka sugan.

Xadiis marfuuc ah maleh oo, xadiis marfuuc ayaa ku soo arooray laakiin waa daciif ma sugna, mar athar kaa Cumar haddii wax loo helo la xoojiyo mooyee, 20ka rakcadood (min xaysu daliil), wey iska banaan tahay haddaad doonto 20ka, sideeda salaada taraawiixda (cala saxiix) waqti maleh, waqti go’an maleh, waxaa u jeedaa waqti maleh waxaan ka wadaa tiro go’an maleh oo saxiix, sida fadliga badan waa 11ka rakcadood ama 13 laakiin kuma xirna (bil ijmaac) tiro male, haddaad doonto meeshaad doonto gaarsii.

Marka waxa leysku haysto waxa weeye, war tiro go’an oon (nas) lahayn mala laazimi karaa? Tiro go’an 20 un oon nas lahayn ma lagu (taqayudi) karaa ileyn taasi waxay u baahan tahay daliil, waxay u baahan tahay (taqsiis) sooma aha? Waa un taa doodu, laakiin in la badin karo oo la wadi karo taa iyadu dhib maleh, saas daraadeed fuqahadu madaahibta midba meel ku dhufta.

  • Mid yiraahdo 30 iyo dhowr
  • Mid yiraahdo 40 iyo dhowr
  • Imaam Shaafici oo yiri 20

Laa baas! Howlahaasi leys kuma dhibo, wax dhibaata ah maleh.

شرائط الصلاة

:وشرائط الصلاة قبل الدخول فيها خمسة أشياء

طهارة الأعضاء من الحدث والنجس .1
وستر العورة بلباس طاهر .2
والوقوف على مكان طاهر .3
والعلم بدخول الوقت .4
واستقبال القبلة .5

(وشرائط الصلاة) Salaadu shuruuda heedu (قبل الدخول) intaan la galin (فيها) salaadda dhex deeda (خمسة أشياء) waa shan shey.

Shan shey baa shardi ah salaadda intaadan gelin in aad soo diyaariyo, maxay tahay?

(طهارة الأعضاء من الحدث والنجس) (1)

(طهارة الأعضاء) Xubnuhu iney daahir ka yihiin (من الحدث) xadaska iney daahir ka yihiin. Xubnaha jirku waa iney daahir ka yihiin xadaskii, waa xadas kee?

(minal xadasil askhari wal akbar)

Haa labadaba waa iney daahir ka yihiin xubnuhu, kow!

Waase goormaa?

Waa markaad kari karto, haddaad ba waxaad ku dahaara qaadato weeydo maxaad sameyn nee? [faaqidu dahuureyn] baa la dhahaa…

  • Caro na ma haysid
  • Biyo na ma haysid
  • Waqti giina waa soo galay

Maxaad sameynee? Yaa! Waad tukan [faaqidu dahuureyn] intaasaa tawar taada ah.

(فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ)

(16 سورة التغبن)

Marka ha laga dood talow ma soo celin doonaa mise ma soo celin doono, dood dambe weeye, ha inoo dambeyso laakiin bal tuko horta.

(والنجس) haa xaga hore ayay ku xiran tahay.

(طهارة الأعضاء) Xubnuhu iney daahir ka yihiin (من الحدث) xadaska waa iney daahir ka yihiin (والنجس) nijaasada na waa iney daahir ka yihiin.

Nisaaj na waa iney daahir ka yihiin Allahuma intii yarta ahayd ee la cafiyay mooyee.

Nijaasada maxaa la cafiyay (fil mad-hab)?

  • Dhiig yar iyo
  • Malax yar iyo
  • Dhacaan yar iyo

Soo ma aragtid intaa yar ee la cafiyay mooyee intii kale waa in jirku daahir ka yahay iyo xubnuhu.

(2) (وستر العورة بلباس طاهر)

(وستر العورة) weeye shardiga labaad, cawrada in la asturo (بلباس) dhar lagu asturo (طاهر) oo daahir ah.

Intii cawrada ahayd waa inaad qariso, dharka aad ku qarin neyso na waa inuu yahay dhar daahir ah saas weeye macnaha.

Cawrada raggu shaaficiyada aktooda iyo in badan oo madaahibta kamid ah oo ku raacsan waxay leeyihiin cawrada raggu waa (lowga) iyo xudunta inta u dhaxaysa.

Cawrada dumar kuna waa jirka oo dhan marka laga reebo wejiga iyo kaffeynka.

Intaa marka waa in maro daahir ah lagu asturo, haddii aad asturi weydo bi macnaa salaad daada ma asaxayso waaye.

(3) (والوقوف على مكان طاهر)

(والوقوف) Waaye shardiga saddexaad, in aad istaagto, ruuxu istaago (على مكان) meel inuu istaago (طاهر) oo daahir ah.

Meesha aad ku tukan neysa na waa iney daahir tahay.

Haddii jir kaaga qaar kamid ah ama marada aad ku tukan neyso qaar kamid ah ay nijaasadii taaban neyso ee dhulka taalay, markaasi salaadu ma asaxayso, marka meesha aad ku tukan neysa na waa iney meel daahir ah tahay.

(والوقوف) Istaagid (على مكان) meel la istaago (طاهر) oo daahir ah.

(4) (والعلم بدخول الوقت)

(والعلم) weeye shardiga kale, ogaansho (بدخول الوقت) waqtigii inuu galay waa inaad ogaataa.

Markaad salaadda tukan neyso waa inaad og tahay salaadda waqti geedu inuu soo galay, adiga oo iska malmaleyn naya,

  • tolow ma soo galay,
  • ma wax baa la laaban,
  • waqtigii mala gaaray,
  • lama gaarin

Adiga oo shakisan oon ogaanin haddaad gasho salaadda ma asaxayso, li’ana shardi baa maqan waa inaad og tahay in waqtigii soo galay si aad ku ogaato ba.

(والعلم) ogaansho (بدخول الوقت) waqtiga gelitaan kiisa waa inuu ruuxu ogaado.

(5) (واستقبال القبلة)

(واستقبال القبلة) Qiblada u jeedsi geeda.

Inuu ruuxu qiblada u jeedsado oo qiblada qaabilo, intaasi waa shardi, oo haddaad qiblada dhinac kale uga jeedsato salaad daada ma ansaxayso.

Shardi waxaa laga wadaa bi macnaa waa sheey lagama maarmaan ah laakiin salaadda guda heeda aan ku jirin, intaan salaadda la gaarin bey tahay inaad soo diyaar sato oo aad soo diyaar garoowdo, shardi baa la yiraahdaa lagama na maarmo oo haddii la waayo cibaadadii maba asaxayso ba.

Waxaa ka gedisan (rukniga) arkaan buu inoo keeni doonaa rukni maxaa la yiraahdaa, asaguna cibaadada kama maaranto la’aantii wey jabi, laakiin isagu cibaadada ayuu ku dhex jiraa sooma aha?

  • Faataxada akhrin teedu waa rukni
  • Rukuucda waa rukni
  • Sujuudu waa rukni

Laakiin inaad soo weyso qaatado, markaad istaageyso qiblada qaabisho maxay tahay iyadu? Waa shardi li’ana waa ka baxsan yahay, labaduba waxay ka mideysan yihiin lagama maarmo, cibaada duna la’aan tooda ma asaxayso. [rukniga iyo shardigu waa ka mideysan yihiin].

:ويجوز ترك القبلة في حالتين

  1. في شدة الخوف
  2. وفي النافلة في السفر على الراحلة

(ويجوز ترك القبلة في حالتين) Waxaa banaan (في حالتين) laba xaalad dood…

Soo shardi kama dhigin qiblada in aad u jeesato laba xaalad dood qiblada u jeedsi geeda waad isaga tegi kartaa oo dhanka aad doonto ayaad u jeedsan kartaa, waa labaadee xaalad dood…?

(في شدة الخوف) Cabsida daran dhex deeda, markey cabsi daran jirto.

Mathalan:

Dagaal baad ku jirtaa ama baqdin kale ayaa ku hayso, qiblada haddaad u jeedsato oo xaggaa iska fiiriso ood qiblada xaggeeda u jeedsato waxaad ka yaabeysaan in lagu dilo. Markaa adiga dhanka aad doonto u jeedo baad tukan neey, dhan kii duruuftu kugu qasabto ayaad markaa u tukan neysaa.

(فَإِنْ خِفْتُمْ فَرِجَالاً أَوْ رُكْبَانًا)

‘’Haddaad baqdaan, idinka oo gaadiid saaran iyo idinka oo lugeyn naya ba tukada.’’

Cabdullaahi ibnu Cumar (rc) wuxuu ku fasiray, wuxuu yiri:

(ركبانا مستقبلي القبلة أو غير مستقبليها)

‘’Ama idinka oo qiblada u jeeda, ama idinka oo ka sii jeeda.’’

Mararka qaarkood baa dagaal ku qabsan naayoo, dagaal kii bey salaadu ku soo galeysaa, adiga oo xabada ridaaya oo madaafiicda tuuraya oo diyaarada eryaaya oo muxuu ahaay dabaabada iyo hawsha kala tuurahaya haddana salaada iska tuko, kolba seey kuu qabto waaye, oo hadba seey kuu qabata baa loo tukadaa sooma aha?

Markaa marka qiblada waa laga jeedsan karaa waa ruqso.

(2) (وفي النافلة في السفر على الراحلة)

(وفي النافلة) Salaadda sunnada ah dhex deeda (في السفر) safarka dhexdiisa ahaatay (على الراحلة) gaadiidka kor kiisana lagu tukan nayo iyadana qiblada waa laga jeedsan karaa.

  • Yacni salaadda waa sunno kow!
  • Safar na waa tahay socoto baa tahay,
  • Gaadiid na waad saaran tahay.

Intaa haddii la helana adiga oo gaadiid kaaga kor saaran ama hashaada kor saaran, oo gaari gaaga saaran, oo diyaarada daada saaran ayaad isaga tukan dhan kaad u jeedo saas weeye macnaha. Li’ana waxa weeyaan Nabigaﷺ ayaa sidaas yeeli jiray dhanka ay ula jeedsata ba waa tukan jiray.

Tayyib gaadiid ba ma saaran nihi oo waan socdaa laakiin safar baan ahay (على الراحلة) buu yiri, haddaan lugeyn nayo ka waran, aniga oo lugeyn naya ma tukan karaa…?

Haddii ba hasha kor keeda waad ku tukan kartaa lagu yiri, lug oo dhul kiiba joogto baa ka sii xag jirsan bey leeyihiin, marka adoo lugeyn nahay waad iska tukan kartaa salaadda, salaad daada waad iska wadan kartaa adiga oo socoto oo lug ah, sidaas ayay leeyihiin.

Hadda waxaa lamid ah (xaalaatul ikhtiyaar) buu ka hadlaayaa () salaadda waajibka ah laf teeda mar bey dantu kalifi in aad qibladii u jeedsan kari weyday sooma aha? Markaas oo kale waa (macfi) waa lagaa cafin nayaa, waa goormaa?

Mathalan:

Gaadiid baad saaran tahay laguma na istaajin naayo sooma aha?

  • Bus baad saaran tahay,
  • Diyaarada baad saaran tahay,
  • Adigu ma istaajin kartid,
  • Salaaddii baa soo gashay,
  • Qiblo uma jeedsan kartid.

Maxaad sameynee…?

Dhan Alle dhanka ay kula jeedo u tuko, salaadda waqtigeeda ha dhaafin.

Haadaa wa billaahi Towfiiq.

Fadlan la soco qaybta xiga oo ah Kitaabka Salaadda…

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com

Advertisements