Tafsiirka 
Quraanka Kariimka

Suurada al-Baqarah
{ سورة البقرة }

Qeybta | 5aad

Qoraal Af-Soomaali

Waxaa fasiray:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul
[Ilaahay ha xafido]

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Abuu.Kalthuma@gmail.com

Date: Tuesday 13, June 2017 – Hijri: الثلاثاء 18 رمضان, 1438

Decorative Lines

bism Allah

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

bismillah

Surat al-Baqarah
Qeybta | 5aad

Suurada al-Baqarah {سورة البقرة‎} waxay sidataa macaga (Lo’da) waana suurada labaad ee ugu dheer quraanka kariimka. Waa suurad (Madani) ah, aayaadkeeduna inta badan ilaa iyo 281 waa madani kuwaasoo soo degay xiligii (Xajatul-Wadaac). Waxaa loo tix geliyaa inay tahay suurada ugu horeysay ee soo degata bilowgii hijradii Madiina oo laga soo hijrooday Makka.

NO: 60 – الآية ٦٠

وَإِذِ اسْتَسْقَى مُوسَى لِقَوْمِهِ فَقُلْنَا اضْرِب بِّعَصَاكَ الْحَجَرَ فَانفَجَرَتْ مِنْهُ اثْنَتَا عَشْرَةَ عَيْنًا قَدْ عَلِمَ كُلُّ أُنَاسٍ مَّشْرَبَهُمْ كُلُواْ وَاشْرَبُواْ مِن رِّزْقِ اللَّهِ وَلاَ تَعْثَوْا فِي الأَرْضِ مُفْسِدِينَ

Dersigeena wuxuu ka bilaabanaayaa aayada 60aad ilaa iyo aayada 77aad ee suurada al-Baqarah.

Surat al-Baqarah – { سورة البقرة }

Waxa uu dersi geena ka bilaaban naayaa aayada 60aad ee suuradda al-Baqarah, waxaana ku soo dhex jirnay qisadii reer banii israa’iil Allah (سبحانه وتعالى) uu ku xusuusin nayay ama aayaadka uu ku xusuusin nayay nicmooyinka fara badan ee uu u galay iyo mowqifka ay ka istaageen sida ay ula dhaqmeen nicmooyin kii Alle u galay (سبحانه وتعالى) taas ayaan ku soo dhex jirnay. Iyagii baa marka la wadaa waa tii inoo dambeysay aayaad kii Alle uu kaga waramayay…

  • Macangag nimadooda iyo
  • Madax adeeg gooda iyo
  • Sida war walba amarka Alle ay u dawa marteeyaan

{وَإِذِ اسْتَسْقَى مُوسَى لِقَوْمِهِ}

Waa qeyb nicmooyin kii kamid ah.

{وَإِذِ} waxaad xustaan waqti xusuusta {اسْتَسْقَى} uu warow dalbay {مُوسَى} Nabiyyu Allaahi Muusaa uu warow dalbay {لِقَوْمِهِ} dad kiisii iyo tol kiisii u warow dalbay {فَقُلْنَا} markaa waxaanu niri {اضْرِب} dhufo Muusoow {بِّعَصَاكَ} ushaada waxaad ku dhufataa {الْحَجَرَ} dhagaxa ku dhufo [markaasuu dhuftay Nabiyyu Allaahi Muusaa, ushii buu dhagaxii ku dhuftay] {فَانفَجَرَتْ مِنْهُ} waxaa burqatay [dhagaxa xagiisa waxaa ka burqaday] {اثْنَتَا عَشْرَةَ} laba iyo tobon {عَيْنًا} oo ilood [laba iyo tobon ilood oo biyo ah ayaa dhagaxii ka burqatay] {قَدْ عَلِمَ} wey ogaadeen {كُلُّ أُنَاسٍ} dad kasta [yacni laf walba oo reer banii israa’iil kamid ah, jilib walba oo jilaba hoodii kamid ihi wuxuu ogaaday oo bartay] {مَّشْرَبَهُمْ} meeshey ka cabi lahaayeen [meeshey kaga aroori lahaayeen, ishii u goonida ahaa ayay qolo waliba gooni geeda u baratay] {} markaasaa waxaan ku niri {كُلُواْ} cuna {وَاشْرَبُواْ} oo caba [waxaad cuntaan mannigii iyo salwigii]…

Wey oomeen, oon kaas Ilaahay (سبحانه وتعالى) wuxuu ugu nimceeyay xaalada iyada ah in uu u burqiyo ila biyo ah, Nabiyyu Allaahi Muusaa ayaa waxaa lagu hanuuniyay inuu Ilaahay (سبحانه وتعالى) uu amray in uu dhagax ku dhufto ushiisa, waa ushii barakeys neyd weeye mucjisadii weeye. Ushii markuu ku dhuftay waxaa ka burqaday laba iyo toban ilood, laba iyo toban kaa ilood waxay ku saleysan yihiin inta jilib reer banii israa’iil ay u kala baxaan, laba iyo toban jilib ayay u qeybsan yihiin.

Maxaa yeelay waxay ku kala talisan yihiin baa la leeyahay Nabiyyu Allaahi Yacquub (عليه السلام) oo Israa’iil magaciisa weeyaan aan soo marnay ayaa waxa uu dhalay laba iyo tobon wiil. Laba iyo toban kaa wiil ayaa mid walba markaa waxii ka faracmay iyo dad kii isaga ka dhashay ayaa marka qabiil gooni ah noqday. Laba iyo toban kaa qoys ama laba iyo toban kaa jilib oo reer banii israa’iil ay ka kooban yihiin ayaa in walba il gooni ah loogu tala galay markaa, si aysan isugu ciriirinin ama isugu qabsanin ama isugu leynin, sidaas buu Ilaahay (سبحانه وتعالى) ugu nimceeyay.

Qolo walba markaa ishii si gooni ah loo baray, waxaa la yidhi ishaan idinka ayay idin gooni tahay, yacni waxa weeye kaalin taa iyada ah kaga soo aroora, yacni kaalin taas ayaad kaga soo rooreysaan ishaas ayaad gooni u leedahiin wax is qabsi iyo ciriiri marka ma uusan jiro, sidaa markuu Alle (سبحانه وتعالى) ugu burqiyay na waxaa la yidhi cunta daas bilaashka ah ee ciddina idinka qabsanin xagga Ilaahay na ka timid cuna mannigii iyo salwigii ah, biyahaa durdurka ahna iyagana caba ee iyadana aydaan jabinin iyana Allah idinka qabsanin, laakiin hal shey baa la idinka doon nayaa!

Sheyga la idinka doon naya wuxuu yahay ineydaan nicmada Ilaahay markaad ku barwaaq qowdaan oo wanaag ku heshaan ineydaan fasaad u isticmaalin oo aydaan shirki iyo xumaan iyo diinta Ilaahay, ambiyada oo lala dagaalamo taa iyada ahna in aad iska ilaalisaan, middaas buu Rabbi (سبحانه وتعالى) markaa ka reebay.

Qisada iyada oo faahfaah san waxay inoogu imaan doontaa iyada oo aad isugu ek yihiin (al-Acraaf) ayay inagu imaan doontaa. Sidaa daraadeed Ibnu Kathiir waxa uu leeyahay aad bey isugu ek yihiin qisada markaa suuradda al-Acraaf lagu sheegay iyo markii lagu sheegaya suuradda al-Baqarah.

Laakiin wuxuu leeyahay suuradda al-Acraaf waa suurad (Makkiyah) waan u tegi doonnaa quraanka (makkiga ah bey ku jirtaa) Makka ayay ku soo degtay intuusan Nabigaﷺ soo hijroonin. Suuradda al-Baqarah na waxaan soo sheegnay iney tahay suurad (Madaniyah), sidaa daraadeed Makka intuu Nabigaﷺ joogay Yahuud ma ay wada joogin. Yahuud Madiina un baa loogu yimid waa ay ka maqnaayeen Makka.

Suuradda al-Acraaf markay ka hadleyso oo ay ka warramayo sidii wax maqan oo laga warramayo (وثيقة الغيب) oo kale ayay uga warantaa, ma u jeedaa (damaa’irta) ay isticmaaleyso yacni wax ka maqan oo kale ayay kaga waramee. Laakiin suuradda al-Baqarah maadaama ayagii lala joogo, hadalka (qidhaab) iyagii baa lagula hadlaayaa.

[…] saasaa la leeyahay […] Iyaga ayaa waxa weeyaan (qidhaab ka) loo jeedin nayaa, maxaa yeelay Madiina ayaa markaa lala joogaa, yacni suuradda al-Baqarah markay soo dageysay. Taa waa ku kala gedisan yihiin, sidaas daraadeed iney qisadaas macnaha suuradda al-Acraaf soo degitaan keeda iney horeysay waxaa ku tusaaya oo ay ku kala gedisan yihiin labada qiso ilaa [] waji baa la sheegaa waxaa ka mid:

Markii biyaha soo burqasha dooda lagu sheegayay suuradda al-Acraaf Ilaahay (سبحانه وتعالى) wuxuu yidhi:

‘‘فَانبَجَسَتْ مِنْهُ اثْنَتَا عَشْرَةَ عَيْنًا ‘’

[الانبجاس] iyo [الانفجار] waxaa u dhexeeya:

  • [الانبجاس] ka waxaa la yidhaahdaa marka ugu horeeya ee biyahu suu boodaan
  • [الانفجار] kana waxaa la yidhaahdaa markay intey isha weynaato oo ay si fiican ay biyahu ugu soo baxaayaan.

Sidaas daraadeed maadaama ay al-Acraaf horeysay waxay xustay burqashadii ugu horeeyay ee biyahu soo boodeen, tanna ishii oo balaaratay oo il qulquleyso ayay cabirtay, maxaa yeelay sidaas ayay tartiibka u kala dambeeyaan.

Aayada | 60aad

Xusa waqti uu warow u dalbay, Nabiyyu Allaahi Muusaa uu warow dalbay, qoom kiisa u warow dalbay [oo Ilaahay inuu waraabiya oo macnaha biyo siiyo uu Ilaahay u weydiiyay (سبحانه وتعالى)], waxaanu niri, dhufo, ushaada waxaad ku dhufataa, dhagaxii [ama dhagaxaad aragto],

(الْحَجَرَ) ma waxa weeyaan hal dhagax oo gooni ahaa uu Nabiyyu Allaahi Muusaa uu watay ama reer banii israa’iil ay wateen yaa laga wada? Oo dhagaxaa un bey biyagu ka imaan nayeen oo markii lagu dhufto uu macnaha il uga soo burqaneysi.

Taasi waa macno mufasiriinta qeyb kamid ah ayaa qabo. Marka waxay noqoneysaa waa mida (Cahdiyada) la yidhaahdo, yacni dhagaxii aan isla garan neynay, mise waxaa laga wadaa (الْحَجَرَ) waa dhagax alle dhagaxii aad aragto ee kaa hor imaada ku dhufo markaas ayay biyo uga soo burqan nayaan.

Macnahaa dambe na mufasiriinta qeyb kamid ah baa qabo, waana macnaha ay (rajaxayaan muxaqiqiinta qaarkood) sida:

  • Showkaani,
  • Ibnu Kathiir iyo Khayr kood

Waxay leeyihiin marka xagga mucjisada marka la fiiriyo, mucjiso ahaanta waxaa ku weyn markii uu biyahu dhagaxa walba usha lagu dhufo ay ka soo boodayaan, waxay ka weyn tahay markii dhagaxa keliya la wato ay ka soo boodeeyso waxaa ka weyn oo macnaha waxa weeyaan ka cajiibsan markii dhagax walba ushaa lagu dhufto ay biyaha ka soo boodayaan. Sidaa daraadeed (athar jinsiya) in laga dhigo dhagax alla dhagaxii kaa hor yimaadaba la yiraahdo, saas ayuu macnaha oranaaya.

{فَقُلْنَا} markaa waxaanu niri {اضْرِب} dhufo {بِّعَصَاكَ} ushaada {الْحَجَرَ} dhagaxa ku dhufo dhagax alle dhagaxa aad aragto ku dhufo {فَانفَجَرَتْ مِنْهُ} hal kaas {} baa ku jira [] wuu dhuftay Nabiyullaahi Muusaa ushii buu dhagaxii ku dhuftay {فَانفَجَرَتْ مِنْهُ} waxaa burqatay {مِنْهُ} dhagaxa xaggiisa waxaa ka soo burqatay {اثْنَتَا عَشْرَةَ} laba iyo tobon {عَيْنًا} oo ilood [laba iyo tobon ilood ayaa markaa ka soo burqatay] {قَدْ عَلِمَ} wey ogaadeen {كُلُّ أُنَاسٍ} dad walba [yacni oo reer banii israa’iil kamid ah.

[] waxaa la yiraahdaa oo laga wadaa hadda (jilib walba) ama qoys walba oo qoysas kii reer banii israa’iil ee 12kaa kamid ah.

Qolo walba waxay ogaadeen oo gaar u barteen {مَّشْرَبَهُمْ} meesha ay ka cabi lahaayeen.

{المَّشْرَبَ} waa [ismu makaan] weeye yacni meeshii ay biyaha ka cabi lahaayeen, kaalin tii ay kaga aroori lahaayeen, dar kii ay ka cabi lahaayeen, ishii u goonida ahayd ayaa qolo walba gooni u baratay.

Markaasaa waxaan ku niri {كُلُواْ} cuna {وَاشْرَبُواْ} oo caba {مِن رِّزْقِ اللَّهِ} risqigaa Ilaahay idin siiyay [wixii cabitaan na ka caba wixii cunitaan ah na ka cuna {وَلاَ تَعْثَوْا} ha fasahaadinina {فِي الأَرْضِ} dhulka ha fasahaadinina {مُفْسِدِينَ} xaal aad tihiin kuwa fasahaadin naaya.

NO: 61 – الآية ٦١

وَإِذْ قُلْتُمْ يَا مُوسَى لَن نَّصْبِرَ عَلَىَ طَعَامٍ وَاحِدٍ فَادْعُ لَنَا رَبَّكَ يُخْرِجْ لَنَا مِمَّا تُنبِتُ الأَرْضُ مِن بَقْلِهَا وَقِثَّائِهَا وَفُومِهَا وَعَدَسِهَا وَبَصَلِهَا قَالَ أَتَسْتَبْدِلُونَ الَّذِي هُوَ أَدْنَى بِالَّذِي هُوَ خَيْرٌ اهْبِطُواْ مِصْراً فَإِنَّ لَكُم مَّا سَأَلْتُمْ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ وَالْمَسْكَنَةُ وَبَاؤُواْ بِغَضَبٍ مِّنَ اللَّهِ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُواْ يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَيَقْتُلُونَ النَّبِيِّينَ بِغَيْرِ الْحَقِّ ذَلِكَ بِمَا عَصَواْ وَّكَانُواْ يَعْتَدُونَ

{وَإِذْ} Xusa, bal waxaad xusuusataan reer banii Israa’iilow {وَإِذْ} waqti {قُلْتُمْ} aad tiraahdeen {يَا مُوسَى} Muusow! {لَن نَّصْبِرَ} dulqaadan meyno {عَلَىَ طَعَامٍ} cunto dusheed iyo quud dushii {وَاحِدٍ} oo mid ah…

Hal cuntaa uma dulqaadan karno!

Maxaa rabtaan marka?

{فَادْعُ} bari {لَنَا} anaga noo bari {رَبَّكَ} rabbigaa noo bari {يُخْرِجْ} saaree {لَنَا} anaga hannoo soo saaro {مِمَّا تُنبِتُ الأَرْضُ} waxay dhulku soo saarto qaarkii ama [ma’kuulan] wax la cuno hannoo soo saaro, oo shey kamid ah {مِن بَقْلِهَا} oo dhulka ay soo saarto, {بَقْلِهَا} yacni waxa weeyaan [nabaad keeda ah], {وَقِثَّائِهَا} iyo [qitha heeda ah, dhulka qitha hiisa], {وَفُومِهَا} iyo tuun teeda, {وَعَدَسِهَا} iyo [cadas keeda], {وَبَصَلِهَا} iyo basasheeda.

{قَالَ} Markaas ayaa waxa uu yiri Nabi Muuse

{أَتَسْتَبْدِلُونَ} miyaad bedel qaadan neysaan {الَّذِي} midka {هُوَ} isaguba {أَدْنَى} hoosseynta badan {بِالَّذِي} kii miyaad ka bedel qaadan neysaan {هُوَ} isaguba {خَيْرٌ} khayrka badan.

Ma mid hoosseyn badan baad qaadan neysaan ood ku doorsan neysaan    midkii khayrka badnaa?

{اهْبِطُواْ} hoobta baa la yiri oo dega {مِصْراً} magaalo un dega [waxaad degtaan beled un dega], {فَإِنَّ لَكُم} waxaa idin sugnaaday {مَّا سَأَلْتُ} waxaad weydiisateen, [waxaad codsateen waad leedahiin].

{وَضُرِبَتْ} waa la yeelay, waa la laazimayay oo waa la shaabadeeyay, waa la dhejiyay. {عَلَيْهِمُ} dushooda {الذِّلَّةُ} dulli nimo ayaa lagu dhejiyay, [haa dar xumo iyo dulli], {وَالْمَسْكَنَةُ} miskiin nimo iyo cayr nimo [faqri], {وَبَاؤُواْ} wey laabteen {وَبَاؤُواْ} caro ayay la laabteen oo {مِّنَ اللَّهِ} xagga Alle ka ahaatay.

{ذَلِكَ} kaasina [caradaa ay la laabteen sabab teed waxa weeye] {بِأَنَّهُمْ} ayagu {كَانُواْ} iney ahaayeen {يَكْفُرُون} kuwa gaallooba {بِآيَاتِ اللَّهِ} Ilaahay aayaad kiisa kuwa ku gaalloobay, {وَيَقْتُلُونَ} oo laaya {النَّبِيِّينَ} nabiyada na laaya {بِغَيْرِ الْحَقِّ} gardaro ku laaya [xaqdaro ku laaya].

{ذَلِكَ } kaasi [sabab tiisu waxa weeye haddana], {بِمَا عَصَواْ} caasiyad dooda daraadeed, [waxay caasiyeen daraadeed rabbi amar kiisa oo ay caasiyeen], {وَّكَانُواْ } oo ay ahaayeen {يَعْتَدُونَ} kuwa xad gudba [soohdimahii Ilaahay uu jeexay na wey tilaabi jireen weeye macnaha].

Cunto Diyaar ah iyo
Cabitaan Diyaar ah.

Tanna waa mid kale.

Waxaan soo sheegnay oon soo marnay Alle (swt) inuu u diyaariyay, cunto diyaar ah iyo cabitaan diyaar ah, tii bey u adkeysan waayeen ooy ka sheegan nayaan, waxay yiraahdeen Muusow hal cunta ah uma dul qaadan karno anagu [mannigan iyo salwahaan] soo degaaya ee halka cunta ah anagu uma sabri karno umana dulqaadan karno, haa waa cuntadaa iska diyaarsan uma dulqaadan karno bey leeyihiin.

Oo hal cunto ma ahayn nee laba cunto bey ahayd dee maxay hal cunto u leeyihiin?

Cuntada nooca ay dooni ba ha ahaadee haddii iyadii, iyada oo xataa fara badan isku jirta, maalin walba oo iyadii laguu keeno hal cunto weeye. Marka cuntooyin nooc nooc baan rabnaa, ee waxaad sameysaa Rabbi gaaga inoo bari.

Anagu waxaan rabnaa dhul beerato ayaanu nahay dhulkaanu beerano wax kala soo baxnaa yee in dhulka wixii ka soo baxaayay la inoo soo saaro, wax yaabaha dhulka ka soo baxa ee banii aadamku dheefsado, kuwaas ayaanu rabnaa inuu Ilaahay inoo soo saaro, risqigaan samada ka imaanayo ee naloo soo dejinaayo naga daa, midaan dhulka kala soo baxno ayaan rabnaa oon ku rafaadno.

Tayyib! Tii bey sii cadeeyeen oo waxay yiraahdeen….

  • {مِن بَقْلِهَا}
  • {وَقِثَّائِهَا}
  • {وَفُومِهَا}
  • {وَعَدَسِهَا}
  • {وَبَصَلِهَا}

Wax yaabaha dhulka soo saaro ee ay doonayaan bey qaar kamid ah magacaaween, waxaa kamid ah [baqliga].

Baqliga waxaa la yiraahdaa waa [nabaad] kasta oo dhulka ka soo baxa bani aadam kuna cuno, haa [al-baqlu] waxaa loo isticmaalaa geedaha dhulka ka baxa, wax kasta oo dhulka ka soo baxa waa laba mid:

  1. ama waa baqli
  2. ama waa shajar

Shajar ka waxaa la yiraahdaa markuu gun isku taago oo uu dhulka ka kacsan yahay, ayaa waxaa la yiraahdaa shajar, mar hadduu gun uu isku taago lahayn oo dhulka ku dhegan yahay na Baqli baa la yiraahdaa saas weeye macnaha.

Baqliga marka waxay ka wadaan inta bani aadamku dheefsado,

  • waxaa soo galaaya qudaartii
  • waxaa soo galaaya bagal kii

Wax yaalahaas oo dhan baa soo galaaya macnaha [بَقْلِهَ] waa nabaattaadka dhulka aan ka kicin bani aadamka na uu cuno baa soo galeyso [مِن بَقْلِهَ] saas weeye.

{قِثَّائِهَ} isgana waxa weeyaan, waa bahal la yiraahdo wuxuu u ek yahay qaraha, wadaadadu qaarkood qare ayeey dhihi jiree, laakiin qara ma aha ee nooca qaraha oo kale waaye laakiin qaraha wuu ka dhuuban yahay, markuu soo baxo salka waa u dhuuban yahay, markuu salka meesha geedka ku haayo ka sii tagana wuu sii buuran nayaa, marka qaraha wuu ek yahay sawar baan loo isticmaalaa, marka suuqyada buu yaalaa, [qiyaar] kana wuu ka yara gaaban yahay…

  • Qiyaarka iyo
  • Qithaha iyo
  • Qaraha iyo waa isku noociyaad isku fasiilo waayo.

Laakiin firqo yar yar baa u dhaxayso macnaha.

Marka {} waa kaa weeye.

Qaar bocor bey dhahaan [bocor cad] bey dhahaan, qaarna qiyaar bey ku fasiraan, qaarna qaraha bey ku fasiraan laakiin waa nooc gooni ah oo iskii u madax banaan weeye, suuqyaha na waad ka heleysaa macnaha. Tayyib!

{وَفُومِهَا} thumka laba macna ba waa la yiraahdaa…

Toonta waa la dhahaa, waxaa kaloo la yiraahdaa [qamandida], labadaba wey ku fasireen salafka, marka toon iyo qamandi baan rabnaa.

{وَعَدَسِهَا} kana waa midka caanka oo la yaqaan oo digirta yaryar buu u ek yahay, midib ahaana wuu ka gedisan yahay oo wuxuu u ek yahay bortuqaalka liinta waaweey buu midib ahaan u ek yahay, marka sidiisa na waa loo karsadaa inta la shiida na rootiga waa lagu cunaa, suuqyada buu isna yaalaa.

{وَبَصَلِهَا} Waa basasha aad taqaan,

Marka cuntooyinka noocaas ah baan doonneynaa in dhulka nalaga soo saaro, taas ayaanu kaa rabnaa Muusow inaad Ilaahay inoo weydiso.

Nabi Muuse (cs) wuxuu ku yiri:

War ma tan xun, waxaan xunxunka ah ee hoosseynta badan ee rafaadka iyo dhibka aad u maraysaan, tan la idin soo dejiyay na aad xagaa tayada iyo wanaag ku gaareynin, ma tanaad ka bedel qaadan neysaan tii fiicneyd na ma iskaga tageysaan ee khayrka badneyd?

See caqligiina xaggee jiraa laba daas laba leyku doorsado ma ehee?

Haddaad taa deyn weydeen, war waxaan Ilaahay idiin soo dejiyay deysta ayaan idin leeyahay eydaan ku rafaaddeynin ee diyaarka iska ah, dhulkaan iyo waxa ka soo baxaaya na iska daaya, laakiin haddaad deyn weydeen sooma aha….

{اهْبِطُواْ مِصْراً} Magaalo un dega baa la yiri, meel uun dega {مِصْرا} tan waxaa fiican in laga dhigo [مِصْرا من الانصار], yacni beled un beled yada kamid ah dega ee Masar tan ma aha, inkasta oo culimo fara badan ku fasireen waa laga fiican yahay.

Magaalo un magaalooyinka kamid ah, yacni beled un beled yada kamid ah dega waxa aad weydiisateen waad leedahiin, haddii la idinka kari la’ yahay dhulka un inaad wax ka soo saarataan waa la idinku sii deyn. Tayyib!

Rabbi wuxuu yiri (swt):

Macaasidaa markey ku kaceen iyo dunuubta faraha badan kadib, dushooda waxaa la yeelay dulli nimo, iney [] oo dulleys naadaan oo ay dar xumo ku noollaadaan.

{وَالْمَسْكَنَةُ} na waa la yeelay dushooda miskiin nimo iyo faqriga waaye, caydha waaye iney xoolo la’aan ahaadaan ayaa dushooda la yeelay ama in {الذِّلَّةُ} iyo {الْمَسْكَنَةُ} waa isku macno dhow yihiin ama wey kala macno duwan yihiin, intaa marka waxa weeye ay adduunka ku nool yihiin buu Ilaahay dusha ka saaray subxaanahu wa tacaalaa.

Macnaheedu waxa weeye maalin kii ay mamlaka dooda iyo dowlad dooda ay zuushay, ilaa waqti dhow ummado hoos tooda bey ku noollaayeen, haa waa kaa aayad kale noogu imaan doonto…

ضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ أَيْنَ مَا ثُقِفُواْ إِلاَّ بِحَبْلٍ مِّنْ اللَّهِ وَحَبْلٍ مِّنَ النَّاسِ وَبَاؤُوا بِغَضَبٍ مِّنَ اللَّهِ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الْمَسْكَنَةُ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُواْ يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَيَقْتُلُونَ الأَنبِيَاء بِغَيْرِ حَقٍّ ذَلِكَ بِمَا عَصَوا وَّكَانُواْ يَعْتَدُونَ

[Suuradda (3aad) Aali Cimraan, 112]

‘’Xarig Ilaahay iney ku noollaadaan haysigiisii iyo xarig dad iney ku noollaadaan labadaa mid weeye,’’

Xariga Ilaahay hadday gooyeen ku dad un bey ku nool yihiin, ummad kale un bey hoos fadhiyaan, intey muslimiinta dowlada hooda jireen oo hal dowlada ay ahaayeen [jizya] ayaa laga qaadi jiray oo muslimiinta ayay ku hoos noollaayeen iyaga oo dulleysan oo ihaaneysan, intii ka horeysay Islaam kana bulshooyin kale bey ku hoos noollaayeen oo marna carab bey la noollaayeen, marna Ciraaq bey ku noollaayeen oo lagu dulleysan jiray, qaarkoodna Shaam bey ku noollaayeen oo lagu dulleysan jiray, markii dambe na adduunka ayay u qeybsameen oo reer bari guna qaar bey haysteen oo ay gumeysan jireen, reer galbeed kuna qaar bey gumeysan jireen, hadda 50 sanno kahor un bey xoogaa madaxa la soo kaceen oo dowlad yar meeshaa ka sameysteen.

Ha sameysteenee! Dulliga miyey ka baxeen?

May! Weli kama ay bixin.

Reer galbeed un bey weli dawa fadhiyaan soo ma aha?

Reer galbeed un bey weli dawa fadhiyaan, haba ku adeegteen laakiin weli ummad iney ku gabadaan mooyee iskooda uma madax banaana, waqti gaaban dulligii bey mar dhow ku noqon doonnaan madaxa ayaa laga garaaci doonnaa.

Marka dulli baa Ilaahay saaray oo laazimiyay sidii wax ku dhegan oo lagu shaabad deeday oo kale baa laga dhigay, saasaa rabbi (swt) yiri.

{وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ وَالْمَسْكَنَةُ}. Waa lagu dhejiyay oo dusha ayaa laga saaray oo waa lagu shaabad deeyay…

{وَبَاؤُواْ بِغَضَبٍ مِّنَ اللَّهِ} Waxay la laabteen caro xaga Ilaahay ka timid.

Caro Ilaahay na wey la noqdeen oo waa ummad lo carooday.

Maxaa loogu carooday oo intaas oo dhan loogu sameeyay?

Waxaa loogu sameeyay aayaadka Ilaahay oo ay ku kufri jireen sababtii iyo Nabiyadii Ilaahay oo ay gardarada ku laayeen, oo ma nabi baa dil kiisu marna gar noqdaa?

Maxaa loo yiri {وَيَقْتُلُونَ النَّبِيِّينَ بِغَيْرِ الْحَقِّ}?

Ma mar baa Nabi dilkii gar noqon karaa?

Maya! Ee waxaa laga wadaa marka ay dilaayeen wey og yihiin dilka ay nabiyada dilaayeen in ay gardaro tahay, ayaga oo og iney gardaro tahay bey haddana nabiyada Ilaahay laayeen, nebiyo fara badan bey gacan tooda ku dileen saas weeye macnaha.

Waxaa kaleeto oo arrin kaa loogu geestay, Ilaahay amar kiisa ay jabiyeen ey khilaafeen [cisyaanka] ay ku kaceen iyo xad gudub kii ay sameeyeen oo soohdimihii Ilaahay uu dhigay ee uu yiri ha gudbina ayay tilaabeen oo gudbeen weeye macnaha.

Aayada | 61aad

وَإِذْ قُلْتُمْ يَا مُوسَى لَن نَّصْبِرَ عَلَىَ طَعَامٍ وَاحِدٍ فَادْعُ لَنَا رَبَّكَ يُخْرِجْ لَنَا مِمَّا تُنبِتُ الأَرْضُ مِن بَقْلِهَا وَقِثَّائِهَا وَفُومِهَا وَعَدَسِهَا وَبَصَلِهَا قَالَ أَتَسْتَبْدِلُونَ الَّذِي هُوَ أَدْنَى بِالَّذِي هُوَ خَيْرٌ اهْبِطُواْ مِصْراً فَإِنَّ لَكُم مَّا سَأَلْتُمْ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ وَالْمَسْكَنَةُ وَبَاؤُواْ بِغَضَبٍ مِّنَ اللَّهِ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُواْ يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَيَقْتُلُونَ النَّبِيِّينَ بِغَيْرِ الْحَقِّ ذَلِكَ بِمَا عَصَواْ وَّكَانُواْ يَعْتَدُونَ

* * * * *

Xusa reer banii israa’iilow {وَإِذْ} waqti {قُلْتُمْ} aad tiraahdeen {يَا مُوسَى} Muusow {لَن نَّصْبِرَ} sabri meyno [dul qaadan meyno], {عَلَىَ طَعَامٍ} cunto dusheed {وَاحِدٍ} oo mid ah [mannigan iyo salwigan ee halka cunto ah uma dul qaadan karno], ee {فَادْعُ} bari {لَنَا} anaga noo beri {رَبَّكَ} rabbi gaaga noo bari {يُخْرِجْ} ha bixi yee {لَنَا} anaga ha noo soo saaro { مِمَّا تُنبِتُ الأَرْضُ} wax yaabaha dhulku uu soo bixiyo qaar kii ha noo soo saaree [ma’kuulan mid la cuno hanoo soo bixiyo oo] waxay dhulka soo saarto ah.

{مِن بَقْلِهَا} [ka bedel] {مِن بَقْلِهَا} baqasha, yacni bagalka [nabaattaatka dhulka ka soo baxa], {وَقِثَّائِهَا} qiyaarka ah [ama bocorka ah] {وَفُومِهَا} toonta ah [ama qamandida ah], {وَعَدَسِهَا} iyo cadas keeda ah, {وَبَصَلِهَا} iyo basasheeda ah.

Haa dhulka intaas oo ka soo baxda Ilaahay ha inoo soo saaree inoo weydii!

{قَالَ} wuxuu yiri {أَتَسْتَبْدِلُونَ} miyaad bedel qaadan neysaan {الَّذِي} midka {هُوَ} isaguba {أَدْنَى} hoosseynta badan [war ma midka hoosseynta badan cuntada hoosseynta badan miyaad bedel qaadan neysaan] {بِالَّذِي} [عن لذِي] miyaad bedel qaadan neysaan {هُوَ} asaguba {خَيْرٌ} khayrka badan [kii khayrka badnaa intaad nacdaan miyaad kan hoosseynta badan ku bedellan neysaan?].

{اهْبِطُواْ} Hoobta baa la yiri oo dega {مِصْراً} beled un dega {فَإِنَّ لَكُم} waxaa idin sugnaaday { مَّا سَأَلْتُمْ } waxaad weydiisateen oo aad codsateen [] oo dhulka inaad ka shaqeysataan ah, waa la idinku sii deyn. {وَضُرِبَتْ} Waxaa la yeelay [waxaa la laazimayay oo la dhejiyay], {عَلَيْهِمُ} dushooda {الذِّلَّةُ} dulli nimo [iyo dar xumo iyo iney liid naadaan], { وَالْمَسْكَنَةُ} iyo miskiin nimo [iyo iney mar walbo ceyr iyo gacan kale ku noollaadaan].

{وَالْمَسْكَنَةُ} waxaa laga wadaa…

Xataa hadday wax haystaan waa fuqaro!

Xataa hadday wax haystaan waa oo dheregsan yihiin oo Company yada adduunka gacan tooda ku jirto, baahida weligooda ka bixi meyso, waa baahan yihiin. Iney baahan yihiin na waxaa ku tusi Yahuudi iney wax fasaadiso mooyaan nee oo ay adduunka fasaadiso mooyee! Hay’ado samafal ah oo Yuhuudi leedahay oo gurman neysa oo bani aadamka dhibaatooyinka meesha ay wax ka dhaceen wax ka qaban neysa weligiin miyaad aragteen? Shariikaadka adduunka ugu waaweeyn uguna xoolo badan na Yahuud baa iskaleh.

Sababta maxay tahay? {وَالْمَسْكَنَةُ} weeye haa…

Xoolaha gacan tooda ku jirta ileyn qanni nimo ma aha.

Qanni nimada maxaa la yiraahdaa?

(إنما الغنى غنى القلب والفقر فقر القلب)

Qalbigaaga hodonti nimo inuu Ilaahay geliyo weeye.

Marka {وَالْمَسْكَنَةُ} waa faqri iyo baahi bey mar walba ku jiraan weeye macnaha, taas ayaa dusha laga saaray.

{وَبَاؤُواْ} wey laabteen {بِغَضَبٍ} caro ayay la laabteen oo {مِّنَ اللَّهِ} xagga Alle ka ahaatay, {ذَلِكَ} sababtuna waxa weeye {بِأَنَّهُمْ} ayaga {كَانُواْ} iney ahaayeen {يَكْفُرُونَ} kuwa gaalloobo {بِآيَاتِ اللَّهِ } Ilaahay aayaad kiisa kuwo ku gaalloobo oo {وَيَقْتُلُونَ} dila oo laaya {النَّبِيِّينَ} nabiyada laaya. [Yaxya (cs) nebiyo uu ku jiro ayay laayeen], {بِغَيْرِ الْحَقِّ} xaq la’aan bey ku laayeen iyo gardaro.

Nabigu dil kiisa marna gar ma noqdee, laakiin wey ogaayeen markay leyn nayeen iney gardaro tahay.

Sabab labaad baa la sheegi!

ذَلِكَ بِمَا عَصَواْ وَّكَانُواْ يَعْتَدُونَ

{ذَلِكَ} Kaas sabab kiisu waxa weeye {بِمَا عَصَواْ} caasi nimadii ay ku kaceen daraadeed ee Ilaahay amar kiisa ay caasiyeen, kii daraadii weeye ay caasiyeen oo {وَّكَانُواْ} ay ahaadeen {يَعْتَدُونَ} kuwa xad gudba.

Oo Ilaahay soohdimaha uu u jeexay bey tilaabayeen.

{بِمَا عَصَواْ} [Cisyaanka] marka waxaa ku fasirtaa…

Amar kii Ilaahay bey jabiyeen.

{يَعْتَدُونَ} [Ictidaagana] waxaad ku fasirtaa….

Wixii Ilaahay ka reebay bey jiireen oo macnaha xad kii tilaabeen oo dembi ayay galeen, xaaraan tii bey ku dhaadhaceen intey xalaashii ka gudbeen saas weeye macnaha.

NO: 62 – الآية ٦٢

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُواْ وَالَّذِينَ هَادُواْ وَالنَّصَارَى وَالصَّابِئِينَ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ وَعَمِلَ صَالِحًا فَلَهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ وَلاَ خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلاَ هُمْ يَحْزَنُونَ

{إِنَّ الَّذِينَ} Kuwa {آمَنُواْ} rumeeyay iyo {وَالَّذِينَ هَادُواْ} kuwa Yahuudooway, iyo {وَالنَّصَارَى} Nasaarada, iyo {وَالصَّابِئِينَ} kuwa aan diini gaarin [Ilaahay yaqaana laakiin diini gaarin], {مَنْ آمَنَ} ciddi rumeysay {بِاللَّهِ} Ilaahay {وَالْيَوْمِ الآخِرِ} iyo maalinka dambe oo {وَعَمِلَ} sameysa {صَالِحًا} camal wanaagsan {فَلَهُمْ} waxaa u sugnaaday {أَجْرُهُمْ} ajar kooda ayay leeyihiin {عِندَ رَبِّهِمْ} rabbi gooda ak tiisa {وَلاَ خَوْفٌ} wax cabsi ahna {عَلَيْهِمْ} dushooda ma ahaanin {وَلاَ هُمْ} mana aynaan ahaanin {يَحْزَنُونَ} kuwo murga.

Mad-hab oo Lagu Faano

Halkan aayada waxa ay xididada u siibeysaa ruuxu inuu mad-hab ku faano oo uu yiraahdo anigu Yahuudi baan ahay ama uu yiraahdo anigu Nasraani baan ahay ama uu ku faano uu yiraahdo anigu Saabi’i baan ahay ama Majuusi baan ahay ama anigu Mu’min baan ahay, faan aan camal la soconin iyo caqiido baa la diidayaa.

  • Yahuudi baanu nahay oo shacab kii Ilaahay doortay baanu nahay,
  • Nasaaro baanu nahay oo anaga ayaa ummadaha ugu fiican,
  • Saabi’iin baanu nahay oo anaga ayaa ugu toosan.

War kaas oo dhan baa xididada loo siibay oo arrintu nasab sheegasho ma aha, mad-hab na wax ku tari maayo, ab-tir na wax ku tari maayo, sheegasho waxba kuu qaban meyso, dhaqan iyo caqiido un baa wax kuu qaban.

  • Hadday Yahuud yihiin iyo
  • Hadday Nasaaro yihiin iyo
  • Hadday Saabi’iin yihiin iyo
  • Hadday dadka Alle iyo maalinka aakharo rumeeyay yihiin
  • Intoodaas iyo Mu’miniinta.

Ruuxii Alle iyo maalinta aakharo rumeeya camal saalix ahna la yimaada, ruuxaasi ajar kii Ilaahay ak tii waa ku leeyahay, ruuxii Alle iyo maalinta aakharo rumeeya oo camal saalix ahna la yimaado. Camalka saalixa ah wuxuu noqon karaa, waaggii Nabi Muuse uu joogay (cs), saalixa camalka wuxuu ahaa markii sharcigii Nabi Muuse la waafajiyo kitaabka Towreed.

Markii Nabi Ciise (cs) la soo diray isna camalka wuxuu saalix ahaa markuu waafaqsan yahay sharciga Nabi Ciise la yimid (cs).

Laakiin markii uu Nabi Muxammadﷺ yimid camalka wuxuu saalix noqon karaa markuu waafaqsan yahay sharciga Nabi Muxammadﷺ la yimid. Sidaas daraadeed waxay lamid tahay Alle (swt) diin aan Islaam nimo ahayn ma aqbalaayo saas weeye macnaha.

” وَمَن يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلَامِ دِينًا فَلَن يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ ”

[Suuradda (3aad) Aali Cimraan, 85]

{وَعَمِلَ صَالِحًا} taasi! Saalixa wuxuu noqon karaa markuu sharciga Nabi Muxammedﷺ la yimid un raaco weeye macnaha.

Marka intaad ka timaadaan!

  • Yahuud baan ahay
  • Nasaaro ayaan ahay
  • Saabi’iin baan nahay

Sharcigan ugu dambeeyay sharciga Ilaahay soo dejiyay oo kii Nabi Muxammad la yimid ah raaca weeye, saa un baad Ilaahay ak tiisa abaal gud kaga heleysaan, ajar na ku heleysaan, cabsi na kaga baxaysaan, walbahaar iyo murug na aad ku seegeysaan waaye macnaha.

Marka garanay inta kale…

  1. {آمَنُواْ} garanay
  2. {هَادُواْ} garanay
  3. {وَالنَّصَارَى} na garanay.

{وَالصَّابِئِينَ} Saabi’iin tu yey yihiin?

Nasaarada waa kristanka weeye, kuwa sheegto weeye iney Nabi Ciise (cs) raacsan yihiin.

Saabi’iin tu yaa la yiraahdaa?

Waa leysku khilaafsan yahay oo mufasiriin tu aad bey ugu muransan yihiin, laakiin hal tafsiir baan ka qaadan neynaa, tafsiir kaa waxaa iskaleh Mujaahid iyo Cataa ibn Rabaax, Saciid ibnu Jubeyr…

  1. عطاء بن أبي رباح
  2. مُجَاهِدْ بِنْ جَبْر
  3. سعيد بن جبير
  4. (ابن كثير) Ibnu Kathiir na wuu rajaxayaa.

Waxay leeyihiin waxaa la yiraahdaa….

Waa dad aan Yahuud na ahayn, Nasaara na ahayn, Ilaahay wey yaqaanaan laakiin wax diin oo kale oo ay haystaan ama ay ku dhaqmaan ma jirto, Ilaahay oo keliya inuu jiro bey rumeys naayeen, laakiin sharci ay raacsan yihiin maleh, ummado noocaas oo kale baa marka jiray oo fidra dii Ilaahay ku abuuray iskaga sugan.

  • Sanam ma caabudaan,
  • Dhagax ma aadaan,
  • Yahuud ma raacsana,
  • Nasaara ma raacsana,
  • Alle keligii inuu jiro ayay rumeysan yihiin…

Haddana (maca daalika) wax diin ah oo soo gaartay oo diimaha (samaawiga ah) oo ay raacsan yihiin ma jirto. Qolodaas ayaa Saabi’iin tu la yiraahdaa marka waa koox kamid ah kooxihii markaa jiray saas weeye macnaha.

Aayada | 62aad

{إِنَّ الَّذِينَ} Kuwa {آمَنُواْ} rumeeyay iyo {وَالَّذِينَ هَادُواْ} kuwa Yahuudooway, iyo {وَالنَّصَارَى} Nasaarada kristanka, {وَالصَّابِئِينَ} iyo kuwa Alle yaqaana wax diini oo ay raacsan yihiin na ay san jirin.

Nabigaﷺ markuu diimihii iyo dhaqan kii awoow yihiin khilaafay isaga iyo saxaabadii sow Saabi’iin laguma dhihin, maxaa yeelay Ilaahay keligii hala caabudo ayay la yimaadeen. Marka nin alla ninkii saa rumeysan saabi’ bey dhihi jireen, ummadaa hore ee Ilaahay keligii taqaan bey ku shabahayaan {وَالصَّابِئِينَ} saas waaye.

{وَالصَّابِئِينَ} iyo kuwa Ilaahay keligii inuu jiro rumeysnaa, sharci ay raacsan yihiin na ay san jirin, intood daasi, {مَنْ آمَنَ} ruuxii rumeeya {بِاللَّهِ} Ilaahay {وَالْيَوْمِ الآخِرِ} iyo maalinka dambe oo {وَعَمِلَ} sameysa {صَالِحًا} camal wanaagsan {فَلَهُمْ} waxaa u sugnaaday {أَجْرُهُمْ} ajar kooda ayaa u sugnaaday [yacni camalka ay sameeyeen abaal gud kiisa] {عِندَ رَبِّهِمْ} rabbi gooda ak tiisa {وَلاَ خَوْفٌ} wax cabsi ahna {عَلَيْهِمْ} dushooda ma ahaanin [mustaqbalka aakhiro cabsi ma galeyso] {وَلاَ هُمْ} mana aynaan ahaanin {يَحْزَنُونَ} kuwo murga oo walbahaara, adduunyadii waxay kaga yimaadeen waaye macnaha.

NO: 63 – الآية ٦٣

وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَكُمْ وَرَفَعْنَا فَوْقَكُمُ الطُّورَ خُذُواْ مَا آتَيْنَاكُم بِقُوَّةٍ وَاذْكُرُواْ مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ

Marka waxa weeye reer hebel baan ahay, dhaqaale ayaan leeyahay, midib kaas ayaan leeyahay iyo dadka ayaan ugu sharaf badan nahay iyo aniga un baa jira, [war kaas intaad ka tagto] camal wanaagsan iyo caqiida wanaagsan la imaaw, taa un baa ku anfici, laakiin kanaan ahay war keeda ka bax.

Xusa baa la yiri, oo xusuusta reer banii israa’iilow…

{وَإِذْ} waqti {أَخَذْنَا} aan qabanay {مِيثَاقَكُمْ} balan yaal kiinii [balan tiini la adkeeyay markii aan qabanay], oo {وَرَفَعْنَا} aan kor yeelnay {فَوْقَكُمُ} kor kiina aan yeelnay [{رَفَعْنَا} aan qaadnay {الطُّورَ} buur tii…

Markaas ayaan waxaan idinku niri {خُذُواْ} qaata {مَا آتَيْنَاكُم} waxaanu idin siinay {بِقُوَّةٍ} xoog ku qaata, ee [{بِقُوَّةٍ} waxa weeyaan dadaal ku qaata, si dadaal ku jiro ku qaata weeye macnaha]. {وَاذْكُرُواْ} Xusa {مَا فِيهِ} kan la idin siiyay dhex diisa waxa ku yaal, [akhriya oo ku camal fala,] {لَعَلَّكُمْ} waxaad mudan tihiin {تَتَّقُونَ} inaad is dhowr taan oo Ilaahay cadaab kii iska dhowr taan.

NO: 64 – الآية ٦٤

ثُمَّ تَوَلَّيْتُم مِّن بَعْدِ ذَلِكَ فَلَوْلاَ فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لَكُنتُم مِّنَ الْخَاسِرِينَ

{ثُمَّ} markaa kadib na {تَوَلَّيْتُم} waad jeedsateen {مِّن بَعْدِ ذَلِكَ} kaa gadaashii [balan kaa marka la idinka qaaday gadaashiisa waad jeesateen], {فَلَوْلاَ فَضْلُ اللَّهِ} fadliga Ilaahay hadduu san jirin lahayn {عَلَيْكُمْ} dushiina uu fadilay [dheeraad siinta dushiina uu Ilaahay dheeraad siiyay hadaynaan jirin lahayn] {وَرَحْمَتُهُ} iyo naxariis tiisa, hadday na jirin lahayn {لَكُنتُم} waxaad ahaan lahayd deen {مِّنَ الْخَاسِرِينَ} kuwa qasaaray baad kamid ahaan lahaydeen.

Kitaabka Towreed

Tana waxay ahayd…

Rabbi (swt) markii uu kitaabka Towreed ahaa soo dejiyay ayaa reer banii israa’iil waxaa balan lagaga qaaday, kitaab kaa Towreed iney qaadan nayaan wuxuu Ilaahay kitaab kaa dhexdii ku sheegay oo axkaam iyo mabaadi ahna iney u hoggaan samayaan.

Kitaab kii markuu soo gaaray, balan tii Ilaahay uu ka qaaday iney fuliyaan na ay ahayd ayeey isa soo taageen oo waa diideen. Buur inta la soo qaaday baa madaxa laga saaray oo dushooda baa la soo dhigay buur tii, markaas ayaa waxaa la yiri; haddaad qaadan weydaan oo weliba si dadaal ku jiro aad u qaadan weydaan buurta baa la idinku sii deyn hal qof na idinka hari maayo. Markiiba wey is miskiimiyeen oo wax ogol bey iska dhigeen, buur tii markii laga qaaday na meeshoodii bey ka bilaabeen saas weeye macnaha.

Marka taana bal xusuusta baa la leeyahay.

Waad jeedsateen mar alla markii balan taa la idinka qaaday balan tii inaad fulisaan ay ahayd baad ka jeedsateen, oo Ilaahay hadduu san fadli giisa iyo naxariis tiisa ayna jirin lahayn ba, oo towbada idin waafajiyay sow la idinma baabi’iyeen? Haa…

Hadday na taasi jirin lahayn kuwa qasaaray baad kamid noqon lahaydeen, waxaa laga wadaa inta la idin halaago oo la idin tirtiro ayaa markaa kadibna Ilaahay (swt) cadaab kiisa aad ku waari lahaydeen saas weeyaan. Marka waxaad ku fakateen ama aad ku badbaadeen waa Alle naxariis tiisa iyo fadligiisa uu dushiina saaray, intaas ayaad ku fakateen. Laakiin caqli aad leedihiin iyo cilmi aad leedihiin iyo camal kiina kuma aadan fakanin, idinku halaaggii baad afka la gasheen oo aad isku rideen, laakiin Ilaahay (swt) baa idin badbaadiyay waaye macnaha sidaas weeye.

Xusa reer banii israa’iilow {وَإِذْ} waqti {أَخَذْنَا} aan qabanay….

Waxay la mid tahay aayada nagu imaan doonto suuradda al-Acraaf dhexdeeda…

وَإِذْ نَتَقْنَا الْجَبَلَ فَوْقَهُمْ كَأَنَّهُ ظُلَّةٌ وَظَنُّوا أَنَّهُ وَاقِعٌ بِهِمْ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُمْ بِقُوَّةٍ وَاذْكُرُوا مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ 

[Suuradda (7aad) al-Acraaf, 171]

 Buur tii baa dusha ka saarneyd markaa ayaanu niri qaata, waxay weliba maleeyeen in ay buurta ku soo dhacaysa, marka aayad daasi ayay lamid tahay.

Xusuus {وَإِذْ} waqti {أَخَذْنَا} aan qabanay {مِيثَاقَكُمْ} balan tiina markaan qaadnay.

Waxaad xusuusataan reer banii israa’iilow…

{وَإِذْ} waqti gii {أَخَذْنَا} aan qaadnay {مِيثَاقَكُمْ} balan kiinii aanu qaadnay, [balanka la adkeeyay] baa la yiraahdaa, balan kalsoonida leh ee la adkeeyay oo dhaarta lagu adkeeyay ayaa la yiraahdaa, oo {وَرَفَعْنَا} aan kor yeelnay {فَوْقَكُمُ} dushiina {الطُّورَ} buur tii.

Ma buur tii Nabi Muuse (cs) lagula hadlay miyaa laga wadaa mise buur un?

Buur un baa laga wadaa!

Buur ta laazim ma aha iney noqoto buur tii Nabi Muuse (cs) lagula hadlay, maxaa yeelay! {وَإِذْ نَتَقْنَا الْجَبَلَ} baa ku tuseyso oo suuradda al-Acraaf nagu imaan doonto In Shaa Allaah.

Waxaanu idinku niri; {خُذُواْ} qaata {مَا آتَيْنَاكُم} waxaan idin siinay [kitaab kaan aan idiin soo dejinay qaata] {بِقُوَّةٍ} awood qalbi ku qaata.

Haa si dhab ah oo dadaal ku jiro oon ciyaar ciyaar ahayn u qaata.

Lama rabo sharci Ilaahay hadduu soo dego oo uu ku soo gaaro inaad fududeeysato ma ah, dadaal kaaga oo dhan inaad ku bixiso waaye sidaad ku qaadan lahayd.

{وَاذْكُرُواْ} oo xusa {مَا فِيهِ} waxa dhex diisa ku jira [oo akhriya oo ku camal fala waaye, axkaamta ku jiro iyo mabaadi’da caqiidada ku jirta qaata oo ku camal fala oo xusa], oo {وَاذْكُرُواْ} xusa {مَا فِيهِ} waxa dhex diisa ah {لَعَلَّكُمْ} waxaad mudan tihiin {تَتَّقُونَ} inaad is dhowrtaan oo cadaabka Ilaahay iska dhowrtaan, cadaab Ilaahay inaad ka badbaaddaan ayaad mudan tihiin weeye macnaha.

Aayada | 64aad

{ثُمَّ} kadibna {تَوَلَّيْتُم} waad jeedsateen balan taa kadib

{ثُمَّ} kadibna {تَوَلَّيْتُم} waad jeedsateen {مِّن بَعْدِ ذَلِكَ} miithaaqqaa iyo balan kaa kadib.

{فَلَوْلاَ فَضْلُ اللَّهِ} fadliga Ilaahay hadduu san jiri {عَلَيْكُمْ} dushiina lagu fadilay

Dheeraad siinta Ilaahay dushiina uu saaray hadday na jirin lahayn.

{وَرَحْمَتُهُ} iyo naxariis tiisu haddey na jirin lahayn [oo towbada idin waafajiyay weeye macnaha] {لَكُنتُم} waxaad ahaan lahaydeen {مِّنَ الْخَاسِرِينَ} kuwa qasaaray baad kamid noqon lahaydeen.

Sow Ilaahay (swt) naxariis tiisa ma aha idinka oo mutay in la idin baabi’iyo inuu Ilaahay (swt) idinka baajiyo cadaab kii oo aad sii jirtaan, waa naxariis Ilaahay, marka ka shukriya weeye.

NO: 65  – الآية ٦٥

وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ الَّذِينَ اعْتَدَوْا مِنكُمْ فِي السَّبْتِ فَقُلْنَا لَهُمْ كُونُواْ قِرَدَةً خَاسِئِينَ

Waa dhaqan kale oo ay ku kaceen, Ilaahay na (swt) qaar kale uu ku baabi’iyay oo iyaga kamid ah

{وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ} Xaqiiqada waxaad og tihiin [reer banii israa’iilow], {الَّذِينَ} kuwii baad og yihiin {اعْتَدَوْا} oo xad gudbay oo {مِنكُمْ} idinka idin kamid ah {فِي السَّبْتِ} maalinta sabtida dhex deeda.

Maalinka sabtida kuwii xadka iyo soohdinta tilaabay oo idinka idin kamid ah waad og tihiin, ood ogaateen.

{فَقُلْنَا لَهُمْ} markaa aan ku niri iyaga {كُونُواْ} ahaada {قِرَدَةً} daayeero ahaada {خَاسِئِينَ} oo fogaaday oo Ilaahay naxariis tiisa ka fogaaday.

NO: 66 – الآية ٦٦

فَجَعَلْنَاهَا نَكَالاً لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهَا وَمَا خَلْفَهَا وَمَوْعِظَةً لِّلْمُتَّقِينَ

{فَجَعَلْنَاهَا} Degmaddii waxaan ka dhignay [saa loo halaagay] {نَكَالاً} ciqaab lagu cibro qaato {لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهَا} wixii hor teeda ah, [waxaan uga dhignay cibraddaa], {لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهَا} degmooyin kii hor teeda ahaa xagga hore ka deganaa {وَمَا خَلْفَهَا} iyo degmooyin kii gadaal ka deganaa, {وَمَوْعِظَةً} waano ayaan ka dhignay {لِّلْمُتَّقِينَ} kuwa Alle ka cabsan naayo ayaan waano uga dhignay, tu ay ku waantoowaan oo ay ku quus qaataan.

Qisadii Maalinta Sabtida

Waxaad ogaateen reer banii israa’iilow oo horey u ogeydeen, xad gudub kii ka dhacay koox idin kamid ah maalinta sabtida ah, qisadaani iyada oo gaaban baa halkaan lagu sheegay laakiin suuradda al-Acraaf bey ku imaan doontaa iyada oo faahfaahsan.

وَاسْأَلْهُمْ عَنِ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَتْ حَاضِرَةَ الْبَحْرِ إِذْ يَعْدُونَ فِي السَّبْتِ إِذْ تَأْتِيهِمْ حِيتَانُهُمْ يَوْمَ سَبْتِهِمْ شُرَّعاً وَيَوْمَ لاَ يَسْبِتُونَ لاَ تَأْتِيهِمْ كَذَلِكَ نَبْلُوهُم بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ

[Suuradda (7aa) al-Acraaf, Aayada 16aad].

Iyo dhowrka aayaddood ee ka dambeeyo qisadan ayey ka hadlaayaan.

Marka waxay ahayd, Alle (swt) wuxuu ku yiri:

Maalinta sabtida ah malayga ha dawannina, dawashada joojiya maalinta sabtida ah.

Maalintii sabtida ahayd ee la yiri dawashada joojiya ayaa Ilaahay (swt) imtixaanay, malaay gii bada ku jiray maalintaa sabtida ah un buu biyaha korkooda imaan nayaa, banaan kuu iska soo istaagayaa oo haddaad rabto gacanta ayaad ku qabsan oo inaad shabak u dhigato umaba baahna. Markii sabtida ay baxdo oo axada soo gasha na badda sal keedii buu tegi, weyna ku rafaadaan raadin tiisa, wey xeelladeysteen marka.

Waxay sameeyeen malaay gii markuu sabtidii banaanka u soo baxo, baa waxay u qoteen barkado, barkada haas oo biyahu ku soo ridaaya malaayga, markii ay baddu noqoto maalinta axada barkada haas buu malaayga galaayaa, maalinta axada marka la gaaro barkadahii isaga oo ku jiro o ka bixi kari waayay ayay marka kala baxaayaan.

Marka wey xeelladeysteen, oo waxay u xeelladeysteen markii la yiri war maxaad sidaan u yeelleysaan na, waxay dheheen maalin axad un baan anagu dawanay, ma anagaa soo qaqabanay sabtidii waxba ma aanan qabanee!

Malaay gana sabti dii baa la qabtay oo uu barkada galay!

Markay xeelladaa sameeyeen qolo, qolo daas bey ahayd.

  1. Qolo waxay tiri joojiya
  2. Qolo na shib bey iska tiri

Sida suuradda nagu imaan doonta qolodii shib tiri war koodii lama sheegin waxa ay ku dambeeyeen, qolodii dawatay na Ilaahay (swt) waa halaagay, daayeero inta loo bedelay baa kadibna la tir tiray oo la halaagay. Waxaa soo hadhay un qolodii tiray war waxaan joojiya ee ka reebtay, qolada aamustay na laga aamusay war kooda wuxuu ku dambeeyay (Allaahu Aclam).

Marka qisadaa weeye halkan lagu gaabiyay waxaa la yiri:

Waxaad horey u og tihiin oo aad ogaateen, kuwii xad gudbay sabtida oo idinka idin kamidka ah, markaasaa waxaanu ku niri waxaad noqotaan daayeero fogaaday.

{خَاسِئِينَ} Macnihii waxa weeye {اخْسَؤُوا فِيهَا} sooma ahayn?

Ku fogaada weeye daayeero fogaaday oo Ilaahay naxariis tiisa ka fogaaday bey noqdeen, ciqaabta la mariyay degmadaa iyada ah waxaa looga dhigay waano iyo mid ay ku cibro qaataan, degmooyin kii xagga hore ka deganaa iyada iyo xagga dambe degmooyin kii ka deganaa ayaa looga dhigay mid ay ku cibro qaataan.

Haddii magaalo la galo, magaalada inta hareera heeda degay oo dhan sabab tii lagu galay oo ku halaag santay sow iska ilaalin maayaan? Saasaa laga dhigay marka.

Dersi waxaa laga dhigay ummaddahii eriyadaa ka dhowaa oo dhan cibro u noqoto ku waano qaataan oo ku quus qaataan baa laga dhigay, saas weeyeen. Waxaa kaloo waano looga dhigay dadka Ilaahay ka cabsan naaya oo inagu aynu kamid nahay oo macnuhu waxa weeye goorta aad Ilaahay xuduud diisa tilowdaan macaasida iyo dunuubta na aad gashaan taas oo kale baa la idin marinaa, is jira waaye, marka inagana waano ayey inoo tahay iyo caqli celin bey inoo tahay weeye macnaha.

Aayada | 65aad

{وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ} Waxaad og tihiin [reer banii israa’iilow], {الَّذِينَ} kuwii {اعْتَدَوْا} xad gudbay oo {مِنكُمْ} idinka idin kamid ah {فِي السَّبْتِ} maalinta sabtida xad gudbay oo {فَقُلْنَا لَهُمْ} aan ku niri {لَهُمْ} iyaga waxaan ku niri {كُونُواْ} waxaad ahaataan {قِرَدَةً} daayeero ahaada {خَاسِئِينَ} oo naxariista Ilaahay ka fogaaday.

Aayada | 66aad

{فَجَعَلْنَاهَا} [damiir keeda qaryada isaga celi, cuquubada na waa loo celiyaa..]

{فَجَعَلْنَاهَا} Qaryadaa iyo degmadaa waxaan ka dhignay [ciqaabta la mariyay] {نَكَالاً} cuquubo lagu cibro qaato ayaan ka dhignay {لِّمَا} degmooyin ayaan uga dhignay {بَيْنَ يَدَيْهَا} iyada ka horeeyay horteeda deganeyd xagga hore ka deganaa, {وَمَا خَلْفَهَا} iyo degmooyin kii iyada gadaasheeda ahaa xagga dambe ka deganaa.

Laba daasi waa kuwii waaggaa la deganaa, kuwaasi waano qaadasho ayaan ooga dhignay iyo cuquubo ay ku cibro qaataan

{وَمَوْعِظَةً} waano iyo mid ay ku waano qaataan {لِّلْمُتَّقِينَ} kuwa Alle ka cabsada na tu ay waano qaataan baan ka dhignay oo caqli celin u noqota.

Halkan Sheekh Umul (Ilaahay ha xafidee kuma soo celin aayada 66aad.)

NO: 67 – الآية ٦٧

وَإِذْ قَالَ مُوسَى لِقَوْمِهِ إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تَذْبَحُواْ بَقَرَةً قَالُواْ أَتَتَّخِذُنَا هُزُوًا قَالَ أَعُوذُ بِاللَّهِ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْجَاهِلِينَ

Qisooyin kii banii israa’iil baa la inoo wadaa…

Xus baa la yiri Nabiyow {وَإِذْ} waqti {قَالَ} uu yiri {مُوسَى} Muuse uu ku yiri {لِقَوْمِهِ} tolkii {إِنَّ اللَّهَ} Ilaahay {يَأْمُرُكُمْ} wuxuu idin amrayaa {أَنْ تَذْبَحُواْ} inaad gowracdaan {بَقَرَةً} sac neef lo’ ah inaad gowracdaan.

{قَالُواْ} waxay yiraahdeen {أَتَتَّخِذُنَا} miyaad naga sameysa neysaa {هُزُوًا} jeesjees [ma nagu ciyaareysaa Muusow?], {قَالَ} wuxuu yiri {أَعُوذُ} waxaan magan geli {بِاللَّهِ} Ilaahay baan magan gali {أَنْ أَكُونَ} inaan ahaado {مِنَ الْجَاهِلِينَ} kuwa jaahilliinta.

Yacni ninka jees jeesaaya waa jaahil, inaan jaahil noqdo Ilaahay baan magan uga ahay.

NO: 68 – ٦٨ الآية

قَالُواْ ادْعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَ قَالَ إِنَّهُ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٌ لاَّ فَارِضٌ وَلاَ بِكْرٌ عَوَانٌ بَيْنَ ذَلِكَ فَافْعَلُواْ مَا تُؤْمَرُونَ

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen…

{ادْعُ} bari {لَنَا} anaga inoo bari {رَبَّكَ} rabbi gaaga inoo bari {يُبَيِّن} ha cadeeyee {لَّنَا} anaga hannoo cadeeyo {مَا} maxay bey {هِيَ} iyadu tahay…

Neefka lo’da ah wuxuu yahay hannoo cadeeyee noo bari.

{قَالَ} wuxuu yiri {إِنَّهُ} asaga Ilaahay (swt) {يَقُولُ} wuxuu leeyahay {إِنَّهَا} iyadu {بَقَرَةٌ} waa sac {لاَّ فَارِضٌ} aan da’ ahayn [mid da’ aan duq ahayn] {وَلاَ بِكْرٌ} qaalin na aan ahayn [mid da’ yar na aan ahayn] {عَوَانٌ} mid u dhaxayso weeye {بَيْنَ ذَلِكَ} intaas u dhaxeysa.

Mid da’ yar na ma aha mid weyn na ma aha intaas ayey u dhaxaysaa.

{فَافْعَلُواْ} sameeya {مَا تُؤْمَرُونَ} waxa la idin amraayo sameeya.

Sac Neef Lo’ ah Gowraca

Hadalka badan iska daaya ee waxa la idin faray sameeya oo tilaabsaday, haa tilaabo qaada ayaa la yiri.

Tani waxay ahayd, qisada aakhir keeda ayaa lagu keeno doonnaa yee sababta ay arrin taani ku timid, waxay ahayd nin bey iska dileen, ninkii markay iska dileen bey dhiig giisii isku riix riixeen, waa leysku qabsaday… War idinka ayaa dilay, maya idinka ayaa dilay, war ninka idinka ayaa dilay bey isku qabsadeen. Markey isku qabsadeen baa Ilaahay (swt) marka kala dhex galay oo la xalin nayaa, sidaan ayaa loo kala xalin nayaa marka.

See ku yimid ninku dil kiisa?

  • Ma nin adeer u yahay baa dilay?
  • Ma dhaxal buu ka rabay?
  • Ma sabab kale ayaa keentay?

War keedu waxa ay ku soo aroortay riwaayaadka Israa’iiliga ah..

[لا نصدق ولا نكذب]

Laakiin quraanka wuxuu cabiray iyagu iney nin iska dileen, ninkii markay iska dileen ay isku qabsadeen, markay isku qabsadeen na Ilaahay (swt) wuu kala saaray oo, nin kii arrin kiisa sidii loogu bixi lahaa bey qisadani ku timid. Waxaa la yiri sow ma rabaan nin kii inaad ku kala baxdaan?

Waa tan marka.

Nabi Muuse (cs) baa qowm kiisa wuxuu ku yiri Alle wuxuu idin amrayaa inaad neef lo’ ah gowracdaan sac gowraca!

Hadal badni dooda fiiri; waxay yiraahdeen oo Muusow kaalay ma nagu ciyaareysaa, maxaad nagu jees jeeseysaa?  Meyd baa inoo yaala xaalad xun baan ku jirnaa adiguna waad nagu ciciyaareysaa oo sac gowraca maxay tahay?

Haa saas ayey leeyihiin, sac gowrac maxay tahay.

Nabi Muuse (cs) wuxuu yiri Ilaahay baan magan ka ahay inaan jaahilliinta kamid noqdo. Macnaheedu waxa weeyaan ciyaar iyo jeesjees iyo dadka oo lagu jeesjeesa waa jahli, ninka sameeya na waa jaahil, Nabi Muuse na waxa weeye (xaashaahu) iyo dadka ahlu khayrka ah iney wax ku jees jeesaan, sidaas waaye macnaha.

Markaas bey waxay yiraahdeen waa yahay garoow sanay yee, lo’ waa badan tahay yee bal sacda ha lanoo tilmaamo, bal sac un mey isaga tilaabsadaan sac un intey soo qabtaan mey gowracaan, waa reer banii’ israa’iil miyaad kari?

Waxay yiraahdeen noo cadeey muxuu yahay sacca, bal sacca noo sharax noo tilmaam.

Wuxuu yiri Alle (swt) wuxuu idin leeyahay…

Sacca Ilaahay baa tilmaami, nabi Muuse na wuu u gudbin nayaa iyagu.

Wuxuu Alle idin leeyahay saccu horta da’ ma aha [duq ma aha], mid yar oo dhalin yara ahna ma aha, qaalin yar na ma aha ee waa dhex dhexaad, xaggaa waa dhan kii da’da, ee warka la idiin leeyahay ee la idin amraaya sameeya, intaad hadalka badan iska deysaan soo qabta neef lo’ ahoo tilmaam taa leh oo gowraca, saassuu ku yimid.

Aayada | 67aad

Xusuusta ama Xus Nabiyow {وَإِذْ} waqti {قَالَ} uu yiri {مُوسَى} Muuse uu ku yiri {لِقَوْمِهِ} qowm kiisa markuu ku yiri tolkii {إِنَّ اللَّهَ} Ilaahay {يَأْمُرُكُمْ} wuxuu idin amrayaa {أَنْ تَذْبَحُواْ} inaad gowracdaan {بَقَرَةً} sac inaad gowracdaan neef lo’ ah.

{قَالُواْ} waxay yiraahdeen {أَتَتَّخِذُنَا} ma waxaad naga sameysa neysaa ood naga dhigan neysaa {هُزُوًا} jeesjees [ma nagu ciyaareysaa Muusow?], {قَالَ} wuxuu yiri {أَعُوذُ} waxaan magan geli {بِاللَّهِ} Ilaahay baan magan gali {أَنْ أَكُونَ} inaan ahaado {مِنَ الْجَاهِلِينَ} kuwa jaahilliinta inaan kamid noqdo Ilaahay baan magan uga ahay.

Kuwa ku jeesjeesa dadka ee yassa ee ku ciyaara, jaahiliin taa inaan kamid noqdo Ilaahay baan magan uga ahay.

Aayada | 68aad

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {ادْعُ} bari {لَنَا} anaga inoo bari {رَبَّكَ} rabbi gaaga inoo bari {يُبَيِّن} ha cadeeyee {لَّنَا} anaga {مَا هِيَ} waxa ay tahay…

Maxay tahay neefka lo’da, maxay tahay sacca waa badan tahay u abtiri ee cadeey baa la yiri.

{قَالَ} wuxuu yiri {إِنَّهُ} asaga Ilaahay (swt) weeyee {يَقُولُ} wuxuu leeyahay {إِنَّهَا} saccaasi {بَقَرَةٌ} waa neef lo’ ah, waa sac {لاَّ فَارِضٌ} mid da’ aan ahayn [mid duq ah ma aha oo da’ weyn] {وَلاَ بِكْرٌ} mid da’ yar na ma aha oo qaalin ah {عَوَانٌ} waa u dhaxeeyaa {بَيْنَ ذَلِكَ} intaas u dhaxeysa. [da’da weyn iyo da’da yar buu u dhexeeyaa waa dhexdhexaad].

{فَافْعَلُواْ} sameeya {مَا تُؤْمَرُونَ} waxa la idin amraayo sameeya, [tilaabsada oo hadalka badan joojiya].

NO: 69 – الآية ٦٩

قَالُواْ ادْعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا لَوْنُهَا قَالَ إِنَّهُ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٌ صَفْرَاء فَاقِعٌ لَّوْنُهَا تَسُرُّ النَّاظِرِينَ

Deeyi maayaan nee fiiri!

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {ادْعُ} Bari {لَنَا} anaga {رَبَّكَ} rabbi gaaga noo beri {يُبَيِّن} ha cadeeyee {لَّنَا} anaga {مَا} maxay buu {لَوْنُهَا} midab keedu ahaaday.

Da’dii garanay yee, bal midib kii ha naloo sheego…

{قَالَ} Wuxuu yiri Nabi Muuse (sc) {إِنَّهُ} Alle (swt) {يَقُولُ} wuxuu leeyahay {إِنَّهَا} iyadu {بَقَرَةٌ} waa sac {صَفْرَاء} oo jaallo ah [haa midab keedu jaallo yahay] {فَاقِعٌ} weliba uu saafi yahay {لَّوْنُهَا} midab keedu uu saafi yahay [wax barxan uu san jirin], {تَسُرُّ} oo farax gelineysa {النَّاظِرِينَ} ruuxii fiiriyo na uu ku farxaayo oo aad u qurux badan weeye.

Xagga hilibka, sida ay isu haysato, yacni ruux alle ruuxii isha saaraba uu ku farxaaya qalbigii riyaaq gelineysa weeye.

Taasi da’dii bey ahayddee, haddana waxay wax ka weydiin nayaan bal midib keeda ha naloo sheego, oo maxaa ka galay midibka neefka lo’da ah, lo’ waa un lo’ ee bal may neef sac ah gowracaan?

.[شددوا فشدد الله عليهم]

Waaye, haa!

‘’ Wey isku adkeeyeen, markaas suu Alle na (swt) ku adkeeyay,’’

Sideedaba haddaad fatwa doon tahay oo in mas’ala lagaaga jawaabo aad doon neyso, haddii laguu cadeeyo waad la tagaa, isla markaba sidaad fahantay baa la fuliyaa, laakiin haddii aad sii qufqufto oo aad sii dawa gasho aad findhicisho, adiguna waa lagula findhicini meel xun bey kula geli marka sooma aha?

Marka iska fududee waxba ha isku adkeynin.

Aayada | 69aad

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {ادْعُ} Bari {لَنَا} anaga {رَبَّكَ} rabbi gaaga noo beri {يُبَيِّن} ha cadeeyee {لَّنَا} anaga {مَا} maxay buu {لَوْنُهَا} midab keedu ahaaday.

{قَالَ} Wuxuu yiri Nabi Muuse (sc) {إِنَّهُ} Alle (swt) {يَقُولُ} wuxuu leeyahay {إِنَّهَا} iyadu {بَقَرَةٌ} waa sac {صَفْرَاء} oo jaallo ah [haa midab keedu jaallo yahay] {فَاقِعٌ} uu barax la’ yahay {لَّوْنُهَا} midab keedu uu saafi yahay [wax barxan uu san jirin], {تَسُرُّ} oo farax gelineysa {النَّاظِرِينَ} kuwa fiiriya na farax gelineysa.

Haa yacni waxa weeye, wey ka farxin neysaa oo markaad isha saarto wey ku soo jiidan waad u riyaaqi weeye macnaha.

NO: 70 – الآية ٧٠

قَالُواْ ادْعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَ إِنَّ الْبَقَرَ تَشَابَهَ عَلَيْنَا وَإِنَّا إِن شَاء اللَّهُ لَمُهْتَدُونَ

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {ادْعُ} bari {لَنَا} anaga {رَبَّكَ} Rabbi gaa noo bari {يُبَيِّن} ha cadeeyee {لَّنَا} anaga {مَا} maxay bey {هِيَ} iyadu tahay….

Bal kadeed ka Nabi Muuse (cs) haysta arka!

Maxay tahay, maxay tahay bey la ak taagan yihiin…

{مَا} maxay bey {هِيَ} iyadu tahay.

Maxaa yeelay… {إِنَّ الْبَقَرَ} Lo’dii {تَشَابَهَ} waa isku darmaday {عَلَيْنَا} dusha nadee [waa isu kayna qaldamay, waa isku keena ekaaday ee bal hana loo sii cadeeyo] {وَإِنَّا} anaguna {إِن شَاء اللَّهُ} hadduu Alle (swt) doono {لَمُهْتَدُونَ} kuwa hanuuno beynu nahay…

NO: 71 – الآية ٧١

قَالَ إِنَّهُ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٌ لاَّ ذَلُولٌ تُثِيرُ الأَرْضَ وَلاَ تَسْقِي الْحَرْثَ مُسَلَّمَةٌ لاَّ شِيَةَ فِيهَا قَالُواْ الآنَ جِئْتَ بِالْحَقِّ فَذَبَحُوهَا وَمَا كَادُواْ يَفْعَلُونَ

{قَالَ} Wuxuu yiri Nabi Muuse (cs) {إِنَّهُ} Alle (swt) {يَقُولُ} wuxuu leeyahay {إِنَّهَا} iyadu {بَقَرَةٌ} waa neef lo’ {لاَّ ذَلُولٌ} mid leyliyad ma aha, taasoo {تُثِيرُ} fasha ama faagta ama qodda {الأَرْضَ} dhulka qodda {وَلاَ تَسْقِي} mid waraabisa ma aha {الْحَرْثَ} zarciga iyo beeraha mid waraabisa ma aha {مُسَلَّمَةٌ} waa mid nabad gasha {لاَّ شِيَةَ} wax bar ah male, iyo midab midaba deed qilaafsan na {فِيهَا} dhex deeda ma ahaanin.

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {الآنَ} hadda ayaad {جِئْتَ} la timid {بِالْحَقِّ} xaqqii, Xaqiiqada haddaad la timid, [xaqqiiqada aan rabnay haddaad keentay], {فَذَبَحُوهَا} wey goraceen, {وَمَا كَادُواْ} [wal xaal bey gowraceen], aysan sigin {يَفْعَلُونَ} iney sameeyaan.

Waxay yiraahdeen bal halanoo cadeeyo oo hala sii cadeeyo, midab keeda garanay iyo da’ deeda garanay laakiin weli waxaan u sii baahan nahay in bal la sii cadeeyo, maxaa yeelay lo’da midab keeduna uu yahay jaallaha, da’ deeduna ay dhex dhexaadka tahay wey fara badan tahay marka bal hala sii cadeeyo weli wey is kaana dhex jirtaa yee!

Waana hanuuni doonnaa bey dhaheen.

Xooggaa rajo ayey muujiyeen oo inaan macaagag nimada ku sii jireeno ma aha, weynu sameyn doonnaa bey dheheen, laakiin bal waxa hala cadeeyo

Wuxuu ku yiri Nabi Muuse (cs), Alle (swt) wuxuu idin leeyahay neefka lo’da ah mid leyliyad ma aha [ذَلُولٌ ka] waxaa la yiraahdaa neefka la leyliyay ee shaqada loo leyliyay, inuu shaqeeyo oo la rarto ama wax falo ama sheeqo loo leyliyo baa waxaa la yiraah (ذَلُولٌ) la yiraahdaa, saas weeye macnaha waa leyliyad.

Xoolaha baa laba ah;

  1. Midna Ilaahay siduu u abuuray weeye dushiisa lama taabto wuu daaqqaa waa la maalla markii la rabana waa la qashaa.
  2. Midna waa lagu adeegtaa ama wax buu falaa ama waa lagu dhaan sadaa ama waa la rartaa, [mid kaas baa (ذَلُولٌ) la dhahaa marka.]

Waa mid yacni leyliyad weeye.

Marka mid leyliyad ma aha oo dhulka fasha, dhulka laguma fasho oo ma faagto, mid beeraha waraabisa na ma aha oo biyo lagu soo dhaamiyo {مُسَلَّمَةٌ} weeyaan oo ceeb maleh meel yar iin kuma laha, waxaa loogu daray [bar na] malaha.

{شِيَةَ} waxaa la yiraahdaa; waa midabka qilaafsan midabka intiisa kale, meel yaro oo midabka inta kale qilaafsan waaye, marka bar mar haddii la yiri midab keedu waa jaalle midab kaa wax yar oo ka gedisan malaha saas weeye macnaha {لاَّ شِيَةَ فِيهَا}.

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {الآنَ جِئْتَ بِالْحَقِّ}

Intaa markii loo tilmaamay ayay yiraahdeen hadda ayaad xaqa la timid.

Hadda oo markii hore xaq ma sameynin miyaa, bal edeb dara dooda fiiri, markii hore ba xaq waa la yimid dee laakiin ayaga macagag nimad doodii iyo madax adeeg gooda iyo qalaf sanaan tooda un bey arrintu sidaa ku noqotay, sidaas weeye macnaha.

Wey sameeyeen oo wey gowraceen buu yiri rabbi (swt) markii sidaa loogu sharxay kadib ayaga oon sigin iney sameeyaan.

Meynaan sigin iney sameeyaan waxaa laga wadaa?

Yacni niman ku sida ay su’aalaha isu dawa dhigeen iyo kolba marka la cadeeyo ay sidaa dib ugu sii guran nayeen, waxay ba sigeen iney is kagaba tagaan, iney gowracaan ba iney faraha ka qaadan ayay qarka u saarnaayeen, iyadoo taas ay dhacday ayay dib ka gowraceen waaye macnaha, markii hore laakiin qarka waxay u istaageen ineysan gowracin, su’aalaha fara badan iyo madax adeeg gooda iyo macagag nima dooda, saas weeye macnaha.

Aayada | 70aad

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {ادْعُ} bari {لَنَا} anaga {رَبَّكَ} Rabbi gaa noo bari {يُبَيِّن} ha cadeeyee {لَّنَا} anaga {مَا} maxay bey {هِيَ} iyadu tahay. Maxaa yeelay… {إِنَّ الْبَقَرَ} Lo’dii {تَشَابَهَ} waa isku darmaday [oo waa isu ekaaday] {عَلَيْنَا} dusha nadee [waa isu kayna qaldamay, waa isku keena ekaaday ee bal hana loo sii cadeeyo] {وَإِنَّا} anaguna {إِن شَاء اللَّهُ} hadduu Alle (swt) doono {لَمُهْتَدُونَ} kuwa hanuuno beynu nahay…[oo jidka waanu ku dhici waanu sameyn doonnaa.]

Aayada | 71aad

{قَالَ} Wuxuu yiri Nabi Muuse (cs) {إِنَّهُ} Alle (swt) {يَقُولُ} wuxuu leeyahay {إِنَّهَا} iyadu {بَقَرَةٌ} waa neef lo’ ah [waa sac oo] {لاَّ ذَلُولٌ} mid leyliyad ma aha, taasoo {تُثِيرُ} fasha ama faagta ama qodda {الأَرْضَ} dhulka qodda {وَلاَ تَسْقِي} mid waraabisa ma aha {الْحَرْثَ} zarciga iyo beeraha mid waraabisa ma aha {مُسَلَّمَةٌ} waa mid nabad gasha [mid la nabad geliyay waaye oo ceyb oo dhan laga nabad geliyay, neef xoolo ah intuu dhameys tiran yahay bey dhameys tiran tahay] {لاَّ شِيَةَ} wax bar ah, iyo midab midaba deed qilaafsan na {فِيهَا} dhex deeda ma ahaanin [wax bar ah maleh].

{قَالُواْ} Waxay yiraahdeen {الآنَ} hadda ayaad {جِئْتَ} la timid {بِالْحَقِّ} Xaqiiqadii aan rabnay haddaad la timid, [haddaad tilmaan tii ku keentay], {فَذَبَحُوهَا} wey goraceen, {وَمَا كَادُواْ} [wal xaal bey gowraceen], {مَا كَادُواْ} aysan sigin {يَفْعَلُونَ} iney sameeyaan. [iney sameeyaan ba ayaga oon sigin oo ku sigtay ba iney iska daayaan ayeey gowraceen oo markii dambe ku kaceen oo ku dhaqaaqeen.] saas buu Alle (swt) leeyahay.

NO: 72 – الآية ٧٢

وَإِذْ قَتَلْتُمْ نَفْسًا فَادَّارَأْتُمْ فِيهَا وَاللَّهُ مُخْرِجٌ مَّا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ

Maadaama qisada la sheegay haddana sababta ay qisada ku timid baa dib laga sheegaa, luqada carabiga ee quraanka ku soo degay baa laba qaab baa la isticmaallaa.

  1. Shey markaad ka waram meysid inaad sababtii sheygan keentay marka hore aad horumariso kadibna sheygii ka dhashay oo qisada ahayd aad ka dambeyn siiso waa la isticmaallaa.
  2. Marna qisada iyo musabab ka arrinka qisadaa ka warama, qisadii markii laga waramo kadib dibna sababtii keentay baa laga dambeyn siiyaa.

Tani waa qaab kaan dambe bey ku socotaa, usluub kaan dambe oo sabab kii qisadan keentay baa dib laga sheegayaa, waa tan marka.

{وَإِذْ} Waqti xusa {قَتَلْتُمْ} aad disheen reer banii israa’iilow {نَفْسًا} naf markaad disheen {فَادَّارَأْتُمْ} oo aad isku qilaafteen {فِيهَا} dhex deeda {وَاللَّهُ} Alle na {مُخْرِجٌ} waa mid kii bixin naya {مَّا} sheyga {كُنتُمْ} aad tihiin {تَكْتُمُونَ} kuwa qarin naya.

NO: 73 – الآية ٧٣

فَقُلْنَا اضْرِبُوهُ بِبَعْضِهَا كَذَلِكَ يُحْيِي اللَّهُ الْمَوْتَى وَيُرِيكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ

{فَقُلْنَا} Markaasaa waxaanu niri {اضْرِبُوهُ} dhufta [meydka ku dhufta] {بِبَعْضِهَا} saccan qaarkii ku dhufta [sacca qaar kamid ah ku dhufta], {كَذَلِكَ} sidaas oo kale {يُحْيِي اللَّهُ} Ilaahay u nooleyn nayaa {الْمَوْتَى} kuwa dhintay [saas buu u nooleyn, siduu kaa u noolleeyay oo kale buu inta dhimatay u noolleyn]. {وَيُرِيكُمْ} wuu idin tusayaa {آيَاتِهِ} calaamooyin kii iyo astaamaha ku tusaaya awood diisa iyo khudrad diisa {لَعَلَّكُمْ} waxaad mudan tihiin {تَعْقِلُونَ} inaad caqli yeelataan oo wax garataan.

Waxaad xusuusataan markaad naf disheen oo nin idinka idin kamid ah oo reer banii israa’iil ah uu naf dilay, markuu dilay kadibna aad isku qabsateen oo aad isku khilaafteen.

{فَادَّارَأْتُمْ} [إخْتَلَفْتُمْ وَتَنَازَعْتُمْ].

[Tadaaru’a] asal kiisu waxaa la yiraahdaa iyo [der’iga] asal kiisu [defciga ayaa la yiraahdaa] riixidda ayaa la yiraahdaa….

Dara’a baa la yiraahdaa iyo dafaca.

Waxaa loo leeyahay sidaa labad ruux markay is qabsadaan oo ay murmaan soo isma riix riixaan? Haa marka sidaas daraadeed baa…

{فَادَّارَأْتُمْ} waad is riix riixdeen oo ninka dil kiisii baad isku riix riixdeen, war idinkaa dilay, may idinkaa dilay, waad is khilaafteen un baa laga wadaa, waad is khilaafteen oo dhiigii baad isku khilaafteen iyo ninka ciddii dishay, Alle na (swt) waxa aad qarin neysaan wuu soo saari.

Maxay qarin nayaan?

Gacan ku dhiiglihii, ninkii dilay bey qarin nayaan, wuu is qarin nayaa murankaba tanaa keenay, kaana Ilaahay wuu soo saari ma qarsoonnaan doono.

Markaas baan waxaan ku niri buu yiri Ilaahay (swt); neef kii aad gowracdeen qaar kamid ah meydka ku dhufta, sacca qaar kii meydka ku dhufta.

Qaar kaasi waa kee?

  • Ma lugta?
  • Ma bowdadaa?
  • Ma jeerigaa?
  • Ma madaxaa?

War keeda ley nama gashanin, quraan na ma sheegin sunno Nabi na ma sheegin, qeyb alla qeybtii lagu dhuftay na muhiimadii waa la helay sooma aha? Maxaa naga galay marka qeybta uu ahaa, qeyb un sacca kamid ah ku dhufta ayaa la yiri meyd kii, wey ku dhufteen oo meyd kii waa soo istaagay, waa noollaaday markaas buu sheegay oo cadeeyay uu yiri ninka i dilay waa hebel kaa inna hebel, qalaas so arrin tii laguma kala bixin.

Tayyib darsiga laga leeyahay waa kan marka. {كَذَلِكَ يُحْيِي اللَّهُ الْمَوْتَى}

Soo naf dhimatay oo iney dhimatay aad ogeydeen Ilaahay ma soo noolleynin? Oo hor tiina intey soo istaagtay ma hadlin? Haa waaye, ma muran baa marka ku jira markaad dhimataan kadib in uu Ilaahay aakharo idin soo noolleyn doono? Oo ma wax laga murmi karaa? Maya! Nafta suu u noolleeyay oo hadda idin muuqata buu inta dhimatay na Ilaahay (swt) u soo noolleyn doonnaa, saas weeyeen.

Li’ana waxa weeyaan niman kii Nabigaﷺ uu ka dhashay ee carabta ahaa ee diinta loo gudbin naayay ayaa waxay ka murin sanaayeen aakharo in la isa soo saari doono, oo markii la dhinto kadib baa la isa soo sari doonnaa? Maba dhici kartee bey dhihi jireen!

Waxaa la leeyahay marka reer banii israa’iil baa ninkaa hor tooda Ilaahay ku soo noolleeyay, Allaha soo noolleeyay sow awood uma laha markaad dhimataan kadib in uu idin soo noolleeyo? {كَذَلِكَ يُحْيِي اللَّهُ الْمَوْتَى} [عقيدة البعث والنشور] baa la taqriirin nayaa macnaha, saas weeye macnaha.

Dhowr meellood ilaa 5 meellood ayeyna aayada ku taqriirin doontaa mabda’aa isaga, dhowr miithaal oo kani kow ka yahay ayaa laga bixin doonnaa marka la dhinto kadib in Ilaahay dadka soo noolleyn doono macnaha, tusaaleyaal noocaas uu kani kamid yahay ba keeni.

Aayada | 72aad

{وَإِذْ} Waqti xusa {قَتَلْتُمْ} aad disheen reer banii israa’iilow {نَفْسًا} naf markaad disheen {فَادَّارَأْتُمْ} oo markaa aad isku riix riixdeen, isku khilaafteen {فِيهَا} nafta dil keeda aad isku khilaafteen {وَاللَّهُ} Alle na {مُخْرِجٌ} weeye mid kii soo bixin naya {مَّا} sheyga {كُنتُمْ} aad tihiin {تَكْتُمُونَ} kuwa qarin naya. […oo ninkaan kii dilay ah iyo dil kiisa ah banaanka ayaa la keeni, wax Ilaahay ka qarsoon ma aha Alle wuu muujin].

Aayada | 73aad

{فَقُلْنَا} Markaasaa waxaanu niri {اضْرِبُوهُ} dhufta [meydka ku dhufta] {بِبَعْضِهَا} neefka sacca qaarkii ku dhufta [sacca qaar kamid ah ku dhufta], wey ku dhufteen wuu noollaaday sooma aha?

{كَذَلِكَ} sida kaas u noollaaday oo kale ayuu {يُحْيِي اللَّهُ} Ilaahay u nooleyn nayaa {الْمَوْتَى} kuwa dhintay u noolleeyaa [ama adduunka ama aakharo] {وَيُرِيكُمْ} wuu idin tusayaa Alle (swt) [saas oo kale buu idin tusi] {آيَاتِهِ} calaamadahiis buu idin tusi.

Aayaadka maxay yihiin?

Waa astaamaha waaweeyn ee Ilaahay khudrad diis iyo awood diisa ku tusi, sooma aha? Haa awood Ilaahay uu leeyahay buu hor tooda ku tusay, aayad iyo calaamad weyn oo Ilaahay awood diisa ku tuseysa weeye macnaha oo tilmaammeysa waaye

{تَعْقِلُونَ لَعَلَّكُمْ} si aad u caqli yeelataan oo wax u garataan, oo wax u fahantaan ayaa sidaa loo yeelayaa waaye macnaha, ama {لَعَلَّكُمْ} waxaad mudan tihiin {تَعْقِلُونَ} inaad caqli yeelataan oo wax garataan.

NO: 74 – الآية ٧٤

ثُمَّ قَسَتْ قُلُوبُكُم مِّن بَعْدِ ذَلِكَ فَهِيَ كَالْحِجَارَةِ أَوْ أَشَدُّ قَسْوَةً وَإِنَّ مِنَ الْحِجَارَةِ لَمَا يَتَفَجَّرُ مِنْهُ الأَنْهَارُ وَإِنَّ مِنْهَا لَمَا يَشَّقَّقُ فَيَخْرُجُ مِنْهُ الْمَاء وَإِنَّ مِنْهَا لَمَا يَهْبِطُ مِنْ خَشْيَةِ اللَّهِ وَمَا اللَّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ

Reer banii Israa’iil aayado cadcad soo lama tusin?

Aayadahii cad caddaa markii la tusay kadib [mowqif] koodu muxuu ahaa?

{ثُمَّ} Markaa kadib {قَسَتْ} way engegtay {قُلُوبُكُم} quluub tiina ay engagtay {مِّن بَعْدِ ذَلِكَ} kaa gadaashiisa [aayaddaa iyo astaamahaa weyn ee la idin tusay kadib, quluub tiina waa engagtay] oo {فَهِيَ} iyada quluubtii {كَالْحِجَارَةِ} dhagaxaan oo kale waaye [xagga adeega iyo khalaf sanaanta], {أَوْ} amase {أَشَدُّ} weyba darnaan badan tahay [mid adeeg badan weeye quluubtii {قَسْوَةً} xagga engega iyada baa ka adeeg badan dhagaxyaanta].

{وَإِنَّ مِنَ الْحِجَارَةِ} dhagaxyaanta waxaa kamid ah {لَمَا} shey baa kamid ah {يَتَفَجَّرُ} uu burqan naayo {مِنْهُ} xaggiisa ay ka burqan naayaan {الأَنْهَارُ} webiyaasha ay ka burqan naayaan {وَإِنَّ مِنْهَا} dhagaxyaanta waxaa kamid ah {لَمَا} shey baa kamid ah {يَشَّقَّق} oo dildilaacayo, uu jeex jeexmayo oo {فَيَخْرُجُ} uu ka soo baxaayo {مِنْهُ} xaggiisa {الْمَاء} biyahu ay ka soo baxaayaan {وَإِنَّ مِنْهَا} dhagaxyaan tii waxaa kamid ah {لَمَا} shey baa kamid ah {يَهْبِطُ} hooban naayo oo dhacaayo meel sare ka soo dhacaaya {مِنْ خَشْيَةِ اللَّهِ} Ilaahay cabsi diisa daraadeed {وَمَا اللَّهُ} Alle na ma ahaanin {بِغَافِلٍ} mid moog {عَمَّا تَعْمَلُونَ} waxaad sameyn neysaan ma mooga.

Nimankii intaa la tusaaleeyay oo calaamaddahaa waaweey oo wax lagu qaato la tusay, oo intaas oo dhinac lagala hadlay oo wax laga tusaaleeyay nimankii iyaga ahaa qalbi adeeg un bey ka sii qaadeen.

Quluub tiinii baa engagtay oo adkaatay!

Qalbiga waa engagay oo wuu adkaaday waxaa la yiraahdaa:

Markii uu mowcidada iyo waanada iyo wax sheega ay waxba ka bedeli weyday.

Qalbi giina waa adkaaday, qalbiga weliba adeeg giisu wuxuu daran yahay markii intuu arkay xaqqii iyo xujad kii cad cadaa intuu arko markaa kadib uu hungado, haa waa geed biyo ku dhex engagay waaye, hadduu isaga oo jahli ku jiro, jahli dhexdii uu ku engago waa geed meel cidla ah ku engagay oo dhibic ku dhacday daruur buu ku sugayaa sooma aha?

Laakiin ba hadduu biyaha dhex dooda ku engagay oo xujaj kii iyo aayaad kii markuu arkay kadib uu engagay rajo miyaa laga qabaa inuu dib u qoyo?

Maya weeye macnaha.

Tusaale ayaa laga bixiyay sida ay quluub tooda u engagtay oo waxaa lagu tusaaleeyay, dhagaxyaanta bey lamid tahay ayaa la yiri, bal weyba ka adeeg badan tahay.

{أَوْ} da sideedaba waxaa laga wadaa; quluub qaar kamid ah iyagana, quluub tooda dhagaxyaanta bey lamid tahay, qaarna weyba ka sii adag tahay ka sii qalafsan tahay dhagaxyaanta saa ka dhig oo laba nooc ka dhig.

Ama {أَوْ} da waxaa tiraahdaa bi macnaa {} weeye oo yacni ama bi macnaa bal dheh kolba kaad doontaa {أَوْ} da marin kartaa, laakiin marnaba shaki ma ahan, Ilaahay inuu shakisan yahay quluub tooda ma dhagaxyaanta ayey lamid tahay mise wey ka adag tahay, ma shakisna Ilaahay (swt), laakiin {أَوْ} du macaani fara badan bey leedahay oo macnahaa loo isticmaalaa.

Tayyib dhagaxyaantii baa marka la inoo sheegi, sida ay quluub tooda uga jilicsan tahay, dhagaxyaanta qaar waxaa kamid ah intey ka burqan nayaan webiyaasha ay ka soo burqadaan, ilaha durdurka ah dhagaxyaan bey ka soo burqadaan oo buuro bey ka yimaadaan biyahaa ka yimid waa ilmo uu dhagaxaa ilmeyn nayo, oohin weeye Ilaahay (swt) dartii u ilmeyn nayo cabsi Ilaahay buu la oohayaa.

Qaar kamid ahna intey dildilaacaan bey biyo ka soo boodayaan waa cabsi Ilaahay iyaguna.

Qaar dhagaxyaanta kamid ahna meel sare ayuu saaran yahay buur dusheeda asaga oo saaran buu halkaa ka soo dhacaayaa, muxuu saa u yeellayaa? Cabsi Ilaahay buu halkaa uga soo dhacaayaa.

Laakiin quluub tiina wax isbedel waa laga la’ yahay! Saas weeye macnaha.

Marka dhagaxyaanta iney Ilaahay ka cabsato xaqiiqo weeye, sidaa in loo daayo ayaa na sax ah, dhagaxyaanta Ilaahay wey ka cabsadaan xaqiiqo na weeye iney Ilaahay ka cabsadaan [jamaadaad] kaasi Ilaahay iney ka cabsadaan.

{تُسَبِّحُ لَهُ السَّمَاوَاتُ السَّبْعُ وَالْأَرْضُ وَمَنْ فِيهِنَّ وَإِنْ مِنْ شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَكِنْ لَا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا}

[Suuradda (17aad) al-Israa, 44]

Maqluuqaad kaan aad arkeysaan kuli gooda Ilaahay bey u tasbiixsan nayaan;

Buuraha iyo Dhulalka Iyo meel walba laakiin ma fahmeysaan.

Sow Nabigaﷺ ma oran:

Waxaan garan nayaa dhagax ila hadli jiray baan garan nayaa buu yiri Nabigaﷺ, buurta Uxud na waa kii Nabigaﷺ dhihi jiray waa buur na jecel anaguna aan jecel nahay sooma aha?

Marka dhagaxyaan taan aad arkeysaan la dhihi maayo macnaha in la leexiyo ma ehee in loo daayo weeye Ilaahay (swt) iney ka cabsadaan. Laakiin sideey uga cabsadaan ma fahmi kareyno, laakiin wey ka cabsadaan Rabbi (swt) saas weeyaan.

{لَوْ أَنزَلْنَا هَذَا الْقُرْآنَ عَلَى جَبَلٍ لَّرَأَيْتَهُ خَاشِعًا مُّتَصَدِّعًا مِّنْ خَشْيَةِ اللَّهِ وَتِلْكَ الأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ}

[Suuradda (59aad) al-Xashar, 21]

‘’Quraan kaan haddii buur lagu soo dejin lahaa, ayada oo dildilaacaysa Ilaahay cabsidii baad arki lahayd [quraanka culeyska uu leeyahay macnaha].’’

Sidaas weeye! Marka dhagaxyaanta Ilaahay bey ka cabsadaan, bani aadamka kuwa qalbi gooda engagay oo quluub tooda qalaftay na, dhagaxyaantu wey dhaamaan saas weeye macnaha.

Aayada | 74aad

{ثُمَّ} Markaa kadib {قَسَتْ} way engegtay {قُلُوبُكُم} quluub tiina way engagtay {مِّن بَعْدِ ذَلِكَ} kaa gadaashiisa oo {فَهِيَ} iyadu quluubtii {كَالْحِجَارَةِ} dhagaxyaanta oo kale waaye [dhagaxyaanta bey lamid tahay xagga adeega iyo khalaf sanaanta, kuwa waa kuwaas oo dhagaxyaanta bey lamid yihiin], {أَوْ} amase {أَشَدُّ} wey ka adeeg badan yihiin [dhagaxyaanta] {قَسْوَةً} xagga engega.

Qaarna waa ka sii adag yihiin oo waa ka qalafsan yihiin dhagaxyaanta

{وَإِنَّ مِنَ الْحِجَارَةِ} dhagaxyaanta waxaa kamid ah {لَمَا} shey baa kamid ah {يَتَفَجَّرُ} uu burqan naayo {مِنْهُ} xaggiisa {الأَنْهَارُ} webiyaasha ay ka burqan naayaan {وَإِنَّ مِنْهَا} waxaa kamid ah dhagaxyaanta {لَمَا} shey baa kamid ah {يَشَّقَّق} dildilaacaya {فَيَخْرُجُ} uu ka soo baxaayo {مِنْهُ} xaggiisa {الْمَاء} biyahu ay ka soo baxaayaan.

  • Ta hore iyo tan waa kala gedissan tahay oo midna waa webi iyo il durdur ah baa ka imaan neysa.
  • Midna intuu kala dilaaco un baa biyo markaa aan socon ka soo baxaaya, saas weeye macnaha, biyo ayaa ka soo boodayo macnaha.

{وَإِنَّ مِنْهَا} dhagaxyaan tii waxaa kamid ah {لَمَا} shey baa kamid ah {يَهْبِطُ} hooban naayo oo dhacaayo meel sare ka soo dhacaaya {مِنْ خَشْيَةِ اللَّهِ} Ilaahay cabsi diisa daraadeed {وَمَا اللَّهُ} Alle na ma ahaanin {بِغَافِلٍ} mid moog {عَمَّا تَعْمَلُونَ} waxaad sameyn neysaan ma mooga.

Sow Ilaahay (swt) mu’miniinta ugama digin iney sidaa reer banii Israa’iil quluub tooda u qalaftay oo ay u engagtay iney quluub teena u engagto.

أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَنْ تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ الْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا كَالَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِنْ قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ الْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ

[Suuradda (57aad) al-Xadiid, 16]

Sidey quluub tooda u engagtay oo kale idinkana quluub tiina yeyna u engagin, ee mu’miniintow Ilaahay waana diisa iyo wacdi giisa u jilca.

Ciqaab adoonka la ciqaabo quluubta qalbi giisa oo khayrka laga engajiyo baa ugu daran, oo waanadii iyo diintii iyo quraan kii iyo axaadiis tii iyo hanjabaaddii iyo balan qaad kii waxba kaa qaban waayaan oo meeshaadii inaad taag naato, yacni waxa weeye waa dhaqanka Yuhuuda uu Ilaahay (swt) ku sheegay.

NO: 75 – الآية ٧٥

أَفَتَطْمَعُونَ أَن يُؤْمِنُواْ لَكُمْ وَقَدْ كَانَ فَرِيقٌ مِّنْهُمْ يَسْمَعُونَ كَلامَ اللَّهِ ثُمَّ يُحَرِّفُونَهُ مِن بَعْدِ مَا عَقَلُوهُ وَهُمْ يَعْلَمُونَ

{أَفَتَطْمَعُونَ} Ma waxaad damceysaan {أَن يُؤْمِنُواْ} iney rumeeyaan {لَكُمْ} idinka.

Hunguri ma wuxuu idin kaga jiraa inay idinka rumeystaan?

Wal xaal {وَقَدْ كَانَ} ay ahaayeen {فَرِيقٌ} koox {مِّنْهُمْ} oo ayaga kamid ah {يَسْمَعُونَ} kuwa maqla {كَلامَ اللَّهِ} Ilaahay hadal kiisa [Towreed] {ثُمَّ} kadibna {يُحَرِّفُونَهُ} wey leexin nayaan [wey doorin nayaan oo wey bedellayaan], {مِن بَعْدِ مَا عَقَلُوهُ} markay fahmeen kadib, {وَ} wal xaal bey bedellayeen {وَهُمْ} iyaga {يَعْلَمُونَ} ay og yihiin qalad kooda, [iyo ciqaabta ka dhalan neysa ba].

Tani waxa weeye…

Nabigaﷺ iyo saxaaba diisa baa aad waxay isku taxalujin jireen oo ay isku dhibi jireen in ay Yahuuda iyo reer banii israa’iil ka la degan iney diinta qaataan oo ay Nabigaﷺ raacaan, markaas ayaa Ilaahay (swt) wuxuu ku leeyahay waxba taas ha isku dhibinna ma waxay idinla tahay oo hunguri idin kaga jiraa iyo damac iney idin rumeyn nayaan oo ay idinka rumeysan nayaan oo xaqa idinla qaadan nayaan, iyada oo koox ayaga kamid ah Ilaahay hadal kiisii intey maqlaan [waa Towreed], hadal kii Ilaahay iyo kitaab koodii Towreed ku soo arooray intey maqleen, markay maqleen hadalka Ilaahay, hadal Ilaahay inuu yahay na ogg yihiin bey bedeli jireen.

Seey u bedellayaan?

Laba mid:

{يُحَرِّفُونَ الْكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِ} [Suuradda (4aad) an-Nisaa, 46]

Meeshaan xaraf kii ku yaalay intey ka saaraan bey xaraf ay jeeb kooda kala yimaadeen bey soo gelin jireen.

Taasi waa [taxriifka lafdiga] la yiraah.

Lafdigii meesha ku qornaa bey bedellayaan ee Towreed bey meesha ka saarayaan lafdigii. Taxriifka labaad na waa [taxriif macnawiga] ah oo macnihii Ilaahay ula jeeday ayaa intey ka leexiyaan bey macno ayaga jeeb kooda ay kala yimaadeen oo dana hooda u adeeg gaya bey dadka ugu fasari jireen, sidaan buu Ilaahay ula jeeddaa bey dhihi jireen, kii Ilaahay ula jeeday na wey garan nayaan laakiin wey ka leexin nayaan macnaha.

Marka iyaga oo hadalka Ilaahay intey maqleen ooy og yihiin inuu hadalka Ilaahay yahay haddana ay u bareereen hadalka Ilaahay iney bedelaan, miyaad idinka hadda hunguri idin kaga jiraa? Ma niman kaasaa hadda ka sugeysaan oo hunguri idin kaga jiraa iyo damac iney idin rumeeyaan.

Ma kuwaas ayaa hunguri idin kaga jiraa? Maya weeye.

Hadal kii Ilaahay oo ay maqleen bey tixgelin lahaayeen hadday wax un tixgelin lahaayeen, marka ha is lug goynina waaye macnaha. Wixii aad gaarsiin kartaan gaarsiiya, laakiin niman hadal kii Ilaahay fahmeen gatay ee bedelay hunguri yuusan idinka gelin iney idin raacaa weeye macnaha.

Saas daraadeed qoysas kii yahuudeed ee deganaa magaalada Madiina…

  • Reer bani khureyda iyo
  • Bani kheynu qaac iyo
  • Banu nadiir.

Afraad yar baa Nabigaﷺ ka rumeysay oo aad u yar.

Kheybar iyo yahuudii deganeyd na ayadana waxa weeyaan sidoo kale, kuli marka aad isku darto waa tiro aad u yar waxa Nabi Muxammadﷺ raacay saas weeye macnaha. Maxaa yeelay nimanka habar bey qabeen oo aayadahii Ilaahay iyo kitaab kii Towreed ahaa bey hore u soo liqeen oo ay soo taxriifiyeen macnaha, kuwaasi rajo maleh marka.

Aayada | 75aad

{أَفَتَطْمَعُونَ} Ma waxaad damceysaan ood hunguri yeyneysaan {أَن يُؤْمِنُواْ} iney rumeeyaan {لَكُمْ} idinka. Wal xaal {وَقَدْ كَانَ} ay ahaayeen {فَرِيقٌ} koox {مِّنْهُمْ} oo ayaga kamid ah {يَسْمَعُونَ} kuwa maqla [culima dooda weeye] {كَلامَ اللَّهِ} Ilaahay hadal kiisa.

Ilaahay hadal kiis bey maqli jireen, hadal kaasi waa kitaab kii Towreed ahaa hadalkii ku yaalay, oo xalaashiisii intey bedelaan bey xaaraan u bedeleen, xaaraan tiisii na xalaal bey u bedeleen.

Tilmaamihii Nabi Muxammad ee ku taalay Towreed na wey bedeleen oo wey dooriyeen, ha dooriyeenee ilaa iyo hadda Towreed kan [muxaraf ka ah] ee ay haystaan weli waxaa [baaqi] ku sii ah aayaad ku tusaaya Nabi Muxammadﷺ soo bixitaan kiisa, iney ka qarsoontay baa laga yaabaa, wa ilaa haddey og yihiin wey bedeli lahaayeen, laakiin tan ay hadda hayaan oo la bedelay laf teeda waxaa laga helayaa aayado tilmaamaya Nabi Muxammadﷺ inuu Makka ka soo bixi doono, rasuul Ilaahay na uu yahay, tan ay hadda hayaan lafteeda bey ku taalaa macnaha.

Marka wey bedeleen oo wax yaalaha ay bedeleen bey kamid ahayd, laakiin wax baa weli baaqi ku noqday oo macnaha dadka intooda badan ay garan neynin.

{ثُمَّ} kadibna {يُحَرِّفُونَهُ} wey doorin nayaan oo wey bedellayaan hadal kii Ilaahay, {مِن بَعْدِ مَا عَقَلُوهُ} markay fahmeen kadib.

Hadday kaa noqoto oo adoo wax hagaaji is leh ay kaa xumaato iyo adoo fahmay oo haddana kas u dawa martay soo ma kala aha?

{مِن بَعْدِ مَا عَقَلُوهُ} markay fahmeen kadib ayey bedeleen, {وَ} wal xaal bey saa u galeen {هُمْ} iyaga {يَعْلَمُونَ} ay og yihiin qalad kooda, [iyo ciqaabta ka dhalan doonta ayaa la og yahay, iyaga oo is og bey u bareereen].

NO: 76 – ٧٦ الآية

وَإِذَا لَقُواْ الَّذِينَ آمَنُواْ قَالُواْ آمَنَّا وَإِذَا خَلاَ بَعْضُهُمْ إِلَىَ بَعْضٍ قَالُواْ أَتُحَدِّثُونَهُم بِمَا فَتَحَ اللَّهُ عَلَيْكُمْ لِيُحَاجُّوكُم بِهِ عِندَ رَبِّكُمْ أَفَلاَ تَعْقِلُونَ

{وَإِذَا} Goortii {لَقُواْ} ay la kulmaan {الَّذِينَ} kuwii hadday la kulmaan {آمَنُواْ} rumeeyay {قَالُواْ} waxay oran nayaan {آمَنَّا} waan rumeynay {وَإِذَا} goortii {خَلاَ} uu gooni noqdo {بَعْضُهُمْ} qaar kood {إِلَىَ بَعْضٍ} qaarka kale markuu la gooni noqdo na {قَالُواْ} waxay oran nayaan {أَتُحَدِّثُونَهُم} war miyaad u waram meysaan [kuwaan aad u tagteen ee mu’miniinta ah miyaad u waram meysaan] {بِمَا} shey miyaad u waram meysaan {فَتَحَ اللَّهُ} Alle uu furay {عَلَيْكُمْ} dushiina [wixii Ilaahay idin furay maxaad ugu waram meysaan]. {لِيُحَاجُّوكُم بِهِ} si ay idiin xujeyaan {بِهِ} isaga idinku xujeyaan oo idinka gar helaan, {عِندَ رَبِّكُمْ} Rabbi giina ak tiisa {أَفَلاَ تَعْقِلُونَ} miyaydaan caqli lahayn.

Waxay ka hadleysaan aayadan, ahlu kitaabka ayaa laba ah reer banii Israa’iil;

  1. Koox na, koox gaal nimo dooda iyo diida dooda Nabiga ay diideen cadeystay waaye
  2. Koox na munaafiqiin bey ahaayeen.

Waxaa la yiraahdaa kooxdan [munaafiqii ahli kitaab] baa la dhahaa, ahli kitaabka munaafiqiin tooda weeye, Yahuud wey yihiin laakiin iimaan bey haddana [], marka waa munaafiqiin horaan na ahlu kitaab bey u ahaayeen, qolo daas ayaa marka laga hadlaayaa oo qolo daas baa mu’miniinta u imaan nayaa, mu’miniinta markey u yimaadaan waxay leeyihiin;

  • Waanu rumeeynay
  • Nabi Muxammad na inuu nabi yahay waan rumeynay
  • Kitaab kiina inuu kitaab xaq ah yahay waan ogollaanay.

Saas ayay oran nayaan.

Qolo dooda kale markey u noqdaan oo yuhuudi nima dooda iska cadeystay iyo gaal nima dooda, kuwii markay ku noqdaan baa la qabsan kuwaan waxaana lagu oran [waryaara] war niman kan maxaad ugu sheegteen wixii Ilaahay idiin furay?

… oo muxuu yahay waxa Ilaahay idiin furay?

Nabi Maxammad inuu nabi yahay, kitaabka uu la imaan doono inuu xaq yahay, wax Ilaahay hore idinku furay oo Towreed uu ku soo dejiyay bey ahayd sooma aha?

Idinka keligiin baa la idin furay oo taa ogaa, haddaad sir taa ogeydeen maxaad nimanka ugu gudbiseen oo aad ugu sheegteen wixii Ilaahay idiin furay, si ay idinku xujjeeyaan oo ay idiinka gar helaan, maxaa yeelay hadday ogaadeen muslimiin tii iyo carab tii hadday ogaadeen Towreed iney ku taalay Nabi Muxammad inuu imaan doono oo rasuul xaqa inuu yahay kitaabka uu la imaan doona na uu xaqa yahay hadday ogaadeen Yahuud na ay ka ogaadeen sow loo xujeysan maayo oo la dhihi maayo; war idin kii ba leh rasuul weeye kitaab naga buu ku yaalee maxaad u diidan tihiin?

Sow taa la oran maayo?

War nimanka garta ha inaga siinina, wax berito ay naga gar helaan ha u sheegin na, sir taani ha qarsoon naato maxaad ugu sheegeysaan bey leeyihiin, ma iney naga gar helaan oo xujada inaga helaan baad doon neysaan? Ya yeelina bey leeyihiin oo miyeydaan caqli lahayn. Wixiiba berito adiga lagaaga gar helaayay inaad sheegto oo nin kii aad is hayseen u sheegto beri na aad hubto inuu kugu xujeyn doono, dee waa caqli daro sooma aha?

{أَفَلاَ تَعْقِلُونَ} miyaydaan caqli lahayn.

Wax wax garan naaya miyeydaan eheen bey ku leeyihiin iyaga dhex dooda baa is haysta marka sidaas waaye.

{بِمَا فَتَحَ اللَّهُ عَلَيْكُمْ} Laba macno ba waa lagu fasiraa.

Mid weeye wixii Ilaahay idin furay oo taa hadda aan niri ah, Towreed wixii ku yaalay oo Ilaahay idin furay maxaad ugu sheegeysaan niman kan Nabi Maxammedﷺ raacsan, si ay idinku xujeystaan taa waa mid sax ah.

Waxaa kale oo lagu fasiraa wixii Ilaahay idinku xukumay li’ana {فَتَحَ} bi macnaa [قضي و حكم] waa la yiraahdaa wuxuu Ilaahay idinku xukumay hadda kahor oo ciqaab ah maxaad ugu sheegeysaan nimankan.

Oo waxay noqon neysaa, waxay u sheegeen mu’miniinta in hadda kahor awoow yadooda Ilaahay inta sababood uu ku ciqaabay, oo intaas oo cadaab la mariyay, markay u sheegeen bey waxay yiraahdeen; war niman kiinaa sharafta sheegan naaya oo magaca sheegan naaya ileyn waxaad tihiin balaayo oo awoow yadiina baa balaayo qab ahaa weligiina.

Marka waa lagu dhaleeceeyay, marka waxay leeyihiin war niman kan wixii Ilaahay idinku ciqaabay hadda kahor ee idinku xukumay awoow yadiin ku xukumay maxaad ugu sheegeysaan, sidey idinku xujeystaan oo berito idinku yiraahdaan; (wariyaara sharaf baaba sheegan neysaan ileyn dad ba ma tihiin ba.) saan la idin oran maxaad saa u leedihiin.

Taana waa suurto gal oo tafsiir kale oo…

[فتح عليكم] bi macnaa [قضي و حكم] oo markaa sheyga lagu xukumay iyo wuxuu noqon nayaa cuquubada kii la mariyay. [فتح] haddey na ka dhigno furid na waxay noqon neysaa wixii macluumaad kii Towreed ku yaalay oo Ilaahay (swt) u faray, ummada na risaala deeda calaaqaad la lahaa saas weeye macnaha.

Aayada | 76aad

{وَإِذَا} Goortii {لَقُواْ} ay la kulmaan {الَّذِينَ} kuwa {آمَنُواْ} rumeeyay markay la kulmaan.

Dadka ahlu iimaanka ah markay la kulmaan munaafiqiin tii ahlu kitaabku ahaa…

{قَالُواْ} waxay oran nayaan {آمَنَّا} waan rumeynay.

Waxaad rumeysan tihiin baan rumeynay.

{وَإِذَا} goortii {خَلاَ} uu gooni noqdo {بَعْضُهُمْ} qaar kood {إِلَىَ بَعْضٍ} qaarka kale.

Riwaayaadka qaar kood waxay leeyihiin, culimada tafsiirka qaar kood waxay sheegayaan; waxay yiraahdaan Nabi Muxammad inuu nabi yahay waan qirsan nahay, oo la yiraahdo dee maad raacdaan? Baa waxay oran nayaan, anaga nabi nooma aha laakiin carabta buu qaas ku yahay. Inta ay marka leeyihiin [maxaad sirta ugu sheegeysaan na intaa weeye], qaar baa culimada saa ku fasirayaa.

{وَإِذَا} Goortii {لَقُواْ} ay la kulmaan {الَّذِينَ} kuwa {آمَنُواْ} rumeeyay {قَالُواْ} waxay oran nayaan {آمَنَّا} waan rumeynay. {وَإِذَا} goortii {خَلاَ} uu gooni noqdo {بَعْضُهُمْ} qaar kood {إِلَىَ بَعْضٍ}

qaarka kale uu u gooni noqdo oo ay isla cidloobaan {قَالُواْ} waxay oran nayaan [kuwii gaal nima dooda cadeystay ee aan iyagu munaafaqeynin, kuwaa ayaa waxay oran nayaan kuwii kale ayay la hadlaayaan], {أَتُحَدِّثُونَهُم} war ma u waram meysaan mu’miniinta [adbaacda] Nabi Muxammad miyaad u waram meysaan {بِمَا} shey miyaad u waram meysaan {فَتَحَ اللَّهُ} Alle uu furay {عَلَيْكُمْ} dushiina.

Oo macluumaad kii la idin siiyay oo Towreed ku yaalay idinka keligiin ood ogeydeen.

{لِيُحَاجُّوكُم} si ay xujada idinka helaan oo idinka gar helaan, {بِهِ} isaga kaas idinka gar helaan {بِهِ} kaasi ay idinla xujeytamaan oo aad u sheegteen {عِندَ رَبِّكُمْ} Rabbi giina ak tiisa {أَفَلاَ تَعْقِلُونَ} miyaydaan caqli lahayn ood wax garan neynin maxaad isu xujeyn neysaan ood xuja diina iyo sir tiina dadka ugu sheegeysaan, saas ayay oran nayaan.

NO: 77 – الآية ٧٧

أَوَلاَ يَعْلَمُونَ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ

{أَوَلاَ يَعْلَمُونَ} Miyaynaan ogeyn {أَنَّ اللَّهَ} Alle {يَعْلَمُ} inuu og yahay {مَا يُسِرُّونَ} waxay qarsan nayaan, {وَمَا} iyo sheyga {وَمَا يُعْلِنُونَ} ay muujisan nayaan.

Hadday kuwaan wax ka qariyeen, ma Ilaahay (swt) bey wax ka qarin?

Miyaynaan ogeyn hadday wax qariyaan Ilaahay iney san waxba ka qarsoon neyn?

Aayada | 77aad

{أَوَلاَ يَعْلَمُونَ} Miyaynaan ogeyn {أَنَّ اللَّهَ} Alle {يَعْلَمُ} inuu og yahay {مَا يُسِرُّونَ} waxay qarsan nayaan, {وَمَا} iyo sheyga {وَمَا يُعْلِنُونَ} ay muujisan nayaan.

(والله أعلم)

Surat al-Baqarah
{ سورة البقرة }

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan qiimaha badan oo inoo soo jeediyay sheekheena aanu jecel nahay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido).

Fadlan wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

”Dhamaan dadka ka soo shaqeeyay khayrka iyo Sheekheena aan jecel nahay, Sheekh Maxamed Cabdi Umul waxaan leeyahay…”

.(والله أعلم)

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan Tafsiirka Quraanka Kariimka ee uu inoo soo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido). Dersiga wuu sii socdaa waxaan na soo diyaarin doonnaa dersiga xigga hadduu Ilaahay (swt) inoo fududeeyo In Shaa Allaahu Tacaalaa. Waxaan ka codsan neynaa dhamaan ummadda Islaamka ee walaalaheena ah meel kasta ay ka jooggaan dunnida in ay inoo soo duceeyaan in uu Ilaahay inoo fududeeyo qoraaladan qiimaha badan oo ah (Kalaamka) Ilaahay na  (swt) oo ay culimadeena ina faham siin neysa Ilaahay iyagana ha xafido cimri gooda na Ilaahay ha barakeeyo oo ha dheereeyo, Aamiin.

Fadlan halkaan ka sii akhriso qaybta xigta….

Suuradda al-Baqaraha | Qaybta 6aad

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Email: wajibad@gmail.com

Advertisements