Shan Ka Faa’idayso
Intaan Shani Kugu Iman

Waxaana soo diyaariya:
Xasan Xuseen
Waxaana Tafatira Kayse A. Digaale.”

Walaalkayga muslinka ahow waxaan ognahay inaynu muslim ahayn mudo ka badan 14 qarni, oo aynu suubanaha Rasuulkeenii ka dhaxalnay kitaabka (Quraanka Kariimka) ah oo kalaamkii Ilaahay iyo sunnaha Rasuul keennii Nabi Muxammad, sida ku cad axaadiista Rasuulkaﷺ ee inoo dardaarmay, asaga oo leh…

’Waxaan idiinka tagay labada aamusan ee raaca kuwaasoo ah Kitaabka Quraanka ah iyo Sunahayga.’’

Sidaas awgeed walaal kayga muslinka ahow waxaan kugu xasuusinayaa qormadaydan inaad isku Ilaawin adduunyada Ilaahay (swt) inoo cadeeyay in laga guurayo, inaguna aynu indhaheena ku aragnay inay run tahay, maadaama aynu garanayno in badan oo shalay noolayd aanay maanta aduunka joogin ee ay dhimatay ee miyaanay ahayn inaad u sahay qaadato qabriga madow ee la galayo iyo imtixaanka qabriga ka bilaabmaya ee dhibta badan ilaa qiyaamahana taagan sida ilaahay quraanka inoogu sheegayo isagoo leh:

‘’Sahay qaata waxaad sahay u qaadataana waxa u gu khayr badan cabsida ilaahay.’’

Walaal ma ogtahay in qabrigu maydka la hadlo marka lasoo duldhigo isaga oo odhanaya (Ina aadamow maanta ku soo dhowoow waxaad soo hormarsatay, marka la aaso ee lagaga dareerana wuxuu ku yidhaahdaa Maydka (dadkii way ku aasseen, waanay kaa tageen waxna kuuma ay qaban, adduunyadii maal badan ayaad ku ururisay, waxaanad uga soo tagtay cid kale oo aan abaal kuugu qabin, xasannaadka ay xoolahaa ku sameeyaana miisaan kooda ayaa loo saarayaa, qiyaamahana adigaa lagu su’aalayaa meeshaad ka keentay iyo meeshaad ku bixisay.

Hadaba walaal dhibaatada qabriga iyo qiyaamaha taala si aad ugu diyaar garowdo uguna saad qaadato xusuusnow xadiiska Rusuulka uu inagula dardaarmayo wuxuuna yidhi:

‘’Shan ka faaiidayso intaanay shani kugu iman.’’

  1. Shabaabnimada ka faa’idaysi, intaa gabow kugu iman.
  2. Caafimaadka ka faa’idayso, intaanad bukoon.
  3. Qaninimadaada ka faa’idayso, intaan fakhri kugu iman.
  4. Firaaqadaada ka faaiidayso, intaadan mashquulin.
  5. Noloshaada ka faa’idayso intaanad dhiman.

Su’aasha iyo
Ciqaabta Qabriga

(Subxaan Allah! Allow Naga Badbaadi!).

Walaalayaal waxay inoo maraysay ayada oo maydkii qabriga la soo duldhigay, oo qabrigii maydkii la hadlayo, haddaba hawsha adag ee taalaa qabriga waxay ka bilaabantaa laba malag oo lakala yidhaahdo (Munkar iyo Wanakiir), oo Ilaahay u wakiishay inay qofka dhintay su’aalo waydiiyaan.

Qofkii intaanu dhiman xadhiga Ilaahay haystay ee cibaadaysan jiray iyo qofkii xadhiga Ilaahay gooyay ama faasiqa ahaa ee aan cibaadaysan jirin midba suurad ama muuqqaal gooni ah ugu imaan nayaan.

Bal aynu ku horayno qofkii adduunyada ku xumaa iyo ciqaabta qabriga uu kala kulmayo, walaal qofka xun marka dadkii aasay ka noqdaan, asagoo sanqadhii sii maqlaya ayay labadii Malag oo aad u foolxun oo dubayaal naar ah wata u imaan nayaan, markiiba waxa uu ka argagaxayaa muuqqaal kooda, ka dibna waxay waydiinayaan su’aalahan soo socda…

  1. Ilaahaagu waa kuma?
  2. Nabigaagu waa kuma?
  3. Diintaadu waa kuma?

Ka dibna Jawaabtii wanaagsanayd Ilaahay ma waafijinayo, wuxuuna ku jawaabayaa:

Aah, aah.

Kadibna markuu xaqqii garan waayo ayay sawirkii Nabigeena tusayaan oo ay odhannayaan markaad dunida joogtay ninkan maxaad odhan jirtay.

Markaasuu odhanayaa dadkuun baan ka maqli jiraye aqoon uma lihi, markaasay intay habaaraan dubayaashii naarta ahaa la dhacayaan.

Markay ka tagaan ayaa Ilaahay daaqad naarta jahanaba ka mid ah u furayaa, waxaana lagu salidayaa mas qoorta geela le’eg oo la yidhaahdo “Geesigii galaalaa” iyo Dib qaloocyo Lo’da iyo Adhiga lale’eg kuwaasoo cunaya ilaa qiyaamaha, qabriga waa lagu cidhiidhyaa ilaa feedhihiisu is dhaafaan, waana lagu madoobeeyaa ilaa qiyaamahana sidaas ayaa lagu ciqaabayaa.

Haddaba walaalayaal ciqaabahaas iyo qaar ka sii daranba waxa lagu mutaystaa adigoo adduunyada daacad u noqda, Aakhirana iska ilaawa.

Bal eeg xadiiskan Rasuulkeena ee tilmaamaya qiimaha adduunyada waxaanu yidhi Nabigeenu:

  • Aduunyada waxa la dhadhamiyo waxa ugu macaan Malabka, asal kiisuna waa matag makhluuqa Shinnida.
  • Wax lacabo waxa ugu macaan oo ugu fiican caanaha, waxayna ka soo miirmaan Uus iyo Dhiig dhaxdooda.
  • Wax la xidho (Maro) waxa ugu qiimo badan oo ugu fiican Xariirta, waxaana laga sameeyaa Saxaro Makhluuq Dirta.
  • Wax lagu raaxaysto waxa ugu qaalisan oo ugu fiican isutaga Raga iyo Dumarka, hawshaasina waa kaadi mareen, kaadi mareen la saaray.

Walaal qiimaha Adduunyadu waa kaas ee yaanay ku jiidan oo dhalanteed keedu kala tegin.

Maxaa ka dambeeya
Ciqaabta Qabriga

Walaal waxaynu soo sheegnay ciqaabta qabriga ku hesha qofka xun ee aan ilaahay ku xidhnayn. Ilaahay (swt) haynaga nabad galiyee Ciqaab tiisa aduunka, qabriga iyo qiyaamaha. Walaal akhristow waxaynu is xasuusin naynaa dhibaatooyinka ka dambeeya qabriga ilaa xukunka kala saarka (Jin iyo Insiba) loo kala saaro ahlu janno iyo ahlu naar.

Hadaba marka la afuufo suurka labaad waxa dhamaan soo noolaanaya makhluuqii dhintay, waxaana qabuuraha ka soo baxaya dadkii dhintay oo la wareersan wixii dhacay iyo dhawaaqii suurka ee la afuufay, ka dibna qofwaliba wuxuu maqlayaa dhawaaq dheer oo loogu yeedhayo inay yimaadaan goobta banaan ee ilaahay makhluuqa ku xisaabinayo.

Waxaase ka sokeeya jidka (Siraad) ee aynu maqalnay oo ah dariiq dheer oo seef ka afbadan, kaadi Dibi socon nayana ka qalqaloocan oo naarta jahanama dul mara, jidka siraad hareera hiisa waxaa ka laalada biro u eg biraha hilibka kawaanka yaala la sudh sudho ee afka godan oo la yidhaahdo (Kalaaliib).

Qofka xun marka uu qabriga ka soo baxo waxaa ka horyimaada camal kiisii xumaa ee uu aduunyada ku soo sameeyay oo aad u fool xun oo qadhmuun, wuxuu qofkii ku odhanayaa “Waxaan ahay camal kaagii intaad aduunka joogtay anigaad I fuushaneed, oo aad igu dul raaxaysan naysay, waayo waxay naftaadu jeclaato ee ay kugu amarto ayaad samayn jirtay, adigoo dhegaha ka furaystay xaqqii Ilaahay (swt) kitaab kiisa kuugu sheegay iyo wixii Rusushiisu kuu sheegtay, markaa maanta adiga ayaan ku sii fuullayaa ee i qaad oo macsharka xisaabta ina gee!!!.

Markaasuu fuulayaa ilaa macsharka Xisaabta.

Qofkii wanaagsanaa ee ilaahay adeecay, awaamir tiissa adeecay intuu aduunka joogay, isagana waxaa ka hor imanaya camal kiisii oo qurux badan, oo udgoon badan waxaanu ku odhanayaa…

“Waxaan ahay camalkaagii aad samaysay intaad aduunka joogtay, in badan ayaan aduunkii kugu fuushanaa oo aan kugu dhibay, waayo waxaan kuu diiday inaad iska raaxaysato, oo waxay naftaadu jeclaato ee xun ba aad diiday inaad samayso, hurdadii ayaan kuu diiday, haddaba maanta isoo fuul aan kuu sii raaxeeyee oo aan ku geeyo maxsharka xisaabta si aanad u daalin.’’

Sidaas awgeed qofkastaaba waxa uu macsharka xisaabta tagayaa Isagoo wax fuushan ama la fuushan yahay.

Xusuuso Aakhiro
Iyo Xisaabta Ku Sugaysa!

Lays Xambaarye xaggee la sii Marayaa..?

Walaal, todobaadkii hore waxay inoo maraysay iyadoo qof kasta oo qabriga ka soo baxay uu camal kiisii adduunyadu ama qofkii fuulay ama qofkii camalkii fuulay oo uu faras ka sii dhigtay. Macsharka qiyaamaha ee ilaahay makhluuqa ku kala xisaabiniyo, kulana xisaabtamayo uu qof kastaaba tagayo, isagoo wax fuushan ama la fuushan yahay…

“Ilaahay waxaynu ka baryaynaa inuu inaga dhigo inta camal koodu xambaarayo ee iyagu wax fuushan”.

Su’aashu waxa weeye lays xambaarye xagee loo sii marayaa macsharka weyn ee kulanka ee lagu socdo? Walaal, waxa la sii marayaa dariiq dheer oo dhib badan oo la yidhaahdo jidka siraad, jidkaa sidaynu hore u soo sheegnay waxa hoostiisa ku taal naarta jahanaba oo u diyaar garowday inay la hadho, gaalkii alle diidka ahaa, munaafiqii gaal iyo muslinka u dhexeeyay ee dushana islaanimo muujinayay hoostana gaalka ka ahaa ee sirta muslinka u gudbin jiray gaalada iyo caasiyiintii muslimiinta ee aan ilaahay caabudi jirinee hawada naftooda raacay.

Hadaba walaal jidka Siraad qof waxa uu ku marayaa sida Hilaaca biligtiisa (Ilaahay haynaga dhigo kuwaa), qofna waxa uu ku marayaa orod xawli dheer, qofna orod gucle ah,qofna talaabo dheerayn, qofna socod caadi ah, walaal intaasuba waa dadka fiican hasii kala fiicnaadaane, qofna waxa uu ku marayaa Gurguurad marna kufaya marna kacaya, dadbaa ka daadanaya jidka siraad oo qaarkood ku dhacayaan Naarta jahanaba, qaarkoodna waxa mudaya oo naarta hoose ka qabanaya birihii kalaaliibta lagu magacaabay ee jidka siraad hareera hiisa ka laalaaday, markaasay soo fananayaan qarkii jidka siraad,oo dib u soo fuulayaan hadana dariiqii iyagoo jeexjeexan, ka dibna dhib iyo rafaad kaas ayay ku tagayaan macsharkii.

Ilaahay aan ka magan galo. Aamiin!

Waxaa diyaariay: C/naasir Siciid, oo jooga Maleesiya, waxaana tafatira Kayse A. Digaale. Waanu soo dhaweynaynaa qoraalkaaga ku saabsan Baraarujinta walaalkaa haddaad ka qaybqaadanayso, kuna soo hagaaji…

Waxaana soo diyaariya:
Xasan Xuseen
Waxaana Tafatira Kayse A. Digaale.”

Email: Kdigale@Yahoo.com.

Advertisements