Silsiladda
Taariikhda Islaamka

Siira:  Taxanaha Taariikhda Islaamka oo ka Kooban 12 Qeybood.
Qore: Sheekh Cabdirisaaq Macalin Abshir (Musanif)

Decorative Lines

Qiimaha Taariikhda

Xalqadaha ay ka kooban yihiin Silsilada Taariikhda Islaamka.

S I L S I L A D A – T A A R I I K H D A – ISLAAMKA

1 Qeybta 1AAD 7 Qeybta 7AAD
2 Qeybta 2AAD 8 Qeybta 8AAD
3 Qeybta 3AAD 9 Qeybta 9AAD
4 Qeybta 4AAD 10 Qeybta 10AAD
5 Qeybta 5AAD 11 Qeybta 11AAD
6 Qeybta 6AAD 12 Qeybta 12AAD

 

Mahad idilkeed waxay u sugan tahay allaha w`ayn ee kaligii xaqqa u leh amaanta wanaagsan gabi ahaanteed isagaa kaligii ayaa xaqq u leh cibaadada, mulkiyaddana isagaa leh ayadoon cidina la wadaagin, naxariis iyo nabadgalyo tan ugu sarreysana alla ha yeelo nabigiisa (scw) korkiisa. Waxaanan allah waydiisanayaa inuu noogu kaalmeeyo wax walba oo aan u samaynayno raalli-galintiisa (sw). Intaa kadib, sida la ogsoon yahay qof wax akhriya kama qarsoona qaymaha ay taariikh-du ugu fadhido horukaca waxqabadka aadanaha, iyo dawr-ka ay ka qaadato ka-talinta, agaasimidda iyo xadaynta mustaqbalka jiilasha dadka ee isdaba jooga.

Hadaba, inay taariikh-du tahay tajaarubtii iyo waaya-aragnimadii dadka, ee hore u dhacday darteed oo la arkey sidii ay ku dhamaatey ee natiijadu noqotey, inay tahay mahadhadii  aadanuhu soo maray geeddi socodkiisa nolosha iyo isbabadalkii maalmaha dawlado iyo boqortooyooyin waawayn dhismahoodii ama siday u dumeen colaado iyo dagaallo aloosmey eelkay reebeen iyo siday ku dameen abaaro kulul iyo sanado barwaaqo ah iyo siday ku dambeeyeen aqallo qurxoon.

Qasriyo iyo qalcado la adkeeyey ciddii udub-mudey amase ciddii maamushey nabiyo loo waxyooday hogaamiyeyaal caan-baxay rag magac dheer faylasofyo khubaro fakarka iyo noloshaba raad aan harin ku reebay siday nolosha u xadeeyeen amase u fahmeen aragtiyo iyo mad-habado asaasmey amase shaac-baxay magaalooyin horumarey aaladihii dhismahooda saacidey ama burburkooda sabab u ahaa ummado kuwa kale adoonsadey ummado waa jirey kadibna dabarbeeley qudradii isu sakhirtey xadaarado iyo ilbaxnimooyin waa jirey ilaha awooddoodu ku tiirsanayd iyo astaamihii hoos u dhocooda daadihiyey waxaan oo dhan oo hayaankii aadanaha iyo isbadalkii ayaamaha ah kulligood waa un taariikh.

Sidaa awageed waxaa ku guda jira darsi laga qiyaasqaato oo aan meel kale laga heli Karin. Xigmadda halqabsiga ah ee soomaaliyeed waxay oraneysaa “dhagtaa kaa facdheer ishaase waa kula fil” illayn dhagtaadu waxay maqashaa mahadhooyinkii qarniyada dhexdooda hore u dhacay ishaaduse intaad noolayd umbey wax aragtey.

Ahmiyadda ay taariikh-du ku fadhido li’ajligeed qofka yaqaan waa qofka kaliya ee ka baaraandagi kara masiirka lagama fursadaha ah ee bulshooyinka, hadaysan taasi jirin maxaa waaya arag-nimadu tahay taladiisase maxaa loo qadariyaa? Tani waa halka laga yiraahdo ninkii taariikh-da bartey cimrigiisa wuxuu ku kordhiyey cimriyaal badan illayn taariikh-da uu bartey darteed waa nin gu’giisa garaadkiisu ka wayn yahay.

Waxaa hadaba jira faa’iidooyn aan lasoo koobi Karin oo ku diimoon barashada taariikh-da inkastoo aanan wada taabanayn waxaan farta ku fiiqayaa kuwa ugu waawayn qaarkod.

”Ka cibra qaadasho ka qiyaas qaadasho, inta badan dhacdooyinka hareeraheenna ka socdaa ma cusba amase ugub ma aha ee hore ayey u dheceen amase wax u eg sidaa darteed arrimo badan oo murugsan xal u heliddooda waxaa qayb wayn ka ah in la barbar dhigo sidii xal loogu helay dhacdooyin lamida oo hore u dhacay, taasina waa tan alle wayne (sw) quraankiisa ku tilmaamey marka uu leeyahay “ “Waxaa wallee ku sugan qisooyinkooda wax lagu cibro qaato”.

”In badan oo waxyaalaha inagu hareeraysan ah aragtiyaha iyo afkaaraha isfeer socda khilaafaadka iyo isbahaysiyada dadka ka dhex jira waxay soo bilowdeen waqtiyo hore waxaana  jira ujeedooyin iyo dano loo asaasey ama sababo keenay markii hore marwalbana kama lug marna sababahaas, ujeedooyinkaas iyo danahaas loo asaasey, hadaba, hadduusan qofku lasocon sida waxaani u bilowdeen ama sababka keenay ama ujeedada laga leeyhay way ku adag tahay inuu fahmo ama la tacaamulo taariikh yahankuse waa qofka garanaya sida waxaani usoo bilowdeen oo garan kara siduu ula falgali lahaa”.

”In la iska jiro lagana feejignaado khaladkii dad hore ku dhacay, -si cad saan ugu fakaro- mustaqbalka waxa imaan doona alle cid aan ahayni ma oga dadkuse Markey fiiriyaan sida arrimuhu u socdaan waxay saadaaliyaan  sida laga yaabo in mustaqbalku u ekaado islamarkaana odortaasi inay saadaalintii ku timaado waa la arkaa inaysan ku imaanna waa suurowdaa, laakiinse waxaa natiijada la ogaan karaa oo kaliya markii mustaqbalkaas la gaaro. Hadaba, taariikh-yahanku wuxuu ka faa’iidaysanayaa khaladaadkii hore u dhacay oo natiijadoodii gadaal laga arkey islamarkaana waa ka feejignaanayaa.”

In la ilaaliyo lana dhawro kayd cilmiyeedka ummadaha amase oollimaadka bulshada, taariikh-da waxaa ku jira shucuubta kayd cilmiyeedkeedii dhinaca caqiidada iyo aaminsanaanta dhinaca luqadda, dhaqanka, xigmadaha maahmaahyada, gabayada iyo sheekooyinka ay ku guntameen ee ku yimaadeen dhinaca ogaanshaha jiritaankooda, cadowgooda hore, dadkooda magaca waynaa, guulaha ay hore usoo hooyeen, hadafyada ay higsanayeen iyo dhamaan khusuusiyaadka ummad walba.

Toosinta iyo agaasimidda ujeedooyinka ummadda ee mustaqbalka ah, markii la ogaado dhacdooyinka hore ayaa la toosin karaa ama la agaasimi karaa bulshada tallaabooyinka la gudboon inay mustaqbalka hore u qaado.

Faa’iidooyinka taariikh-da ku jiraa kuma koobna intaan aan sheegney laakiin waa daraf yar oo kamida saxiifad dacaldheer oo ah faa’iidooyinka ku jira ogaanshaha taariikh-da.

Arrimahaan aan sheegney waa faa’iidooyinka guud ahaan taariikh-da ku jira laakiin darsigaan waxaan kaga hadli doonaa insha allah taariikh-da islamka laga bilaabo siirada Nabiga (csw) taariikh-daan oo runtii ah qayb muhiim ah oo ka mida damiirka  qofka musimka ah ayna ku guda jirto quwadiisa iyo ruuxdiisa macnawiga ah.

Taariikh-daan Islamku waa gabal wayn oo kamida taariikh-da aduunka oo dhan amase waa taariikh-da ugu baaxad wayn ee dunidu gacanta ku hayso, inay tahay afar iyo toban qarni oo xariira wixii dhacay oo si faahfaahsan loo qorey loo hufay loona kaydiyey gaar ahaan dunida muslimka oo lagu tilmaami karo wadnaha dunida inteeda kale, marka la fiiriyo halka ay dunida kaga taal, hasa ahaatee nasiib darro taariikh-da Islamku waa qarsoon tahay marka laga reebo dadka ku takhasusey gaar ahaan waxay si wayn uga qarsoon tahay bulsha waynta muslimka ah iyo dhalinteeda.

Sababaha keenay qarsoonaantaan dabcan waa sababo badan iskana cadcad waxaana ugu wayn in ummadda Islamka ahi ay ku dhacdey gacan cadow gumeyste ah oo wiiqay lixaadkeeda ujeedooyinkiisana ay kamid tahay in ummadaan la ilowsiiyo dhamaan casrigeeda hore iyo xadaaradeedii qaangaartey si ay waxa soo socda uga dhunto sidoo kale loogu faafiyo dhaqamo iyo figradaha lagu majara-habaabinayo.

Waxaa kaloo kamida in dhamaan manaahijta taariikh-da ay dajiyeen afraad iyo ururro shisheeye ah kuwaasoo runtii dagaal aan waxba iskula-harin ku qaaday taariikh-da Islamka si wayna uga fogeeyey gacanta qofka muslimka ah islamarkaana aad loo buunbuuniyey taariikho kale iyo waxyaalo aan qusayn ama aan ahmiyad ugu fadhiyin mararka qaarkood in been cad la maleego si bohoshii aad ku dhacday ama gacantii ku goysey laguugu muuujiyo sababkii guusha kuu horseedey.

Sidoo kale in la adeegsado kooxda ardada ah ee galbeedka ama bariga ka timid ee loo yaqaan cilmaaniyiinta kooxdaan oo runtii si wayn ugu shaqeeya shirqoolada shisheeyuhu la maaggan yahay ummadda muslimka ah, islamarkaana Islamka iyo taariikh-diisa iyo dadka haystaba ka neceb shisheeyaha laf ahaantiisa cuqdad xunna u qaba Islamka taasoo ku keentey inay masaxaan dhamaan taariikh-daan sidoo kale suurad xumeeyaan shakhsiyaadka Islamka ee waawayn guulaha hore loo gaarey iyo dhamaan taariikh-da siyaasad ahaaneed ee Islamka kooxdaan oo nasiib darrro wixii ay qoreen kaliya lagu qaatey manaahijta tacliinta ee laga hirgaliyey dhamaan dunida muslimka.

Waxaan hadaba u dooraney sababahaan li’adligood iyo ahmiyadda wayn ee taariikh-da Islamka sidoo kale inaan uga sheekayno si dulmar ah oo aan laguna daaleyn lana saluugayn hadduu alla idmo.

Laakiin intaannaan bilaabin waxaan baraarujinayaa arrin muhiim ah tasoo ah inaan ogaano in ummaddaan soomaaliyeed ee afkaan ku hadasha ay tahay qayb kamida jirka wayn Islamka aysan marnana ka go’I karin marka taariikh-daan waa toodii waxaa intaa wehiliya in taariikh-daani marar badan ay soomaalida si khaas ah u taabanayso marka laga sheekaynayo dhacdooyinka muslimiinta soo mareyna soomaalidu waa kamid ummadda Islamka ahi dhacdooyinkaan taariikh-da Islamka waa wadaagtaa, muslimiintuna run ahaantii waa hal ummada haba kala duwanaato afafkooda iyo midabadoodu ama dagaanadooda iyo ooddoodu ha kala fogaadaane.

Waxaan kale oo baraarujinayaa, inaan taariikh-daan uga sheekayn doono -insha allahu- hab u kala saarsaaran casri walba khilaafada wayn ee muslinka ah ee dhisnayd ayadoo aan taaban doonno dawladaha yar yar ee ka feer dhismey ama dhamaan dhacdooyinka ku lug xiran anagoo ka bilaabi doonna siirada nabiga (scw) kuna xijin doonna dawladda khilaafada raashidiinta kadibna dawladda Umawiyiinta sidaasoo kale insha allah, waxaana suurowda inaan isku feer wadno taariikh-da labo dawladood sida siirada Nabiga (scw) iyo taariikh-da dawlada khilaafada raashidiinta.

Ugu dambeyntii waxaan allah (sw) waydiisanayaa inuu iigu kaalmeeyo camalkaan wayn iina fudududeeyo isagaa kaligii awoodee (subxaanah) amaana ahaanna waxaan baraarujinayaa in qoraalkaani ku yimid dalab ay iisoo gudbiyeen walaalaha mu’sasada abuubakar iyo masjidka ashaafici.

Xuruufta

Sheekh Cabdirisaaq Macalin Abshir (Musanif)
Manhaj-kayga xagga qoraalka

Taarikh-daan oo aan kasoo qaadan doonno masaadirta Islamiga ah oo carabi ku qoran waxaa jira xarfo badan oo afka Carabi-ga ku jira oo aan laga helayn xarfaha Soomaali-ga ah wax waafaqsan sida ay u dhawaaqayaan carabi ahaan, sidaa darteed waxaan isticmaali doonaa xuruuftaan soo socota booskii xarfahaas.

  • (Th) xarafka afaraad ee Alif ba’da. Tusaale CUTHMAAN.
  • (Z) xarafka kow iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale ZAKO.
  • (Gh) Xarafka sagaal iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale BAGHDAD.

Xuruuftaan sadexda ah kaligood ma ahan xarfaha aan dhawaaqooda laga heli karin xuruufta afka soomaaliga, ee waxaa jira inay ayagu ugu dhawaaq fog yahiin.  Sidoo kale waxaa jira xarfo kale oo aan ayagana dhawaaqooda lagu qori karin farta soomaaliga sida xarafka sagaalaad ee Alif ba’da iyo laga bilaabo xarafka afar iyo tobnaad ilaa todobo iyo tobnaad ee Alif ba’da xuruuftaan oo dhan kuma lahan dhawaaqooda oo kale farta soomaaliga.

Hadaba qofku markuu akhrinayo taariikh-daan waa inuu maskaxda ku hayaa dhawaaqii xarfahaas inta badanna waa magacyada, illayn luuqadda waa la turjumayaa magacyadase waa in dhawaaqooda lagu ilaaliyo siduu ahaa haddii kale dhadhankoodii la heli mayo.

Soo Aroorinta
Macluumaadka

Siirada Nabiga (scw) waxaan si wayn u tixraacayaa kitaabka “Raxiiqul-Makhtuum” waxaase jira inaan keeni doonno siyaadooyn -insha allah- ama aan ka tageyo wixii aan u aragno in laga maarmi karo, haddiise aan macluumaadka kasoo qaado meel aan ahayn kitaabkaan waxaan sheegi doonaa meesha aan kasoo qaadnay. Taariikh-da kale ee ka dambaysa Siirada Nabiga (scw) dawlad walba waxaan sheegi doonaa kitaabka aan tixraaci doono iyo meeshii wixii macluumaad ah oo siyaado ah aan kasoo qaatay.

Magacyadda

Magacyada, meelaha, dhacdooyinka, wadamada amase dadka haddii lagu heli karo sida ay u qoran yihiin afafka latin-ka waan sheegi doonaa magacii oo qows ku jira -insha allah- haddiise aan la helin waxaan u qorayaa sida ay u dhawaaqayaan oo far-soomaali ah. Tusaale, Jaziiradda siqilliya (Jaziiradda Scile).

Nusuusta

Nusuusta diinta xadiith-ka Nabiga (scw) waxaan sheegi doonaa kitaabka uu ku jiro iyo darajadiisa sixada iyo dacfiga hadba sida culumada Islam-ku ku xukumeen xadiith-kii aan waayo culumada Islam-ka ee waawayn wax ka hadley darajadiisa waan sheegi doonaa inaanan helin darajadiisa. Aayadaha qur’aanka waxaan sheegi doonaa suuradaha ay ku jiraan iyo raqamkooda wixii ku saabsan xagga tafsiirka macnahooda waxaan kasoo qaadanayaa tafsiirka Al-imam Ibn kathiir oo ah mid ku habboon koobnaantiisa iyo xeeldheeridiisa awgeed.

Gabayada Carabiga ah

Gabayada carabiga ah oo ah run ahaantii shay dhib badan in la turjumo, sababtoo ah in gabayadu dawr wayn ka cayaareen samaynta dhacdooyinka macna waynna leeyihiin oo aan laga tagi karin oo dhinac ah iyo in aan murtidoodii oo dhan lagu keeni karin qoraal oo dhinaca kale ah darteed. Hadaba, dad badan oo luuqadaha kale wax ku turjumay waxay qoreen macnahoodii annaguse waxaan isku dayaynaa inaan gabayga ku muujino gabay ama geeraar af-soomaali ah –insha allah- oo aan annagu sameynay macnihiisuna ku aaddan yahay gabaygii carabiga ahaa.

Turjumaadda Luuqadda

Luuqadda carabi-gu waa luqadda ugu badan ee ku dhexjirta af-soomaali-ga mana suurowdo qof af-soomaali wax ku qorayaa inuu iska ilaaliyo mana jirto wax sabab ah oo nagu kallifi karta inaan iska ilaalino afka carabi-ga. Sidaa darteed kaliya waxaan fiirinayaa in ereygu yahay mid soomaalidu fahmi karto carabi-ba ha ahaadee haddii la fahmayo waan qorayaa haddaanse la fahmayn waa turjumayaa.

Waxaase kala jira turjumo xarfi ah iyo turjumo xikmadda ah waxay kala yihiin inuu qofku ilaaliya xarafka macnihiisa oo qura tan hore iyo inuu qofku ilaaliya xikmadda macnaha ku jirta hadday doonto yaysan xaraf ahaan ugu aaddanaane tan dambe. Waxaan anigu ku socon doonaa turjumada xagga xikmadda. Tusaale “Somali language” turjumada xarfiga ahi waa soomaaliga luqadda, turjumada xagga xikmadduse waa luqadda soomaliga marka waa kala cad yahay farqiga u dhexeeya labadaan.