Search

Wajibad

Learn All About The Stories of The Prophets, & All Islamic Wajibad & The Sunan.

Category

Saxaabiyaat

Ramla Bintu Abii Sufyaan: رملة بنت أبي سفيان

As-Sahabah - Cabdullahi Bin Xudaafa (RA)

Ramla Bintu Abii Sufyaan |رملة بنت أبي سفيان

Haweenka Saxaabiyaadka: Ee Suubanaha Rasuulka (Caleyhi Salaatu wa-Salaam)
Ummu Xabiiba Ramla Bintu Abii Sufyaan: Allah iyo Rasuulkiisa ayey ka dooratay waxa kasoo haray oo idil”

LineTree

Ummu Xabiiba

Ma jirin Qof ka mid ah Qureysh oo aaminsanaa ama rumeysanaa inuu khilaafi karay ama diidi karay amarka iyo talada uu soo jeediyo Abuu Sufyaan oo ka mid ahaa madaxda iyo ugaasyada Quraysh. Hase ahaatee, waxaa si dhiiranaan iyo kalsooni weyn ku jirta gaashaanka ugu dhufatay amarkii Sufyaan gabadhiisii uu dhalay ee lagu magacaabayay Ramla Bintu Abii Sufyaan, kadib markay iyada iyo ninkeedii Cubeydillaahi Binu Jaxshi ay ku soo biireen diinta xaqa ah ee islaamka, ayna ku kufriyeen Illaahyadii ay caabudayeen aabayaashoodii iyo guud ahaan qureysh.

Abuu Sufyaan wuxuu in badan isku dayay inuu gabadhiisii Ramla iyo ninkeedaba uu ka soo leexiyo diinta islaamka ee qaateen, hase ahaatee wuu awoodi waayay inuu ku guuleysto arrintaas. Sababtuna waxay ahayd, iimaanka iyo rumeynta Allaah (sw) oo si qoto dheer ugu sugnaaday laabta iyo qalbiga Ramla Bintu Abii Sufyaan.

Murugo iyo tiiraanyo daran ayaa Abuu Sufyaan hareereeyay, kadib islaamidda ay gabadhiisa islaamtay, iyo weliba markii uu ku guuldaraystay inuu ku qanciyo inay dib uga laabato diinta islaamka.

Ramla Bintu Abii Sufyaan oo kunyadeeda loogu yeero Ummu Xabiiba (Xabiiba hooyadeed) waxay ka mid ahayd dadkii ku soo islaamay magaallada Makka, waxayna islaamkeeda kahor ay guursatay Cubeydillaahi Binu Jaxsh oo ay u dhashay Xabiiba. Ramla waxaa la dhashay Mucaawiya iyo Cutba. Sida la ogsoon yahay, markay aad u badatay dhibaatooyinkii muslimiinta kaga imaanayay gaalladii Qureysh wuxuu Rasuulka (scw) u idmay oo u fasaxay inay u qaxaan dhulka Xabasha kuna yaala Geeska Afrika, iyadoo danta hijradaas ay ahayd sidii ay u badbaadsan lahaayeen naftooda iyo diintooda.

Haddaba, gabadhii sida weyn ugu qanacday diinta ay soo gashay ee islaamka iyo ninkeeda Cubeydillaahi Binu Jaxsh iyo gabadhoodii yarayd ee Xabiiba waxay ka mid ahaayeen muslimiintii ka qaybgalay hijradii 2-aad ee Xabasha. Xiriirkii qureysh iyo boqorka Najaashi Muslimiintii waxay si weyn u caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay, waxayna boqorka maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka.

Inkastoo ay muslimiintaas magangalyo weydiisteen boqorkii caddaaladda badnaa ee Najaashi-ga, haddana gaalladii qureysh ee uu hormuudka kaga jiray Abuu Sufyaan waxay ka qoomameeyeen inay muslimiintaas gacantooda ka baxeen oo carar ku badbaadeen, waxayna (qureysh) isku dayeen iyagoo muslimiinta ku sugan dhulka Xabasha inay mariyaan ciqaab daran. Qureysh waxay dirsatay niman u safra Xabasha, si ay boqorka uga dhaadhaciyaan in muslimiinta dib gacanta loogu soo geliyo qureysh, iyo sidoo kale inay boqorka u sheegaan in muslimiinta magangalyada weydiisatay ay wax xun ka sheegaan Nebi Ciise iyo hooyadiis Maryama.

Boqorkii Najaashii oo doonaya inuu ka gungaaro xaqiiqda hadalladaas ayaa muslimiintii soo hijrootay madaxdooda ka codsaday inay ka jawaabaan eedaymahaas loo soo jeediyay, iyo inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Nebi Ciise iyo hooyadiis Maryama iyo weliba inay bal ku dul-aqriyaan (boqorka) qaar ka mid ah aayadaha quraanka ee lagu soo dejiyay Nebigooda Muxammad (scw). Muslimiintii waxay si weyn u caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay, waxayna boqorka maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka.

Islaamiddii boqorka Najaashi

“Diinta lagu soo dejiyay Nebigiina Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise (cs) waxay ka yimaadeen hal meel” Boqor Najaashii ka hor intii uusan islaamin.

Boqorka Najaashii oo markaas iyada ah aanan islaamin ayaa markii uu maqlay aayadihii quraanka si daran u ilmeeyay oo u ooyay, wuxuuna yiri “diinta lagu soo dejiyay Nebigiina Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise (cs) waxay ka yimaadeen hal meel”, dabadeedna wuxuu durbadiiba isagoo aad ugu qanacsan risalaada islaamka uu ku dhawaaqay inuu si dhab ah u rumeysan yahay Allaha weyn ee wax weliba abuuray iyo inuu Muxammad (scw) yahay Nebiga xaqa ah Nabadgelyo iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee.

Boqorkii Najaashiga wuxuu ciidamadiisa iyo dowladdiisaba amar ku siiyay in la magangaliyo muslimiintii xaggiisa u soo haajiray, inkastoo ay jirtay qaar ka mid ah hoggaamiyayaashiisii isaga hoos imaanayay ay ka biyo diideen inay soo islaameen. Diintoodii kirishtaanka ayay ku sii sugnaadeen. Ramla Bintu Abuu Sufyaan waxay sii joogtay dhulka Xabasha, iyadoo aad iyo aad ugu faraxday nabadgelyada iyo magangalyada ay ka heshay iyada iyo muslimiinta kaleba boqorka Najaashi. Hase ahaatee, iyadoo taasi ay jirtay, haddana wuxuu Allaah (sw) doonay inuu Ummu Xabiiba ama Ramla uu mariyo imtixaan aad u daran, imtixaankaasoo kale oo ay ragga intooda badan ku dhacaan.

Imtixaan la mariyay Ummu Xabiiba

Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxay riyo ku aragtay ninkeeda Cubeydillaahi Binu Jaxshi oo ku dhex sugan hirar waaweyn oo ay hirarkaasi hareereeyeen mugdiyo iyo gudcur aad u weyn, wuxuuna markaasi ku sugnaa xaalad aad u qadhaadh aadna u xun. Hal mar ayay hurdadii ka soo boodday iyadoo walbahaarsan aadna u cabsanaysa, mana jeclaysan inay riyadaas ay u sheegto dadka.

Hase ahaatee, waxyar kama soo wareegan jeer tafsiirka riyadii ay aragtay ay si dhab indhaha u saarto. Maalmo kadib waxaa diintii islaamka ka laabtay oo ka riddoobay Cubeydillaahi Binu Jaxsh, wuxuuna billaabay inuu har iyo habeen iska xaadiro goobaha khamaarka isagoo khamraysan. Cubeydillaahi wuxuu afadiisa dooransiiyay inay ka laabato oo ka riddowdo islaamka iyo inuu furo. Ralma Bintu Abuu Sufyaan waxaa durbadiiba la soo gudboonaatay mowqif aad u adag, waxayna aragtay inay doorato 3 midkood.

Waa midda koowaade, inay ninkeeda hadalkiisa u hoggaansato, taasoo ah inay qaadato diinta kirishtaanka oo ay ka riddowdo islaamka oo markaas ay khasaarto adduun iyo aakhiro, taasina waa mid ayan marnaba samayn karin kadib markii laabteeda uu si wacan ugu sugnaaday qanaacada ay ku qanacday diintan xaqa ah ee islaamka.

Tallaabada labaad ee horyaala waa inay u laabato magaallada Makka, guriga aabaheed Abuu Sufyaan oo weli aanan islaamin, oo markaasi ay dhibaatooyin badan ay dhici karto inay kala kulanto, islaamka ay qaadatay awgeed. Iyo inay isaga sugnaato dhulka Xabasha ama Geeska Afrika, iyada oo keli ku ah oo aan wehelinin wax qaraabo iyo dad kale ah.

Mowqifkii geesinimo ee Ummu Xabiiba

Allaahu akbar, Ummu Xabiiba waxay ugu danbeyntii qaadatay go’aankeedii geesinimada badnaa, waxayna doorbidday inuu Cubeydillaahi Binu Jaxsh uu furo, maadaama uu riddoobay oo uu ka laabtay islaamka. Ummu Xabiiba Ramla Bintu Abii Sufyaan markii ay ka ciddo baxday Cubeydillaahi waxaa soo gaaray warkii nolosheedii ugu farxad badnaa ee ay maqashay intay dunida saarnayd. Waxaa soo doonay Rasuulka (scw) “Boqorka ayaan salaan kaaga wadaa, wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa ku soo doonay oo doonaya inuu ku guursado,…” Abraha oo ka mid ahayd shaqaalihii boqorka Najaashi.

Goor subax barqin ah ayaa Ummu Xabiiba oo ku sugan gurigii ku noolayd albaabkiisa la soo garaacay. Markay furtay albaabkii waaba Abraha oo ka mid ahayd shaqaalihii boqorka Najaashi. Abraha waxay si naxariis iyo ixtiraam ku dheehan tahay u salaantay Ummu Xabiiba, dabadeedna waxay ku tiri “Boqorka ayaan salaan kaaga wadaa, wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa ku soo doonay oo doonaya inuu ku guursado, wuxuuna soo diray waraaq uu boqorka wakiilanayo si uu kuu mehersado, ee qofkaad doontid u wakiilo walaayadaada…”.

Maalin aynan weligeed hilmaamin

Ummu Xabiiba waxay farxad awgeed garan weysay meeshay joogtay, waxayna iyadoo aanan is ogeyn ku tiri gabadhii ula timid khabarkaan farxadda leh “Allaha kugu bishaareeyo kheyr.., Allaha kugu bishaareeyo kheyr”, waxayna markiiba billowday inay u siibto qaar ka mid ah dharkii quruxsanaa ee ay qabtay iyo jijimadii ay xirnayd iyadoo siisay gabadhii Abraha, iyadoo sidaas abaalmarin uga dhigaysa. Ummu Xabiiba, maalintaas waxay u ahayd maalin aynan weligeed hilmaamin, hantideedii ugu jeclayd ayay gabadhii Abraha si farxad leh damacday inay siiso, waxaana hubaal ah hadday heesan lahayd hanti ka badan intaas inay siin lahayd. Ummu Xabiiba waxay nasiib u yeelatay inuu soo doono inta uu Allaah abuuray kii ugu sharafta iyo fadliga badnaa, waa Nebigeena Muxammad (scw). Waa hubaal inay dumarka intooda kale ay dheer tahay fadligaas iyo wanaagaas. Waxay wakiilatay saxaabiga lagu magacaabo Khaalid Binu Saciid Bin Al-Caas oo muhaajiriintii markaas Xabasha ku sugnaa ugu dhowaaanshaha badnaa xagga qaraabada.

Arooskii Rasuulka (scw) oo ka dhacay Geeska Afrika…..! 

Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay guriga boqortooyada Najaashi.

Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay guriga boqortooyada Najaashi, weliba meel aad u qurxoonayd ahaydna mid ka mid ah beeraha uu boqorka ku raaxaysto. Goobtii ama hoolkii arooska uu ka dhacayay oo dhan ayaa la qurxiyay, waxaana hareeraha is qabsaday iftiinkii iyo faynuusyadii ka shidnaa meel kasta, halka dhulkoo dhanna lagu goglay kaarbeedyo aad u qurux badan. Saxaabadii ku sugnaa waqtigaas dhulka Xabasha oo idil ayaa goobtii arooska ka soo qaybgalay, waxaana asxaabtaas hoggaaminayay asxaabta kala ah Jacfar Binu Abii Dhaalib, Khaalid Bin Saciid Bin Al-Caas, Cabdullaahi Binu Xudaafa Assahmiyyi iyo kuwo kale si ay uga qaybgalaan arooska Ummu Xabiiba Binti Abii Sufyaan ee loo guurinayo Rasuulka (scw).

Dadkii oo idil markay yimaadeen, waxaa goobtii xafladda albaabada u furay Boqorkii Najaashi Allaha u naxariisto kana raalli noqdee, wuxuuna isagoo dadka u khudbaynaya yiri hadalladan “waxaa mahad oo idil leh Allaha qudduuska ah ee la rumeeyo ahna kan awoodda oo idil ay u sugnaatay.

Meherkii Ummu Xabiiba 400 dirham oo dahab ah

Waxaan qirayaa inuu Allaah yahay Allaha xaqa dhabta lagu caabudo, waxaan kaloo qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay rasuulkiisa iyo addoonkiisa uuna soo saaritiinkiisa noogu bishaareeyay Nebi Ciise (cs), intaa kadib: Rasuulka Allaah (scw) wuxuu iga codsaday inaan ku meheriyo Ummu Xabiiba Binta Abii Sufyaan, wayna iga aqbashay inaan ku nikaaxo Rasuulka (scw), waxaana meherkeeda ka dhigayaa annigoo wakiil ka ah Rasuulka (scw) 400 oo dirham oo dahab ah, annigoo sidaas ugu meherinaya jidka Allaah iyo jidka Rasuulkiisa Muxammad (scw)..”, kadibna lacagtii meherka ayuu hordhigay Khaalid Binu Saciid Binu Al-Caas oo ay wakiilatay Ummu Xabiiba.

Ummul-mu’miniin ayay noqotay

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Khaalid, wuxuuna yiri “waxaa mahad weyn ay u sugnaatay Allaah (sw), waan ku mahadnaqayaa waana kaalmaysanayaa, waan denbi dhaaf weydiisanayaa waana u laabanayaa, waxaan qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay addoonkii Allaah iyo rasuulkiisa, wuxuu ku soo diray diintii hanuunka iyo xaqa wadatay.., intaa kadib, waxaan aqbalay codsigii Rasuulka (scw), waana ku meheriyay Rasuulka (scw) gabadhii la ii wakiishay ee Ummu Xabiiba Binta Abii Sufyaan, Allaha u barakeeyo Rasuulka (scw) xaaskiisa”.

Fadligaas iyo qiimahaas weyn waxay u soo hoyatay maalintaas Ummu Xabiiba, Ramla Binti Abii Sufyaan, kadib markii ay nasiib u yeelatay inuu guursado xabiibka Rasuulkeena Muxammad (scw), waxayna sidaas hooyo ugu noqotay dhammaan mu’miniinta oo idil, halka ay markii hore ay hooyo u ahayd oo keliya Xabiiba, dabadeedna wuxuu Khaalid qaaday lacagtii meherka, kadibna isagii iyo asxaabta kaleba waxay damceen inay goobtii ka dareeraan oo ay baxaan.

Xaflad aad u sarraysa

Hase ahaatee, boqorka Najaashii ayaa ku yiri “fariista, maxaa yeelay waddada nebiyada lagu yaqaano hadday guursadaan ayaa ah inay waliimo ama alla-bari (cuntada la sameeyo xafladda guurka) sameeyaan. Boqorkii wuxuu amar ku bixiyay in la keeno raashinkii xafladda, waxyar kadibna waxaa la keenay cunto aad u heersarraysay oo dadkii oo dhan ay wada cuneen. Waxay tiri Ummu Xabiiba, markii lacagtii meherka la ii keenay, waxaan durbadiiba qaar lacagtii ka mid ah u diray gabadhii markii hore iigu bishaaraysay guurka Rasuulka (scw), waxaana ku iri “ haddaan hanti aan haysan lahaa waan ku siin lahaa markaad ii bishaaranaysay, hase yeeshee waxna ma aanan haysan maalintaas”.

Inkastoo ay lacagtii dahabka ay wax ka siisay, laakiin waxyar markay maqnayd way ku soo noqotay iyadoo wadda lacagta, waxayna ku tiri “boqorka wuxuu ballan ku qaaday inaanan waxna kaa qaadan”, sidoo kale wuxuu haweenkiisa amar ku siiyay inay mid waliba haddiyad kuu keenaan. Subixii markii la gaaray, haween kasta waxay awoodday oo haddiyad ah ayay la timid.

Abraha oo ahayd gabadhii Ummu Xabiiba u keentay khabarkii la xiriiray inuu Rasuulka (scw) doonayo inuu guursado Ummu Xabiiba ayaa waxay u timid Ummu Xabiiba, waxayna ku tiri “waxaan doonayaa inaan arrin kuu sheego”.. Ummu Xabiiba ayaa u celisay “oo maxay arrintaasi tahay??” Abraha: “waan islaamay, oo waxaan raacay diinta Muxammad (scw) ee fadlan iga gaarsii Nebiga salaan, una sheeg inaan rumeeyay Allaah (sw) iyo Rasuulkiisa”, waxayna misna intaas raacisay “marnaba ha iga hilmaamin salaantaas”.

”Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay ii diyaarisay gaadiidkii aan ku safri lahaa, sidiina ayaan ugu safray magaalladii Madiina ee uu degganaa Rasuulka (scw).”

Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay ii diyaarisay gaadiidkii aan ku safri lahaa, sidiina ayaan ugu safray magaalladii Madiina ee uu degganaa Rasuulka (scw). Markii ugu horeysay ee aan la kulmay Rasuulka (scw) waxaan uga waramay sidii ay u dhacday doonistii iyo arooskiiba, iyo wixii aan ku wada hadalnay ama na dhexmaray anniga iyo Abraha, waana u sheegay inay soo salaamaysay. Rasuulka (scw) aad iyo aad ayuu ugu farxay warkii aan uga sheegay Abraha, wuxuuna yiri “iyadana dusheeda Allaha gaarsiiyo nabadgelyadiisa, naxariistiisa iyo barakaatkiisa.

Allaha ka raalli noqdee gabadhii sabarka badnayd, Alla ka cabsiga badnayd, yaqiinteeda iyo iimaankeeda aadka u xeeldheeraa Ummul-miniin Ramla Bintu Abii Sufyaan, waxay da’deedu ahayd 36 jir maalintii uu la aqal galay Rasuulka (scw), waxayna geeriyootay sannadkii 44-aad hijriga iyadoo 72 jir ah. Waxaan Allaah (sw) ka baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli noqdo, Jannada Firdowsana kula kulmayo Xabiibkeeda Rasuulka (scw), aamiin aamiin.

Asmaa Bintu Abii-Bakar: أسماء بنت أبي بكر

Asmaa Bintu Abii-Bakar
أسماء بنت أبي بكر

Haweenka Saxaabiyaadka:
Suubanaha Rasuulka (Caleyhi Salaatu-wa-Salaam)

Asmaa Bintu Abuu Bakar As-Siddiiq:
Waxay Gaartay 100 Sanno Iyadoo Illig Iyo Gaws Midna Ka Dhicin,
Welina Aan Caqli Doorsoomin. Continue reading “Asmaa Bintu Abii-Bakar: أسماء بنت أبي بكر”

Ummu Salama: أم سلمة

Ummu Salama

Ummu Salama |أم سلمة

Haweenka Saxaabiyaatka: Suubanaha Rasuulka (Caleyhi Salaatu-wa-Salaaam)
Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi badan.

LineTree

Hindi bintu Abii Umayya ”Ummu Salama”

Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran jiray Cabdillaahi Binu Cabdil-Asadi oo ka mid ahaa tobankii nin ee goor hore qaatay diinta Islaamka, oo waxaaba isaga hortiisa islaamay oo keliya Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa u badnayn. Ummu Salama, waxay la islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu Cadil-Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey iyadana islaamtay.

Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda Cabdullahi ayaa gaaray gaaladii Qureysh., sidii marka horeba laga filayay Qureysh waxay bilaabeen inay jir dil daran ku sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase ahaatee ma aynan tabar daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi. Balse, waxay ka sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw).

Dhibaatadii Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay, ayaa Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u haajiraan oo u cararaan dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee u haajira dhulka Xabashida.

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii qurbaha. Ummu Salama, waxay magaalada Makka kaga carartay gurigeedii dabaqa ahaa, maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd oo dhan, iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu Illaah abaal ahaan u siiyo Jannadiisa maalinta aakhiro.

Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha, iyagoo magangalyo ka helay boqorkii Najaashi Allaha ka raalli noqdee. In kastoo Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen, haddana waxay aad xiiso weyn ugu qabeen ku noqoshada magaalada Makka oo ahayd meeshii uu waxyiga ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka (scw) saldhiga u ahayd.

Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo gaaray war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa go’aan ku gaaray inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso weyn ugu qabay magaalada Makka.

Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku soo laabtay magaalada Makka. Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo sheegay uusan ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u geysteen dhibaato ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada Maddiina.

Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka u hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka badbaadaan dhibaatooyinka qureysh. Hijradan danbe ma ahayn mid sahlan, sida hijradii hore ee ay ugu haajirtay dhulka Xabashida, waayoo waxay ahayd mid aad u dhib badan oo aan saUmmu Salama waxay tiri, markuu ninkayga Abuu Salama go’aan ku gaaray in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu iidiyaariyay awr, dabadeedna wuxuu i saaray awrtii.

Wiilkeenii Salama oo nala socdayna wuxuu fariisiyay dhabtayda. Intaa ka dib, Abuu Salama wuxuu nagu kaxeeyay awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tiri, ka hor inta aanan ka bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka mid ah qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey soo aadeen, iyagoo ku yiri ninkeyga Abuu Salama “Haddii aad adiga naga baxsatay, sideey nooga baxsanaysaa gabadha kula socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu ogolaanaynaa inaad la tagto oo la baxsato”.

Intaa ka dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama, dabadeedna way iga soo jiiteen ninkeeyga Abuu Salama. Ummu Salama waxay tiri, markii nimankii ay iga soo wateen ninkayga anniga iyo wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman reer Banuu Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin ninkeeyga. Aad ayeey uga caroodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yiraahdeen raggii kale ee reer Banuu Makhzuum:

“Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo waa wiilkannaga, innagaana xaq u leh inaan qaadanno” Sidaa dabadeed waxay labadii kooxood bilaabeen inay jiitaan wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu Salama ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil-Asadi.

Waxay tiri Ummu Salama, wakhti gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga iyo wiilkayga Salama. Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina, isagoo diintiisa la cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi isagoo jajaban sidii ay u kala jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i kaxeestay reerkayga reer Banuu Makhzuum.

Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda reer Banuu Makhzuum, Wilkeeda waxaa qaatay reer Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda wuxuu u caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday waa la kala firdhiyay oo la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay tiri Ummu Salama iyadoo ka waramaysa arrinkaa murugta lehi waxay tiri: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga.

Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku dhow hal sanno markeey ka soo wareegtay xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe ii yimi nin aan ilmo adeer nahay, waxaana uga waramay sheekadeeyda biloow iyo dhammaad. Ninkii, ayaa naxariis gashay ka dib markuu maqlay qisadayda, dabdeedna wuxuu la hadlay kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri “War maad iska sii daysaan miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib wanaag, nimankii way sii daayeen Ummu Salama.

Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee su’aasha ay is weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii ay ku haleeli lahayd ninkeeda Abuu Salama oo markaa joogay magaalada Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka tagi karin wiilkeeda Salama oo ay heestaan Reer Banii Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama.

Qaar ka mid ah dadkii ka war hayey dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka dibna waxay la hadlayn reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan wiilkeeda Salama oo ay markaa haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tiri Ummu Salama, maa aanan siiba sugin inaan magaalada sii joogo ka dib markii wiilkayga Salama la ii soo celiyay.

Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed u safreen magaalada Madiina, iyadoo mareysa meel la yiraahdo “Tanciim” ayaa waxaa la kulmay nin la yiraahdo Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu Salama weydiiyay halka ay u socoto, waxayna tiri magaalada Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la socoto. Ummu Salama waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga iyo wiilkayga Salama oo keliya.

Haddaba, Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi maayo ilaa aan ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu sameeyay. Ummu Salama iyo wiilkeedii Salam waxay yimaadeen magaalada Madiina, halkaas oo ay la kulmeen Abuu Salama oo ayan is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu faraxday la kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar maba la joogin ilaa ay ka billowdaan dagaaladii Badar iyo Uxud.

Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas duulimaad, nasiib darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud, ka dib markii uu wacdaro daran halkaa ku soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama wuxuu saarnaa sariirta halkaas oo lagu daaweenayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw), markii uu Rasuulka (scw) ka tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday.

Ummu Salama waxay Illaah ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama, laakiin waxay gadaal danbe is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka kheyr badan Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo waxay heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu Salama waana Rasuulka (scw). Waxaa Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay guursaday Rasuulka (scw). Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka Muslimiinta, waayoo xaasaka Rasuulka waa hooyooyinka muslimiinta.

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑