Search

Wajibad

Learn All About The Stories of The Prophets, & All Islamic Wajibad & The Sunan.

Category

Siira

Heshiiskii Xudeybiyah – Qaybta 2aad

Heshiiskii Xudeybiyah
(صلح الحديبية)

Qaybta | 2aad

Muxaadaro lagu qabtay magaalada (Johannesburg)
Wadanka (South Africa) Koonfurta Afrika sannadka 2010

Fadiilatu: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

(Ilaahay ha xafido) Continue reading “Heshiiskii Xudeybiyah – Qaybta 2aad”

Heshiiskii Xudeybiyah – Qaybta 1aad

Heshiiskii Xudeybiyah
(صلح الحديبية)

Qaybta | 1aad

Muxaadaro lagu qabtay magaalada (Johannesburg)
Wadanka (South Africa) Koonfurta Afrika sannadka 2010

Fadiilatu: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

(Ilaahay ha xafido) Continue reading “Heshiiskii Xudeybiyah – Qaybta 1aad”

Taariikhda (Siirada) Nabi Maxammed (scw)

Taariikhda (Siirada)
Nabi Maxammed (NNKH)

Taariikh nololeedka Suubanaha Rasuulka

Decorative Lines

Nabi Muxammad csw, wuxuu ku dhashay Makkah, Oday la’aan (Yatiin), bishii Rabiical Awal, sannadkii la oran jiray Sannadkii Maroodiga, Aabihiis wuxuu dhintay isagoo ku jira caloosha hooyadiis (Labo bilood), markuu dhashayna waxaa hooyadiis la soo koriyey Awoowihiis Cabdul Mudalib.

Hooyadiis waxey dhimatay Isagoo jira (Lix bilood), awoowihiis Cabdul Mudalibna wuxuu dhintay isagoo (Siddeed jir ah), ka dibna waxaa noloshiisa kafaala qaaday Adeerkiis Abuu Taalib, intuu Adeerkiisa ka dhinto isaga ayuu la noolaa. Waxaana soo nuujisay Xaliimat Sacdiya.

Continue reading “Taariikhda (Siirada) Nabi Maxammed (scw)”

Siirada Rasuulka (csw)

Taxanaha Siirada
Suubanaha Rasuulka

”Caleyhi Salaatu Wa Salaam.”

Decorative Lines
Continue reading “Siirada Rasuulka (csw)”

The Isra and Mi’ra

The Isra and Mi’raj
الإسراء والمعراج

This article is about:
The ascending of Prophet Muhammed
(peace be upon him) from earth to heaven.

Decorative Lines

The Night Journey

The Isra and Mi’raj (Arabic: الإسراء والمعراج‎, al-’Isrā’ wal-Mi‘rāj), are the two parts of a Night Journey that, according to Islamic tradition, the Islamic prophet Muhammad (pbuh) took during a single night around the year 621. It has been described as both a physical and spiritual journey. A brief sketch of the story is in sura 17 Al-Isra of the Quran, and other details come from the Hadith, supplemental writings about the life of Prophet Muhammad (pbuh).

Continue reading “The Isra and Mi’ra”

Waraaqihii uu Nebi Muxammad (CSW) u diray Boqorrada

Waraaqihii uu
Nebi Muxammad (CSW)
u diray Boqorrada:

Kitaabka Siirada:
Suubanaha Rasuulka Muhammed [SCW]
[ Casharka 64aad ]

Waxaa Isku Soo Dubariday:
Cusmaan Bilaad
Email: osmanbilad@hotmail.com

Decorative Lines

Qoritaankii Waraahihii
Loo Diray Boqorrada.

Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay Xudeybiya oo uu heshiis la soo saxiixday codawgii islaamka ugu darnaa ee qureysh, oo ka mid ahaa saddexdii qolo oo ugu fitnada iyo cadaawada badnaa mandiqaddaas, duullaankii Axsaabna isku soo bahaystay, ayuu Rasuulku SCW wuxuu bilaabay in uu dacwadii islaamka u bandhigayo, waraaqana u kala dirayo boqorradii iyo madaxdii caalamka, gaar ahaan kuwoodii ugu waaweynaa, isaga oo jihaadkana dhiniciisa ka wada maxaa yeelay dacwada iyo jihaadku ma kala maarmaan, mana dhici karto in la yiraahdo dacwo ayaa la wadayaa, jihaadna looma baahna, waxayna taasi la mid tahay dowlad ciidan la’aan ah ama ciidan hub la’aan ah.

Continue reading “Waraaqihii uu Nebi Muxammad (CSW) u diray Boqorrada”

Sifooyinka Rasuulka (csw)

Kitaabka Siirada
Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta
| 84aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Sifooyinka Rasuulka
(صلي الله عليه و سلم)

Rasuulku SCW waxa u ahaa dadka kan ugu waji qurxoon, wajigiisuna waa balaarnaa, waana wareegsanaa, waxaana lawaydiiyey saxaabiga Baraa ibnu Caasim oo lagu yiri “wejiga Rasuulku SCW ma wuxuu ahaa seef oo kale”, wuxuu yiri “maya ee waxa uu ahaa dayaxa oo kale”.

Continue reading “Sifooyinka Rasuulka (csw)”

Xaasaska Rasuulka (csw) ”Ummuhaatul Mu’miniin”

Kitaabka Siirada
Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta | 83aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Fadlan Dersigan oo PDF halkaan kala deg.

Decorative Lines

Haweenka Rasuulka (csw)
(صلي الله عليه و سلم)

Haweenkii uu Rasuulku SCW guursaday waxa ay ahaayeen Saddex iyo Toban oo uusan labo la aqal galin iyo labo adoomo ah, waxayna kala ahaayeen Saqaal uu kadhintay oo ahaa: Caa’isha bintu Abiibakar-Sidiiq, Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab, Umu Xabiiba binu Abii-Sufyaan binu Xarbin, Umu Salama bintu Abii-Umaya binu Muqiira, Sawda bintu Samca binu Qays, Saynaba bintu Jaxshin binu ri’aab, Maymuuna binu Xaarith,

Continue reading “Xaasaska Rasuulka (csw) ”Ummuhaatul Mu’miniin””

Geeridii Rasuulka (csw)

Siirada Rasuulka (csw) Qaybta 82aad

Kitaabka
Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta 82aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

LineTree

Continue reading “Geeridii Rasuulka (csw)”

Ciidankii Usaama Binu Zayd

Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta | 81aad

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Continue reading “Ciidankii Usaama Binu Zayd”

Xajjatul Waddaac

Kitaabka Siirada
Suubanaha Rasuulka (csw)

Qaybta | 80aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Xajjatul Waddaac

Markii la marayo bishii Dul-Qacda, sannadkii 10aad ee hijriga ayaa Rasuulku (scw) ogeysiiyey dadkii muslimiinta ahaa in uu aadayo xaj. Markii waqtigii xajka la gaaray ayuu Rasuulku (scw) ka soo baxay Madiina iyada oo ay 5 beri ka dhiman tahay bishii Dul-Qacda, wuxuuna sii lebbistay dharkii xajka, hadyigiisiina wuu soo qoor xiray. Waxaa Madiina ka soo raacay muslimiint aad u tiro badan, sidoo kale dhammaan dhulkii kale ee muslimiintu degganaayeen waa laga soo baxay iyada oo lagu soo ururayo Makka si xajka loo guto.

Continue reading “Xajjatul Waddaac”

Sannadkii Wufuudda ”Caamul Wufuud”

Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta 79aad

Waxaa isku soo dubaridey:
Osman Bilad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Caamul Wufuud
Sannadkii Wufuuda

Continue reading “Sannadkii Wufuudda ”Caamul Wufuud””

Xajkii Abuu-Bakar As-Sidiiq

Siirada Rasuulka (csw) Qaybta 78aad

Kitaabka
Siirada Suubanaha Rasuulka (CSW)
Qaybta
78aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Xajkii Abuu-Bakar As-Sidiiq

Rasuulku SCW markii uu ka soo noqday duullaankii Tabuuk oo uu joogay labo bilood, laguna jiro bishii Dul-Qacda ayuu direy Abuubakar Al-siddiiq oo uu madax uga dhigay xajka si dadka muslimiinta ahi u soo gutaan camalkooda xajka. Abuubakar iyo dadkii la socday markii ay bexeen ayaa waxaa soo degay bilowga Suuratu-Tawbax oo ka hadlaysa xirir u goynta gaalada, markaas ayuu Rasuulku SCW ka daba diray Cali binu Abuu-Dhaalib si uu u gaarsiiyo arrimaha ay suuraddu ka hadashay.

Cali wuxuu Abuubakar iyo dadkii la socday ku gaaray meesha la yiraahdo Caraj, markaas ayaa Abuubakar ku yiri “ma madax baad tahay (lagaa soo dhigay) mise wax baa lagula soo diray”, Cali wuxuu yiri “wax baa la ila soo diray”, ka dibna way baxeen, Makka markii la gaarayna Abuubakar dadkii ayuu xajisiiyey.

Markii la gaaray maalinkii gowraca (Yawmu-Naxri) ayaa Cali binu Abii-Dhaalib istaagay meesha la yiraahdo Jamratul-Caqaba oo dadkii ogeysiiyey wixii la soo amray oo ahaa in gaalada oo dhan xiriirka loo jaro, lana siiyo muddo afar bilood ah, kuwii heshiis la lahaa muslimiinta iyo kuwii aan la lahaynba, waxaa keliya oo laga soo reebay kuwii aan heshiiskii muslimiinta waxba ka nusqaamin, cid kale oo muslimiinta cadow u ahna aan kaalmayn.

Abuubakar wuxuu sidoo kale diray rag dadkii ku dhex naadiya in uusan sannadkaas wixii ka dambeeya mushrik soo xajin karin, qof qaawanna xaramka dawaafi karin. Xajkaas ayaana ugu dambeeeyey in mushrikiin gaalnimo muujisanaysay ay dawaafaan Beytka Alle, ka dib Abuubakar Madiina ayuu ku soo noqday.  Xajkii ku xigey ee sannadkii 10aad ee hijriga waxaa la oran jirey Xajatul-Wadaac waxaana soo xajiyey Rasuulka SCW iyo muslimiinta oo keliya sidaas ayaana waxaa ku baab’ay shirkigii iyo kufrigii Jasiiratul-Carab.

Duullaankii Tabuuk

Kitaabka

Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta |77aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

Decorative Lines

Duullaankii Tabuuk

Continue reading “Duullaankii Tabuuk”

Dhaq Dhaqaaqyadii Ciidameed ee Ku Xigay Daa’if

Siirada Rasuulka (csw) Qaybta 76aad

Kitaabka
Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)
Qaybta 76aad

Taxanaha: Siirada Suubanaha Rasuulka (csw)

LineTree

Dhaq Dhaqaaqyadii
Ciidameed ee Ku Xigay Daa’if

Rasuulku SCW markii uu ku soo laabtay Madiina bishii Duq-Qacda, sannadkii 8aad ee hijriga ma uusan bixin ilaa laga gaaray bishii Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga ee uu u baxay duullaankii Tabuuk. Hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW diray ilaalooyin ciidameed oo uu u kala diray jihooyinka sidoo kale wuxuu diray rag badan oo uu u kala diray qabiilooyinkii muslimiinta si ay sakada uga soo ururiyaan islaamkana u baraan. Haddaba haddii aan soo qaadanno duullaamadii waxa ay kala ahaayeen sidatan:

Ilaaladii Cuyayna binu Muxsin oo la diray bishii Muxarram, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u diray reer banii Tamiim. Sababta uu Rasuulku SCW u dirayna waxa ay ahayd in gaaladii reer banii Tamiim ay diideen jisyaddii. Cuyayna wuxuu watay 50 nin oo fardooley ah oo aysan ku jirin Muhaajiriin iyo Ansaar. Cuyayna iyo ciidankiisii way baxeen iyaga oo habeenkiina soconaya, maalintiina degaya ilaa ay ugu dambayntii ka weerareen cadowgii, wuuna baqday oo kala cararay.

Cuyayna wuxuu gacanta ku soo dhigay 11 nin, 21 haween ah iyo 30 carruur ah, wuxuuna keenay Madiina. Dabadeed waxaa ka daba yimid 10 nin oo madaxdii qabiilkaas ah oo Rasuulka SCW la hadlay, islaamayna, Rasuulkuna SCW wuxuu u celiyey maxaabiistoodii.

Ilaaladii Qudba binu Caamir oo ka koobnayd 20 nin waxa uu Rasuulku SCW diray bishii Safar isla sannadkii 9aad ee hijriga, waxa uuna u diray qabiil ka mid ahaa reer Khuthcam oo degganaa agagaarka meesha la yiraahdo Tubaala. Qudba iyo raggiisii way baxeen ilaa ay kala kulmeen cadowgii, waxaana dhex maray dagaal daran ilaa labada qolaba uu dhaaawacu ku batay, Qudbana ku shahiiday, ka dibna muslimiintii waxa ay ku soo laabteen Madiina iyaga oo qaniimo wata.

Ilaaladii Daxaak binu Sufyaan oo uu Rasuulku SCW diray bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuuna u diray reer banii Kulaaba, wuxuuna amray in islaamka loogu yeero, hase yeeshee islaamkii way diideen, wayna dagaallameen, dabadeedna jab baa ka raacay oo muslimiintii ayaa guulaystay. Waxaa kale oo jirtay Ilaaladii Calqama binu Mujsis oo ka koobnayd 300 oo nin, Rasuulkuna SCW u diray xeebta Jidda bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 9aad ee hijriga.

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑