Afartan Xadiith

Imaam An-Nawaawi

Imam An-Nawawi’s: Arbaciin Xadiith
Turjume:
  Cabdulcasiis Xasan Yacquub
Qore: Sheekh Cabdur-Raxmaan Xuseen Samatar

Fadlan halkaan waxaad ka Degsan kartaa ama aad ka Daabacan kartaa Arbaciin Nawwaawi oo Carabi keligii ah.
الأربعين النبوية

Decorative Lines

Tusmada Kitaabka

Num Chapter Num Chapter
1 Gogol dhig 22 Wax Jannada lagu galo
2 Camalku waa Niyadda 23 Falka Khayrka
3 Tiirarka lslaamka 24 Reebidda dulmiga
4 Dhidibada lslaamka 25 Wardigu waa sadaqo
5 Abuurista Aadamiga 26 Xilka saaran xubnaha bulshada
6 Bidcada 27 Shakiga sidaad uga bixi lahayd
7 Kadheeraanshaha Shubhada 28 Dardaaran
8 Xurmada Muslimka 29 Jidka Jannada loo maro
9 Qofa laguma waajibiyo wax ka badan awooddiisa 30 Xuduudda Ilaahay
10 Wax la wada faray Nebiyada iyo Muslimiinta 31 Wax llaahay iyo dadkuba kugu jeclaadaan
11 Dhawrsoonaanta 32 Ma bannaana adiyaddu
12 Ha fara gelinin wax aadan shaqo ku lahayn 33 Asaaska doodaha
13 Kalgacaylka 34 Reebidda Munkarka
14 Wax yaalaha dhiigga Muslimka Banneeya 35 ls-xaq dhawridda Xubnaha bulshada
15 Anshaxa wanaagsan 36 Badbaadinta Bulshada
16 Carada 37 Deeqsimada llaahay
17 Naxariista 38 Qofka colaadiya Awliyada llaahay
18 La Dhaqanka dadka 39 Xaaladaha qofka aan loo qabanayn dambiga uu falo
19 Gargaarka Alla 40 Inaan la isku hilmaamin dunida
20 Xishoodka 41 Hawo raaca
21 Qumanaanta 42 Khatarta shirkiga

Hordhaca Kitaabka

Mahad Allaa leh, naxariistii iyo nabadgelyadii Alle ha ahaadeen Nabigayagii Muxammad kor kiisa, ehel kiisa, asxaab tiisii iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha. Waxaynu ogsoon nahay in labada asal ee loo noqdo si loo fahmo diinta Islaamka , saldhiggana u ah nolosha qofka muslimka ahi inay yihiin Qur’aanka kariimka iyo sunnada dahiran ee nebiga (scw). Midka hore ee ah (Qur’aanka) waa hadalkii Allah (swt); midka labaadna oo ah sunnada ama xadiiska nebiga hadba kan loo yaqaan wa tusaalooyinkii nebiga (scw) ee waajibka ah in la raaco, siduu Allahii casiiska ahaa yiri:

“Wixii uu Rasuulku idin siiyana ee amar ah qaata wixii uu idinka reebayna ka hara.”

Sunnaduna waa tan bayaanisa Qur’aanka, dhammeystirkana u ah hanuunka iyo kheyrka xagga Rabbigeen inoo laga soo dejiyey. Qofkuna hadduusan darsin Sunnada kama qaadan karo suurad dhan ee sax ah axkaamta diinta, mana fahmi karo xaqiiqda lslaamka iyo kheyrka ku laran. Sidaa awgeed ayaa waxaa ii muuqatay inaan walaalaheen Soomaaliyeed u soo gudbinnaa qaybo ka mid ah axaadiistii nabigeennii suubbanaa (scw) oo afkooda hooyo ugu tarjuman, si looga haqab tiro baahida ka haysata xaggaa axaadiista Rasuulka (scw)’.

Waxayna doorashadu ku dhacday inaynu ku billowna daabacaadda iyo fidinta kitaabkan uu qoray walaalkeen Sheekh Cabdul Raxmaan Xuseen Samatar, kaddib kolkaan naqtiimay kitaabka; wixii khaladaad ahina aan ka saaray. Kaddibna waxaan jecelnahay inaan soo saarno kitaabka Riyaadu-Saalixiinka uu qoray al-Imaam An-Nawawi isagoo af Carabi – Soomaali ah, haddana aannu ku howlannahay..

‘Waxaana suurta gal ah in Ilaahay kheyrka ina waafajiyo oo aan dadaalka meesha ka sii wadno oo qaybo kale ee xadiiska Rasuulka soo saarno sida saxiixul Bukhaariga iyo Muslim.. Waxaan u rajeynaynaa dadweynatra Soomaliyeed inay ka faa’ideystaan, kuna camal falaan mabaadida toosan ee Rasuulkeennu (scw) inoogu yeerayo.. Allaana u wakiilannay inuu wax ka dheefsiiyo walaalaheen dadaalkayaga, innagana innaga aqbalo camalkayagan, kana dhigo mid khaalis u ah Wajigiisa kariimka ah.

Naxariistii iyo nabadgelyadii Allana ha ahaadeen nabigeennii Muxammad korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii samaantak u raacday ilaa maalinta qiyaamaha. (Aamiin.. Aamiin ..Aamiin).. Cabdulcasiis Xasan Yacquub.

Tarjumaha Kitaabka

Wuxuu ku sheegay mu’allifka kitaabkani al-Imaam Nawawi, gogoldhiggii ugu horreeyey inuu jiro xadiis aan sugneyn oo leh:

“Qofkii xafida 40 Xadiis, waxaa la soo bixinayaa qiyaamaha isagoo shahiid ah oo shafaaca qaaadaya, waxaana lagu yiraahdaa: Jannada ka gal irridda aad doonto.”

Marka culumo tobnaad dhan ayaa uruiyey afartameeyo xadiisyo, si ay dadka ugu fududaato inay xafidaan, laakiin, waxay xuleen badankoodu xadiisyo hal mowduuc ka hadlaya, qaar waxay ka allifeen xagga caqiidada, qaarna xagga jihaadka, qaarna xagga aadaabta iyo arrimo kale oo fara badan.

Marka waxaan goostay inaan afartan xadiis ururiyo anigoo ku dayanaya culumadaas faraha badan oo arrimahaas oo dhan wada koobaya. Xadiis kasta oo ka mid ah kuwaan aan soo xulay waa saldhig weyn oo ka mid ah asaaska diinta Islaamka, culumaduna ku tilmaameen inay murtida Islaamku ku dhan tahay ama Islaamka barkii ama waaxdii.. waana xadiisyo dhammaan wada saxiix ah oo sugan. Sida dhabta ah arrimahaas al-Imaam Nawawi ku tilmaamay kitaabkan waa xaqiiqo dhab ah, waana arrimahaas waxa igu xambaaray inaan kitaabkan u soo tarjumo af Soomaaliga

Waxaan la kulmay dhallinyaro badan oo af Soomaliga si wacan u taqaanna, laakiin, Af carabigu ku culus yahay, isla markaan aad uga fiirsadayna kitaabka ugu habboon ee fikrad run ah oo fudud ka siinaya diinta Islaamka ayaan ku qancay in kitaabkani kaalintaa buuxin karo, sababtoo ah wuxuu kulansaday axaadiis ka hadleysa arrimo badan oo qofka iyo bulshadaba si qoto dheer u saameyneysa sidaa xaadiista ka hadleysa tiirarka Islaamka, Iimaanka, iyo Ixsaankas, idan iyada, daacadnimad, hagar la’aantaiy o inaan lagu labin camalka llaahay loola jeedo wax aan sharcigu farin.

Axaadiis kale waxay ka hadleysaa waajibaadka qofka ka saaran bulshada uu ku nool yahay, sidii uu u gudan lahaa waajibaadkaas iyo haddii uu guto abaalgudka uu leeyahay.. Axaadiis kale waxay ka hadleysaa sida xiriirka bulshadu ku toosi lahaa, waxayna tilmaameysaa wixii bulshada isu soo dhoweyn lahaa ee ku xambaaraya xubnaha bulshada inay is-afgartaan oy wax wada qabsadaan. Axaadiis kale waxay ka digeysaa waxyaalaha isku diraya dadka ee kala geynaya ama colaad iyo uur xumo isugu abuuraya iyo dhibaatada uga imanaysa kala tagga iyo iskhilaafka if iyo aakhiraba

Waxaa jirta axaadiis kale oo kala qeexaysa jidka toosan iyo kan qalloocan ama xaqa iyo baadilka, iyo qof kastaba abaalgudka uu helayo hadba jidka uu raaco. Waxaa jirta oo kale axaadiis ka hadleysa anshaxa iyo aadaabta fiican ee ku habboon ruuxa rumeysan diinta Islaamka iyo sida uu ula dhaqmayo dadka xiriirku dhex marayo iyo arrimo kale oo ku baahsan oo lala kulmi doono marka la akhristo.

Sida dhabta ah waa kitaab mudan in la xafdisiiyo dhallinta soo koreysa, waxaanna filayaa qofkii si fiican u fahma inuu wax weyn ka tari doono dadnimadiisa iyo aayatiinka noloshiisa inta uu jiro.. Xagga tarjumada waxaan isku dayay inaan aad ugu soo dhoweeyo garaadka dadka aan aqoon qoto dheer u laheyn diinta.

Xagga sharaxa marka hore waxaan fasiray ereyada Rasuulka laga soo weriyey oon af-Soomaali ku tarjumay, Kaddibna waxaan sharxay macnaha guud ee xadiiska loola jeedo, waxaan ugu dambeysiiyey faa’idada xadiiska laga qaadankaro. Marna ma halmaami karo ugu dambeyntii inaan u mahad-celiyo dadkii ka qayb qaatay sida kitaabkani ifka loogu soo saari lahaa.

Waxaan Ilaahay uga rajeynayaa in uu ku abaal mariya guul waarta.

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Samatar.

Hadith 01

Xadiith: N°1
Miisaanka Camalka Waa Niyada

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn al-Khaddaab Alla haka Raalli Noqdee inuu yiri:

”Waxaan maqlay Nebiga (scw) oo leh: Camalku waxaaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuul kiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guur keeda, isna waxaa lagu abaal marinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud”. [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Kowaad

Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo camalkii waa ansaxay haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buray. Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tagoo o lagu biro xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa loola ieeday in qofku ka guuro meeshaa annu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta Islaamka si xurriyad ah.

FAA’IDADA XADIISKA:

Wuxuu noo faa’ ideynaya xaadiiskani arrimaha soo socda:

  1. Inaan camalku ansaxeyn niyad suubban la’aan.
  2. In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan’
  3. Camalka Alle (sw) aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan.
  4. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsana ku dara istus-tus ama uga gogol leh camalka adduunku hel, ama halagu a mmaano ee magac iyo maaldoon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Illaahay waxba ka sugi maayo.

Hadith 02

Hadith 02-A

Xadiith: N°2
Tiirarka Islaamka

Waxaa laga weriyey sidoo kale Cumar (Allah haka raalli noqdee), in uu yiri:

‘Maalin maalmaha ka mid ah annaga oo Nebiga (scw) la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u tima madow oo aanay ka muuqan astaan safar nin yaqaanna nagu jirin, ilaa uu Nebiga ag-fariistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyin kiisnaa kor saaray bowdada Nebiga (scw) markaasuu ku yiri: Muxammadow ii sheeg lslaamka.

Markaasuu Rasuulkii Alla (scw) yiri: lslaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Allah yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan iyo u xajidid Baydka Allah haddii aad awooddid. Markaasuu yiri: Run baad sheegtay, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay.

Haddana wuxuu ku yiri: Ii sheeg Iimaanka. Markaasuu yiri: Iimaanku waa inaad rumeysid Alla iyo malaa’ik tiisa, Kutub tiisa, Rusushiisa, maalinta qiyaamaha iyo Qaddarka Alla shar iyo kheyrba. Wuxuu yiri: Run baad sheegtay. Wuxuu yiri: Haddana ii sheeg Ixsaanka. Wuxuu yiri: Ixsaanku waa inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isaga ayaa ku arkaya. Wuxuu yiri: iiga warran saacaddu markay dhacayso. Wuxu u yiri Nebiga (scw): Kaagama war rooni.

Wuxuu yiri: iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato. Wuxuu ku jawaabay: In addoontu dhasho sayid keeda iyo in dadka kabaha la’ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan sara-dhis. Markaasuu iska tegey. Markii Nibigii Cabbaar aamusnaa ayuu yiri: Cumarow, ma garanaysay ninkii wax warsanayey? Markaasaan iri; Allah iyo Rasuulkiisa ayaa og. Wuxuu yiri Nebiga (scw): Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna.” [Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Labaad

Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii Diinta Islaamka oo ah tiirarka Islaamka, tiirarka Imaanka iyo daacadnimada. Marka irridda laga gelayaa Diinta Islaamka waa inaad qirto ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed Rasuulkii Alle yahay. Tiirka labaad ee Diintu waa salaadda, qofkii ka tagaana waa qof Alla ku kufriyey. Tiirka Saad waa in la bixiyo sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay.

Tiirka Afaraad waa in la soomo bisha Ramadaan oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga billaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. Tiirka Shanaad waa inaad u Xajidid Beydka Alle ee Makka ku yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qofk a awoodda u leh. Marka tiir kasta oo ka mid ah Shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabtid, waxaad ka heli kartaa kutubaha fiqiga. Tiirarku iimaanku iyagu waa lix (6) oo kala ah:

  1. Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso jiritaanka iyo midnimada Allah’
  2. Inaad rumeyso jiritaanka malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahay k a uumay nuur oo innaga duwan,
  3. Inaad rumeyso in llaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo deiiyay ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur ‘aan k a,
  4. I naad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa Muxammad (scw).
  5. Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto, maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
  6. Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax llaahay qaddaray shar iyo kheyrba.

Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahay un baa og inuu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka lslaamka. Arrinta 3aad ee saldhigga islaamka waa ixsaanka, waxaan dhihi karnaa waa dhuuxa islaamka. Haddii aanu geed dhuux laheynna isma taagi karo marka ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka dhab ka tahay rumeynta Diinta Islaamka waa in uu si daacad iyo hagar la’aan ah ugu camal falo sharciga Isfaamka. Waa inuu Alla u caabbudo sidii asagoo hortaagan, maxaa yeelay, haddii aanu qofku arkeyn llaahay asagaa arkaaya.

Markii saldhigyadii Islaamku dhammaadeen ayuu warsaday Jibriil Nebigii {scw) waqtiga qiyaamuhu kacaayo. wuxuu ugu iawaabay:  kaagama war rooni. Sababtoo ah waa arrimaha cilmigooda llaahay la keli noqday oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa waxaan ka ogaaneynaa dadka isku shuqliya inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida kuwa dhaha dunidu waxay jireysaa 7.000 oo sano ama 4.000 iyo shey iwm., iney sheeko baraley tahay. Wuxuu warsaday haddana Jibriil astaamaha lagu ogaado in Qiyaamuhu dhow yahay.

Wuxuu sheegay Nebigu (scw) in astaamaha ay ka mid yihiin: In addoontu sayidkeeda dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay badan doonaan carruurta waalidkood ku caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn xurmada, sharafta iyo xannaanada waalidku ka mudan yahay carruurtooda, ilaa ay ka gaaraan heer ay ula dhaqmaan hooyadooda sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah oo u shaqeeya. Waxaa ka mid ah calaamadaha saacadda in dadka reer baadiyaha ah ee cayrta ah ay qabsan doonaan magaalooyinka kuna tartami doonaan saraha dhaadheer isuguna faani doonaan .

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Waxaa lagu koobay xadiiskan saldhigyadii Diinta lslaamka.
  2. Waxaa lagu sheegay in waqtiga Qiyaamuhu kici doono Alla oo keliya og yahay haddii cid too sheegi lahaa waxaa loo sheegi lahaa Malaku-Jibriil iyo Nebi Muxammad (scw).
  3. Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon inuu ku dadaalo nadaafadda dharkiisa iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo labbistay oo kale.

Hadith 03

Xadiith: N°3
Dhidibbada Islaamka

Waxaa laga wariyey Abuu Cabd ar-Raxmaan ‘Cabullaahi ibn Cumar-ibn al-Khaddaab (Allaha ka raalli noqdee):

”Inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Waxaa lagu dhisay lslaamka Shan dhibdib oo kala ah.” [Bukhaari iyo Muslim]

  1. Qiridda in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay.
  2. Oogidda salaadda.
  3. Bixinta Sakada.
  4. Soomidda Bisha Ramadaan.
  5. Gudashada Xajka.

Sharaxa: Xadiiska Sadexaad

Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabsan arkaanta lslaamka, marka shantaasi dhidib, waa shanta tiir ee qofka loogu agoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaalahal a xiriira.

Hadith 04

Hadith 04-A

Xadiith: N°4
Abuurista Aadamiga

Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaahi ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee):

”Waxaa noo xadisay Rasuulkii Allah (scw) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxu u yiri: Qof ka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood intaa in la’egna, wuxuu ahaanaya xinjir yar, intaa in la’egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah:

  1. Inuu qoro Arsaaqadiisa,
  2. Cimrigiisa,
  3. Shaqadiisa ama Camalkiisa
  4. Iyo in uu yahay Shaqaabad ama Saciid.

Waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, Wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa Naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalkad reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Afaraad

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyada, muddo 120 beri ah ayey isu beddeleysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la’eg.

Marka ay bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi wuxuu ku kici doono shar iyo ‘khey” ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xil saaray.

Waxaa kale oo xadiiskani ina tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qof ku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay. Haddaba waxaa ‘la gudboon qof waliba inuu ‘Illaahay baryo, ,inuu khaatimadiisa kheyr ka dhigo.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi.
  2. llaa 4 bif ood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada.
  3. Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

Hadith 05

Xadiith: N°5
Bidcada

Waxaa laga weriyay hooyadii Mu’miniinta Umm Cabdullaah Caa’isha (Allah ha ka raalli noqdee):

”Inay tiri: wuxuu yiri Rasuulkii Allah (scw): Qofkii amarkayagan ku soo dara waxaa an ka mid ahayn isaga lagu celinayaa.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Shannaad

Xadiis kani wuxuu caddeynayaa qofkii ka leexda Jidkii Alle iyo Rasuulku jideeyeen inuu baadi yahay Xadiiskan waa udubbada ugu waaweyn ee Islaamka, wuxuu ka digayaa in Diinta lagu soo daro wax aan ka mid ahayn, ama laga naaqusiyo, ama la beddelo ama la qalloociyo.

Sababtoo ah Diinta Islaamku wey dhammeystiran tahay oo Ilaahay baa dhammeystiray, marka qofkii wax ku soo daraya ama ka naaqusinaya wuxuu ka dhigan yahay gof leh anigaa llaahay ka aqoon badan oo waxaanu sheegin baan Diinta ku darayaa, ama wuxuu sheegay baan ka goynayaa.

Waxyaalaha laga digaayo in diinta lagu soo darriyo ama laga naaqusiyo ma aha oo keliya cibaadada ee waa farac kasta oo ka mid ah Diinta lslaamka sida macaamilaadka Nikaaxa, Usluubta, Anshaxa, Xiriirka Bulshada, xuquuqdooda iwm. Haddaba, qofka muslimka ah ee ku camal fala masalo aan sharciga ku dhisneyna baalkiisu waa in camalki isu buro oon laga ajar-siin, weliba waxaa la arkaa inuu ku dambaabo ama diintaba kaga baxo falalka qaarkood.

Haddaba waxaa waajib ku ah qof kastao o muslim ah inuu hubsado in camalkiisu sharciga waafagsan yahay iyo in kale. Waxaana jira miisaan lagu qiyaaso camalka oo ah sida uu Nebigu (scw) iyo asxaabtiisu ugu camalfali jireen mas’alada hortaalla.

Waxaad heleysaa jawaab saxiix ah oo laga soo weriyay Nebigi iyo Asxaabtiisii, Haddaba, waa in laga digtoonaado bidcada iyo sheekada ku-tiri-ku-teenka ah ee loo ekeysiinayo diinta laguna khawiyeysiinayo dadka ma-kastada ah ama aqoonta gaaban xagga diinta.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Mas’ala kasta oon sharciga ku fadhin waa baadinnimo;
  2. In laga digtoonaadob idcada;
  3. In qofkuf alki isak u mi isaamos harcigais laamka;
  4. Inla barto diinta si loo kala saaro bidcada iyo sunnada;
  5. In diintu dadka ku filan tahay oo laga deeqtoon yahay bidcada.

Hadith 06

Xadiith: N°6
Ka Dheeraanshaha Shubhaada

Waxaa laga weriyay Abuu-Cabdulaahi an-Nucmaan ibn Bashiir (Allaha ka raalli noqdee),

”Inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn, dadka badankiisuna ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharafkiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan oo ay daaqaan.

Hooyaay! ogaada in Boqor kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha llaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay! Ogaada in jirka ay ku iirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baan xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Lixaad

Xadiiskani waa saldhigga cilmiga fiqiga ee lagu geexay xalaashai yo xaaraanta, w axaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaalaha innaga hor imaanaya ‘inaaney ka baxsaneyn saddexx aalo midkood.

  1. Wax lagu caddeeyay xaaraannimadiisa.
  2. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa.
  3. Waxa l aga shakiyay in uu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay.

Marka labada’ hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaamay wixi laga yeeli lahaa xaaladda seddexaad, waxaanu amray in laga dheeraado shubhaada intii lagu dhici lahaa xaaraanta. Wuxuu ku matalay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohdintood, wuxuu halis u yahay in xoolihiisu beeraha u dhacaan oo ay daaqaan, halkaana waxa ka dhacaya in ninkii beertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoolaha la jiray, marka si dagaalka looga nabadgalo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha.

Haddaba, beerta llaahay waa waxa uu xaaraanti nimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaariyo dagaalka llaahay. Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihi isa laga hoggaamiyo, haddii, qofka hoggaaan kiisa guduhu toosnaado, qofkuna waa toosayaa’ haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocan nayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? Hoggaanka guduhu waa Qalbiga. Marka waa inuu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi ‘lahaa mid saafi ah oo toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shubahada,
  2. ln shubahada laga dheeraado si looga nabadgalo xaaraanta,
  3. ln qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool ku-haynta i.w.m.

Hadith 07

Xadiith: N°7
Waanada

Waxaa laga weriyay Abuu-Huqayya Tamiim ibn Aws ad-Daarii (Allaha ha ka raalli noqdee):

”In Nebigu (scw) yiri: Diintu waa waano, waxaannu niri ‘ayuu u yahay? Rasuulka Allow! Wuxuu yiri: wuxuu u yahay Allah iyo Kitaab kiisa, iyo Rasuul kiisa, iyo madaxda musl imiinta iyo dadweynahaba.” [Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Todobaad

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee waanadu ku leedahay Diinta lslaamka, Diintu waxay waano u tahay llaahay waxaa loola jeedaa: in la aqbalo waanadiisa uu dadka ugu yeeray, in la rumeeyo keli ahaantiisa, in lagu sheego wuxuu isagu isku tilmaamay, lagalana haro shirkiga ama wadaajinta cibaadada, xaqa Ilaahayna aan cid kale la siinnin, nicmaduu kuugu deeqay aan cid kale loo tiirin

Wuxuu diinku waano u yahay Kitaabka Ilaahay: in la rumeeyo inuu yahay kitaab ka soo degay xagga Ilaahay, kaddibna la xurmeeyo laguna camal falo. Wuxuu diinku waano ugu yahay Nebiga (scw) in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii llaahay u soo diray dadka lana rumeeyo wuxuu sheego oo dhan, lana raaco awaamiirta uu faro, lagana dheeraado wuxuu reebo.

Madaxda Muslimka wuxuu diinku waano ugu yahay waa in xaqa loogu gargaaro wixii gefaf ama qallooc ah lagu baraarujiyo amarrada ay soo saaraan oo ay dadka ugu daneynayaan, shareecadana waafaqsan in la fuliyo, inaan loo baarin ceebo, inaan laga faafin dacaayad dadka nacsiisa iyo in lagu gacansiiyo mashaariicda lagu hormarinayo danaha ummadda iyo inaan ammaan been-been ah iyo munaafaqnimo lala hoos roorin. Dadweynaha wuxuu waano ugu yahay in lagu hunuuniyo xaqa in wax la baro, kuwa qalloocan in looga digo xumaanta, kuwa jaahilka ah wax la baro iwm.. Marka diinkuba wuxuu ku hirgeli karo waa waano iyo wax isu sheeg.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Wuxuu natusayaa in waanadu qiimo weyn ku leedahay Diinta Islaamka,
  2. Waanada llaahay waa in la aqbalo wuxuu ummaddiisa ku waaniyay,
  3. Waanada Rassulka waa in la rumeeyo lana raaco jidka uu inoo jideeyay,
  4. Waanada kitaabka waa in lagu camalfalo,
  5. Waanada Madaxda waa in lagu caawiyo fulinta xaqa,
  6. Waanada dadweynaha waa in la hanuuniyaa.

Hadith 08

Xadiith: N°8
Xurmada Muslimka

Waxaa laga weriyay ibnu Cumar (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri Nebigu (scw):

”Waxaa lay amray inaan dadka la jihaado ilaa ay ka qiraan midnimada Allah iyo inuu isaga keliya yahay ilaaha xaqa ah, wixii ka soo haraana ee la caabudo ay yihiin ilaahyo been iyo baadil loogu hoggaansan yahay ee aan xaq aheyn in laga hortagona ay waajib tahay.

Waxaa sidoo kale nebiga la amray iyo ciddii rumeysayba in ay ku jihaadaan dadka ilaa ay ka qiraa nebinnimada Rasuulka llaahay, salaadda tukadaan, sakadana bixiyaan. Haddii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiiggooda, iyo maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa islaamka, wixii intaa ka dheeraada llaahay baa ka xisaabaya.”  [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Sideedaad

Xadiiskani wuxuu inoo sheegay Saldhigyada lslaamka uqu waaweyn iyo in qofkii diida lala jihaadayo, dhiiggiisa iyo maalkiisuna in ay xalaal u yihiin imaamka Muslimiinta, ninkii intaa laga helose waa xaaraan in dhiiggiisa la dhadiyo iyo in xoolahiisa la dhaco. Xaqa islaamka waxaa looga jeedaa ku dhaqanka xeerka islaamka, sida bixinta xuquuqda lagu yeesho xoolahiisa iyo naftiisa ka dheeraanshaha dembiyada waaweyn iyo guud ahaan dhowridda sharciga.

Qofka sidaa muuqata ugu dhaqma diinta islaamka haddii si hoos ahaan ah uu ku kaco waxyaalaha ku reeban diinta,  Ilaahay baa la xisaabtami doona, innagu waxaan kula dhaqmeynaa sida inooga muuqata, haddiise uu muujiyo lslaamnimo hoosna ku qarsado gaalnimo ama munaafaqnimo innagu shaqo kuma lihin waxa u qarsoon waxaan ula dhaqmeynaa muslimnimo toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. In lala jihaado Cadowga Islaamka, ilaa ay ka islaamaan, ama ay cahdi la galaan imaamka musiimka
  2. Ninka ka taga salaadda ma diida sakada wuxuu la mid yahay gaalada cadawga u ah islaamka
  3. In qofka muslimka dhiiggiisa iyo maalkiisaba ay xaaraan yihiin in lagu xadgudbo
  4. Dhiigga qofka muslimka ah in la daadiyaa waa xaaraan, xoolihiisa in la dhacaana waa xaaraan
  5. Qofka lslaamnimada muujinaaya waa laga aqbalayaa wixii u qarsoon llaahay baa loo tala saaranayaa.

Hadith 09

Xadiith: N°9
Qofka Laguma Waajibo
Wax Ka Sareeya Awoodiisa

Waxaa laga weriyay Abuu-Hureyrah Cabdur-Raxmaan ibn Sakhar (Allah ha ka raali noqdee),

”Inuu yiri: waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Waxaan idinka reebo ka dheeraada, waxaan idin faray la imaada intaad awoodi kartaan, waxa halaagay dadkii idinka ka horreeyey su’aal badnaan iyo khilaafkii Nebiyadooda.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Sagaalaad

Xadiiskani wuxuu ugu yeerayaa Muslimiinta in ay Nebiga raacaan, waxaana saldhig u ah raacidda Nebiga (scw) ka dheeraanshaha wuxuu reebay, taasoo aan ku xirneyn awood, maxaa yeelay, iska dhowridda waxyaalaha xaaraanta ah kuma xirna awood ee waa wax qof kastaba ka suuroobi kara, waxaan ka ahayn xaaladaha khatarta ah ee baqtigu ban naanaado.

Laakiin, wixii Nebigu faray iyagu waxay ku xiran yihiin in qofku awoodi karo, sababtoo ah wixii ka baxsan awoodda qofka loo qaban maayo, waxaase waajib ah wixii awooddiisa ah inuu daaacad iyo hagar la’aan u fuliyo.

Waxaa kalee e Nebigu (scw) nooga warramay in ummadihii hore qaar ka mid ah lagu rogay su’aal badnaan iyo inay khilaafi jireen waxay faraan Nebiyadoodus, u’aashab adanw axaal oolai eedaa su’aalahalo ogad an leeyahayx ujadai yo cariigsiga ee ma aha in qofku warsadow axyaalahau u jaahilka ka yahay haddii uu doonayo kaliya aqoon-kororsi iyo ku-dhaqan.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Wixii Nebiga (s.c.w.) reebay in laga dheeraado,
  2. Wixii Nebiga faray in la falo inta awooddu ku gaarsiiso,
  3. Su’aalaha aan loo baahneyn inaan culimada loo jeedin,
  4. Qofka inaan lagu kallifin waxa aanu awoodi karin,
  5. Inay waajib tahay raacidda jidka Nebiga.

Hadith 10

Xadiith: N°10
Wax La Wada Faray
Nebiyada Iyo Muslimiinta

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah ( Allaha ha ka raali noqdee) in uu yiri:

”Rasuulkii Allah wuxuu yiri: llaahay waa wanaagsan Yahay mana aqbalo wax aan wanaagsaneyn, Ilaahayna wuxuu faray mu’miniinta, wixii uu faray Rususha sida uu ku sheegay Aayadda dheheysa: “Rusuleey cuna raashin kiisa bannaan ee fiican, camal fiicanna fala”, iyo Aayadda dheheysa: “Mu’miniineey Cuna waxa fiican ee aan idinku arsaaqnay.”

Markaasuu xusay nin meel dheer u socdaalayo o timihii basaaseen, kubabka boor ku leh, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo llaahay baryaaya oo leh: Rabbigeeyow, Rabbigeeyow, isla markaana cuntadiisa xaaraan tahay, cabiddiisu xaaraan tahay, dharkiisu xaaraan yahay, xaaraan la soo qoodiyay side looga aqbalayaa ducadiisa?” [Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Tobonaad

Xadiiskani wuxuu ka mid yahay xadiisyada qiimaha weyn ku leh fiqiga lslaamka, wuxuu na tusayaa in qofkii wax wanaagsan aan sadaqeysan laga aqbaleynin, ha noqdo xoolo, cunto, dhari wm. Waxa aanu isaga naftiisa u qaadaneynin yaanu sadaqa ula bixin. Aayad Qur’aan ah waxay sheegtay: “lnaan qofku wanaag helaynin ilaa uu bixiyo waxa uu naftiisa u jecel yahay.

Xagga falka camal aan wanagsaneyn llaahay ma aqbalayo sida camalka looga jeedo ha lagaa sheego ama ha lagugu ammaano ama aad xoolo ku heshid ama camal shirki ku dheehan yahay ama aan sharcigaba ku dhisneyn. Xadiiskani wuxuu sheegay Rususha iyo Mu’miniinta ay u gudboon yihiin xalaal miiradnimada. Waxaana la faray labadoodaba in ay wax wanaagsa cun naan Camal wanaagsa falaan, cuntada wanaagsan waa midda xalaasha ah camalka wanaagsa waa midka ka fayoow shirkiga ee waafagsan sharciga.

Waxa kale ee xadiiskan inoo sheegayaa in ku dhaqanka waxyaalaha xaaraanta ah ay qofka ka fogeyneyso naxariista Alla, maxaa yeelay qofkii socotada ahaa ee safarku tabaaleeyay wuxuu mudan yahay naxariis, haddiise uu yahay xaaraan-quute xaq uma laha in la aqbalo ducadiisa ilaa uu ka toobad keeno uu llaahay u noqdo.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Inaan llaahay aqbaleynin camal -xun,
  2. In qofku sadaqaysto wax wanaagsan ee uu iecel yahay,
  3. ln ku dhaqanka xaaraanta qofka ka fogeynayo llaahay.

Hadith 11

Xadiith: N°11
Dhowrsoonaanta

Waxaa laga weriyay Abuu-Muxammad Al-Xasan ibn Cali ibn Abii-Daalib; Allaha ka raalli noqdee:

”Inuu yiri: Waxaan ka xafiday Rasuulkii llaahay (scw): Dhaaf wixii shaki ku geliya oo aad wax cad ee aan shalki ku jirin.”Waxaa weriyay Tirmadi iyo Nasa’i, wuxuuna yiri.” [Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah].

Sharaxa: Xadiiska Kow Iyo Toban

Xadi iskani waa saldhig adag oo qofka muslimka ah cuskan karo markay ka hor yimaadaan arrimo murugsan ama shubho ku jirto oon xalaal iyo xaaraan midna lagu caddeyn ama camal lagu muransan yahay inuu sharciga waafaqsan yahay iyo in kale. Haddaba, marka arrintaasi kula soo gudboonnaado wuxuu ku farayaa xadiiskan inaad iska dhaaftid wixii shaki kaa galo kuna dhaqantid waxa aad hubto inuu xaq Yahay.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. In qof ku dhiso camalka uu Ilaahay ugu dhawaanayo wax uu hubo;
  2. Inaanan qofku isku haleyn wax shalki ku iiro;
  3. Ka dheeraanshahas hubhada iyo shakiga;

Hadith 12

Xadiith: N°12
Ha Fara Gelin Wax
Aadan Shaqo Ku Lahayn

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah (Allaha ka raalli noqdee)

”Inuu yiri Rasuulkii  llaahay wuxuu yiri: Qofka lslaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha lagelin arrimo aanu shaqa ku laheyn. Waa xadiis Xasan ah.” [Tirmidi iyo kuwa kale].

Sharaxa: Xadiiska Laba & Toban

Xadiiskani waa edbinta nafta iyo la xisaabtankeeda, sababtoo ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan waxa aney waxba ugu jirin, marka waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadalkiisa waa inuu ogaado sidey arrimuhu xiriir ula leeyihiin noloshiisa. kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama aakhira diisa uu ku dhaqaaqo, wixii aan waxba faa’ido u laheynna waa inuu ka gaabsado, waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka ah.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. ln qof ku ilaaliyo ficil kiisa iyo hadal kiisa kuna abbaaro meel ku habboon;
  2. Inaan faraha lala gelin arrimo aaney waxba kaa gelin;
  3. In uu qof ku u jeediyo awood diisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.

Hadith 13

Xadiith: N°13
Kalgaceylka

Waxaa laga weriyay Abuu Xamsa Anas ibn Maalik (Allah ha ka raalli noqdee), oo ahaa adeegihii Rasuulka (scw):

”In uu ka weriyay Nebiga inuu yiri: Qofka iimaan kiisu dhab ma noqdo ilaa uu la jeclaado walaalki waxa uu naftiisa la jecel yahay.” [Bukhaari iyo Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Seddex & Toban

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee iimaanka dhabta ku leeyahay bulshada Muslimka ah. Sida runta iimaanku waa saldhigga iskaashiga iyo xasilloonaanada bulshada laga bilaabo qoyska ilaa heerka dowladnimada, marka la yaab ma laha haddii Nebigeennu (scw) ku xiray iimaanka qofka inuu walaalihii la jeclaado waxa uu naftiisa u doonaayo, taasoo ah inaanu qofku xaasid ku noqon dadka walaalihiis, uusan ka xumaanin ama ku nicin haddii ay qof walaalki ah wax u kordhaan.

lsla markaa wuxuu xadiisku ina tusinayaa inaan qofku u qaadin walaalihi xumaato aanu naftiisa uga raalli aheyn. Mar haddii ay dadku is-jeclaadaan ilaahay dartii wey isku kalsoonaan karaan marka waxa halkaa ka dhalanaya iskaashi, wada-shaqeyn iyo wax wadaqabsi. “Tusaale ahaan” waxaad la jeceshahay naftaada caafimaad, maal badan, magac iyo sharaf, sidoo kale la jeclow dadka walaalahaa ah waxyaalahaas oo dhan.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. Ka dheeraanshaha xaasidnimada iyo xumaanta qalbiga lagu hayo;
  2. In qofka iimaankiisak u xiran yahay waxa uu walaalihiisa muslimka ah qalbiga ugu hayo;
  3. lnuu ka dhowro qofka dadka wixii aanu naftiisa u quureyn,
  4. Inuu ku dadaalo waxyaalaha u soo jiidaaya jeceylka walaalihi, kana dheeraado wixii naceyb iyo colaad uga abuuraya qalbiga

Hadith 14

Xadiith: N°14
Waxyaala Dhiiga
Muslimka Banneynaya

”Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (Allah haka raalli noqdee):

”Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) wuxuu yiri: Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:

  1. Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta;

  2. Kii qof muslim ah dila;

  3. Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Afar & Toban

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga gof ka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. In seddexdaa dembi ee dhiigga muslimka xalaaleynaya yihiin keli ah sinada uu falo qofka reerka yeeshay iyo qofkii dilay ruux muslim ah iyo qofkii ridoobay;
  2. Sida islaamku u ilaaliyo nasabka iyo sharafta qofka muslimka ah;
  3. Ilaalinta nabadgelyada iyo wixii bulshada qas gelinaya.

Hadith 15

Xadiith: N°15
Anshaxa Wanaagsan

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah (Allaha ka raalli noqdee);

”Inuu yiri Rasuulkii Illaahay (scw) wuxuu yiri: Qofkii rumeeyay Alla iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo kheyr ama ha iska aamuso, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo deriskiisa, qofkii Alla iyo qiyaamaha rumeeyay ha soo dhoweeyo martidiisa.” [Bukhaari iyo Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Shan& Toban

Xadiiskani wuxuu ina barayaa dhaqanka wanaagsan ee ku habboon sharafta qofka muslimka ah, hadalku waa qalabka kowaad ee dadka kuu soo dhoweynaayaa ma kaa fogeynaaya, marka qofku waa inuu ku fakiro waxa uu ku hadlayo inta hadalka ku jiro afkiisa marka haddii uu rabo inuu ku hadlo wax kheyr leh oo waxtar leh ha ku hadlo, haddiise uu yahay mid shar ah oo dhibaato u soo jiidaya qofka naftiisa amase cid kaleba waa inuu iska aamusaa.

FAA’IIDADA XADIISKA 

  1. In qofku fikiro intuuna hadlin
  2. lnuu kheyr ku hadlo sharkana ka af-haysto
  3. Inuu dhowro xuquuqda jaarka
  4. ln la sooro martida.

Hadith 16

Xadiith: N°16
Carada

Waxaa laga weriya Aybii Hureeyra(Allah haka raalli noqdee):

”In nin u yimid Nebiga( s.c.w.) kuna yiri : ii dardaaran markaasuu Nebigu yiri: “Ha caroonin, Markaasuu ku cel celiyay erayga ha caroonin.” [Bukhaari].

Sharaxa: Xadiiska Lix & Toban

Caradu waxay ka mid tahay jirrooyinka xun xun ee qofka jarka ka tuura, dembiyo waaweynna u soo jiida, . lamana celin karo carada oo waa wax ku abuuran qofka oo marka lagula kaco wax aanu ralli ka aheyn dhiiggiisa dhaqaajiya, marka Nebigu wuxuu ugu yeerayaa muslimiinta iney is celiyaan intay caro burburayaan, waa inaan qofku u hoggaansamin waxay caradu u yeereyso, xadiis kale wuxuu Nebigu (s.c.w.) ku waaniyay qofka caradu qaadqaadeyso in uu weysa gaato ama xaalka uu ahaa beddelo oo hadduu taagnaa fariisto hadduu fadhiyey jiifsado. Marka xadiiskani wuxuu kuugu yeerayaa inaan caradu xadka kaa saarin.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Waa inuu xusuusto qofku waxa ka dhalanaya carada,
  2. Waa inuu qofku is-cef iyo haddii uu caroodo, oo wax kale ku caro burburo,
  3. Inuu ka dheeraado inuu qaado tillaabo ama go’aan isagoo careysan, maxaa yeelay, wuxuu ka shalayn doonaa markay caradu ka baxdo.

Hadith 17

Xadiith: N°17
Naxariista

Waxaa laga weriyay Abii Yaclaa Shaddaad ibn Aws (Allah haka raalli noqdee),

”Inuu yiri Rasuulkii Ilaahay (s.c,w.): Wax walba waxaa llaahay u waajibiyay samafal, haddii aad wax dileysaan si wanaagsan wax u dila oo ha ku silcinina nafta waxa la dilayo, haddii aad wax gowraceysaan si wanaagsan u gowraca, qofka wax gowracaya waa inuu middida soofeeyo uu neefka u raaxeeyo.” [Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Todobo& Toban

Wuxuu ka hadlayaa xadiiskani sida islaamku naxariista ugu dadaalayo, maxaa yeelay, qofkii muteystay in la dilo waa in islaamnimada loogu naxariisto oon nafta lagu silcin, marka waa in qalabka lagu dilayo yahay mid dhaqso nafta uga qabanaya, Naxariistaasi kuma koobna dadka ee waxaa loo naxariisanaya xoolaha iyagana waa in loo fududeeyo oo lagu gowraco middi aad u afweyn oo markiiba u raaxeysa.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Qiimaha naxariistu ku leedahay Diinta Islaamka,
  2. Qofka la ciqaabaayo waa inaan si xun oo silic ah loo ciqaabin,
  3. In xoolaha loo naxariisto,
  4. Marba haddii loo ixsaan falayo qofka nafta laga qabanaayo marka kan noolna waa in loo ixsaan falo oo laga dhowro dhibka, cadaadinta, qallooca iyo dulmiga.

Hadith 18

Xadiith: N°18
La Dhaqanka Dadka

Waxaa laga weriyay Abuu Jundub ibn Junaada – iyo Abu Cabdur-Raxmaan Mucaad ibn Jabal (Allah ha ka raalli noqdee), iney ka weriyeen Rasuulkii Illahay( s.c.w. ).

”In uu yiri: Alla ka cabso, meel kasta oo aad joogtid, xumaantana raaci samaan tirtirta, dadkana dabeecad fiican kula dhaqan.” [Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah]

Sharaxa: Xadiiska Sideed& Toban

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa anshaxa qof ka muslimka ah, xagga llaahay iyo xagga aadamigaba, xagga llaahayw aa inuu iska dhowro meel kasta oo uu joogo ku xad-gudubka sharciga iyo xuduudda Ilaahay, haddii uu xumaan sameeyo uu ku xad-gudbo wax ka mid ah sharciga waa inuu is-gaaro oo uu ka noqdo xumaantii, haddii uu sidaa yeelo waa laga tirtirayaa ciqaabtii dembiga uu galay.

Xagga dadk a wuxuu faray xadiiskani in qofka muslimka ah, kula dhaqmo dadka dabeecad wanaagsan, taasoo ah inaad dadka nabad geliso oon dhibkaaga gaarin kaddibna aad wax u tartid dadka kale adigoon wax abaalgud ah ka sugin, waa in dadka dheeftaadu gaarto dhibkaaguna gaarin waa sidaas dabeecadda fiican.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. Cabsida llaahay inay waajib tahay,
  2. ln qofku iska dhowro ku xadgudbidda sharciga,
  3. Qofkii xumaan falaa waa inuu is-gaaro uu xumaantii wanaag ku beddelo,
  4. Qofka Musfimka ah waa inuu dabeecad fiican dadka kula dhaqmaa,
  5. Qofku waa inuu ahaado wax tare aan waxyello laheyn.

Hadith 19

Hadith 19-A

Xadiith: N°19
Gargaarka Allah

Waxaa laga weriyay Abuu Cabbaas Cabdullaah ibn Cabbaas (Allah haka raalli noqdee),

”Inuu yiri: Anigoo daba socda Nebiga( s.c.w.) maalin ayuu i yiri: dhageyso wiilyahow waxaan ku barayaa ereyadan; Ilaahay dhowr isaguna waa ku dhowrayaa, llaahay dhowr waxaad ka heli doontaa hortaada. Haddii aad wax baryeysid llaahay bari, haddii aad gargaar dooneysid Ilaahay gargaarso.

Ogow haddii ummaddoo dhan isugu tagto iney wax kuu tarto waxaan Alla kuu qorin kuuuma qaban karaan. Haddii ay isugu tagaan iney dhib ku gaarsiiyaan kuma gaarsiin karaan wax aan laguu qorin, qalinkii waa la rafacay, anqaastii xaanshiduna wey qallashay.” [Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah]

Sharaxa: Xadiiska Sagaal & Tobon

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa sidii leysugu kalsoonaan lahaa llaahayna loo cuskan lahaa. Haddii qofku xafido amarka llaahay faray isagana ilaahaybaa ka xafidaya musiibooyinka dunida ku baahsan, macnaha waa haddii aad raacdid jidka toosan ee llaahay jideeyay waxaad ka badbaadeysaa balaayooyinka badan ee ka dhasha baadinimada iyo ku xadgudubka sharciga.

Wuxuu faray Nebiga (s.c.w.) qof kasta inuu ilaaliyo sharciga Ilaahay si uu uga helo hortiisa arrimihiisa oo Ilaahay u irrido bixinayo, waxaana lagu sheegay Aayad Qur’aan ah in ninkii Ilaahay ka cabsada arrimihiisa loo sahlayo, ciriirigana llaahay ka saarayo, meel uusan wax ka fileynna laga irsaaqayo. Marka haddii Ilaahay kuu ballan qaaday inuu arrimahaaga fulinayo waa inaad isaga weydiisataa muraadkaada, marka wax la weydiisanayo keligii weydiiso.

Haddii arrimaha aad warsaneysaa yihiin kuwa Ilaahay la kelida yahay sida risqiga, ilmaha, cumri dhirirka, cudur qaadidda, roobka i.w.m. Haddiise waxaad codsaneysaa yahay’arrimaha dadka dhexdiisa isa-siin karaan sida maacuunka iyo waxyaalaha aadamiga llaahay awoodda u siiyay ee uu bixin karo waa la weydiisan karaa arrinkaa qofkii wax ka qaban kara.

Markaadse gashid meel halis ah oo Ilaahay keligii wax ka qaban karo sida markaad geshid meelo aad khatar u ah sida doon badda ku maashootay oo kale ama dab ku kacay dayuurad cirka socota iyo musiibooyinka llaahay oo keliya loo sheegan karo waa inaad Ilaahay keligi gargaar warsatid, maxaa yeelay waxyaalaha ka baxsana wooddaa adamiga waa in llaahay (subxaanahu wa tacaalaa ) oo keliya la weydiistaa.

Waxaa kale oo xadiisku caddeynayaa in dhib iyo dheefba llaahay keligii hayo, dadkuna waxba geli kareyn waxna kuu tari kareyn haddii aan llaahay horay kuugu qorin, wixii Ilaahay kuu qorayna hore ayey u dhigan yihiin marka waxaa laga rabaa qofka inaanu waxba u habranin ama aano cabsanin ee waa inuu ku dhaqaaqo wixii uu xaq u garto isagoo ku kalsoon Rabigiisa oo isaga qura cuskanaya kana gargaar dalbaya.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. Qofkii xafida sharciga llaahay inuu sharta ka xafidaayo,
  2. Qof kii llaahay isku halleeya isagaa u jidbixinaaya,
  3. Qofkii cid baryaya waa inuu llaahay baryo isagana gargaar weydiisto,
  4. Waa in qofku ogaado inaan cidna ka baajin kareyn wixii loo qoray cidnana u diidi kareyn wixii loo calfay,
  5. Camalka wanaagsan wuxuu ka badbaadiyaa qofka musiibooyinka,
  6. Waa in qofku ku kalsoonaado naftiisa kuna tiirsado Rabigiisa keligii .

Hadith 20

Xadiith: N°20
Xishoodka

Waxaa laga weriyay Abuu Mascuud Cuqba ibn Camar al-Ansaari Al-Badri (Allaha ka raalli noqdee),

”lnuu yiri: Rasuulkii ”Ilaahay wuxuu yiri: Waxaa ka mid ahaa hadalladii laga soo gaaray Nebiyadii hore: Haddii aadan xishooneyn fal waxaad doontid.” [Bukhaari]

Sharaxa: Xadiiska Labatannaad

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee xishoodku ku lahaa diinihii hore ee aadamigu ka soo dhaxleen Nebiyadii hore Nebedgelyo iyo Naxariisi kordooda ha ahaatee. Hadalka waxaa laga garanayaa in nebi walba ummaddiisa ku waanin jirey, Nebi Muxammedna(s .c.w.) wuxuu u sheegay ummaddiisa in xishoodku ka mid yahay iimaanka.

Marka xishood la’aan waa iimaan la’aan, ama xishood laawe waa iimaan laawe, sidaa awgeed, xadiiskan waa hanjabaad iyo goodin u jeedda qofka xishoodka fududaysta, lana dareensinayo haddii uu fududeysto xishoodka qiimaha uu ku leeyahay bulshada inuu hoos u dhici doono, islamarkaana ciqaab mudandoono, maxaa yeelay, xishoodku waa xakamaha qofka ka hortaagan xumaatada, qallooca, sharaf dhaca iyo dulliga.

FAII’IIDADA XADIISKA

  1. Qiimaha weyn ee xishoodku ku leeyahay taariikhda aadamiga,
  2. Qofka aan xishoon kheyr laga sugimaayo,
  3. In xishoodku ka mid yahay anshaxa wanaagsan ee dadka ku faano,
  4. Goodiga ku dhacay xishood laawaha inuu mudan doono ciqaab adag, maxaa yeelay mar haddii qofku xishoodka ka tago wuxuu ku kacayaa dembiyo fool xun.

Hadith 21

Xadiith: N°21
Qumanaanta

Waxaa laga weriyay Abuu Camar, waxaa sidoo kale la oranjiray Abuu Camra Sufyaan ibn Cabdullaah, (Allah haka raalli noqdee):

”Inuu yiri: Waxaan ku iri Rasuulkii Allah (s.c.w.”) iiga sheeg Islaamka eraya anan weydiin doonin qof aan adiga aheyn. Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.) Waxaad dhahda Illaahay baan rumeeyay kaddibna ku toos jidka quman.” [Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Kow & Labaatan

Xadiiskani waa laba eray oo aad u xeel dheer , maxaa yeelay, Islaamkii baa intaas ku idil: In qofku llaahay rumeeyo sharcigana ku camalfalo, ku toosnaanta jidka quman waa in la fuliyo waxa lagu amray, ka reebtoonto wixii lagaa reebay. qofkii intaas laga helo ma jiro wax uga dhiman Islaamnimadii.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Iimaanka ayaa ka horreeya camalfalka kale,
  2. Ku sugnaanta iimaanka,
  3. Ku toosnaanta jidka quman,
  4. Hadalka gaaban oo lagu murtiyeeyo arrimo aad u xeeldheer.

Hadith 22

Xadiith: N°22
Waxa Jannada Lagu Galo

Waxaa laga weriyay Abuu Cabdullaah Jaabir ibn Cabdullaah- al-Ansari( Allah haka raalli nogdee):

”In nin weydiiyey Rasuulka Illaahay( s.c.w. ): Haddaan tukado salaadda oon soomo Ramadaanka oon baneesto xalaasha oon iska reebo xaaraanta intaanaa anan waxna ka siyaadin ma gelayaa Jannada? Wuxuu ku jawaabay Nebigi i( s.c.w.): Haa…! [Muslim].

Macnahaa an ka reebtoonaado xaaraanta waaa an ka dheeraado xaaraan oo idil. Macnaha baneysto xalaasha waa aan ku dhaqmo waxa xalaasha ah anigoo rumeysan xalaalnimadooda.

Sharaxa: Xadiiska Laba & Labaatan

Xadiiskani wuxuu inooga warramay waxa lagu muteysanayo Jannada taasoo ah in qofku guto waajibaadka lagu farad yeelay kana dheeraado waxyaalaha laga xaaraantimeeyay oo aad ugu yar dunida sida Doofaarka, Khamrada iyo xaga dadka kale, iyo inuu cuno wixi il laahayu xalaaliyay oo ah wixii ka soo haray xaaraanta.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Oogidda salaadda, soomidda,
  2. Ka dheeraanshaha xaaraanta;
  3. Ku dhaqanka xalaasha,
  4. ln camalka fiican lagu helayo Jannada.

Hadith 23

Xadiith: N°23
Falka Kheyrka

Waxaa laga weriyay Abuu Maalig al-xaaris ibn Caasim Al-Ashcari (Allah haka raalli noqdee):

”In uu yiri: Rasuulki i Allah (c.s.w.) Wuxuu yiri: Nadaafaddu waa iimaanka barki, xamdiga Allana wuxuu buuxiyaa miisaanka Ereyada Subxaana Laah..Al-xamdu Lillaah, waxay buuxiyaan cirka iyo dhulka dhexdooda, salaaddu waa nuur ,sadaqadu  waa burhaan (xujo), sabarku waa iftiin , Qur’aanku xujo ayuu kuu noqdaa amaa kugu noqdaa, dadka oo dhammi wey kallahaan naftoodey iib geeyaan, qaar wey xureeyaan, qaarna wey halaagaan. “ [Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Seddex & Labaatan

Xadiiskani wuxuu ina tusayaa arrimo aad u qiimo weyn: Nadaafadda waxaa looga jeedaa in qalbiga laga safeeyo xaasidnimada, xinka iyo jirrooyinka qalbiga gala ee faraha badan. Marka qofkii Ilaahay rumeeya waxaasna ka nadiifiyo qalbigiisa ayuu iimaanku mid dhan noqonayaa. Ereyga mahad-naqa ee ah (al Xamdu Lillaah) ajarkiisu wuxuu buuxinayaa miisaanka lagu miisaamo kheyrka iyo sharka oo Ilaahay og yahay inta uu la eg’yahay, sidoo kale labada eray oo wada jira ee kala ah (Subxaana Allaahi walxamdu Lillaah) waxay buuxinayaan ajarkoodu ama abaal-gudkoodu cirka iyo dhulka dhexdooda, waa siyaalo llaahay oo keli ah uu qiyaasi karo.

Salaaddu waxay u noqonaysaa qofka nuur uu ku hanuuno, sadaqadu waxay u noqoneysaa summad muujisa qofka islaam-nimadiisa iyo siduu xoolahiisa, xooggiisa iyo aqoontiisa ugu caawiyay walaalihiisii u baahnaa, sabrigu waa ku adkeysiga xaqa, iyo ku adkeysiga iska celinta iyo ka fogaanshaha wixii Ilaahay xaaraantimeeyey, iyo u sabarka wixii dhib ku soo gaara ee Allah uu kuu qaddaray, marka adkeysiga qof ku u adkeysanayo dhibaatada ka soo gaarta fulinta sharciga islaamka waxaa loogu abaafgudayaa in loo iftiimiyo jidka toosan ee Jannada loo maro marka dadka kale mugdiga lagu daboolo.

Qur’aanku isagu waa xujo, qofkii ku camalfala wuxuu u yahay xujo u marag kacda daacadnimadiisha, haddii aanu ku dhaqmin wuxuu ku noqonayaa xujo ku caddeysa ceebihiisa iyo dembiyadiisa. Qof kasta subaxii wuxuu u kalahaa danahiisa, wuxuu iib geynayaa camalka naftiisa, marka hadduu wax kheyr leh sameeyo naftiisa wuxuu ka furtay cadaabkii Allah, haddii uu ku kaco sharraftiisii ayuu ku riday cadaab. Marka qofka isagaa la siiyay awood inuu kala doorto meesha uu naftiisa geynayo Janno iyo Naar hadba tuu u camal fasho.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. In qofka muslimka ah ku dadaalo siduu qalbigiisa uga nadiifin lahaa waxyaalaha xun xun,
  2. In falalka dadka miisaan lagu qiyaasi doono,
  3. Faa’idada sabarka iyo ajar badnaantiisa,
  4. Sida Quraanku dadka ugu shafaaca qaadayo haddii lagu camal falo,
  5. Qof kasta naftiisuu u shaqo tegayaa nin Naar u jeeda iyo nin Janno u jeeda ayaa loo qeybsamayaa’ marka naftaada Janno u jiid,
  6. Qiimahas adaqada iyo salaaddu u leedahay maalinta xisaabta qofkii hormarsaday.

Hadith 24

Hadith 24-A

Xadiith: N°24
Reebidda Dulmiga

Waxaa laga weriyey Abii-Dar al-Gafaari (Allah haka raafli noqdee);

”In Nebigu( s.c.w.)uu ka weriyey Rabbigiisa oo yiri: Addoomaheygiyow anigu waan ka xaaraantimeeyey nafteyda dulmiga, waxaan ka dhigay dhexdiinna xaaraan, idinku ha is-dulminina. Addoomaheygiyow dhammaantiin baadi baad tihiin, qofkii aan hanuuniyo ma ahee, marka soo doonta hanuun aan idin hanuuniyee. Addoomaheygi iyow dhammaantiin waad baahantihiin soo doonta quud aan idin quudiyee. Addoomaheygiiyow dhammaantiin waa arradan tihiin soo doonta hu aan idin arrad tiree.

  • Addoomaheygiiyow habbeen iyo dharaarba waad gefeysaan, dembiga dhammaantiina anigaa dhaafa, marka dembi-dhaaf dalba aan idiin dembidhaafee.

  • Addoomaheygiiyow haddaad i dhibi lahaydeen ma awoodi kartaan, haddaad wax ii tari  lahaydeen ma awoodi kartaan. Addoomaheygiiyow haddii dadkoo dhammi kii loogu hor’uumay ilaa kii ugu dambeeyey Jinni iyo Insiba oo ay dhammaantood la mid noqdaan qofka dadka ugu Allah ka cabsi iyo cibaado badan, waxba hantideyda ku kordhin meysaan.

  • Addoomaheygiiyow haddii dadka oo dhan kii loogu hor’uumay ilaa kii ugu dambeeyey Insi iyo Jinniba ay la mid noqdaan ninka dadka ugu caasi badan, waxba hantideyda ka dhimimeysaan.

  • Addoomadeydiiyow haddii dadka kii u horreeyey iyo kii u dambeeyey lnsi iyo Jinba hal meel ay isugu yimaad aan oo ay dham maantood i weydiistaan waxa ay doonayaan oon mid kasta siiyo wuxuu warsaday waxba hant ideyda ka dhimi maayaan, waxaan ka ahayn irbad bad la geliyey ay ka dhinto biyaha badda.

  • Addoomaheygiiyow, waxaan idiin hayaa camalkiinnii oon idiin keydiyey, si waafi ahna idiinka abaalmarinayo, marka ninkii kheyr la kulma Ilaahay ha u mahad-naqo, kii shar la kulma naftiisa keliya ha canaanto.” [Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Afar & Labaatan

xadiiskan waa xadiis Qudsi ah, Nebigu (s.c.w.) Ilaahay ka weriyey. Dulmiga waxa loola leedaa in dadka gardarro iyo xasad laguta kaco ama xoolahooda xaq-darro loo qaato, marka Ilaahay wuu ka dhowrsoon yahay dulmiga, dadkana wuxuu amray inaanay is-dulmin, wuxuu Ilaahay inoo sheegay wax jira oo ah in dadku dunida yimaado, iyagoon aqoon lahayn, iyagoo qaawan, iyagoo sabool ah, marka Ilaahay baa irsaaqda, hanuunka iyo aqoontaba ugu deeqa dadkiisa, waana in laga dalbo isaga keliyah oon laga baryin cid aan arrimahaas gacanta ku haysan, maxaa yeelay, qofna ma bixin karo wax aannu hanan.

Wuxuu sheegay Ilaahay dabeecadda aadamigu leeyahay oo ah inuu mar kasta gefaf ku dhaco, marka qofkii gefaa waa in uu Ilaahay cafis warsado oo uu u toobad keeno, jidka toosanna raaco. Waxaanu Ilaahay u ballanqaaday qofkii dembi-dhaaf warsada, jidka qumanna ku toosa inuu cafin doono. Waxaa kale oo Ilaahay inoo sheegay in aan caasinnimada dadku Ilaahay waxba u dhimayn, xitaa haddii uunkoo dhammi ku caasi garoobaan.

Sidoo kale daacadda badan waxba Ilaahay u kordhin maayaan, xitaa haddii uunkoo dhammi wada daacad taqi ah noqdaan, macnahoo ah khalqiga Ilaahay waxna ma u tari karaan waxna ma yeeli karaan, Ilaahay isagaa dunida abuuray, waanu ka deeqtoon yahay sida lagu caddeeyey aayado badan oo Qur’aanka ah, marka uunku isagaa u baahan Ilaahay, waxaana u roon in ay amarkiisa fuliyaan, si ay u gaaraan danahooda.

Waxaa sidaa caddeeyey qowlka leh: “Haddii dadkoodhan oo jinkuna la jiro qof kastana wuxuu ka doono dunida i warsado oon dhammaantood qof waliba siiyo wuxuu warsaday hantida Ilaahay waxba ka dhimmi maayaan, sida aanay waxba uga dhimayn haddii irbad badda la geliyo oo laga soo saaro.”

Ugu dambeyntii xadiisku wuxuu sheegayaa in dadka lagu abaalmariyo qofba wuxuu fashay, marka qofkii ku gabood falay sharciga, hawada naf tiisana raacay waxaa loogu abaalgudayaa cadaab. Qofkiise amarka Rabbi raacay ee sharciga ku camal-falay, waxaa loog u abaalgudayaa Jannada. Marka qofkii naar mutaysta ha canaanto naftiisa oo keliyah, maxaa yeelay, iyadaa ka dhumisay jidka toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. In dulmigu xaaraan yahay;
  2. Hanuunka waa in la warsado Ilaahay oo keliyah, asbaabtana lala yimaado sida salaadda, ku xirnaanta masjidka akhrisashada qur’aanka iyo xadiiska nebiga (SCW), la xiriirka dadka wanaagsan sida culumada, akhyaarta, dadka lslaamka iyo siday kalimada Allah kor u ahaan laheyd ku howlan lana jeclaado iwm ;
  3. Khalqigu dhib iyo dheef midna llaahay ma gaarsiin karaan;
  4. Dadka waxaa lagu abaal-mariyaa qofba wuxuu fashay;
  5. Qofka Muslimka ah waa in uu Ilaahay ka baryaa hanuunka, kheyrka, dembi dhaafka iyo wuxuu doonaba ee aannu ka codsanin arrimahaas cid aan waxba uga tarayn;
  6. Qofku waa in uu Allah uga mahadnoqo nicmooyinka faraha badan ee aan la soo koobi karayn.

Hadith 25

Xadiith: N°25
Wafdigu Waa Sadaqo

Waxaa laga weriyey Abuu-Darr (Allaha ka raalli noqdee);

”In uu yiri: Dad Asxaabtii Rasuulka (s.c.w) ka mid ah ayaa ku yiri Nebiga(s .c.w.): Rasuulkii Allow dadkii maalqabeenkaa haa ayaa ajarkii la wada tagey, sidaan u tukanno ayey u tukanayaan, sidaan u soomno ayey u soomayaan, waxay nagu dhaafeen in ay sadaqaystaan xoolahooda dheeraadka ah.

Markaasuu Nebigu yiri {s.c.w,}: Miyaan llaahay idin siin wax aad sadaqaysataan.? Tasbiixad kastaa (Subxaanallaah) waxay idiin tahay sadaqo, Takbiirad kastaa (Allaahu Akbar ) waxay idiin tahay sadaqo, Taxmiid kastaa (Alxamdu Lillaah) waxay idiin tahay sadaqo, Allah mideynkastaa (Laa llaaha lllal-laah), waxay idiin tahay sadaqo, wanaagga la is-faraa waa sadaqo, xumaanta layska reebaa waa sadaqo, galmada ooridiinnu waa sadaqo.

Markaas bay yiraahdeen: Rasuulkii allow ma nin baa xaajada uu gudanayo lagu ajar siinayaa? Markaas buu yiri: waxaad iiga warrantaa haddiiu u naag xaaraan ah u tegi lahaa sow dembi kuma dhaceen? Sidoo kale hadduu u tago ooridiisa xalaasha ah wuxuu leeyahay ajar.” [Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Shan & Labaatan

Xadiiskani aad buu muhiim u yahay, maxaa yeelay, wuxuu inoo caddeynayaa inaan cibadadu ku koobnayn salaadda iyo waajibaadka xagga Ilaahay ee waxaa ka mid ah kheyr kasta oo dadka loo faa’ideeyo. Waxaa kale oo xadiisku sheegay inaan sadaqadu ku koobneyn xoola-bixinta oo keli ah, ee werdigu geli karo halkii sadaqada, ninkii aan xoolo lahayn.

Waxaa la sadaqayn karaa xoogga Ilaahay ku siiyey, carrabkaaga waad ku werdin kartaa, laakiin, waxaa shardi ah erayadaa ad ku werdinaysaa in ay kuwa sharcigu na faray ay yihiin, sida kuwa ku xusan xadiiskan, mana bannaana inuu jeebkiisa ka keensado wardi aan sharciga lagu sheegin, sida aanay u bannaaneyn inuu tukado salaadda aan sharcigu farin ama si aannu sharciga u farin, waxaa kale oo carrabka laga sadaqayn karaa in dadka wax loo sheego, lagu hauuniyo jidka toosan, looga digo jidka qalloocan. Waxaa kaloo xadiisku inoo faa’ideeyey in fal kasta oo wanaagsan qofka laga ajar siinaayo haba noqdo wax uu dantiisa gaarka ah u qabtay sida galmada xaaskiisa.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Siday Asaxaabtu kheyrka ugu tartami jireen, innaguna waa inaan kaga dayanno;
  2. Sadaqadu in aanay xoolo la bixiyo oo keli ah ku koobnayn ee xoogagga kala duwan ee Ilaahay inoogu deeqay la sadaqaysan karo;
  3. Cibaadadu in ay ku koobneyn arkaanta Islaamka ee ay tahay kheyr kasta oo loo sameeyo aadamiga sida waafaqsan sharciga;
  4. Galmada xalaasha ah, waxa laga helayaa ajar.

Hadith 26

Xadiith: N°26
Xilka Saaran Xubnaha Qofka

Waxaa laga weriyey Abuu-Hureyra (Allaha ka raalli noqdee),

”Inuu yiri: Rasuulkii Allah (s.c.w.) wuxuu yiri: Xubin kasta oo aadamiga ku taal, waxaa korkeeda ah sadaqo, maalin kasta. Marka haddaad laba qof oo dirirsan heshiisiiso sadaqo ayey kuu tahay, haddii aad qof dhibaateysan sida ruux curyaan ah ku gargaartid gaadiid fuulidda oo ku taageertid inuu fuulo ama qalab dhulka ka yaal aad u soo qabato waxay kuu tahay sadaqo, hadalka wanaagsan waa sadaqo, tallaabo kasta oo aad salaad u qaaddid waa sadaqo, haddii aad jidka waxa dadka dhibaya aad ka leexisid waa sadaqo.” [Bukhaari iyo Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Lix & Labaatan

Xadiis kani, wuxuu si faahfaahsan inoogu warramayaa xilka ka saaran qofka muslimiinta walaalihiisa ah ee bulshada kula nool. wuxuu llaahay ku waajibiyey xubin kasta oo ka mid ah xubnaha qofka sadaqa joogto ah, waxaana lagu bixin karaa sadaqadaas shaqada xubnaha bulshada ee baahan loo qabanayo, wuxuu xadiisku tilmaamay dhowr fal, tusaale ahaan…

Kuwaas oo ah:

  1. In dadka kala boodsan la heshiisiiyo.
  2. In qofka tamarta daran ee curyaanka ah ama indhaha la’ lagu caawiyo fuulidda gaadiidka,
  3. In hadal wanaagsan oo aan turxaan lahayn lagula hadlo dadka aad la kulmeysid,
  4. Inaad Masaajidka qalbigaaga ku xirto, lugtaadana ku badiso oo aad ka qayb qaadato salaadaha faradka ee jamac ahaan loo wada tukanayo iyo duruusta iyo muxaadarooyinka ka jira,
  5. Inaad jidka dadka iyo xooluhu marayaan ka nadiifisid waxa dhibaya dadka sida dhagaxa, oodda iwm.

Waxaa la mid ah arrimahaas wax kasta oo wax tar u leh dadka, oo dhib ka badbaadinaya ama dheef u soo jiidaya. Marka wax-u-qabadka dadka kuu baahan ayaa kaa bixin kara waajibka xubnahaaga saaran, haddii awoodda Ilaahay ku siiyay aad ka hagratid walaalahaaga u baahan ogow inaad mudan doonto ciqaabta Ilaahay, sababtoo ah qofka curyaanka ah ama waxtarkaaga u baahan Ilaahay uma waayin in uu siiyo awooddaada oo kale ama tu ka weynba, laakiinse, ogaan buu sidaa uga yeelay, si laguu imtixaano adiga iyo dadka kula midka ah, in ay wax ka qabtaan arrimahaas oo kale.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Dhexdhexaadintda adkadirirsan waa ku waajib dadka awoodda u leh;
  2. Gargaarka qofka aan fuuli karayn baabuurka ama waxa la midka ahba, ha noqdo qof curyaan ah, mid indha là waa waxyaalaha waajibka ku ah xubnaha bulshada muslimka ah;
  3. Qofkii aan wax kale hayn waa inuu ku soo dhoweeyo dadka erayo wanaagsan oo qofku ku farxo, isagoo daacad ahoo aan waxba ka sagabanayn.
  4. Jidka dadku marayo waa in laga fogeeyo wixii dadka dhibaya, sida dhagaxa, qoryaha, iwm.
  5. Socodka loo soconayo masjidka, tallaabo kasta ajar buu ku leeyaha qofku;
  6. Sida maalki sekada ugu waaiibtay ayey jirkana ugu waajibtay seko, laakiin, sekada jirku waa inaad xoogga, caqliga iyo laxaadkaaga kale muslimiinta wax ugu tartid;
  7. Inuu qofku xooggiisa isaga uun isku koobin ee waa in uu u gudbiyo dadka kale ee walaalahiis ah una baahan waxtarkiisa.

Hadith 27

Hadith 27-A

Xadiith: N°27
Shakiga Sidaad Ugu Bixi Lahayd

Waxaa laga weriyey an-Nawaas ibn Samcaan (Allah haka raalli noqdee):

”In uu yiri Nebiga (scw): Samaantu waa dabeecadda wanaagsan, xumaantuna waa wax naftaada shaki geliya ee aad kahato in dadku kugu arko.” [Muslim]

Waabisa ibn Macbadna waxaa laga weriyey, (Allah haka raalli noqdee): In uu yiri: Waxaan u imid Rasuulkii Allah (scw), markaasuu i yirri: Ma waxaad u timid inaad warsato samaanta? Markaasaan iri: Haa.

Markaasuu yiri: qalbigaaga warso samaantu waa waxay naftaadu ku kalsoonaato, Qalbiguna ku negaado, xumaantuna waa waxa nafta shaki geliya, qalbiguna ka walaaco, xataa haddii dadku kuu iftiimiyaan oo ay kuu qiraan in uu wanaagsan yahay. Waa xadiis Xasan ah ee ku yaal Musnadka Axmed ibn Xanbal iyo Ad-Daarami.

Sharaxa: Xadiiska Todoba & Labaatan

Xadiiskan waa miisaan lagu kala sooco wanaagga iyo xumaanta, miisaankuna waa galbiga qofka Muslimka ah, marka arrinku kaa hor yimaado haddii aad ka shakido in uu waxaas xalaal yahay iyo in kale, marka wixii aad ka shakidid ka dheerow xataa haddii dadku ku yiraahdo waxaanu waa xalaal waa inaadanku kalsoonaanin, waa inaad ku camal-fashid waxa aad ku kal soon tahay ee aad ku laabfayowdahay daliil xoog lehna aad sharciga uga heysato.

FAA’IDDADA XADIISKA

  1. Haddaad doonto inaad ku dhaqaaqdid shaqo ama fal ad-ka shakisan tahay naftaada la tasho, iyo culumada Islaamka;
  2. Qofka Musilmka dhabta ah, wuxuu qalbigiisa ku negi yahay waa wax san;
  3. Qofka Muslimka ah, wixii uu ka shakiyo in ay xun yihiin iyo in kale waa in uu ka dheeraado.
  4. Wixii aad neceb tahay in ay dadka sharafta leh kugu arkaan ogow in uu yahay waxa an sharciga ku fiicnayn.

Hadith 28

Xadiith: N°28
Dardaaran

Waxaa laga wariyey Abuu-Najiix al-Cirbaad ibn Saariya (Allaha ka raalli noqdee);

”In uu yiri: Waxaa na wacdiyey Rasuulkii Alle( s.c.w.), wacdi qalbiga dhalaaliyey oo indhaha ka ilmeysiiyey, markaas aan ku niri Rasuulkii Allow wacdigaagani wuxuu uu eg-yahay wacdi sagootin ah ee inoo dardaaran.

Markaasuu Rasuulkii Alle (s.c.w.) yiri: waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida A llaha casiiska ah ee weyn iyo maqal iyo adeecid madaxdiinna, xataa haddii uu madax iinnu yahay nin addoon ah.

Ninkiinna noolaadana wuxuu arki doonaa khilaal fara badan, si aad uga badbaaddaan khilaafkaa waxaan idinkula dardaarmayaa inaad raacdaan jidka Nebigiin iyo jidka Khulafadiisii hanuunsanaa, jidkaa ku dhega oo gowsaha ku qabsada, kana digtoonaada arrimaha soo kordhi doona, maxaa yeelay, wax kasta oo Diinta lagu soo kordhiya waa bidco, bidcaduna waa baadinnimo, qofkii ku socdaana waa ahlu-naar.” [Abuu-Daawuud iyo at-Tirmidi, wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah oo saxiix ah]

Sharaxa: Xadiiska Sideed & Labaatan

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa arrimo ka mid ah kuwii Nebigu (s.c.w.) u dardaarmay ummaddiisa, waxaanu ku wacdiyey wacdi qalbigooda dhaqaajiyey, wuxuu kula dardaarmay in ay Ilaahay ka cabsadaan oo ay ku dadaalaan dhowridda iyo ku-dhaqanka sharciga, wuxuu faray in amarka dawladda, lslaamka dhaqan keedu yahay la adeeco, xataa hadduu yahay ninka madaxda ah qof addoon ah. Mar haddii aannu wax diinta khilaafsan idin fareyn.

Wuxuu xadiisku ka warramay waxyaalo dhici doona oo ah ninkii noolaada in uu la kulmi doono khilaaf fara badan. Marka wuxuu yiri Nebigeennii suubbanaa (s.c.w.) haddii waxaasi dhacaan raaca jidka Nebiga iyo Khulafadii hanuunsanayd ku joogeen. Khulafada waxa loola jeedaa Abuubakar As-Sadiiq, Cumar lbni-Khadaab, Cusmaan ibni-Caffaan, Cali tbni-Abii-Daalib (Radiya Allahu Canhum Ajmaciin), jidkaas baa xaq ah ee ha lagu dhego, cidii heysatana ha lala garab iyo gaashaan noqdo.

Wuxuu uga digay in ay ku kalsoonaadaan waxyaalaha diinta lagu kordhin doono oo aan ka mid aheyn, ama laga naaqusin doono ee ah bidcada, bidcaduna waa baadi dadka naarta u jiideysa, marka bidcada waxaa loola jeedaa in Ilaahay lagu caabudo wax aannu jideynin oo aan nebigu farin, sida werdi aannu nebigu sheegin inaan ku werdinno ama salaad aan lagu farin ama goortii lagu faray goor aan aheyn aad tukatid ama si aan laguu farin u tukatid ama aad u jeesato meel aan qiblada aheyn ama aad dawaaftid meel aan Kacbada Ilaahay ahyn iwm.

Bidcaduna waa laba nooc, bidco lagu gaaloobayo sida ku dawaafidda qabuuraha ama baryada awliyada mootan iyo gargaar ugu wacashadooda, Iyo bidco aan lagu gaaloobeyn ha yeeshee dembi sida carrabbaabidda niyada salaadda oo aad tiraahdo usallii faradal salaata….i.w m. Markaad ku kacayso fal cibaado ah, waa inaad ogaatid halka uu falkaas salka ku hayo, maxaa yeelay, cibaado ma aha inaad is ka fashid sidaad jeceshahaye e waa sida lagu faro, haddiise aad Ilaahay ku caabuddo wax aannu kuu diran waa tacab khasaaray If iyo Aakhiraba, marka iska hubso intaad dhowdahay oo camalkaaga la socodsii sharciga Islaamka runta ah.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. In Ilaahay la dhowro sharcigiisa.
  2. In amarka dawladda lslaamka wax ku xukumeysa la adeeco, haddii kale fidnaa dhaceysa.
  3. Marka khilaafku bato xagga diinta waa in la raaco jidkii Rasuulka Alle (s.c.w.) iyo khulafadiisa.
  4. Dadka ku camal fala bidcada abaalkoodu waa tacab khasaar Ifka iyo cadaab Aakhiro, maxaa yeelay, wejigaa lagaga soo tuurayaa camalkooda, aakhirana waa lagu ciqaabayaa, sababtoo ah intuu weydaartay jidkii Rasuulka ayuu ku camal falay cibaado aan la farin, inkastoo uu is leeyahay kheyr baad heleysaa, wuxuu la mid yahay qofkaasi sidii asaga oo leh jidka Rasuulka ma fiicna ee anigaa jid ka fiican oo Ilaahay kuu dhoweynaya samaynaya, jidkaas baana naarta geeya.

Hadith 29

Xadiith: N°29
Jidka Jannada Loo Maro

Waxaa laga weriyey Mucaad ibn Jabal (Allah haka raalli noqdee), wuxuu yiri:

”Waxaan ku iri Rasuulkii Allow ii sheeg ‘camal Jannada i geliya, Naartana iga dheereeya. Wuxuu yiri, waxaad weydiisay arrin culus, waana sahlan-yahay ninkii Ilaahay u fududeeyo: “Ilaahay keligii caabud oo cid kale ha la wadaajinin cibaadada, tuko salaadda, bixi sakada, soon bisha Ramadaanka, Xajka gudo, markaasuu yiri, soo kuma aan tuso irdaha khayrka: Soonku waa gaashaan, sadaqadu waxay demisaa dembiyada, sida biyuhu dabka u damiyaan, waana sidaa oo kale salaadda saqda dhexe loo kaco.

Markaa buu wuxuu akhriyey aayaddan qur’aanka ah ee ammaanaysa dadka u kaca salaadda saqda dhexe, marka dadka kale hurdada macaansanayaan. Markaasuu yiri: Makuu sheegaa arinka madaxiisa, tiirkiisa iyo baarkiisa? Markaasaan iri: Haa, Rasuulkii Allow. Markaasuu yiri Nebigu (s.c.w.): Arrinka madaxiisu waa lslaamn imada; Tiirkiisuna waa Salaadda; Baarkiisuna waa Jihaadka.

Haddana wuxuu yiri : Makuu sheegaa wax intaas oo dhan isku fuuqsaday? Markaasaa niri: Haa, Rasuulkii Allow, markaasuu yiri intuu carrabka taabtay, iska celi kan. Markaasaa niri Nebi Allow miyaa na loo qabsanayaa waxaan ku hadalno? Markaasuu yiri hooyadaa ha ku weydo Mucaadow, maxaa dadka naarta ku tuura oo aan ahayn waxyaalaha carrabka lagu gafabsaday?. [Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasan ah]

Sharaxa: Xadiiska Sagaal & Labaatan

Xadiiskan wuxuu kulansaday arrimo waaweyno o isla markaa qiimo xeel dheer ku fadhiya. Markuu weydiiyey Mucaad Nebiga( s.c.w.), camal Jannada geeya, Naartanal ta fogeeya, wuxuu ugu jawaabay in camalkaas ku xiran yahay siduu ugu camal falo mabaadi’ida uu hoos ugu sheegayo o Shanta Tiir ee Islaamku ka mid yihiin, sida in Ilaahay keligiis la caabudo oo aan cid kale loola shariik yeelin cibaadada. In uu guto waajibaadka salaadda, soonka, sekada iyo xajka.

Wuxuu haddana uga warramay waxtarka salaadda iyo sadaqada isagoo yiri: “Salaaddu waxay gaashaan kaaga noqotaa naarta, weliba wuxuu sii ammaanay isagoo aayad Qur’aan ah tusaale u soo qaatay, dadka saqda dhexe salaadda u kaca markay dadka kale hurdo ku magan yihiin, sadaqaduna waxay damisaa dembiga qofka gubaya ee u jiidaya naarta.”

Haddana Rasuulku (s.c.w.) wuxuu ka warramay saddex wexyaalood oo ugu muhiimsan qofka dunida ku nool, kan ugu horreeya waa in qofku galo Xerada Islaamnimada, kan labaad waa Tiirka oogidda salaadda, kan saddexaado o ah heer sare oo ah halka geela kuruska kaga yaallo waa jihaadkaa ad la jihaadeyso cadowyada naftaada ee faraha badan oo ay ka mid yihiin: Sheydaanka, hawada nafta, Cadowga Islaamka ee raba in uu demiyo iftiinka llaahay iyo cadowga aadamiga, guud ahaan, sida gaajada, cudurka, jahliga iwm.

Waa in aad cadowyadaas oo dhan midna looga soo dhicin dhinaca aad Islaamka ka joogtid, laakiin, waxaas oo dhan waxaa ka daran ee loo baahan yahay waa inaad carrabkaaga ka adkaatid, maxaa yeelay, waa qalabka sharka iyo kheyrkaba lagu fulin karo, isagaa dadka kugu diri kara, haddaad ku hadasho wax xun, isagaa dadka kuu soo dhoweyn kara hadaad kula dhaqantid wax fiican, markaa ka digtoonow in uu naar ku jiido, dadka isagaa ku ururiyey naarta.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Wuxuu caddeeyey Tiirarka Islaamka;
  2. Faa’iidada salaadda iyo kaalinta ay kaga iirto Islaamka;
  3. Qiimaha sadaqada iyo salaadda saqda dhexe;
  4. Arrimaha ugu muhiimsan qofka dunida ku nool ;
  5. Jihaadka iyo waxyaalaha lala jihaadaayo;
  6.  Halisnimada carrabka iyo in uu qofka naar u jiidaayo, hadduusan iska celin;
  7. ln gudashada waajibka qofka u jiideyso Jannada.

Hadith 30

Xadiith: N°30
Xuduudda Alle

Waxaa laga weriyey Abuu-Saclaba al-Khushani Jurthum ibn Naashir(Allah haka raallin oqdee), In uu yiri Rasuulkii Ilaahay wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu faray waaiibaad, ha dayacina wuxuu dhigay soohdimo, ha gudbina, wuxuu xaaraantinnimeeyey waxyaalo ee, ha falina, wuxuu ka aamusay waxyaalo isagoon hilmaansanayn uu idinku naxariisanaya ee ha baarbaarina.

[Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey Ad-Daaraqudni iyo kuwo kaleba. ]

Sharaxa: Xadiiska Soddonnaad

Xadiiskani wuxuu ku soo murtiyeeyey Islaamkii oo dhan afar arrimood oo kala ah:

  1. In la falo wixi i l laahayi na amray;
  2. Inaah la falin wixii llaahay innaga reebay;
  3. lnaan la gudbin soohdinta llaahay ku kala xiray wanaaggai yo xumaanta;
  4. Inaan la baarbaarin wixii llaahay ogaan uga aamusay.

Waxaa looga jeedaa inaan la baarbaarin arrimaha dahsoon: Arrimaha dunida jira wey u wada bannaan yihiin Muslimka, wixii aan lagu caddeyn in la xaaraantinimeeyey. Haddaba, qofk a Muslimka wanaagsan ahi, waa inaanu waxyaalahaas faagfaagin, si aan shaki iyo waswaas ugu dhicin dadka Muslimka ah ee waa in uu ku kalsoonaado Ilaahiisa oo u qeexay wixii xun ee aan loo oggoleyn ee dadka dhibaaya.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Gudashada waajibaadka iyo ka dheeraanshaha xaaraanta;
  2. Inta la fulinayo waajibaadka ee laga fogaanayo xaaraanta waa in lagu dhex jiro xuduudda Ilaahay uu dejiyey oo aan laga tallabsan;
  3. Uma bannaana qofna in uu xaaraantinimeeyo waxaan sharcigu dhigin.
  4. Wax kasta markooda hore wey bannaan yihiin ilaa laga helo qodob lagu xaaraantinimeeyooo sharciga ku saleysan.

Hadith 31

Xadiith: N°31
Waxa Illaahay Iyo
Dadkaba Kugu Jeclaadaan

Waxaa laga weriyey Abuu Cabbaas Sahal ibn Saacid Al-Saacidi (Allah haka raalli noqdee);

”In uu yiri: Waxaa u yimid Nebiga (s.c.w.): nin oo kuyiri Rasuulkii Allow igu hanuuni ficil haddii aan falo llaahay iyo ummaddiisaba igu jeclaadaan. Markaas buu ku yiri (Rasuulka Alle s.c.w.) ka saahid adduunyada Ilaahay baa kugu jeclaan, e ka saahid waxay dadku haystaan iyagaa ku jeclaan doonee.” waxaa weriyey lbnu-Maajah iyo kuwo kale, waana Xadiis Xasan ah.”

Sharaxa: Xadiiska Kow & Soddon

Xadiiskan wuxuu ka hadlayaa jidkii loo mari lahaa raalli ahaanshaha llaahay iyo aadamiga, waana wax aad u adag sidii labadaba loo wada heli lahaa. Raalli ahaanshaha Alle waa inaad adduunyada is ka dhaaftid, Adduunyada waxaa looga jeedaa maalka, marka waxaa is-weydiin leh haddii qofku iska dhaafo maalka iyo kasabka sidee u noolaan karaa? Xadiiskan waxaa loogga jeedaa maalka laga saahidayo waa midka lagu raadiyo jidka aan sharciga ahayn ama sida xaaraanta ah lagu doono, laakiin, jidka xalaasha ah inaadku shaqaysatid waa waajib, sida ay caddeeyeen aayado badan iyo xadiisyo kale.

Marka yaan loo qaadan in xoolaha oo dhan laga saahidaayo, maxaa yeelay, haddii sidaa la yeelo, waxaa dayacmaya waajibaadkii llaahay amray in laga bixiyo xoolaha sida zakada, sadaqada, xajka, jihaadka iyo badbaadin muslimiinta laga badbadiyo dhibaatooyinka arradka, gaajada, cudurrada iwm.

Ka saahidda xoolaha dadka, waxaa loola jeedaa inaan qof ku noqon mid damca waxa ay dadka kale haystaan oo aanu ka baryin ama ka boobin ama ka dhicin, dadku waxay isku nacaan baryada, marka waxaa loo baahan yahay intii qofku awoodi karo in uu iska dhowro baryada aadamiga, haddii ay arkaan dadku inaad ka deeqtoon tahay oo aanad wax tarma ahee waxyeello u lahayn iyagaa ku jeclaanaya oo kuu soo bandhigaya inay kula yeeshaan xiriir, iskaashi iyo iskaalmeysi .

FAA’IDADA XADIISKA

  1. Qofk ii ka dheeraadad amaca maalkax araanta laga helo llaahay baa ka raalli noqonaya;
  2. Qofkii banneysta maallta xaaraanta ah, llaahay wuu nacaa, uunkiisuna wey nacaan;
  3. Waxay dadku kugu jeclaanayaan inaad ka deeqtoontid maalkooda iyo xooggooda, markaasay ku jeclaanayaan.

Hadith 32

Xadiith: N°32
Ma Bannaana Adiyadu

Waxaa laga weriyey Abuu-saciid sacad ibn Maal ika l -Khudr i (Allah ha ka raalli noqdee):

”In uu yiri Rasuulkii Ilaahay(s.c.w.): Dhib ma jiro adiyadna ma jirto. Waa xadiis Xasan ah, waxaa weriyey lbnu-Maajah, ad-Daara-eudni iyo kuwo kale.”

Sharaxa: Xadiiska Laba & Soddon

Xadiiskani waa erayo kooban, laakiin macna xeel dheer ku fadhiya. wuxuu xaaraanti nimeynayaa dhammaan noocyada dulmiga, xinta, xasadka, gardarrada,  dhaca iyo xad-gudub kasta. Wuxuu leeyahay ma bannaana qof xad-gudub kula kaca qofka kale xoolahiisa, naftiisa iyo sharaftiisa intaba. Qofka muslimka ah, waa kii nabadgelyo laga helo carrabkiisa iyo gacantiisaba, xataa haddii la dulmo waa inaanu ku xad-gudbin difaaca iyo iska celinta dulmiga.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. Noocyada dulmiga oo dhan in ay xaaraan yihiin
  2. ln laga nabadgalo carrabkaaga iyo gacantaada.

Hadith 33

Xadiith: N°33
Caddeyn Keenista
Waa Aasaaska Doodaha

Waxaa laga weriyey Cabdullaah ibn Cabbaas (Allah haka raalli noqdee):

”In uu Rasuulkii Ilaahay yiri (s.c.w.): Haddii dadka la siin lahaa waxay u dacwoodaanba rag baa sheegan lahaa xoolaha dadka iyo dhiggooda, lakiin inuu caddeyn keeno waa waajibka ruuxa dacwada soo oogay, haddii ruuxa ashtakada keenay wax caddeyn ah keeni waayo, ruuxa u soo dacweeyeyna wixii inkiro waa la dhaaran dacweysanaha. Waa xadiis Xasan ah,” (al-Beyhaqi iyo kuwo kale).”

Sharaxa: Xadiiska Seddex & Soddon

Xadiiskani wuxuu inoo sheegaya asaaska xeerka ah ee ay ku socdaan dacwooyinka maxkamadaha la hor keeno, waano saldhig sharci ah. wuxuu xadiisku sheegay in aan qofna la siineyn waxa uu qofka kale ku sheeganayo, isagoon caddeyn keenin, haddiise la siin lahaa qofku waxa uu sheegto caddeyn la’aan, waxaa dhici lahaa in qof kastaa xoolo qof kale sheegto oo uu yiraahdo hala iiga qaado.

Marka waxaa loo shardiyay qofkii xaq sheeganaya in uu caddeyn la yimaado iyo xujo u sugeysa in xaqaa isaga ah laga qabo, ha noqoto xujadaasi marag, warqad rasmi ah iyo waxyaalo kaleba. Qofka xaqa lagu sheeganaayo isaga lagama rabo caddeyn inaanu xaqaa qabin, ee waxaa laga rabaa in uu ka dhaarto  inaanu xaqaa lagu sheeganayaa qabin, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Inaan qofna la siin xaqa uu ladacwoonayo, haddii aannu u sugnaanin;
  2. Dacwoodaha waxaa korkiisa ah caddeyn;
  3. Dacweysanaha waxaa korkiisa ah dhaar, haddii dhinaca kale caddeyn laga waayo;
  4. Inaan qofka waxba gabin ilaa lagu sugo xaqa lagu sheegtay;
  5. Garsooruhu waa in uu raaco mabda’a asiga ah markuu dacwad qaadaayo.

Hadith 34

Xadiith: N°34
Reebidda Munkarka

Waxaa laga weriyey Abuu-Saciid Al-Khudri (Allah haka raalli noqdee),

”In uu yiri, waxaan ka maglay Rasuulkii Ilaahay (s.c.w.), Asagoo leh: Qofkii arkaa wax munkar ah ha ku reebo gacantiisa, hadduu kari waayo, haku reebo carrabkiisa, hadduu kari waayo, ha ka kahdo qalbigiisa oo ha isaga tago qolada xumaha xambaarsan markay xumaanta ku jiraan isagoon waxba ka qaban karin,, waana ka ugu iimaan daciifsan.” [Muslim].

Sharaxa: Xadiiska Afar & Soddon

Xadiis kani waa saldhigga is-hanuuninta, dhowridda iyo badbaadinta xasilloonaanta bulshada iyo nabadgelyadeeda. Qof kasta oo Muslim ah, waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta sharciga, marka hadduu arko qof sharciga ku xad-gudbaya waa in uu xilkiisa guto oo aanu indhahana ka qabsan;

Wuxuu qaban karana waa saddex heer:

  • Kan koowaad waa in uu xumaanta xoog wax kaga qabto. Tusaale ahaan hadduu arko qof dadka dulmaya oo wax dilaya ama wax dhacaya ama wax gubaya iwm, waxaa waajib ku ah in uu qabto oo uu ka joojiyo dulmiga hadduu awoodi karo.
  • Heerka labaad haddii aanu awoodi karaynin in uu gacanta wax kaga gabto waa in uu la hadlo, Alla ka baq yiraahdo, xaqana u sheego.
  • Heerka saddexaad haddii uu labadaa midkood kari waayo, waxaa waajib ku ah in uu qalbiga ka kahdo, meesha munkarka lagu hayo ka dheeraado isagoo  ka xun sharcigaa lagu tumanayo oo aanu waxba ka qaban karayn, waxaana lagu tilmaamay in heerka dambe yahay ka ugu daciifsan ee liita.

Haddaba, qofka Muslimka ah, waa in uu ogaado in arrin kastoo khilaafsan sharciga Alle oo hortiisa ama gurigiisa ama dukaankiisa lagu falo in waajibka saaran yahay in uu xumaantaa joojiyo, hadba, sidii u suuragal ah, maxaa yeelay, haddii uu oggolaado xumaantaa hortiisa lagu sameeyey oo sharciga Islaamka lagu xad-gudbay waxay dhibaato soo gaarsiin doontaa bulshada, waxaana laga yaabaa in dhibaatada ama macsiyadaa uu raalli ka noqday gurigiisa ugu soo gasho, sababtoo ah bulshadu wey isku wada xiran tahay.

Haddaba, Muslimka runta ah waa kaa diyaarka u ah la jihaadidda xumaanta iyo qaska ama macsiyada dhammaanteedba, macsiyadu waa ku xad-gudbidda waxyaalaha sharcigu Islaamka reebay, wax allaale wixii sharcigu reebayna waa wax lagu daryeelaayo danaha bulshada,  ha noqoto xagga nabadgelyada, xasilloonaanta is kaashiga iwm.

Waxaase laga doonayaa ruuxaa reebaya xumaha ee ka hortagaya ku xadgudubka sharciga inuu yahay qof aqoon u leh sharcigiisi uusanu inkirin una reeban arrin bannaana, ma u qirin arrin reebban. waxaa sidoo kale la doonayaa in waxaa uu reebayo ayan ka dhalaneyn dhibaatooyin iyadii ka badan.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Qofka Muslimka ah, waxaa waajib ku ah in uu macsiyada iyo dulmiga baabi’iyo, hadba inta awooddiisu tahay;
  2. Qofkii awoodi kari waaya waajibka wax ka qabashada xummaanta waa in uu qalbiga ka inkiro;
  3. Haddii aan xumaanta laga hortegin dhibaatadu waxay soo gaaraysaa bulshda inteeda kale.

Hadith 35

Xadiith: N°35
Is Xaq Dhowrida
Xubnaha Bulshada

Waxaa laga wariyey Abuu Hureyrah (Allah haka raalli noqdee):

”In uu Rasuulkii Ilaahay  yiri: Ha is-xaasidina, ha isku fallisina badeecadda idinkoo uga dan leh in qof kale lagu qaaliyeeyo sicirka, ama hoos looga dhigo qiimaha, ha isu caroonina, ha isu dhabar jeedinina, badeecad qof baayacayo haka hor baayicina.

Noqda addoomo llaahay oo walaalo ah, Muslimkuna qofka Muslimka ah ma dulmo, ma hoojiyo, ma beeniyo, ma quursado. Taqwadu waa halkaan isagoo gacanta saaray Rasuulkii Alle (scw) laabtiisa saddex jeer. Waxaa shar ugu filan qofka in uu quursado ama yaso walaalkiisa Muslimka ah, qof kasta oo Muslim ah, waxaa ka xaaraan ah dhiigga Muslimka xoolihiisa iyo sharaftiisa.” [Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Shan & Soddon

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa ka hortegidda waxyaalaha dadka kala geeya ee isku dira, waxaanu xaaraantinimeeyey sagaal (9) arrimood oo ka mid ah waxyaalahad adku isku naco ee kala fogeeya:

1. Waa xaasidnimada: oo ah inaad kahato ama ka xumaato waxa qofka kale u kordha oo kheyr ah, waana dabeecad aad u xun, maxaa yeelay, qofkii isagoon waxba la yeelin, waxba laga dhimin xaqiisii, ayuu ka xun yahay kheyr Rabbi qof kale ku galladaystay, marka xaasidnimadu waa cudur aad u kala fogeeya dadka;

2. Arrinka labaad waa fallisaad: badeecad iyadoo qof loogu daneynayo in qiimaha looga kordhiyo ama looga yareeyo, tusaale ahan, wuxuu ku kordhinayaa alaab la naadinayo qiimaha isagoon iibsanayn ee doonaya in qiimuhu u kordho qofka alaabta iska leh;

3. Waa carada: Iyaduna waa waxyaalaha dadka isku dira, maxaa yeelay, laba qof oo isu careysan waxba wada qabsan maayaan marka waa in carada laga xoroobo, haddii la caroodana waa in laga soo noqdo oo aan qalbiga lagu haysan;

4. Waa inaan dhabarka leysu duwin: oo aan la kala jeesan, marka laba qof oo caloosha wax isugu haya iska hor-yimaadaan, isma arki karaan, wejigana ismasiin karaan, markaasay kala jeestaan, haddey iska hor-yimaadaan, marka laba qof oo aan is-arki karayn siday wax u wada qabsan karaan?

Xadiis kale, wuxuu Nebiga (scw) ku sheegay inaanay bannaaneynin laba qof oo Muslim ah saddex maalmood wax ka badan dudmo ku kala magnaadaan, waxaana kheyr roon labadooda midka salaanta ku hor billaaba kan kale. Sida runta ah kaasaa geesisan oo ka dadnimo roon, maxaa yeelay, waa nin naftiisa uur-xumadu ka buuxday ka adkaaday oo ka gudbay derbigii sharka ahaa ee sheydaanku ku kala ooday labada qof ee walaalaha ah.

5. Inaan qaarkiin qaarka kale ka kor iibsan badeecadda: Tusaale ahaan, wuxuu u imaanayaa laba qof oo wax kala iibsanaya, markaasuu mid u il-iibinayaa ama hoos kala hadlayaa, isagoo leh, anigaa intaa kabadan kaaga iibsanaya, ama anigaa intaa in ka jaban kugu siinaaya iwm;

6. Arrinka lixaad waa dulmiga: umana bannaana qof muslim ah in uu kula kaco gardarro iyo dulmi walaalkii;

7. Muslimku ma hoojiyo walaalkii: markuu arko isagoo ciriiri ku jira waa in uu gacan ku siiyo siduu uga bixi lahaa, ma aha in uu ku ceebeeyo ama ku fiirsado. Marka hadduu la kulmo qof Muslim ah oo cadow gacanta ugu jira waa in uu ka furto,haddii awooddiisu gaarsiiso nooc kastaba ha noqdee cadowgaas; Cadow gaal ah, cadow gaaja ah, cadow jirro ah, cadow jahli ah, cadow deyn ah iwm.

8. Arrinka siddeedaad waa: inaanu beeneyn. Qofka muslimka ah uma bannaana in uu ku dhaho qofka kale been baad sheegeysaa ama beenaale ayaad tahay, maxaa yeelay, qofka aad sidaa ula hadashid waa coloobeysaan, taasina waa wax islaamku la dagaallamayo marka ma bannaana ficil dadka muslimiinta ah cadaawo dhex dhigaya;

9. Arrinka sagaalaad waa is-quursiga: ama isyasidda. Qofna uma bannaana in uu walaalkii quursado, maxaa yeelay, qofkaad quursatid waa qof aad iska sarreysiisid, waxaana laga yaabaa inaad ka xoolo roon tahay ama aad ka aqoon badan tahay, laakiin, ogow Alahii ku siiyey adiga waxaan walaalkaa haysan, waa yeeli karaa in uu iskukiin beddelo, ama wax ka khayr roon waxa aad ku faaneyso in isagana la siiyo.

Marka is-quursigu waa jirrooyinka ugu daran ee dadka isku dira, sababtoo ah haddii qofku dareemo inaad iska sarreysiinayso, wuxuu kuu qaadayaa cadawtinimo, waxaanu ku dadaalayaa siduu kuu boqno goyn lahaa. Waxaa lagu caddeeyey xadiiskan haddii qofku aanu dembi kale lahayn oon quursiga dadka ahayn waa ugu filan yahay ciqaab. Wuxuu Nebiga (s.c.w.), amray in ay dadku noqdaan addoomo Ilaahay oo walaalo ah.

Wuxuu Nebigu tilmaamay in arrimaha laga xaaraanti nimeeyey muslimka ay qalbiga madoobeeyaan marka waa in qalbiga laga saafiyeelo arrimahaas foosha xun. Wuxuu yiri Nebiga (scw), Taqwada waa halkaan, isagoo saddex jeer farta ku fiiqay laabtiisa, marka saldhigga laga dhowrayo fulinta sharciga waa qalbiga, horayna waxaa innagu soo maray in haddii qalbigu hagaago jirka intiisa kalena hagaageyso. Ugu dambeystii waxaa laga xaaraanti nimeeyey qofkasta oo muslim ah inuu daadiyo dhiig muslima ma dhaco xoolo muslim ama ku xad-gudbo sharafta qof ka muslimka ah iyo xiladiisa.

FAA’IIDADAX ADIISKA

  1. Wuxuu reebay wax allaale wixii kala geynaya ama isku diraya xubnaha bulshada;
  2. Wuxuu reebay in faysku falliso badeecadda, iyadoo loogu danaynayo qof kale;
  3. Waxaa la xaaraanti nimeeyey kala jeedsiga iyo isu dhabar jeedinta;
  4. Waxaa la reebay in badeecadda la iska hor iibsado;
  5. Waxaa la reebay dulmiga dhammaantiis;
  6. Waxaa la reebay is-hoojinta marka qofku ciriiriga ku jiro;
  7. Ma bannaana in lagu yiraahdo qof muslim ah been baad sheegtay;
  8. Waxaa la reebay carada;
  9. Waxaa la reebay is-quursiga;
  10. Waxaa la xaaraantinimeeyey daadinta dhiigga qofka muslimka ama ku xad gudubka xoolihiisa, iyo xiladiisa;
  11. Wuxuu amray nebigu (scw) muslimiinta in walaalo isu noqdaan oo leys xaq dhowro.
  12. Sida Islaamka ugu dadaalaayo daryelidda iyo iskaashiga bulshada.

Hadith 36

Xadiith: N°36
Badbaadinta Bulshada

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allah ha a raalli noqdee);

”In uu Nebiga (scw) yiri: Qofkii ka feyda qof mu’min ah kurbo ka mid ah kurbadaha dunida, isagana Allah (swt) baa ka feyda kurbo ka mid ah kuwa qiyaamaha, qofkii u xoolo gooya qof sabool ah, isagana llaahay baa u xoolo gooya ifka iyo aakhiraba, qofkii u xil qariya qof muslim ah, isagana Ilaahay baa ceebihiisa astura If iyo Aakhiraba, qofkii jid mara isagoo cilmi doonnaya llaahay baa u fududeeya jidka Jannada loo maro.

llaahay wuu u gargaaraa addoomadiisa inta qofku u gargaara addoomadiis inta qofka u gargaarayo walaalahiisa, Haddii ay jamaaca ku kulanto guri ka mid ah guryaha llaahay iyagoo akh risanaya Qur’aanka oo is-baraya, waxaa ku soo degeysa xasilloonaan, waxaa dabooleysa, naxariista Ilaahay, malaa’iktuna way la safanaysaa, Ilaahayna wuxuu ku xusayaa khalqiga agtiisa ahaaday. Qofkii camalkiisu reebo nasabkiisu meel marin maayo.” [Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Lix & Soddon

Xadiiskani wuxuu ku dhow yahay kii aynu soo dhaafnay, sabahtoo ah labaduba waxay ka hadlayaan daryeelka bulshada lslaamka ah, kii hore wuxuu ku saabsanaa ka hortegidda waxyaalaha xubnaha bulshada kala geynaya’ kanna wuxuu ku saabsan yahay marka xubin ka mid ah bulshada dhibaato qabsato sidii wax loola qaban lahaa. Wuxuu soo qaatay xadiiskan saddex xaalo haddii ay qof qabsadaan in uu u baahan yahay in la caawiyo:

1. Waa dhibaato kurbo iyo laxaw ku abuurtay qofka muslimka ah, wax kastaba ha noqotee dhibaatadaas sida jirrooyinka iyo arrimaha uu u tabar waayay, xagga qoyska, shaqada iwm, marka llaahay wuxuu u ballan qaaday qofka dhibaatadaa ka saara qof muslim ah, in isagana Ilaahay ka saari doono dhibaatooyinka kulul ee maalinta qiyaamaha. Haddaba qofkii isagoo cudur qaad-qaadayo irbad lagu duro ee ku bogsada, kurbaal agaf eyday, waxaana iska leh abaalkaas dhakhtarkii cudurka gartay, kii daawada sameeyey iyo kii bixiyey kharajka lagu sameeyey, sidoo kale qofkii hanuuniya qof baadi ah ee ku toosiya jidka xaqaa.

2. Xaaladda labaad waa qofka ay dhibaato ka haysato xagga dhaqaalaha ee saboolka ah, waxaa Ilaahay u ballan qaaday qofkii ciriiriga ka saara in isagana Ilaahay ka saari doono ciriiriga Ifka iyo mida Akhiraba, waxaana jira inaan ciriiriga ka bixinta aan loola jeedin oo keli ah in gofka baahan la quudiyo, waxa looga jeedaa in laga kaalmeeyo siduu ciriiriga uga bixi lahaa oo uu lugihiisa isugu taagi lahaa. Tusaale ahaan, waxaa la bari karaa xirfad ama cilmi uu ku shaqaysto, waxaa loo samayn karaa mashruuc uu ka shaqeeyo iwm;

3. Xaaladda saddexaad waa qofka Muslimka ah ee aad ku aragtid ceebo uu leeyahay oo aanu jecleyn in lagu ogaado marka qofkii ceeb Muslim ogaaday ee’ qariyay, waxaa llaahay u ballanqaaday in isagana loo qarin doono ceebihiisa If iyo Aakhiraba, laakiin, ceebaha la qarinaayo kuma jiraan kuwa xuquuqda dadka kale ku dayacmeyso, matalan qofkii ku xadgudbaya xoolo ama sharaf dad kale inaad qariso ma aha, gaar ahaan, haddii marag laguu qabsado, waxaana caddaynaya aayado iyo axaadiis kale inaan waxyaalaha ceynkaas ah qofka loogu ceeb qarinaynin.

Haddaba, wuxuu xadiiskani ku hanuuniyey Muslimka hubka uu kaga bixi karo dhibaatooyinka dhammaantood, hubkaas oo ah cilmiga, waxaanu ugu baaqay qofkii cilmiga barashadiisa isku shuqliya in llaahay u fududeynaayo jidka Jannada loo marayo, m arka faa’ iidada cilmigu kuma koobna dunida aynu ku nool nahay iyo danaha aan ku gaareyno maantadan la joogo ee aakhirana waxaa dheleysaa Jannadi llaahay.

Cilmigu sida ka muuqata xadiiskan kuma koobna cilmiga diiniga ah oo keliya, bal waxaa soo geli cilmi kastao o wax tar leh sharcigii Ilaahayna aan khilaafsaneyn ee qofka iyo bulshada kurbada lagaga saari karo ama gaajada lagaga bixin karo ama cadowga lagaga badbaadin karo ama wax kheyr ah muslimiinta loogu faa’iideyn karo.

Haddana wuxuu xadiisku sheegay abaalgud weyn in la siin doono qofka walaalkii mar kastaba caawiya, kaasoo ah in gargaarka llaahay la iiri doono muddadau u gargaarka walaalkii wado, u gu dambeyn wuxuu xadiisku sheegay abaal-gudka ay leeyihiin dadka meel ku wada kulma iyagoo akhrisanayao o baranayak itaabkal laahay,w axa loogu abaal-gudayaa xasilloonaan iyo naxariis Atla oo lagu soo deiinayo, Malaa’iktuna hareera hooday fariisanayaan, llaahayna ku arnmaandi oono Malaa’iktaa gtiisak u sugan.

Wuxuu ku khatimay xadiisku aasaaska dadka lagu kala sooco marka la abaal marinaayo oo ah qof kasta imaanka iyo camalka suubban uu la yimaado, oo lagu dari mayo xisaabta nasab kiisa, qabiilkiisa iyo xoolahiisa, sababtoo ah, llaahay dadka uma kala dhowa mana kala xigaan dhammaan tooda waa addooma diisa, waxaana lagu kala bixinayaa abaal gud kooda qof kasta wuxu kheyr shaqaystay iyo siduu Alla uga baqay sharcigiisana ugu hoggaan samay. Qofkii camal xun la yimid waxba nasabkiisuu tari maayo.

FAA’IIDADAX ADIISKA

  1. Abaalgudka uu leeyahay qofkii muslim dhibaato ka saara;
  2. Ceebaha dadka in la asturo;
  3. Faa’iidada wax-barashada;
  4. Faa’iidada kulanka lagu baranaayo kitaabka llaahay;
  5. Qiimaha dadka lagu abaal marinaayo waa camalkiisa, qabiil kiisa qofla weydiin maayo;
  6. Abaal gudka loo ballan qaaday qofkii qof muslim ah dhibaatooyinka ka saara.

Hadith 37

Xadiith: N°37
Deeqsinimada Ilaahey

Waxaa laga weriyey ibn Cabbaas (Allaha ka raalli noqdee),

”In uu kaweriyey Rasuulkii Alle (scw) in uu yiri : Wuxuu llaahay (swt) yiri: llaahay baa qoray sa”maanta iyo xumaantaba, kaddibna wuu kala caddeeyey, marka qofkii isku daya in uu samaan falo oo aan falin, waxaa loo qorayaa llaahay agtiisa samaan dhan. Qofkii isku daya in uu samaan falo ee fala, waxaa looga qorayaa llaahay agtiisa 1( xasano ilaa 700 jibbaariyo wax kasiib adan Qofkiii skudaya in uu xumaan sameeyo ee aan falin, waxaa looga qorayaa llaahay agtiisa wanaag dhan, hadduu isku dayo oo uu falo waxaa loo qorayaa xumaan keli ah.” [Bukhaari iyo Muslim]

Bal fiiri walaalow llaahay xaqa ha ina waafajiyee. naxariistiisa weynaanteeda, u fiirso erayadaas (agtiisa) waa tilmaan sida llaahay u daryeelay dadkiisa, ereyga (dhan) waa adkeyn iy o daryeelid xoog leh. Wuxuu yiri, xumaanta qofkii isku daya ee ka Joogsada waxaa loo qorayaa xasano dhan, waxaa lagu adkeeyey ereyga dhan, haddii uu fala xumaantii waxaa loo qoray (hal) xumaan oo keli ah, waxaa lagu adkeeyey yaraanteeda hal ee laguma adkeyn (dhan) (sida xasanada Illaaahay baa mahad leh, ceebna ka fog, mana koobi karno ammaantiisa.

Sharaxa: Xadiiska Todoba & Soddon

Waxaa jira in llaahay ku abuuray dunida xumaan iyo samaanba, isla markaana kala caddeeyey mid kasta jidka loo maro, dadkana awood u siiyey in ay kala doortaan labadaa jid qof ba kuu rabo, haddana, loo caddeeyey qof kasta jidka uu maro abaalgudkiisa oo ah jidka xun in Naar lagu abaalmarinaayo; kan toosanna Janno lagu mutaysanayo,marka xadiiskani arrintaas si fiican ayuu inoogu caddeeyey.

Wuxuu caddeeyey Illaahay siduu addoomihiisa ugu roon yahay, wixii wanaag ah waa toban jibbaar ama in ka badan, wixii xumaan ah ee inta leysku dayo laga joogsado waxaa loogu a baal-guday wanaag, iyadoo ka joogsiga xumaanta lagu geesinnimo gelinayo, loona fududeynaayo in uu jidka wanaagsan raaco.

Xumaantii uu sameeyeyna waxaa loogu abaalmariyey hal ciqaabo o keliya oo lama laba laabin sidii wanaagga loo boqollaal jibbaaray. Marka qofka garaadlaha ah ee dhiifoon waa in uu ka faa’ideysto nicamada llaahay inoogu roonaaday intaan waqtigu dhaafin oo uu la yimaado camal fiican oo fara badan si loogu boqollaal jibbaaro.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Isku dayga wanaagga waxaa lagu helayaa ajar;
  2. Camalka wanaagsan waa kan waxtara, waana kan la boqollaal jibbaarayo;
  3. Ka joogsiga dembiga lagu fekeray ee aan la falin, waxaa lagu helaayaa ajar;
  4. Deeqda llaahay oo aan xad lahayn;
  5. In lagaga daydo llaahay sida dadka loogu abaalgudoo, o qofkii wanaag fala uu helo abaal gud wanaagsan, qofkii xumaan ku kacana lagu abaalmariyo in xumaantiisa wax ku eg, oon lagu xad-gudbin, haddii aan layska cafinba, si loogu geesinimo geliyo in uu ka noqdo jidka qalloocan oo uu ku soo darsamo dadka toosan.

Hadith 38

Xadiith: N°38
Qofka Colaadiya Muminiinta
Jidka Ilaahay ku Toosan

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allah haka raalli noqdee):

”In uu yiri Basuulkii Ilaahay (s.c.w.) wuxuu yiri: Ilahay baa yiri qofkii colaadiya qof mu’min ah ee ii hoggaansan ha u darbado dagaal. Waxa addoonkeygu uu iigu soo dhowaado, waxaan ugu jecelahay wixii aan ku waajib yeelay, waliba addonka fiican waa kii ku dadaala waajibka dabadi la imaanshaha sunnada. Marka sifaada laga helo addoonkeyga wuxuu muteysan in aan dhab u sii jeclaado, haddii aan jeclaadana waxaan u noqonayaa dhegaha uu wax ku maqlo, indhaha uu wax ku arko, gacanta uu wax ku qabsado iyo lugaha uu ku socdo, haddii uu wax i warsado waan siinayaa, haddii uu i magan-galona waan magen gel inayaa.  [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Sideed & Soddon

Xadi iskani wuxuu ka hadlayaa dhowr arrimood oo kala ah: sida llaahay ugu hiillinaayo Awliyadiisa, waxyaalaha Illaahay loogu dhowaanayo, iyo kuwa uu kugu jeclaanayo, qof ka guta waaiibka iyo sunnada sida llaahay ugu gargaarayo. Wuxuu xadiisku caddeeyey qofkii colaadiya qof llaahay weli u yahay in llaahay (swt) la daggallamayo. Marka qofkii u bareera dagaalka llaahay isagaa yagaana sidu u isaga dhicinaayo.

Dadka llaahay weliga u yahay waa mu’miniinta dhabta ah, sidaay caddaysay aayada 258 ee Al-Baqra oo leh: (llaahay baa weli u ah dadka isaga rumeeyey), wuxuu kaloo sheegay xadiisku in wax llaahay loogu dhowaado uu ugu jecel yahay in la fuliyo wixii uu faray. Weliba addoonka fiican waa kii ugu dhowaada Rabbigiisa camalka sunnada ah, si uu llaahay u jeclaado. Qofkiil laahay jeclaado wuxuuu noqonayaa indho, dhego, gacmo iyo lugo.

Qofkii llaahay sidaa u noqdana dhegahiisa waxaan Ilaahay raalli ka ahayn ku maqli maayo, indhihiisuna ku dhici maayaan waxaan khayr ahayn, gacantiisana ku fidin maayo waxaan wanaag ahayn, lugihiisana ugu tallaabsan maayo meel aan khayr ku jirin, macnaha laxaadki is waaxaan camal khayr ahayn ku qaban maayo, kaasoo ah wax isaga ama muslimiinta kale wax u taraya oo dheef u soo jiidaya ama dhib ka saaraya ama camal kale oo wax u taraya.

Qofkii xaalkiisu sidaa noqdo wuxuu Ilaahay ka baryo wuu helayaa haddii llaahay magan galo, wax kasto oo jira oo xumaan ah waa ka magangelinayaa, qofkii Ilaahay magan geliyana wuxuu ku jiraa guri ammaan ah, cid kale ee uu ka baqayana ma jirto. Marka wax xumaan ah ama dhibaato ah la kulmi maayo qofkii ku guuleysta imtixaanka adag ee ah in la fuliyo faradka Ilaahay iyo sunnayaasha.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Qofka mu’minka mudanayo;
  2. Waxa llaahay loogu colaadiya ciqaabta uu dhowaado waxaa uu fadli badan hirgelinta sharciga lslaamka iyo ku dhaqankiisa;
  3. Qofkii waajibaadka guta, sunnadana ku dara sida llaahay ugu gargaarayo, ducadiisana loo aqbalayo;

Hadith 39

Xadiith: N°39
Xaaladaha Aan Qofka
Loo Qabanayn Dembiga uu Falo

Waxaa laga weriyey ibn Cabbaas (Allah ka raalli noqdee);

”In uu yiri Rasuulkii Ilaahay (scw): Ilaahay wuu ka dhaafay ummaddiisa gafafka aan ula kaca loo falin, hilmaanka iyo waxa lagu qasbay.” Waa xadiis Xasan ah. (Ibnu Maajih al-Beyhaqi iyo kuwo kafe).

Sharaxa: Xadiiska Sagaal & Soddon

Qofka dembiga lagu ciqaabayo waa in uu qaan-gaar yahay oo caqligiisa qabo, oo uu kasi yo maag u falo dembiga ama waajib uu ka tago. Haddiise saddex arrimood midkood ku dhacdo loo qaban maayo dembigii, seddexdaa arrimood oo kala ah:

  1. Haddii si aan ula-kac lahayn uu dembiga ku galo;
  2. Haddii isagoo hilmaansan ama jaahil ka ah in falkaasi dembi yahay uu dembiga galo;
  3. Haddii lagu qasbo in uu dembiga falo’ Saddexdaa xaalo midna lagu ciqaabi maayo qofka dembiga uu la yimaado amase waa laga cafinayaa. Marka waxaan ka garan karnaa halkaas in qofka dembiga lagu ciqaabayaa yahay midka uu qofku awood iyo karti u leeyahay kas iyo ogaalna u galo.

FAA’IDADA XADIISKA

  1. Xaaladaha aan lagu ciqaabeyn qofka dembiga uu galo;
  2. Qofku wuxuu ku qaadayaa mas’uuliyadda waa caqligiisa;
  3. Waxa ka mid ah xaaladaha aan qofka loo ciqaabin dembigiisa waallida, caruurnimada iyo xaalad kasta oo qofka caqligu kaga maqan yahay sababo awooddiisa ka baxsan, haddiise uu caqliga iska suuliyo ikhtiyaarkiisa dembigii kama dhacaayo.

Hadith 40

Xadiith: N°40
Inaan Laysku
Hilmaamin Dunida

Waxaa laga weriyey ibn Cumar (Allah haka raalli noqdee);

”Inuu Yiri: Rasuulkii llaahay ayaa garabka iga qabtay oo yiri: Ku ahow dunida sidii nin marti ah ama socoto ah” ibn Cumar (isaga iyo aabbahiiba ilaahay haka wada raalli noqdee), wuxuu oran jirey haddii aad galbaysato ha sugin waaberiga, haddii aad waabariisatona ha sugin galabnimada, intaad fayowdahay u sahay-qaado cudurka, intaad nooshahay wax u hormarso dhimashada.” [Bukhaari]

Sharaxa: Xadiiska Afartannaad

Waxaa jira in qofkasta oo ku nool dunida ogyahay in uu ka tegi doono, laakiin, qofna ma oga w aqtiga uu ka tegayo, waxaa kaloo jira in qofka muslimka ah og yahay in dunidu tahay beerta aakhiro, qofkuna goosan doono wuxuu beerta’a ku abuurtay.

Xadiiskani w uxuu innagu baraarujinayaa inaan maalinta aan joogno wixii aan qabsan karno aan fulinno oo aynaan dib u dhigin, sababtoo ah ma hubtid inaad berri gaari doonto.

Marka qofkii lagu yiraahdo berri shaqo laguuma hayo ee maanta waxaad shaqaysato ayaad berri ku noolaanaysaa, waxaa hubaal ah in uu shaqada labalaabi lahaa. Sidaa awgweed waa inaan waqti iska lumin ee ilbiriqsi kasta ka faa’iideysanno waqtigeenna qaaliga ah, kuna tebinno falal wax inoo tara If iyo Aakhiraba. Waxaannu innooga digay inaan dib u dhigno ficil aan maanta ful in karno.

Tusaale ahaan, intaad is-tiraahdo berri ayaad towbad keeni doontaa, berri ayaad salaad billaabi doontaa, berri ayaad wax sadaqaysan doontaa, berri ayaad aasaasi doontaa masaajid, dugsi, warshad ama wax kale oo bulshada wax u taraya. Marka wuxuu xadiisku ina farayaa haddii aad subax joogtid lama hubo inaad galabta gaareysid, haddaad galab joogtid lama hubo inaad waabariisanayso, marka ficilka kheyrka ah ee maanta aad qaban karto dib ha u dhigin.

Xadiis kale wuxuu sheegayaa inaan qofku seexannin ilaa dardaaran kiisu barkinta ugu hoos jiro, sababtoo ah haddii aadan sidaa yeelino tii Alle kuu timaado lama garan karo xaqe laguugu leeyahay iyo kan kaa maqan midna. Xadiiskale wuxuu ahaa haddii adigoo tallaalaya g eed wax tar leh saacaddu kacdo oo aad ka gaarsiin karto tallaalka geedkaas tallaal, maxaa yeelay ficilkaa aad gacanta ku hayso Laftiisa ayaa lagaa ajar siinayaa.

Cabdullaahi ibnu Cumar, wuxuu dadka ku waanin jirey in ay camal fashaan intay fayow yihi in iyo in ay wax wanaagsan u hormarsadaan Aakhiro intay nolosha Ifka ku raaxaysanayaan.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Inaan leysku halleyn adduunyada;
  2. In fayoobida looga faa’ideysto jirrada;
  3. ln aakhiro loo hormarsado wax ku anfaca;
  4. In lagu degdego towbada oo aan dib loo dhigin;
  5. ln saacad kasta loo diyaar-garoobo dhimashada;
  6. Inaan waqtiga hal ilbiriqsi leyska dhumin oo looga faa’iideysto in la qabsado wax ku anfacaya If ‘ iyo Akhiraba.

Hadith 41

Xadiith: N°41
Hawada Mu’minka

Waxaa laga weriyey abuu Muxammad Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (Allaha ka raalli noqdee)’

”Rasuulkii llaahay (scw) wuxuu yiri: Qofkiin ma rumeeyo (Diinta)’ ilaa hawadiisu raacdo wixii aan la imid.” waa xadiis xasan ah, saxiix ah, waxaa lagu weriyey Kitaabka Xujada.”

Sharaxa: Xadiiska Kow & Afartan

Xadiiskani wuxuu aasaas u yahay ku dhaqanka Islaamka runta ah. Qof kasta wuu iska sheegan karaa Islaam nimada, laakiin, waxaa lagu kala soocayaa marka la yirahdo ha lagu dhaqmo. Muslimka runta ah, wuxuu jecel yahay uu ku farxayaa in uu raaco wuxuu Nebiga la yimid oo ah Qur ‘aanka iyo Xadiiska, marka qofkii aan qalbiga u furin ee aan ku kalsoonaan, kuna dhaqmin sharciga lslaamka barasho dabadeed ma aha muslim quman oo dhab ah.

Haddaba naftaada la xisaabtan in hawadu raacsan tahay wixii Nebigu (scw) la yimid iyo in kale, waxaana jira astaan aad isku garan karto oo ah marka adigoo ku kacaya ficil, ha ahaado mid xun ama mid aad ula niyeysato cibaado ee lagu yiraahdo arrinkan sidaa ah Nebigu wuu reebay ama sidaa uguma dhaqmi jirin, maxaad iska dareemaysaa? Haddii hawadaadu raacsan tahay wuxuu Nebiga la yimid, halkaasaad ku joogsanaysaa markaasaad hubsanaysaa wuxuu Nebigu faray ama Qur’aanka faray.

Haddiise aad tahay qof hawadiisa raacay waad dafiraysaa markaasaad sanka taageysaa oo aad la diriraysaa qofkii kugu baraarujin lahaa jidkii Rasuulka ama waxaad ku hadlaysaa erayo aan ku habboonayn halkii aad xaga ka baari lahaydna waad sii baadiyoobaysaa oo aad xaqa uga siifogaanaysaa. Haddaba, ogow haddaad doonaysid inaad noqotid Muslim quman, isku day inaad ficilkaaga ku miisaantid wixii Nebi Muxammad (scw) la yimid llaahay ha innagu toosiyo tubtii Rasuulka iyo tii Khulafadii hanuunsanayd.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Qofka Muslimka ah waa in uu waafajiyo camalkiisa wixii Nebiga la yimid;
  2. Waa in lagu dadaalo in la raaco Nabiga ficilkiisa iyo habka uu u dhaqmi jirey;
  3. Ka jeedsiga iyo nicidda raacidda Rasuulka Alle (scw) waa gaalnimo;
  4. Muslimka xaqa ah, waa kan ku dayda Nebigiisa iyo asaxaabtiisa, waa kaa midka keli ah ee lagu hubo nabadgelyo iyo qumanaan in Jannada lagu gelaayo.

Hadith 42

Xadiith: N°42
Khatarta Shirkiga

Waxaa laga weriyey Anas (Allah haka raalli noqdee).

‘In uu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii  Ilaahay (scw) oo leh: Wuxuu yiri Ilaahay:

  • Ina Aadamow intaad ii yeeraysid oo aad iga rajo qabtid waan kuu dhaafayaa wixii dembiyo kaa dhaca, anigoon u dan gelin badnaan tooda iyo xumaan tooda.
  • Ina Aadamow haddii dembiyadaadu cirka taabtaan, kaddibna aad i weydiisato dembi dhaaf waan kuu dembi dhaafayaa.
  • ”Ina Aadamow haddii aad iila timaaddid dhulka muggiis oo dembiyo ah; kuna dhimatid adigoon ii sharki  yeelin, cibaadada, hoggaansanka, iyo maqalka cid kale ila wadaajin, waxaan ku siinayaa dhulka muggi oo dembi dhaaf ah.” [at-Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasan oo saxiix ah]

Sharaxa: Xadiiska Laba & Afartan

Xadiis kani wuxuu inoo caddeynayaa khatarta iyo halis nimada shirkiga iyo sida llaahay ugu geesi gelinayo dadka in ay ka soo noqdaan gafaf kooda ugana towbad keenaan. Dembiga waxaa loola jeedaa ku xad-gudubka qodob ama qodobbo ka mid ah Sharciga Islaamka. Asalka dembi kastana kama baxsana saddex nooc:

1. Ku xad-gudub wax llaahay xaaraantinimeeyey in la falo sida ku xadgudubka xuguuqda dadka, xoolahooda iyo sharaftooda ama ku xadgudubka xuquuqda llaahay sida inaad cid wax la wadaajisid isagoo keli ahaan u yeeshay abuurka iyo maamulka kownka, ahna midka qura ee xaq u leh in la raaco, loo hoggaansamo ee wuxuu amray lagu fartoomo, wixii uu reebayna laga reebtoomo.

2. Gudasho la’aanta waajibaadka llaahay faray sida salaadda, sekada, soonka, xajka, dhowritaanka xuquuqda waalidiinta, inadyu marka xidhaan maryo oogadooda wada astura oo ay ka xijaabtaan gayaankooda, in ay is dhex gelin, isku dhafnaan sida xoolahii, ragga iyo dumarka isu gaya ee aan guur xalaal ah ka dhaxeyn iyo arrimaha kale ee Habbi ama rasuulki isii ina fareen ee laga heli karo qur ‘aanka kariimka ama sunnada Rasuulka (scw).

3. U gudashada waajibaadka si aan sharcigu farin, sida bidcada oo ah in lagu daro sharciga wax aan llaahay iyo Rasuulkiisu midna jideyn. Haddii si kale loo fiiriyo cidda xuquuqda lagu xadgudbayo iskaleh, waxaad arkaysaa in ay qaar yihiin xuquuq llaahay sida cibaadada, qaarna ay aadamigu iska leeyihiin, marka dembiga lagu sheegay Xadiiskan ee Illaahay dhaafayo marka laga toobad-keeno waa kuwa llaahay, laakiin xuquuqda aadamiga waa in qofku gudo marka uu toobad keeno.

Xadiisku wuxuu caddeeyey qofkii ku dhinta dembiyo aanu ka toobad-keenin, ha yeeshee mar kaa u dhimanayey Illaahay u hoggaansanaa, ku mideynayey maqalka iyo adeecidda, kitaabkuu soo dejiyey iyo nebiguu soo diray dhab u raacsanaa, shirki nooc iyo waji u yeeshaba ka fogaa in llaahay qofkaa shirkiga ka marnaa wixii dunuub kale ka dhacay dhaafi doono, ama ka goyn doono.

Halkaana waxaa ka muuqda in qofkii ku dhinta shirki inaan llaahay u dhaafayn dembigiisa ee la marin doono ciqaabta uu mudan yahay, laguna waarinayo, maxaa yeelay, wuxuu Nebigu (scw) Xadiis kale ku sheegay in dembiga adamigu galo shirkigu ugu weyn yahay. Aayad Qur’aan ah oo ku jirta Suuradda an-Nisaa, aayaddeeda 116aad, waxaa lagu sheegay in llaahay qofkuu doono u dembi dhaafi doono, laakiin, ninkii llaahay cibaadada oo noocyo iyo wajiyo badan cid kale la wadaajiya aanu u dembi dhaafi doonin.

Marka si looga digtoonaado dembigaa qofka gafsiinaya dembi dhaafka Alle waa in la barto waxa uu yahay si aan loogu dagmin. Shirkigu asal ahaan waa wadaajin sida loo wadaago caanaha, cuntada iyo xoolaha, shirkigana waxaa loola jeedaa in xaqa llaahay gaarka u ah lala wadaajiyo cid khalqigiisa ka mid ah. Waxaa waajib u ah dadka in ay Alle keligi caabudaan.

Tusaale ahaan, haddaad salaadda u tukato in lagugu ammaano ama aad sadaqada u bixisid in lagugu faaniyo, ama wax ilaahay laga baryo ood cid kale la baridid ood tiraahdid llaahay iyo Hebelow arsaaq i siiya ama ilmo i siiya ama darajo i siiya iwm. Marna ma bannaana in llaahay cid kale lagu ladho, maxaa yeelay, ma jirto cid kale oo wax la wadaagta.  (‘’Subxaanahu Wa Tacaalaa…!’’)

Nebiguna (scw), isagoo dadka uga digaya sida shirkigu ugu dhuunto camalka, ayuu yiri shirkigu waa ka dhuuman ogyahay quraansho madow oo habeen gudcur ah ku socota dhagax sallax ah oo siman, marka quraanshada sidaas ah, shanqarna aan lahayn laga maqli karo, sidaas oo kale ayuu shirkigu ugu dhuuman karaa camalka qofka. Haddaba taasi waa in ay ku xambaarto qofka muslimka dhabta ah digtoonaan iyo feejignaan, si uu uga badbaadiyo cibaadadiisa in shirki soo galo ama ku dheehmo, marka qof kasta isagaa ka mas’uul ah siduu shirkiga isaga ilaalin lahaa.

FAA’IIDADA XADIISKA

  1. Wuxuu xadiiskani faa’ideynayaa in qofkii ku dhinta dembi aan shirki ku jirin llaahay u naxariisan doono, xataa haddii lagu ciqaabo dembiyada qaarkood, inuu janno ku dambeyn doono sida ay sheegeen xadiisyo kale.
  2. Ninkii ku dhinta dembi shirki ku jiro isagu Ilaahay ka sugi maayo naxariis sida lagu sheegay Aayad Qur’aan ah oo ku jirta Suuradda Al -Baqara, oo micnaheedu yahay ninki llaahay u shiriig yeela ama xaq llaahay cid kale ku ladha in jannada laga xaaraantinimeeyey hoygiisuna nogon doono naarta, oo meel hoog ah. llaahay ha innaga badbaadiyo.