بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

Su’aalo & Jawaabo
Ku Saabsan Anbiyada

Qaybtani waxaan Ku Soo Qaadan Doonaa
Nabiyullaahi Suleymaan (cs)

اَلسَّلَامُ عَلَيْكُم وَرَحْمَةُ اَللهِ وَبَرَكاتُهُ

إنَّ الْحَمْدَ لِلهِ نَحْمَدُهُ وَنَسْتَعِينُهُ وَنَسْتَغْفِرُهُ، وَنَعُوذُ بِاللهِ مِنْ شُرُورِ أَنْفُسِنَا وَمِنْ سَيِّئَاتِ أَعْمَالِنَا، مَنْ يَهْدِهِ اللهُ فَلاَ مُضِلَّ لَهُ، وَمَنْ يُضْلِلْ .فَلاَ هَادِىَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلاَّ الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَلا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنْتُمْ مُسْلِمُونَ}

{يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالاً كَثِيراً وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالْأَرْحَامَ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيباً}

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلاً سَدِيداً، يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزاً عَظِيماً}

:أما بعد

فإن خير الكلام كلام الله، وخير الهدي هدي محمد – صلى الله عليه وسلم-، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلالة، .وكل ضلالة في النار

Inshaa Allaah maanta oo taariikhda Islaamka ah, 10ka bisha Ramadaan sanadka hijrada 1441 kuna beegay maalin Axad ah 03/May/2020 waxaan halkan ku soo gudbin doonaa su’aalo & Jawaabo ku saabsan Anbiyada Allaah iyo inta goor Qu’aanka Kariimka ah lagu xusay magacyadooda. Marka wixii aan asiibnay waa Ilaahay fadligii, wixii aan ku gafnayna waxaan rajeyheynaa in walaalaheena inagu baraarujiyaan Allena waxaan ka baryeenaa dambi dhaaf gaf keena iyo dunuubteena. Marka Inshaa Allaah Alle ha inaga dhigo kuwa ka faa’ideysto, ajar iyo xasanaadna inagu abaal mariyo anaga iyo waalidiin teena iyo dhamaan ummadda Islaamka meel walba ay dunida ku nool yihiin. Aammiin.

Suleymaan (cs)

سيدنا سليمان بن داود عليهما السلام

Su’aal:

Waxaad sheegtaa inta goor ee Qur’aanka lagu xusay magaca Nabiyullaahi Suleymaan (cs)?

Jawaab:

Nabiyullaahi Suleymaan Qur’aanka Kariimka waxaa lagu xusay meelo badan, waxaana kamid ah al-Baqarah, an-Nisaa, al-Anbiyaa an-Namli, Saba iyo Saad. Waxaana lagu sheegay ilaa iyo [16] goor.

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Haddana waxaan soo qaadan doonaa suuradaha iyo aayadaha lagu xusay magaca Nabi Suleymaan (Naxariis & Nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Waxaa lagu xusay magaca Nabiyullaahi Suleymaan Qur’aanka Kariimka dhexdiisa ilaa iyo 16 goor. Waxaan soo qaadan doonaa meelaha lagu sheegay magaciisa oo keliyah.

Inta Goor Qur’aanka Lagu Xusay

01Suuradda al-Baqarah Aayadda [102aad]Waxaa lagu sheegay Laba jeer
02Suuradda an-Nisaa Aayadda [84aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
03Suuradda an-Nisaa Aayadda [163aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
04Suuradda al-Anbiyaa Aayadda [78aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
05Suuradda al-Anbiyaa Aayadda [79aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
06Suuradda al-Anbiyaa Aayadda [81aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
07Suuradda an-Namli Aayadda [15aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
08Suuradda an-Namli Aayadda [16aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
09Suuradda an-Namli Aayadda [17aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
10Suuradda an-Namli Aayadda [18aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
11Suuradda an-Namli Aayadda [30aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
12Suuradda an-Namli Aayadda [36aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
13Suuradda an-Namli Aayadda [44aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
14Suuradda Saba Aayadda [12aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
15Suuradda Saad Aayadda [30aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
16Suuradda Saad Aayadda [34aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer

Gabagabo

Inshaa Allaah waxaa halkaan inagu dhammaaday tirada qur’aanka lagu sheegay Nabiyullaahi Suleymaan (عليه السلام). Waxaan rajeyheynaa in aan ka wada faa’ideysano, islamar ahaan taana waxaan ka codsanaa dhammaan walaalaha inagu xiran in ay inala soo xiriiraan haday wax qalad ah casharkan ku arkaan si aan u saxno. Jazaakum Allaahu khayran.

Waxaa idin soo diyaariyay:
Abuu Kalthuma (Wajibad)
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

La Soco Qaybta Xigta Waxaan Ku Soo Qaadan
Doonaa Nabi Haaruun (cs) hadduu Alle idmo…