بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

Su’aalo & Jawaabo
Ku Saabsan Anbiyada

Qaybtani waxaan Ku Soo Qaadan Doonaa
Nabiyullaahi Yuunus (cs)

اَلسَّلَامُ عَلَيْكُم وَرَحْمَةُ اَللهِ وَبَرَكاتُهُ

إنَّ الْحَمْدَ لِلهِ نَحْمَدُهُ وَنَسْتَعِينُهُ وَنَسْتَغْفِرُهُ، وَنَعُوذُ بِاللهِ مِنْ شُرُورِ أَنْفُسِنَا وَمِنْ سَيِّئَاتِ أَعْمَالِنَا، مَنْ يَهْدِهِ اللهُ فَلاَ مُضِلَّ لَهُ، وَمَنْ يُضْلِلْ .فَلاَ هَادِىَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلاَّ الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَلا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنْتُمْ مُسْلِمُونَ}

{يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالاً كَثِيراً وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالْأَرْحَامَ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيباً}

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلاً سَدِيداً، يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزاً عَظِيماً}

:أما بعد

فإن خير الكلام كلام الله، وخير الهدي هدي محمد – صلى الله عليه وسلم-، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلالة، .وكل ضلالة في النار

Inshaa Allaah maanta oo taariikhda Islaamka ah, 10ka bisha Ramadaan sanadka hijrada 1441 kuna beegay maalin Axad ah 03/May/2020 waxaan halkan ku soo gudbin doonaa su’aalo & Jawaabo ku saabsan Anbiyada Allaah iyo inta goor Qu’aanka Kariimka ah lagu xusay magacyadooda. Marka wixii aan asiibnay waa Ilaahay fadligii, wixii aan ku gafnayna waxaan rajeyheynaa in walaalaheena inagu baraarujiyaan Allena waxaan ka baryeenaa dambi dhaaf gaf keena iyo dunuubteena. Marka Inshaa Allaah Alle ha inaga dhigo kuwa ka faa’ideysto, ajar iyo xasanaadna inagu abaal mariyo anaga iyo waalidiin teena iyo dhamaan ummadda Islaamka meel walba ay dunida ku nool yihiin. Aammiin.

Yuunus (cs)

سيدنا يونس عليه السلام

Su’aal:

Waxaad sheegtaa inta goor ee Qur’aanka lagu xusay magaca Nabiyullaahi Yuunus (cs)?

Jawaab:

Nabiyullaahi Yuunus (cs) Qur’aanka Kariimka magaciisa waxaa lagu sheegay [4] goor iyo suuradda al-Anbiyaa oo lagu tilmaamay magaca ah (ذا النون).

01 Suuradda an-Nisaa Aayadda [163aad] Hal jeer
02 Suuradda al-Ancaam Aayadda [86aad] Hal jeer
03 Suuradda Yuunus Aayadda [98aad] Hal jeer
04 Suuradda as-Saaffaat Aayadda [139aad] Hal jeer
05 Suuradda al-Anbiyaa Aayadda [87aad] (Wadal-Nuuni)

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Waxaan soo qaadan doonaa suuradaha iyo aayadaha lagu xusay magaca Nabi Yuunus in kasta oo afar suurad oo keliya lagu xusay magaciisa. Waxaa kale oo jira in mararka qaar si gooni ah loogu tilmaamaya Aayadaha qaar kooda, iyada oo Allaah (swt) ku magacaabaya [ذا النون].

[سورة النساء [١٦٣

إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَى نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِن بَعْدِهِ وَأَوْحَيْنَا إِلَى إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالأَسْبَاطِ وَعِيسَى وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَارُونَ وَسُلَيْمَانَ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا

[سورة الأنعام [٨٦

وَإِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَيُونُسَ وَلُوطًا وَكُلاًّ فَضَّلْنَا عَلَى الْعَالَمِينَ

[سورة يونس [٩٨

فَلَوْلاَ كَانَتْ قَرْيَةٌ آمَنَتْ فَنَفَعَهَا إِيمَانُهَا إِلاَّ قَوْمَ يُونُسَ لَمَّا آمَنُواْ كَشَفْنَا عَنْهُمْ عَذَابَ الْخِزْيِ فِي الْحَيَاةَ الدُّنْيَا وَمَتَّعْنَاهُمْ إِلَى حِينٍ

[سورة الصافات [١٣٩

وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ

[سورة الأنبياء [٨٧

وَذَا النُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَاضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَى فِي الظُّلُمَاتِ أَن لّا إِلَهَ إِلاَّ أَنتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ الظَّالِمِينَ

Inshaa Allaah waxaa halkaan inagu dhammaaday tirada qur’aanka lagu sheegay Nabiyullaahi Yuunus (عليه السلام). Waxaan rajeyheynaa in aan ka wada faa’ideysano, islamar ahaan taana waxaa ka codsanaa dhammaan walaalaha inagu xiran in ay inala soo xiriiraan haday wax qalad ah casharkan ku arkaan si aan u saxno. Jazaakum Allaahu khayran.

Waxaa idin soo diyaariyay:
Abuu Kalthuma (Wajibad)
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

La Soco Qaybta Xigta Waxaan Ku Soo Qaadan
Doonaa Nabi Yacquub (cs) hadduu Alle idmo…