Taariikh Nololeedkii

Sheekh Maxamed
Macalin Xasan

الشيق محمد معلم حسن

Decorative Lines

Meesha uu ku dhashay

Sheekh Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha magaalada Buur Hakaba. Wuxuu Qur’aanka ku bartay isla goobtaas. Sagaal jir markuu ahaa ayuu Qur’aanka dhammeeyey, kaddib wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan ee Islaamka ku baranayay.


Sheekh Maxamed Macalin Xasan

  • Dhalashadii: 1934, Buur Hakaba, Somalia
  • Geeridii: 2000, Torino, Italia
  • Aaskiisii: Muqdisho, Somalia (Qabuuraha Tawfiiq)
  • Diintiisa: Muslim
  • Madhabtiisii: Shaafici
  • Taqasuska Cilmigiisii: Caqiidada iyo Falsafada
  • Shaqadiisii: Tafsiirka Qur’aanka iyo Axkaamta
  • Jaamacada: Al-Azhar Kuliyada Usuulu Diin, (Qaahira, Masar)

Kadib wuxuu u soo wareegay Sheekhu gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo markii ugu horreysay Masjidka Jaamaca ah ee weyn ee magaalada Hargeysa uu ka billaabay tafsiirka Qur’aanka kariimka ah sannadkii 1952-kii. Muddo yar kadib wuxuu Shiikhu u safray dalka Masar halkaas oo waxbarashadiisa markii la qiimeeyey loo oggolaaday fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare ee Macaahidda Al-Azhar.

Jaamacadda Al-Azhar

Sannad kaddib wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar, gaar ahaan. Kuliyadda Usuulu-Diin, qeybta caqiidada iyo falsafadda. Halkaasna wuxuu ka qaatay Shahaadada (M. A.) Mastrate. Dabadeed, wuxuu u gudbay darajada Diktorate PhD. Sheekh Maxamed wuxuu cilmibaarista ugu danbaysay ka qorayey Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada. Sheekhu isagoo aan dhamayn ayuu ku noqday Soomaaliya sanadkii 1968.

Intii uu Qaahira joogay Sheekh Maxamed wuxuu ahaa madaxa ardayda Soomaaliyeed ee halkaa ku noolayd. Febraayo 1968-dii ayuu Sheekh Maxamed Macallin Allaha u naxariistee ku soo laabtay dalka. Febraury illaa bishii September sanadkii 1968 wuxuu Shiikhu sameeyey daraasad la xiriirta xaaladda diineed ee dalka Soomaaliya ee uu xilligaas ku jiray dalku.

Barashada diinta Islaamka

Waxaa u soo baxday inay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed baridda iyo baraarujinta diinta Islaamka, waana midda keentay inuu September dabayaaqadeedii isla sanadkaa tafsiir ka billaabo masjidka weyn ee maqaamka Sheekh C/qaadir. Taariikhdan gaaban waxaan ka soo xigtay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo ka mid ahaa raggii ay shiikha aadka isugu dhowaayeen.

Sidoo kale, isagoo ka warramaya wixii kala qabsaday Sheekh Maxamed iyo dowladdii milateriga ayuu yiri Sheekh Axmed, sannad kaddib, markii xukuumaddii milateriga ay dalka ka dhalatay, baraarugga Islaamkana uu si wanaagsan uga socdo magaalada Muqdisho, wuxuu isku dayey maamulkii milateriga ahaa inuu Shiikha ka joojiyo Tafsiirka. Balse, Shiikhu wuu diiday, walow loo magacaabay Agaasimaha arrimaha diinta si uu isaga dhaafo tafsiirka.

Sheekhu taa wuu ka dhega adaygay, wuxuuna si dardar ah u watay tafsiirkiisii oo ay u wehliyeen muxaadarooyin diini ah. Sheekh Axmed oo weli ka sii hadlaya arrintaas waxa uu yirii Maamulkii milateriga ahaa wuxuu kaloo isku dayey inuu Shiikha u magacaabo safiir si uu dibadda isaga dheereeyo balse Shiikhu taasna wuu diiday, waxayna keentay inuu ka mid noqdo 54-kii qofood ee shaqaalihii ugu horreeyey ee loo bixiyey liiskii madoobaa ee laga eryey dowladda, wuxuuna ahaa qofkii afraad ee liiskaas ku qornaa.

Xabsigii Labaatan Jirow

Arrintaasi uu ku dhaqaaqay maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxba kama beddelin Sheekh Maxamed Macallin, sida uu noo sheegayo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow, maadaama uu lahaa dad fara badan oo aad u jeclaa noloshiisa wax ciriiri ah ma aysan gelin. Wuxuu sii watay Tafsiirkiisii. Dowladdii Barre ayaa xirtay sannadkii 1976-kii illaa 1982-kii isagoo ku xirnaa xabsigii Labaatan Jirow oo dhib badan loogu geystay. Markii la soo daayey ayuu dib u billaabay Tafsiirkiisii.

August 1984-kii ayaa mar kale amar lagu soo rogay inuu joojiyo tafsiirka, balse wuu diiday, taasina waxa ay keentay in mar kale la xiro xabsigana lagu jirdilo. Dhacdadaaas waxa ay keentay in dowlado badan oo Carbeed iyo dowlado magac ku leh dunida ay Shiikha u soo jeediyaan inuu dalka isaga soo baxo, noloshiisana ay kafaalo qaadayaan. Sheekh Maxamed Macallin ma uusan yeelin, wuxuuna ku adkeystay inuu dadkiisa diinta ku baraarujin doono oo dadkiisu ay u baahan yihiin.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa cajal laga duubay, waxa uu ku sheegay in waxyaabihii ugu darnaa ee noloshiisa soo mara ay ahayd xariggii xabsigii Labaatan Jirow oo lagu gaarsiiyey rafaad iyo cadaab, nimankii askarta ahaa ee aan u xirnaa waxa ay sameynayeen wax kasta oo aniga i dhibaya ayuu yiri mar sii horreysay Sheekh Maxamed Macallin.

Xilli Adag Ayay Ahayd
Xilligii uu Xabsiga
Ku Jiray Sheekhu

Waxaa magaalada Muqdisho ka furnaa 13 Orientation (goobaha hanuuninta dadka) oo Shuuciyadda dadka lagu hanuuniyo, taasina dadka waxay ugu yeereysay in uusan Ilaahay jirin oo dabeecaddu ay wax kasta iyadu maamuleyso. Sida Shiikhu uu sheegay waxaa jiray dad badan oo arrintaa ciidan u noqday.

Waxaa Shiikhu dadka uga digi jiray intii aan la xirin shuuciyadda, isagoo aan waxba ka sheegi jirin dowladda. Waxaa dhacday in dadweynhii Soomaaliyeed, ha ahaado dadkii shaqaalaha, ama ganacsatada ama arday ama boolis ama ciidan kale inay ku soo xirmaan tafsiirkii Sheekh Maxamed. Halka ay goobihii Kacaanku ay dadka ku xareysan jireen ay dadkii ku yaraadeen Markaas ayaa la xiray Sheekh Maxamed Macallin.

Sida Sheekh Maxamed Macallin uu sheegay, waxaa u tagay maamulkii Kacaanka odoyaal, waxayna yiraahdeen shiikha haddii aad dambi ku haysataan noo sheeg, haddii kale annagaa damaaano qaadayna ee noo soo daaya. Markaas Maxamed Siyaad Barre waxaa la sheegaa inuu yiri ninkaan (Sheekha) dambi ma laha. Waa nin waddani ah oo toosan, laakiin asna Orientation buu furtay, annaguna 13 Orientation ayaan furannay. Isagii baa dadkii naga leexsaday kolka waan ka xoog badannahay, waana iska xareynay

Sheekhu wuxuu xabsiyadii dowladdii milatirga ku jiray muddo 11 sano iyo dheeraad ah. Waxa uu sheegay mar uu arrintaasi hadda ka hor ka hadlay Sheekhu inaanu is lahayn si ammaan ah ama adigoo nabad ah ayaad ka soo bixi doontaa xabsigii Labaatan Jirow.

Sheekha oo Qaliin lagu sameeyay

Markii uu xabsiga ka soo baxay waa uu xanuunsaday, kaddibna dibadda ayuu aaday. Qalliin ayaa lagu sameeyey, waana uu ku ladnaaday. Waxa uu dib ugu noqday casharkii, markuu sagaal cashar galay ayaa xabsiga lagu celiyey. Waxaa la moodayey in dadkii casharkiisa ku xirnaayeen ay is illoobeen, dadkiina waa ay ka soo dareen. Muddadaas dheer ee uu xirnaa, wax is beddel ah noloshiisa kuma imaan Sheekh Maxamed.

Sheekh Axmed Cabdi oo mar kale ka hadlaya sannadihii ugu dambeeyey ee Shiikha waxa uu yiri wuxuu ka mid ahaa shiikhu aasaasayaashii Kulanka Culumada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Kulankaas. Dagaalladii sokeeye kaddib wuxuu Tafsiirka ka billaabay masaajidka Isbahaysiga.

Shiikhu wuxuu ahaa qof iimaankiisu sarreeyo, noloshiisa oo dhanna diinta ku kooban tahay, dadkana ay isugu mid yihiin. Aad ayuu u naxariis badnaa. Waxaan oran karaa wuxuu ahaa aabbaha baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa nin saqi ah oo gacan furan. Hoggaamiye mujaahid ah, ummaddaana sheegi doonta waxtarkiisa. Qiyaastiisa oo idil waxay ku saleysnayd Islaamka. Ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.

Geeridii Sheekha

Geeridiisa qof kasta ayaa ka naxay oo Soomaaliyeed. Waxa uu ku tiraabay Sheekh Axmed inay jeclaan lahaayeen inuu maanta la joogo, waxaa naga geeriyooday caalim Islaami ah, oo sida kaalintiisa lagu buuxiyaa ay adag tahay” ayuu yiri Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow. Sheekh Cumar Faaruuq oo la hadlayey idaacadda BBC-da, waxa uu ku tilmaamay Sheekh Maxamed Macallin inuu ahaa caalim aqoon qoto dheer u leh diinta Islaamka. Sidoo kale, Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu sheegey in inta badan dadka maanta ku hawlan fidinta diinta Islaamku ay wax ka soo barteen Sheekha.

Shariif Cabdi Nuur oo ah nin caalim ah oo caan ka ah dalka Soomaaliya iyo dalalka Islaamkaba ayaa tibaaxay inuu ahaa Sheekh Maxamed Macallin nin furfuran oo faham badan. Isagoo u warramayey Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Shariif Cabdi Nuur, waxa uu yiri Sheekh Maxamed waxaan ku tilmaamayaa nin deggan oo aamus badan oo Qur’aan akhris badan oo laqwiga neceb. Waxa uu sheegay Shariifku inuu ahaa Sheekh Maxamed nin furfuran oo kaftan badan, “aniga iyo asaga waan isla kaftami jirnay kolkii uu ii yeerayo wuxuu iigu yeeri jiray Awkeey Shariif, anigana waxaan dhihi jiray “Shiikh Nawaaq.

U Adeegista Dadka

Sheekh Maxamed waxaa lagu yaqaannay dadka uu ka weyn yahay inuu u adeego, xataa sida la ii sheegay shilka uu Shiikhu ku galay Sacuudiga waxay ahayd inuu u adeegay nin ay ku wada noolaayeen hal meel uu wax uga doonay dukaan. Dabadeed, asagoo jidka goynaya ayaa waxaa ku yimid gaari ordaya. Arrintaasi waa mid aan shaki lahayn oo lagu yiqiinnay shiikha. Tawaaduc iyo u jajabni dad u adeegidiisa mid lagu yaqaannay oo caam ah bay ahayd, Allaha u naxariisto” ayuu yiri Shariif Cabdi Nuur.

Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed oo mar noqday Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, xabsigana ay iskula jireen Sheekha ayaa ka sheekeeyey noloshii dheereyd ee xabsigii Labaatan Jirow. Dhaawac weyn bay ku tahay geerida Sheekh Maxamed Macallin dacwadda Islaamka, gaar ahaan dhulka Soomaalida ayuu yiri Sheekh Cabdiqani oo hadda ka tirsan xarunta cilmi baarista Fiqhiga ee dalka Kuwait.

Sheekh Maxamed Macallin, 30-kii sano ee aan soo dhaafnay dacwadda Islaamka intii uu ka geystay iyo intuu ka qaatay ma jiro ruux ka qaatay. Maxamed Macallin Allaha u naxariisto, geeridu xaq weeye laakiin aad iyo aad baan uga murugsannahay. Waxay ahayd waqti loo baahnaa dacwaddii uu Sheekh Maxamed waday iyo dhallinyaradii uu tacliiminayey, qaasatan tafsiirka Qur’aanka uu ku tarbiyadeyn jiray ayuu yiri Sheekh Cabdiqani.

Sheekh Cabdilqani isagoo ka hadlaya waxbarashadii Sheekha waxaana uu yiri Sheekh Maxamed markii uu tagay Jaamacadda raggii Soomaaliya ka yimid imtixaan ayaa laga qaadi jiray. Ninkii Sheekh Maxamed imtixaanka ka qaadayey inta uu istaagay ayuu madaxa ka dhunkaday.

Sheekh Maxamed asagoo caalim ah buu tagay dalka Masar. Nin aad u fahmo badan ayuu ahaa. Xaafid Qur’aan ayuu ahaa, waxaana leeyahay maanta geeridiisu waxay nagu tahay khasaaro. Waa waqti aan u baahannahay oo dacwadda Islaamka Soomaalida looga baahan yahay.

Sheek Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb-gashay aaska Sheekha ayaa isaguna ka hadlay, wuxuuna yiri, Sheekh Maxamed waxa uu ahaa ahammu-shaqsiya diiniya oo ku sugan Soomaaliya. Hadda oo uu dhintayna ma lihi arrintaas ee waxaan qoray sanadkii 1982, mar ay I soo weydiiyeen Raabidadu. Waxaana marqaati ka ah sida ay maanta shacabka Soomaaliyeed u aaseen.

Bay iyo Bakool

Mar ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen xabsigii labaatan jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu xilligaasi ahaa xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yiraahdeen Sheekhow waxaan ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada waan la soconnay ee waxaan ku su’aaleynaa sidee ayaad u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bisha intaba?.

Waxa uu su’aashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin waxaan ahaa xaafid Qur’aan. Usbuuca waxaan ula socday toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka aqrin jiray. Bishana waxaan ula socday maalin walba jus ayaan akhrin jiray.

Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay, waxaana xiddigaha iyo qorraxdaba kala socday duleel yar oo ku yaallay saqafka kore ee qolka. Muddo kaddib duleelkii yaraa ayaa geed ka soo dul baxay oo iga qariyey xiddigaha sidii aan u arki lahaa. Madaxa askarta xabsiga ayaa la ii geyn jiray maalmo kaddib si la iiga wareysto xaaladdeyda.

Waxaan u sheegay in meel duleel ah oo ay qorraxdu ka soo gasho ay dhib igu hayn jirtay, Ilaahay baa meeshii qorraxdu ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo qoraxdii aan ka reystay. Kolkaa aniga waxaan rabaa si geedka loo gooyo, isla markiiba way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yiri Sheekhu.

Aadaanka Salaada
oo Loo Diiday Sheekha

Mar uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas, waxa uu yiri waxaa iigu yaab badnaa inay anigu caado ii ahayd inaan salaad walba aadaamo, waxayna igu yiraahdeen askartu ‘waa inaad joojisaa aadaanka.’ Waxaan iri xabsiyada dalka oo dhan waa laga aadaamaa ee maxaa keligey la iga rabaa, waxayna yiraahdeen ‘waa amar jooji,’ anigana ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay aadaankii kaddibna qolkii dhexdiisii ayay igu xir xireen (miig). Isma lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin.

Sidii anigoo u rafaadsan ayaa la iga soo beddelay Labaatan Jirow oo waxaa la ii soo beddelay Xabsiga Dhexe, waxaana la igu xiray qol ciriiri ah oo Shimbiroole la yiraahdo, magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay dhilqo fara badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya. Kaddib askartii gudaha ee xabsiga ayaa go’aansatay inay wax ii qabtaan.

Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta ay dhaqeen oo ay mariyeen rinji kaddibna ay ku xireen nal ayay igu yiraahdeen ‘Shiikhow naga raalli ahaaw,’ markaas kaddibna waxay noqotay in qolkii ay ku soo bixiyaan maxaabiista kale laaluush si ay u soo galaan ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Xasan.

Dhallinyarada baraarugga Islaamka ee Muqdisho ayaa ka sameeyey Sheekh Maxamed Macalliin qoraallo badan oo taariikhdiisa ku saabsan, waxaana ay ka sheekeeyeen bilowgiisii geeddi socodka iyo markii uu billaabay inuu raadiyo cilmiga diinta. Waxaa qoraalladaasi ku jira in markii Shiikhu yaraa ee uu geeriyooday aabbihiis Macallin Xasan, ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis.

Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac laba gees kala istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan. Dabadeed wuxuu shiikhu raacay abtiyaashiis, sida uu sheegayo mid ka mid ah dhallinyaradii Shiikha haysay taariikhdiisa.

Abtigii ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray si uu kitaab ugu aqristo Baydhabo. Beydhabadii kuma uusan nagaanin Shiikhu oo asagoo meel fadhiya oo nin Imaam uu tujiyey is leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo ag fariistay oo yiri ‘kaalay anigaa kuu akhrinaayo oo galbeed baan ku geynayaa.’ Ninkii buu iska soo raacay.

Jig Jiga iyo Agagaarkeeda

Wuxuu yimid Jig-Jiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo Sheekh Maxamed C/llaahi oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay. Habeen bey la hoydeen asaga iyo dad kale. Sheekhuna wuxuu ku haray halkaas oo uu ka bilaabay kitaabkii ugu horreeyey Safiinaha ah oo muqtasir ah.

Dugsigii markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay. Macallin dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Shiikhoodaba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la yiraahdo Xaaji Cali oo ka yimid Sacuudiga magaalada Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad looga aflaxay.

Sheekhu wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan ayay ku qoreen majalad ka hadlaysa taariikhda Sheekha. Sidoo kale, Sheekhu wuxuu arday u noqday culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Buraawi.

Sheekhu, markii uu ka tagay gobolka Soomaali Galbeed waa uu lugeeyey, waxaana uu maray dalalka Itoobiya, Ereteriya, Suudaan illaa uu ka gaaray dalka Masar dabayaaqadi sannadkii 1958-kii. Inta uusan ka tegin gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ka yimid magaalada Hargeysa oo uu ka soo baxay, waxa uu maray Jigjiga iyo magaalooyin kale oo bariga dalka Itoobiya ah.

Intii uu joogay Masar Sheekhu wuxuu arday u noqday Sheekhul-Azharkii xilligaas, Sheekh Cabdulxaliim Maxamuud. Sheekh Cabdulxaliim Maxamuud ayaa u ahaa ninka la talinayey markii uu diyaarinayey PhD-da.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey markii ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul Muslimiinka iyo dowladda, dabayaaqadii sannadkii 1950-kii iyo bartamihii 60-kii. Waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikriga iyo siyaasadda. Xarakada walaalaha Muslimiinta ayaa aad u shaac baxday.

Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormuudka ka ahaa oo uu akhriyey kutubadooda. Waxaa ka mid ahaa culumadaas Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa, Shahiid Sayid Qudub, Hudeybi. Markii Sayid Qudub la daldaleyey, Shiikhu waxa uu joogay Qaahira, wuxuuna u sheegay BBC-da inuu runtii aad ugu saamoobay arrintaas, aadna uga xumaaday

Torino, Italia

Hadaba sheekh Maxamed Macallin Xasan waxa uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Torino ee dalka Talyaaniga oo ahaa aabbihii baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Macallin waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa iskugu yimid kumanaan-kun oo qof oo iskugu jira culumada, ducaadda iyo dadweynaha ku nool Xamar.

Sheekh Maxamed Macallin waxa uu ku lahaa magac weyn iyo taariikh dheer Soomaaliyaa. Waxa uu ahaa caalim laga tixgeliyo dhulalka Muslimiinta. Dacwadii Sheekh Maxamed Macallin Ilaahay waa barakeeyey, waxayna aqbalaadda in badan oo ka mid ah dadweynaha iyo culumada Soomaaliyeed. Sidaasna wuxuu ku noqday aabbaha saxwada Islaamka ee Soomaaliya.

Sheekha aaskiisii waxaa iskugu yimid culumo farabadan oo kala leh itijaahyo iyo aragtiyo kala duwan, kana kala tirsan ururrada Islaamdoonka Soomaaliyeed. Shiikhu wuxuu ifka kaga tagay hal wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood.

Geeridiisu waxa ay ka nixisay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sidaasi darteed, Sheekhaas weyn ee caanka ah waxaan leennahay Alle ha u naxariisto, ha u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgoon iyo ha ku siiyo naruuro, Aamiin.

Waxaa isku soo Aruuriyey:

Bashir Mohammed Abdulkadir (Al-Bashiir)

Faahfaahin Kale
oo Dheeraad ah

Sheekh Maxamed Macallin Xasan

Ilaahay ha u naxariistee Sh. Maxamed Macallin Xasan Wuxuu ku dhashay baadiyaha Buur-Xakaba sanadkii 1934kii, halkaasoo uu ku barbaaray kana bilaabay waxbarashadiisii Quraanka, isagoo halkaasi ka galay malcaamad Quraan, sagaal jir markii uu ahaanna Quraanka ayuu dhammeeyay taasoo kuu caddaynaysa fahmo badnidiisa iyo cilmi jacaylkiisa.

Muddo kaddibna wuxuu bilaabay inuu Xerow noqdo oo uu bilaabo inuu cilmi u raadsado meel kasta oo uu ka heli karo , isagoo u kicitimay xagga dhanka magaalada Herer oo uu muddo ka badan labaatan sano ka soo raacanayay culuumta Islaamka.Sida ku qoran qoraalo lagu ururiyay taariikhda Sheekha ayaa sheegaya in markii uu Sheekhu yaraa ee uu geeriyooday aabbihii Macallin Xasan, ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis.

Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac laba gees kala istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan. Dabadeed wuxuu sheekhu raacay abtiyaashiis.

Abtigii ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray si uu kitaab ugu akhristo Baydhabo. Baydhabo kuma uusan nagaanine Sheekhu isagoo meel fadhiya oo nin Imaam ah oo tukiyey is leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo ag fadhiistay oo ku yidhi:-“kaalay anigaa kuu akhrinaaya oo galbeed baan ku geynayaaye”. Ninkii buu iska soo raacay. Wuxuu yimid Jigjiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo Sheekh Maxamed Cabdillaahi oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay,habeen bey la hoydeen isaga iyo dad kale,halkaasoo uu isagu ku hadhay kana bilaabay kitaabkii ugu horreeyey ee Safiinaha kooban ah.

Dugsigii markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay, macallin dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Sheekhyadooduba, waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la odhan jiray Xaaji Cali oo ka yimid dhinaca magaalada Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad looga aflaxay. Sheekhu wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan,wuxuuna sidoo kale arday u noqday culimo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Baraawe.

Ilaahay ha u naxariistee markii uu mudadaa dheer raacanayay cilmiga ayuu u soo wareegay xagga magaalada Hargaysa oo uu in muddo ah ku noolaa, isagoo sida laga soo xigtay halkaa ka furay malcaamad Quraanka loogu dhigo caruurta kaddib markii uu niman ganacsato ah kula heshiiyay inuu ganacsigooda uga shaqeeyo isla markaana uu caruurtooda Quraanka ugu baro si hor Ilaahay ah, maadaama ay mushahar ku siinayaan shaqada ganacsiga, halkaasoo markii uu in muddo ah joogay uu ugu yimid Sh. Shariif oo ka mid ah culimada waawayn ee Soomaalida, kuna dhaliyay fikrad ah inay Masar u cilmi doontaan.

Sheekhaas oo kharash uu ku tagay watay ayuu Sh. Maxamed ballan kula galay inuu ka hor tagi doono Masar, sidiibayna noqotay oo in muddo ah markii uu sii joogay ayuu nimankii ganacsatada reer Hargaysa ahaa ka codsaday inay mushaharkiisa iyo wixii kale ee ay ugu dari karaanba ay siiyaan isagoo u sheegay inuu xaggaa iyo Masar ugu cilmi doonanayo,nimankaasina si wanaagsan ayay u ambabixiyeen Sheekha isagoo Masar ku tagay lug siina maray Suudaan, halkaasoo Sheekhii kale oo aan soo gaadhina uu isagu ka hor gaadhay.

Markii uu Masar tagay ayuu Machadka Azhar lagu qiimeeyay waxbarashadiisa, waxaana si shakhsiyan ah uga qaaday imtixaankii Sheekhii As-har waagaasi madaxa ka ahaa oo la odhan Sh. Cabdi-Xaliim Maxamuud, oo markii dambe u noqday la taliyihiisii markii uu diyaarinayay shahaadada PhD-ga, Sheekhaasoo sida la sheegay yidhi:

“Soomaaliyey wax kale odhanmaayo e waxaan cilmigiina odhanaya hadalkii Eebbe ee ahaa,

Wuxuu siiyaa Xikmada ciddii uu doono“”

Waxaana Sh. Maxamed loo qaatay sanadka ugu dambeeya ee dugsiga sare isagoo sanad kaddibna bilaabay jaamacadda Al-Azhar, kuliyadda Usuusha Diinta qaybta Caqiidada iyo falsafada, qaybtaas oo ka qaatay shahaadada (M.A) Mastrate, isagoo muddo yar kaddibna bilaabay inuu diyaariyo shahaadada Diktorate PhD isagoo intii uu diyaarinayay qoray kitaab la yidhaahdo Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada, hase yeeshee nasiib darro kitaabkaas iyo kuwo kale oo uu Sheekhu qorayba wali lama daabicin oo daabacaad ayay sugayaan.

Intii uu Qaahira joogay Sheekhu wuxuu ahaa guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee halkaas wax ku barata.Sheekh Maxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey markii ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul Muslimiinka iyo dowladdii uu madaxda ka ahaa Jamaal Cabdinaasir.

Dabayaaqadii kontomaadkii qarnigii tagay iyo horraanta lixdamaadkii, waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikirka iyo siyaasadda lahaa oo waddankaasi waagaas ka soo shac baxay, xarakada walaalaha Muslimiinta ayaa aad u soo shaac baxay waagaas, Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormoodka ka ahaa xarakadaas oo u akhriyey kutubadooda, waxaa ka mid ahaa culumadii uu kutubtooda akhriyay:

  • Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa,
  • Shahiid Sayid Qudub,
  • Cabdiqaadir Cooda iyo kuwo kalaba oo saaxada xarakada ku jiray.

Markii Sayid Qudub la daldaleyey, Sheekhu waxa uu joogay Qaahira, wuxuuna sida uu ku sheegay waraysi uu BBC-da siiyay uu ku sheegay inuu aad iyo aad arrintaas uga xumaaday, aadna uu uga naxay.

Bishii Febreury ee sanadkii 1968kii ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu, halkaasoo uu isla sanadkaas dhammaadkiisii bishii September ka bilaabay tafsiirka Quraanka Kariimka ah Masaajidka Sheekh Cabdiqaadir, kaddib markii uu arkay baahida ay dadku u qabaan ku baraarujinta diintooda, taasoo uu waday muddo sanad gaadhaysa.

Kaddiba markii milaterigii uu hoggaaminayay Janaral Maxamed Siyaad Barre uu la wareegay taladii dalka, isla markaana ay arkeen sida isa soo taraysa ee ku baraaruga Islaamka ee dadku ay u soo badanaysa ayay bilaabeen inay ku cadaadiyaan Sheekha inuu tafsiirka joojiyo, markii uu ka dhego adaygayna waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha diinta, markii arrintii waxba iska beddeli waayeen waxaa loo magacaabay safiir,taasoo uu iyadana ku gacan saydhay, waxayna arrintaasi dhalisay inuu ka mid noqdo shaqaalihii ugu horreeyay ee laga eryo shaqada oo berigaasi qoloba wax loo cuskanayay.

Kaddib markii tafsiirkii joojin waayay maadaama uu lahaa dad fara badan oo taageersan, isla markaana ay badatay dadkii dhallinyarada ahaa ee ku soo xidhmayay baraaruga Islaamka ee uu Sheekhu hormoodka ka ahaa ayaa dawladdii milateriga ahayd ay xabsiga dhigtay sanadkii 1976kii ilaa sanadkii 1982kii, waxaanu ku xidhnaa xabsigii xumaha ku caan baxay ee Labaatan Jirow la odhan jiray.

Mar ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen xabsigii Labaatan Jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu xilligaasi ahaa xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yidhaahdeen Sheekhow waxaan ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada waan la soconnay ee waxaan ku su’aaleynaa sidee ayaad u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bishaba..?

Waxa uu su’aashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin waxaan ahaa xaafid Qur’aan. Usbuuca waxaan ula socday toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka akhrin jiray. Bishana waxaan ula socday maalin walba jus ayaan akhrin jiray. Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay, waxaana xiddigaha iyo cadceedaba kala socday dalool yar oo ku yaallay saqafka kore ee qolka aan ku xidhnaa,muddo kaddib daloolkii yaraa ayaa geed ka soo dul baxay oo iga qariyey xiddigaha sidii aan u arki lahaa, taliyaha xabsiga ayaa la ii geyn jiray dhawrkii maalmoodba mar si la iiga wareysto xaaladdeyda.

Waxaan u sheegay in meel dalool ah oo ay cadceeddu ka soo gasho ay dhib igu haysay, Ilaahay baa meeshii cadceeddu ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo cadceeddi hadda waan ka reystay.ujeedadaydu waxay ahayd oo aan doonayay si geedka loo gooyo, isla markiiba way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yidhi Sheekhu.

Mar uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas, waxa uu yidhi:- “Waxaa iigu yaab badnaa waxaa caado ii ahayd inaan Salaad walba markaan tukanayo u Eedaamo, askartii baa waxay igu yidhaahdeen:-

“Waa inaad joojisaa Eedaanka”.

Waxaan ku idhi:-“Xabsiyada dalka oo dhan waa laga Eedaamaaye maxaa keligey la iga rabaa”.

Waxay igu yidhaahdeen:

“Waa amare jooji”

Arrintaasna waa ka diiday oo ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay Eedaankii kaddibna qolkii dhexdiisii ayay igu miigeeyeen, isma lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa. Sidii anigoo u rafaadsan ayaa la iga soo beddelay Labaatan Jirow oo waxaa la i soo beddelay xabsiga dhexe, waxaana la igu xidhay qol cidhiidhi ah oo Shimbiroole la odhan jiray, magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay tukhaan iyo takfi fara badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya.

In muddo ah markaan ku jiray halkaasna ku rafaadaayay ayay askartii xabsigu go’aansadeen inay wax ii qabtaan oo rafaadka iga yareeyaan. Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta ay maydheen oo ay mariyeen ranji kaddibna ay ku xidheen laydh (nal) ayay igu yidhaahdeen:-“Shiikhow naga raalli ahaaw”.Waxaana barigii dambe dhici jirtay in dadka la soo xidhaa uu mid walbaa laaluush bixiyo si loogu soo xidho qolkaas.

Kaddib markii la soo daayay ayuu haddana sanadkii 1984kii uu dib u bilaabay tafsiirkii Quraanka, taasoo ay xukuumaddii waagaasi cadaadis ku saartay amarna ku soo rogtay inuu joojiyo, markii uu amarkaas fulin waayayna mar kale ayaa xabsiga la dhigay iyadoo waliba jidh-dil lagu sameeyay waxaana jirtayba sheeko odhanaysay in nin xabsiga lagula soo xidhay loo soo adeejiyay inuu dilo balse Eebbe korree oo nasahnaaye ayaa ka badbaadiyay.

Waagaasi uu xukunka milateri waddanka ka jiray waxaa nimankii hoggaanka u hayay ku dhawaaqeen inay waddanka ku maamulayaan habka hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, taasoo ahayd in dadku wada sinnaado hal meelna laga hago xattaa raashinka loo qaybiyo, mabda’aasi oo dadka farayay in qoysku dhinac kasta ka siman yahay, waxyaalihii ugu yaabka badnaa ee xukunkaasi soo rogay waxaa ka mid ahaa in ay rag iyo dumarku ka siman yihiin dhinac kasta xattaa dhaxalka bay yidhaahdeen way ka siman yihiin oo wiilka iyo gabadhu isku in bay dhaxalka ka qaadanayaan.

Arrintaasi waxay keentay inay culimadii Soomaaliyeed ka dhiidhido, waxayna ku mutaysteen dhiidhigoodii in toban wadaad dhagta dhiigga loo daro maydkoodiina laba gudbo. Haddaba maadaama uu Sheekhu ku jiray wadaada hormoodka u ahaa bulshada Soomaaliyeed wuxuu iiga sheekeeyay mar aan waydiiyay sababta isaga culimadaas ka reebtay, waxaa uu yidhi:-

‘’Maalin Jimce ah ayay ahayd, aniga oo isku diyaarinaya in Salaadda Jimce u xamaan qaato ayaa waxaa ii yimid sarkaal sare oo ka mid ah saraakiishii nabad sugidda ee dawladdii milateriga ahayd isagoo igu odhanaya maanta ma bixi kartid hawl baa naga kaa soo gashaye, kolba markaan u hollado inaan kaco fadhiiso ayuu igu yidhaahdaa, anigu ma ogi dhacdadii ka dhacaysay Masaajidada Muqdisho.

Mar uu is yidhi sarkaalkii arrintii qabqabashada wadaadadu way dhammaatay ayuu igu yidhi waan iska tagayaaye nabadgalyo , markii aan waydiiyay sababta uu Salaaddii ii seejiyayna wuxuu si cad iigu yidhi, wadaadaa wax wada, in la xidhxidho oo waliba la laayo ayaa la doonayaa, markaa waan ogahayoo adna kaw baad ka noqon, markaa si aanay seefta kacaanku kuu qaadin, maadaama aan ku jecelahay ayaan maanta kaaga hor joogsaday inaad Masaajid tagto.

Waxaan ku idhi buu sheekhu yidhi:

“Allahaylehe khayr iimaadan wadine Janno uun baad iga hor joogsatay”.

Kaddib markii ay dhacday xukuumaddii milateriga ahayd, isla markaana ay magaalada Muqdishu ka bilaabmeen dagaalada sokeeye Sheekhu kama bixin magaalada iyo dalkaba e wuxuu bilaabay inuu tafsiirka ka bilaabo Masaajidka wayn ee Isbahaysiga, isagoo dhinaca kalana ka waday guubaabo iyo ururin dadka walaalaha ah ee fidnada la dhex dhigay, waxa uu bilaabay inuu ka qayb qaato dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta dadka walaalaha ah, waxaa ka mid ahaa dadkii lugta wayn ku lahaa sidii maxkamadaha Islaamiga ah looga hirgalin lahaa meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Wuxuu socdaalo ku kala bixiyay meelo daafaha adduunka ku kala yaalla, wadamada Khaliijka ha u badnaadeene, iyo wadamada Yurub oo aan anigu shakhsiyan ugula kulmay badhtamihii sagaashanaadkii mar muddo dhawr bilood ah uu joogay waddanka Finland oo uu walaalaha Muslimiinta ee ku nool waddankaasi, siiba Soomaalida oo tafaraaruq ku kala dhex jiray uu isku taxalujiyay inuu meel iskugu keeno, isagoo sidoo kale casharo faa’iiso leh ka bixin jiray Masaajidka Raabidada Islaamka ee Fainland oo ah Masaajidkii ugu horreeyey ee laga furo waddankaasi marka laga reebo Masaajid ay dadka Tataarka ahi ka furteen Helsinki badhtamihii qarnigii tagay.

Ilaahay naxariistii Janno ha siiyee waxaa Sheekha lagu tilmaami karaa inuu ka mid ahaa tiirarkii muhiimka ahaa ee baraarugga Islaamka ee Soomaaliya, taasoo uu qayb libaax ka qaatay baraarujinta umadda siiba dhallinyarada oo markii dambe u noqday Diinta gargaarayaal sooma jeestayaal ah.

Muddo ayuu xanuun uu u jiifay loo keenay xagga waddanka Sucuudiga hase yeeshee waxaa markii dambe looga soo qaaday xagga Talyaaniga oo uu aakhirkii ku geeriyooday, waxaana maydkiisii loo qaaday xagga magaalada Muqdishu oo lagu aasay, aaskiisiina waxaa ka soo qayb galay dad fara badan oo ka mid ahaa dadkii uu wax soo baray amaba baraarugooda diimeed uu sabab u ahaa. Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ifka kaga tagay wiil, saddex gabdhood iyo hooyadood.

Decorative Lines

Ilaahay naxariistii Janno ha ka Waraabiyo. Aamiin…!

Wa Billaahi Towfiiq