Taariikhda Qoraalka
Far Soomaaliga

Qore:
Axmed Haybe (Axmed Dawlo)

Decorative Lines

Assalamu Alaikum

Hordhac

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Si arrintaas loo xaliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahano Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka.

Muddadii ka horreysay 1972 dii oo ahayd, sida aan kor ku soo xusnayba, markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxaa aqoonyahanada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aadaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga (Official Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada taalay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa.

Aqoonyahanada hormuudka ka ahaa araa’daa kala duwan waxaa ka mid ahaa:

  • Yaasiin Cismaan Kenediid,
  • Shire Jaamac Axmed,
  • Ibraahim Xaashi Maxamuud,
  • Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan.

Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey. Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la’aanta af Soomaaliga.

Tan koowaad waxaa la odhan karaa waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka far Soomaaliga xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Mida labaad waxay ahayd dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la sticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay Waaxda Waxbarashadda ee maxmiyada Ingiriiska ee ka jirteygobolada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka.

Waxa ay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhani uu ka dhaco magaalada Burco. Halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa Waaxda Waxbarashadda. Dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.” Waxaa dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah.

Tan saddexaad, waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm. Taas oo malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qoraal af Soomaali. Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonaa taariikhda qoraalka af Soomaaliga oo maanta Soomaalida badankeedu aanay wax badan ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalad sokeeye dhaceen oo qoraalo badan iyo aqoon badan oo af Soomaaliga ku aaddaniba ay lumeen.

Qoraalada ay Soomaalidu Allifeen
(The National Somali Scripts)

Sida aynu horey u soo tilmaaney, waxaa Guddiga Luuqada ee 1961 kii la soo hor dhigay 11 farood (11 scripts) oo luuqada Soomaaliga lagu qori karo oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Guddiga luuqadu waxaa ay soo bandhigeen 17 qoddob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hor dhigo (kuwaas oo aynu ku soo qaadaa dhigi doono qeybaha dambe ee qoraalkan).

Hase yeeshee, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa saddex ka mid ah farahaas oo aan ku eegi doono dhinacyada taariikhda, sida ay caanka uga noqdeen iyo qoddobo kale oo muhim ah. Laba ka mid ah farahaas waxay Guddigii Luuqada ee 1961 dii ku tilmaameen inay buuxin kari waayeen shuruudihii iyo qoddobadii ay u dhigeen inay ku qiimeeyaan faraha kala duwan ee la soo hor dhigay.

Saddexda far Soomaali ee aynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa waxaa ay kala yihiin:

  1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yeqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).
  1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi Script), waxaana loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.
  1. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952 dii oo iyana loo yeqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.

Cusmaaniya
(Far Soomaali)

Farta Cismaaniyadu waxaa weeyaan farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd faraha ay Soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo Faraha Waddaniga ah (National Scripts).

Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka allifey fartan waxaa uu dhashay 1898 kii. Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu dhalay suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu ahaa nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Waxaa intaa u dheeraa isaga oo ahaa gabayaa iyo suugaan yahan. Markii hore waxaa uu Cismaan isku dayey inuu af Soomaaliga ku qoro xuruufta af Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay. Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u ah luuqada Soomaaliga.

1920 kii Cismaan waxaa uu soo bandhigay far Soomaali uu isagu allifay oo runtii wax weyn ku soo kordhisay horumarinta af Soomaaliga. Fartanu waxaa ay markii ugu horreysayba suurtogelisay in la helo shaqalo iyo xuruuf lagu qori karo dhammaan lahjadaha iyo dhawaaqyada af Soomaaliga. Intii aan la qaadan Far Soomaaliga aynu hada isticmaalo, waxay farta Cismaaniyadu ahayd tan ugu caansan faraha af Soomaaliga ah ee jirey. Waxaa sannadihii lixdamaadkii isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof. Waxay dadweynaha fartan yeqaana u isticmaali jireen in lagu wada xidhiidho laguna keydiyo qoraalada af Soomaaliga.

Waxaa jira qoraallo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan shakhsiyaad gaar ahi (private collections), oo ay qaar ka mid ah leeyihiin muhimad suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (printing and no cursive writing). Waxaa laga bilaabaa qoraalkeeda dhinaca bidixda (from left to right), waxayna leedahay qoraalkeeda tirada (numerals). Guddiga Luuqada ee 1961 dii waxaa uu fartan ku tilmaamay inay leedahay 7 qoddob oo faa’iido ah iyo 10 dhalliilood.

Arrintaasina waxay keentay in lagu taliyo inaan fartan la qaadan. Macluumaad dheeraad ah oo fartan ku saabsan waxaa laga heli karaa qoraalada uu diyaariyey B.W. Andrzejewski oo loo yeqaano Macallin Guush oo ku jira buugga la yidhaahdo Handbook of Somali Studies, oo uu isku dubbariddey Charles L. Geshekter iyo qoraalo kale oo ay diyaariyeen Manio, Maria: La Lingua Somala: instrumento D’insegnamento professionale. Alessandria, Italy: Ocella, 1953 iyo Moreno Mario Martino. Il Somalo della Somalia. Rome: Instituto Poligrafico dello Stato, 1955.

Farta Kaddariya 

Fartan waxaa soo saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952 dii. Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa qeybta af Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka(Somali Academy of Sciences and Arts).

Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay.

Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro.

Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961 dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kedib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed).

Farta Gadabuursi

Taariikhdu markii ay ku beegneyd 1933 dii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo ka dhashay qoyska Reer Ugaas ee qabiilka Gadabuursiga ayaa waxaa uu allifay Far Soomaali, markii dambena loogu magac daray qabiilkiisa. Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa nin wadaad ah oo aqoon fiican u leh diinta Islaamka. Waxaa uu macallin diinta Islaamka dhiga ka ahaa Waaxda Waxbarashadda ee Maxmiyadii Ingiriisiga ee Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu markii dambe Qaadi ka noqdey magaaladda Boorame, jagadaas oo uu aabbihii uga dambeeyey.

Fartaas uu Sheekh Cabdiraxmaan soo saarey waxay ka mid ahayd farihii la soo hor dhigay Guddiga Luuqada.

Fartani waxay ahayd mid ay dad aad u tiro yari yeqaanaan, isla mar ahaantaasna, aysan dadka badankii maqalba. Sidaas darteed, daraasaad badan iyo wax horumar ah laguma sameyn sida tan Cusmaaniyada. Hase ahaatee, waxay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan markii la hor dhigay Guddigii Luuqada ee 1961 dii, waxay ku tilmaameen inay leedahay 5 qoddob oo faa’iido ah iyo 12 cilladdood. Taasina waxay keentay in lagu qanci waayo sidii tii Cusmaaniyada oo kale.

Faraha kale ee ay Soomaalidu alliftey ee la soo hordhigay Guddiga Luuqada waxaa kala qorey:

  1. Cabdulqaadir Cadde Muunye (1961),
  2. Mustafe Sheekh Xasan (1951),
  3. Daa’uud Maxamed (1928),
  4. Cali Sheekh Cabdullaahi qutbi (1952),
  5. Xuseen Xaashi Halak (1960),
  6. Maxamed Jaamac Salaad (1960),
  7. Qaasim Hilowleh (1960) iyo
  8. Maxamuud Axmed Maxamed (1961).

Farahan wax qoraalo ah oo badan lagama hayo. Meesha qudha ee lagu xusayna waxaa weeyaan Warbixintii Guddiga Luuqada ee 1961 kii. Warbixintaas waxaa ku qoran xuruufaha farahaas iyo shakhsiyaadkii soo saaray. Hase ahaatee, ma cadda sida xarfaha loogu dhawaaqo. Dhammaan farahaas kala duwani waxay caddeynayaan sida shakhsiyaad badan oo Soomaaliyeed ay isugu mashquuliyeen inay allifaan far Soomaalida u gaar ah.

Waxa ay dhammaantood wadaagaan iyaga oo isku dayay inay aad uga fogaadaan farihii jirey. Arrintaasi run ahaantii waxay keentay wareer badan iyo xarfaha qaarkood oo isu ekaadaan. Cilladda ugu weyni waxa ay ahayd iyaga oo aan midkoodna isticmaali karin makiinadihii iyo qalabkii daabacaadda ee waddanka yaalay. 

Taariikhda Qoraalka
Far Soomaaliga

Qeybtii 2aad

Qeybtii koowaad ee qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo qaadanay taariikhda far Soomaaliga ee ay allifeen Soomaalidu. Qeybtan labaad waxaan iyana kaga hadli doonaa qoraalka far Soomaaliga ee ku salleysan farta Carabiga.

Sida aan horeyba u soo tilmaaney, qarnigan horraantiisa waxaa isku dayay in ay qoraal dabooli kara baahida luuqada Soomaaliga u sameeyaan Soomaali badan iyo ajinebiba.

Raggaas waxaa ka mid ahaa :

  • Sayid Maxamed Cadbille Xasan,
  • Sheekh Uweys Ibn Maxamed Al-Baraawi,
  • Maxamed Cabdille Mayal (Berbara),
  • Cusmaan Yuusuf Kenediid (Hobyo),
  • Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi (Boorame),
  • Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal (Togdheer) iyo
  • Dhamme J.S. King oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadii Ingiriiska.

Raggaasu dhammaantood waxay markii hore isku dayeen in qoraalka af Soomaaliga ay u adeegsadaan xarfaha af Carabiga. Laakiin dhammaantood kuma aysan guuleysan. Arrinta farsamo ee raggaas la soo deristey waxaa ugu muhiimsanaa cillad kaga timi dhinaca Shaqalada Carabiga oo dabooli kari waayay baahida luuqada Soomaaliga. Si arrintaas xal loogu helo ayaa Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil waxaa uu allifay qaab cusub oo shaqallo ah oo kaabaya shaqalladii farta Carabiga.

Waxaa uu dhibco ku daray shaqaladii Carabiga si tusaale ahaan loo wada qori karo shaqalada gaagaaban iyo kuwa dhaadheer ee af Soomaaliga. Farta Carabiga sida caadiga ah waxaa loo qori karaa iyada oo laga reebo xarakada. Shaqalada gaagaaban ee af Carabiga waxaa sida qaalibka ah lagu muujiyaa xarakooyinka (vowel points). Qoraalka xarakooyinka leh ee luuqada Carabiga waxaad inta badan ku arkaysaa oo keliya kutubta diiniga ah, buuggaagta dugsiyada iyo qoraaladii waayo hore la daabacay.

Laguma qoro wargesyada, buugaagta caadiga ah iyo qoraalada ay dadku ku wada xidhiidhaan. Xarakooyinka af Carabigu waa afar nooc: kuwaas oo korka ama hoosta laga saaro si ay u muujiyaan dhawaaqa shaqalada gaaban ee a, i, u oo keliya. Farta Carabigu ma laha shaqalada gaaban ee o iyo e. Waxaa intaas dheer in aanay afka Carabigu lahayn saddexda shaqal ee dhaadheer ee kala ah: aa, ii iyo uu.

Sidaas darteed, af Soomaaliga wey adkaaneysaa in far Carabi lagu qoro, haddii isticmaalka xarakooyinka laga reebo. Waxaa ay noqoneysaa inuu qofku ka fahmo macnaha sida weedhu u qoran tahay. Taas oo aan marar badan suurogal ahayn. Dhinaca kale haddii mar walba qoraalada la raaciyo xarakooyinka iyana isticmaalkeeda ayaa adkaanaya, iyadoo weliba uu af Soomaaligu u baahan yahay in lagu daro ugu yaraan laba xarako oo dheeraad ah.

Raggii sida aadka ah ugu doodi jirey in af Soomaaliga lagu qoro farta Carabiga waxaa ka mid ahaa:

  • Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil.

Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil wuxuu qoray buug la odhan jirey “The Institution of modern correpondence in Somali language.” Buugaas wuxuu hordhiciisa aad ugu dooday sida ay u habboon tahay in farta Carabiga loo isticmaalo qoraalka af Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa isna doodaas oo kale soo bandhigay Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud oo isna qorey buug la yidhaahdo “Al Suamliyah bi Lughat al Qur’an”, kaas oo la daabacay sannadkii 1963 dii. Waxaa ay soo bandhigeen far middeysan (standard orthography) iyo qoraalo kale oo tusaalooyin ah sida af Soomaaligu ugu qormayo farta Carabiga. Waxaa intaas ka soo horjeeday culimada diinta oo u arkayay in qoraalka af Soomaaligu hoos u dhigi doono barashada af Carabiga iyo diinta Islaamka.

Maqaal uu qorey Muuse X. Ismaaciil Galaal 1954 tii ayuu isna ku soo bandhigay far ku salleysan Carabiga oo lagu qori karo af Soomaaliga. Fartaas oo uu ku kordhiyey xarfo cusub oo uu sameeyey, kuwaas oo dabooli kara baahida luuqada Soomaaliga ee shaqalada aan ku jirin farta Carabiga. Afar nooc oo loo qori karo Soomaaliga oo dhammaantood ku salleysan farta Carabiga ayaa la soo hor bandhigay Guddigii Luuqada ee 1961 dii. Afartaas nooc raggii soo bandhigay iyo wakhtigii la soo saaray waxay kala ahaayeen sidatan:

  1. Ibraahim Xaashi iyo Saaxiibadii 1960
  2. Muuse Galaal 1952
  3. Sheekh Axmed Cismaan 1960
  4. Maxamed Cabdi Kheyreh 1960

Guddigii luuqadu dhammaan afartaa nooc ee ku qornaa farta Carabiga midna ma aysan qaadan. Waxayna u arkeen in lagaga habboonaa qoraalka far Soomaaliga. Taariikhda iyo aqoon intan ka ballaadhan oo farahaas ku saabsan waxaad ka heli kartaa qoraal ay qoreen Andrzejewiski, B.W.; Strelcyn, S. and Tubiana, J., Somalia, The writing of Somali, Paris, 1966.

Taariikhda Qoraalka
Far Soomaaliga

Qeybtii | 3aad

Farta Laatiinka

Aqoonyahanada shisheeyaha ah ee farta Laatiinka u adeegsan jirey qoraalka af Soomaalig waxay kala ahaayeen Ingiriis, Talyaani, Jarmal, Aawstiryaan iyo Faransiis. Bilowga abaaraha sannadkii 1887, Dhamme J. S. King oo Ingiriis ay dhalashadiisu tahay ayaa waxaa uu arkay dhibaatada qoraal la’aanta af soomaaliga haysata.

Kadib aqoon yahanadii ka dambeeyey waxay kala ahaayeen:

  1. Mario Maino,
  2. Enrico Cerulli,
  3. Martino Moreno,
  4. Bruno Panza ( oo Talyaani ah); C.R.V. Bell,
  5. Liliad E. Armstrong,
  6. I.M.Lewis,
  7. B.W.Andrzejewiski,
  8. John Drysdale (oo Ingiriis ah);

Aqoonyahanada Jarmalka waxaa ka mid ahaa:

  • Klingnheben,
  • Carl Lang,
  • Reinisch Austrian.

Waxaa beryo dambe ku soo biirey Maraykanka oo Barnaamijkii Peace Corps ahaa darteed ku xiiseyey qoraalka far Soomaaliga (Joseph Pia, Jeanne contini iyo Dr. Castagno).

Beryo dambe ayey dad Soomaali ah door bideen in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka af Soomaaliga. Dadkaas waxaa ka mid ahaa:

  1. (Marwo) Xaliimo Maxamed Cali,
  2. Cabdi Kheyre Cawaate,
  3. Cabdulaahi Xaaji Maxamed,
  4. Muuse Galaal iyo
  5. Shire Jaamac Axmed.

Dadkaas doodoodu waxay ku salleysneyd faa’iidooyinka xaga farsamada iyo macquulnimada.

Soo bixitaanka in farta Laatiinka lagu qoro af Soomaaliga waxay aad u yareysay inaysan farta Cusmaaniyada caan sii ahaanin, sababtoo ah dad xubno ka ahaa Ururkii SYL oo horey farta Cusmaaniyada rabey ayaa qeybsamey, waxaana markii dambe soo baxay qaar farta Laatiinka jecel.

Soomaaliya waxay dawlad daakhliyad ah heshay sannadkii 1956 dii.

Sannadkii 1957 dii ayaa Wasiirkii Koowaad (Rasul-wasaarihii) dalka ee la odhan jirey Cabdulaahi Ciise wuxuu warar Soomaali ah ku daabacay wargeys af Talyaani ku soo baxa oo rasmi ah, isagoo adeegsaneya Farta Laatiinka. Waxaa aad arrintaas uga cadhoodey Guddigii Dhexe ee Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL), waxayna weydiisteen in qoraalkaas la joojiyo. Ugu dambeystii, waxay ku heshiiyeen in arrinkaas ku saabsan qoraalka Soomaaliga dib loo dhigo inta xoriyada laga qaadaneyo.

Guddigii Luuqada ee 1965 tii waxay ogaadeen in qaadashada Farta Laatiinka aysan carruurta horey dugsiyada ugu baratey af Ingiriisiga ama af Talyaaniga wax dhib ah kala kulmeyn. Run ahaantii, barashada Farta Laatiinka ay carruurtu afkooda ku bartaan waxay marka dambe u sahleysaa inay bartaan luuqado kale oo ajinebi ah. Ugu dambeystii, waxay guddigaasi ku andacoodeen in marka farta Laatiinka loo adeegsado qoraalka af Soomaaliga, inaan qofna inkiri karin xaqiiqda ah inay fartanu si toos ah uga soo jeedo Farta Waqooyiga Seemtik (the phoenician branch), halka Farta Carabiguna ka soo jeedo isla Farta Waqooyiga Semetik (the Aramaic branch).

Guddigii Luuqada ee 1961 kii Bishii Luuliyo 1 deedii 1960 kii ay labadii gobol ee Soomaaliyeed middoobeen, waqooyiga oo uu Ingiriisigu gumeysan jirey iyo kooonfur oo uu Talyaanigu gumeysan jirey.

Middowgaas ay labada gobol isku darsameen waxay keentay in dhibaatooyin badan oo ku saabsan qoraal la’aanta far Soomaaliga lala kulmo. Sababtoo ah labada gobol waxay ku kala duwanaayeen xaga maamulka iyo waxbarashadda, kuwaas oo kala ahaa Ingiriis iyo Talyaani. Dhawr bilood markii xoriyada la haystay ayey Golihii Shacabku ka codsadeen dawlad inay guddi ka baaraandegga sidii af Soomaaliga loo qori lahaa sameeyaan, kedina wixii talooyin ah dawlada u soo gudbiyaan.

Arrintaas waxaa baarlamaanka la hordhigey bishii Sebtember 16 keedii 1960. Bishii Oktoobar, 1960 ayuu Wasiirkii Waxbarashaddu Cali Garaad Jaamac wuxuu magacaabey guddi ka kooban sagaal nin sidii ay far loogu sameyn lahaa af Soomaaliga, kedibna warbixin arrintaas ku saabsan u soo gudbiyaan.

Guddigaas ( waxaa loo yeqaanaa Guddigii Luuqada Soomaaliga) waxaana la farey inay: soo baadhaan sida ugu habboon ee af Soomaaliga loo qori karo, iyagoo qaddarineya dhammaan dhinacyada luuqada, waxaana laga rabaa inay il gooni ah ku eegaan xaga farsamada, warbixina u soo gudbiyaan dawlada ugu dambeys bisha Maarso, 1961 ,iyagoo ku muujineya dhammaan faruhu meelaha ay ku fiican yihiin iyo weliba hadday macquul tahay talo ku soo jeedineya mida ay isleeyihiin in far Soomaali ahaan loo qaato wey habboon tahay (Linguistic Report, 1961, p.2)

Xubnihii guddigii koowaad waxay kala ahaayeen:

  1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Guddoomiye
  2. Yaasiin Cismaan Kenadiid Xubin
  3. Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin
  4. Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin
  5. Khaliif Suudi Xubin
  6. Mustafe Sheekh Xasan Xubin
  7. Shire Jaamac Axmed Xubin
  8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin
  9. Yuusuf Meygaag Samatar Xoghayn

Magacaabidii raggaasu waxay ku salleysneyd arrimahan soo socda:

  1. a) Waxay ahaayeen dad horey ugu mashquulsanaa sidii af Soomaaliga far loogu sameyn lahaa.
  2. b) Waxay ahaayeen dad aqoon u leh hab-dhismeedka af Soomaaliga
  3. c) Waxay kala mateleyeen lahajadaha dhawrka ah ee ay Soomaalidu leedahay iyo
  4. d) Waxay kala taageersanaayeen faraha kala duwan ee guddiga la soo hordhigeyo, qaar ka mid ah Soomaalidu waxay ku doodayeen in raggaas xubnaha guddiga ka mid ah aysan ahayn raggii ku habboonaa inay go’aan ka gaadhaan farta qaranka ee Soomaalida.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Yaasiin Cusmaan Kenadiid (wiilkii ninkii farta Cusmaaniyada allifey) oo mar dambe yidhi:”xubanaha guddigani qoddobadii laga doodey mid qudha kuma aysan heshiinin. Qaarkood arrinta ayeysan daacad ka ahayn, qaarkoodna arrin suufinimo darteed oo ay sabab u tahay iyagoon si wacan ula socon dooda la soo hordhigey (Yasin, 1967).

Guddigii intuusan shaqadiisa dhammeystirin ayuu Yaasiin ka baxay.(Yaasiin waxaa lagu eedeynayaa inuu guddigaas isagu iska casilay). Muuse Galaal oo difaacaya inay dawladu tallaabadii saxda ahayd qaadey marka ay guddigan soo xushay wuxuu ku doodey inay dawladu gacanta u gelisay raggii inay dhibaatadan farta haysta xalliyaan kuwii wax ka allifey ama kala taageersanaa farahan kala duwaan.

Wuxuu yidhi waxaa dhab ah in laba xubnood ay taageersan tahay farta Carabiga, laba xubnoodna farta Laatiinka iyo laba xubnood oo taageersan faraha kala duwan ee Soomaaliga.

Yaa kale oo arrintan xalin lahaa? Haddii ay ku heshiiyana waa wanaag, haddii ay ku heshiin waayaana dhibaatadu wey taagnaaneysaa (Linguistic Report, 1962) Guddigaasi waxay taageero dhaqaale ah iyo mid niyadadeedba dawlada kama uusan helin.

Tusaale ahaan, wax dhaqaale ah oo guddigaas loo qoondeeyey ma uusan jirin, dhinaca kale laba xubnood oo muhim guddiga u ahaa oo kala ahaa Maxamuud Saalax iyo Mustafe Sheekh ayaa wasaaradihii ay u shaqeynayeen waxay u beddeleen gobolada. Khaliif Sudi waxaa u suutoobi weydey inuu shirarka si joogta ah uga soo qeybgalo, waayo goobtii uu ka shaqeyneyey ayaa cadaadis laga saarey. Codsiyo ay guddigu u gudbiyeen wasaaradaha si labadaas nin ee guddiga ka mid ah Muqdisho loogu soo celiyo wax natiijo ah kama aysan helin.

Dawladdu arrintaas wax siyaasad ah kama aysan lahayn, ee iska qas iyo nidaam daro un buu ahaa. Xubin kasta oo guddiga ka mid ah waxaa loo diyaariyey inuu qaato casharo ku saabsan qoraalka faraha, codeynta bilowga ah iyo hab –dhismeedka af Soomaaliga iyo codadka, iwm, si uu faraha u kala saaro, isagoo eegaya sida ay u waafaqsaaneyso farahaha casriga ah. Inta aan far kasta baadhitaan iyo deraasaad lagu sameynin, waxay guddigu ku heshiiyeen in 17 qoddob oo aasaasi ah in saldhig looga dhigo kala saaritaanka farahaas. Arrintaas waxaa loola jeeday inay adkaan lahayd in qoddobadaas lagu heshiiyo, haddii deraasaadka mar hore la sameeyo. Waayo, taageerayaasha faraha kala duwani waxay ogaan lahaayeen meelaha farta ay taageersan yihiin ay ku liidato.

Sidaas darteed, wax dhibaato ah lagalama kulmin inay xubnaha guddigu qoddobadaas ansaxiyaan, sababtoo ah midna ma garaneyn inay fartiisu gudbi doonto iyo inay qoddobadan ku dhici doonto toona. Marka waxyaabaha kale laga reebo, farta aan mustaqbalka qaadan doono waa inay astaamahan soo socda leedahay:

  1. Waa inay xuruuftu cod leedahay
  2. Waa in qoraalka xurufteedu sahlan yahay
  3. Waa in aysan lahayn calaamado gaar ah oo codka kala saara (diacritics)
  4. Waa in aysan lahayn calaamado hal wax ka badan loo isticmaalo
  5. Waa in aysan lahayn laba ama caalamado ka badan oo codadka keliya kala saara
  6. Waa in aysan lahayn calaamado laftoodu cod u taagan ama leh
  7. Waa inay leedahay qalabka wax lagu daabaco oo hada waddanka laga heli karo
  8. Waa inay nidaamka Calaamadaha Caalamiga ah waafaqsan tahay
  9. Waa inay habbeysan tahay (standarised)
  10. Waa inay hab xuruufeed ku salleysan tahay
  11. Waa inay dhaqaale ahaan loo awoodi karo
  12. Waa in far la isku dardari karo lagu qori karo
  13. Waa in aysan jirin wax la mid ah (unique)
  14. Waa in lagu qori karaa dhammaan lahjadaha af Soomaaliga
  15. Waa in aysan adkayn in dib u habbeyn lagu sameeyo
  16. Waa in dugsiyada lagu dhigaa
  17. Waa inay xuruufteedu leedahay cod joogta ah oo loo yeqaano (Linguistic Report, 1961, p. 11-12)

Kedib markii uu guddigu dersaad ku sameeyey far kasta wax ay ku fiican tahay iyo waxa ay ku liidato, guddigu waxay soo jeediyeen in farta Shire Jaamac ee “Laatiinka” ee dib-u-habbeynta lagu sameeyey inay tahay “tan ugu wanaagsan” iyo Kaddariya oo noqotey “tan labaad ee ugu wanaagsan”. Inta aan go’aanka la gaadhin waxaa guddigii iska casilay oo ka baxay Ibraahim Xaashi Maxamuud iyo Maxamuud Jaamac Afballax, sababtoo ah ma aysan taageersaneyn in af Soomaaliga farta Laatiinka lagu qoro. Waxaa booskoodii lagu beddelay rag kale.

Sidaas darteed, go’aankii ugu dambeeyey waxaa saxiixay:

  1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Guddoomiye
  2. Shire Jaamac Axmed Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Xuseen Sheekh Axmed Xoghaynta Farshaxanka
  4. Cali Sheekh Axmed Qutbi Xoghaynta Farshaxanka
  5. Abuukar Joodaadex Xubin
  6. Caddo Sheekh Cali Xubin

Arrimaha khuseeya dhinacyada siyaasada, diinta iyo bulshada waxaa loo daayey inay go’aan ka gaadhaan dawlada, golaha shacabka iyo dadweynaha (Linguistic Report, 1961).

Wasiirkii Koowaad (Rasul-wasaarihii) dalka mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wasiirkii Waxbarashadda mudane Cali Garaad Jaamac warbixintan ma aysan jecleysan. Xaataa iskuma aysan deyin inay saxaan “waxyaabihii aan dhammeystirayn” ee guddiga. (tusaale ahaan, waxay magacaabi kareen guddi aan dhinacna raacsaneyn ama waxay hawl gelin kareen aqoonyahano shisheeye ah oo ku magac ku leh aqoonta af Soomaaliga).

Cali Garaad Jaamac wuxuu taageersanaa in af Soomaaliga lagu qoro farta af Carabiga, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiirkii Koowaad waxaa laga soo weriyey inuu yidhi “Inta aan xukunka joogo, ma oggoli in af Soomaaliga lagu qoro farta Laatiinka” (Adam, 1968, p.37). (Haddii aan maleeyo, Ra’iisulwasaaruhu wuxuu taageersanaa farta Cusmaaniyada).

Warbixintaas golaha wasiirada lagagama doodin, lamana soo hordhigin golaha shacabka. Waxaa la dhigay oo lagu keydiyey xusuusdhigyada Wasaaradda Waxbarashadda, iyadoo dusha lagaga qorey “Qarsoodi ah”.

Guddigii Luuqada ee 1965

Warbixintii Guddiga ee 1961 kii waxay ahay mid aad u faa’iido badan. Waxay aasaas u noqotey meel ay guddi kasta oo raba inay af Soomaaliga far u yeelaan ka ambaqaadaan. Warbixintanu waxay saldhig u noqotey warbixintii 1966 dii ee ay soo saareen Andrzejewski, Strelcyn iyo Tubiana oo ay ha’ayada UNESCO maamuleysay. Waxaa deraasaadka aan sameyney qeyb weyn ka qaatey warbixinadii Guddigii hore ee Luuqada Soomaaliga ee ay dawlada Soomaalidu sameysay ee Mudane Muuse Galaal uu guddoomiyaha u ahaa.

(The 1965 Linguistic Commission, p.1)

Guddiga Luuqada ee 1965 waxay soo qaateen oo derseen 7 nooc oo faraha ka mid ah, sidatana u kala qeybsan:

  1. Farihii Waddaniga ee Soomaali, Cusmaaniya iyo Kaddariya.
  2. Fartii Laatiinka, ee dib-u-habbeynta uu Shire Jaamac Axmed ku sameeyey, taas oo ay ku talo-bixiyeen.
  3. Fartii Carabiga

Guddigu waxay si maldahan ugu taliyeen in farta Laatiinka ee Shire Jaamac uu dib u habbeynta ku sameeyey loo qaato qoraalka far Soomaaliga. Hase ahaatee, waxay sharax gaaban ka bixiyeen faraha kale mid kasta faa’iidadda iyo khasaaraha ay leedahay. Markii saddexda khabiir ee luuqadaha ee kala ahaa B.W. Andrzejewski, S. Strelcyn iyo J. Tubiana ay magaalada Muqdisho yimaadeen bishii Maarso, 1965, waxaa mudaharaad ku sameeyey taageerayaashii farta Cusmaaniyada iyo farta Carabiga, waxayna ku dhawaaqayeen iyagoo leh Laatiin macnaheedu waxaa weeyaan “la-diin”, taas oo macnaheedu yahay diin la’aan (Adam, 1968).

Sida aad warbixintan ka arkaysid arrintanu waxay ahayd mid nasiibdaro ah. Guddigu waxay ka madax bannaanaayeen wax kasta oo eex ama dhan u iilasho ah. Laakiin warbixintu waxay soo baxday markii uu maamulka laga qaadey Wasiirkii Koowaad ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo loo wareejiyey Wasiirka Koowaad ee cusub Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isna mawduucaas khaanada ayuu geliyey ilaa wakhti kale laga gaadheyo.

Guddiga Luuqada ee 1965 waxay warbixintoodii ku caddeeyeen in dad badan oo Soomaali iyo ajinebi ah ay isku dayeen inay afka Soomaaliga qoraal u sameeyaan, sababta qoraal la’aanta af Soomaaliga haysata aysan ahayn mid dhinac farsamo ah ee ay tahay fikradaha iyo ra’iyiga kala duwan ee ay dadweynuhu ka qabaan sidii af Soomaaliga loo qori lahaa (The 1965 Linguistic Commission).

Arrin siyaasadeed ayey ahayd sababta ugu muhiimsan ee keentay qoraal la’aanta af Soomaaliga muddada dheer haysatay. Fikaradaha kala duwan dadweynuhu ka qabaan qoraalka fartu waxay ahaayeen kuwo aad u waaweyn, taas oo sababi karta mudahaaraadiyo, dood aad weyn oo bulsadda dhex marta iyo weilba waxaa macquul ahayd inay rabashado iyo qulqulado aad u fool xun dhacaan.

Bishii Oktoobar 21, 1969 waxaa maamulkii waddanka gacanta ku dhigay dawlad kacaan ah. Dawladaasi waxay ahmiyada saartey sidii af Soomaaliga far loogu sameyn lahaa. Qoddobadii xeerka qoraalka ah ee uu Kacaanku ballan qaadey waxaa ka mid ahayd in af Soomaaliga far loo sameeyo. Dawladii kacaanka ahayd si ay xal uga gaadho arrinkaas waxay xoojisey Guddigii Luuqada af Soomaaliga, waxayna laf-dhabar uga dhigtey arrimaha luuqada.

Bishii Janaayo 20, 1970 ayaa waxaa la magacaabey Guddiga Luuqada ee Waddanka, waxaana loo xil saarey inay diyaariyaan buuggaag kala duwan oo af Soomaaliga ku qoran. Buugtaas waxaa ka mid ah buug naxwe ah iyo qaamuus eray bixinta saayniska ah oo shan kun oo eray ka kooban. Waa inay adeegsadaan farta ay isleeyihiin wey ugu habboon tahay. Laakiin ay fartaas ku beddelaan mida rasmi ahaan loo qaato. Hase ahaatee, guddigaas awood looma siin in farta Soomaaliga ee la qaadan doono go’aan ka gaadhaan. Go’aanka farta rasmi ahaan loo qaadaneyo waxaa iska leh Golaha Sare ee Kacaanka (SRC).

Kadib markii ay la tashi la sameyeen khubaraadii luuqada, waxay Golihii Sare iyo Golihii Xoghayeyaashu ( ama Wasiiradu) go’aan ku gaadheen in farta Laatiinka ee Shire Jaamac loo qaato farta rasmiga ah ee af Soomaaliga lagu qori doono, laakiin wax yar oo isbeddel ah ayaa lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybineyo. Sannad guuradii saddexaad ee Kacaanka oo ku beegneyd 21 Oktoobar, 1972 dii ayuu Madaxweynihii Golaha Sare ee Kacaanka Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka far Soomaaliga.

Marka uu madaxweynuhu wadey khudbadii ku saabsaneyd qoraalka farta ayaa dayuuradaha qumaatiga u kaca dadweynaha dushooda ku daadineyeen waraaqo ay ku qoran yihiin farta cusub ee af Soomaaliga. Waxaa dalkoo dhan laga sameeyey bannaan baxyo fartaas lagu taageerayo, kuwa mucaaradka ku ahna lagu cambaareynayo.

Soomaaliga ayaa la caddeeyey inuu yahay af keliya ee dalku leeyahay. Dhammaan shaqaalaha dawlada derejo kasta ha lahaadaane waxaa lagu amrey inay imtixaan ku saabsan qoraalka iyo akhriska ku gudbaan muddo saddex bilood gudahood ah, muddadaas oo markii dambe laga dhigey lix bilood. Qofkii ku gudbi waayana shaqada waa laga eryeyaa.

Run ahaantii, tallaabadan geesinimada leh waxay ahaan doontaa mid ay dhammaan Soomaaliga maskaxdooda ku qoranta oo aysan illoobin. Suugaan badan oo tallaabadaas lagu ammaaneyo ayaa la tiriyey. Dadka Soomaalida caadiga ah, marka laga reebo kuwa diinta ama aqoonyhanka ah xiiso badan uma qabaan inay afafka ajinebiga bartaan. Dadka Soomaalidu wey ka soo horjeedeen luuqadaha kala duwan ee ajinebiga ah ee dalka laga isticmaaleyo.

Tusaale ahaan, Soomaalidu marka meel kasta oo dunida ah oo ay ku kulmaan, si kastooy af ajinebi u yeqaanaan, waxay ku wada hadlaan afkooda hooyo. Taasina waxay muujineysaa qabka iyo jecaylka ay afkooda u hayaan.

Muddo gaaban ayuu qoraalkii cusbaa ee fartu ku fidey Jamhuuriyadda Dimoqiraadiga ee Soomaaliya iyo dhulalka kale ee af Soomaaliga lagaga hadlo ee ay ka mid yihiin Soomaali Galbeed, Jamhuuriyada Jabuuti iyo Gobolada Waqooyi-bari ee Kiiniya (NFD). Waxyaabaha fartanu ay sida dakhsaha ah ugu baahdey waxaa loo nisbeyn karaa sida sahalka ah ee loo baran karo, ololihii horumarinta reer miyiga, Soomaaliyeyntii waxbarashadda iyo maamulka iyo weliba kaalintii qalabka warbaahinta.

Dhamaad

Qore: Axmed Haybe (Axmed Dawlo)
Xigasho: Doollo.com

Advertisements