بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

Su’aalo & Jawaabo
Ku Saabsan Anbiyada

Qaybtani waxaan Ku Soo Qaadan Doonaa
Nabiyullaahi Ciise (cs)

اَلسَّلَامُ عَلَيْكُم وَرَحْمَةُ اَللهِ وَبَرَكاتُهُ

إنَّ الْحَمْدَ لِلهِ نَحْمَدُهُ وَنَسْتَعِينُهُ وَنَسْتَغْفِرُهُ، وَنَعُوذُ بِاللهِ مِنْ شُرُورِ أَنْفُسِنَا وَمِنْ سَيِّئَاتِ أَعْمَالِنَا، مَنْ يَهْدِهِ اللهُ فَلاَ مُضِلَّ لَهُ، وَمَنْ يُضْلِلْ .فَلاَ هَادِىَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلاَّ الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَلا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنْتُمْ مُسْلِمُونَ}

{يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالاً كَثِيراً وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالْأَرْحَامَ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيباً}

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلاً سَدِيداً، يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزاً عَظِيماً}

:أما بعد

فإن خير الكلام كلام الله، وخير الهدي هدي محمد – صلى الله عليه وسلم-، وشر الأمور محدثاتها، وكل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلالة، .وكل ضلالة في النار

Inshaa Allaah maanta oo taariikhda Islaamka ah, 10ka bisha Ramadaan sanadka hijrada 1441 kuna beegay maalin Axad ah 03/May/2020 waxaan halkan ku soo gudbin doonaa su’aalo & Jawaabo ku saabsan Anbiyada Allaah iyo inta goor Qu’aanka Kariimka ah lagu xusay magacyadooda. Marka wixii aan asiibnay waa Ilaahay fadligii, wixii aan ku gafnayna waxaan rajeyheynaa in walaalaheena inagu baraarujiyaan Allena waxaan ka baryeenaa dambi dhaaf gaf keena iyo dunuubteena. Marka Inshaa Allaah Alle ha inaga dhigo kuwa ka faa’ideysto, ajar iyo xasanaadna inagu abaal mariyo anaga iyo waalidiin teena iyo dhamaan ummadda Islaamka meel walba ay dunida ku nool yihiin. Aammiin.

Ciise (cs)

سيدنا عِيسَى عليه السلام

Su’aal:

Waxaad sheegtaa inta goor ee Qur’aanka lagu xusay magaca Nabiyullaahi Ciise (cs)?

Jawaab:

Nabiyullaahi Ciise Qur’aanka Kariimka waxaa lagu xusay meelo badan, waxaana lagu xusay magaciisa ilaa iyo [14] goor.

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Haddana waxaan soo qaadan doonaa suuradaha iyo aayadaha lagu xusay magaca Nabi Ciise (Naxariis & Nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Waxaa lagu xusay magaca Nabiyullaahi Ciise Qur’aanka Kariimka dhexdiisa ilaa iyo 14 goor. Waxaan soo qaadan doonaa meelaha lagu sheegay magaciisa oo keliyah.

Inta Goor Qur’aanka Lagu Xusay

01Suuradda al-Baqarah Aayadda [87aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
02Suuradda Aali-Cimraan Aayadda [45aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
03Suuradda Aali-Cimraan Aayadda [52aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
04Suuradda Aali-Cimraan Aayadda [55aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
05Suuradda Aali-Cimraan Aayadda [59aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
06Suuradda an-Nisaa Aayadda [157aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
07Suuradda an-Nisaa Aayadda [163aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
08Suuradda an-Nisaa Aayadda [171aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
09Suuradda al-Maa’idah Aayadda [110aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
10Suuradda al-Maa’idah Aayadda [116aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
11Suuradda Maryam Aayadda [34aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
12Suuradda al-Axzaab Aayadda [7aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
13Suuradda As-Saff Aayadda [6aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer
14Suuradda As-Saff Aayadda [14aad]Waxaa lagu sheegay hal jeer

Gabagabo

Inshaa Allaah waxaa halkaan inagu dhammaaday tirada qur’aanka lagu sheegay Nabiyullaahi Ciise (عليه السلام). Waxaan rajeyheynaa in aan ka wada faa’ideysano, islamar ahaan taana waxaan ka codsanaa dhammaan walaalaha inagu xiran in ay inala soo xiriiraan haday wax qalad ah casharkan ku arkaan si aan u saxno. Jazaakum Allaahu khayran.

Waxaa idin soo diyaariyay:
Abuu Kalthuma (Wajibad)
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

La Soco Qaybta Xigta Waxaan Ku Soo Qaadan
Doonaa Nabi Luut (cs) hadduu Alle idmo…