Date: ‎Saturday, ‎16 ‎May, ‎2020
Hijrada 23-Ramadaan 1441

Waxaa wadanka Malaysia sharci la’aan soo galay wiil da’ yar oo shaqo doon ah magaciisana la oran jiray Nafiis Yacquub. Maalin maalmaha kamid asaga oo shaqo doon doonaya oo haddana baahan oo wuxuu cuni lahaa raadinaayo ayaa waxaa la kulmay Poliska wadan kaa, markaa ayay waxay weydiyeen wax waraaqo aqoonsi ah, wuxuuna ugu jawaabay (guriga ayaan kaga imid). Poliska inta ay kaxeeyeen ayaa waxay u qaadeen xabsiga si wadanka uu ka soo jeedo ee Thailand dib ugu celiyaan.

Nafiis Yacquub marka xabsiga la dhigay waxa uu dareemay kulayl aad u daran oo kaga imaanayay dhulka oo aan wax darin ah aanan oolin ama aanay fidsaneyn, isla markiiba waxa uu iska saaray shaar kiisa kadibna wuu ku fadhiistay. Markaa ayuu Nafiis waxa uu bilaabay in uu akhriyo Qur’aanka kariimka, asaga oo waliba ku akhrinaaya cod aad u macaan, markaa ayaa askari kamid ah poliska ilaalada xabsiga ayaa la dhacay cod kiisa macaan kadibna waxa uu ka qaaday video inta uu Qur’aanka akhrinaayo kadibna Social Media-ha ayuu geliyay sida Youtube iwm. Nafiis Yacquub sidaas ayuu wiil caan ah ku noqday oo dunida oo idil laga daawaday. Dadka ayaa waxaa soo jiitay cod kiisa macaan ee Qur’aanka uu ku akhinaayay.

Fadlan halkan garaac si aad u daawato Videoga…!

Nafiis Yacquub xabsigii waa laga soo saaray, kadibna wuxuu Imaam ka noqday Masjid weyn oo Malaysia ku yaala, waxaana ay reer Malaysia ku deeqeen hanti iyo maal fara badan. Waxa uu ku guuleystay bilado sharaf iyo abaal marino aad u qiibo badan. Wiilkaa yari hanti iyo maal Badan waxa uu asagan ku deeqay ummadda walaalaheen ee reer Rohinja qaxooti ah oo lagu xasuuqay wadanka Burma.

Walaal sida aan wada aragnay Mucjisada Qur’aanka Kariimka qofka Muslimka ah heerka uu gaarsiinayo. Waxaana lagu jiraa bil Ramadaan oo ah bisha Qur’aanka la soo dejiyay oo mudan in fiiro gaar ah loo yeesho lana badiyo akhrin tiisa ama dhageysigiisa, lana baadi goobo habeenkii qiimaha lahaa ee [Leylatul Qadriga]. Waxaana ku gudo jirnaa maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaanka, Ilaahay (swt) waxaan weydiisanaynaa in uu inaga xureeyo Naarta anaga iyo waalidiin teena iyo dhammaan ummadda Islaamka.

 

Waxaa Soo Diyaariay:
Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com