Su’aal iyo Jawaab

Barnaamajka Nolosha Iyo Islaamka

Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah (2)

Su’aal & Jawaab Diini ah

Naag Nin Keeda Hal Sanno Ka Maqnaa oo
Iska Fasaqday Kadibna Nin Kale Guursatay

Su’aal:

”Nin baa la waayay mudo ku dhow hal sanno kadib xaas kiisa wey iska fasaqday oo nin kale ayay guursatay dhowr bilood kadib ayaa nin kii hore yimid iyada oo naas tiisa ay uur leedahay, xaalad daasi sidee baa la yeelaya, naagta iyo ilmaha caloosha ku jira nin kee ayaa qaadan naaya?”

Jawaab:

Mas’alada ku saabsan ruux la waayay oo () la waayay wax horta (nas) ah oo quraan iyo xadiis ah oo ku soo arooray ma jirto, laakiin waxay ahayd dhacdo dhacday xiligii Khulufaa’u Raashidiin qaasatan xiligii uu Cumar Ibnu al-Khattaab (rc) oo muslimiinta xil kooda haayay ee khaliif ka ahaa ayay dhacday.

Ninkii Jinnka Dafay

Nin ayaa waxaa dhacday in la waayay, nin kaa (Jinn) baa dafay mudo afar sanno ah ayuu nin kaasi maqnaa, waqti kadib marka la waayay oo laga samray ayaa markaa kadib yimid.

War maxaa kugu dhacay oo aad reerka u dayacday ayaa la yidhi?

Markaas ayuu wuxuu yidhi; Jinn gaalo ah ayaa i dafay iyaga ayaan marka la noolaa, iyagii saan ula noolaa kuwa kale (Jinn) muslimiin ah ayaa soo weeraray ayaa dagaal ku soo qaaday, kadibna jinn kii gaalada ahaa ayaa laga adkaaday.

Nin kaan oo maxbuus ah oo meel ugu xidhay bey u yimaadeen oo qabteen, waxay ku yiraahdeen maxaad ahayd?

Wuxuu ku yidhi nin muslim ah ayaan ahay.

Xaggeed ka yimid?

Meeshaas magaala Madiina ayaan ka imid.

Jinn kii muslimiinta ahaa markaa ninkii waxay qiyaar geliyeen inuu kala doorto, in uu la noolaada iyaga iyo in ay ku celiyaan meeshii uu ka imaaday magaalada Madiina iney dib ugu celiyaan.

Waxaan ka codsaday buu yidhi in ay I celiyaan.

Sidii bey ku soo qaadeen magaalada Madiina ayay dib u keeneen, afar sanno kadib ayaa marka nin kii dib u soo laabtay. Xiligii Cumar (rc) bey dhacda daasi dhacday ee qisaduna waa qiso sugan, kadib meeshaas ayaa waxaa (ijtihaaday) Khaliif kii muslimiinta Cumar ibnu al-Khattaab (rc) oo wuxuu yidhi

Haweeneeyda nin keedii la waayay waa in afar sanno la sugo, afar taas sanno wixii ka dambeeyay haddii la waayo wey (cidda) tirsaneysaa, markey cidda da dhameysa na wey guursan neysaa. Haddii markaa kadib nin kii uu yimaado isla Cumar waxaa ka sugan, nin kaa gadaal ka yimid haweeneey diisii inta la fasaqay ee nin kale qabo, laba isaga ayaa u qiyaar leh kuu doono ayuu sameyn nayaa;

  1. In haweeneeyda loo furo oo ay cidda tirsato oo markaasi ay isagii dib ugu noqoto
  2. Iyo inuu sidaa isaga daayo oo nin kaa dambe u daayo oo markaasi isaguna mid kale iyo guur kale raadsado oo fara ka qaada na wuu heli karaa.

Laba daas ayuu qiyaar galiyay.

Sidaas daraadeed maqsuudka iyo ujeedada aan ka leeyahay waxa weeyaan, ruuxa la waayay (fatwa) taas oo kale waxaa leh Cuthmaan ibnu Caffaan (rc) khaliif kii Cumar ka dambeeyay waana mad-habka ay culimo badan ay qabaan. Sida saxda ah marka waxa weeye, waa in ugu yaraan afar sanno la sugo. Ruuxii nin kii haddii la waayo, xaas kii waa iney afar sanno sugto, afartaa sano wixii ka dambeeya ayey cidda tirsan kadib na wey guursaney markaasi.

Haddaba su’aashii haddaan dib ugu soo laabto, nin kani afar sanno ba lama sugin ee hal sanno markay joogtay ba nin bey guursatay, meeshaa marka wax baa ka qaldan, wey deg degtay, xiligii iyo mudadii na meyna sugin, fasaqa saa ku dhacay na waa fasaq inta () cilmiga mas’alada ku soo aroortay aan arkay oo qaldan aan waqti giisii aan la gaadhin, sidaas daraadeed fasaqu waa qaldan yahay, guurka dambe ee ninka ay guursatay na waa qaldan yahay.

Laakiin ilmaha uurka ku jira asagu waa ilmo sharci ah oo sharci ku dhashay, maxaan u leenahay, waxaan u leenahay saan marar fara badan ba tilmaamnay, ilmaha uurku ku jira inuu ilmo sharci noqdo aabahii ku ab tirsado waxay u baahan tahay oo keliya iney labadaan ruux markey kulmayeen oo sariirta ku kulmayeen iney rumeys naayeen iney xalaal isu yihiin.

Haddii ay sidaa ku kulmaan ilmuhu sidaas ayuu abtirka ku qaadan nayaa ilmo sharci ahna ku noqon nayaa, markaa kadib haba cadaato in kulan kooda uu qaldanaa oo guur koodu qaldanaa oo si arag goodu qaldanaa haba cadaato dib haka cadaato, laakiin hadday ba niyadaa ku kulmeen oo dad xalaal oo shareecada isu xalaaleysay isu haysteen ilmuhu mar walba wuxuu noqon nayaa ilmo sharci ah.

Ilma haasi marka waxa weeyaan abtirka aabihii buu qaadan nayaa, haween taa sida qalad kaa sameysay na nin keedii hore ayay ku mehersan tahay oo xaas u tahay, ilmaha markay dhasho wey cidda tirsan neysaa kadibna nin keedii hore ayay xaas u tahay kan dambe na waxaa la leeyahay meesha isaga bax ilma hiisana isaga ayaa iskaleh.

Wa Allaahu Aclam.

ان شاء الله تعالي

Qaladaadka Inagu Baraarujiya Si aan u Saxno

Fadlan: wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

2 Deco

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Decorative Lines

Qalinkii Abuu Kalthuma 1

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com